DAGAALKA DALKA SUDAAN OO LABA BIL JIRSADAY.
SAWIRKA GEN.XAFTAR IYO GEN.XUMAYDEYTI.
(KHARTUM)-Waxaa bishii labaad galay dagaalka dalka Suudaan waxaane soo baxayo warar sheegaayo in dagaalka yeeshay weji kale oo horay looga digay kaaso ah in dawladaha deriska la ah dalka Sudaan soo farageliyaan dagaalka waxaane hadda la soo sheegayaa in Gen.Xaftarka Libiya uu bilaabay inuu hub iyo saanad ciidanba soo geliyo gudaha dalka Sudaan isaga oo taageerayo hogaamiyaha xoogaga gurmadka deg dega ah Xumeydayti oo dhawaan xilka uu ka qaaday madaxa golaha hogaamiyo dalka Sudaan C/fataax Burhani. Dhinaca kale,dagaalka Sudaan ayaa waxaa qeyb weyn ka ah dalalka Masar,Imaaratka Carabta,Turkiga iyo Ruushka dhammaan dalalkaan ayaa xulafa la kala ah tageeraane labada Generaal ee dagaalka ka wada dalka Sudan.
ISHA WARKA ARAB.
CULAYS SOO WAJAHAY MUSLIMIINTA…
SAWIRKA MUSLIMIINTA CANADA.
(CANADA)-Ururka Muslimiinta ee dalka Kanada ayaa weydiistay iney Maxkamduhu cadeyaan daah ka qaadida eysan ka muuqa ilbaxnimo ee Gobolka Quebec ee dalka Kanada taaso lagu joojinaayo dhaqdhaqaaqa diiniga ah ee ka dhaca gudaha dugsiyadda mana aha mid waafaqsan dastuurka Gobolka Quebec. Lix urur uu ka mid yahay ururka Muslimiinta Kanad, Golaha Muslimiinta Kanada iyo afar urur oo maxali ah ayaa si wadajir ah waxa ey gudbiyeen galdacwadeed todobaadkan kaaso ey ku weydiisanayan Maxkamada sare ee Gobolka Quebec iney cadayso iney dastuur ahaan sax ahayn lana dhaqan gelin karin eyna tahay in baabi’iyo waxyaabaha joojinayo in lagu cibaadeysto gudaha dugsiyada Gobolka Quebec.
ISHA WARKA MEE.
QOYSKII ROMAITHI OO LOO …
KHALAF C/RAXMAAN AL-ROMAITHI.
(DUBAI)-Intiini akhrisay qoraal bogaan ku soo baxay 13/5/23-ka ayaan waxaan kaga hadalnay arrin ku saabsan nin haysto dhalashada dalka Turkiga balse isaga u dhashay dalka Imaaraatka Carabta,ninkaan ayaa la yiraahdaa Khalaf C/raxmaan Al-romaithi oo 58-jir ah,arrinta ninkaan ayaa waxaa horay uga qeylisay hayadda Human Righta Watch(HRW). Qoyska Imaaraatka ee haysta dhalshada Turkiga ayaa qeylo dhaan ka soo yeertay todobaad ka dib markii la waayey Romaithi lana sheegay inuu ku xiran yahay dalka Urdun,qoyska Romaithi ayaa aad uga cabsi qaba in Romaithi loo gacangeliyo Imaaraatka Carabta taasine waxa ey halis ku tahay nolosha Romaithi. Maxkamad ku taalo dalka Imaaraatka Carabta ayaa Romaithi horay ugu xukuntay 15-sano oo xabsi ah sannadkii 2013-kii.
ISHA WARKA MEE.
XUJAAYDA UK OO HOOS LOO DHIGAY..
XAJKA SANNADKAAN.
(UK)-Muslimiinta dalka Ingiriiska ayaa laga yaabaa iney sugaan toban sano si ey u aadaan Xajka waayo waxaa jirto hoos u dhigid aad u sareyso oo xaga tirada ah goobaha diyaar u ah in lagu cibaadeysto dadka ka imaanaayo UK sidaas waxaa qoray wargayska Middle East Eye(MEE). Nidaamka ey soo saartay Wasaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa xadiday goobaha ey degayaan Xujaayda UK ee sannadkan-2023-ka waxaane hoos aad loogu dhigay tirada Xujaayda UK waxaane laga dhigay ilaa 3,600 Xaaji halkii ey horay uga ahaayeen 25.000-Xaaji sannadkii ka hor waqtigii uu jiray Covid-19-ka.
ISHA WARKA MEE.
BARIGA DHEXE IYO WAQOOYIGA AFRIKA OO…
BANAANBAX LOOGA SOO HORJEEDO TOOGASHADA.
(LONDON)-Marka laga hadlaayo xukunada dilka ah ee laga fuliyo dalalka qaarkood ayaa ah kuwa aad u fara badan,dilalkaasi ayaa waxaa meelaha qaar lagu fuliyaa oo kaliyah dadka laga tirada badan yahay iyo dadka aan awood lahayn,arrintaan ayaa waxa si qoto dheer uga hadlo hayadaha u dooda Xuquuqul Insaanka eyna ugu horeyso Amnesty International. Waxrbixin ey soo saaratay hayadda Amnesty International ayey ku sheegtay in sannadkii 2022-kii la diiwaan geliyey in xukuno dil ah lagu fuliyey dad gaaraayo 883-qofood waxaane dilalkaan laga kala fuliyey labaatan dal kuwaaso intooda badan ey ku yaaliin Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika waxa eyna ku dhawdahay tiradii ugu badneed ee lagu fuliyo dil toogasha ah shan sano gudaheeda,mar la sameeyey isbarbardhig sannadadii 2021 iyo 2022-kii ayaa la ogaaday in tirada la toogtay ey kor u kacday kana badan tahay 53% sannadkii 2022-kii.
ISHA WARKA MEE.
RW-FATXI OO XILKII LAGA QAADAY.
MAABKA LIBIYA.
(TRIPOLI)-Tan iyo sannadkii 2011-kii markii xilka laga tuuray Col.Qadaafi dalka Libiya waxaa ka taagnaay ismari waa siyaasadeed oo aad u xoogan una dhexeeyo siyaasiyiin reer Libiya ah eyna gadaal ka taagan yihiin dalal shisheeye,waxaane sidaas meesha uga baxday mideynta siyaasadda dalka Libiya taaso ugu dambayntii dhashay in dalka Libiya yeesho labo baaramaan uu midba goonidiisa xukuumad u soo dhiso,hadaba mid ka mida kooxaha isku haayo talada dalka Libiya ayaa maanta oo Talaada ah baarlamankiisu u codeeyey iney xilka ka qaadaan Reysal Wasaarahooda loona diro baaritaan,sidaas waxaa sheegay afhayeenka baarlamaanka. Fatxi Bashagha ayaa ahaay Reysal Wasaaraha dalka Libiya eyna soo magacaabeen baarlamaanka fadhigiisu yahay bariga dalka Libiya loona yaqaano Aqalka Wakiiladda kuna hawlgala gudaha magaaladda Tobruk,mana kala cad sababta RW-Fatxi xilka looga qaaday looguna diray baaritaan,Aqalka Wakiiladda ee fadhiya bariga dalka Libiya ayaa Wasiirka Maaliyadda Cusaama Xamaada u magacaabay inuu noqdo Reysal Wasaare siina wado shaqadii uu haayey Fatxi,sidaas waxaa sheegay afhayeenka Aqalka Wakiiladda Cabdalla Belxaaq.
ISHA WARKA AP.
HUMAN RIGHTS WATCH OO KA…
SAWIRKA KHALAF CABDURAXMAN AL-RUMAITHI.
(JORDAN)-Intii akhrisay qoraalkii shalay aan idiin soo gudbinay kuna saabsanay nin ka mida Mucaaradka dalka Imaaraatka Carabta haystana dhalashada dalka Turkiga laguna xukumay 15-sano oo xabsi ah isaga oo ka maqan dalka Imaaraatka Carabta,Khalaf Cabduraxman Rumaithi oo 56-jir ah ayey ciidmada Urdun ka qabteen garoonka caalmiga ah ee Camaan,ka dib damaanad ayaa Rumaithi lagu soo daayey bil ka dibne Rumaithi xabsiga ayaa lagu celiyey waxaan hadda la xaqiijiyey in loo gacan geliyey dalka Imaaraatka Carabta. Arrintaan Al-Rumaithi ayaa shalay oo Jimca ahayd waxaa ka hadlay hayadda u dooda xuquuqul insaanka ee HUMAN RIGHTS WATCH(HRW),Rumaithi ayaa lag yaabaa inuu mutaysto ciqaab aad u adag waayo waxa uu mucaarad adag ku ahaay xukuumadda uu hogaamiyo Maxamed Bin Zayid Al-Nahyaan.
ISHA WARKA MEE.
NIN KU GEERIYODAY XABSI KU…
MADAXWEYNAHA IMAARAATKA CARABTA.
(BEIRUT)-Nin reer Libnaan ah kuna xirnaay xabsi ku yaalo dalka Imaaraatka Carabta una xirnaay sabab aan la aqoonin ayaa ku dhex geeriyooday xabsigii uu ku xirnaay sida ey sheegeen qoyska uu ka dhashay ninka geeiyooday iyo koox u dooda xuquuqda dadka shalay oo Jimca ahad. Dhacaddaan ayaa kor u qaadeyso su’aalaha ku saabsan in ninkaan reer Libnaan uu u geeriyooday dayacaad ey dayacday dawladda Imaaraatka Carabta. Gudi ey xubno ka yihiin qoyska ninka geeriyooday ee ku xirnaay xabsi ku yaalo Imaaraatka Carabta Gazi Cizadiin oo 55-jir ah ayaa rumaysan in Gazi u geeriyoday jirdil loogu gaystay xabsiga gudihiisa.
ISHA WARKA AP.
IMAARAATKA OO BILAWDAY INEEY…
SAWIRKA MW-IMAARAATKA MAXAMED BIN ZAYID AL-NAHYAN.
(CAMAAN)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa wararka sheegaayo in masuuliyiinta dalka Urdun u dhiibtay masuuliyiinta dalka Imaaratka Carabta nin mucaard ku ah Imaaraatka una dhashay dalka Imaaraatka,isla xogtaan ayaa sheegayso in ninka mucaaradka ah uu yahay Khalaf Bin C/raxmaan Rumaythi waxa uuna galay gacanta dawadda Imaaraatka,dawladda Imaaraatka ayaa ninkaan”Rumaythi”waxa ey horay ugu xukuntay xukun dhan 15-sano isaga oo dalka ka maqan,waxaane Khalaf lagu edeeyey inuu ka tirsan yahay urur qarsoodi ah kana soo horjeedo nidaanka ka arrimiyo dalka Imaaraatka,ururkaan ayaa gudaha Imaaraatka looga yaqaanaa”Imaaratka-94”. Waxaa intaas dheer oo la sheegay in arrinta la xiriirta qabashada Rumaythi la ogaaday ka dib markii nin u dhashay Imaaratka balse haysta dhalashada dalka Turkiga uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee boqrtooyada Urdun ee ku yaalo caasimadda Camaan Axadii la soo dhaafay,ninkaan ayaa booqasho gaar ah ku yimid dalka Urdun waxaane qabtay ciidamdda amaanka dalka Urdun ayagoo u maleyey inuu yahay Rumaythi,waxa eyna haydaha amniga Urdun sameeyeen is barbardhig sawirada Indhaha ah ee labada nin Rumaythi iyo ninkaan booqashada ku yimid Urdun waxaane haydaha Urdun u kala cadatay in Rumaythi yahay qofka ey raadinayaan Imaaratka lana haayo sawirka indhahiisa(EYE PRINT) laga qaaday sannadkii 2012-kii mar uu booqasho ku yimid dalka Urdun,Rumaythi oo 56-jir ah ayaa warbixintiisa lala wadaagay hayadda booliska caalamiga ah ee( Interpol )si ey u soo qabato meel kasta uu caalamka ka joogo,(Interpol) ayaa hadda waxaa madax ka ah nin u dhashay dalka Imaaraatka Carabta.
ISHA WARKA ARAB.
DALKA IMAARAATKA OO DACWEYEY MARAYKANKA.
SAWIRKA LUJEYN HADLUUL.
(SAUDI ARABIA)-Lujeyn Hadluul oo ah gabar u dhalatay dalka Sacuudiga isla markaasne ah gabar u dhaqdhaqaaqda xuquuda dadka ayaa dacwad waxa ey ka gudbisay dalka Imaaraatka Carabta iyo seddex nin oo u shaqeeyo Imaaraatka Carabta una dhashay dalka Maraykanka kuwaaso hawlgab ka ah dalkooda Maraykanka balse la shaqeeyo sirdoonka dalka Imaaraatka kana kaalmeeyo la socodka telefoonada dadka Mucaaradka ku ah dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta. Qareenaka Hadluul kuna sugan gobolka Oregon ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in dacwadda lidka ku ah dalka Imaaraatka Carabta iyo seddexda nin ee u dhashay Maraykanka gacanta laga saaray Maxkamad Heer Fedraal ah kuna taalo gobolka Oregon.
ISHA WARKA MEE.
WASIIR SHUKRI OO KA HADLAY…
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MASAR SAAMEX SHUKRI.
(MASAR)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Saamix Shukri ayaa sheegay in ergayga dalka Suuriya u fadhiyi doono Ururka Jaamicadda Carabta uusan ahayn mid loo baahan yahay xiriirkana laga dhigo mid caadi ah oo dawladda Suuriyana noqoto si joogta uga qeyb noqoto dawladaha Ururka,Axadii ayey ahayd markii la sheegay in dalka Suriya dib loogu soo celiyey Ururka Jaamicadda Carabta ka dib markii Suriya laga saaray Ururka 12-sano ka hor. ‘Dalka Suriya ugama mid noqon doono Ururka Jaamicadda Carabta si dhammaystiran oo buuxda”sidaas waxaa sheegay Wasiir Shukri mar uu la hadlaayey Tv.
ISHA WARKA AA.
SUURIYA OO KA QEYBGELAYSO…
URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(RIYAD)-Waxaa weli si aad ah la isugu diidan yahay soo noqoshada dalka Syria uu ku soo noqonaayo Ururka Jaamicadda Carabta,hadaba dalka Sacuudiga ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu martiqaad u fidiyey madaxda dalka Syria,Bashaar Al-asad ayaa lagu martiqaaday inuu ka soo qeybgalo fadhiga ey wadamadda Carabtu ku yeelanayaan dalka Boqortooyada Sacuudiga,waane markii ugu horeysay udalka Syria yimaado fadhi ey leeyihiin dalalka ka wada tirsan Ururka Jaamicadda Carbta tan iyo sannadkii 2011-kii waqtigaaso dalka Syria uu ka qarxay dagaalka sokeeye.
ISHA WARKA AA.
JAAMICADA CARABTA OO SHIREYSA.
DADKII LAGU DILAY WEERARKI GAZA.
(ISTANBUL)-Waxaa sii xogaysanayo weerarada ey ciidamadda cirka Israa’iil ku qaadayaan Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,weeraradaan ayaa lagu bartilmaameedsanaya hogaamiyeyaal ka tirsan Muqaawamada Falastiin,si arrimahaa wax looga qabto ayaa Ururka Jaamicadda Carbta diyaariyey inuu qabto shir deg deg ah Maanta oo Arbaca ah(10/5/23)-ka,Ururka ayaa raba inuu go’aan ka gaaro weerarada isdaba jooga ah ey qaadayaan Marinka Gaza. Weeraradaan isdaba jooga ah ayaa ugu yaraan lagu dilay ilaa 15-qofood oo reer Falastiin ah waxaane lagu dhaawacay in ka badan 20-qofood,weeraradaan ayaa ka dhaca dhulka xeebta ah shalay oo Talaada ahayd sidaas waxaa laga soo xigtay Wasiirka Caafimaad reer Falastiin.
ISHA WARKA AA.
13-QOFOOD OO KU DHINTAY WEERAR..
SAWIRKA SHEEKH XASAN NASRALAH.
(GAZA)-Weerarki cirka ey diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen Marinka Gaza saakay waqti hore ayaa waxaa ku shahiiday hogaamiyeyaal caan ah Garabka Qudus ee dhinaca ciidamadda ee xarakada Islaamig Jihaad,hogaamiyeyaashan ayaa lagu dilay weerarkii dhacay saakay oo Talaada ahyd,waxaane la weerary qeybo kala gedisan oo ka tirsan Gaza. Dadka ku geeriyooday weerarkaas ayaa gaarayo ilaa 13-qofood waxaane ku dhaawacmay in ka badan 20-qofood oo kale,agaasimaha isbitaalka Shifa’a Maxamed Abu Salmiyah ayaa sheegay in weerarkaasi ey ku shahiideen 4-caruur ah iyo 6-dumara,dhimashada guud ayaa noqonayso 13-qofood marka lagu daro seddexda hogaamiye ee bartilmaameedku ahaay kalana ah”Dhaariq Cizadiin,Khaliil Salaax Albahaytayti iyo Jamaal Kahswaani”.
ISHA WARKA ARABIC.
DIYAARADAHA ISRAA’IIL OO DILAY SEDDEX…
SAWIRA-MEYDADKII DADKII KU LE’EDAY WEERARKII GAZA.
(GAZA)-Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa weerar cirka ah waxa ey ku qaadeen marinka Gaza subaxnimadii maanta oo Talaada ah(9/5/23)-ka,weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday Hogaamiyeyaasha Ururka Islaamik Jihaad iyo agabkooda,sidas waxaa sheegay mileteriga Israa’iil. Kooxaha reer Falastiin ee la weeraray ayaa sheegay in laga dilay seddex hogaamiyeyaal sare ah iyo qoysaskooda waqti ey hurdaayeen guryahooda aroornimadii hore ee maanta. Masuuliyiinta reer Falastiin ayaa sheegay in weerarka ey qaadeen diyaadaha dagaalka ee Israa’iil lagu dilay dad gaaraayo 13-qofood eyna ku jiraan ugu yaraan afar caruur ah,afar dumara,xaasas iyo dad la deris ahaay goobta la weeraray.
ISHA WARKA CBS.
MASAR IYO IMAARATKA OO KA HESHINAYA…
SAWIRKA MW-SISI IYO MAXAMED BIN ZAYID.
(QAHIRO)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka dalka Sudan seddex todobaad ka hor waxaa isa soo taraayey iska horimaad aan muuqan una dhexeeyo dalalka Imaaraatka Carabta iyo Masar,arrintaan ayaa soo ifbaxday ka dib markii kuwii xulafada ahaay shalay ey iskula dheceen dagaalka dalka Sudan lana kala safteen garbaha isku haayo talada dalka Sudan. Dalka Masar ayaa Gen.Burhani u arka hogaamiyaha saxda ah ee dalka hogaamin kara waqtigaan adag halka dalka Imaaraatka Carabta iyo Gen.Xaftarka Liibiya ey gadaal ka taagan yihiin Xumaydayt ey colaada kala dhexeyso Gen.Burhani,si hadaba dalalka Masar iyo Imaaraatka Carabta u xaliyaan mushkilada dhexexdooda ah ayaa waxaa soo baxay warar sheegaayo in dalka Masar uu ka socdo diyaa garaw xoogan oo lagu soo dhaweynaayo Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayid magaaladda Qaahira,ilo siyaasadeed ayaa faahfaahiyey booqashada Maxamed Bin Zayid ee Qahiro in hadafkeedu yahay sidii loo soo celin lahaay isku xirka Qahiro iyo Abu Dabai loona wanaajin lahaay xiriirkooda kala go’ay markii uu bilawday dagaalka dalka Sudan.
ISHA WARKA ARAB NEWS.
SUURIYA OO LAGU XIRAY SHURUUD.
URURKA JAAMOCADDA CARABTA.
(QAHIRO)-Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dunida Carabta ka socday olole la rabo in dalka Suriya dib loogu soo celiyo Ururka Jaamicadda Carbta,arrintaan ayaa waxaa hormuud ka ah dalka Sacuudiga oo hadda ah dalka martigelinaayo fadhiga Ururka Jaamicadda Carabta oo dhici doono 19/5/23-ka,hadaba Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta ayaa maanta oo Axad ah(7/5/23)-ka ayaa dalka Suuriya lagu xiray shuruudo ey dib ugu laabanayso ka mid noqoshada Ururka Jaamicadda Carabta ka dib markii dalka Suuriya uu ka maqnaay Ururka muddo ka badan toban sano. Go’aanka soo laabashada Suuriya ee Ururka Jaamicadda Carabta ayaa waxaa u codeeyey Wasiiro ka qeybgalay shir ka dhacay xarunta Ururka Jaamicadda Carabta ee Qaahiro.
ISHA WARKA AA.
SACUUDIGA OO MARTIGELIYEY WADA HADALKA…
MAGAALADDA KHARTUUM OO GUBANAYSA.
(SAUDI ARABIA)-Jineraaladda isaga soo horjeedo dagaalka dalka Suudaan(Gen.Burhan/Gen.Xumaydeyt) wakiilo ka kala socday ayaa gaaray dalka Sacuudiga si ey u yeeshaan wada hadal toos ah ka dib markii uu dhacay dagaal u dhexeeyo labad Jineraal,dagaalka Suudaan ayaa hadda galay todobaadkiisii seddexaad,gobolka Daarfuur ee dhaca Koonfur-galbeed ee dalka Suudaan ayaa ugu yaraan lagu dilay dad gaaraayo boqolaal waxaane lagu dhaawacay intaas in ka badan oo dad ah. Wakiiladda kala metelaayo labada jineraal ayaa gaaray magaalo xeebeedka Jiddah ee dalka Sacuudiga maanta oo Sabti ah(6/5/23)-ka si ey halkaasi uga sii bilabaan wada hadalo hordhac ah kuwaaso ujeedkoodu yahay sidii loo dhisi lahaay xabad joojin adag taaso hayadaha samafalka u ogolaaneyso iney gargaar gaarsiiyaan dadka shacabka ah ey waxyeelado ka soo gaartay dagaalka socday in ka badan seddex todobaad.
ISHA WARKA GUARDIAN.
MUSLIMIINTA LONDON OO LAGA XIRAAYO…
DUGSIGA LA XIRAYAAYO.
(LONDON)-Dugsi Madax banaan lehne sumcad iyo magac “LONDON MIDDLE EASTERN”iyo qurbajoogta Waqooyiga Afrika ayaa wajahaayo xiritaan bisha Sebtembar-2023-ka, dugsigaan ayaa furnaay muddo dhan 38-sano sababta loo xiraayo ayaa ah ka dib markii dalka Sacuudiga uu kala laabtay kaalmadii uu siinaayey dugsigaan. Dugsigaan ayaa lagu baranaayey Luqada Carbiga iyo Tarbiyada islaamka waxaane dhinac socday manhajka dalka Ingiriiska waxaane dugsigaan loo yaqiin”AKADEEMIYADDA BOQOR FAHAD”,dugsiga ayaa ku yiilay Galbeedka magaaladda London kana hawlgelaayey,waxa uuna waxbarasho siinaayey arday reer London ah oo isugu jiro Carab iyo Muslimiin marka laga soo bilaabo sannadkii 1985-tii.
ISHA WARKA MEE.
SOOMALIYA OO KAALINTA 7-AAD KA GASHAY…
SAWIR MUUJINAAYO KAALIMAHA WADAMADDA CARABTA KALA GALEEN DHINACA XURIYADDA SAXAAFADDA.
(PARIS)-Shalay oo Arbaca ahayd kuna beegneed 3/5/23-ka ayaa ku asteysneed Maalinta Xuriyadda Saxaafadda Caalmka,Ururka “REPORTES WITHOUT BORDERS’ oo fadhigiisu yahay caasimadda dalka Faransiiska Paris ayaa soo saaray warbixin sannadeed ku saabsan sida ey wadamadda caalamka ugu kala horeeyaan xuriyadda saxaafadda,dhinaca kale,Wargayska New Arab ee fadhigiisu yahay London kuna soo baxa Afka Carabiga ayaa soo bandhigay Sawir muujinayo sida ey ugu kala horeyaan xuriyada saxaafadda wadamadda ka tirsan Ururka Jaamicadda Carabta eyna ka mid tahay Soomaaliya. Dalka Soomaaliya ayaa xuriyadda saxaafadda adduunka ka galay kaalinta-141-aad halka ey Soomaaliya ka gashay kaalinta 7-aad marka loo fiiriyo xuriyadda saxaafadda ee wadamadda ka wada tirsan Ururka Jaamicadda Carabta.
ISHA WARKA ARAB.