IMAARAATKA OO WAJAHAAYO CADAADIS.
(SAWIRKA)-SHIRKA CIMILADA EE UAE.
(DUBAI)-Dawladaha ka qeybgelaayo shirka looga hadlaayo arrimaha la xiriiro Cimiladda Adduunka(COP28) dhammaadka sannadkan 2023-ka,waxaa waajib ah in wadamada ka qeybgelaayo shira iney cadaadis saaraan dalka martigelinaayo shirka ee ah Imaaraatka Carabt si ey u sii dayso maxaabiista u xiran si cadaalad dari ah kuwwaso u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka,sidaas waxaa sheegtay hayada u dooda xuquuqda dadka ee Amnestay International ayadoo hadda la joogo sannad guuradii 10-aad ee ka soo wareegtay xariga caanka ka ah dalka Imaaraatka Carabta loona yaqaano 94.
ISHA WARKA MEE.
SACUUDIGA OO KA HADLAY XUJAAYDA SANNADKAN.
(SAWIRKA)-=XUJAAYDA SANNADKAN.
(LONDON)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo saaray natiijada Xajka sannadkan-1444/2023-ka sheegayne in lagu guulaystay,xukuumadda Sacuudiga ayaa daaha ka rogtay warbixin tira koob ah kuna saabsan dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray Xujaayda uuna sabab u yahay kulaylka halkaasi ka jira. Wasiirka Caafimaadka dalka Sacuudiga Fahad Al-Jalaajil wax uu soo saaray habeenimadii Jimcaha ayuu ku yiri”Waxaa ii farxad ah inaan iclaamino inuu guulaystay qorshihii caafimaad aan ugu talagalnay Xajka sannadkan mana eysan dhicin wax dhibaato ah oo khatar ku ah caafimaadka Xujaayda sannadkan sideey ahayd ka hor inta uusan dhicin cudurka Covid-19”,Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Wasaaradiisu diyaarisay 354-xarun caafimaad eyna ka hawgelayaan 36-kun Takhaatiir iyo kalkaaliyeyaal isugu jira,waxaane kaalmeynaayo 7600-qofood oo ah mutadawiciin ah. Wasiir Jalaajil ayaa sheegay in tirada dadka loo fidiyey adeega caafimaad intii uu socday Xajka ey dhammaayeen 400-kun Xaaji,waxaane qaliin dhinaca wadnaha ah loo sameeyey 50-xaaji,800-Xaaji waxaa loo sameeyey Qaliin la xiriira xididada dhiiga gaarsiiyo wadnaha iyo 1600-Xaaji oo laga dhaqay Kilyaha.
ISHA WARKA ARABIC.
SACUUDIGA OO SOO SAARAY TIRADA XUJAAYDA EE SANNADKAN.
(SAWIRKA)-KACBADA MAKKAH.
(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga hayada u qaabilsan tira koobka war ey soo saartay ayey kaga hadashay tiradda Xujaayda sannadkan-1444/2023-KA soo gaartay dalka Boqortooyada Sacuudiga,hayadda ayaa guud ahaan waxa ey tirada Xujaayda ku sheegtay iney dhamaayeen 1,845,045-Xaaji/Xaajiyo. Hayadaan ayaa waxa ey tafaasiil ka bixisay Qaaradaha iyo wadamadda ey ka kala yimaadeen Xujaayda sannadkan 1444/2023-ka,hayadu kama eysan hadlin tirada dhimashada iyo dhaawaca Xujaayda sannadkan balse waa ey jiraan dad fara badan oo u geeriyooday kulaylka halkaasi ka jira dartiis.
ISHA WARKA ARABIC.
XUJAAYDA OO DIB UGU LAABAN DOONO…
(SAWIRKA)-MAKKAH.
(JIDDAH)-Waxaa gabagaba maraayo gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan 1444/2023-ka,sannadkaan waxaa soo xajiyey Xujaay dhan 1.6-Milyan Xaaji isagana kala yimid adduunka daafihiisa,dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo xajiyey Xujaay gaarayso ilaa 11-kun Xaaji mana la soo sheegin ilaa hadda qof Soomaali ah oo wax ku noqotay Xajka Sannadkaan. Maanta oo Jimca ah ayaa ugu dambaysa sida la soo sheegay hawlaha gudashada Xajka wixii ka dambeeyana Xujaayda ayaa bilaabi doono iney safraan dalalkooda.
ISAH WARKA ARABIC.
LIBNAAN OO WAJAHAYSA FARAGELIN.
(SAWIRKA)-CALANKA DALKA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Dalka Libnaan waxa uu ka mid yahay wadamada Carabta ey ku wada nool yihiin shacab kala diin duwan hadane ey ka wada dhexeyso hal dawlad,dalkaan waxaa deris la ah dalalka Suriya iyo Israel oo isu ah dab iyo caws waxaane awood ciidan gudaha dalka Libnaan ku leh koox ey taageerto Iraan lana yiraahdo Xizbullah,Libnaan ayaa sideedii bilood ee la soo dhaafay waxa ey ahayd dal aan lahayn Madaxweyne waxaane la isku dayey in la doorto Madaxweyne tiro ka badan toban jeer mana eysan dhicin inuu soo baxo Musharax soo buuxiya tiradii codadka looga baahnaay intii isa soo sharaxday,si kastaba Libnaan ayaa wajahaysa faragelin dhinaca maamulka ah waxaane arrintaan wada dawladdo shisheeye oo dano gaara ka leh dalka Libnaan.
ISHA WARKA DAWLADO.
XUJAAYDA SANNADKAN OO XAALAD ADAG…
(SAWIRKA)-XAAJI BIYA ISKU SHUBAAYO.
(MAKAH)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaa ku sugan dad gaaraayo 1.6-Milyan Xaaji oo isaga kala yimid daafaha caalamka,cimilada dalka Sacuudiga ayaa ah mid aad u sareeyso waqtigaan waxa eyna gaartay 45-C waxaane taasi ka dhashay dad fara badan oo Xujaay ah inuu soo food saaro xanuun dhinaca wadnaha ah. Sida ey sheegeen waragaysyada dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Xujaay gaareyso 1721-Xaaji maalintiiba yimaadaan goobaha caafimaadka,dadka ilaa hadda yimid goobaha caafimaadka ayey ku sheegeen iney dhan yihiin ilaa 6500-Xaaji. Hayadaha caafimaad ee magaaladda Barakaysan ee Makah ayaa sheegay in Xujaayda lagu arkay MADAX XANUUN,HARAAD,WAREER,TABAR YARI,DHIDID FARA BADAN,LALABO IYO KAADI YARI.
ISHA WARKA SAHRQUL AWSAT.
QAXOOTI REER CIRAAQ AH OO GUBAY…
(SAWIRKA)-NINKA REER CIRAAQ EE JEEX-JEEXAY DABADEEDNA GUBAY KITAABKA QURAANKA KARIIMKA AH
(SWEDEN)-Ma aha markii ugu horeysay ee aan Tv-yada ka aragno ayada oo la gubaayo Kitaabka Quraanka Kariimka ah gudaha wadamadda sheegta iney yihiin kuwa dhawra xuquuqda dadka iyo diimahooda ey aaminsan yihiin,bishii Janayo ee sannadkaan-2023-ka ayey ahayd markii nin u dhashay dalka Denmark balse haysta dhalshada dalka Sweden Rasmus Paludan oo xagjir ah uu Kitaabka Quraanka Kariimka ah ku hor gubay Safaadda Turkiga ee ku taalo caasimadda dalka Sweden,arrintaan ayaa waxaa cabasho muuqata ka sameeyey dalka Turkiga oo hadda hortaagan xubin ka noqoshada dalka Sweden ee ururka NATO. Shalay oo ahayd maalintii koobaad ee Ciidul Adxaa loogana dabaal degaayey dhammaan wadamada Muslimiinta ah ayaa waxaa Caasimadda dalka Sweden ka dhacday in Kitaabka Quraanka Kariimka ah lagu hor Jeex Jeexo lana gubo Masaajid ku yaalo caasimadda dalka Sweden ee Stokhlom,arrinkaan foosha xun ayaa waxaa ku dhaqaaqay nin Qaxooti reer Ciraaq ah lana yiraahdo SALWAAN MOOMIKA.
ISHA WARKA ARABIC
MASAR: GARYAQAAN XABSI KU GEERIYOODAY.
(SAWIRKA)GARYAQAAN CALI CABAAS BARAKAAT.
(QAHIRA)-Garyaqaan reer Masar ah una dooda xuquuqda dadka una xirnaay xukuumadda Masar ayaa loola cararay Isbitaalka ka dib markii uu Ogaal beelay(COMA) laba maalmood ka hor,Garyaqaanka ayaa lagu wareejiyey qeybta la jiifiyo dadka ey liidato xaaladooda caafimaad,nasiib darase Garyaqaanka ayaa halkaasi ku geeriyooday horaantii bishaan juun-2023-ka,sidaas waxaa sheegay kooxaha u dooda xuquuqda dadka lana hadlay Wargayska Al-Arby Al-Jadeed. Garyaqaan Cali Cabaas Al-Barakaat ayaa xukuumadda Masar waxa ey xabsiga u taxaabtay sannadkii 2016-kii oo hadda laga joogo todobo sano. Garyaqaan Cali ayey Maxkamadu ku xuntay inuu galay dembiyo kala gedisan laakinse Garyaqaan oo Racfaan ka qaatay xukumadaasi ayaa laga laabtay dhammaan xukumadii ku dhacay Garyaqaan Cali,xukunkii ugu dambeeyey ayaa laga laabtay May-2023-ka.
ISHA WARKA ARBIC.
LIBNAAN CADALAAD MAKA JIRTAA?
(SAWIRKA)-WIILKA QADAAFI EE CUNTADA KA SOOMAY.
(BEIRUT)-Wararka ka imaanayo caaasimadda dalka Libnaan ee Beirut ayaa sheegaayo iney sii xumaanayso xaaladda caafimaad ee wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Libiya Mucamar Al-qadaafi lana yiraahdo Hanabaal Mucamar Al-Qadaafi,wiilkaan ayaa ka soomay cunida cuntada muddo dhan afar todbaad(Bil),sababta keentay inuu ka soomo cuntada ayaa lagu sheegay ineey tahay xariga ey xirtay xukuumadda Libnaan muddo dhan sideed sano ah(2015-2023)-ka welina aan la soo hortaagin wax maxkamada. Wiilka Qadaafi ayaa loo haystaa dacwad la xiriirta Sheekh Shiica ah oo lagu waayey dalka Libiya muddo hadda laga joogo 45-sano kuna beegan 1978-dii,Sheekha la waayey ayaa magaciisa la oran jiray AL-SAYID MUUSE ALSADRI.
ISHA WARKA ALAWSAT.
XUJAAYDA OO JOOGTA BUURTA CARAFA.
(SAWIRKA)-BUURTA CARAFA.
(KSA)-Xujaayda sannakan 2023-ka/1444-ka alle sahlay iney soo gutaan waajibaadka Xajka ayaa maanta oo Talaada ah(27/6/23)-ka waxa ey ku sugan yihiin banka Carafa waxaane halkaasi Khudbad qaaya leh ka jeediyey Caalim reer Sacuudi ah lana yiraahdo Al-sheekh Yuusuf Bin Saciid Maxamed,Caalimkaan yaa ka tirsan Culimada ugu waa weyn dalkaasi Sacuudiga,waxa uuna Xujaayda Muslimiinta ee gudanaysa Xajka ugu baaqay iney is jeclaadaan,is walaashadaan kana fogaadaan tafaraaruqa dhexdooda ah.
ISHA WARKA ARABIC.
700-MEYD OO LAGA HELAY DAARFUUR.
(SAWIRKA)-DAGAALKA SUDAN.
(SUDAN)-Wararka ka imaanayo dalka Sudan ayaa sheegaayo inuu dagaal aad u xun uu ka socdo galbeedka Daarfuur,dagaalkaan ayaa la soo sheegaya in lagu bartilmaameedsaday dad gaar ah laguna xasuuqay maanta oo Talaada ah(27/6/23)-ka,sidaas waxaa laga soo xigtay Middle East Eye oo ka hadasha arrimaha bariga dhexe iyo wadamadda Islaamka. Dadka la laayey ayaa ah Caruur,Dumar iyo rag dhamaantood wada ah dad shacab ah aan waxba galabsan,tiradad dadka la laayey ayaa gaareyso boqolaal qofood una badan shacab sacbooley ah.
ISHA WARKA MEE.
WADAMADA KHALIIJKA OO LA EDEEYEY.
(SAWIRKA)-SHAQAALE WARAABINAAYO BEER LAGU RAAXEYSTO WAQTI KULEYLA AH.
(GULF STATES)-Wadamadda Khaliijka la isku yiraahdo kana kooban lixda dal ee kala ah {Sacuudig,Baxrayn,Imaaraatka,Qadar,Kuweyt iyo Cumaan}ayaa waxaa ka jiro heerkul aad u sareeyo waqtiyadaan oo kale amaba Summer-ka,dalalkaan ayaa waxaa ka shaqeeyo shaqaale ajnabi ah kana yimid caalamka dafihiisa kala duwan balse u badan wadamada Faqiirka ah,wadamadda Khaliijka ayaan u nixin shaqaalaha ajnabiga ah waqtiga uu aadka u xun yahay heerkulka waxa eyna ugu shaqeeyaan si caadi ahayn waxane arrintaasi ka dhasho dhimaasho fara badan oo soo gaarto shaqaalaha ajnabiga ah,sida la soo sheegay shaqaalaha ajnabiga ayaa u geeriyooda cudurada Wadnaha iyo Kilyaha mana helaan daryeel caafimaad oo damaano qaadayo noloshooda. Hayadaha aan dawliga ahayn(NGO) ayaa ka hadlay arrintaan haystaa shaqaalaha ajbabiga ah kana xoogsada dalalka Khaliijka waxa eyna ka qoreen warbixin si hufan u tafatireyso dhibka ka jira lixda dal ee khaliijka.
ISHA WARKA MEE.
WAA MAXAY CAQABADAHA LAGA SHEEGTO?
(SAWIRKA) XUJAAYDA SANNADKAN-2023-KA.
(NEW YORK)-Muslimiinta ka soo xajinayso dalalka reer Galbeedka iyo Maraykanka sannadadii la soo dhaafay waxaa soo food saaray culayso aad u fara badan oo dhinaca macaamilka ah,caqabadaha ugu weyn ey haysta Xujaayda ka imanayso wadamada reer galbeedka ayaa ah in xajku noqday Bakhtiyaa Nasiib la buuxsanaayo eyna xajka aadeyso cidii ku guulaysata bakhtiyaa nasiibkaasi,xujaay badan ayaa arrinkaasi uu ka horjoogsaday iney soo gutaan xajka,laakinse hadda waxaa dhibkii ku soo biiray shirkado sheegta iney bixiyaan adeega xajka balse noqday kuwa xujaayda khiyaana.
ISHA WARKA MEE.
XAGEE AYU KU DAMBEYEY KHALAF?
(SAWIRKA)-KHALAF AL-TUMAITHI.
(JORDAN)-Gudaha dalka Imaaraatka Carabta waxaa ka jirto dacwad loo yaqaano(94),dacwadaan ayaa loo haystaa dad aad u fara badan una dhashay dalka Imaaraatka Carabta kuwaso intooda badan ah dad aqoon leh laguna tuhmaayo iney diyaarinayeen inqilaab xukunka looga tuuraayo qoyska hadda haysta talada dalka Imaaraatka Carabta. Khalaf Al-Rumaithi waxa uu ka mid yahay raga Imaaraatku raadinayo kana mida liiska dadka ku edeysan dembiyada,Khalaf waxa uu aaday dalka Urdun si uu wiilkiisa ugu soo helo iskuul uu dhigto ka dibne waxaa la waayey Khalaf, Khalaf ayaa ahaay masuul hore kana tirsanaay dawladda Imaaraatka Carabta kana dhashay qoys macruuf ah,waxaane Khalaf lagu xiray dalka Urdun ka dib markii dalka Imaaraatka uu sidaas ka dalbaday Urdun,ka hor inta aan la dhegaysan dacwadiisa Khalaf ayaa la waayey.
ISHA WARKA MEE.
1,559,053-XAAJI AYAA KA SOO XAJISAY DIBADA SACUUDIGA.
(SAWIRKA)-MAKKAH.
(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in ka badan 1.6-Milyan Xaaji ey soo gaareen gudaha dalka Boqortooyada Sacuudiga si ey u gutaan waajibaadka Xajka ee sannadkan-1444/2023-ka. Qoraal ka soo baxay Agaasimaha guud ee Waaxda Socdaalka ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in tirada xujaayda soo gaartay gudaha dalka Sacuudiga ey dhan tahay 1,626,500-xaaji,xujaaydan ayaa dalka Sacuudiga ka soo galay dhinayada Cirka,Badda iyo Dhulka,qoraalka ayaa intaas ku daray in 1,559.053-xaaji ey yihiin kuwa ka soo xajiyey dibadda dalka Sacuudiga.
ISHA WARKA AA.
DIYAARADAHA RUUSHKA OO DAD KU LAAYEY…
(SAWIRKA)-DHAAWACYADII IDLIB OO LA QAADAYO.
(SYRIA)-Gudaha dalka Suriya waxaa ku sugan xoogag kala gedisan oo dalkaasi ku soo galeen waxa aan la dagaalameynaa Daacish xoogagaasi ayaa weli ku sugan gudaha Suriya ayagoo wata ajandayaal kala gedisan,hadaba diyaardaha dalka Ruushka ee ku sugan dalka Suriya ayaa weerar cirka ah waxa ey ku qaadeen goobo kala gedisan kuna yaalo Waqooyi Galbeed ee dalka Suriya maalintii seddexaad oo xiriir ah,weerarkaan ayaa la soo sheegay iney ku dhinteen dad gaaraayo ilaa shan qofood eyna ku dhaawacmeen toban kale. Weeradaan cirka ayaa lala beegsaday suuq lagu iibiyo Khudaarta iyo Faakihada ee gobolka Idlib shalay oo Axad ahayd(24/6/23)-ka.
ISHA WARKA ARABIC.
SACUUDIGA OO TOOGTAY…
(SAWIRKA)CALANKA SACUUDIGA.
(RIYAD)-Dalka Sacuudiga ayaa dil toogasha ah waxa uu ku fuliyey laba nin oo u dhalatay dalka Yeman kuwaaso lagu soo edeeyey falal argagixiso,sidaas waxaa laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Sacuudiga. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in C/raxmaan Faaris Al-Mari iyo Maxamed Saalax Cumar Al-Mari oo sida muuqata ah ilmo adeer lagu helay dembiga ah iney ku xirnaayeen taageerayeena isla markaasne ey u sameynaayeen balanqaadyo dadka ku soo biiraayo kooxda argagixisada ey iyagu tirsan yihiin,go’aanka maxkamada laguma sheegin kooxda ey labadaan shaqsi ka tirsan yihiin kana sameysan gudaha dalka Sacuudiga.
ISHA WARKA AA.
1,300-XAAJI UU MARTGELIYEY NIN SACUUDI AH.
(SAWIRKA)-XUJAAYDA KA TIMID DALKA RUUSHKA.
(RIYAD)-Nin u dhashay dalka Sacuudiga lana yiraahdo Fahad Al-Hamli ayaa beer ku taalo gurigiisa waxa uu ku martigeliyey boqolaal Xaaji kana soo Xajiyey dalka Ruushka sannadkii seddexaad oo xiriir ah,marka loo fiiriyo warbixin ey qortay warbaahinta dawladda Sacuudiga ee Al-Akhbaariyah. Fahad Al-Hamli ayaa beertiisa ku taalo hoyga uu ku leeyahay caasimadda Riyad si diiran ugu soo dhaweyey 1,300-Xaaji kana soo xajisay dalka Ruushka,Xujaaydaan ayaa ka mid ah Xujaayda ka qeybgelayso xajka Sannadkaan1444/2023-ka. Fahad Al-Hamli ayaa la sheegay inuu dadkaan Xujaayda ah ku marti sooray waxyaabaha ey caanka ku yihiin shacabka Sacuudiga eyna ugu horeyso Timirta iyo Qaxwada la isku cabo iyo dhaqanka shacabk Sacuudiga ee dhinaca marti soorka.
ISHA WARKA MEE.
LIBIYA OO XIRTAY 50-QOFOOD OO SHIINEYS AH.
(SAWIRKA)-GOOBTA EY KU SHAQEYNAYEEN SHIINEYSKA LA XIRAY.
(TRIPOLI)-Xukuumadda Libiya ayaa xabsiga u taxaabtay 50-qofood oo u dhalatay dalka Shiinaha,dadkaan ayaa lagu edeeyey iney ku lug leeyihiin iney si farsameysan lacag u dheceen gudaha magaaladda Zliten,sidaas waxaa maanta oo Jimca ah(23/6/23)-ka sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Libiya. Dadkaan u dhashay dalka Shiinaha ee la xiray ayaa la soo qabtay ayagoo ka shaqeynaayo qaab digital ah gudaha Warshad laga guuray kuna taal xeebta galbeed ee dalka Libiya,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xeer ilaalinta.
ISHA ARKA MEE.
GABDHO SITA JINSIYADA MARAYKANKA OO LAGU…
(SAWIRKA)-NUURA C/CASIIS.
(USA)-Qoyska C/casiis iyo kuwa kale oo fara badan kuna sugan tuulada Turmusaya ee dhulka reer Falastiin ayaa waxaa ku nool dad haysto Jinsiyda dalka Maraykanka waxa eyna ku fikiraayaan dadkaasi dhulka ey deganaayeen waqti dheer,waxa eyna ku faraxsan yihiin noloshooda guulaysatay ey ku haystaan Chicago ee dalka Maraykanka,dadkaan ayaan weligood gooyn halka ey asal ahaan ka soo jeedaan ee Falastiin. Hadda dalka Maraykanka waxaa lagu jiraa waqtigii kulaylaha(Summer) Olfat C/casiis waxa ey go’aansataty lana joogaa waqtigii ey caruurteeda gayn lahayd tuuladii ey ku dhalatay kana timid.
ISHA WARKA MEE.