Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MW-AL-SISI OO SHEEGAY IN AAN LA TAABAN KARIN…

SAWIRKA MADAXWEYNEYAASH MASAR IYO MURITAANIYA.

(QAHIRA)-Weli waxaan xal kama dambays ah laga gaarin arrinta la xiriirto biya xireenka Itoobiya ey ka dhalinayso korontada,biya xireenkaan ayaa saameynayaa dalalka Masar iyo Sudaan,dalka Itoobiya ayaa ilaa hadda waxa uu wadaa inuu sii balaariyo biya xireenka,hadaba Madaxweynaha dalka Masar C/fataax Al-sisi ayaa xaqiijiyey waqti uu socday shir jaraa’id ey si wadajir ah u wada qabanayeen isaga iyo dhigiisa Muritaaniya Madaxweynaha Maxamed Walad AlGazlaani gudaha caasimadda Qaahira,MW-Algazlaani ayaa booqasho rasmi ah waxa uu ku joogaa dalka Masar booqashada MW-Algazlaani ayaa ah mid bilaabatay maanta oo Axad ah(4/6/23)-ka. Madaxweyne Al-sisi ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan biya xireenka Itoobiya waxa uuna sheegay in biyaha dalka Masar yihiin biya carbeed cid taaban kartaana eysan jirin,mana la aqbalaayo ayuu yiri MW-Sisi in la qeybiyo biyaha carbeed,”Amaanka biyaha Masar waa kuwa aan la qeybin karin kana mida biyaha carbeed”.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LACAG LA XADAY DALKA CIRAAQ.

LACAGTA DALKA CIRAAQ.

(BAQDAD)-Haddi dal uu ka dhaco dagaal sokeeye eyne meesha ka baxdo xukuumadii markaasi jirtay dalkane uu galo fawdo qof kasta taabato waxaa laga dhaxlaa waxyaabo aan horay dalkaasi uga dhicin,dalka Ciraaq waxa uu ka mid yahay dalalka uu ka dhacay dagaalka eyna burburtay dawladnimadiisii,hadaba sida uu kashifay madaxa hayada difaaca bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalka Ciraaq Axmed Khalaf shalay oo Jimca ahayd, waxaa jirto in la la’ayahay dhaqaale dhan 175-kun ahne Mushaarka shabakada difaaca bulshada kuwaaso intooda badan ey yihiin shaqaale dawladeed,saraakiil ciidan iyo kuwa kale oo hawlgab ah kana tirsan ciidamadda waxaane mid la huba ah in miisaniyada dawladda ugu talagashay ey dhan tahay in ka badan 220-Milyaar oo Diinaarka reer Ciraaq ah.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRSO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO SACUUDIGA OO DIB U BILAABI DOONO…

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA BLINK.

(RIYAD)-Wararka ka imaanaayo dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Antony Blink uu booqasho ku tegi doono dalka Sacuudiga todobaadka dambe sida ey sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka shalay oo Jimca ahayd(2/6/23)-ka. Ujeedada booqashada ee Blink ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay iney tahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarintiisa,waxaane ka mida in la turxaan bixiyo mad madawga soo kala dhexgalay labada dal ee xulafada ah. Wasiirka Arrimaha dibadda Maraykaka Blink ayaa gaari doono dalka Sacuudiga 6/6/23-ka waxa uuna halkaasi joogi doonaa ilaa 8/6/23-ka.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBIYA OO DALKEEDA KA TARXILEYSA…

SAWIRKA MUHAAJIRIINTA KU SUGAN LIBIYA.

(TRIPOLI)-Sida ey sheegeen masuuliyiin amni oo reer libiya ah kuna sugan bariga dalka Libiya waxaa dalka Libiya laga tarxiili doonaa dad gaaraayo ilaa iyo 12-kun qofood oo dhammantood ah muhaajiriin aan sharci ahayn waxa eyna ka kooban yihiin jinsiyado kala duwan oo ka soo kala jeedo Qaaraddaha Afrika iyo Asiya waxaane dadkaasi ka mid ah boqolaal Masar iyo Suriyiin ah,goobta dadkaan ey ku sugan yihiin hadda ayaa ah goob kala qeybiso dalalka Masar iyo Libiya,warkaan ayaa soo shaac baxay shalay oo Khamiis ahayd. Masuuliyiinta reer Libiya ah oo la qariyey magacyadooda ayaa sheegay in dawladda Masar ogolaatay iney qaabisho dadka u dhashay Masar oo kaliyah sabab aan la sheegin,dadkaan muhaajiriinta ah ayaa intooda badan ah kuwa rabay iney u tahriibaan Qaaradda Yurub ayagoo sii maraayo badda isku xirta dalalka Libiya iyo Talyaaniga.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

UN-KA OO KU DHEGAN UAE.

CALANKA IMAARAATKA CARABTA EE MIDOOBAY(UAE).

(UAE)-Dalka Imaaraatka Carabta waxa uu ka mid yahay dalalka sida aad ka ah u bartilmaameedsado dadka mucaarado siyaasadiisa waxa uuna ku weeraraa meel kasta ey ka joogaan adduunka,Israel iyo Imaaraatka markey heshiiyeen waxa ey si wadajir ah u bilaabeen iney soo afduubaan telefoonada dadka mucaaradka ku ah Imaaraatka,hadaba dalka Imaaraatka ayaa xukuno kala gedisan waxa uu ku riday mucaaradkiisa qaarkood waxa eyna hadda soo dhammaysteen xukunadii lagu riday weline waxa ey ku jiraan xabsiga sidaas darteed Qaramada Midoobe ayaa ka hadashay 12-qofood oo u dhaqdhaqaaqo xuquuqda dadka kuwaaso lagu xiray dalka Imaaraatka Carabta soona dhammaystay xukunkoodii balse dawladda Imaaraatka aysan weli sii deyn oo ma aysan dib helin xuriyadooda. Qaramada Midoobe warbixin ey sii daysay maanta oo jimca ah(2/6/23)-ka gaara ahaan kooxda Qaramada Midoobe u qabilsan la socodka dadka la iska xirto ayagoo aan dembi cad lagu soo oogin ayaa sheegtay in dad lagu xiray dacwadda Imaaraatka looga yaqaano (94) ey weli xabsiga ugu jiraan weli sifo aan sharci ahayn.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO XOOJIYEY…

HIMARS MISSILE SYSTEM WAA HUBKA GEYEY SURIYA.

(RAQQA)-Dawladda Maraykanka ayaa hubaysay ciidamadeed ku sugan saldhiga u dhaw ceel shidaal oo ku yaalo bariga dalka Suriya,ciidamadaan Maraykanka ayaa la siiyey gentaalka HIMARS SYSTEM sida laga soo xigtay ilo ku sugan gudaha dalka Suriya maalintii Talaadada. Gentaalka HIMARS SYSTEM ayaa waxaa loo diray ciidamadda Maraykanka ee ku sugan gobolka DIIRA AL-ZUR maalmo ka hor waxaane sidaas loo sheegay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu,Gobolka Diira Al-zur ayaa waxa uu dhacaa bariga Wabiga Furaat kaaso waqtigaan gacanta ugu jiro kooxaha uu Turkiga u aqoonsan yahay iney yihiin Argagixisada ee YPG iyo PKK.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XILDHIBAAN INGIRIIS AH OO CAMBAREEYEY…

RAGII LAGU TOOGTAY SACUUDIGA SAWIRADOODA.

(LONDON)-Xildhibaan muddo dheer kasoo mid ahaay baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa cambaareeyey dilkii lagu fuliyey laba nin oo u dhalatay dalka Baxrayn gudaha dalka Sacuudiga todobaadkan,sidaas waxaa sheegay hayadaha u doodo xuquuqda aadanaha waxa eyna ku tilmaameen qubuurihii dhibanayaasha iyo iney soo socdaan dilal kale oo badan. Labada nin ee lagu fuliyey dilka toogashada ah ayaa u dhashay dalka Baxrayn waxaane magacyadooda la kala yiraahdaa Jacfar Suldaan oo 33-jir ah iyo Saadaq Taamit oo 31-jir ah,labadaan nin ayaa lagu soo edeeyey fal argagixisanimo iyo iney sameeyeen banaanbax ey ku taagerayaan argaixisada waxaane dilka toogashada lagu xukumay sannadkii 2011-kii.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO CUNAQBATEYN SAARAY…

MADAXWEYNE BIDEN.

(USA)-Dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay wareegii koobaad ee cunaqabataynta ah uu saaraayo dalka Sudan ka dib markii hogaamiyaha ciidamadda dawladda Sudan Gen.Burhani uu sheegay inuu ka laabtay hirgelinta xabad joojintii ey wada gaareen isaga iyo hogaamiyaha xoogaga deg dega ah Xumayteyt kuna wada gaareen magaaladda Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga. Qoraal uu soo saaray aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka maanta oo Khamiis ah(1/6/23)-ka ayaa lagu sheegay in cunaqabateynta jawaab u tahay rabshadaha ka sii socdo dalka Sudan cunaqabteynta ayaa noqon doonto”mid dhaqaale,xayiraad fiise oo la saaro kuwa hogaaminaayo dagaalka Sudan waayo waxa ey sabab u yihiin inuu sii daba dheeraado dagaalka dalka Sudan”.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WFP OO KA DAYRISAY XAALADA CUNTO EE…

CARUURTA MARINKA GAZA.

(GAZA)-Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan cuntada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano”WFP”ayaa waxaa soo wajahday dhibaato culus oo dhinaca kaalmada cuntada ah ey siiyaan dadka reer Falstiin sabab la xiriirto miisaaniyadooda iyo dhibaatada samafalka ee ka sii daraysa taaso samayasay Marinka Gaza waane natiijo ka dhalatay is-hortaaga ey ciidamada Israel ku haayeen dhulka Falastiin muddo 16-sano ah,sidaas waxaa laga soo xigtay xafiiska hayaddaha samafalka. “Halkaan waxaa ka jirto dhibaato weyn kuna saabsan sii weditaanka kaalmada cuntada ee la gaarsiiyo dhulka reer Falastiin sabab dhaqaale aawadeed taaso gacan ka gaysanayso sidii uu barnaamijku u qaadan lahaay go’aan adag”sidaas waxaa wakaaladda wararka Anadolu ee turkiga u sheegtay afhayeenka hayada WFP.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIIBIYA OO AADI DOONTO DOORASHO.

TRIPOLI.

(TRIPOLI)-Gudoomiyaha baarlamaanka dalKa Libiya Caqiil Saalax ayaa soo jeediyey in dalka Libiya loo sameeyo hal dawlad lana mideeyo qeybaha kala qeybsan ee isku Haayo siyaasadda dalka Libiya maanta oo Arbaca ah(31/5/23)-ka,ayadoo lagu guda jiro waqti la isu diyaarinaayo doorashooyinka,sidaa waxaa laga soo xigtay afhayeenka baarlamaanka dalka libiya Cabdallaha Bilxaq.Saalax ayaa sameeyey codsi gaar ah waqti uu la kulmaayey safiirka Ingiriiska u fadhiyo Libiya Mr.Carline Hurndall bariga magaaladda Al-Qubah,wada hadalka ayaa diiradda lagu saaray arrimo si aad ah arrimo muhiim u ah dalka Libiya,waxaane la iku soo qaadaysidii dalka Libiya looga qaban lahaay doorashada baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARAATKA OO ISKA DIIDAY INUU…

MARINKA HORMUZ.

(ABU DABAI)-Dawladda Imaaraatka Carabta(UAE) ayaa maanta sheegtay iney laba bil ka hor ka baxday isbahaysiga Maraykanka uu hogaamiyo oo ka shaqeeya amaanka badda Bariga Dhexe ka dib markii ey qiimaysay xiriirkeeda amni. Ciidamadda Badda isku-dhafka ah waa xoogag ka kooban 34-dal oo fadhigoodu yahay saldhiga ciidamadda badda Maraykanka ee Baxrayn,kuwaaso ka shaqeeyo amniga,ka hortaga argagixisada iyo burcad badeedka ee badda cas iyo Khaliijka. Gobolkaan ayaa waxaa ku yaal qaar ka mida marinada Maraakiibta ee ugu muhiimsan caalamka,waxaane tan iyo 2019-kii ka dhacayey weearao loo gaysto maraakiibta,taasi oo sare u qaaday xiisadda u dhexeyso Maraykanka iyo Iraan. “Ayada oo ku yimid natiijada qiimaynta joogtada ah ee aan ku samayno iskaashiga amniga wax ku oolka ah ee aan la leenahay dhammaan saaxibadeyna,laba bil ka hor,Imaaraatka Carabta wuxuu ka baxay ka qeybgalka ciidamadda isku dhafka ah ee Baddda,”ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tiri bayaan lagu baahiyey Wakaaladda Wararka Dawladda Imaaraatka Carabta ee WAM. Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay iney ka go’an tahay wada hadal iyo macaamil diblomaasiyadeed si loo horumariyo amniga iyo xasiloonida gobolka,isla markaasne ey ka go’an tahay xaqiiqdii badqabka socdaalka badda si waafaqsan shuruucda caalamiga ah. Shanta todobaad ka hor,dalka Iraan waxa ey todobaad gudihiis ku qabsatay laba Markab oo ah kuwa saliida qaada ah oo maraayey biyaha Khaliijka,meel u dhaw marinka Hormuz. Markabka labaad ey qabsatay Iraan laguna magacaabo NIOVI ayaa ka soo ambabaxay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta waxa uuna ku socday dekedda Fujeyrah ee ku taalo isla dalka Imaaraatka Carabta. Bayaanka ka soo baxay dalka Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay in warbixinta uu Talaadadii daabacay wargayska WALL STREET JOURNAL isaga oo soo xiganaayo ilo wareedyo Maraykan iyo Kahloiij ah sheegay in dalka Imaaraatka Carabta uu ka carooday jawaab la’aanta Maraykanka ee qabsashada Maraakiibta ey fasiraad khaldan ka bixinayso wada hadalada labada dal. Ciidamadda Badda ee Maraykanka iyo Wasaradda Arrimaha dibadda Imaaratka Carabta ayaa weli ka jawaabin codsi loo diray si ey uga falceliyaan arrintaan.

ISHA WARKA VOA-SOMALI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BOOLISKA LIBNAN OO KU GUULAYSTAY…

CIIDAMADDA BOOLISKA BEYRUUT.

(BEIRUT)- Maalinti Axada ee ina soo dhaaftay ayaa gudaha caasimadda dalka Libnan ee Beyruut waxaa lagu afduubay masuul ka tirsan shirkada dayuuradaha ee dalka Sacuudiga,masuulkaan la afduubay ayaa waxaa baadi goob u galay ciidamadda dalka qeybihiisa kala duwan waxaane u suurtagashay ineey helaan kooxdii afduubka gaysatay iyo dhawr baabuur ey wateen kuwaso qaarkood ey yihiin kuwa la soo dhacay. Goobta laga afduubay masuulkaan Sacuudiga ayaa ahayd goob si aad ah loogu ganacsado dad fara badane ey isugu yimaadaan.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

42-MAXBUUS OO LA ISKU DHAAFSADAY…

MAXAABIIS REER YEMAN AH.

(YEMAN)-Tan iyo markii ey wada heshiiyeen dalalka Sacuudiga iyo Iraan waxaa isbedel xoogan uu ku yimid dagaalka dalka Yeman,waxaane bilaabatay in labada garab ee isku haayo dagaalka Yeman Xuutiyiinya iyo Dawladda caalamku aqoonsan yahay,iney is dhaafsadaan maxaabiista ey kala qabsadeen waqtigii uu socday dagaalka. Dhexdhexaadinta labadaan garab ayaa waxaa kaalin mug leh ka qaadatay dawadda Cumaan oo gacan saar fiican la kala leh Yeman iyo Iraan waane arrin ka dhaqan gashay gudaha dala Yeman.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAANN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KORNEEL RUUSH AH OO LAGU DILAY DALKA…

CIIDAMADDA RUUSHKA EE KU SUGAN DALKA SURIYA.

(SYRIA)-Sida uu sheegay bog warfaafineed ey iska leeyihiin ciidamadda dawladda Ruushka kuna sugan dalka Suriya maanta oo Isniin ah(29/5/23)-ka waxaa la dilay Korneel Ruush ah maalmo ka hor ka dib markii uu ku dhawaacmay weerar ey fuliyeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish gudaha magaaladda Al-sukhna ee gobolka Xumsi ee dhaca bariga dalka Suriya. Bogga ayaa sheegay in kooxda Daacish ey weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamadda Ruushka waqtigaso uu la socday Korneelka la sheegay inuu u geeriyooday dhawaacii soo garay,Korneelka ayaa magaciisa lagu sheegay OLIIG BIITSHITIISHTI.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO WEERARAY TICIS.

CIIDAMADDA YEMAN.

(SANA’A)-Sida laga soo xigtay masuul sare oo ka tirsan ciidamadda dalka Yeman ayaa maanta oo Isniin ah(29/5/23)-ka sheegay in Xuutiyiinta ey weerar cirka ey ku soo qaadeen fariisin ey leeyihiin ciidamadda dawladda Yeman kuna yaalo Gobolka Ticis ee dhaca Koonfur Galbeed dalkaasi Yeman. Col.Cabdulbaasidh Al-baxri oo ku hadlay afka ciidamadda dawladda ee ku sugan gobolka Ticis isla markaasne ah masuulka ugu sareeyo ciidamadda dawladda Yeman ee goblka Ticis ayaa sheegay in habeenkii Isniinta ey kooxda Xuutiyiinta soo weerareen saldhiga ayago isticmalayo diyaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NIN U DHAHSAY SACUUDIGA OO LAGU…

CIIDAMADA BOOLISKA LIBNAN.

(BEIRUT)-Sida laga soo xigtay warbaahinta CNN ee dalka Maraykanka maanta oo Isniin ah(29/5/23)-ka mawaadin u dhashay dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu afduubtay caasimadda dalka Libnan ee Beyruut sida uu sheegay Tv-ga rasmiga ah ee laga leeyahay dalka Sacuudiga,waxaane arrintaan sii xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Libnan Basaam Mawluuwi,Wasiirka ayaa sheegay in dawladda Libnaan samaynayso wixi awoodeeda ah sidii loo deyn lahaay mawaadinkaan Sacuudiga ah ee la afduubay,kooxda wax afduubtay ayaa waxa ey dalbatay madax furasho dhan $400-kun oo doolarka Marayanaka ah. Ninka la afduubay ee u dhashay dalka Sacuudiga ayaa u shaqeynaayey shirkada diyaaradaha Sacuudiga waxaane la afduubay habeenimadii Axada ee la soo dhaafay,goobta la afduubay ayaa ahayd meel caan ku ah ganacsiga ee caasimadda Beyruut.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL KA DHACAY DALKA LIBIYA.

CAASIMADA TRIPOLI.

(TRIPOLI-LIBYA)-Aroornimadii maanta oo Isniin ah ayaa waxaa iska hor imaad hubaysan uu dhexmaray maleeshiyaad iska soo horjeedo gudaha caasimadda Libiya ee Tripoli,dagaalka ayaa qaboobay ka dib markii laga adkaaday mid ka mida maleeshiyaadkii dagaalamay waxaane qaboobay dagalkii ka socday caasimadda Tripoli. Qoraal ka soo baxay agaasimaha amniga caasimadda Tripoli ayaa lagu sheegay in dhammaan wadooyinka mara bartamaha caasimadda Tripoli yihiin kuwa furan ka dib dagaalkii dhacay aroortii hore ee maanta oo Isniin ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URDUN OO OGOLAATAY…

SAWIRKA SADAAM XUSEEN.

(URDUN)-Go’aanka ey dawladda Urdun ku ogolaatay in farac ka mida Xisbiga Albacthi ee ka jiray dalka Ciraaq inuu xafiis ka furto gudaha dalka Urdun. Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka Urdun(IECJ) ayaa 14/5/23-k waxa ey ogolaadeen in Xisbiga Bacthi uu ka qeybgalo doorashooyinka 27-Xisbi siyaasadeed ee cusub uuna ka mid yahay Xisbiga Baacthi ee Hanti Wadaaga Carbeed faraciisa dalka Urdun ee midawg dhaqdhaqaaqa wadaniga Carbeed uuna ka tirsanaay Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Sadaam Xuseen.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RAADKA UU REEBO KABTAAGO.

(SAWIRKA)-MW-BASHAAR AL-ASAD.

(LONDON)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka dalka Suriya waxaane si xawli ah u dhinac socday ka Ganacsiga Maandooriyaha KABTAAGO kaaso intiisa badan lagu sameeyo gudahan dalka Suriya loona suuq geeyo dalalka Carabta ee la derisk ah dalka Suriya sida Libnaan,Urdun,Ciraaq,Turkiga iyo Sacuudi Carabiya. Maandooriyahaan Kabtaago ayaa ah mid si aad ah ey u isticmaalaan dhallinyarada ku nool wadamada Carabta ee xuduuda la leh dalka Suriya,hadaba sheeko la xiriirto arrinta Kabtaago ayaa waxa ey ka dhacday dalka Ingiriiska waxa eyna dhalisay in sameeyo baaritaan la xiriiro raadka uu leeyahay Kabtaago.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAALADDA CARUURTA YEMAN OO LAGA…

(SAWIRKA)NAFAQA DARIDA HAYSATA CARUURTA YEMAN.

(YEMAN)-Marka laga hadlaayo xaaladda dalka Yeman waxaa dhab ah inaan soo xusuusaneyno sida uu dalkaasi ahaay waqtigii ey gaajada ba’an ka jirtay dalka Soomaaliya sannadkii 2011-kii,dalka Yeman waxaa ka dhacay welina ka jiro dagaal u dhexeeyo Xoogaga XUUTIYIINTA iyo Ciidamadda Dawladda Yeman,dagaalkaan daba dheeraaday ayaa waxa uu sababay iney istaagaan dhammaan mucaawinooyinkii Imaan jiray dalka Yeman arrintaas ayaa waxaa ka dhashay in Nus malyuun caruur reer Yeman ah kuna sugan dhulka ey maamusho Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ey soo wajahday Nafaqo dari ba’an sannadkan 2023-ka sidaas waxaa ka digtay Qaramada Midoobe. “Nafaqa darida ba’an oo sii socoto ayaa isu bedeli karta mid ka sii liidata heerka ey hadda joogto gobolada Koonfureed ee dalka Yeman sida la qiyaasay sannadkan-2023-ka,Nus milyan caruur ah ayey asiibtay Nafaqo dari ba’an eyna ka mid yihiin 100-kun oo caruur ah ey hayso Nafaqo dari kala duwan’ sidaas waxaa lagu qoray qoraal ka soo baxay hayadaha kala ah”UNICEF,WFP,FAO iyo WFP”.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More