Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO UGU DEEQAY YEMAN…

(SAWIRKA)-WASIIRKA MAALIYADDA YEMAN IYO SAFIIRKA SACUUDIGA.

(ADEN-YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu weli la daalaa dhacayaa dagaal sokeeye waxaane intaas u dheer in lacagtii dalka Yeman uu lahaay ey si aad ah hoos ugu dhacday waqtiyadaan dambe waxa eyna gaartay in halkii doolar oo Maraykan ah lagu sarifo 1,500-Riyaalka Yeman ah. Dhaqaale xumida dalka Yeman eyna u dheer tahay dagaal aan dhammad lahayn ayaa hadda waxaa ugu sii darsamay dhibaato dhinaca korontada ah gaar ahaan halka ey degan tahay xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee magaaladda Cadan koonfurt dalka Yeman,heerkulka Cadan ma aha mid caadi ah waqtiyada kulaylaha mana jirto cid ku noolaan karta koronto la’aan magaaladda Cadan. Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa dalka Yeman waxa uu ugu deeqay dhaqaale dhan 1.2-Milyan oo doolarka Maraykanka ah waxaane maanta gacanta laga saaray Wasiirka Maaliyadda ee dalka Yeman gudaha magaaladda Cadan,lacagtaan ayaa la sheegay in loo isticmaalo doono bixinta Mushaaradka shaqaalaha dawladda Yeman,Biyaha iyo Korontada dib u hagaajintooda.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOLAHA SARE EE LIBIYA OO DOORTAY HOGAAN…

(SAWIRKA)-MADAXWEYNIHII HORE EE GOLAHA SARE EE DALKA LIBIYA KHALID MASHRI.

(TRIPOLI)-Xubnaha Golaha sare ee dalka Libiya ayaa maanta oo Axad ah doortay Maxamed Takalah inuu noqdo Madaxweynaha Golaha Sare ee dalka Libiya isaga oo bedeli doono Khalid Al-Mashri,Maxamed Takalah ayaa helay codad dhan 67-cod halka uu Khalid helay 62-cod wareegii labaad,waxaane iney codeeyaan loo diiday laba xubnood,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda wararka Reuters. Hogaanka Golaha sare ee dalka Libiya ayaa waxaa u tartamay afar Musharax kalana ah”Khalid Mashri,Maxamed Takalah,Naaji Mukhtaar iyo Naciima Al-xaami”,waxaa kaloo isla goobta lagu doortay laba ku xigeen,ku xigeenka koobaad sida caadiga ah waxaa iska leh reer koofurka ah waxaane u tartamaayo “Mascuud Cubayd,Dahir Makni,Maxamed Al-hadi,Maama Suleymaan iyo C/mudhalib Baqsi”,ku xigeenka labaad ayaa waxaa tartamaayo lix qofood kalana ah”Najaah Sharafudiin,C/fataax Xamluus,Cali Al-suweeylax,Axmed Yacquub,C/lah Jawaan iyo Balqiis Dabraz”. Golaha sare ee dalka Libiya ayaa la aas-aasay Disembar-2015-kii waxaane madax ka soo noqday C/raxmaan Al-suweylaxi waxa uuna C/raxmaan hogaanka ku guulaystay laba jeer oo isku xigta ka dib waxaa ka adkaaday Khalid Al-Mashri oo xilka soo haayey afar xili oo isku xigta.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO LIBNAAN KALA BAXAAYO DADKIISA,SABABTA?

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA AMAANKA DALKA LIBNAAN.

(SAUDI ARABIA)-Safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee dalka Libnaan ayaa mawaadiniinta Sacuudiga ugu baaqday iney isaga baxan dalka libnaan sida ugu dhaqsiyaha badan iyo ineysan tegin goobaha ey ka socdaan iska horimaadyada hubaysan,waxa eyna Safaaradda Sacuudiga ka dalbatay Xukuumadda Sacuudiga in xayiraad lagu soo rogo Mawaadiniinta Sacuudiga ee u safaraayo dalka Libnaan. Sababta keentay arrintaan ayaa lagu sheegay iney tahay dagaalka ka soo cusboonaaday Xeradda Qaxootiga reer Falastiin ee Ceyn xilwa 29/7/23-ka.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYARADAHA RUUSHKA OO DAD SHACABA KU DILAY…

(SAWIRKA)-BURBURKI SOO GAARAY DHISMAYASHA SHACABKA.

(IDLIB-SYRIA)-Seddex qofood oo shacab ah ayaa ku geeriyooday weerar dhinac cirka ah ey qadeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka maanta oo Sabti ah waxaane weerarka lagu qaaday tuulo ku taalo Waqooyi-GALBEED dalka Suriya,sidaas waxaa laga soo xigtay ila wareedyo maxali ah. Laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah lagana leeyahay dalka Ruushka ayaa ka soo duuulay saldhiga ciidamadda cirka ee Khameimim kuna taalo Latakiya saacadu markeey ahayd 10:50-subaxnimo waqtiga dalka Suriya waxa eyna qaadeen afar weerar oo dhinaca cirka ah kuna qaadeen tuulada la beegsaday,sidaas waxaa sheegay mucaaradka Suriya ee korjoogteeyo weerarada ey gaystaan diyaaradaha Ajaanibta ee ka hawlgala dalka Suriya.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL WELI KA SOCDO XERADA CEYNUL XILWA.

(SAWIRKA)-DADKII KU DHAAWACMAY XABADIHII KA SOO WIIFAY XERADA QAXOOTIGA CEYNUL XILWA.

(LIBNAN)-Xeradda Qaxootiga ee reer Falastiin kuna taalo dalka Libnaan ee Ceynul Xilwa ayaa maalmihii dambe waxaa ka socday dagaal u dhexeeyo Falastiiniyiinta wada degan xerada Qaxootiga, fikradaha ey kala aaminsan yihiin kooxaha reer Falastiin ayaa u sabab ah dagaalka soo laba kacleeyey ee ka dhacay xeradda Ceynul Xilwa. Xabadaha firirka ah iyo kuwa wiiftada ah ayaa dad shacab ah waxa ey ugu tageen guyahooda dadkaasi ayaa hadda lagu daaweynaayaa isbitaaladda dalka Libnaan.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

JARMALKA OO XABSIGA DHIGAY…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA AMAANKA JARMALKA.

(GERMANY)-Hayaddaha amniga ee dalka Jarmalka ayaa xabsiga u taxaabay maleeshiyaad taageersan Madaxweynaha Suriya Bashaar Al-Asad,maleeshiyaad la qabtay ayaa lagu tuhmaa iney gaysteen tacadiyo fara badan waqtigii uu scoday kacdoonkii looga soo horjeedaya xukunka Bashaar Al-Asad sannadki 2011-kii. Dadka la soo qabtay ayaa loo hasytaa iney galeen dembiyo lidi ku ah bani’adanimada eyna mid yihiin Jirdil iyo Koronto lagu qabtay dadka maxaabiista ah.

ISHA/ARABIC.

HALKAAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXAA KALA HAYSTA SACUUDIG,KUWEYT IYO IRAAN?

(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHA KUWEYT IYO SACUUDIGA.

(RIYAD)-Horaantii sannadkan-2023-ka waxaa heshiis wada gaaray dalalka Sacuudiga iyo Iraan,heshiiska ayaa noqday mid mira dhal ah wxaane dib u soo laabtay xiriirkii siyaasadeed ee labada dal kaaso kala go’onaay muddo todoba sano ah,dalka Yeman oo ey isku hayaan koox ey taageerto Iraan(Xuutiyiinta) iyo dawlad caalamku aqoonsan yahay ayaa dagaalkoodii laga gaaray wax yar oo heshiis ah waxaane taasi u sabab ah heshiiska ey wada gaareen dalalka Sacuudiga iyo Iraan. Dalalka Sacuudiga iyo Kuweyt ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay inaan lala wadaagin lahaanshiyaha dhulka uu ku jiro Gaaska ee lagu muransan yahay,dhulkaan ayaa waxa sheegayaneyso dawladda Iraan waxaane sii kordheysa colaad ka dib markii dalka Iraan uu handadaad ku bixiyey inuu ceyrin doon shirkadaha Gaaska ka so saaraayo dhulka lagu muransan yahay. Dhulka laga helay Gaaska ayaa magacyo kala duwan waxaa looga yaqaan seddexda dal ee isku haayo lahaanshiyaha dhulkaasi dalka Iraan waxaa looga yaqaanaa Arash halka Sacuudiga iyo Kuweyt looga yaqaano Dorra.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CUNSURIYADDA SHACABKA TURKIGA OO TIMID BANAANKA.

(SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA TURKIGA.

(ANKARA)-Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara waxaa ku yaalo dhismayaal ey degan yihiin Safaaradaha Ajnabiga eyna ka mid tahay Safaaradda dalka Yeman,shacabka Turkiga oo culays badan uu uga yimid Qaxootiga kaga soo jabay dalalka Afgaanistaan,Suriya iyo wadamadda kale ee Turkiga la deriska ah taasine waxa ey sababtay in shacabka Turkiga la daaalaa dhacaan dhibaatooyin dhaqaale iyo mid amni. Horay ayey Soomalida joogta dalka Turkiga uga cawdeen in la cunsuriyeeyo laguna dhibaateeyo dalka Turkiga gudihiisa,hadaba sheekadu waa ey ka soo gudbtay Soomaalida joogto dalka Turkiga waxa eyna taabatay shacabka reer Yeman ee halkaasi ku nool,waxaa dhacday in qoys Turki ah ey isugu tageen dileena wiil Yemani ah ka dib markii ey murmeen wiil u dhashay Turki,waxa halkaasi ka dhacday ceeb aad u weyn una soo hoyatay dawladda Turkiga waayo wixii ku dhacay Yemaniga waxa lagu faafiyey baraha bulshada nuucyadooda kala gedisan.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUDIGA: NIN KA SOOMAY CUNTADA.

(SAWIRKA) SHIICADA LAGU DILAY QATIF-2011-KII

(RIYAD)-Nin u dhashay dalka Boqortooyada Sacuudiga(Sacuud Al-Faraj) laguna xukumay dil toogasha ah markii uu ka qeybgalay banaanbax looga soo horjeedo xukuumadda Sacuudiga sannadkii 2011-kii, ayaa bilaabay inu ka soomo cuntada ka dib markii loo diiday inuu awood u yeesho la kulanka garsoorayaasha dadweynaha si looga qaado xukunka dilka ah ee lagu xukumay,sidaas waxaa hayadaha xuquuqda u sheegay ilo wareedyo ku sugan gudaha dalka Sacuudiga.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WFP OO YEMAN KA JOOJISAY…

(SAWIRKA)-NAFAQA XUMIDDA HAYSATA CARUURTA DALKA YEMAN.

(YEMAN)-Hayadda cuntada adduunka ee Qaramada Midoobe(WFP) ayaa go’aansatay iney joojiso barnaamijkeeda Nafaqeynta ey ka waday dalka Yeman bishaan Agoosto-23-ka,sababta ugu weyn ee loo joojiyey barnaamijkaan ey ka faa’iidayeen caruur fara badan oo Yeman ah ayaa lagu sheegay inaan loo hay dhaqaale ku filan oo lagu fuliyo,balse waxaa jira warar kale oo sheegaayo in xukuumadda Yeman ey ku guuL daraysatay iney cadaaladda hor keento shaqsigii dilka u gaystay sarkaalkii ka tirsanaay hayaddda cuntada adduunka(WFP) degaanka Turba ee gobolka Tics.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA SWEDEN OO LAGU GUBAY KITAABKA QURAANKA.

(SAWIRKA)-CIRAAQIGA GUBAY KITAABKA QURAANKA.

(SWEDEN)-Wararka ka imaanaayo dalka Sweden ayaa sheegaayo in maanta oo ah Isniin 31/7/23-ka in mar kale lagu gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah wejiga hore ee Baarlamaanka dalka Sweden ee caasimadda Stockholm. Salwaan Mumaki oo ah nin Qaxooti reer Ciraaq ah balse aan Muslim ahayn ayaa jarjaray Kitaabka Quraanka Kariimka ah,kuna istaagay dabadeedne dab qabadsiiyey,Salwaan ayaa sidaan oo kale waxa uu sameeyey bishii Juun-23-ka Masaajid ku yaalo caasimadda Stockholm hortiisa.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL CULUS OO KA DHACAY…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA AMAANKA DALKA MASAR.

(QAHIRA)-Dhammaadkii todobaadkii tegay ayaa dalka Masar waxaa ka jir iska horimaad u dhexeeyo kooxo xagjira ah iyo ciidamadda amaanka dalka Masar,dagaalka ayaa ka dhacay Gobolka Siinaay Waqooyigiisa waxaane halkaasi ku dhintay ciidamada amaanka iyo kooxihii soo weeraray. Weerar ey kooxaha xagjirka ah ey soo qaadeen maanta oo Isniin ah ayaa waxaa ku dhintay saraakil iyo askar ka wada tirsan ciidamadda amniga dalka Masar,waxaane kor u kacay tirada dhimashada ee ciidamadda gaarka ah ee Masar waxaane ka mid ah afar sarkaal ka dib markii uu dhacay iska horimaad hubaysan kana dhacay meel u dhaw halka ey degan yihiin ciidamadda amaanka ee magaaladda Cariish ee Waqooyiga gobolka Sinaay,sidas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka ee Associated Press(AP). Dagaalka ayaa socday muddo sideed saac ah waxa uuna bilawday todobada subaxnimadii waxa uuna soo gaaray seddexdii galabnimo,dagaalka ayaa sababay iney go’aan korontada iyo internet-ka ee magaaladda Cariish,meydadka la geeyey Isbitaalka ciidamadda ee magaaladda Cariish ayaa waxaa ka mid ah hal sarkaal iyo laba askeri.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

UAE OO DHISAAYO MAXKAMAD GAAR AH.

(SAWIRKA)-GARSOORKA.

(ABU DABAI)-Dalka Imaaraatka Carabta ayaa sameynaayo garsoorayaal heer Federaal ah oo takhasusa una gaar ah iney gacanta ku dhigaan dembiyada dhinaca dhaqaalaha iyo dhaqidda lacagta,talaabadaan ayaa ah mid ujeedkeedu yahay sidii loo taageeri lahaay deganaanshaha Maaliyadeed ee dalka Imaaraatka Carabta iyo Kobcinta dhaqaale ee dalka. Madaxa garsoorka Federaalka ahne Wasiirka Cdaaladda dalka Imaaraatka Carabta Cabdallah Suldaan Al-Nuceymi ayaa ogolaaday soo jeedinta xeer ilaaliyaha guud ee ahayd in la dhiso garsoor heer Federaal ah una gaar ah iney fiiriyaan dacwadaha la xiriiro dembiyada dhaqaalaha iyo dhaqidda lacagta.

ISHA/GULF NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL KA DHACAY XERO QAXOOTI.

(SAWIRKA)-XERADA QAXOOTIGA CEYN XILWA.

(BEIRUT)-Iska horimaad ayaa xalay habeen barkii oo ahayd Axad waxa uu ka dhacay xerada Qaxootiga ee reer Falastiin ee ku dhaw magaaladda dekeda Sidon kuna taalo koonfurta dalka Libnaan,dagaalka ayaa waxa ku dhintay shan qofood waxaane ku dhaawcmay todobo qofood oo kale,sidaas waxa sheegay saraakiil reer Falastiin ah. Iska horimaad ayaa yimid ka dib markii koox reer Falastiin kuna sugneed Xearad Qaxootiga ee Ceyn xilwa ey isku dayeen iney soo qabtaan nin hubaysan kana tirsan kooxaha Islaamiga ah kaaso baxsad ka ah hayadaha maanka dalka Libnaan,xerada Ceyn Xilwa ayaa ah meel ey si aad ah u degan yihiin Qaxootiga reer Falastiin. Sannadkii 2017-kii ayey ahayd markii uu dagaal culus uu ku dhexmaray Xerada Ceyn xilwa kooxo hubaysan oo iska soo horjeeday,dagaalka ayaa dhexmaray maleeshiyaadka xerada ceyn xilwa iyo kooxda Daacish.

ISHA/AN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHAN ASKERI OO LAGA DILAY SUURIYA.

(SAWIRKA)-DEGAANKA XALAB EE SUURIYA.

(SYRIA)-Wararka ka imaanayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in shan askeri kana tirsan ciidamadda dawladda Suriya ey ku dhinteen iska horimaad dhexmaray ciidamadda dawladda Suriya iyo maleeshiyaadka kooxda Kurdiska ee Waqooyiga dalka Suriya maanta oo Sabti ah. Xubno ka tirsan kooxaha PKK iyo YPG ayaa ah xubnaha ugu waa weyn Xoogaga Dimuqaraadiga Suriya(SDF) ayaa isku dayey iney si dhuumaaleysi ah ku galaan tuulooyinka Xarbiil,Maaric,Ummu Xoosh iyo Kaljabriin ey maamulaan Mucaaradka,iska horimaadkaan ayaa waxaa ku dhaawacmay afar askeri kana tirsan ciidamadda dalka Suriya waxa eyna ku dhaawacmeen gudaha Maaric iyo Kaljabriin.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAACISH OO WEERAR KU DISHAY 10-ASKERI…

(SAWIRKA)-QARAIXII SHALAY EE SYRIA.

(SYRIA)-Gudaha dalka Syria waxaa ka jiro xoogag wada hubaysan iskana soo horjeedo,shalay oo Khamiis ahayd waxaa weerar loo adeegsaday baabuur tagsi ah lagana soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay mandiqada loo yaqaano Sayida Zaynab galbeedka caasimadda Dimishiq. Maanta oo Jimca ah ayey kooxda argagixisada Daacish/ISIS sheegatay in ayada ka dambeeysay weeraki shalay eyna ku dhinteen dad fara badan eyna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan. Bayaan ey soo saartay kooxda Daacish kuna faafisay Telegaramka ayey ku sheegtay in weerarkaasi lagu dilay toban askeri kana tirsn maleeshiyaadka ey taageerto Iraan waxaan ku dhaawacmay 40-tan kale oo isla maleeshiyada ah.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO JOOJIN DOONO VISAHA…

(SAWIRKA)-BAASABOORKA SACUUDIGA.

(SAUDI ARABIA)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday shalay oo Khamiis ah iney balaarinayso nidaamka E-Visa eyna hadda ku jiraan 12-dal iyo in ka badan,wadamadaas ayey tiradooda guud ey dhan tahay 19-dal, nidaamkaan cusub ayaa dadka u safraayo Boqortooyada Sacuudiga uma baahanaan doonaan in fiisaha loogu dhejiyo baasabooradooda. Nuuca Visaha E-Visa ayaa noqon kara mid Shaqo,Siyaaro iyo mid deganaansho jadwalka loogu talagalay in hawada looga saaro Visaha Sticker-ka ah ee lagu dhejiyo baasaboorka ayaa ku eg isticmaalkiisa inta u dhexeyso 24/7/23 ilaa 4/9/23-ka.

ISHA/MEE.

HALKAAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALALKEE AYU RAAD KU YEELAN DOONAA AFGEMBIGA NIGER?

(SAWIRKA)-MADAXWEYNIHII LA AFGEMBIYEY EE DALKA NIGER MAXAMED ZUUM.

(NIGER)-Dalka Niger waxaa ka dhacay afgembi ey sameeyeen ciidamadda qalabka sida ee dalkaasi,afgembigaan ayaan ku daadan wax dhiig waxa eyna ciidamada xabsi guri geliyeen Madaxweyne Maxamed Bazum oo asal haan ka soo jeedo Qabiilo dega dalka Liibiya. Afgembiga dalka Niger ayaa waxaa laga yaabaa inuu raad xoogan uu ku yeesho dalalka deriska la ah dalka Niger sida Aljeeriya,Mali iyo Liibiya,wadamadaan ayaa waxaa ka jiro dhibaatooyin fara badan ey ugu horeeyso la dagaalanka Argagixiasada iyo tahriibka,hadii hadda uu afgembi ka dhacay Niger waxaa fursad heli doono dhammaan Argagixiasada iyo kuwa ku shaqeysto tahriibinta dad danyarta ah.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HOGAAMIYE XUMEYDEYTI OO LA ARKAY MARKII…

(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA XOOGAGA GARGAARKA DEG DEGA AH XUMAYDEYTI.

(KHARTUM)-Hogaamiyaha Xoogaga Gargaarka deg dega ah ee dalka Sudan Xumaydeyti ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka soo muuqday kulan ey isugu soo bexeen taageerayaashiisa waxa uuna hogaamiyuhu sheegay in dalka Sudan uu u baahan yahay in la bedelo hogaanka sare ee ciidamadda qalabka sida ee dalka Sudan,Xumaydeti ayaa ninka ka soo horjeedo ee Gen.Burhani ku tilmaamay inuu yahay nin ka tirsanaay xukuumadii Al-shiir ee la afgembiyey,dhinaca kale,safiirka dalka Maraykanka u fadhiyey caasimadda Sudan ee Khartuum ayaa isna soo gaaray dalka Boqortooyada Sacuudiga si uu uga qeybgalo shir la filaayo inuu halkaasi ka dhaco kaaso u dhexeeyo labada Generaal ee ku dagaalamaayo dalka Sudan.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHAN QOFOOD OO LAGU TOOGTAY DALKA KUWEYT.

(SAWIRKA)-XABSIGA DHEXE EE KUWEYT.

(KUAWIT)-Dalka Kuweyt ayaa maanta oo Khamiis ah(26/7/23)-ka waxa uu dil toogasha ah ku fuliyey shan qofood uu ku jiro nin ka tirsan kooxda Daacish/ISIS kaaso ka qeyb qaatay weerar bambaano oo lagu qaaday Masjid ey leeyihiin Shiicada,weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo 26-qofood,sidaas waxa sheegay garsoorka dalka Kuweyt. Qoraal ka soo baxay garsoorka dalka Kuweyt ayaa lagu sheegay in dilka toogashada ah ee lagu fuliyey shanta qofood uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe,dadka la wada toogtay maanta ayaa kuwada edeynaay dil ey gaysteen. C/raxmaan Sabaax Sacuud oo ah nin ku edeysan inuu galay dembiga ugu weyn ee dhacay 2015-kii,C/raxman ayaa bambo waxa uu ku qarxiyey Masjid ey leyihiin Shiicada dalka Kuweyt kuna yaalo caasimadda Kuweyt waqti la dukanaayey Salaadii Jimcaha.

ISHA.ARABIC,

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More