Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKA LIBIYA: 55-DHIMASHO.146-DHAAWAC.

(SAWIRKA)-DAGAALKA KA SOCDO CAASIMADA LIBIYA EE TRIPOLI.

(TRIPOLI)-Caasimadda dalka Libiya ee Tripoli ayaa waxaa ka dhacay iska horimaadkii ugu xumaay uguna djimashada badnaay sannadkan 2023-ka,waxaane ku geeriyooday 55-qofood waxaane ku dhaawacmay 146-qofood sida ey sheegeen goobaha caafimaadka ee dalka Libiya maanta oo Arbaca ah. Dagaalka ayaa soo bilawday habeenimadii Isniinta waxa uuna soo gaaray ilaa shalay oo Talaada ahayd,dagaalka ayaa ah mid u dhexeeyo Guutada 444-daa oo raacsan xukuumadda fadhigeedu yahay caasimada Tripoli iyo xoogaga Al-Radaac,labadaan kooxood ayaa haysto maleeshiyaad fara badan oo u dagaalamo waxa eyna isku hayaan talada dalka Libiya tan iyo markii xukunka laga riday Col.Macamar AL-Qadaafi sannadkii 2011-kii.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA MA NOQON DOONTAA GOOB EY KU DAGAALAAN RUUSHKA IYO MARAYKANKA?

(SAWIRKA)-BAABUURTA MARAYKANKU U DIRAY DALKA SURIYA.

(SYRIA)-Dalka Suriya waxaa ku sugan ciidamo kala gedisan kana kala socdo caalamka,ciidamadaan ayaa soo galay dalka Suriya ka dib markii uu halkaasi ka dilaacay ururka Daacish/ISIS,ururkaan ayaa sabab wax uu noqday in xoogag ajnabi oo leh dano iska oo horjeedo ey soo galaan dalka Suriya kana sameeyaan wax alle waxa ey doonaan. Dalalka Maraykanka uu hogaaminaayo ee dalka Suriya ku soo galay waxa aan la dagaaleyn kooxda Daacish/ISIS waxa ey weli ku sugan yihiin dalka Suriya gudahiisa gaar ahaan halka laga soo saaro shidaalka dalka Suriya,dhinaca kale waxa ayagana ka soo jeedo Ruushka iyo Turkiga oo lidi ku ah kooxaha uu taageero Maraykanka waxa eyna u aqoonsan yihiin Argagixiso,waxaane marar badan dhacday in isku dhac uu ku yimaado ciidamadda Ajnabiga dhexdooda. Ciidamadda Maraykanka ka joogo dalka Ciraaq ayaa waxa ey dalka Suriya soo geliyeen shalay oo Isniin ahayd baabuur dagaal oo gaareyso ilaa 50-baabuur si ey ugu xoojiyaan ciidamadooda jooga bariga Suriya halkaaso ey ku xoogana yihiin xoogaga mucaaradka ku ah dalka Turkiga kalana ah YPG/PKK.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUKUN IYO GANAAX LAGU RIDAY SHIRKADA BIN LADIN.

(SAWIRKA)-DHISMIHII SOO DUMAY EE XARAMKA.

(RIYAD)-Sideed sano ku dhawaad ayaa laga joogaa kuna beegneed Jimco-11/9/2015-kii markii uu soo dumay qeyb ka mida Xaramka Makkah,shilkaan ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaarayo 111-qofood waxaane ku dhaawacmay 209-qofood oo kale,sida ey sheegeen hayadaha amniga Sacuudiga shilkaan ayaa waxaa sababay dabaylo xoog badan oo ku dhuftay dhismaha Xaramka Makkah,dabaylaha ayaa ku socday xawaare dhan 80KM/saacadii. Dacwadaan ayaa soo socotay in mudda ah waxaane xukun horay ugu riday maxkamada Racfaanka ee dalka Sacuudiga laakinse waxaa hadda xukunkaas ayiday maxkamada Sare ee dalka Sacuudiga,waxaane shirkadda dhistay dhismaha soo dumay lagu ganaaxay lacag dhan 20-kun Riyaal Sacuudi. Maxkamada ayaa xukun ku riday sideed agaasime,Madax Waaxeedyo,Madax fulin iyo Eng.kuwaaso lagu wada xukumay min seddex sano oo xarig ah

ISHA/GAZETTE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KOOXAHA KIRISHTAANKA LIBNAN OO KU BAAQAY…

(SAWIRKA)MALEESHIYAADKA DALKA LIBNAAN

(BEIRUT)-Hogaamiyeyaash ugu sareeyo kooxaha haysto diinta Kirishtaanka ee dalka Libnaan ayaa xukuumadda ugu baaqay in la xakameeyo hubka maanta oo Axad ah maalin uun ka dib markii uu dhacay iska horimaad dad ku dhinteen una dhexeeyey koox Kiristaan oo joogay tuuladooda iyo koox si aad ah u hubaysneed kana tirsan ururka Xizbullah ey taageerto dawladda Iraan,dagaalka ayaa yimid ka dib markii baabuur qaada xamulka oo siday rasaas ey iska leeyihiin maleeshiyaadka Xizbullah uu ku gadoomay tuulada ey ku sugnaayeen Kiristaanka. Xubno ka socday ururka Xizbullah iyo Kiristaanki deganaay tuuladda ayaa is dilay maalintii Arbacada ee la soo dhaafay waxa eyna isdhaafsadeen rasaas gudaha tuuladda Kahaleh una dhaw caasimadda Beirut,dagaalka ayaa yimid ka dib markii uu gadoomay gaari xamuulka qaada oo siday rasaas ey iska leeyihiin ururka Xizbullah markii uu maraayey aaga tuuladda ey degan yihiin Kirishtaanka.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAEL OO WEERARTAY DIMISHIQ.

(SAWIRKA)-CAASIMADDA DIMISHIQ.

(DIMISHIQ)-Qarax aad u xoogan ayaa laga maqlay goob ey gentaalo ku keydsadaan maleeshiyaad ey taageerto dawladda Iraan bariga caasimadda Dimishiq ee dalka Suriya,sidaas waxaa sheegtay koox la socoto dagaalka dalka Suriya. Dadka degan gobolka caasimadda Dimishiq ayaa maqlay Qaraxa kaaso ka yimid maqaasiin ey iska leeyihiin maleeshiyaad ey taageerto Iraan kuna sugnaay aaga buuraha ku yaalo bariga caasimadda Dimishiq,sidaas waxaa sheegay koox fadhigeedu yahay Ingiriiska lana socoto xaaladda dalka Suriya una dooda xuquuqda dadka lehne shabakad la isku haleyn karo warkeeda kana hawlgasha gudaha dalka Suriya.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARAATKA CARABTA IYO CIRAAQ OO WADA HADLAY.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA IMAARAAT CARABTA IYO REYSAL WASAARAHA CIRAAQ.

(ABU DABAI)-Madaxweynaha dalka Isutaga Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan iyo Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Al-Sudani ayaa ka wada hadlay xiriirka labad iyo sidii loo sii balaarin lahaay ka dib markii ey kuwada hadleen khadka Telefoonka maanta oo Sabti ah,sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda wararka dalka Imaaraatka Carabta. Labada hogaamiye ayaa dib isula eegay jiritaan aaga iskaashi una dhexeeyo dalalka Ciraaq iyo Imaaraatka Carabta iyo fursadaha kale ey labada dal iska kaashan karaan,sidoo kale,waxay labada masuul is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka Bariga dhexe iyo kuwa caalamka,waxa eyna labada dal xaqiijiyeen iney xoojin doonaan isdhaafsiga danaha labada dal Ciraaq iyo Imaaraatka Carabta iyo kor u qaadida deganaanshaha gobolka Khaliijka.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA: DAACISH AYAA DISHAY 33-ASKERI.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA SURIYA.

(SYRIA)-Dalka Suriya waxa uu ka mid yahay dalalka Carbeed uu saameyey kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta 2011-kii,Suriya ayaa waxaa ka jiro kooxo kala duwan iskana soo horjeedo waxa eyna isku heystaan sidii ey u xukumi lahaayeen dhulka ayaga ku hareereysan amaba u dhaw. Dhalashadii Ururka Daacish waqtigii uu socday dagaalka dalka Suriya ayaan ahayn mid aan la mahadin waxaane ka dhashay waxyaabo ey ka mid yihiin xulafo reer galbeed ah uuna hogaaminaayo dalka Maraykanka iney soo gasho dhulka Suriya,xulafadaan ayaa weli waxa ey ku sugan yihiin gudaha dalka Suriya waxa eyna ka sameeyaan hawlgalo militeri oo socdo ilaa hadda. Kooxda Daacish ee dalka Suriya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ey weeraro gaadmo ah ku qaadayeen ciidamadda Suriya,weerarkii ugu dambeeyey ayaa waxaa ku dhintay 33-askeri kana tirsan ciidamadda dawladda Suriya.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOON KU GADOONTAY BIYAHA TUNISIYA.

(SAWIRKA)-DOONTII GADOONTAY.

(TUNIS)-Doon ey saarnaayen tahribayaal dhan 20-tan tahriibe ayaa waxa ey doontu kula gadoontay xeebaha dalka Tunisiya maanta oo Sabti ah,doonta gadoontay ayaa waxaa ku dhintay laba qofood oo tahriibayaal ah waxaane la la’ayahay shan kale oo tahriibayaal ah sida ey sheegtay xukuumadda Tunisiya. Kooxda ilaaladda xeebaha dalka Tunisiya ayaa soo badbaadiyey 13-tahriibayaal xeebaha Gabes ee gacaka Gabes,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay ilaaladda xeebaha dalka Tunisiya.

ISHA/AA.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA: 25-ASKERI WAA LA DILAY,15-KALANE WAA DHAWAC.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA SURIYA.

(SYRIA)-Tan iyo sannadkii 2011-kii dalka Suriya waxaa ka jiray dagaal u dhexeeyo xoogag kala duwan kuna wada sugan gudaha dalka Suriya,xoogagaan ayaa mid walba wataa ajandihiisa u gaarka ah waxa uuna ku daaban yahay dal shisheeye,Suriya waxaa intaas u dheer iney ka jiraan kooxo Argagixisa ah sida Daacish oo aad ugu xoogan gudaha dalka Suriya,Al-Qaacida oo ayadana qeyb ka ah dagaaladda ka socdo dalka Suriya,hadaba weerar dhacay maanta oo Jimca ah(11/78/23)-ka ayaa waxaa lagu dilay 25-askeri kana wada tirsan ciidamadda dalka Suriya waxaane isla weerarkasi lagu dhaawacay 15-kale oo isla askarta ah,weerarka ayaa waxaa gaystay rag ku hubaysnaay RBG iyo qoryaha fudud waxa uuna ka dhacay weerarka magaalada Mayaadiin ee tuulooyinka gobolka Diira-Azuur-ta bari ee bariga dalka Suriya.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUKUUMADDA YEMAN OO EDEYN U JEEDISAY…

(SAWIRKA)-WASIIR MUCAMAR.

(YEMAN)-Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada ee (UNDP) kana hawlgasha dalka Yeman ayaa dhibaato ka dhex abuurtay Xukuumadda Yeman ee uu caalamku aqoonsan yahay iyo koox u dooda Xuquuqda dadka ka dib markii Xafiiska UNDP-da Sanca uu gacanta ka saaray Xuutiyiinta lacag dhan $750-kun oo doolarka Maraykanka ah,lacagtaan ayaa loogu talagalay in wax looga qabto Miinooyinka dhulka ku aasan iyo waxyaabaha kale ee dhibaateeyo dadka shacabka ah. Arrintaan uu ku kacay xafiiska UNDP-da Sanca ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Warfaafinta dalka Yeman Mucamar Al-Eryaani waxa uuna ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin xadgudubna ku ah jiritaan dalka Yeman mana ka tarjumayso ayuu yiri Wasiir Mucamar dhabta ka jirta dhulka Yeman,waxaane tixgelin la’aan uu ku tilmaamay nolosha dadka Yeman ee maalin walba ku dhimanaayo Miinooyinka ey Xuutiyiintu dhigaan wadooyinka goboladda Yeman.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: QARAX LAGU DILAY SARKAAL SARE.

(SAWIRKA)-CABDILADHIIF AL-SAYED.

(SANA’A-YEMAN)-Taliye ka tirsan Militeriga dalka Yeman qeybna ka ahaay la dagaalanka kooxda Al-Qaacidda kana hawlgasha dalka Yeman in ka badan toban sano ayaa ku dhintay qarax ey kooxda Al-Qaacidda dhigtay wadada koonfurta dalka Yeman maanta oo Khamiis ah. S/G.C/ladhiif Al-Sayed ayaa ka tirsanaay ciidamadda uu tababaray dalka Imaaraatka Carabta loona yaqaano”Security Belt Forces”kana hawlgala Gobolka Abyan ee dhaca koonfurta Yeman. Al-Sayed ayaa in mudda ah waxaa uu qeyb ka ahaay ladagaalanka Al-Qaacidda waxa uuna ku jiray sarakiisha safka hore ee la dagaalanka Argagixisada dalka Yeman.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBNAN: WASIIRKA G/DHIGA OO KA BADBADAY DIL.

(SAWIRKA)-WASIIR MAURICE SELIM.

(BEIRUT)-Wasiirka Gaashaandhiga dalka Libnaan Maurice Selim ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu ka badbaaday isku day dil qorsheysnaay oo la rabay in lagu khaarijiyo Wasiirka gudaha caasimadda Beirut,sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta gudaha dalka Libnaan. Isku dayga dil ayaa ka dhacay aaga Buundada Al-Baasha ka dib markii nin hubaysan oo aan la aqoonsan uu rasaas ku furay gaarigii uu la socday Wasiirka,waxa eyna rasaasta meelo kala duwan uga dhacday gaariga Wasiirka la socday,warbaahinta gudaha Libnaan ayaa soo wariyey in Wasiirku Badqabo kuna sugan yahay goob amaan ah,mana jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinaca xukuumadda Libnaan.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KUFSI LAG SOO SHEEGAY DALKA SUDAAN.

(SAWIRKA)-BARAKACAYAASHA SUDAN.

(SUDAN)-Dagaalka dalka Sudan ee soo bilawday 15/4/23-ka ayaa hadda waxa uu marayaa meeshiisi ugu xumeed waxaane la soo sheegayaa in Gobolka Daarfuur uu hadda ka jiro Kufsi ba’an eyna gaysanayaan ciidamadda Janjawiid ee uu hogaamiyo Xumaydeyti,dagaalka oo ku fiday qeybo badan oo dalka ah ayaa sababay in dumar fara badan la fara xumeeyo maalmihii la soo dhaafay,waxaane arrintaan la gaarsiiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay maanta oo Arbaca ah.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL KA DHACAY LIBNAN.

(SAWIRKA)- CAASIMADDA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Laba qofood ayaa la soo sheegay iney dhimatay maanta oo maanta oo Arbaca ah ka dib markii ey dagaalameen xubno ka tirsan ururka hubaysan ee Xizbulah iyo dad Kirishtaan ah oo degan magaaladda Kahaleh,dadka Kirishtaanka ayaa hareereyey baabuur kuwa xamuulka qaada ah,sidaas waxaa wakaaladda Reuters u sheegay ila wareedyo dhinaca amniga ah. Baabuurka xamuulka ayaa ku gadoomay buur u dhaw magaaladda Kahaleh galabnimadii maanta dadka degaanka ayaana xiray wadada uu ka dhacay shilka,waane sida uu ku bilawday iska horimaadka dadku dhinteen.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA UU KA BAXAY SARKAAL SARE.

(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY YEMAN.

(YEMAN)-Sarkaalkii labaad oo ka tirsan ciidamadda cirka ee Xuutiyiinta ayaa la rumaysan yahay inuu u geeriyooday dhaawac soo gaaray ka dib markii uu la kulmay qarax aad u xoogan kaaso lagula beegsaday goob u dhaw saldhig ey maamulaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta bartamaha Gobolka Ma’arib todobaadkii tegay. Xuutiyiinta ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay in G/sare Maxamed Xuseen Saalax Al-Xamasi ahaayne taliyihii hore ee Guutada difaac cirka ee ciidamadda dalka Yeman inuu geeriyooday laakinse Xuutiyiinta ayaan cadayn sida iyo meesha uu ku geeriyooday G/sare.Al-Xamasi.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SYRIA: SICIRKA DAAWADA OO 50% KOR U KACDAY.

(SAWIRKA)-HOOYO DAAWO U DOONATAY FARMASHIGA.

(SYRIA)-Dawladda Suriya ayaa go’aansatay iney kor u qaado sicirka daawoyinka boqolkiiba konton(50%),sidaas waxaa sheegay madaxa Ururka Farmashiyeyaasha magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq maanta oo Talaada ah,dhinaca kale waxaa hoos u dhac uu ku yimid sarifka lacagta dalka Suriya. Madaxa Ururka Farmashiyeyaasha Dimishiq Xasan Derwan ayaa sheegay sababta keentay in kor loo qaado sicirka daawadda (50%) mar uu waraysi siinaayey Wargayska maalinlaha ah ee Al-Wadan ee gacan saarka la leh xukuumadda Suriya,horaantii sannadkan ayey ahayd markii sicirka daawada kor loo qaaday 50% ilaa 80%.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KOOXDA DAACISH OO ASKAR KU DISHAY…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA SURIYA.

(SYRIA)-Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ayaa gudaha dalka Suriya waxa ey ku dileen toban dagaalyahan oo ka tirsan maleeshiyaadka taageero xukuumadda Suriya kuwaaso ka dagaalama waqooyiga magaaladda Raqah,sidaas waxaa laga soo xigtay koox Ingiriis ah saldhigne ku leh dalka Suriya. “Dagaalyahanada Daacish ayaa weeraray saldhig iyo bar koontarool ey iska leedahay xukuumadda Suriya waxa eyna dab qabadsiiyeen baabuur uu ciidanka Suriya iska lahaay iyo dhismo ey deganayeen ciidamadda”sidaas waxaa sheegay koox u dooda xuquuqda dadka Suriya isla markaasne korjoogtaysa dagaalka dalka Suriya,waxay intaas ku dareen inuu dagaalka dhacay shalay galab oo Isniin ahayd,waxaane ku dhaawacmay dagaalkaasi lix askeri kuwaaso qaar ka mida ey aad u liiato xaaladooda caafimaad.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XERADA QAXOOTIGA CEYN XILWA MAXAA KA JIRA?

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA LIBNAAN BASAAM.

(BEIRUT)-xerada Qaxootiga ee dadka reer Falastiin ee Ceynul Xilwa eyna horay uga dheceen dagaalo ey ku dhinteen dad fara badan eyna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan,dagaalkan ayaa waxaa ku burburtay hanti fara badan ey iska lahaayeen dadka Qaxootiga ah. Wasiirka arrimaha gudaha dalka Libnaan Basaam ayaa waxa uu ka hadlay dagaalkaka ka dhacay xerada Qaxootiga ee Ceynul Xilwa waxa uuna sheegay in amniga Xerada yahay mid aad muhiim ugu ah xukuumadda uu ka tirsan yahay,Ceyn Xilwa waxaa si wadajir ah u wada joogo kooxo reer Falastiin ah oo si aad u hubaysan fikir ahaane kala duwan,waane ayaga kuwa si joogta ah isu fara saaro.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BADDA TUNISIYA OO TUFTAY MEYDAD CUSUB.

(SAWIRKA)-MEYDAD LAGA HELAY XEEBAHA TUNISIYA.

(TUNISIA)-Dalalka Libiya iyo Tunisiya ayaa noqday wadamadda ey ka soo tahriibaan dadka ugu faraha badan ee ka yimaado Qaaradda Afrika gaar ahaan dhulka Saxaha ka hooseeyo,maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa muran ba’an uu ka dhex taagnaay dalalka Libiya iyo Tunisiya waxa eyna isku haayeen dad tahriibayaal ah ee la soo dhoobay xuduuda labada dal. Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa meydad hor leh oo gaaraay ilaa todobo meyd waxaa laga helay xeebaha dalka Tunisiya ka dib markii muujadaha badda ey soo xaaqeen,meydadkaan ayaa loo malaynaa iney ka yimaadeen doon ku gadoontay xeebaha dalka Talyaaniga.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIX ASKERI OO LAGU DILAY SURIYA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA SURIYA.

(SYRIA)-Dalka Suriya ayaa waxaa ka dhacay weerar lagu dilay lix askeri oo ka tirsan ciidamdda dawladda Suriya shalay oo Axad ahayd,weerarkaan ayaa ka dhacay Waqooyi-Bari dalkaasi halkaasi ey deganaayeen ciidamadda la weeraray,sidaas waxaa soo sheegay ciidamadda Mucaaradka dalka Suriya. Askarta lagu dilay weerarka ayaa waxaa ka mid ah laba sarkaal waxaane la dhaawacay laba kale ka dib markii ey dheceen seddex weerar oo isku xiga,weeraradaan ayaa waxaa qaaday kooxda xagjirka ah (Hayat Taxriir Al-shaam),waxaane sidaan laga soo xigtay koox reer Suriya ah lana socoto xuquuqda dadka reer Suriya.

ISHA/ARAB.

HAKAAN KA SI AKHRISO.

Read More