XISBIYAD MUCAARADKA TURKIGA MXAY YIHIIN?

SAWIRKA HOGAAMIYAHA XISBIYADA MUCAARADKA DALKA TURKIGA.

(ANKARA)-Dalka Turkiga waxaa lagu qabtay doorasho Madaxweyne maalintii Axada ee todobaadkii inaga tegay kuna beegneed 14/5/23-ka,doorashada ayaa waxaa ugu cadcadaay seddex Musharax kalana ah Erdogan oo helay codadka ugu badan balse aan gaarin tiradii looga baahnaay inuu ku noqdo Madaxweynaha la dooratay-2023-ka waxa uuna Erdogan helay 49.39%, halka tartamihii ka socday Xisbiyada Mucaaradka uu helay 44.92% iyo ugu dambayntii tartamihii u sharaxnaay Xisbiga Wadani Sinan uu helay 5.3% cod. Xisbiyada Mucaaradka ayaa sheegay markii ey sameysanayeen ololahooda doorashada iney dalka turkiga ka saari doonaan Qaxotiga reer Suuriya ee ku sugan dalka Turkiga haddii ey talada dalka Turkiga qabtaan,Qaxootiga Suuriya kuna sugan gudaha dalka Turkiga ayey Hayada Qaxootiga ee Qaramada Midoobe(UNHCR) ku sheegtay ineey dhan yihiin 3.6-Milyan qofood. Xisbiyada mucaaradka dalka Turkiga ayaa loo arkaa ineey yihiin kuwa cunsuriyiin ah neceybna dadka soo gelootiga ah kuna suga dalkaasi Turkiga.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

MAXAA KALA HAYSTA DUMARKA IYO DAWLADDA?

Next
Next

DAWLADDA FARANSIISKA IYO MUSLIMIINTA.