Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO RUUSHKA OO ISKU FARA SAARI RABA…

(SAWIRKA)-DRONES MQ-9.

(SYRIA)-Dalka Syria waxaa weli ku dhex dhuumalaysanayo haraagii kooxdii Daacish/ISIS kooxdaan argagixisada ah ayaa lagu jebiyey dagaalkii ey la galeen xulafada uu hogaaminaayey dalka Maraykanka iyo ciidamadda dalka Turkiga oo ayagana qeyb weyn ka ahaay dagaalka argagixisada ku sugan gudaha dalka Syria. Dalka Ruushka oo taageeray xukuumadda uu hogaamiyo Bashaar Al-Asad ayaa isagana ey ka joogaan ciidamo aad u xoogan kana kooban qeybaha kala gedisan ee ciidamadda,hadaba diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka ayaa la soo sheegay iney Holac ku tuureen diyaarad ah nuuca aanu duuliyaha wedin ee Drones-ka(MQ-9) lagana leeyahay dalka Maraykanka ayada oo ka qeyb qaadanayso hawlgal lidi ku ah kooxda Daacish/ISIS Waqooyi-Bari dalka Syria,waxa eyna waxyeelo soo gaartay Marwaxiyada Drones-ka sidaas waxaa maanta oo Talaada ah (25/7/23)-ka sheegay Taliyaha ciidamada cirka ee dalka Maraykanka G/Sare.Alexus Grynkewick.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKGHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALALKA LIBIYA IYO TUNISIYA,MAXAY TAHRIIBKA…?

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL AFRIKA AH.

(TRIPOLI)-Meydad gaarayo ilaa shan qofood kana soo wada jeedaan dhulka ka hooseeyo Saxaraha Afrika ayaa laga soo helay dhulka Mamnuuca ka ah ciidamadda una dhexeeyo dalalka Libiya iyo Tunisiya,sidaas waxaa shalay oo Isniin ahayd sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka libiya G/le.Cimaad Mustafa. Meydadkaan ayaa waxaa soo heshay xukuumadda Libiya waxa eyna ka soo heshay inta u dhexeyso magaalooyinka Dahra iyo Tawilat Al-Rutbaat waqti ey ciidamada ilaalada xuduudyada ee dalka Libiya sameynaayeen kormeer dhulka u dhexeeyo labada dal Libiya iyo Tunisiya.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUDAN OO KA HORTIMID TALADA KENYA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA SUDAN.

(KHARTUM)-Dalka Sudan waxa weli ka socdo dagaalkii soo bilawday 15/4/23-ka,dagaalkan ayaa u dhxeeeyo laba General kana wada tirsanaay ciidamdii riday Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir. Gen.Burhani waxa uu hogaaminayaa ciidamada dalka Sudan halka Gen.Xumeydeyt uu hogaaminayo Xoogaga gargaarka deg dega ah,dagaalka ayaa la soo sheegayaa in dawladaha deriska la ah dalka Sudan iney diyaarinayaan ciidamo nabad ilaalin ah kana hawlgala dalka Sudan,war uu soo saaray Gen.Burhani ayaa lagu sheegay in dagaal looga hortegi doono ciidamada dalka Kenya haddii ey dalka Sudan u yimaadaan Nabad Ilaalin.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GEN.KHALIFA XAFTAR OO LA OGAADAY INUU…

(SAWIRKA)-DOON SIDA DAD TAHRIIBAAYO.

(TRIPOLI)-Dadkii ka dambeyey doontii lagu hoobtay ee ku gadoontay xeebaha dalka Giriiga bishii Juun-2023-ka ayaa la ogaaday iney yihiin dad ku shaqeysto ganacsiga aan sharciga ahayn,dadkaan ayaa la soo weriyey iney isku xiran yihiin Jineraalka maamulo bariga dalka Libiya Gen.Khalifa Xaftar,marka loo fiiriyo baaritaanka la sameeyey wixi ka soo baxay. Sida ey ka marqaati kaceen dad ka soo badbaaday doonta lagu le’eday ayaa kuwa wax tahribiyo,kuwa kaalmeyo iyo askar Libiyan ah kuna sugan gudaha dalka Libiya sida Muxamed A. oo ka tirsan unuga xoogaga gaarka ah ee hoostaga Gen.Xaftar ayaa ah kuwa sahla tahriibka badda kan ugu weyn,waxa eyna lacago ka gurtaan dadka la tahribinaayo.

ISHA MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIR KA FURMAY MAGAALADDA JIDDA OO ….

(SAWIRKA)-KA QEYBGALAYAASHA SHIRKA JIDDA.

(JEDDAH)-Fadhiga 5-aad ee wadatashiga u dhexeeyo Gudiga Islaamka ee Ururka Bisha cas ee caalamiga ah,Ururka Laanqeerta cas iyo wadamadda xubnaha ka ah Ururka Islaamka ayaa maanta oo Axad ah(23/7/23)-ka ka dhacay magaala xeebeedka Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga. Dacdooyinkaan ayaa waxaa martigeliyey Madaxa ururka Bisha cas ee dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaane taageero dhaqaale siiyey Gudoomiyaha Gobolka Makka Amiir Khalid Faysal,waxa uuna shirku sii socon doonaa ilaa 26/7/23-ka kuna beegan maalinta Arbacada ah ee inagu soo socota. Fadhiga Jidda ayaa waxaa ka qeybgalay wakiilo ka kala socdo 56-dal iyo saraakiil kala duwan kana kala socotay gudiyada caalamiga ah ee Bisha Cas iyo Laanqeerta Cas,ujeedka shira ayaa ah sidii juhdi loo gelin lahaay loona fududeyn lahaay hawlha samafalka.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CARUUR LA ASKAREYO DALKA SYRIA.

(SAWIRKA)XERADA AL-HOL EE SYRIA.

(SYRIA)-Haweeney khabiirad ah kana tirsan Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in boqolaal wiilal ah laga dafo hooyooyinkood gudaha xerada ey maamulaan Xoogaga Dimuqaraadiga Syria(SDF) ee Waqooyi-Bari dalka Syria,waxa eyna haweeneydaan ka digtay in arrintaan sababi doonto khatar aan waxba laga qaban karin waxa eyna xadgudub ku tahay ayey tiri sharciyada caalamiga ah. Fionnuala Ni Aolain oo ah qof wakiil gaar ah Qaramada Midoobe uga ah soo uruurinta wixi warar ah isla markaasne abaabusho sidi loo difaaci lahaay xuquuqda dadka,xurnimada iyo ka hortaga argagixisada,waane khabiiradii ugu horeysay kana socoto Qaramada Midobe ee awood u yeelatay iney gaarto xerooyibka Al-Hol iyo Al-Roj ee dalka Syria.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SARKAAL KA TIRSAN WFP OO LAGU DILAY YEMAN.

(SAWIRKA)-SHACABKA YEMAN.

(YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay wadamadda Carbeed ee uu ka dhacay kacdoonkii looga soo horjeeday madaxda dalalkaasi sannadkii 2011-kii,Yeman ayaa gashay fawdo wixii ka dambeeyey waqtigaas waxaane dalka Yeman uu yeeshay laba xukuumadood uu midna caalamku aqoonsan yahay iyo mid aanuu caalamku aqoonsaneyn. Degmada Turbah ee ka tirsan Gobolka Ticis ee dhaca Koonfur Galbeed dalka Yeman ayaa shalay oo Jimca ahayd waxaa lagu dilay sarkaal sare kana tirsan Hayada Cuntada Adduunka ee WFP, Mu’ayad Xumaydi ahne ninka la dilay ayaa u dhashay dalka Urdun waxaane Mu’ayad iyo shaqsi kale ey wada socdeen toogtay rag hubaysan wejigana u daboolan yahay kuwaaso saarnay Mooto laba lugooley,waqtiga ey dheceysay toogashada ayey Mu’ayad iyo shaqsigi la socday waxa ey ka soo bexeen maqaayad ee ka soo qadeeyeen. Sida ey sheegtay Qaramada Midoobe Mu’ayad ayaa dhawaan waxaa loo soo bedelay dalka Yeman waane khabiir in mudda ah u shaqeynayey Qaramada Midoobe,hayadaha amaan dalka ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in dad fara badan loo qabtay dilka Mu’ayad baarisne ey ku socoto.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIRAAQ OO ERIDAY SAFIRKI SWEDEN.

(SAWIRKA)-TAAGEERAYAASHA MUQTADA ALSADR.

(BAQDAD)-Xukuumadda Ciraaq ayaa u sheegtay Safiirka dalka Sweden u fadhiya caasimadda Baqdaad inuu isaga baxao ciida dalka Ciraaq ka dib markii ey weerareen boqolaal qofood oo taageerayaal u ah wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-sadr aroornimadii maanta oo Khamiis ah(20/7/23)-ka saacada Ciraaq markeey ahayd 1:00-da Subaxnimo. Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Al-sudani ayaa Wasaaradda Arrimaha dibadda Ciraaq faray in hawlwadeenada safaarada Ciraaq ee caasimadda Stockholm in laga soo saaro dalka Sweden sida ugu dhaqsiyaha badan. Wararka ka imaanaayo dalka Sweden ayaa sheegaayo in ninkii gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah Salwaan Mumika inuu maanta gubi doono Kitaabka Quraanka Kariimka ah,Calanka dalka Ciraaq iyo sawirka wadaadka hogaamiyo Shiicadda Ciraaq Muqtada Al-sadr,waxa uuna ku hor gubi doonaa sida la sheegay wejiga hore ee safaaradda Ciraaq.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAYADDA HRW OO KA HADASHAY…

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA AFRIKAANKA AH EE JOOGA TUNISIYA.

(TUNIS)-Dalalka Tunisiya iyo Libiya ee dhaca Waqooyga Qaaradda Afrika waxa ey ka mid yihiin wadamada ey ka tahriibaan mawaadiin ka soo jeedo Afrikada Madaw,hadaba ciidamadda boolisk,Miletteriga,ilaalada Xeebaha iyo ciidamada Ilaalada Qaranka Tunisiya ayaa qeyb ka ah xadgudubyo culus oo lidi ku ah Muhaajiriinta ka soo jeedo Afrikada Madaw,Qaxootiga iyo kuwa magangalyo doonka ah,sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah sheegtay Hayada u dooda xuquuqda Aadanah ee HUMAN RIGHTS WATCH(HRW). Garaaca,isticmaalka xoog xad dhaafa ah,jirdil,talaabooyin khatar ah lana xiriira dhinaca badda,dadka oo xoog looga saaro goobaha ey deganayeen,in laga xado hanti waxa ey wateen iyo lacag,dhammaan inta aan soo sheegay ayaa wada ah tusaaloyin ey bixisay hayadda Human Rights Watch.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HOGAMIYAHA WAGNER IYO GEN.XAFTAR OO LA DACWEYEY.

(SAWIRKA)-GEN.KHALIFA XAFTAR.

(TRIPOLI)-Mawaadin reer Libiya ah ayaa dacwad waxa uu ka gudbiyey Generaalka hawgabka ah ee reer Libiya Gen.Khalifa Xaftar iyo Hogaamiyaha kooxda u tababaran sida militeriga ee Wagner ahne koox calooshood u shaqeystayaal ah kana soo jeeda dalka Ruushka Yveny Prigozhen gudaha dalka Maraykanka,dacwadaan lidka ku ah labadaas nin ayaa lagu sheegay iney dil u gaysteen xubno ka tirsan qoyska nin dacweyey. Maxamed Abujaylah ahne qofka dacwoonaayo ayaa sheegay inuu dacwadiisa gudubsaday shalay oo Talaada ahayd waxa uuna sheegay in kooxda Wagner ey Libiya ku dishay seddex xubnood oo ka tirsan qoyskiisa sannadkii 2019-kii ka dib markii ey ku xireen magaaladda caasimadda ah ee Tripoli.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BANAANBAX KA DHACAY CADAN.

(SAWIRKA) BANAANBAX KA SOCDO CADAN.

(ADEN)-Tan iyo markii uu dagaalka ka dhacay dalka Yeman sannadkii 2011-ka waxa uu dalka u kala go’ay laba qeybood ey kala maamulaan Xuutiyiinta iyo Xukuumadda uu caalamku aqoonsan yahay ee Yeman,Xuutiyiinta waxaa saldhig u ah caasimadda Sanca halka Cadan ey caasimadda ku meel gaar ah ey u tahay Xukuumadda Yeman. Magaladda Cadan ayaa ah mid aad u kulul waqtiga kulaylaha waxa uuna heerkulkeedu mararka qaar gaaraa in ka badan 35c-digirii,waxa eyna dadka reer Cadan aad u isticmaalaan korontada waqtiga uu jiro kulaylka. Dadka reer Cadan ayaa maanta oo Talaada ah(18/7/23)-ka waxa ey banaanbax isugu soo baxeen magaaladdq Cadan gudaheeda ayagoo ka cabanaay laba arrimood ee kala ah Dhaqaalaha oo burburay iyo koronto la’aan jirto waqtiga kulaylaha,waxaane magaaladda Cadan dadkeeda koronto helaan lix saacadood kaliya afar iyo labaatankii saacba. Sida la sheegay banaanbaxan ayaa waxaa ku baaqday Madaxa Hayada Shacabka reer Koonfurka Dr.Cumar Cayduruus Al-Saqaaf,ciidamadda dawladda Yeman ayaana awood ku kala eryey banaanbaxayaashii isugu soo baxay magaalo xeebeedka Cadan.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QADAR IYO JAPAN OO WADA HADAL UGA FURMAY…

(SAWIRKA)-RW-FUMIO KISHIDA IYO AMIIR SHEEKH TAMIIM.

(QADAR)-Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad AL-Thani ayaa magaaladda Dooxa ee ah caasimadda dalka Qadar waxa uu maanta oo Talaada ah(18/7/23)-ka ku soo dhaweeyey Reysal Wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida,labada dal ayaa la sheegay iney ka wada hadli doono arrimo la xiriiro dhinacayada horumarinta iyo Tamarta,waxaane si gaar ah xooga loo saari doonaa arrimaha la xiriiro istaraatiijiyadda. RW-Fumio Shida ayaa dalka Qadar waxa uu soo gaaray aroornimadi maanta isaga oo hogaaminaayo wafdi balaaran waxa uuna dalka Qadar ku joogi doonaa booqasho rasmi ah.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WAA MAXAY SABABTA IMAARADKU U DOORTAY…

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYASHA IMAARAATKA CARABTA IYO FARANSA.

(PARIS)-Kashifaadyo laga helay dukuminti si qrsoodi ah u soo baxay lagana arkay in ka badan78-kun dukuminti kuwaaso qabsaday dhawaan cinwaanada warbaahinta Qaaradda Yurub. Waa maxay waxa uu daaha ka qaaday dukumintigaan la akhriyey una eg Jaajuusnimo raqiis ah? Shirkad gaar loo leeyahay oo qaabilsan amniga kuna taalo Swiss lana shaqeyso kuwa hab dhaqanka xun ee ah Boqorada dalalka Gacanka Carbeed ayaa wareerinayso Mawaadiniinta reer Yurub,kooxaha arrimaha bulshada iyo shirkado ku yaalo 18-dal. Akhristayaash reer Yurub ayaa la yaabay shirkadaan laga leeyahay Swiss ee aan wax khibrad ah u lahayn sida sumcada looga dilo loona cambaareeyo dadka,shirkadaan ayaa muddo sannad ah waxa ey arrimahan lacag uga qaadanaysay dalka Imaaraatka Carabta si loo dulmiyo dad Muslimiin ah haystana Jinsiyadaha Yurub.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADAHA CIRAAQ IYO SURIYA OO KA HADLAAYO…

(SAWIRKA)-MW-BASHAAR AL-ASAD IYO RW-SUDANI.

(SYRIA)-Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Al-Sudani ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Suriya Bashaar Al-Asad gudaha caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq,waane markii ugu horeysay uu booqdo Reysal Wasaare reer Ciraaq ah dalka Suriya tan iyo sannadkii 2011-kii. Labada dal ee Suriya iyo Ciraaq ayaa go’aan ka gaaraayo arrimo badan uu ugu horeeyo Amniga iyo iney fududeeyaan hawlaha isu socodka ee xuduudka labada dal u dhexeyso taaso dhererkeedu yahay 600-kiilomitir,sidoo kale labada dal Suriya iyo Ciraaq ayaa isku raacay sidii hoos loogu dhigi lahaay tahriibinta Maandooriyaha isaga kala goosha xuduudaha labada dal.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AMNIGA BAQDAD OO LA ADKEYEY,SABABTA?

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA AMAANKA DALKA CIRAAQ.

(BAQDAD)-Xukuumadda Ciraaq ayaa kordhisay tirada ciidamadeeda amaanka ee ku sugan magaaladda Caasimadda ah ee Baqdaad maanta oo Jimca ah(14/7/23)-ka ka dib markii ey Xukuumadda Ciraaq ey ka war heshay inuu jiro abaabul banaanbax lagu hor qabanaayo safaarada Maryaknaka ee maglaada Baqdaad. Banaanbaxaan ayaa waxaa baraha bulshada ku faafiyey maleeshiyaad la magacbaxay”ALKAHFI” kuwaaso gacan saar la leh Ururka hubaysan ee ka dagaalama gudaha dalka Libnaan ee Xizbullah. Maleeshiyaadka ku baaqay banaanbaxa ayaa sheegay sababta ey u banaanbaxayaan iney tahay koronto xumida ka jirta dalka Ciraaq eyna sabab u tahay xukuumadda Maraykanka oo cunaqabaten saartay dalka Iraan.

ISAH/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TICIS: MAGALO GO’ODOONSAN SIDEED SANO.

(SAWIRKA)-SHACABK TICIS EE OO DHIB KU QABA BIYO LA’AANTA.

(TAIZ-YEMAN)-Dagaalka dalka Yeman waxa uu ka mid yahay dagaaladda ka jiro wadamadda Carabta midka ugu xun ee soo mara waqtiyadaan dal Carbeed,dagaalkan ayaa u dhexeeyo Kooxda Xutiyiinta(Ansaaralah) oo ey taageerto dawladda Iraan iyo Xukuumadda Caalmku aqoosan yahay ee Yeman,dagaalka ayaa hadda gaaray sideed sano,waxaane la soo sheegayaa in magaaladda Ticis ey maanta u buuxsantay sideed sano tan iyo maalintii ey Kooxda Xuutiyiinta go’odoomisay 13/7/15-kII,magaalda Ticis ayaa ku taalo Koonfur Galbeed ee dalka Yeman. Magaladda Ticis ayaa waxaa dhul balaaran oo ka mid ah gacanta ku haayo xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee Yeman,nolosha dadka reer Ticis ayaa ah mid aad u adag waayo waxa ey biyo ey cabaan u doontaan masaafo aad u fog.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKA SUDAN XAL WAARA MA YEELAN DOONAA?

(SAWIRKA)-SHIRKA WADAMADA DERISKA LA AH SUDAN.

(QAHIRA)-Xukuumadda Sudan iyo Xoogaga gargaarka deg dega ah ayaa si wadajir ah waxa ey u soo dhaweyeen bayaankii ka soo baxay fadhigii ey yeesheen wadamadda deriska la ah dalka Sudan,shirka ayaa waxa uu ka dhacay maanta oo Khamiis ah(13/7/23)-ka caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay dalalka kala ah”Masar,Jamhuuriyadda Afrikada dhexe,Jaad,Itoobiya,Eritereya,Libiya iyo Koonfurta Sudan,waxaa kalo shirka goobjoogayaal ka ahaay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta iyo Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika,ujeedka ey intaan masuul isugu yimaadeen ayaa ahaay sidii xal waara looga gaari lahaay dagaalka ka socdo dalka Sudan kaaso soo bilawday 15/4/23-ka.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WFP OO JOOJISAY KAALMADII QAXOOTIGA SURIYA EE…

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA REER SURIYA EE JOOGA BOQORTOOYADA URDUN.

(JORDAN)-Xukuumadda Boqortooyada Urdun ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in hayada cuntada adduunka(WFP) ee Qaramada Midoobe ey joojin doonto kaalmada ey siiso Qaxootiga reer Suriya ee ku sugan dalka Boqortooyada Urdun marka laga bilaabo kowda bisha soo socoto ee Agoosto-2023-ka. Sida laga soo xigtay qoraal ka soo baxay xafiiksa Wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Urdun Eyman Safadi ayaa lagu sheegay iney jiraan hayado kale kana tirsan Qaramada Midoobe iney iyaguna joojin doonaan kaalmada ey siiyaan Qaxootiga reer Suriya ee ku sugan Boqortooyada Urdun,taasne waxa ey cadaadis ba’an ku tahay dalka Boqortooyada Urdun ee matrigeliyey Qaxootiga,Boqortooyada Urdune ma awoodo iney buuxiso firaaqaas. “Arrinku ma aha mid ey masuul ka tahay Boqortooyada Urdun,waxaa masuul ka ah kuwa joojiyey kaalmada,mana nihin kuwa kaligood qaadi kara culayskan”sidaas waxaa yiri wasiir Eyman.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO DADAAL UGU JIRTA…

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MASAR.

(MASAR)-Ururka Jaamicadda Carabta,waa urur ey ku wada dhan yihiin wadamadda Carabta xaruntiisana waa magaaladda Qaahiro waxaane xubno ka ah 22-dal, waxaane hadda gudoomiye ka ah Axmed Abu Algheyt oo ah nin u dhashay dalka Masar waxaane soo dhaw waqtigii uu firaaqeyn lahaay kursiga,dawladda Masar ayaa hadda dadaal adag waxa ey ugu jirtaa sidii uu Abu Algheyt uu mar kale ugu soo laaban lahaay kursiga waxa eyna xukumadda Masar bilawday iney la xiriirto wadamadda xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta,hadaba Masar maku guulaysan doontaa in mar kale Abu Algheyt uu hogaamiyo Ururka Jaamicadda Carabta?

ISHA.ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LACAGTA YEMAN OO HOOS U DHACDAY.

(SAWIRKA)-SARIFKA LACAGTA.

(ADEN)-Banaanbaxyo aad u xoogan ayaa ka dhacay dhammaan dhulka ey maamusho xukuumadda Yeman maanta oo Arbaca ah(12/7/23)-ka,sababta ayaa lagu sheegay iney tahay hoos u dhac ku yimid lacagta dalka Yeman ee ah Riyaalka. Hoos u dhacaan ayaa ah mid aad u sareeyo marka loo fiiriyo siduu ahaan jiray sicirka Riyaalka dalka Yeman waxa uuna hadda gaaray in halkii doolar oo Maraykan ah uu qiimihuusu gaaro 1,500-Riyaal Yemani ah dhammaadka bilihii la soo dhaafay. Banaanbaxyada dhacay maanta kuwooda ugu waa weyn ayaa ka dhacay magaaloyinka Cadan iyo Mukalla kuna yaalo Koonfurta dalka Yeman,waxaane la xiray dhammaan goobihii ganacsiga iyo dugsiyadii waxbarashada.

ISHA/ARAB NEWS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More