YAA HURINAYO DAGAALKA SUDAN OO QARSAN?
(SAWIRKA)-LABADA GENERAAL EE KU DAGAALAMAYO DALKA SUDAN.
(ADDIS ABABA)-Dalka Sudan waxa uu ka mid yahay wadamadda ugu dhulka weyn Qaarada Afrika,Sudan ayaa xuduud la leh wadamo badan oo ka tirsan Qaaradda Afrika tusaale ahaan dalka Masar Waqoyi kaga beegan yahay dalka Sudan,dalka Eritereya Bari,dalka Jaad Galbeed,dalka Koonfurta Suda koonfur,dalka Libiya Waqooyi galbeed,dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe Koonfur galbeed iyo ugu dambayntii dalka Itoobiya oo xuddud kala leh Sudan Koonfur Bari. Dalka Sudan ayaa waxaa ka qarxay dagaal u dhexeyo laba Generaal kuwaaso isla riday Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Al-Bashiir balse hadda ey iska horkeentay danta,labadan Generaal ayaa gacan saar la kala leh wadamo Carbeed iyo kuwa Ajnabi ah kuwaso qeyb ka ah dagaalka taagan. Urur goboleedka IGAD ayaa Addis Ababa ku qabtay shir looga hadlaayo arrinta Sudan waxaane shirkaan diiday Gen.Burhan isagoo eed adag u soo jeediyey dawladda Kenya oo hadda Madax ka ah IGAD, beri oo Khamis ahne waxaa dalka Masar Casimadiisa Qaahira ka furmi doono shir looga hadlaayo xaaladda dalka Sudan,hadaba maxaa la isku hayaa oo aan cadeyn?
ISHA.ARABIC.
SHIR KU SAABSAN SUDAN OO KA FURMAY…
(SAWIRKA)-URUR GOBOLEEDKA IGAD.
(ADDIS ABABA)-Dalka Sudan ayaa waxaa ka qarxay dagaal bishii Abriil-2023-ka dagaalkan ayaa waxa uu u dhexeeyaa laba Jinaraal oo shalay isla riday dawladdii uu hogaaminaayey Cumar Al-Bashiir,dagaalkan ayaa socda muddo seddex bilood ah waxaane ku barakacay dad aad u fara badan oo hadda qaxooti ku ah wadamadda deriska la ah dalka Sudan. Urur Goboleedka IGAD ayaa soo jeediyey in ciidamo ilaaliya nabada gaar ahaan kuwa ilaaliyo Gargaarka la gaarsiinaayo dadka shacabka ah loo diro dalka Sudan,dhinaca kalane dalka Masar ayaa isna qaban qabinayo shir looga hadlayo arrimaha dalka Sudan 13/7/23-ka,shirarkaan siyaasadeysan ayaa ah mid laga leeyahay dano istaratiijiyadeed.
ISHA/ARABIC.
DOORASHADA DALKA LIBIYA OO MURAN KA JIRO.
(SAWIRKA)-CAASIMADDA DALKA LIBIYA.
(TRIPOLI)-Golaha sare ee dalka Libiya kaaso metela Senetarada ayaa maanta oo Talaada ah(11/7/23)-ka ayaa ku baaqay qaabkii dalka Libiya looga qaban lahaay doorasho muddo dhan 240-beri gudaheed ka dib markii la ogolaaday sharciga doorashada,sidaas waxaa laga soo xigtay sharci dejiye reer Libiya ah. “Ra’ayiga qaabka loo qabanaayo doorashada dalka Libiya eyna soo jeediyeen kooxda saldhigedu yahay caasimadda Tripoli ayaa ku baaqaayo sidii loo samayn lahaay mideynta xukumadda ra’ayigeeda fulinta qaabka doorashada”. Sidaas waxaa Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay Xildhibaanada Mama Suleymaan.
ISHA/AA.
XUKUMADDA YEMAN AWOOD MA U LEEDAHAY INEY…?
(SAWIRKA)-GAROONKA DIYAARADAHA CAALAMIGA AH EE SANCA.
(SANA’A)-Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay ayaa ku hanjabtay iney xiri doonto garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Sanca isla markaasne ey xadidi doonaan Maraakiibta ganacsiga ee ku soo xirato dekeda Xudayda ee ku taalo Galbeedka dalka Yeman. Xukuumadda Yeman ayaa sheegtay iney qaadi doonto talaaboyinkaas haddii kooxda ey taageerto Iraan ee Xuutiyiinta ey joojin waayaan dagaalka dhaqaale ey ku hayaan xukuumadda Yeman iyo joojinta hawlgalada mileteri ey Xuutiyiintu ka wadaan dalka Yeman.
ISHA/ABAR.
WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY…
(SAWIRKA)-GOOBTA UU KA DHACAY WEERARKA.
(QUDUS)-Haweeney reer Falastiin ah ayaa la toogtay ka dib markii ey weerar ey u adeegsatay Mindi ey ku dhaawacday askeri Israel ah gudaha magaaladda barakaysan ee Qudus shalay oo Axad ahayd,sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta Israel. Haweneydaan reer Falastiin ee la toogtay ayaa lagu edeeyey iney isku dayday iney Mindi ku dhufato sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka Israel kaaso ilaalinaayey goob laga raaco Tareenka gudaha Qudus.
ISHA/AA.
SURIYA: WEERAR LAGU DILAY SHAN ASKERI.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA SURIYA.
(AFRIN-SYRIA)-Wararka ka imaanayo dalka Suriya ayaa sheegayo in shan akeri oo ka tirsan ciidamadda dalka Suriya la dilay lana dhaawacay lix kale ka dib markii ey weerareen kooxda argagixisada YPG/PKK ee ku sugan waqooyiga gobolka Aleebo ee dalka Suriya maanta oo Isniin ah. Shilkan halista ah ayaa dhacay ka dib markii ey kooxda aragagixisada YPG/PKK ey isku dayday iney dhexgalaan goob ey ku sugnaayeen ciidamadda dalka Suriya gudaha degmada Afrin mana la yaqaan sababta keentay in kooxda YPG/PKK galaan xerada ciidamadda Suriya.
ISHA/AA.
MASAR OO MARTIGELINAYSO SHIR LOOGA HADLAYO…
(SAWIRKA)-GAARI DAGAAL OO LA GUBAY.
(MASAR)-Dalka Sudan waxaa weli ka socdo dagaalkii u dhexeeyey Ciidamadda dawladda Sudan ee uu hogaaminayo C/fataax Burhani iyo xoogaga Gargaarka Deg Dega ah(RSF) ee uu hogaaminayo Xumaydeyti,dagaalkan ayaa soo bilawday bishii Abriil ee sannadka-2023-ka. Dagaalka dalka Sudan ayaa waxaa ku barakacay dad aad u fara badan waxaane ku dhintay tiro kale oo aad u badan,dad ka soo qaxay Sudan ayaa waxa ey gaareen dalalka deriska la ah Sudan,hadaba Xukuumadda Masar ayaa maanta oo Axad ah(9/7/23)-ka waxa ey ku dhawaaqday iney martigeliyaan fadhi ey ka wada qeybgelayaan dhammaan dalalka deriska la ah dalka Sudan taariikhdu marka ey tahay 13/7/23-ka,shirka ayaa loogu gogol xaaraa xal u helida dagaalka ka socdo dalka sudan iyo xaalada aan wanaagsanayn ey ku sugan yihiin dadkii ka qaxay dagaalka Sudan kuna sugan wadamada deriska la ah Sudan.
ISHA/ARABIC.
SURIYA OO LAGU DILAY HOGAMIYE DAACISH AH.
(SAWIRKA)-MQ-9 DRONES.
(SYRIA)-Diyaaradaha Drones-ka ee dalka Maraykanka ayaa weerar cirka ah waxa ey ku qaadeen goob uu ku sugnaay hogaamiye ka tirsan kooxda Daacish gudaha dalka Suriya ka dib markii ey diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka(SU-34/35) ey dhibeen Drones-ka dalka Maraykanka hawada dalka Suriya,sidaas waxaa maanta oo Axad ah sheegay Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka,weerarka cirka ee dhacay maalintii Jimcaha ayaa lala beegsaday si loo khaarijiyo hogaamiye sare oo Daacish ah lana yiraahdo Usaama Al-Muhaajir.
ISHA/DW.
XABSIGA SEDNAYA EE SURIYA MAXAA KA JIRA?
(SAWIRKA)-BASHAAR AL-ASAD.
(SYRIA)-Xukuumadda Suriya uu madaxda ka yahay Kaligii Taliye Bashaar Al-Asad ayaa laga yaabaa ineey saaxadda siyaasadda dib ugu soo laabato ayadoo aan lahayn awoodeedii hore,laakinse gudaha dalka Suriya ayaa waxaa ka jiro xadgudub xuquuqda dadka ah iyo dembiyo ey gashay xukuumadda uu hogaamiye Bashaar Al-Asad. Ugu dambayntii,dhammaadkii bishii Feberaayo ee sannadkan-2023-ka,qoyska Cabdalla Maxamed Al-Razuki ayaa awooday iney xaqiijiyaan wixii la tuhmaayey. Ehelkooda waa dhinteen. Waxa uu ku dhintay gudaha xabsi Militeri ee ku caanbaxay ciqaabaha dad rayidka ah ee Sednaya kuna yaalo meel u dhaw caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq.
ISHA/DW.
DOORASHADA CIRAAQ EE SANNADKAN.
(SAWIRKA)-CAASIMADDA BAQDAAD.
(CIRAQ)-Dalka Ciraaq ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo Doorasho sannadkaan 2023-ka dabayaaqadiisa sida ey sheegtay xukuumadda Ciraaq,doorashadaan ayaa waxaa ka soo baxaayo warar si aad ah isaga soo horjeedo kuna saabsan is xulafaysiga ka dhex jira xisbiyadda dalka Ciraaq ee wada curdinka ah. Reysal Wasaarihii ee dalka Ciraaq Al-Maaliki ayaa dadaal adag waxa uu ugu jiraa sidii uu mar kale u hanan lahaay xukunka dalka Ciraaq waxa uuna hadda wadaa sidii uu heli lahaay xisbiyad siyaasadda dalka Ciraaq badankooda,dhinaca kalane RW-Suudaani oo hadda haayo xilka ayaa isna la soo sheegaya inuu yahay nin aad ugu dhegan inuu xilka dib ugu soo laabto isagoo kaashanaayo xisbiyo taageersan isaga.
ISHA/ARABIC.
IRAAN: SALDHIG LA WEERARAY.
(SAWIRKA)-BANAANBAXA IRAAN.
(TEHRAN)-Sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Iraan maanta oo Sabti ah in rag hubaysan ey weerareen xarunta booliska ee magaaladda Zahdaan ahne xarunta dhexe ee goboladda Sistaan iyo Boolishtaan,weerarka ayaa dhacay subanimadii hore waxaane ku geeriyooday laba askeri kana tirsan ciidamadda boolisk dalka Iraan. S/guuto Dawsat Cali Jalaaliyaan oo ah taliyaha booliska Sistaan iyo Boolishtaan ayaa u waramay Wakaaladda Wararka Iraan,waxa uuna taliyaha sheegay in saldhiga ey soo weerareen afar nin oo ku huabysan hub kala gedisan,waane la wada dilay afartii nin ee hubaysneed ayuu yiri taliye Dawsat,dhinaca ciidamada booliska ayaa weerarkasi waxa ugu dhintay sarkaal xidigle ah iyo askeri dable ah.
ISHA/ARABIC.
TOOGASHO KA DHACDAY LIBNAAN.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA AMAANKA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Hal qof ayaa ku geeriyooday waxaane ku dhaawacmay shan qofood oo kale toogasho ka dhacday gudaha Masaajid ku yaalo Bariga dalka Libnaan sidaas waxaa sheegay hayadaha amniga iyo warbaahinta dalka Libnan maanta oo Jimca ah. Sababta ka dambeyso toogashada ka dhacday Ceel Ilyaas ee gudaha Waadiga Biqaac ayaan la aqoon ilaa hadda waxa sababay,Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Libnaan ee NNA ayaa sheegtay in dhawaqa rasaasta laga maqlaayey goobta ey ka dhacday toogashada,rasaasta ayaa waxaa is dhaafsanaayey ciidamada amaanka Libnaan iyo qofka lagu tuhmaayo inuu gaystay toogashada ka dhex dhacday Masjidka,waxaane dhacday in shaqsigii la tuhmaayey uu dhaawac soo gaaro, Qof la qariyey magaciisa ayaa u hadlay Wakaaladda Wararka AP waxa uuna qofkaasi sheegay in qofka dhintay iyo shanta dhaawaca ah ey u wada dhasheen dalka Suriya waxa eyna dalka Libnaan ku joogaan Qaxootinimo.
ISHA/THE NATION.
MAXKAMADA SARE EE CIRAAQ OO DALBATAY…
(SAWIRKA)-SALWAAN MUMEYK OO AH NINKII GUBAY KITAABKA ALLE.
(CIRAQ)-Maxkamada sare ee dalka Ciraaq ayaa maanta oo Khamiss ah waxa ey soo saartay qoraal ey ku dalbanayso in loo soo gacan geliyo nin reer Ciraaq ah lana yiraahdo Salwaan Sabaax Mumayk ahne Qaxooti ku sugan dalka Sweden,ninkaan reer Ciraaq ayaa todobaadkii tegay kuna beegan maalintii loo dabaal degaayey Ciida Adhaa ku gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah wejiga hore ee Masaajid ku yaalo caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.
ISHA/ARABIC.
HOGAAMIYAHA WAGNER OO AK SOO MUUQDAY…
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA WAGNER OO XIRAN GAR IYO TIMO BEEN AH.
(LIBYA)-Hogaamiyaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner Yevgen Prigozhin ayaa ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyey warbaahinta dalalka Suriya,Sudan,Imaaraatka Carabta iyo Libiya isaga oo xiran Gar iyo Timo been abuur ah(Buruuko). Sawiradaan ayaa loo soo helay si Qarsoodi ah waxa eyna muujinayaan in hogaamiyaha kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin leeyahay muuqaalo kala gedisan isaga oo labisan Timo iyo Gar been ah waxa uuna ku sugnaay dalal Carab iyo Afrikaan isugu jira waane goobaha ey kooxda Wagner ka wado dhaqdhaqaaq dagaal.
ISHA/MEE.
BAARLAMAANKA URDUN OO KU DHEGAN XUKUMADA.SABAB?
(SAWIRKA)-KHALAF AL-RUMAITHI 56-JIR AH.
(JORDAN)-Dalka Urdun waxaa ka taagan dood aad u adag kuna saabsan nin u dhashay dalka Imaaraatka Carabta isla Markaasne haysta dhalashada dalka Turkiga Khalaf Al-Rumaithi 56-jir ah,ninkaan ayaa laga qabtay garoon diyaaradeed kuna yaalo dalka Urdun bishii Meey-2023-ka,waa la xiray waxaane mar dambe lagu soo daayey Damaanad balse dib ayaa xabsiga loogu celiyey waxaane si qarsoodi ah loogu masaafuriyey dalka Imaaraatka Carabta oo doonaysay in loo soo gacan geliyo. Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay dood u dhexeyso Xukuumadda Urdun iyo Baarlamaanka dalka Urdun,waayo ninkaan lama soo taagin wax maxkamad ah lamana sheegin wax dembi ah oo loo haysto marka la xiraayey.
ISHA/MEE.
12-QOFOOD OO KU DHINTAY WEERARKII ISRAEL.
(SAWIRKA)-BURBURKA SO GARAY DHULKA FALASTIIN.
(FALASTIIN)-Maalmihii la soo dhaafay dhulka reer Falastiin ey Yuhuudu haysato waxa ka socday weeraro isdaba joog ah ey qaadayeen ciidamadda Yuhuuda,weeraradaas ayaa waxaa fulinaayey diyaaradaha dagaalka iyo ciidamadda lugta oo gelayey xaafadaha Xerada Qaxootiga ee Jiniin,inta la sheegay iney ku dhimatay weeraradaasi ayaa gaaraayo ilaa 12-qofood,waxaane burbur ba’an uu soo gaaray dhismayaasha ku yaalo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin. Ciidamada Israel ayaa isticmaalay cagaf cagafyo si u xaaqaan dhulka ey burburiyeen una wada jaraan biyaha iyo korontada Xerada Qaxootiga Jiniin.
ISHA/ARABIC.
IRAAN OO ISKU DAYDAY INEY AFDUUBTO…
(SAWIRAK)MARAAKIIBTA MARAYKANKA EE ILAALISA GACANKA CUMAAN.
(OMAN)-Sida ey sheegeen ciidamadda badda ee dalka Maraykanka kuna sugan biyaha gacanka Cumaan maanta oo Arbaca ah(5/7/23)-ka,doomaha dheereyo ee laga leeyahay dalka Iraan eyna isticmaalaan Ilaaladda Kacaanka Iraan ayaa isku dayey iney xoog ku afduubtaan mid ka mida laba markab oo siday shidaal,markabka la isku dayey in la qabsado ayaa ka soo baxay dalka Imaaraatka Carabta waxa uuna ku socday dalka Singabuur,waxaane iska leh dalka Giriiga balse waxa uu watay calanka Bahaama. Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan biyaha Gacanka Cumaan ma aha markii ugu horeysay ey sameeyaan difaaca maraakiibta marta biyaha caalamiga.
ISHA/ARABIC.
DAGAALKA SUDAN OO SII LABA KACLEYEY.
(SAWIRKA)-UMDURMAAN.
(SUDAN)-Wararka ka imanaayo dalka Sudan ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka socdo dagaal faraha looga gubtay una dhexeeyo ciidamadda dawladda Sudan iyo kuwa gargaarka deg dega ah,dagaalka maanta oo Talaada ah ka dhacaayo dalka Sudan ayaa waxa uu ka socdaa galbeedka caasimadda Khartuum ee Umdurmaan. Arrintan keentay in dagaalka maanta sidaan u kululaado ayaa ah ka dib markii ciidamada gurmadka deg dega ah ey dalbadeen gurmad in la soo gaarsiiyo waqti ey ka dhxe dagaalmayeen Umdurmaan,waxan gurmadkii u socday hawada ka duqeeyey diyaradaha dagaalka dalka Sudan waxaane la soo riday mid ka mida diyaaradahasi walaw ey ka boodeen duuliyeyaashii sida ey sheegeen goobjoogayaal.
ISHA WARKA ARABIC.
GEN.XAFTAR OO EDEEYEY…
(SAWIRKA)-GEN.KHALIFA XAFTAR.
(LIBYA)-Ninka ku xoogan bariga dalka Libya Gen.Khalifa Xaftar ayaa gooyey in dhammaadka bisha soo socoto ee Agoosto-2023-ka tahay waqtiga ugu dambeeyo ee la sameynaayo gudiga u xilsaaran qeybsiga khayraadka batroolka ee dalka Libya. Gen.Xaftar ayaa hadalkaan sheegay shalay oo Isniin ahayd waqti uu la hadlaayey saraakiila ka tirsan ciidamadiisa ku sugan magaaladda Benghazi ee bariga dalka Libya,waxa uuna Gen.Xaftar eedeyn u soo jeediyey Bangiga Dhexe ee Tripoli waxa uuna ku timaamay inuu galay dembiyo maaliyadeed(Financial Crimes).
ISHA WARKA AA.
7-ISRAEL AH OO KU DHAWACANTAY TEL AVIV.
(SAWIRKA)-GAARIGII WEERARKA LOO ADEEGSADAY.
(QUDUS)-Maalmihii la soo dhaafay dhulka ree Falastiin waxaa ka socday weerar xoogan ey qaadayeen ciidamada Israel,weerarka ayaa ka dhacay xerada Qaxootiga ee JINIIN,hadaba aroornimadii maanta oo Talaada ah ayaa waxa magaaladda Tel Aviv ka dhacay weerar loo adeegsaday baabuur,weerarkaan ayaa waxaa ku dhaawacmay sida la soo sheegay dad garaayo ilaa todoba qofood,sida ey sheegeen ciidamada booliska Israel. Weerarkaan baabuurka loo adeegsaday ayaa waxaa fuliyey nin dhallinyara ah kana tirsan ururka Xamaas ee ka soo horjeeda Israel,waxa uuna ururka sheegay in weerarka dhacay maanta oo Talaada ah uu jawaab u yahay weeraradii ey ciidamadda Israel ka wadaan xerada Qaxootiga ee JINIIN.
ISHA WARKA AA.