Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIRO SHIR UGA FURMAY JIDDAH.

SUURIYA IYO JAAMICADDA CARABTA.

(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa soo gaaray lix Wasiir Arrima dibadeed kana kala socday Wadamo Carbeed oo xubna ka ah Ururka Jaamicadda Carabta,lixdaan wasiir ayaa Sacuudiga soo gaaray maanta oo Jimca ah(14/4/23)-ka,wufuudaan ayaa dhammaantod waxa ey ka soo wada degeen garoonka diyaradaha ee Boqor C/casiis ee magaaladda Jiddah. Lixdaan Wasiir arrimo Dibadeed iyo dhigooda Sacuudiga ayaa ka wada hadli doono arrimaha dalka Suuriya oo ah in dalka Suuriya uu dib ugu soo laabto Ururka Jaamicadda Carabta oo hray looga saaray.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAANKA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA SURIYA OO XIRIIRKA LA SOO CESHANAYO…

URURKA JAAMICADDA CARABTA.

(ISTAMBUL)-Tan iyo markii uu ururka Jaamicadda Carabta uu laalay xubinimada dalka Suuriya sannadkii 2011-kii ka dib markii ey xukuumadda Bashaar Al-Asad ey awood xad dhaaf ah u adeegsatay dad banaanbaxaayey waqtigii uu ka kacdoonka ka socday qaar ka mida wadamadda Carabta,laakinse dhawrkii sano ee la dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayey soo hagaagida xiriirka Suriya iyo qaar ka mida wadamadda Carabta,waxaane dalka Suriya xiriirka la soo ceshaday toban dal oo Carab ah,sideed kalane waxa ey ka fikiraysaa iney la soo ceshato iyo in kale halka seddex dal oo Carab ah ey iska diideen iney xiriir la samaystaan daka Suriya.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR IYO TURKIGA OO BERRI KULMI DOONO.

WASIIR SAAMIX SHUKRI.

(ANKARA)-Wasiiraka Arrimaha dibadda dalka Masar Saamix Shukri ayaa booqasho rasmi ah waxa ey uga bilaaban doontaa dalka Turkiga maalinta Khamiista oo berri ah(13/4/23)-ka sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Turkga. Wasiirka Arrimaha dibadda Masar Shukri ayaa dalka Turkiga ku imaanaayo casuumad uu ka helay dhigiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu,booqashada Shukri ee dalka Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ah wada hadalada u dhexeeyo dalalka Turkiga iyo Masar. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa lagu yiri”Kulamada dhacaayo waqtiga uu Wasiir Shukri booqashada ku joogo dalka Turkiga ayaa waxaa looga hadli doonaa si xoojinta xiriirka labada dal iyo go’aanka gaaridda arrimaha gobolka”.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IRAN OO DIB U FURAYSA…

SAWIRKA SAFAARADDA IRAN.

(ANKARA)-Wafdi farsamo oo ka socday dalka Iraan ayaa maanta oo Arbaca ah(12/4/23)-ka gaaray caasimada dalka boqortooyada Sacuudiga ee Riyad,ujeedka wafdigaan ayaa lagu sheegay iney tahay sidii ey dib ugu furi lahaayeen safaaradda dalka Iraan ku leeyahay Sacuudiga taaso fadhigeedu yahay magaaladda caasimada ah ee Riyad,sidaas waxaa warbaahinta la wadaagay masuuliyiin reer Iraan ah. Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Irna ee dalka Iraan wafdiga reer Iraan ayaa dabayaaqada maanta u safri doono magaala xeebeedka Jiddah si ey u soo kormeeraan xafiiska Qunsuliyadda Iraan ku leedahay halkaas iyo xafiiska ergayga ururka iskaashiga islaamka.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HOGAANKA DALKA YEMAN OO…

SAWIRKA SANCA.

(SANA’A-YEMAN)-Ka dib ku dhawaad sagaal sano uu ka socday dagaal dalka Yeman ayaa hadda waxaa soo ifbaxay seddex qeybood oo waa weyn oo isku haayo hogaanka dalka Yeman cida qabanayso,xukuumadda Caalamku aqoonsan yahay uu fadhigeedu yahay Cadan,Xuutiyiinta oo fadhigoodu yahay caasimadda Sanca iyo Golaha ku meel gaarka ee gooni isu taaga koonfurta Yeman oo fadhigoodu yahay Cadan(STC). Marka laga fiiriyo dhinaca wanaagsan,dib u soo celinta nabada dalka Yeman ee hadda ka socoto magaaladda Caasimadda ah ee Sanca ayaa waxaa muuqato in xukuumadda uu taageero Sacuudiga ey maamusho dhul dhan 55%,Xuutiyiintana waxa ey maamulaan dhul dhan 25% halka kooxda gooni isu taaga koonfurta ey maamulaan 20%,wadarta guud ee dhulka Yean ayaa ah 550-kun kiilomitir oo isku wareega ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAANKA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA YEMAN IYO XUUTIYINTA OO IS…

SAWIRKAMAXAABIISTA.

(SANA’A-YEMEN)-Ka dib markii uu dhacay heshiiskii taariikhiga ahaay ee u dhexeeyey wadamadda Sacuudiga iyo Iraan waxaa isa soo taraysay sheeko ku saabsan inuu joogsan doono dagaalka dalka Yeman kaaso ey si dadban isaga soo horjeedeen wadamada Sacuudiga iyo Iraan waayo waxa ey kala taageersanaayeen labada garab ee isku haayo talada dalka Yeman ee kala Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta. Hadaba xukuumadda Yeman iyo kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ah(13/4/23)-ka ee inagu soo fool leh ineey is dhaafsan doonaan maxaabiista ey kala qabsadeen intuu socday dagaalka dalka Yeman,isdhaafsiga maxaabista ee labada dhinac ayaa ka dhici doono gobolo kala gedisan oo ka tirsan dalka Yeman. Galabnimadii Sabtida ee la soo dhafay ayey ahayd markii ey magaaladda caasimadda ah ee sanca ey soo gaareen wafdi ka socdo dalka Cumaan oo dhexdhexaadiye ka ah dagaalka dalka Yeman ee sideed jirsaday,waxaa isna Sanca soo gaaray safiirka dalka Sacuudiga u fadhiyo Yeman sii uu uga qeybgalo heshiiska. Maajid Fadel oo ah ninka xukuumadda Yeman u qaabilsan wada hadalka Xuutiyiinta ayaa Tv-ga Al-Carabiya barnaamijka Al-Xadath u sheegay in heshiiskaan uu yahay mid kama dambaysa ah.

ISHA WARKASB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

EU-DA OO RABTA INEEY KA QAADO…

MADAXWEYNE BASHAAR AL-ASAD.

(SYRIA)-Wargays laga leeyahay dalka Faransiiska (Intelligence Online) kana faalooda arrimaha Sirdoonka ayaa maanta oo Isniin ah(10/4/23) sheegay ineey jirto siyaasad qarsoodi ah oo kaalmaysnayso Madaxweynaha dalka Suriya Bashaar Al-Asad siyaasadaas ayaa cadaadis ku hayso Ururka Midawga Yurub(EU)-da si uu Ururka Midawga Yurub cunaqabataynta uga qaado xukuumadda Bashaar Al-asad. Warka ayaa sheegaayo in Masuuliyiin reer Yurub ah iyo Madaxweyne Bashaar Al-Asad u socdaan wada hadalo,waxa eyna masuuliyiinta reer Yurub ka soo horjeedaan cunaqabataynta uu Midawga Yurub saaray Bashaa Al-asad.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TAARGO BAABUUR OO LAGU IIBSADAY $15-MILYAN…

GOOBTII EY NAADADU KA JIRTAY.

(DUBAI)-Waxaa lagu jiraa Bishii Barakaysneed ee Ramadaan gaar ahaan Tobankii ugu Dambaysay,waxaane jiro dad fara badan oo Muslimiin ah kuna kala nool adduunka dacaladiisa kuwaaso aan haysan waxey ku afuraan amaba hoy ey ka galaan kulaylka iyo qabawga ka dhacaayo dhulka ey ku nool yihiin,dal Muslim ah dadkisun alle ka dhigay kuwa wax haysto waajibne ey ku tahay ineey xusuustaan walaalahooda kale ee Muslimiinta ah ee baahan ayaa waxaa ka dhacday arrin la yaab leh,hadaba maxaa ka dhacay dalka Imaraatka Carabta oo aanad ogayn? Gorgoriye Qani ah ayaa firdhiyey wax banaanka ah wixii aduunka horay looga diiwaan geliyey waxa uuna 55-Milyan Dirham oo ah lacagta dalka Imaaraatka Carabta una dhiganta $-15-Milyan doolarka Maraykanka ah ayuu ka bixiyey Taargada lagu dhegsado baaburta ee magaaladda Dubai ee dalka Imaaratka Carabta waane dhacdo Naadir ah. Goobta ey arrintaan ka dhacday ayaa laga sheegay in lacagta lagu bixin doono Afurinta dad aanheli karin waxey ku afuraan balse aan la sheegin halkaey adduunka ka joogaan.

ISHA WARKA WAK.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KUWEYT OO YEELATAY XUKUMAD CUSUB.

AMIIRKA KUWEYT.

(KUWAIT)-Reysal Wasaaraha dalka Kuweyt Sheekh Axmed Nawaaf Al-Axmed Al-Sabaax ayaa soo dhisay xukuumad cusub uu yeelanaayo dalka Kuweyt maanta oo Axad ah(9/4/23)-ka golahaan cusub ayaa waxaa ka mid ah 14-Wasiir sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faaiso dalka Kuweyt ee KUNA. Reysal Wasaare Sheekh Axmed ayaa waxaa dib loo magacaabay bishii Maarso-2023-ka laba bil uun ka dib markii ey xukuumadiisa isqabteen baarlamaanka isna casishay.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CARUUR KU DHAAWACANTAY HOOBIYE…

SAWIRKA CARUURTI KU DHAAWACANTAY HOOBIYAHA.

(IDLIB-SYRIA)-Caruur reer Suuriya ah ayaa la dilay waxaane la dhaawacay kuwa kale maanta oo Axad ah(9/4/23)-ka,sida la soo sheegay carauurtaan ayaa waxaa ku habsaday Hoobiye ey soo tuureen ciidamadda xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Bashaar Al-Asad,weerarkaan caruurta ku dhimatay ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Idlib ee dhaca Waqooyi-Galbeed ee dalka Suuriya sida laga soo xigtay ila wareedyo maxali ah. Hoobiyaha ayaa lagu bartilmaameesaday magaaladda Sarmin ee dhacda Koonfur-Bari Idlib waxaane soo riday ciidamadda dawladda Suuriya ee jooga magaaladda Saraqib ee dhacda Waqooyi-Galbeed Idlib sida ey sheegeen kooxaha difaac dadweynaha.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERAR LOO ADEEGSADAY BAABUUR OO…

SAWIRKA BAABUURKA LOO ADEEGSADAY WEERARKA IYO DALXIISIHII KU DHINTAY EE TALYAANIGA AHAAY.

(QUDUS)-Tan iyo markii ey bilaabatay bisha Barakaysan ee Ramadaan dhulka reer Falastiin ey xooga ku degan yihiin dadka laga keenay dibadda ayaa waxaa ka socday iska hor imaadyo u dhexeeyo ciidamadda Israel iyo dad caraysan oo reer Falastiin ah,arrintaan ayaa waxa ey cirka isku shareertay ka dib markii ey ciidamadda Israel ey weerar kedis ah ku qaadeen Masjidka Al-Aqsa halkaaso ey ka dhaceen dhibaatooyin fara badan eyna ka dhalatay carro caalami ah. Maqribnimadii shalay oo Jimaca ahayd ayaa dhulka Israel haysato waxaa ka dheceen laba weerar mid ayaa dhacay Maqribkii waxaane weerarkaas lagu qaaday baabuur lala beegsaday meel dadku ey ku badan yihiin waxaane weerarka gaystay nin la yiraahdo Yuusuf Abu Jaabir oo 45-jir ah degane Kafr Qaasim,booliska Israel ayaa sheegay in weerarkasi uu ku dhintay nin dalxiise ahaay una dhashay dalka Talyaaniga lana yiraahdo Alessandro Parini oo 35-jir ah,Parini ayaa ahaay Qareen ka hawlgala magaaladda caasimadda ah Rome ee dalkaasi Talyaaniga,dalxiisayaasha ayaa ka kala yimid dalalka Talyaaniga iyo Ingiriiska.

ISHA WARKA WAKALAD.

HALKAANKA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

UN-KA OO KA HADLAY…

SAWIRKA QARAXII DEKADA BEIRUT-2020-KI.

(BEIRUT)-Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Arbaca ah(5/4/23)-ka ayaa sheegay ineey ahmiyada gaar ah siiyeen faragelinta lagu haayo baaritaanka musiibadii dhacday sannadkii 2020-ka taaso ahayd qarixii ka dhacay dekada Beirut,eyna faragelintaasi ka mid tahay handadaad lidi ku ah garsoorihii baarayey qaraxa dekada Beirut. Qoraal ka soo baxay Margaret Satterthwaite oo ah soo ururiyaha go’aamada gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee garsoorayaasha iyo qareenada madaxa banaan ayaa cambaareysay”Dib u dhaca xad dhaafka ah ee ku yiid baaritaanka kaaso looga hortegaayo cadaalad u helidda kuwa uu saameeyey qaraxii ka dhacay dekadda Beirut”.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BOOLISK ISRAEL OO XALAY WEERARAY…

GUDAHA MASJIDA AL-AQSA.

(ISTAMBUL)-Wadamo ka tirsan dunida Carabta sida Sacuudiga, Masar, Qadar iyo Urdun ayaa maanta oo Arbaca ah(5/4/23)-ka cambaareeyey weerarkii kediska ahaay ey ciidamadda Booliska Israel ku galeen Masjidka Al-Aqsa ee ku yaalo Bariga Qudus ee dhulka la hayasto ee reer Falastiin. Booliska Israel ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay ineey xireen dad gaaraayo 350-qofood oo reer Falastiin ah kuwaaso laga soo wada qabtay dhismaha Masjid Al-Aqsa,sida ey sheegeen dad goobjoogayaal ah booliska Israel ayaa adeegsaday xoog xad dhaaf ah uuna ka mid yahay Gaaska dadka kaga ilmeeysiiya.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NIN LAGU QISAASAY SACUUDIGA BISHA…

SACUUDIGA OO FULIYEY DIL.

(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa bishaan Barakaysan ee Ramadaan dil ku fulisay nin la sheegay inuu gaystay dil,sidaas waxaa maanta oo Isniin ah laga soo xigtay koox u dooda xuquuqda dadka kana soo jeedo dalka Sacuudiga fadhigooduna yahay Qaarada Yurub. Qisaasta ayaa dhacday 28/3/23-ka kuna beegneed maalintii shanaad ee bisha Ramadaan-1444-ka,waxa eyna Qisaastu ka dhacday gobolka Madiina uu ku yaalo Masjidka Nabiga (SCW),sidaas waxaa qortay wakaaladda Wararka u faafiso dalka Sacuudiga ee SPA.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO U HANJABAY…

DALKA LIBIYA.

(LIBIYA)-Safiirka Maraykanka u fadhyo dalka Libiya ayaa maanta oo Isniin ah(3/4/23)-ka cod dheerku sheegay in dalkiisa uu aad u danaynaayo edeynta la xiriirto xadgudubyada lidka ku ah dadka Muhaajiriinta ah ee ku sugan gudaha dalka Libiya,waxa uuna safiirku balanqaaday inuu adeegsan doono awoodiisa si loola xisaabtamo kuwa galay dembiyadda. Maalmo ka hor ayey ahayd markii ey soo baxday warbixin ka hadlayso arrimaha Muhaajiriinta lagu dhibaateyey gudaha dalka Libiya gaar ahaan warbixinta ayaa farta ku fiiqday in la fara xumeeyey dumar fara badan oo si xoog ah loogu galmooday.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

EX-RW-XARIIRI OO LOO HAYSTO…

EX-RW-SACAD AL-XARIIRI.

(BEIRUT)-Reyal Wasaarihii hore dalka Libnaan Sacad Al-Xariiri ayaa lagu edeeyey si ku cel celis ah “Kufsi iyo xadgudub Galmo”lagu sameeyey laba gabdhood oo shaqaale ka ah diyaarad uu iska leeyahay, EX-Reysal Wasaare Xariiri ayaa dacwad laga gudbiyey Maxkamad ku taalo dalka Maraykanka. Sida laga soo xigtay warbaahinta CNN ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in duulimaadka ey wax ka dheceen uu yahay kan uu la socday Ex-Reysal Wasaare Al-Xariiri waane kan ey shaqaaluhu ka sheegteen in lagula sameeyey xadgudub gudaha diyaarada.

ISHA WARKA MEMO.

HALKAAN KA SI AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ALJEERIYA OO XABSOGA DHIGTAY WARIYE…

IHSANE ELKADI.

(ALGERIA)-Maxkamad ku taalo caasimadda dalka Aljeeriya ee Aljeris ayaa maanta oo Axad ah(2/4/23)-ka waxa ey xukun ku riday saxafi caan ka ah dalka dhaco Waqooyiga Qaaradda Afrika(Aljeeriya) muddo shan sano ah waxaane laga babi’iyey laba sano,waxaane la amray in la xiro Website-kiisa iyo Idaacadiisa ka dib markii lagu edeeyey iney halis ku yihiin amniga Qaranka Aljeeriya. Ihsane El-qadi ayaa xabsiga la dhigay Dec-23-22-kii ka dib laga qabtay hoygiisa oo ku yaalo caasimadda Aljeris ee dalka Aljeeriya,Ihsane ayaa lagu edeeyey inuu maalgelin ka helay dibadda dalka Aljeeriya si uu u fuliyo danaha dalalka shisheeye.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA ALJERIYA OO ISKA DIIDAY…

CIIDAMADA ALJEERIYA.

(ALGERIA)-Taliyaha ciidamadda dalka Aljeeriya Sareeye Guuto Saciid Shanqariixa ayaa maanta oo Axad ah(2/4/23)-ka ku cel-celiyey in dalkiisa Aljeeriya uu iska diiday iney soo farageliyaan ciidamo ka socdo dalal shisheeye si ey hey uga noqdaan la dagaalanka Argagixisada gobolka. “Dalka Aljeeriya waa uu iska diiday nuuc kasta uu ahaado faragelinta ey ciidamo shisheeye ku sameeyaan gobolka ayagoo ku hoos gambanaayo waxa aan la dagaalaynaa Argagixiso waayo taasi waxa ey cadayn u tahay guul darro dhammaystiran” sidaas waxaa yiri S/Guuto Saciid mar uu ka hadlaayey kulan ey lahaayeen ciidamadda dalka Aljeeriya si kastaba ha ahaatee,taliyaha ciidamadda dalka Aljeeriya ma Susan bixin wax faafaahin ah oo ku saabsan qeybaha danaynaayo iney faragelin ciidan ku sameeyaan gobolka.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XIRIIRKA MASAR IYO SUURIYA OO SOO…

WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA MASAR IYO SUURIYA(SHUKRI IYO FAYSAL).

(QAHIRO)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Suuriya Faysal Mikdad ayaa soo gaaray caasimadda dalka Masar ee Qaahira maanta oo Sabti ah(1/4/23)-ka,waa markii ugu horeysay uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya uu booqasho tan la mida uu ku yimaado dalka Masar in ka badan toban sano,Wasiir Fysal ayaa waxaa soo dhaweeyey dhigiisa reer Masar Saamix Shukri iyo laba Wasiir kale uu midba si gooni ah ula kumay Wasiiro la socday Wasiir Faysal. Wasiiradda labada dal Masar iyo Suuriya ayaa lagu wadaa ineey ka wada hadlaan arrimaha ey ugu weyn tahay wanaajinta xiriirka labada dal iyo arrinta bariga dhexe gaar ahaan weerarad Israel ey u gaysatay dalka Suuriya todobaadyadii la soo dhaafay iyo weerarka joogtada ah ey Israel ku hayso dadka reer Falastiin.

ISHA WARKA AA.

HALKAANKA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUKUMADA DENMARK OO ISKU KHILAAFSAN…

XERADA ROJO EE SUURIYA.

(DENMARK)-Maalmo ka hor waxa aan idinla wadaagay qoraal ka hadlaayey laba gabdhood oo asalkoodu yahay Somali balse haysta dhalashada dalka Norway,gabdhahaan ayaa ka mid ahaay gabdho badan oo la duufsaday aadayne dagaalka dalka Suuriya waqtigii uu socday dagaalka lagula jiro kooxda ISIS(Daacish) sannadkii-2014-kii,inta badan gabdhaha la khalday ayaa ka kala ymid wadamadda Yurub iyo Maraykanka waxayne guursadeen dagaalyaano ka tirsan Daacish waxa eyna u dhaleen caruur,ka dib markii ey noqdeen kuwa la dilay iyo kuwa qabtay ragii u dagaalamaayey Daacish ayaa waxaa banaanka yimid dumarki ey qabeen iyo caruurtii ey ka dhaleen,waxaane dhacday in dumarka iyo caruurtooda la isugu keeno xero ey maamulaan xoogaga Kurdiyiinta dalka Suuriya Waqooyi-bari dalka Suuriya halka loo yaqaano RAJO. Hadaba,kala qeybsanaan muuqata waxa ey soo kala dhexgashay gudaha xukuumadda isku dhafka ah ee dalka Denmark gaar ahaan arrinta ku saabsan dib u soo celinta dumar u dhashay dalka Denmark iyo caruurtooda kuwaaso laga soo qaadaayo xerada lagu haayo xaasaska iyo caruurta dagaalyahanadii Daacish ee ROJO kuna taalo Waqooyi-bari dalkaSuuriya.

ISHA WARKA AA.

HALKAANKA SII AKHRI.

Read More