Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAXOOTIGA SURIYA EE JOOGO LIBAN OO…

SAWIR GOOBAHA EY DEGAN YIHIIN QAXOOTIGA SUURIYA EE DALKA LIBNAN.

(BEIRUT)-Dalka Libnaan waxa uu ka mid yahay dalalka martigeliyo Qaxootiga reer Suuriya tobankii sano ee ugu dambaysay,Libnaan ayaa waxaa haysato dhibaato dhaqaale oo aad u ba’an waxaane hadda maxkamad suge ah Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka Libnan kaaso loo haysto inuu wax isdaba mariyey. Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Libnan ayaa sheegay maanta oo Jimca ah(27/5/23)-ka in la hakiyey lacagtii gaca saarka ahayd ee lagu kaalmaynayey Qaxootiga reer Suriya kana koobneed Liiraha Libnaan iyo Doolarka Maraykanka ilaa bisha dambe ka dib markii uu codsi ka yimid Reysal Wasaaraha dalka Libnan Najiib Miiqaati,arrintaan ayaa ku soo hagaagayso waqti Qaxootiga Suriya dib loogu tarxiilaayo dalkoodii hooyo ee Suriya.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARAATKA OO XIRTAY DAD REER ISRAEL AH.

SAWIRKA SIDEED NIN OO ISRAEL AH OO LAGU XIRAY UAE.

(DUBAI)-Dalka Imaaraatka Carabta waxa uu ka mid yahay dalalka xiriirka la sameystay Israel waxaane sii xoogaystay is dhexgalka labada dal hadey ahaan lahayd dhinaca dalxiisla iyo ganacsiga.Cabdulkhaaliq Cabdallah waa aqoonyahan reer Imaaraat ah ayaa maanta oo Jimca ah(27/5/23)-ka waxa uu ka hadlay arrin ku saabsan dad reer Israel ah oo lagu xiray magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta,dadkaan la xiray ayaa waxa ey gaysteen dil waxa eyna magaaladda Dubai ku dileen nin kale oo reer Israel ah eyna kala dhexeysay colaad gudaha Isarel. Raga dilka gaystay oo ahaay sideed nin oo reer Israel ah ayaa waxaa soo xiray ciidamadda booliska magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka,Aqoonyahan Cabdulkhaaliq ayaa yiri”Dalka Imaaraatka waa dal nabad ah uuna sugan yahay amnigiisa 24-saac,mawaadiniinta reer Imaaraat iyo dadka deganba waxa ey dareemayaan nabad joogta ah’.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOON 500-QOFOOD SIDAY OO LA LA’AYAHAY.

SAWIRKA XEEBAHA DALKA TALYAANIGA.

(ROME)-Sida ey ku bixiyeen ogaysiis Ururada Samafalka ee dalka Talyaaniga markab ey iyaga iska leeyihiin ayaa ku guul daraystay inuu soo helo raadka Doon la sheegay iney ku dhuntay bartamaha badweynta,Doontaas la sheegay iney dhuntay ayaa waxaa saarnay dad gaaraayo ilaa 500-qofood oo muhaajiriin ah eyna ka mid yhiin Caruur Naaska Nuugaysa,45-Dumar ah kuwaaso qaarkood ey leeyihiin Uur iyo 56-Caruur ah. Markab waxa baadi goobaayo eyna iska leeyihiin Ururada Samafalka dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Doonta ku dhuntay Biyaha Badda Cad ee dhexe ey raadinayeen muddo dhan hal maalin.

ISHA WARKA RT.

HALKAAN KA SIIAKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

UK OO XIRTAY XARUN URUR SAMAFAL.

SAWIRKA XARUNTA URURKA SAMAFALKA AH EE LA XIRAY.

(LONDON)-Wargayska daily Teligraph ee dalka Ingiriiska ayaa qoray warbixin ku saabsan Urur Samafal oo Islaami ah kaaso ey dawladda Ingiriiska albaabada isugu dhufatay,wararka aya sheegaayo sababta Ururkaan Samafal loo xiray ineey tahay in Ururkaan uu xiriir la lahaay Gen.Qaasimi Suleymaan oo ey dileen diyaaradaha Drones-ka dalka Maraykanka gudaha magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad ee dalka Ciraaq sannadkii 2020-kii,Gen.Qaasimi ayaa ahaay sarkaal sare oo taliye u ahaay ciidamadda Ilaalada Kacaanka ee dalka Iraan.

ISHA WARKA QUDUS.

HALKAAN KA SIIA KHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAWAADIN INGIRIIS AH OO XAASKIISU UGU GEERIYOTAY…

DIYAARADO LAGU DAABULAAYO DADKA AJAANIBTA AH EE KU SUGAN KHARTUM.

(KHARTUM)-Waa sheeko aad u xanuun badan lagana soo werinaayo gudaha dalka Sudan uu muddo kuwa dhaw laba bilood uu ka socday dagaal ey kala hogaaminayaan laba Jineraal oo kala ah C/fataax Burhani oo ah taliyaha ciidamadda dalka Sudan iyo Maxamed Xumayteyt oo isna hogaaminaayo xoogaga Gargaarka deg dega ah. Hadaba Mawaadin Ingiriis ah asalkiisu yahay Sudaan lana yiraahdo Cabdallah Shalqaani oo 85-jir ah ayaa waxaa toogtay koox isaqarisay(Snipers) gudaha dalka Sudaan,Cabdalla ayaa ah maalqabeen ah Hotel-ne ku leh magaaladda London ee dalka Ingiriiska,waxaane Cabdalla u dhaxday haweeney magaceeda lagu sheegay Caqiidah Calawiyah Rashwaan oo 80-jir ah,xaaska Cabdalla ayaa u geeriyootay Gaajo ka dib markii ey isaga soo baxday magaaladda Khartum uu ka socday dagaal ba’an,sidaas waxaa sheegay qoyska ey ka dhalatay Caqiidah,waxaane jirtay in kooxaha dagaalamayo uu midba kan kale ku tuhmayey in isaga jebiyey xabad joojinta ey gar wadeenka ahaayeen Sacuudiga iyo Maraykanka.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO KA CAROODAY…

MAGACA WADAD LOOGU MAGAC DARAY JAMAL KHASHOGGI.

(LOS ANGELS)-Golaha degaanka ee magaaladda Los Angels ee gobolka California ee dalkaasi Maraykanka ayaa u codeeyey in magac laga bedelo loona bixiyo magac kale wado marta banaanka Qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay magaladda Los Angels,magaca cusub ee goluhu u codeeyey ayaa ah “JAmaal Khashoggi Way”. Codaynta ayaa waxa ey dhacday Khamiis 25/3/23,waxaane arrintaan loo sameeyey si loogu sharfo saxafigii la dilay ee Jamal Khashoogi,Jamal waxa uu ahaay saxafi dhaliila dalka Sacuudiga maqaalana ku qora Wargayska caanka ah ee Washington Post ee dalka Maraykanka iyo Wargayska isagan ka soo baxa London ee dalka Ingiriiska ee Middle East Eye. Saxafi Jamaal ayaa waxaa dilay dad u shaqeynaayey dawladda Sacuudiga Taariikhdu markey ahayd 2/10/2018-kii ka dib markii uu Jamal galay Safaaradda Sacuudigu ku leeyahay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADAHA LIBIYA OO WEERARAY…

RW-C/XAMID DEBEYBAH.

(TRIPOLI)-Dalka Libiya waxa uu ka mid yahay dalalka ey saameeyeen kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta qaarkood sannadkii 2011-kii,kacdoonkaasi ayaa xukunka looga tuuray hogaamiyihii dalka Libiya soo xukumaayey mudada dheer Col.Macamar Al-Qadaafi ka dib markii ey isu kaashadeen wadamo uu ka mid yahay dalka Faransiiska uu waqtigaas Madaxweyne ka ahaay Zakarosy oo hadda dalka Faransiiska loogu haysto dacwad la xiriirto musumaasuqa dhaqaale uu sameeyey watigii la dooranaayey,hadaba dalka Libiya ayaa waxaa ka abuur kooxo ka taajiro Daroogada,shidaalka iyo Tahriibinta dadka waxaane dhacday maanta oo Arbaca ah in xukuumada uu hogaamiyo Debeybah ey weerar cirka ey ku qaaday kooxo la sheegay iney wax tahriibinaayeen galbeedka dalka Libiya,mana la soo sheegin khasaaruhu inta uu la eg yahay ilaa hadda.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SIIA KHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WALIID JUMBULAAT OO IS CASILAY..

WALIID JUMBULAAT.

(BEIRUT)-Dalka Libnan waxaa ku wada nool dad ey kala duwan tahay diimaha ey kala haystaan balse u wada dhashay dalka Libnaan,dadkaan ayaa waxaa ka dhexeyso xukuumadda hogaamiso dalka Libnan waxa eyna xubno metelo ku leeyihiin golayaasha dawladda,waxaan jirto in dalka Libnan uu aafeyey dagaal sokeeye oo socday mudo dheer eyna ku dhinteen dad aad u fara badan,waxane ka dhisan Xisbiyo kala aragtiyo duwan kuna wada shirka ah dawladda Libnan,Hogaamiyaha Duruusta dalka Libnan Waliid Jumbulaat ayaa waxa uu iska casilay hogaaminta Xisbiga Houmarka Hanti-wadaaga(PSP) ka dib markii uu Waliid Jumbulaat soo hogaaminaayey muddo dhan nus Qarni. Wakaaladda Rasmiga ah ee wararka u faafiso dalkaasi Libnan(LANA) ayaa sheegtay in Waliid Jumbulaat oo 73-jir ah uu Xisbigiisa ugu baaqay iney isugu yimaadaan fadhi taariikhdu markey tahay 25/6/23-ka si uu xilka Xisbiga ugu wareejiyo ku xigeenkiisa.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XILDHIBAANO KA HADLAY DHIIBISTA…

KHALAF AL-ROMATHI.

(JORDAN)-Todabaadyadii la soo dhaafay warbaahinta caalamka Carabta intooda badan waxa ey ka hadlaayeen arrin la xiriirto nin ganacsada reer Imaaraat ah oo laga qabtay garoonka diyaaradaha Camaan ee caasimadda dalka Urdun,ninkaan ganacsada ah oo la yiraahdo Khalaf Al-Romathi ayaa dalka Urdun u yimid sidii uu u soo arki lahaay wiilkiisa oo halkaasi wax ku barto,hadaba arrinta ninkaan Imaaraatka ah ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Urdun xikdhibaankaso horay u soo noqday garsoore Maxkamadeed waxa uuna sheegay iney rumaysan yihiin xildhibaanada dalkaasi Urdun in Xukuumada Urdun ey jebisay sharciga dalka waxa eyna ku indha adeygtay iney dalka Imaaraatka u diraan nin Imaaraati ah haystana dhalashada dalka Turkiga ka dib markii laga xiray caasimadda Camaan ee dalka Urdun bishaan. Khalaf Al-Romathi oo 58-jir ah ayey maxkamad ku taalo Imaaratka xukuntay sannadkii 2013-kii waxaane dalka Imaaraatka ka jirto dacwad dad fara badan loo haysto loogana yaqaano gudaha Imaaraatka-94,dacwadaasi ayaa waxaa cambaareyey Ururada u dooda xuquuqda aadanaha waxa eyna ku tilmaameen dacwadaasi iney tahay midaan cadaalad ahayn.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUCAARADKA TURKIGA OO KALA JABAY.

QAXOOTIGA TURKIGA JOOGO.

(ANKARA)-Qaar ka mida Xisbiyada isbahaysiga la ah Xisbiga Mucaaradka ee uu hogaamiyo Kilicdaroglu ayaa iscasilay ka dib markii Kilicdaroglu oo 74-jir ah iyo siyaasiga xagjirka ah ey cusboonaysiyey balanqaadkoodi ahaay in dalka Turkiga laga tarxiili doono dhammaan dadka Qaxootiga ah kuna sugan gudaha dalka Turkiga haddii Kilicdaroglu la doorto,Kilicdaroglu ayaa isku dayayo sidii uu taageero uga heli heli lahaay cod bixiyeyaasha wadaniyiinta ah.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XILDHIBAANO MARAYKAN AH OO KA HORYIMID.

SHIRKA CIMILADA COP28 EE DUBAI.

(DUBAI)-In ka badan boqol xubnood oo ka tirsan Koongareeska dalka Maraykanka iyo Baarlamaanka Yurub ayaa shalay oo Talaada ahayd si wadajir ah ugu baaqay in Madaxa Fulinta ee shirkada shidaal Dubai(Adnoc) Suldaan Al-Jabir in laga qaado xilka Madaxa shirka ey qabaneyso Qaramada Midoobay kuna saabsan Cimilada adduunka laguna qaban doono dalka Imaaraatka Carabta dhammaadka Sannadkan-2023-ka. Xulashada Suldaan Al-Jabir ahne Madaxa fulinta ee Adnoc isla markaasne ah Madaxa shirka Cimilada ee dhacaayo Disembar-2023-ka Cop-28 lagubna wado inuu ka dhaco magaaladda Dubai ayaa waxaa ka carooday dadka u dhaqdhaqaaqo xuquuqda waxa eyna sheegeen in shirkada shidaalka ee uu Suldaan ka madaxda yahay ey aad ugu dadaaleyso iney raad xoogan ku yeelato shirka ey qaramada Midoobe ka dambeyso kuna saabsan cimilada adduunka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBNAAN IYO FARANSIISKA OO ISKA…

SAWIRKA GUDOOMIYIHA BANGIGA DHEXE EE LIBNAAN.

(BEIRUT)-Xukuumadda dalka Libnaan ayaa maanta oo Arbaca ah(24/23)-ka waxa ey safarka ka mamnuucday Gudoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee dalka Libnaan Riyaad Salaamah ka dib markii laga dalbaday inuu ka jawaabo eedeyn kaga timid hayadaha cadaaladda dalka Faransiiska loona soo marsiiyey Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL,Faransiiska ayaa Riyaad ku tuhmaayo inuu sameeyey dhicida lacago fara badan. Riyaad Salaamah oo 72-jir ah ayaa waxaa su’aalo weydiinayo Cimaad Qabaan oo ah Qareenka Guud ee Maxkamada Tamiyiz ee dalka Libnaan ka hor inta aan la sii deyn natiijada ka soo baxday baaritaanka,sidaas waxaa laga soo xigtay Tv-ga gaarka loo leeyahay ee Al-Jadiid.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERAR CIRKA AH OO KA DHACAY…

SAWIRKA CIIDAMADDA YEMAN.

(SHABWA)-Gobolka Koonfur Bari ee dalka Yeman(SHABWA) ayaa waxaa maanta ka dhacay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee DRONES-ka,weerarkaan ayuu ka badbaaday sarkaalkan sare oo kana tirsan ciidamadda ey tababartay Imaaraatka Carabta. Axmed Suleymaan waxa uu ka badbaaday weerar cirka ah lana aqoon cida soo qaaday balse loo maleynaayo ineey yihiin kooxda Xuutiyiinta oo fadhigoodu yahay Sanca caasimadda Yeman.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GEN.XAFTAR OO HESHIIS LA GALAY…

SAWIRKA RW-C/XAMIID DEBIBEH.

(LIBIYA)-Marka laga hadlaayo arrimaha dalka Libiya waxaan soo xusuusanaynaa kala duwanaanshaha siyaasadeed ee kala haysato kooxaha isku haayo talada dalka Libiya tan iyo markii xukunka laga riday Col.Qadaafi 2011-kii,Reysal Wsaaaraha dalka Libiya ee caalamku aqoonsan yahay C/xamiid Debiibeh ayaa la soo sheegayaa inuu heshiis hoose la gaaray Generaalka hawlgabka ah ee haysta bariga dalka Libiya Gen.Khaliifa Xaftar waxa eyna isku afgarteen labada masuul in dalka Libiya uu yeesho dawlad loo wada dhan iskana arki karaan dhammaan ururuada siyaada dalka Libiya.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

3,600-QOFOOD AYAA KA SOO XAJIN DOONO…

XAJKA.

(LONDON)-War goor dhaweed ka soo baxay Muslomiinta ku nool dalka Ingiriiska ayaa sheegayo in sannadkaan 2023-ka ey jirto dhibaato dhinaca trad Xujaayda ah,waxaane dhacday in Xujaayda ka xajinayso dalka Ingiriiska hoos loo dhigay tiradooda lagana dhigay 3,600-Xaaji halka tiradu ey horay u ahayd 25,000-Xaaji,waa farqi aad u balaaran mana la sheegin sababta sidaan loo sameeyey balse waxa ey Muslimiinta ku nool Ingiriiska tuhmayaan in arrintaan dad aan la sheegin ey ka dambeeyaan,waxaane intaas kaaga sii daran in 3,660-boos ey hadda buuxaan oo eysan jirin cid Ingiriiska joogta oo sugaysa fiisaha Xajka ee sannadkaan-2023/1444-H.

ISHA WARKA MEE

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXAA KALA HAYSTA DUMARKA IYO DAWLADDA?

SAWIRKA DUMARKA REER IRAAN OO U AWOOD SHEEGTAY DAWLADDA.

(TEHRAN)-Marka laga hadlaayo dalka Iraan arrimihiisa waxaa inteyna badan soo xusuusaneynaa ismari waga ka dhex taagan wadamadda Reer Galbeedka iyo Maraykanka oo isku dhinaca iyo dalka Iraan oo dhinaca kale ah,laakinse waxaa jirta arrin ayadana u baahan inaan la dhayalsan ka hadalkeed taaso ah arrinta Xijaabka ey qaataan Dumarka Reer Iraan taaso dawladda Iraan ey ku muteysatay dhibaatooyin aad u fara badan. Mahsa Amini waxa ey ahayd gabar reer Iraan ah kuna dhimatay xabsi ey iska leeyihiin ciidamadda Anshaxa ee dalka Iraan ka dib markii Mahsa ey ka soo tagtay Xijaabkeeda,dhimashada Mahsa ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo wata rabshado ey dad fara badan ku dhinteen waxaane la xirxiray kuwa kale oo badan,dadka qaarkoodne toogasho ayaa lagu xukumay laguna fuliyey,arrintaan ayey dawladda Iraan ku muteysatay cunaqabateyn,hadaba dumark reer weli ma noqon kuwa u hogaansamay amarkii Xijaabka ee dawladda Iraan,waxa eyna weli wadooyinka ku maraan ayagoo safaleeti yar madaxa u saaran yahay,waa maxay sababtu?

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XISBIYAD MUCAARADKA TURKIGA MXAY YIHIIN?

SAWIRKA HOGAAMIYAHA XISBIYADA MUCAARADKA DALKA TURKIGA.

(ANKARA)-Dalka Turkiga waxaa lagu qabtay doorasho Madaxweyne maalintii Axada ee todobaadkii inaga tegay kuna beegneed 14/5/23-ka,doorashada ayaa waxaa ugu cadcadaay seddex Musharax kalana ah Erdogan oo helay codadka ugu badan balse aan gaarin tiradii looga baahnaay inuu ku noqdo Madaxweynaha la dooratay-2023-ka waxa uuna Erdogan helay 49.39%, halka tartamihii ka socday Xisbiyada Mucaaradka uu helay 44.92% iyo ugu dambayntii tartamihii u sharaxnaay Xisbiga Wadani Sinan uu helay 5.3% cod. Xisbiyada Mucaaradka ayaa sheegay markii ey sameysanayeen ololahooda doorashada iney dalka turkiga ka saari doonaan Qaxotiga reer Suuriya ee ku sugan dalka Turkiga haddii ey talada dalka Turkiga qabtaan,Qaxootiga Suuriya kuna sugan gudaha dalka Turkiga ayey Hayada Qaxootiga ee Qaramada Midoobe(UNHCR) ku sheegtay ineey dhan yihiin 3.6-Milyan qofood. Xisbiyada mucaaradka dalka Turkiga ayaa loo arkaa ineey yihiin kuwa cunsuriyiin ah neceybna dadka soo gelootiga ah kuna suga dalkaasi Turkiga.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA FARANSIISKA IYO MUSLIMIINTA.

SAWIRKA WASIIRAK MAWADINIINTA FARANSIISKA SONIA BAKIS.

(PARIS)-Tan iyo markii uu xukunka qabtay Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron waxa si isdaba joog ah isu taraayey neceybka dadka Muslimiinta ah ee dalkaasi Faransiiska,Wasiirka arrimaha Mawaadinka Sooniya Baakiis ayaa bilaabay inuu cadaadis saaro ardayda Musliminta ah ee dalkaasi Faransiiska waxa uu soo saaray in la soo cadeeyo tirada ardayda ee maqnaata maalmaha ciidaha(SOON FURKA IYO CARAFO),Hdaba arrimahaan ayaa si isdaba joog ah isu taraayey waxaane wax ka qortay saxaafadda Faransiika taaso tilmaamtay sida wax u socdaan.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO AYADOO CARABI AH.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DHISMAHA XARAMKA MAKAH.

SAWIRKA MECCA.

(SAUDI ARABIA)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta oo Axad ah(21/5/23)-ka sheegay in dawladu go’aansatay in la balaariyo dhismaha Masjidka Xaramka ee Makah sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Sacuudiga. Madaxa Madaxtooyada ee arrimaha labada Masjid(Maka Iyo Madiina) Sheekh C/raxmaan Alsudeysi ayaa ku dhawaaqay maanta oo Axad ah in masuuliyiinta dawladda Sacuudiga soo saareen amar ogolaanshada balaarinta dhismaha Masjidka Makah sida ey qortay jariidada Saudi Gazzette.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL KA QARXAY DAARFUUR MAR KALE.

SAWIRKA DAGAALKA DAARFUUR.

(DAARFUUR)-Tan iyo markii u bilawday dagaalka dalka Sudaan muddo haatan laga joogo laba bilood ayaa hadda la soo sheegayaa in dagaalku uu ku faafay gobolka Galbeed ee dalka Sudaan ee Daarfuur sababta keentay in halkaan dagaalku gaaro ayaa lagu sheegay in halkaasi ey soo gaareen dagaalyahano ka soo firxaday dagaalka ka socdo magaaladda Caasimadda ah ee Khartuum,waxaane Daarfuur hadda ka socdo dagaal ey ku naf waayeen boqolaal qofood oo shacab ah ka dib markii ey is fara saareen ciidamada dawladda Sudaan ee jooga gobolka Daarfuur iyo kuwa ka yimid Khartuum kana tirsan xoogaga Gargaarka deg dega,weli makala cado cidda hadda gacanta ku hayso amaanka gobolka Daarfuur uu saameeyey dagaalka dalka Sudaan.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More