REER GALBEEDKA OO RABA INEEY…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASH RUUSHKA IYO IMAARAATKA CARABTA.
(PARIS)-Dalka Maraykanka iyo xulafadiisa reer Yurub ayaa qalqaalo ugu jiro sidii dalka Imaaraatka Carabta looga saari lahaay liiska wadamada ku eedeysan iney dhaqaan lacagta isla markaasne kaalmeeyaan kooxaha xagjirka ah,ururkaan la socdo dalalka sameeyo dhaqida lacagta eena kaalmeeyo argagixisada ayaa dalka Imaaraatka Carabta waxa liiskiisa ku darsaday Maaros-2022-kii,kooxda samayso dabagalka ayaa lagu magacaabaa FINANCIAL ACTION TASK FORCES.
ISHA WARKA MEE.
ITOOBIYA OO EEDEYSAY MASAR.
(SAWIRKA)-BIYA XIREENKA ITOOBIYA.
(ADDIS ABABA)-Weli waxa aan xal dhab ah laga gaarin arrinta biya xireenka Itoobiya,waxaane farqaha isku haysto dalalka Masar,Sudan iyo Itoobiya,sida uu xaqiijiyey Reysal Wasaare ku xigeebka Itoobiya islamarkaasne ah Wasiirka Arrimaha dibadda Demayki ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha biya xireenka mar uu ka qeygelaayey shir looga hadlaayey arrimaha Webiyada Afrika kana dhacay Addis Ababa,Wasiirka ayaa sheegay in Ururka Jaamicadda Carabta yahay midaan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha biya xireenka isla markaasne soo fargeliyey arrimo u gaar ah Afrika.
ISHA WARKA ARABIC.
LONDON OO LABA MAALIN LAGA KALA CIDAAYO.
(SAWIRKA)-MUSLIMIINTA LONDON OO DUKANAAYO SALAADA CIIDA.
(LONDON)-Muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska ayaa la soo sheegayaa ineysan hal maalin wada Dukan doonin Salaada Ciida Carafo ee Sannadkan-1444/2023-ka waane markii ugu horeysay ey Muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska isku raaci waayaan iney wada dukadaan hal maalin ciidaha Soon fur iyo tan Carafo. Mushkilada ma aha Muslimiinta ku nool Ingiriiska ineey garan waayeen iney isku racaan iney wada Ciidaan hal maalin ee mushkilada ayaa ah mid ey ka dambeyaan kuwa hogaamiyo Masaajida dalka Ingiriiska tusaale ahaan Masjidka ku yaalo Bariga London waxaa Salaada Ciida Carafo lagu dukan doonaa 28/6/23-ka kuna beegan Arbacada soo socoto halka Masjidka Manchester Centre lagu dukan doono 29/6/23-ka kuna beegan maalinta Khamiista ee inagu soo fool leh,sidaas waxaa lagu soo xigtay Wargayska The times ee cariga Ingiriiska. Ogow in dalka Sacuudiga laga Ciidi doono maalinta Arbacada 28/6/23-ka kuna beegan Arbacada soo socoto.
ISHA WARKA ARABIC.
BEN GVIR:WAA IN DHULKA LALA SIMAA…
(SAWIRKA)-TAGSIILE FALATIINI AH OO XABAD LALA DHACAY.
(FALASTIN)-Dhulka reer Falastiin waxaa weli xoogan uga socdo iska horimaadka u dhexeeyo xoogaga reer Falastiin ciidamadda Israel dagaalkan ayaa soo bilawday maalmo ka hor ka dib markii ciidmada Israel ey weerar gaadmo ah ey ku qaadeen degmada Jinin kana tirsab Daanta Galbeed. Xoogaga reer Falastiin ayaa ku guulaystay ineey dilaan afar qofood oo ah reer Israel-ka la soo dejiyey dhulka Falastiin,waxaane arrinkaan carro ka muujiyey Wasiirka Amniga Israel Beb Gvir amrayne in dhulka lala simo dhammaan dhismayaasha reer Falastiin.
ISHA WARKA MEE.
LIBIYA DOORASHO MAKA DHICI DOONTAA?
(SAWIRKA)-CAASIMADA LIBIYA EE TRIPOLI.
(TRIPOLI)-Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan dalka Libiya Cabdallah Baatili ayaa shalay oo Isniin ahayd waxa uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ku qalqaaliyey sidii cadaadis loo saari lahaay kooxaha isku haayo talada dalka Libiya si ey u cadeeyaan mawqifkooda ku aadan waxyaabaha loo baahanaan doono siyaasad ahaan si doorasho looga qabto dalka uu halakeeyey dagaalka ee Libiya. Juhdiga ey wado Qaramada Midoobe waa mid sii soconaayo ayuu yiri Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Cabadallah si loo soo afjaro kala fikir duwanashaha u dhexeeyo hogaamiyeyaasha Libiya si loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha taaso aan dalka Libiya laga qaban tan iyo Disembar-2021-kii.
ISHA WARKA AA.
KUMUU AHAAY SACUUD AL-QAXTAANI?
(SAWIRKA)-SACUUD AL-QAXTAANI WAA NINKA DHEXE.
(RIYAD)-Sacuud Al-Qaxtaani waa sarkaal sare oo aad ugu dhaw dhaxal sugaha dalka Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan,Sacuudi Al-Qaxtaani ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka soo muuqday goobaha ey dadka isugu yimaadaan tan iyo markii la dilay saxafigii caanka ahaay ee Jamaal Khashoggi gudaha Qunsuliyada dalka Sacuudiga ee dalkaasi Turkiga Sannaddkii 2018-kii. Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV-ga ayaa duubay Al-Qaxtaani oo ka qeybgelaayo xaflad ka dheceysay magaala xeebeedka Jiddah,muuqaalka Al-Qaxtaani ayaa dhex wareegaayey baraha bulshada todobaadkii tegay waxaane loo soo jeediyey Al-Qaxtaani cambaareyn aad u fara kuna saabsaneed dilkii Khashoggi,dadka ayaa waxa ey ku celcelinayeen doorka uu Al-Qaxtaani ku lahaay dilka Jamaal Khashogi.
ISHA WARKA MEE.
DAGAAL KA SOCDO JINIIN FALASTIIN.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA JINIIN EE FAASTIIN.
(BEIRUT)-Ciidamadda Israel ayaa weerar kedis ah waxa ey ku qaadeen magaaladda Jiniin ee daanta galbeed dhula Falastiin subaxnimadii maanta oo Isniin ah(19/6/23)-ka,hawlgalkaan ayaa lagu dilay ugu yaraan shan qfood oo reer Falastiin ah waxaa lagu dhaawacay 91-qofood oo kale,waxaane la soo sheegayaa in 18-qofood kana mida dadka dhaawacmay ey aad u liidato xaaladooda caafimaad,sidaas waxaa laga xigaty goobaha caafimaad ee reer Falastiin.
ISHA WARKA MEE.
277-XAAJI OO KA DUULAY GAROONKA SANCA.
(SAWIRKA)-XUJAAYDA REER YEMAN.
(SANA’A)-Maxakamadda Sare ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in malinta beri ah oo Isniin ah tahay maalinta kowaad ee bisha Dul-Xaja-1444-ka,maalinta Carafa ayaa ku beegan Talaado 27/6/23-ka, maalinta kowaad ee Ciida ayaa noqon doonto Arbaca 28/6/23-ka. Waxaa bilawday safarka dadka soo xajinaayo sannadkan 1444/2023-ka waxaane habeenimadii shalay oo Sabti ahayd kuna beegneed 17/6/23-ka markii ugu horeysay ka duulay garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee Sanca dufcadii ugu horeysay ee reer Yeman una socota iney soo xajiyaan,dufcadaan ayaa ka koobneed 277-Xaaji waxaane maalmaha soo socdo safari doono laba dufco oo isku xigi doonto. Garoonka diyaaradaha Sanca ayaa xirmay ka dib markii ey kooxda Xuutiyiinta qabsadeen caasimadda Sanca sannadkii 2016-kii oo hadda laga joogo 7-sano,dalka Yeman ayaa waxa dagaal uu ka scday muddo dhan sagaal sano balse hadda ayaa waxaa laga dareemayaa deganaansho aan caga badneyn ka dib markii ey heshiiyeen labadii dal ee isku haayey arrimaha yeman kalana ah Sacuudiga iyo Iraan.
ISHA WARKA ARABIC.
LIBIYA DOORASHO MAKA DHECEYSAA?
(SAWIRKA )-GEN.XAFTAR.
(TRIPOLI)-Dalka Libiya waxa uu ka mid yahay dalalka Carbeed uu saameeyey kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta qaarkood sannadkii 2011-kii,waxaane xukunka looga tuuray Col.Qadaafi oo dalka Libiya in mudda ah soo maamulaayey. Liibiya ayaa gashay fawdo aan la garan karin dhmmaadkeeda halka uu yahay waxaane ka sameysmay ururo iska soo wada horjeedo iskuna haysta talada dalka Libiya,hadaba nink aadka u xooga badan ee saldhiga ka dhigtay bariga dalka Libiya ee Gen.Khalifa Xaftar ayaa ku baaqay in la sameeyo maamulka dawladda si loo nidaamiyo doorashooyinka dalka uu baabi’iyey dagaalka. Qoraal ka soo baxay Gen.Xaftar oo hogaamiyo Ciidamadda Qaranka Libiya(LNA) ayaa lagu sheegay in dib loogu laabto gudiga(6+6) kaaso soo bandhigay waxyaabo doorashooyinka la xiriir.
ISHA WARKA AA.
TAHRIIBAYAAL LAGU LA’AYAHAY XEEBAHA GIRIIGA.
(SAWIRKA)-QAXOOTIGII LA SOO BADBAADIYEY.
(ATHENS)-War ka soo baxay hayada Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga(UNHCR) ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la qaado talaabo deg deg ah oo lagu baadi goobo dad fara badan oo lagu la’ayahay biyaha caalamiga ah ee dhaw xeebaha dalka Giriiga,dadkaan la la’ayahay ayaa ahaay tahriibayaal rabay ineey gaaraan dalka Giriiga balse waxaa dhex kula qalibantay doontii ey saarnaayeen waxaane la soo badbaadiyey qaar iyaga ka mida welina waxaa la la’ayahay in kale. Xukuumadda Giriiga ayaa xabsiga u taxaabtay afartan qofood oo u dhashay dalka Masar kuwaaso da’adooda ey u dhexeeyso 20 ilaa 40-jir, ragaan ayaa ku eedeysan ineey yihiin kuwa soo tahriibiya dadka.
ISHA WARKA ARABIC.
BAARLAMAANKA LIBNAAN OO KU GUUL DAREYSTAY…
(SAWIRKA)-BAARLAMAANKAMDALKA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Dalka Libnaan waxaa weli ka taagan dhibaato siyaasadeed oo aad u adag,dalkaan ayaa waxaa ka jirto doorasho Madaxweyne soona bilaabatay sannadkii-2022-ka welina laguma guulaysan in baarlamaanka Libnaan uu doorto Madaxweyne. Waa markii laba iyo tobanaad ee uu baarlamaanka dalka Libnaan uu ku guul daraysto inuu soo doorto Madaxweyne,sababta ugu weyn ayaa ah in ururka Xisbulaahi iyo xulafadiisa ayaa ah kuwa sida adag u diidan in Madaxweyne loo yeelo dalka Libnaan.
ISHA WARKA ARABIC.
WADAMADA GEESKA AFRIKA XAL MA U HAYAAN…?
(SAWIRKA)CAASIMADDA KHARTUUM.
(NAIROBI)-Waa wax aad u wanaagsan in juhdi wadajir ah lagu wajaho dhibaatada ka taagan dalka Sudan,wadamadda Bariga Afrika ayaa diyaarinaayo iney isugu yeeraan kulan ka dhacaayo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa tobanka maalmood ee soo socoto gudaheeda. Isu imaatinka ayaa waxaa ku dhawaaqay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya Meles Alem,ujeedada isu imaatinka ayaa lagu sheegay iney tahay sidii loo hirgelin lahaay xalka dagaalka dalka Sudan iyo sidii loo dhiirigelin lahaay iskaashiga gobolka Geeska Afrika ee dhinaca xalinta Mashaakilka.
ISHA WARKA AA.
XIRIIRKA SACUUDIGA IYO IRAAN.
(SAWIRKA)-AMIIR FARXAAN IYO DHIGIISA.
(RIYAD)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Sacuudiga Amiir Farxaan Bin Faysal ayaa lagu wadaa inuu yimaado magaaladda Tehran ee caasimadda dalka Iraan maalinta Sabtida ah ee soo socoto waane booqashadii ugu horeysay ee rasmiga ah ee uu Amiir Farxaan ku tago dalka Iraan tan iyo markii uu go’ay xiriirka labadaan dal ee iska soo horjeedo muddo dhan todobo sano ah. Madaxa diblomaasiyiinta Sacuudiga ayaa waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa Hossain Amiir-abdallaian iyo saraakiil kale inta uu ku guda jiro booqashadiisa halka maalin ah ee dalka Iraan,sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta dalka Iraan.
ISHA WARKA AA.
98% DADKA SIDA HOOSE LOO QORTAY WAA…
(SAWIR)-KA MUSLIMIINTA MARAYKANKA.
(LONDON)-Dalka Maraykanka waxaa ku nool dad aad u fara badan oo Muslimiin ah kana kala yimid adduunka dacaladiisa,dadkaan soo gaaray dalka Maraykanka ayaa kala ah dad ey kala gedisan tahay Qaaradaha ey ka soo kala jeedaan waxaase kulmiya Diinta ey aaminsan yihiin iyo goobaha cibaadada ey isugu yimaadaan waqtiyada salaada. Hayadaha sirdoonka ee dalka Maraykanka ayaa la socdo dhaqdhaqaaqa dadka sheegta iney yihiin Muslimiin balse gaca saar la leh kooxaha aragagixisada caalamiga sida Daacish/ISIS iyo ururka Al-qaacidda,warbixin ey baahisay hayadda Xiriirka Muslimiinta iyo Maraykanka ayey ku sheegtay in ciidamadda sirdoonka Maraykanka dadka ey si sir ah ula socdaan ey 98% yihiin dad Muslimiin ah,warbixntaan ayaa ka caraysiisay hayadaan CIAR sheegtayne in Muslimiinta lagu bartimaameedsaday.
ISHA WARKA ARABIC.
108-MILYAN OO QAXOOTI AH AYAA KU SUGAN…
(SAWIRKA)-DAD QAXOOTI AH OO LAGA DEJIYEY RUWANDA.
(UN)-KA-Hayadda qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa iclaamisay in tirada dadka xooga looga saaray dhulki ey deganayeen ee adduunka ayaa waxaa ka dhashay natiijo ah in Qaxooti ey noqdaan dad gaaraayo 108-Milyan oo qofood sannadkii tegay ee 2022-ka,sidaas waxaa lagu sheegay warbixin ey soo saaratay hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR maanta oo Arbaca ah(14/6/23)-ka.
ISHA WARKA ARABIC.
AMIIRKA QADAR OO TEGI DOONO DALKA…
(SAWIRKA)-AMIIRKA DALKA QADAR.
(DOHA)-Amiirka dalka Qadar Al-shiikh Tamiim bin Xamad Al-thani ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri oo Khamiis ah inuu booqasho rasmi ku tago dalka Ciraaq,waane booqashadiisii ugu horeysay Amiir Tamiim uu ku tago dalkaas tan iyo markii uu dhacay dagaalkii 2001-ka. Dalka Qadar ayaa ah dal si wanaagsan u kaalmaynaayey dalka Ciraaq tan iyo markii uu burburka ku yimid dhaqaalhooda,hadab booqashadaan Amiir Tamiim maxay ka bedeli doontaa xiriirka labada dal?
ISHA WARKA ARABIC.
QAXOOTIG SUURIYA OO KA HALAY…
(SAWIRKA)-QOYS MEGENGALYO DOON AH.
(SWEDEN)-Dalka Suuriya waxa uu ka mid yahay dalalka uu saameeyey kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta sannadkii 2011-kii,Suuriya ayaa waxaa ka qaxay dad aad u fara badan una kala qaxay caalamka dacaladiisa. Qaxootigii reer Suriya ee gaaray wadanka Sweden ayaa waxa ey si aad ah uga hadleen arrimo fara badan ey ka mid tahay Amniga iyo la macaamilka shucuubta Muslimiinta ah,hooyo ka mida hooyooyinka ka soo jeedo dalkaasi Suuriya kuna sugan dalka Sweden ayaa tiri”DAGAALKA DALKA SUURIYA WAXA UU AMNI AHAAN KA WANAAGSAN YAHAY DALKA SWEDEN”,waa xanuun haayo hooyadaan reer Suriya eyna qarsan weyday,waxaane dhacday marar badan in hooyoyin Muslimiin ah laga kexeystay caruurtooda si qasab ah gudaha dalka sweden. Hadaba Wargays Carbeed ayaa arrinkaan la socday waxna ka qoray.
ISHA WARKA ARABIC.
DUMARKA REER MASAR OO KU SII SIQAAYO INEY ….
(SAWIKA) XABSIYADA DALKA MASAR.
(MASAR)-Dalka Masar iyo dalal kale oo Carab ahba waxaa ka jirto ku tumashada Xuquuqda Bani’adanka,dalka Masar waxaa ku xiran kumanaan rag iyo dumar isugu jiro una xiran waxa ey siyaasad ahaan rumaysan yihiin iney sax tahay,dadkaan reer Masar ee buux dhaafiyey xabsiyadda ayaan la horkeenin Maxakadaha si loogu xukumo demiyada ey ku eedeysan yihiin waabe haddii ey jiraane. Dumar fara badan oo reer Masar ayaa la xiray Odayaashood weline lama soo hortaagin maxkamadaha,qaar kale ayaa ayagana jiro aan la aqoonin halka ey ku xiran ilaa hadda balse loo maleynaayo iney ku xiran xabsiyo gaara ey leedahay dawladda Masar. Saara waa gabar reer Masar ah una doonan wiil u xiran hayadaha amaank dalka Masar muddo sannada ah, Saara ayaa hadda xaalkeedu waxa uu marayaa ineey iska furto wiilkii ey dooneed oo xabsi ugu jiro dawladda Masar loona malaeynaayo inuu u xiran yahay Siyaasad,hadaba Wargayska carabi ku soo baxo ayaa waxa uu wax ka qoray arrinta Saara.
ISHA WARKA ARABIC.
SHIRKA CARABTA IYO SHIINAHA EE RIYAD.
(SAWIRKA)-WASIRADA ARRIMAHA DBADDA SACUUDIGA IYO SHIINAHA.
(CHINA)-Dalka Sacuudiga ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqay inuu balaayiin doolar oo maalgashi ah gelin doono heshiiska u dhexeeyo Caalamka Carabta iyo dalka Shiinaha,labadaan dhinac ayaa shirkooda ganacsi uu maanta ka furmay caasimada Sacuudiga ee Riyad. Fadhigaan ayaa imaanayo ka dib markii uu kor u kacay xiriirka ganacsi iyo kan diblomaasiyadeed ee u dhexeeyo dalalka Carabta iyo Shiinaha gaar ahaan dalalka Bariga dhexe,waxaane ka mida dib u soo nooleynta xiriirka Caalamka Carabta iyo Shiinaha heshiisiintii dalalka ugu tunka weyn Khaliijka ee kala ah Sacuudiga iyo Iraan heshiskaso Shiinuhu ka ahaay garwadeen,waxaane isbedel muuqda uu ku yimid jihada diblomaasiyadda wadamadda Bariga dhexe gaar ahaa kuwood Khaliijka marka laga reebo dalka Qadar.
ISHA WARKA MEE.
52-QOFOOD OO LAGU TOOGTAY SACUUDIGA 2023.
(SAWIRKA)XABSIYADA SACUUDIGA.
(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa dil toogasha ah waxa ey xukuntay seddex mawaadin oo Sacuudi ah maanta oo Axad ah(11/6/23)-ka ka dib markii lagu soo edeeyey iney dileen saraakiil amni iyo iney abuuraayeen kooxo Argagixisa ah gudaha dalka Sacuudiga,sidaas waxaa laga soo xigtay Wasiirka arrimaha gudaha dalka Sacuudiga. Tan iyo markii uu soo biawday sannadkan-2023-ka dalka Sacuudiga waxa uu dil toogasha ah ku fuliyey dad gaaraayo ilaa 52-qofood(9-qofood bishii) eyna ku jiraan 20-qofood lala xiriirinaayo iney yihiin Argagixiso,sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda wararka ee Faransiiska ee AFP.
ISHA WARKA MEE.