MAXAA KALA HAYSTA SACUUDIG,KUWEYT IYO IRAAN?

(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHA KUWEYT IYO SACUUDIGA.

(RIYAD)-Horaantii sannadkan-2023-ka waxaa heshiis wada gaaray dalalka Sacuudiga iyo Iraan,heshiiska ayaa noqday mid mira dhal ah wxaane dib u soo laabtay xiriirkii siyaasadeed ee labada dal kaaso kala go’onaay muddo todoba sano ah,dalka Yeman oo ey isku hayaan koox ey taageerto Iraan(Xuutiyiinta) iyo dawlad caalamku aqoonsan yahay ayaa dagaalkoodii laga gaaray wax yar oo heshiis ah waxaane taasi u sabab ah heshiiska ey wada gaareen dalalka Sacuudiga iyo Iraan. Dalalka Sacuudiga iyo Kuweyt ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay inaan lala wadaagin lahaanshiyaha dhulka uu ku jiro Gaaska ee lagu muransan yahay,dhulkaan ayaa waxa sheegayaneyso dawladda Iraan waxaane sii kordheysa colaad ka dib markii dalka Iraan uu handadaad ku bixiyey inuu ceyrin doon shirkadaha Gaaska ka so saaraayo dhulka lagu muransan yahay. Dhulka laga helay Gaaska ayaa magacyo kala duwan waxaa looga yaqaan seddexda dal ee isku haayo lahaanshiyaha dhulkaasi dalka Iraan waxaa looga yaqaanaa Arash halka Sacuudiga iyo Kuweyt looga yaqaano Dorra.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

JARMALKA OO XABSIGA DHIGAY…

Next
Next

CUNSURIYADDA SHACABKA TURKIGA OO TIMID BANAANKA.