SADAASHA DAGAALKA DALKA SUDAN.
DAGAALKA DALKA SUDAN.
(KHARTUM)-Weli waxaa dalka Sudan si arxan dari ah uga socdo dagaalkii u dhexeyey labada Jineraal,dagaalkan ayaa galay maalintiisii tobonaad waxaane la soo sheegayaa ineey ilaa hadda ku dhinteen dad ka badan 500-boqol qofood waxaane ku dhaawacmay dad gaarayo 3-kun qofood oo u badan dad shacab ah,hadda ayaa waxaa soo baxay warar sheegaayo in dagaalka dalka Sudan uu noqon doono mid aan ku dhammaan doonin si sahlan,waxa uuna dagaalkaan loo sadaalinayaa inuu yahay dagaal aan kamarneyn faragelin shisheeye.
ISHA WARKA ARAB.
MW-AL-BASHIIR OO KA BAXSADAY XABSIGII.
GAARI DAGAAL OO LAGU GUBAY SUDAN.
(KHARTUM)-Wararka imaanayo dalka Sudan ayaa sheegaayo in Madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir laga saaray xabsigii uu kaga xirnaay caasimadda Khartum mana la yaqaano halka lala aaday Madaxweyne Al-Bashiir, Video la soo dhigay baraha bulshada ayaa la arkaayey dad fara badan isaga baxaayo xabsiga caanka ah ee KUBAR waane xabsi ey ku xirnaayeen aad u fara badan kuwaaso galay dembiyo kala gedisan. Dalka Sudan ayaa u muuqdo mid u jihaystay inuu lugta la sii gelaayo dagaal sokeeye ey gadaal ka taagan yihiin dalal shisheeye sida dalka Qadar iyo Imaaratka Carabta kuwaaso xulafo la kala ah wadamadda Masar iyo Turkiga oo ku tartamaayo sidii ey gacanta ugu dhigi lahaayeen khayradka dalka Sudan,diblomasiyiin reer Qadar ah oo ku safraayey wadada isku xirta Khartum iyo dekada Port-Sudan ayaa la weeraray mana la yaqaano inta uu la eg yahay khasaaraha gaaray.
ISHA WARKA ARAB.
157-QOFOOD OO LAGA SOO SAARAY KHARTUUM.
DUQEYN KU SOCOTO KHARTUUM.
(RIYAD)-Dagaalka dalka Sudan waxa u sababay in ey istaagaan isu socodka dadka degan dalkaasi muddo todobaad ah,arrintaan ayaa cabsi ku abuurtay dawlado badan oo caalamka ah waxa eyna bilaabeen sidii ey dadkooda ugala soo bixi lahaayeen gudaha dalka Sudan. Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa noqday dalkii ugu horeeyey ey u suuragashay inuu dadkiisa iyo dadyaw kale ka soo qaado dalka Sudan ka dibne keeno dalkiisa,sida ey sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga maanta oo Sabti ah(22/4/23)-ka waxaa markab laga leeyahay dalka Sacuudiga lagu soo daabulay 91-qofood oo Sacuudi ah, 66-qofood oo Ajaanib ah una kala dhashay 12-dal waxaane ka mid ah dadkaasi siyaasiyiin u shaqeynaayey hayada caalami ah kuwaaso saldhigoodu ahaay magaaladda Khartuum ee dalka Sudan.
ISHA WARKA ARAB.
IMAAM LAGU DILAY DALKA YEMAN MAANTA OO …
GOBOLKA SHABWA EE YEMAN.
(YEMAN)-Ma aha mid lala yaabo marka aad maqashid waxaa la dilay Imaam Masjid gudaha caasimada Muqdisho waayo waxaa si aan macn lahayn loo dilaa dadka waxgalka ah ee dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwooda ku sugan caasimadda Muqdisho,laalkinse sheekada markaan ma aha mid ku saabsan Soomaliya amaba Caasimadda muqdisho,maanta oo Jimca ah waxa ey ahayd maalinta koobaad ee bisha Shawaal loona dabaal degaayey Ciidul fitriga-1444-ka. Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay wadamada maanta looga dabaal degay Ciida Fitriga waxaane ka dhacday arrin aad u xanuun badan gaar ahaan arrintaan ayaa ka dhacday Gobolka Shabwa ee koonfurta Bari Yeman,gobolkaan waxaa ku sugan ciidamo iska soo horjeedo kana wada tirsan ciidamada dawladda Yeman balse mushaarkooda ey kala bixiyaan dawladda Imaaraatka Carabta iyo xukuumadda Yeman,Salaadii Ciida ee maanta ayaa waxaa u istaagay Sheekh ey isneceen gudoomiyaha Gobolka Shabwa oo gacan saar la leh dawladda Imaaraatka waxaane la isku dayey in khudbada Ciida laga hor istaago Sheekha balse ma aysan suuragelin oo khudbadi waa uu akhriyey laakinse naf lama uusan gaarin gurigiisa oo qarax ayaa dhaxda lagula eegtay waane uu ku geeriyooday.
ISHA WARKA ARAB.
WAX KA OGOW WADAMADA LUGTA KU LEH DAGAALKA…
KHARTUUM CAASIMADDA SUDAAN.
(KHARTUM)-Todobaad ka hor ayey ahayd markii uu dalka Sudaan ka bilawday dagaalka u dhexeeyo labada Generaal ee kala hogaaminaayo Ciidamada dalka Sudaan Gen.Burhani iyo Generalka hogaaminaayo ciidamadda Gurmadka deg dega ah(RSF) Xumaydeyt,Generaaladaan ayaa si wadjir ah waxa ey xukunka uga tuureen Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir kaaso ilaa hadda ku jiro xabsi ahne xukun suge. Dagaalka labadaan Generaal ayaa ah mid ey gadaal ka taagan yihiin dalal shisheeye kuwaso dano gaara ka leh dalka Sudaan,hadaba su’aasha ayaa ah waa kuwee wadamada uu aad u taabanaayo danahooda dagaalka dalka Sudaan? Dalka Sudaan waa dal dhulkiisu uu aad u weyn yahay waxa uuna xuduud la leeyahay lix dal oo laba ka mida ey yihiin Carab,Sudaan waqooyi waxaa ka xigo Masar,Koonfurne Sudaanta koonfureed,Waqooyi Galbeed waxaa ka xigo Libiya,Bari waxaa ka xigo Eritereya,Koonfur galbeed waxaa ka xigo Itoobiya halka Galbeedka uu ka xigo dalka Jaad.
ISHA WARKA ARAB.
MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO QORSHEYNAYO…
DALKA SUDAAN.
(LONDON)-Ciidamadda dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa u dhaqaaqay dhul ku dhaw dalka Sudaan ka dib markii dagaalka dalka Sudaan loo arkay inuu yahay midaan joogsanayn waqti dhaw sidaasi darteed ayey dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska raad muuqda ku yeelan doonaa soo samata bixinta Mawaadiniinta reer Galbeedka ah ee dabinka loogu dhigay dalka uu dagaalku ka qarxay todobaad ka hor. Wasiirka Gaashaandhiga dalka Maraykanka Austin ayaa maanta oo Jimca ah(21/4/23)-ka galabnimadeedi sheegay in dalka Maraykanka u daabulay ciidamo wadamadda deriska la ah dalka Sudaan aqalka cadne uu kala doorsiin doono ciidamadda si ey samata bixin lahaayeen mawaadiniinta Maraykanka ah oo ugu yaraan gaaraayo 19-kun kuwaaso ku go’odoonsan dalka Sudaan.
ISHA WARKA AA.
XAALADDA CAAFIMAAD EE DALKA…
URURURKA CAAFIMAADKA ADDUUNKA.
(SANA’A)-Dalka Yeman waxa uu dagaal ka socday muddo dhan sideed sano ah waxa uuna dagaalkaasi galaaftay dad fara badan oo Yemaniyiin ah 31.5-milyan qofood oo Yemaniyiin ah ayaa baahi u qaba samafal iyo in la difaaco iyo13-milyan qofood oo iyagana Yemaniyiin ah waxa ey u baahan yihiin samafal deg deg ah oo dhinaca caafimaadka ah,sidaas waxaa maanta oo Jimcca ah(21/4/23)-ka sheegtay hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan caafimaadka ee WHO. Wada hadalada siyaasadeed ee hadda ka socdo dalka Yeman ayaa kor u qaaday rajada laga qabo in nabad lagu soo dabaalo dalka Yeman waqtiyada soo socdo.
ISHA WARKA AA.
MARAYKANKA OO CIIDAMO U DIRAYO…
CAASIMADDA KHARTUUM.
(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa diyaarinaayo inuu u diro ciidamo dheeri ah saldhigiisa uu ku leeyahay dalka Jabuuti sabab la xiriirto soo daad guridda Mawaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Sudan uu hadda ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidamo ey kala hogaaminayaan labada Generaal,sidaas waxaa sheegay saraakiil sare oo Maraykan ah maanta oo Khamiis ah. Qorshaha ayaa ah dejinta ciidamada cusub xerada Lemmonier ee ku taalo dalka Jabuuti,ciidamadaan ayaa lagu wadaa ineey Jabuuti soo garaan maalinta Isniinta ah ka dib markii la weeraray kolonyo ey la socdeen diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Maraykanka ee fadhigeedu yahay Khartuum ee dalka Sudan.
ISHA WARKA WAKL.
MARAYKANKA OO RAADINAYO IBRAHIM CAQIIL.
SAWIRKA IBRAHIM CAQIIL.
(BEIRUT)-Dalka Maraykanka ayaa bixinaayo abaalmarin gaareyso todobo milyan oo doolar($7)-Milyan taaso la siin doono qofkii warkiisa keena hogaamiye sare kana tirsan ururka ey taageerto Iraan ee Xisbullah,40-sano ka dib markii bam lagu qarxiyey safaaradda Maraykanku ku leeyahay caasimadda dalka Libnaan ee Beirut sannadkii 1983-kii,codsi ey sameeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayey ku sheegtay iney bixinayso abaalmarinta barnaamijka cadaaladda,waxaane la sheegay in abaalmarinta la siinaayo qofkii soo sheega amaba keeno macluumaad horseedi karo in la aqoonsado halka uu ku sugan yahay Ibrahim Caqil si loo soo xiro iyo sideey suuragal ku tahay in lagu qaado dembiyadii uu galay,Ibrahim Caqil ayaa ah hogaamiye sare oo ka tirsan ururka Xisbullah isla markaasne ah hogaamiye si aad ah u tababaran mileteri ahaan waxa uuna ka tirsanaay Golaha Islamic Jihaadka ee ururka Xisbullah. Ibrahim Caqil loona yaqaano (Tahsin) ayaa ka masuul ahaay Qaraxii lagu weeraray safaaradda Maraykanka ee Beirut sannadkii 1983-dii qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay dad gaarayo 63-qofood kuwaso 43-ka mid ah ey ahaayeen shaqaalaha safaaradda Maraykanka waxaane ku dhaawacmay 34-qofood oo kale,isla sannadkii 1983-dii bishii Oktoobar-23-keedii ayaa waxaa qarax lagu weeraray xero ey deganaayeen ciidamo isku dhaf ah oo nabada ilaalinayey waxaane Maraykanka uga dhintay 241-askeri oo Marines ah waxaane uga dhaawacmay 128-kale,sannadkii 1980-kii waxaa gudaha magaaladda Beirut lagu afduubay dad u kala dhashay Jarmalka iyo Maraykanka waxaane ku edeysan inuu ka dambeeyey Ibrahim Caqil.
ISHA WARKA MEMO.
78-QOFOOD OO KU DHIMATAY DALKA YEMAN.
XABSIYADA DALKA YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay dalalka u saameyey kacdoonkii ka dhacay qaar ka mida wadamadda Carabta waxaane ka dhacay dagaal faraha looga gubtay una dhexeeyey ciidamada dawladda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta uu taageero dalka Iraan,dagaalka oo daba dheeraaday ayaa sababay in dalka Yeman noloshii dadka noqoto mid aad u adag oo la waayo nolol maalmeedkii caadiga ah. Magaaladda caasimada ah ee Sanca waxaa maamulo kooxda Xuutiyiinta mana ka jirto wax shaqa ah oo ey dadku aadaan maalinti waxa kaliyah ey dadka degan caasimadda Sanca noloshoodu ku tiirsan tahay waa waxey maalintaas suuqa ka soo helaan,hadaba maalintii shalay oo Arbaca ahayd (19/4/23)-ka waxaa caasimadda Sanca ka dhacday dhibaato weyn ey dad ku dhinteen kuwa kalane ey ku dhaawacmeen ka dib markii ey is buurteen dad la siinaayey masaariifta ciida soon fureed,inta la xaqiijiyey iney dhimatay waa 78-qofood waxaane dhaawacantay boqolaal kale una badan dad danyar ah,ciidamada amaanka ee Xuutiyiinta kuna sugnaay goobta wax ka dheceen oo ahayd Dugsiga Maciin ee dhaw suuqa caanka ah ee BAAB AL-YEMAN waa ey awoodi waayeen iney badbaadiyaan dadkaas is buurtay.
ISHA WARKA AP.
MASAR OO SOO GASHAY DAGAALKA SUUDAAN.
CAASIMADDA DALKA SUDAN EE KHARTUM.
(QAHIRA)-Sida uu qoray Wargayska Wall Street Journal ee dalka Maraykanka maanta oo Arbaca ah(19/4/23)-ka Jeneraalka reer Libiya ee Khalifa Xaftar ayaa hub u diray hogaamiyaha dagaalka kula jiro ciidamadda dalka Sudan Maxamed Xamdan Duqlo(xumaydeyt) halka ciidamada dalka Sudan ey iyagana hub ka heleen dalka Masar si ey isaga difaacaan weerarad kaga imaanayo xoogaga Xumaydeyt. Wargayska oo soo xiganaayo ila wareedyo aan la sheegin magacyadooda ayaa sheegay in Gen.Xaftar oo ka taliya bariga dalka Libiya uu ugu yaraan hal diyaarad oo hub ah uu u diray xoogaga Xumaydeyt 16-kii bishaan Abriil-2023-ka,waxa eyna ciidamada dalka Sudan sheegeen isla maalintaas 16-ka Abriil in ciidamadda Xumaydeyt ey soo buux dhaafiyeen saldhiga ciidamadda cirka si ey u ilaaliyaan diyaaradda hubka u sida kana timid dalka Libiya.
ISHA WARKA ARAB.
HAYADAHA AMAANKA LIBIYA OO WEERARAY…
CIIDAMADA AMAANKA LIBIYA.
(LIBIYA)-Xukuumadda Libiya ayaa dul dhigtay “Xadidaad kala duwan”kooxaha bulshada rayidka ah ee gudaha iyo dibadda kuna wada sugan dalka Libiya,ujeedada ayaa lagu sheegay iney tahay carqaladeynta shaqadooda ey ka haayaan dalka uu halakeyey dagaalka ee dhaca waqooyiga Afrika,sidaas waxaa laga soo xigtay hayadda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch maanta oo Talaada ah(17/4/23)-ka. “Xukuumadda Libiya ee Midnimo Qaran iyo hayado kale ayaa weeraray xarumo ey iska leeyihiin hayado aan dawli ahayn ee Libiya iyo ururo Ajnabi ah”sidaas waxaa qoraal uu soo saaray ku sheegay urur u dooda xuquuqda dadka fadhigiisuna yahay magaaladda New York ee dalka Maraykanka.
ISHA WARKA MEE.
NIN TAAGEERO XISBULLAH OO LA SAARAY…
SHEEKH XASAN NASRALLAH.
(LONDON)-Nin ururiyo sawiro leh muuqaalo sare ayaa waxaa la dul dhigay laguna deray liiska dadka ey saaran tahay cunaqabatayn maaliyadeed,waxaane ninkaan gudaha dalka Maraykanka looga edeyey inuu sheegto waxyaabaha uu ururiyo eyna ka mid yihiin”Pablo Picaso,Antony Gormley iyo Andy Warhol lacag dhaqid ee ururka Xizbullaahi. Nazem Axmed ayaa loo haystaa inuu dhaqaale u ururiyo ururka Xisbullahi ee dalka Libnaan,dalka Ingiriiska ayaana hadda ku daray liiska ey ku jiraan dadka taakuleyo argagixisada.
ISHA WARKA WAK.
SACUDIGA IYO IRAAN OO KU HESHIYEY…
SAFAARDDA SACUUDIGA EE TEHRAN.
(TEHRAN)-Dalalka Sacuudiga iyo Iraan ayaa dib u furi doono safaaradahooda ku yaalo labada dal sagaalka bisha soo socoto ee Meey-2023-ka,sidaas waxaa shalay oo Isniin ahayd sheegay diblomaasi sare oo reer Iraan ah. Cali-reza Enyata oo ah agaasimaha Gacanka ee Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Iraan ayaa Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Iraan ee IRNA u sheegay in Tehran iyo Riyad ey xadideen waqtiga ey furayaan safaaradahooda.
ISHA WARKA MOM.
SAADAASHA DAGAALKA SUDAN.
MAGAALADDA KHARTUM.
(KHARTUUM)-Waxa uu xambaarsan yahay dagaalka seddex maalin ka hor ka bilawday dalka Sudan waa mid muujinayso in dalka Sudan uu geli rabo dagaal sokeeye,waane dagaal u sharaxan inuu daba dheeraado taaso macnaheedu yahay iney jiri doonto faragelin shisheeye taaso ey u sabab tahay halka ey Sudan ku taalo juqaraafi ahaan lehne xuduud balaaran,xoogaga Anjabi ah iyo kuwa gobolka ayaa gadaal ka taagan ciidamadda dawladda Sudan iyo xoogaga ka soo horjeedo,ma laga yaabaa in dagaalka Sudan uu noqdo mid sii balaarta noqdane mid gaara gobolka amaba noqdo mid caalami ah?.
ISHA WARKA ARAB.
900-MAXBUUS OO XUUTIYIIN AH OO XABSIGA…
(SAWIRKA)-XABSIGA DALKA YEMAN.
(SANA’A)-Tan iyo markii ey heshiis wada gaareen dawladaha Sacuudiga iyo Iraan ayaa waxaa dhinac socday qorshe lagu soo afjaraayo dagaalka sideed sano jirsaday ee dalka Yeman kaaso ey ku lug leeyihiin labada dal,xukuumadda Yeman ayaa sheegtay in la sii dayay 196-maxbuus maanta oo Axad ah(16/4/23)-ka,hawshaan la isku dhaafsanaayo Maxaabiis ayaa dalka Yeman ka socotay mudo seddex maalmood ah waxaane ugu dhawaan la sii daayey 900-dagaalyahan oo ka tirsanaay Xuutiyiinta,sidaas waxaa Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay ninka xukuumadda Yeman u qaabilsanay wada hadaladda Maajid Fada’il.
ISHA WARKA AA.
DAACISH OO DAD KU DISHAY…
(SAWIRKA)-KHARIIDADA SURIYA.
(SYRIA)-Dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish ayaa gudahadalka Suuriya waxaey ku dileen dadgaaraayo 26-qofood kuwaaso ka ugaarsanaayeydhulka Baadiyaha ee gobolka Xama,sidaas waxaa maanta oo Aaxad ah si wada jir ah u sheegay idaacadda Dawladda Suuriya iyo tan Mucaaradka Suuriya. Dadka lagu dilay weerarkaan ayaa isugu jiro dad shacab ah iyo qaar katursan ciidamada dalka Suuriya.
ISHA WARKA AP.
URURKA JAAMICADDA CARABTA OO ISUGU IMANAYO…
(SAWIRKA)-CAASIMADDA KHARTUUM.
(QAHIRO)-Ururka Jaamicadda Carabta war uu soo saaray ayuu ku sheegay in Ururku isugu imaan doono shir deg deg ah maanta oo Axad ah(16/4/23)-ka,shirkaan deg dega ah ayaa go’aan looga gaari doono dagaalka ka bilawday dalka Suudaan shalay oo Sabti ahayd(15/4/23)-ka. Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta Xusaam Zaki ayaa warbaahinta u sheegay in kulan deg dega ah ey ka qeybgeli doonaan wafdiyada wadamadda xubnaha ka ah ururka ee u fadhiyo xarunta Ururka Jaamcadda Carabta ee magaaladda Qaahira,fadhigaan deg dega ah ayaa yimid ka dib markii uu codsi ka yimid safiiradda u fadhiyo wadamadda Sacuudig iyo Masar.
ISHA WARKA AA.
DAGAAL KA SOCDO DALKA SUUDAAN.
CAASIMADDA KHARTUM.
(KHARTUM-SUDAN)-Wararka ka imaanayo dalka Sudan ayaa sheegayo inuu halkaas ka bilawday iska horimaad u dhexeeyo ciidamadda Mileteriga dalkaasi iyo ciidamo u tababaran sida Mileteriga loona yaqaan”Xoogaga dhaqsi u hawgala(RSF)”gudaha magaaladda caasimadda ah ee Khartum maanta oo Sabti ah(15/4/23)-ka. Sida ey sheegeen goobjoogayaal ciidamadda dagaalamay ayaa isu isticmaalay hubka nuucyadiisa kala duwan waxaan caasimadda Khartum laga maqlaayey dhawaqa hubka iyo qaraxyada bambooyika,sida laga soo xigtay wakiil wareedka Wakaaladda Wararka Anadolu ee dalka Turkiga dagaalka xogiisa ayaa ka socdo xarunta Gaashaandhiga iyo Madaxtooyada.
ISHA WARKA AA.
ASHARAF XAKIIMI OO KA BADBAADAY…
ASHRAF XAKIIMI IYO HIBO CABUK.(SAWIRKA).
(SPAIN)-Sida lagu daah furay warbixin uu qoray Faransiiska gabadha samaysa iidhahyada dharka ee asalkeedu yahay Carab”Hiba Cabuk” ayaa filanwaa weyn la kulantay ka dib markii ey kala tageen cayaaryahanka caanka ah ee reer Marooko Ashraf Xakiimi, Hiba ayaa filaysay in loo xukumi doono hantida Ashraf leeyahay barkeed. Ashraf Xakiimi ayaa dhammaan hantidiisa waxaa kuwada qoran Hooyadiis mana jirto hanti ku qoran magaca Ashraf Xaakiimi.
ISHA WARKA ARAB.