Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUSLIMIINTA KA SOO XAJINAYSO WADAMADA…

XUJAAYDA SANNADKAN-1444-TA.

(SAUDI ARABIA)-Muslimiinta ka soo Xajinayso wadamadda reer Galbeedka bisha dambe ayaa sheegaayo iney weli sugayaan faahfaahin ku saabsan xirmada Xajka sannadkan-1444-ta iyo sicirka ka dib markii dalka Boqortooyada Sacuudiga uu soo bandhigay qaab cusub oo lagu boos ceshan karo sannadkii labaad oo xiriir ah. Horaantii sannadkan-2023-ka Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay qorshe Muslimiinta ku nool dalalka reer Galbeedka ey ku boos ceshan karaan Xajka ayagoo isticmaalaayo APP-ka loo yaqaano NUSUK.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA OO LAGA YAABO INEEY…

URURKA JAAMICADDA CARABTA.

(QAHIRA)-Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta Axmed Aboul Ghayth ayaa sheegay iney suuragal tahay in dalka Suriya uu ku soo laabto ka mid noqoshada Ururka Jaamicadda Carabta ka hor inta uusan dhicin fadhiga ururka ee loo balansan yahay inuu ka dhaco magaaladda Riyad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga bishaan sagaal iyo tobankeeda(19/5/23)-ka. Aboul Ghayth oo la hadlay maanta oo Arbaca ah Tv-ga Sharqul Awsat ee Masar ayaa yiri”Halkaan waxaa jiro sharci qoran oo si cad u qeexaayo eyna leedahay Jaamicadda Carabta, sharcigaan ayaana ku saabsan sida uu dalka Suriya dib ugu soo laaban lahaay Ururka Jaamicadda Carabta.”

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO KA WEL WELSAN XIRIIRKA…

SAWIRKA MADAXWEYNAYAASHA SYRIA IYO IRAAN.

(SYRIA)-Dalka Maraykanka ayaa ahmiyad gaar ah waxa uu siinayaa booqashada Madaxweynaha dalka Iraan Ebrahim Raisi uu ku tegay dalka Syria maanta oo Arbaca ah(3/5/23)-ka,Maraykanka ayaa sheegay xiriirka sii qoto dheeraanaayo ee labada dalka Iraan iyo Syria uu yahay ilihii cabsida ee beesha caalamka. Dawladda Iraan iyo xukuumadda Asad waxa ey weli wadaan iney si qoto leh isagu xirnaadaan waane mid u baahan in la siiyo ahmiyad gaar ah, ma aha oo kaliya mid muhiim u ah isbahaysiga iyo saaxibadda caalamka ee waa mid dan u ah dalalka gobolka iyo guud ahaan caalmka oo dhan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

2,500-MAXBUUS OO LA SII DAAYEY YEMAN.

XAFLADII SOO DHAWEYNTA MAXAABIISTA EE CADAN.

(CADAN)-Dalka Yeman waxaa weli ka socdo is dhaafsiga maxaabiista lagu kala qabsaday sideedii sano uu socday dagaalka dalka Yeman,dagaalkaan ayaa u dhexeeyey dawladda Caalamku aqoonsan yahay ee Yeman iyo kooxda Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan,dhinaca kale waxaa ayagana dagaalka qeyb ka ahaay isbahaysi uu hogaaminaayo Sacuudiga oo taageero siinaayey dawladda Yeman. Ka dib markii ey heshiiyeen dalalka Sacuudiga iyo Iraan waxaa isbedel muuqda uu ku yimid siyaasadda dalka Yeman waxaan Yeman ka hirgashay xabad joojin iyo maxaabiis isdhaafsi u dhexeyso dhinacyadii is dagaalay waxaane ilaa iyo hadda xabsiyadda laga sii daayey maxaabiis dhan 2,500-maxbuus kana kala tirsan dhinacyadii ku dagaalamay Yeman.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ILAALADA KACAANKA IRAAN OO QABTAY…

SAWIRKA MARKABKII IRAAN QABATAY.

(TEHRAN)-Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan(IRGC) ayaa sheegay maanta oo Arbaca ah(3/5/23)-ka ayaa qabtay markab siday shidaal biyaha marinka Hormuz,waxaane weli kala cadeyn sababta markabkaan siday shidaalka loo soo qabtay in kastoo ilaaladda kacaanka dalka Iraan ey sheegeen in markaasi galay Khalad. Horaantii maanta oo Arbaca ah ayey ciidamadda Maraykanka(US FIFTH FLEET) oo fadhigoodu yahay Baxrayn ayaa sheegay in markab wata calanka Baanama oo siday shidaal ey qabteen Ilaaladda Kacaanka Iraan(IGRC) markabka ayaa maraayey Marinka Hurmuz waqtiga la qabanaayey.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KUWAIT OO DOORANAYSA BAARLAMAAN CUSUB.

BAARLAMAANKA KUWAIT.

KUWAIT)-Dalka Kuwait ayaa maanta oo Arbaca ah(3/5/23)-ka waxaa looga dhawaqay in doorashada baarlamaanka Kuwait ey dhici doonto 6/6/23-ka,maalintii Isniinta ayey ahayd markii dhaxal sugaha dalka Kuwait Sheekh Mashcal Axmed Al-sabaax uu dikreeto ku kala diray baarlamaankii jiray ey u badnaa mucaaradka Kuwait,barlamaanka kuwait iyo waxaa isqabtay golaha Wasiirada Kuwait. Taariikhda la qabanaayo doorashada baarlamaanka dalka Kuwait ayaa waxaa lagu ansixiyey shir gaara oo ey yeesheen Golaha Wasirradda dalka Kuwait ayagoo tixraacaayo go’aankii dhaxal sugaha dalka Kuwait Sheekh Mashcal Axmed Al-sabaax,sidaas waxaa qortay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Kuwait ee KUNA. Bishii Maarso-2023-ka ayey ahayd markii Maxkamada dastuuriga ee dalka Kuwait ey waxba kama jiraan ka dhigtay doorashadii baarlamaanka ee dhacday bishii Sebtembar-2022-kii waxayna Maxkamada amartay inuu sii shaqeeyo baarlamaankii hore. Mucaaradka Kuwait ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday Sebt-2023-ka waxa uuna mucaaradku ka helay 28-kursi kontanka kursi uu ka kooban yahay baarlamaanka dalka Kuwait,Maxkamada ayaa sharciyeysay in la baabi’iyey doorashadii dhacday sebtem-2023-ka waxaane ansixiyey Golaha Wasiiradda waxaane la amray inuu dib ugu soo laabto shaqadiisa baarlamaankii hore taaso laga dhigay mid waajib ah. Baarlamaankii la doortay Sebt-2023-ka ayaa lagu kala diray dikireeto uu soo saaray dhaxal sugaha Kuwait ka dib markii uu muran dheer uu dhexmara Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka.

ISHA WARKA AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO TURKIGA OO CUNAQABATEYN…

WASAARADDA LACAGTA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Maraykanka iyo Turkiga ayaa iska kaashanayo sidii wax looga ogaan lahaay laba nin oo dhaqaale siiyo koox ku xiran ururka argagixisad Alqaacidda ee dalka Suriya sidaas waxaa maanta oo Talaada ah sheegay dalalka Maraykanka iyo Turkiga. Cunaqabatayn wada jirka ah ayaa la saaray Cumar Alsheak iyo Kubilay Sari kuwaaso Maraykanka iyo Qaramada Midoobe ku asteeyeen ineey yihiin kuwa dhaqaala siiyo koox argagixisa ah,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ey soo saarta Wasaaradda lacagta dalka Maraykanka.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAA LA KALA SAFAN LABADA GENERAAL?

GAADIID DAGAAL OO LAGU GUBAY DAGAALKA SUDAN.

(SUDAN)-Dagaalka dalka Sudan ayaa galay todobaadkiisii seddexaad in kastoo 72-saacadood oo xabad joojin ah ey ka dhaqan gashay dalka Sudan,labada jineraal ee isku haayo talada dalka Sudan ayaa midba midka kale rabaa inuu booska ka saarto si dalka Sudan gebi ahaantiisa isaga ugu gacan galo,inuu xoog seddexaad jiro ma aha mid uu muran ka taagan yahay balse ilaa hadda ma aha mid muuqdo oo farta lagu fiiqi karo lana dhihi karo waa kaas. Gen.Burhani iyo Xumaydeyt ayaa ah kuwa isku haayo Sudan waxaane garbo u ah saraakiil ciidan iyo sirdoon reer Sudan oo la kala safan,hadaba idaacadda dalka Jarmalka ee Doosha Velle ayaa soo saartay qoraal ey kaga hadleyso saraakiisha la kala safan labadaan Generaal ee ku dagaalamaayo dalka Sudan waxa eyna idaacadda xustay magacyadooda iyo daearjadooda ciidan ey lahaayeen dagaalka ka hor.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAA RIDAY XABADII UGU HOREYSAY DAGAALKA SUDAN?

DAGAALKA SUDAN.

(SUDAN)-Waxaa isa soo taraayo wararka sheegaayo in hogaamiyaha xoogaga gargaarka deg dega ah Xumaydeyt uu yahay shaqsiga bilaabay xabadda ka socoto dalka Sudaan mudada ku dhaw seddexda todobaad,waxaa magaaladda caasimadda ah ee Khartuum ka dhacay isku day lagu xalinaayo khilaafka ku soo dhammaaday dagaal ee u dhexeeyo labada Generaal waa sida ey qortay wakaaladda wararka Reuters. Xukuumadda Masar ayaa wararku sheegayaan ineey gar wadeen ka ahayd wada hadaladda lagu dhexdhexaadinayey labada Generaal balse guul daraystay markii dambe dhaliyeyne dagaalka ka socdo dalka Sudan kaaso aan la ogayn halka uu salka dhigan doono.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKA SUDAN OO WELI SOCDA.

CAASIMADDA KHARTUUM.

(ANKARA)-Dalka Sacuudiga ayaa sheegay inuu ka soo daad-gureeyey dalka Sudan dad dhan 4,879-qofood tan iyo markii uu dalkaasi ka bilawday dagaalka u dheexeeyo ciidamadda dawladda Sudan iyo xoogaga gargaarka deg dega ah. Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Sudan ee SPA 12-qofood oo Sauudi ah iyo 1,866-qofood oo ajnabi ah ayaa si nabad ah ku gaaray magaala xeebeedka Jidda ee dalka Sacuudiga dadkaasi ayaa ka soo ambabaxay dalka Sudan maanta oo Sabti ah(29/4/23)-ka,dadkaan ayaa lagu soo daad gureeyey markab uu iska leeyahay dalka Sacuudiga,tirada guud ee laga soo daad gureeyey dalka Sudan tan iyo markii uu bilawday dagaalka ayaa gaareyso 4,879-qofood sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka dalka Sudan ee SPA.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAA KA FAA’IIDAY DAGAALKA YEMAN?

MADAXDA ERITEREYA.ITOOBIYA IYO IMARAATKA.

(DUBAI)-Heshiiska ey dhawaan gaareen dalalka Iraan iyo Sacuudiga ayaa kor u qaaday rajada laga qabo inuu soo afjarmo dagaalka daba dheeraaday ee dalka Yeman. Dagaalka dalka Yeman ayaa qarxay sannadkii 2014-kii waxa uuna jaqay hoosne u dhigay dhaqaalaha dalalka Sacuudiga,Imaaraatka Carabta,Iraan iyo dalal kale aan ahayn kuwa mandiqada,dagaalkaan ayaa barakiciyey dad fara badan burburiyeyne dal Carbeed oo ah kan ugu faqrisan dalalka Carabta,haddii guul laga gaaro nabada iyo wada hadalada ayaa noqon doonto mid qaadata muddo bilo ah si ey u dhaqan gasho.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIL KA DHACAY DALKA IRAAN.

SAWIRKA AYATULAHI CABAAS CALI SULEYMAAN.

(TEHRAN)-Ilaalo hubaysan oo ilaalinaayey Bangi ku yaalo Waqooyiga dalka Iraan ayaa si tartiib ah waxa uu gadaashiisa u soo socday caalim dhinaca diinta ah oo Shiica ah ka dibne waa uu toogtay waane uu dilay Ayatulaahi maanta oo Arbaca ah(26/4/23)-ka,sida laga daawaday kaamarada qarsoon ee CCTV kuna dheganeed goobta ey ka dhacday toogashada,inta badan wadaada reer Iraan ayaa la dilaayey intii lagu guda jiray bilihii ey ka jirtay deganaansho la’aanta gudaha dalka Iraan taaso ruxday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan. Dilka Ayatulahi Cabaas Cali Suleymaan ayaa filanwaa waxa uu ku noqday kuwa daawanaayey dilkiisa iyo kuwa arkaayey sida ey u dhacday toogashada iyo guud ahaan bulshada reer Iraan,Ayatulahi Cabaas ayaa ahaay nin ka tirsan golaha khabiirada ee loo soo xushay iney noqdaan hogaamiyeyaasha sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga Iraan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TALIBAN OO DISHAY HOGAAMIYE SARE OO DAACISH AH.

GAROONKA KABUL.

(KABUL)-Weerar kedis ah ey qaadeen ciidamadda Taalibaan ee dalkaasi Afgaanistaan ayaa lagu dilay hogaamiye sare oo la tirsan maleeshiyadka kooxda Daacish,hogaamiyahaan ayaa ahaay maskaxdii ka dambaysay weerarkii loo adeegsaday Bamka ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee caasimadda Kabul bishii Agoosto-2021-kii. Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay 13-askei oo ka tirsan ciidamadda Maraykanka iyo ku dhawaad 170-qofood oo reer Afgaanistaan ah,weerarkaan lagu hoobtay ayaa waxa uu dhacay waqtigii ey ciidamadda Maraykanka isaga baxaayeen dalkaasi Afgaanistaan,sidaas waxaa sheegay saraakiil Maraykan ah.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

47-QOFOOD MEYDKOOD OO LAGA HELAY…

MUUQAALKA MUHAJIRIINTA LA SOO BADBADIYEY.

(TRIPOLI)-Xukuumadda Libya ayaa soo heshay meydad gaaraayo 47-qofood kuwaaso wada ah Muhaajiriin aan sharci ahayn oo ku haftay xeebaha dalka libya todobaadkan,sidaas waxaa sheegay afhayeenka dalka libya maanta oo Arbaca ah(26/4/23)-ka. Afhayeenka ilaaladda xeebaha ee dalka Libya Maxamed Cali ayaa sheegay in 11-qofood meydadkooda laga soo saaray xeebta Karboli kuna beegan bariga caasimadda dalka Libya ee Tripoli maalintii shalay oo Talaada ahayd. Ilaaladda xeebaha dalka Libya ayaa soo badbaadiyey 61-Muhaajiriin kana soo kala jeedo dalalka”Suuriya,Pakistan,Bangaladesh iyo qaar ka mida wadamadda Qaaradda Afrika.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOBOLKA MINNESOTA OO XASHIISHKA…

SAWIRKA GEEDKA XASHIISHKA.

(MINNESOTA)-Aqalka gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa weli waxa xafidayaa horayne u riixayaan sharciyeynta Xashiishka shir dhacay maanta oo Talaada ah(26/4/23)-ka,codeyntii sharcigaan loo sameeyey ayaa u dhacday (71-54),sharcigaan ayaa ogolaanayo in Xashiishka la Beeran karo,Lana qeybin karo iyo in la beecin karo isla markaasne Xashiishka lagu dhex beeran karo guryaha la degan yahay. Laba xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku biiray taageerida sharciga Xashiishka laakinse mid ka mida Xisbiga Dimuqaraadiga ayaa isna taageeray sharcigaan inta soo hartay ayaa sheegay iney ku biiri doonaan taageerida sharciga haddii sida ey rabaan wax looga bedelaayo.

ISHA WARKA MPR-NEWS.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HOGAANKA MUSLIMIINTA MINNEAPOLIS OO..

GOOB KA MIDA GOOBIHII LA GUBAY.

(MINNEAPOLIS)-In ka badan afartan hogaamiyeyaal diimeed kana kala yimid magaalooyinka mataanaha ayaa isu yimid si ey ugu istaagaan midnimada Muslimiinta waxa eyna qabteen shir jaraa’id maanta oo Talaada ah(26/4/23)-ka ka dib markii si is xigta loo gubay laba Masaajid oo ku yaalo Minneaplis dhacdadaaso ey baaritaan ku wado xukuumadda Maraykanka,Agaasimaha fulinta ee golaha xiriirka islaamka ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka JEYLAANI XUSEEN ayaa sheegay in bulshada Muslimiinta yihiin kuwa joogo dhinac ka dib markii uu dhcay shilka lagu gubay labada Masaajid.

ISHA WARKA MPR-NEWS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOON KU DEGTAY XEEBAHA DALKA LIBIYA.

DOON SIDA TAHRIIBAYAL.

(LIBYA)-Sida laga soo xigtay masuul ka tirsan ilaalada xeebaha dalka Libya isla markaasne ah shaqaale ka tirsan hayadaha samafalka dalkaasi Libiya ayaa maanta oo Talaada ah(25/4/23)-ka sheegay in badda ey soo tuftay Meydad ugu yaraan gaaraayo 57-Meyd ka dib markii ey degtay doontii ey saarnaayen oo ahayd mid ey ka buuxeen dad tahriibayal ah oo ku tahriibayey badda dhexe ee galbeedka dalka libiya. Sida laga xigtay mid ka mida dadkii ka soo badbaaday doonta degtay lana yiraahdo Basaam Maxamuud una dhashay dalka Masar ayaa sheegay in doonta ey saarnayeen 80-qofood oo tahriibayaal ah waxa eyna doonta ku socotay Qaaradda Yurub labadii subaxnimo ee maanta oo Talaada ah.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAYAD SAMAFAL OO LA XIRAY DALKA KANADA.

HAYAD SAMAFAL OO KU TAALO KANADA.

(CANADA)-Bishii Maarso-2017-kii hayadda ISNA ee u adeegta Muslimiinta dalka Kanada ayey hayad samafal oo Muslim ah kana hawlgasha Ontario u dirtay ogaysiis ku saabsan aqoonsigeeda samafale in la baabi’iyey iyo in 30-maalmood gudaheedna la xiri doono ururka samafalka ayada oo aan cidi kaalmeyn. Ogaysiiska baabi’inta(NITRA) ayaa ah natiijada baaris socotay muddo sannada ah sida ey sheegtay hayada canshuuraha ee dalka Kanada(CRA),waxa eyna CRA-da sheegtay in ururkaan samafalka ah uu ku guul dareystay inuu cadeeyo hawlaha samafal uu qabto,dhaqdhaqaaqisa iyo inuusan lahayn wax u diiwaan gashan,waxaanba suuragal ah ayuu yiri CRA-da in ururkaan maalgeliyo koox maleeshiyaad ah kana dhisan dalka Pakistan.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HALKEE AYU KU DAMBEYEY CUMAR AL-BASHIIR?

DUQEYN KU SOCOTO GOOBAHA EY FADHIYAAN CIIDAMADA(RSF) EE KHARTUM.

(SUDAN)-Dalka Sudan waxaa ka socdo dagaal u dhexeeyo laba jineraal oo shalay ahaay saaxibo meel uga soo wada jeestay ridida Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir,labadaan Jineraal ayaa kala ah Gen.Burhan oo hogaaminaayo ciidamadda Dawladda Sudan(SAF) iyo Gen.Xumaydeyt oo hogaaminaayo ciidamada Gurmadka deg dega ah(RSF),sababta keentay in labadaan Jineraal fooda isgeliyaan ayaa lagu sheegay dano shaqsi iyo boobka hantida dalka Sudan ee uu ugu horeeyo Dahabka ceegaago Daarfuur,laakinse gacan ka hadalka soo deg degay ayaa waxaa sabab u ahaay ciidamada Xumaydeyt oo isku dayey ineey xoog ku qabsadaan garoonka diyaaradaha ee Marwa’a ee ku yaalo caasimadda Khartuum toban maalmood ka hor. Dagaalka ayaa sababay in la boobo hanti shacab leeyahay iyo mid dawladeedba waxaase ugu xun in la jabsaday Xabsiyadii dalkaasi oo ey ka buuxeen dad gaystay fal dembiyedyo lagu xukumay, Ex.MW-Al-Bashiir loona haystay inuu galay dembiyo lid ku ah bani’adanimada ayaa ka mida maxaabiista la la’ayahay meel ey cirib iyo jaan dhigeen waxaane la tuhunsan yahay Gen.Burhan inuu meel ku ogyahay Al-Bashiir waayo waa ey soo wada shaqeeyeen,hadaba arrintaan ku saabsan Al-bashiir ayaa waxaa wax ka qoray dhawr wargays oo caalami ah.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

350-QOFOOD OO LAGA SOO DAAD GUREYEY SUDAN.

DAGAALKA DALKA SUDAN.

(NEW YORK)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa gudaha dalka Sudan waxa uu ka soo daad-gureeyey dad gaarayo ilaa 350-qofood ey ku jiraan mawaadiniin u dhalatay dalka Sacuudiga iyo mawaadiniin u kala dhalatay 26-dal kuwaaso uu dagaalku ku qabsaday caasimadda Khartuum,dagaalka dalka Sudan ayaa ah mid u dhexeeyo ciidamadda dawladda Sudan iyo ciidamadda gurmadka deg dega ah. Guud ahaan dadka uu sacuudigu soo daad gureeyey ayaa gaarayo 356-qofood kuwaaso 101-qofood ka mida ey yihiin kuwa u dhashay dalka Sacuudiga waxa eyna dadkaasi soo gaareen magaala xeebeedka Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga sidaas waxaa qoraal uu soo saaray ku qoray bartiisa Twitter-ka Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Sacuudiga Faysal in Farhan Al-saud shalay oo Isniin ahayd. Dadka uu Sacuudiga soo daadgureyey ayaa u kala dhashay{Maraykan,Ingiriis,Sweden,Talyaani,Hooland,Turki,Qadar,Suuriya,Ciraaq,Libnaan,Libiya iyo Tanzaniya}.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More