Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL DHEXMARAY CIIDAMAD YEMAN IYO…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA YEMAN.

(SANA’A)-Iska horimaad aan waxba la isu reeban ayaa dalka Yeman waxa uu ku dhexmaray ciidamadda xukuumadda Yeman iyo koox lagu tuhmaayo iney yihiin Al-Qaacidda koonfurta dalkaasi Yeman,iska horimaadka ayaa waxaa ku dhintay ilaa seddex qofood oo labada dhinac ah maalintii shalay oo Sabti ahayd,sidaas waxaa laga soo xigtay saraakiisha ciidamadda iyo hogaamiyeyaasha Qabaa’ilka. Dagaal ayaa qarxay fiidnimadii shalay oo Sabti ahayd ka dib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Qaacida ey weerareen saldhig ey ku sugnayeen ciidamo uu tababaray dalka Imaaraatka Carabta kuna yiil tuulada Musynah ee gobolka Shabwa koonfurta dalka Yeman,maleeshiyaadka Al-Qaacida ee soo weerartamay ayaa watay qorayga AK-47 ee darandooriga u dhaca,waxaane la weeraray oo kale hogaamiyeyaal dhaqan iyo saraakiil ciidan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAXOOTI REER SUDAN AH OO DAGAAL KU…

(SAWIRKA)-GOOBTA LAGA DHAANSADO BIYAHA LAGU DAGAALAY.

(CHAD)-Dagaalka dalka Suudaan waxa uu sababay iney gudaha dalkaasi ey isaga Qaxaan dad aad u fara badan oo Suudaaniyiin ah,dadkaan ka Qaxay dagaalada Sudaan qaarkood ayaa gaaray dalka Sudaan la deriska ah ee Jaad. Qaxootiga reer Sudaan ee gaaray xeryaha Qaxootiga ee ka furan Jaad waxa ey is fara saareen dad reer Jaad ah oo ka agdhaw xerada qaxotiga,waxaane dagaalka sababay goob laga dhaansado biyaha ey reer Jaad leeyihiin ayey Gabar Qaxooti reer Sudaan ah isku dayday iney biyo ka soo dhaansato waxaane halkaasi ku fara saaray dadkii degaanka una sheegay in goobtan eysan imaan karin Qaxootiga reer Sudaan.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAACISH AJAANIB AH OO LAGU…

(SAWIRKA)-KURDIYIINTA SUURIYA.

(SYRIA)-Ismaamulka Kurdiyiinta dalka Suriya ee dega Waqooyiga iyo Bariga dalkaasi Suuriya eyna hogaaminayaan Kurdiyiinta ayaa shaaca ka qaaday ineey bilaabi doonaan Maxkamadeynta kumanaan dagaalyahano kana tirsan kooxda Daacish/Isis una badan dad ajaanib ah kuwasso ka barbar dagaalamaayey Daacish waqtigii uu socday dagaalka Daacish,dadkaan ayey kurdiyiintu haayeen muddo sannada ah. arrintaan ey sheegeen Kurdiyiinta ayaa ah mid ka wada yaabisay diblomaasiyiinta ku mashquulsan xal u helida arrintaan,waxaane cabsi weyn laga muujinayaa qaabka ey u dhici karto Maxkamadeynta dadkaan Daacish ka wada tirsanaay hadane ajaanub ah.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKANA KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

90-MILYAN OO DOOLAR OO LAGA DHACAY…

(SAWIRKA)-EX-RW XAMAD ALTHANI.

(NEW YORK)-Marka aan maqalno Erayga “BILILIQO” waxa aan isla markiiba soo xusuusaneynaa dalka Soomaaliya laakinse markaan sheekada ma aha Soomaaliya ee waa dal kale,waxaa lagu guulaystya Bililiqo midii ugu weyneed ee dhacda sannadkii hore 2022-ka,dhaqaalaha lagu dhacay Bililiqadaasi ayaa lagu qiyaasay inuu dhan yaha sagaal milyan oo doolarka Maraykanka ah,waxaase laga yaabaa akhristaw inaadan maqlin wax ku saabsan arrintaas. Waa dhacdo dad fara badan ey dhibanyaal u yihiin,waxa eyna ahayd goobta ganacsi ee Ingiriisku leeyahay ee “Christie”ee magaaladda New York ee dalkaasi Maraykanka taaso si lama filaan ah ula baxday 13.15 ah Dheymanka ah “Pink Carat”kaaso lagu qiimeyey 35-milyan oo doolarka Maraykanka ah bishii Diseembar ee sannadkii hore 2022-kii,dadkii lahaay hantidaas ayaa bilaabay iney dacwoodaan sheegaane in la dhacay waxaane dhacdadaan laga joogaa sagaal bilood. Dhibanaha ugu weyn ey Bililiqada aad u saameysay ayaa ah Reysal Wsaarihii hore ee dalka Qadar Sheekh Xamad Bin Jaasim Bin Jaabir Al-Thani oo laga dhacay dhaqaale dhan $90-Milyan doolar.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ALSHABAAB OO WEERARTAY HOTEL-KA…

(SAWIR)HOTEL KU YAALO MUQDISHO.

(SOMALIA)-Sida ey soo sheegeen Wakaaladaha wararka ee ku sugan caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho kooxda Alshabaab ayaa caawa weerartay Hotel-ka Pearl Beach ee degmada C/casiis,waxaa weli socdo hawlgalkii ey sameyanayeen ciidamadda amaanka ee Haramcad mana haayo tirada dhaawaca iyo dhimashada ee goobta la weeraray. Goobjoogayaal ayaa sheegay iney arkayeen dagaalyahano sii gelaayo hotel-ka ka dib labadii qarax ee lala beegsaday irida hore ee Hotel-ka.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXWEYNAHA IMAARATKA OO TEGI DOONO…

(SAWIRKA ) MW-MAXAMED BIN ZAYED.

(DUBAI)-Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa booqan doono dalka Turkiga maalinta Sabtida ah(10/6/23)-ka si uu u daawado cayaarta kama dambaysta ah ee horyaalka kubadda cagta ee Qaaradda Yurub,sidaas waxaa Wargayska Middle East Eye u sheegay seddex ilo wareed. Cayaarta kama dambaysta ah ee horyaalka kubadda cagta ee Qaaradda Yurub ayaa waxaa isaga horimaan doono kooxaha Inter Milan ee dalka Talyaaniga iyo kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska,kulanka ayaa waxa uu ka dhici doonaa garoonka caalmaiga ah ee ‘ATATURK OLYMPIC STADIM” fiidnimada Sabtida ee soo socoto. Dad ka hadlo arrimaha siyaasadda kuna sugan Ankara ayaa laga soo xigtay iney dheheen Hogaamiyaha dalka Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed ma uusan ka qeybgelin xafladii caleema saarka ee dib u doorashada MW-ne Recep Tayyip Erdogan todobaadkii tegay,waxaane laga yaabaa inuu rabo Maxamed Bin Zayed inuu si shaqsi ah ugu hambalyeyo MW-ne Erdogan oo dib loo doortay 28/5/23-ka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL KA DHACAY DALKA YEMAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA DAWLADDA YEAN.

(ADEN)-Marka laga hadlaayo arrimaha dalka Yeman ee waqtigaan waxaa mudan inaan is xusuusino in dalka Yeman ey ka jiraan seddex Xoog oo laba ka mida ey isku meel joogaan halka kan kale uu isagu meel kaligiis taagan,magaaladda Cadan ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee dalka Yeman ayaa waxaa kuwada sugan ciidamadda dawladda uu caalamku aqoonsan yahay iyo ciidamo kale oo reer koonfureed ah eyna tababartay Imaaratka Carabta rabaane iney ka go’aan Yeman inteeda kale iyo kooxda Ansaara Alaah loona aqoon ogyahay Xuutiyiinta,hadaba dagaal aan waxba la isula harin la isuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayey isaga horyimaadeen xoogaga gooni u goosadka raba ee reer Koonfureedka iyo ciidamada Xuutiyiinta uu sakdhigoodu yahay Sanca,dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Waqooyiga Gobolka Laxaj halka loo yaqaano”kirish”kana tirsan degmada Museeymeer waane degaan u dhaw Gobolka Ticis. Dagaalka ayaa bilawday ka dib markii askar ka tirsan Xuutiyiinta ey isku dayeen iney si dhuumaaleysi ah ku galaan goob saldhig u ah xoogaga Koonfureedka kuna taalo dhul buuraley ah loona yaqaano “Al-Markhaam”waxa eyna Xuutiyiintu adeegsadeen diyaaradaha Drones-ka iyo madaafiic ey si ba’an ugu garaaceen saldhiga.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BENZIMA OO KA HADLAY SABABTA UU U DOORTAY…

(SAWIRKA)-BENZIMA OO LAGU SOO DHAWEYEY SACUUDIGA.

(RIYAD)-Xidiga caalamaiga ah ee reer Faransa ee asalkiisu yahay Aljeeriya BenZima ee dhawaan ku soo biiray Naadiga kubadd cagta ee Al-itixaad ee ka dhisan magaala xeebeedka Jidda ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay mar waraysi lala yeeshay gudaha dalka Sacuudiga in sababta uu u doortay inuu ku soo biiro Naadiga Al-itixaad ey tahay in dalka Sacuudiga uu uga soo horeeyey saaxibkiisa ey u wada cayaari jireen Naadiga Real Madrid ee dalka Spain Cristiano Ronaldo. Cayaaryaha Bebzima ayaa heshiis waxa uu la galay Naadiga kubadda cagta ee Al-itixaad waxa uuna Benzima u safan doonaa Al-Itixaad muddo hal sano ah(2025/2026),mar uu Benzima ka hadlaayey waxa uu u doortay inuu ka ciyaaro dalka Sacuudiga ayuu sheegay”Inuu yahay Muslim,dalka Sacuudiga yahay dal Muslim ah,waxa aane rabaa inaan halkaan ku noolaado”

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO XAL U RAADINAYSO MUSHKILADA…

(SAWIRKA)-MW-ALSISI.

(QAAHIRA)-Sida uu xaqiijiyey hogaamiyaha dalka Masar C/fataax Al-Sisi,Masar waxa ey oofinaysaa dhawritaanka derisnimda iyo wada hadalada si xal waara looga gaaro mushkilada biya xireenka Itoobiya,waa laba maalin uun ka hor waqtigii uu Madaxweyne Al-sisi ku baaqay in arrinta biya xireenka loo helo xal dhexdhexaad ah. Xal u helidda arrinta biya xireen ayaan ilaa hadda loo helin wax xal ah ey kuwada qanacsan yihiin dawladaha Masar,Sudaan iyo Itoobiya ee uu wada khuseeyo biya xireenka. Madaxweynaha dalka Masar Al-sisi ayaa hadda waxaa booqasho uga bilaabatay wadamada Afrika qaarkood waxa uuna hadda booqasho ku joogaa dalka Angola waxa eyna Al-Sisi iyo dhigiisa wada qabteen shir jaraa’id.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SACUUDIGA.

(RIYAD)-Dalka boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta oo Khamiis ah(8/6/23)-ka ku celiyey taageerada uu u haayo Juhdiga ey bixiyeen Isbahaysiga uu hogaaminaayey Maraykanka ee lagu jebiyey Ururka Argagixisada Daacish/ISIS sida laga soo xigtay Warbaahinta maxaliga ah ee dalka Sacuudiga. Qoraal ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Sacuudiga Faysal Bib Farxaan, qoraalkaso yimid ka dib markii uu dhacay fadhigii ey ka qeybgaleen Isbahaysiga Jebiyey Daacish/ISIS ee uu hogaaminaayey Maraykanka kana dhacay caasimadda Riyad ee dalka Sacuudiga marka loo fiiriyo warka uu baahiyey Tv-ga ey leedahay Xukuumadda Sacuudiga ee Al-Akhbaariya.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAGACA SHAQSIGI FULIYEY WEERARKII FARANSIISKA OO…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA FARANSIISKA.

(PARIS)-Sida ey kashiftay warbaahinta dalka Faransiiska ayaga oo soo xiganaayo ila wareedyo boolis ah ayey sheegeen magaca ninka qaaday weerarka loo adeegsaday Mindida ee lagu waxyeeleyey Carauurta kana dhacay Magaaladda Ansi ee dhacda buuraleyda Alab ee dalka Faransiiska maanta oo Khamiis ah(8/6/23)-ka,ninka gaystay weerarka ayey warbaahinta Faransiiska magaciisa ku sheegtay CABDULMASIIX waane qaxooti ka diiwaan gashan dalka Swden,waxa uuna dhashay sannadkii 1991-kii sida laga soo xigtay dukumintigiisa ka dib markii la qabtay.

ISHA WARKA ARABIC

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO DIB U SOO NOOLEYNAYO…

(SAWIRKA)SHIRKA WADAMADA KHALIIJKA IYO MARAYKANKA UGA SOCDO RIYAD.

(RIYAD)-Wasiisrka Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Antony Blink oo hadda ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka hor sheegay Wasiiradda Arrimaha dibadda dawladaha Khaliijka oo shir uga socdo caasimadda Riyad in dalka Maraykanka uu weli u taagan yahay wada shaqeynta saaxibadiisa ku sugan mandiqada Khaliijka,maanta oo Arbaca ah(7/6/23)-ka. Antony Blink ayaa u sheegay Wasiiradda Khaliijka in dalkiisa uu raad muuqdo uu ku leeyahay siyaasadda wadamadda Khaliijka kuwaaso waqtigaan u muuqday iney ku sii siqayaan wanaajinta xiriirka wadamo uusan Maraykanka jecleyn sida dalka Iraan oo xiriirkii siyaasadeed la soo ceshaday dalka Boqortooyada Sacuudiga.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QOYSKII MAXAMED SALAAX OO LOO DIIDAY TACSI.

(SAWIRKA)-ASKERIGII DILAY SEDDEXDA ASKERI EE REER ISRAA’IIL.

(QAAHIRA)-Laba maalin ka hor ayey ahayd markii askeri reer Masar ah lana yiraahdo Maxamed Salaax oo 22-jir ah uu dilay seddex askeri oo reer Israa’iil ah goobta dilka ka dhacay ayaa ah xuduuda u dhexeyso Masar iyo Isra’iil ee Siinaay,meydka Maxamed Salaax ayaa waxaa loo soo gudbiyey xukuumadda Masar si halkaasi loogu aaso. Dawladda Masar ayaa la sheegay iney diiday in Maxamed Salaax loo sameeyo Tacsi ka dib markii la duugay waxaane arrinkaan ka hadlay wargaysyada dalka Masar waxa eyna tilmaameen in guriga qoyska Maxamed Salaax ey isugu yimaadeen dad aad u fara badan balse aan halkaasi lagu sameeyn wax tacsi ah.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHACABKA KUWEYT OO DOORANAYO XILDHIBAANO.

(SAWIRKA)DOORASHADA DALKA KUWEYT.

(KUWAIT)-Cod bixiyeyaasha dalka Kuweyt ayaa maanta oo Talaada ah u dareeray goobaha cod bixinta si ey doortaan xildhibaanada baarlamaanka dalka Kuweyt markii seddexaad muddo seddex sano gudaheeda waqti ey jirto xasaasiyad adag oo dhinaca siyaasdda ah. In ka badan 793-kun qofood oo sharciga u ogol yahay iney ka qeybgalaan doorashada dalka Kuweyt ayaa safaf u galay sidii ey dooran lahaayeen 50-xildhibaan oo ka mida 65-kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalka Kuweyt, sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Kuweyt ee KUNA.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN IYO MARAYKANKA OO ISKA KASHANAYO…

SAWIRKA XUUTIYIINTA YEMAN.

(ADEN-YEMAN)-Wasiirka Gaashaandhiga dalka Yeman Muxsin Al-da’iri iyo safiirka dalka Maraykanka u fadhiyo dalka Yeman Steven Fagen ayaa shalay oo Isniin ahayd go’aan ka gaaray hababka loo xoojinaayo iskaashiga dhinaca amniga ah ee u dhexeeyo labada dal. Barta Twitter-ka uu ku leeyahay safiirka dalka Maraykanka ee dalka Yeman Steven ayuu ku sheegay in isaga iyo Wasiirka Gaashaandhiga Yeman Muxsin isla baadi goobi doonaan habkii loo fidin lahaay iskaashiga dhinaca amniga ah ee u dhexeeyo labada dal.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GARABYADA DAGAALKA LIBIYA OO GAARAY…

(SAWIRKA)-DOORASHADA DALKA LIBIYA.

(TRIPOLI)-Afhayeenka baarlamaanka dalka Libiya Caaqil Saalax iyo madax sare ee golaha dalka Libiya Khaalid Al-mishri ayaa soo wada gaaray magaaladda Booznika ee dalka Marooko si ey u saxiixaan is afgaradka isku xirka gudiga diyaarinaayo doorashooyinka dalka Libiya ee sharciga ah,sidaas waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo Libiya ah shalay oo Isniin ahayd. Gudiga isku xirka ee (6+6) ayaa la sameeyey bishii Maars-2023-ka waxaane xubno ka ah min lix xubnood oo ka kala yimid labada garab ee isku haayo siyaasadda dalka Libiya kalana ah Golaha sare ee Libiya iyo Baarlamaanka fadhigiisu yahay bariga Libiya,gudigaan isku dhafka ah ayaa soo diyaarinaayo sharciga doorashooyinka Libiya.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HORUMARKA EY SAMEEYSAY MUQDISHO.

AJNABI SAWIR KA QAADANAYO CAASIMADDA MUQDISHO.

(MUQDISHO-SOMALIA)-Dalka Soomaliya waxa uu xubin ka yahay wadamada ku jiro Jaamicadda Carabta waxa uuna dalka Soomaaliya ku biiray Ururka Jaamicadda Carabta 14/2/1974-kii,dalka Soomaaliya waxa uu soo maray heerar kala duwan oo xaga nolosha ah waxaane ka dhacay afgembi ey sameeyeen ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya sannaddkii 21/10/1969-kii, MW-Siyaada Barre ayaa dalka Soomaaliya soo xukumaayey muddo dhan 21-sano waxaane xukunka ka tuuray Jabhado ey ka mid ahaayeen SNM oo Waqooyiga ahayd, SSDF oo Waqooyi Bari ahayd iyo USC oo Bartamaha iyo Koonfurta ahayd,jabhadahaan ayaa kala aragti duwaanay mana eysan lahayn hadaf midaysan oo dalka Soomaaliya u yeelan karo hal dawlad oo xoog leh,hadaba sannadkii 1991-kii ayaa dalka waxaa laga saaray MW-Siyaad Barre waxa uuna dalka Soomaaliya gacanta u galay jabhadaha aan soo sheegay,si taariikHda caasimadda wax looga ogaado iyo heerarki ey soo martay ayaa Wargayska AL-CARABI ALJADEED waxa uu wax ka qoray Caasimadda Muqdisho.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TOOGASHO MURAN DHALISAY OO KA TAAGAN…

SAWIRKA XUDUUDA MASAR IYO ISRAEL.

(QAHIRA)-Shalay oo Sabti ahayd(3/6/23)-ka waxaa xuduudka u dhexeeyo Masar iyo Isra’iil ka dhacay toogasho uu sameeyey askeri reer Masar ah,toogashada ayaa waxaa ku naf waayey seddex askeri oo reer Isra’il ah,arrintaan ayaa waxa ey dhalisay tuhun u dhexeeyo labada dal ee saaxibka dhaw la wada ah dalka Maraykanka. Isra’iil ayaa sheegtay iney doonayso in la baaro sababta keentay in askeri reer Masar ah uu toogto asker reer Isr’iil si bareer ah,xukuumadda Masar ayaa ayadana dhinaceed ka sheegtay in askeriga wax toogtay uusan u bareerin toogashada balse la baaraayo sida wax u dheceen.

ISHA WARKA ARABIC,

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

11-MEYD OO LAGA HELAY BAQDAAD.

CIIDAMADDA AMNIGA BAQDAAD.

(BAQDAD)-Sida uu kashifay masuul ka tirsan hayadaha amniga ee caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad maanta oo Axad ah(4/6/23),kororka tirada Meydadka aan la aqoon cida ey yihiin laguna arkay caasimadda Baqdaad tobankii maalmood ee la soo dhaafay ayaa gaaraayo ilaa iyo kow iyo toban Meyd, Meydadkaan ayaa lagu arkay goobo kala gedisan kuna yaalo qeybo ka mida caasimadda Baqdaad. Meydadka la soo helay ayaa loo qaaday goobaha lagu baaro Meydadka aan la garan cidda dishay iyo waxa ey u dhinteen waxa ey tahay,waane mid la hubo ayey yiraahdeen hayadaha amniga Baqdaad in dilalkaan dhacay ey yihiin kuwa xiriir la leh kooxaha burcada ah ee nidaamsan kana jira caasimadda Baqdaad.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOLAHA SARE EE LIBIYA OO KA…

(SAWIRKA)BAARLAMAANKA DALKA LIBIYA.

(TRIPOLI)-Dalka Libiya oo ka mida wadamada uu saameyey kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta sannadkii 2011-kii ayaa weli waxa uu la daalaa dheceyaa inuu yeesho dawlad hanata awood dalka oo idil,waxaane dalkaasi ka jiro laba kooxood oo aad u awood badan kala fadhiya caasimadda Tripoli iyo koox kale oo ayadana fadhida bariga dalka libiya. Sida ey iclaamiyeen tiro ka mida Golaha sare ee dalka Libiya waxa ey diideen wixii ka soo baxay gudiga(6+6) gudigaaso shaqadiisu tahay iney diyaariyaan xeerarka doorashooyinka dalka Libiya,waxaane marna aan sax ahayn ayey yiraahdeen isu imaatinka gudigaan dastuur ahaan,gudiga(6+6) ayaa waxaa hawshaas u xilsaaray baarlamaanka iyo gudiga sare ee dalka Libiya.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More