157-QOFOOD OO LAGA SOO SAARAY KHARTUUM.
DUQEYN KU SOCOTO KHARTUUM.
(RIYAD)-Dagaalka dalka Sudan waxa u sababay in ey istaagaan isu socodka dadka degan dalkaasi muddo todobaad ah,arrintaan ayaa cabsi ku abuurtay dawlado badan oo caalamka ah waxa eyna bilaabeen sidii ey dadkooda ugala soo bixi lahaayeen gudaha dalka Sudan. Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa noqday dalkii ugu horeeyey ey u suuragashay inuu dadkiisa iyo dadyaw kale ka soo qaado dalka Sudan ka dibne keeno dalkiisa,sida ey sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga maanta oo Sabti ah(22/4/23)-ka waxaa markab laga leeyahay dalka Sacuudiga lagu soo daabulay 91-qofood oo Sacuudi ah, 66-qofood oo Ajaanib ah una kala dhashay 12-dal waxaane ka mid ah dadkaasi siyaasiyiin u shaqeynaayey hayada caalami ah kuwaaso saldhigoodu ahaay magaaladda Khartuum ee dalka Sudan.
ISHA WARKA ARAB.