DIYAARADAHA ISRAEL OO WEERARAY…
SUURIYA.
(IRAN-TEHRAN)-Xubno ka tirsan xoogaga ilaalada kacaan dalka Iraan(IRGC) ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ey qaadeen ciidamada cirka Israel waxayna weerareen nawaaxiga caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq waqti sii horeeyey maanta oo Jimca ah(31/3/23)-ka sidaas waxaa sheegay ciidamadda dalka Suuriya. Saraakiil ka tirsan ciidamadda Ilaaladda Kacaankadalka Iraan(IRGC) ayaa lagu dilay weerarkii dhacay saakay waxaane la xusy magaca mid ka mida saraakiishaas la dilay waane Milad Xaydari,la taliyaha militeri ee ilaalada kacaan Iraan(IRGC) kaaso ka tirsan waaxda xiriirka ee ilaalada kacaanka dalka Iraan ayaa yiri”Weerarka lagu dilay Xaydari ayaa ahaay mid dembi ah”.
ISHA WARKA AA.
MADAXWEYNAHA IMAARAATKA OO MAGACAABAY…
MW-SHEEKH MAXAMED BIN ZAYID AL-NEHYAN
(ISTANBUL)-Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) Sheekh Maxamed Bin Zayid Al-Nehyan ayaa soo saaray dikireetooyin kala duwan maalintii shalay oo Abacada ahayd(29/3/23)-ka,dikireetooyinkaas ayaa waxaa lagu magacaabay Madaxweyne ku xigeeenka labaad ee uu yeelanaayo dalka Imaaraatka Carabta iyo laba ku xigeen uu yeelanaayo ninka xukuma Imaarada Abu Dabai. Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Imaaraat Carabta Midoobay ee WAM Madaxweyne Sheekh Maxamed Bin Zayid Al-Nehyan waxa uu soo saaray laba dikireeto ey ansixiyeen golaha sare ee Federaalka dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) waxaane labadaas dikireeto lagu kala magacaabay Sheekh Mansuur Bin Zayid Al-Nehyan oo noqonaayo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) waxaa kaloo uu Sheekh Mansuur noqon doonaa Reysal Wasaare ku xigeenka dalka Imaaraatka isla markaasne ah Madaxweynaha Maxakamada.
ISHA WARKA AA.
BAARLAMAANKA CIRAAQ OO WAX KA…
BAARLAMAANKA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Dalka Ciraaq waxa maalmihii la soo dhaafay ka jiray Guux ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka dalka Ciraaq gaar ahaan qodob khuseeyo arrimaha doorashooyinka dalkaasi Ciraaq,arrintaan ayaa dood culus waxaa ka keenay xisbiyo ka dhisan dalkaasi Ciraaq. Hadaba,baarlamaanka dalkaasi Ciraaq ayaa maanta oo Talaada ah(28/3/23)-ka waxa uu Ansixyey in wax ka bedel lagu sameeyo qodob ka mida Dastuurka dalkaasi kuwaso khuseeyo arrimaha Doorashooyinka dalka Ciraaq,qodobkaas wax laga bedelay ayaa xadidaayo fursadaha Xisbiyadda yar-yar iyo Musharixiinta aan ka tirsaneyn Xisbi si ey ugu guulaystaan Doorashada Mustaqbalka ka dhici doonto dalka Ciraaq.
ISHA WARKA AA.
DRONES-KA OO LAGU DAABULO DAROOGADA.
DRONES-KII WADAY DAROOGADA.
(DIMISHIQ)-Dadka intiisa badan waxa ey maqlaan diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka ayaa duqeeyey meel hebel laakin maanta sheekada taas waa ey ka duwan tahay oo waxaa soo baxay warar sheegaayo in diyaaradaha Drones-ka loo isticmaalo in lagu daabulo Daroogada,arrintaan ayaa waxa ey ka dhacday dhulka xuduudka ah ee u dhexeeyo dalalka Suuriya iyo Urdun waxaane dhacday in diyaarad ah Drones ey ku dul dhacday guriga Abu Khamsini Al-Suri Abu Ra’id oo u dhaw dugsiga Abu Qandhara oo ku yaalo magaaladda Til-shihaab ee tuulada Radca sannadkii 2022-kii,guriga ey ku dul dhacday diyaaradda Drones-ka ah ayaa waxaa xoog ku galay rag hubaysan oo watay bacyaal mad madaw waxaane la weriyey in ragaasi ey halkaasi ka soo qaateen Maandooriye aan la sheegin Magaciisa.
ISHA WARKA ARAB.
SACUUDIGA OO MARTIGELIN DOONO…
URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(RIYAD)-Ururka Jaamicadda Carabta ayaa sheegay maanta oo Axad ah(26/3/23)-ka in fadhiga Ururka Jaamicadda Carabta ee soo socdo lagu qaban doono caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudiga ee Riyad(19/5/23)-ka ka dib markii uu wada hadal dhexmaray Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta Axmed Abu Al-gaydh iyo xukuumadda Sacuudiga. Qoraal ka soo baxay Ururka Jaamicadda Carabta ayaa lagu sheegay inuu qabsoomaayo fadhiga wadamada xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta ee 33-aad waxa uu ka furmi doonaa caasimadda Sacuudiga ee Riyad Taariikhdu markeey tahay 19/5/23-ka.
ISHA WARKA ARAB.
CIRAAQ OO JOOJINAYSA DHOOFINTA…
KIRKUK CIRAAQ.
(BAQDAAD)-Dalka Ciraaq ayaa joojiyey dhoofinta Saliida Ceyriin(Crude Oil) ee laga soo saaro Gobolka Ismaamulka Kurdistaan iyo Waqooyiga Kirkuk maalintii Sabtida ee shalay ahayd(25/3/23)-ka sidaas waxaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay masuuliyiin ka tirsan hayadda shidaalka dalka Ciraaq ka dib markii uu dalka Ciraaq sugaayey muddo dheer garta qadiyadaan lidka ku ah dalka Turkiga. Go’aanka lagu joojinaayo qaaditaanka Saliida Ceyriin ee dhan 450-kun barmiil maalintii taaso la xiriirto qadiyad soo bilaabatay sannadkii 2014-kii markaaso dalka Ciraaq uu sheegay in dalka Turkiga uu ku xadgudbay heshiiskii ogolaanaayey in maamulka Kurdistaan(KRG) uu dhoofiyo Saliid Ceyriin isagoo sii marinaayo dhuumaha qaado shidaalka si ey u gaarsiiyaan dekedda Ceyhan ee dalka Turkiga. Dalka Ciraaq ayaa rumaysan in ismaamulka kurdistaan in laga dhoofiyo Saliida Ceyriin ayadoo laga dhoofinaayo dekedda Ceyhan ee dalka Turkiga tahay mid aan sharci ahayn.
ISHA WARKA MEMO.
GOLAHA ISKAASHIGA GACANKA(GCC) OO…
CIIDAMADDA ISRAEL.
(ISTANBUL)-Wasiiaradda Arrimaha dibadda ee Golaha Iskaashiga Gacanka(GCC) ayaa maanta oo Axad ah sheegay in dalka Maraykanka uu qaadi doono masuuliyadda ku wajahan jawaabtii Israel ku qiyaaseen qadiyada Falastiin iyo qoraalkii lidiga ku ahaay dadka reer Falastiin. Todobaadkii tegay,Wasiirka Maaliyadda Israel Bezal Smotrich ayaa diiday/Inkiray jiritaanka dadka reer Falastiin mar uu ka hadlaayey caasimadda Faransiiska ee Paris. Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Golaha Gacanka(GCC) ayaa waxa uu ka dhacay caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudiga ee Riyad maalintii Arbacada ee la soo dhaafay taariikhduna ahayd 22/3/23-ka.
ISHA WARKA AA.
SACUUDIGA OO QABTAY DAD DHAN 16,649-QOF.
WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA SACUUDIGA.
(RIYAD)-Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Sacuudiga ayaa sameeyey olole lagu soo qabanaayo dadka dalkaasi ku joogo sifo aan sharci ahayn,hawlgalkaan ayaa laga sameeyey guud ahaan dalka Sacuudiga oo dhan waxa uuna ololaha bilawday 16/3/23 ilaa 22/3/23-ka. Tirada dadka lagu soo qabtay hawlgalkaan ayaa garaayo ilaa 16,649-qofood kuwaaso kala ah: (1)-9259-qofood waxaa ka dhacay Iqaamadda ey dalkaasi ku joogeen. (2)-4899-qofood waxaa laga soo qabtay Xuduudka. (3)-2491-qofoodne waxaa laga soo qabtay goobaha shaqada ayagoo haysan wax sharci ah.
ISHA WARKA ARBI.
GOOBIHII MARAYANKU WEERARAY MAANTA OO SABTI AH.
(SYRIA)-Sida aan idiin soo gudbinay maalmihii la soo dhaafay bariga dalka Suriya waxaa ka socday weerar iyo weerar celin u dhexeyso dalalka Maraykanka iyo Iraan,waxaane dhacday in Maleeshiyaat ey taageerto Iraan soo weeraraan saldhig ey leeyihiin ciidamada Maraykanka kuna sugan Suriya waxaane dhacdadasi ka jawaabay ciidamada Marayanka ee la weeraray waxa eyna weerar ku qaadeen saldhig ey degan Maleeshiyaadka ey taageerto Iraan. Hadaba maanta oo Sabti ah(25/3/23)-ka weerar cirka ah ey qaadeen ciidamadda Maraykanka ee joogo Suriya ayaa ugu yaraan waxaa lagu dilay 19-qofood oo ka tirsan maleeshiyaadka ey taageerto Iraan,weerarka ayaa waxaa lagu qaady guryo ey deganaayeen Maleeshiyaadka taageerada ka hela Iraan bariga Suriya,warkaan ayaa lag soo xigtay koox korjoogtayso arrimaha baniadanimada dalka Suriya loona yaqano(SOHR).
ISHA WARKA AA.
DALKA CIRAQ OO WAJAHAYO…
BANAANBAXAYASH DALKA CIRAAQ.
(BAQDAAD)-Dalka Ciraaq ayaa maanta oo Sabti ah(25/3/23)-ka waxaa ka bilawday banaanbaxyo looga soo horjeedo shaciga cusub ee doorashooyinka dalkaasi Ciraaq kaaso dhawaan uu soo gudbiyey Baarlamaanka dalkaasi Ciraaq. Sida badanaa ka dhacdo dalkaasi Ciraaq siyaasadiisa waxaa isaga soo horjeedo kooxo ku saleysan Diinta(Sunni/Shiico) marna maba dhacdo in kooxahaan isla gaaraan go’aan meel mara loogana bixi karo dalkaasi Ciraaq dhibaabatada siyasadeed ee haysata. Baanbaxayasha ayaa isku balansaday ineey ku hor banaanbaxaan dhismayaasha Baarlamaanka iyo kan Golaha Wasiiradda ee dalkaasi Ciraaq.
ISHA WARKA ARAB AL-JADEED.
SACUUDIGA OO XADIDAY CUMRADA BISHA RAMADAAN.
KACBADA.
(RIYAD-SACUDIGA)-Sida ey xaqiijisay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada dalka Boqortooyada Sacuudiga shalay oo Jimca ahayd(24/3/23)-ka qof kasta oo dalka Sacuudiga u yimid inuu Cumraysto bishaan barakaysan ee Ramadaan waxa uu xaq u leeyahay inuu guto waajibaadka Cumrada Hal Mar oo kaliyah inta lagu guda jiro bishaan barakaysan ee Ramadaan mana loo ogolaan doono in qofku Cumraysto wax ka badan hal mar,waayo ayey tiri Wasaarda waxaa fursad la siinayaa dadka kale ee doonaayo ineey iyagana Cumraystaan bishaan Ramadaan,haddi kale waxaa dheceyso ayey tiri Wasaaradu in dadku Isbuurtaan eyna timaado dhimasho.
ISHA WARKA ARABICPOST.
WEERAR LOO AEEGSADAY DRONES OO KA DHACAY…
DRONES-KI LAGU WEERARAY MASULIYIN YEMAN AH.
(SANCA-YEMAN)-Wararka ka imaanaayo dalkaasi Yaman ayaa sheegaayo in Wasiirka Gaashaandhiga Yeman Muxsin Al-Daaciri uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Ticis Nabiil Shamsaan ey maanta oo Sabti ah ka badbaadeen isku day dil kaaso ka dhacay Galbeedka dalka Yeman sida laga soo xigtay warbahinta gudaha Yeman. Kolonyo ey la wada socdeen Wasiirka Gashaandhiga iyo Gudomiyaha Gobolka Ticis ayaa lagu weeraray diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka nuucooda iskood u qarxa,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Kadxa oo ku taalo Galbeedka Gobolka Ticis. Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta dalka Yeman Mucamar Al-Eryaani weerarka waxaa ku dhintay hal qof oo ahaay ilalada Gudoomiyaha Gobolka Ticis waxaane ku dhaawacmay laba kale oo iyagana ah ilaalada gudoomiyaha gobolka Tiicis.
ISHA WARKA AA.
DHISMA KU DUMAY DALKA QADAR.
DHIMA KU DUMAY DOOXA(SAWIRKA).
(DOOXA)-Dalka Qadar waxaa soo dumay dhismo maanta oo Arbaca ah gudaha magaaladda Caasimadda ah ee Dooxa,dhismahaan soo dumay ayaa waxaa la soo sheegay inuu ku dhintay hal qof lana soo badbaaiyey todobo kale welina waxaa socoto baadigoobka dad kale oo ku hoos jira burburka,sidaas waxaa sheegay masuuliyiinta dawladda Qadar. Dhismaha soo dumay ayaa ahaay mid dheer waxa uuna ku dul dhacay dhismayaal kale oo ka agdhawaay sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugnaay goobta wax ka dheceen.
ISHA WARKA AP.
ISRAEL OO WEERARTAY DALKA SUURIYA.
GAROONKA DIYAARADAHA EE XALAB.
(DIMISHIQ)-Weerar cirka ah oo ey qaadeen diyaaradaha dagaalka ee Israel aroornimadii maanta oo Arbaca ah ayaa lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaaladda XALAB ee dhacda Waqooyiga dalka Suriya,weerarka ayaa sababay in burbur soo gaaro garoonka lana hakiyo shaqadiisa sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka dalka ee SANA,waane markii labaad ey diyaaradaha Israel weeraaan garoonka diyaaradaha ee caalamiga ee magaaladda XALAB.
ISHA WARKA AP.
URDUN OO DALKEEDA KA ERIDAY…
BAARLAMAANKA URDUN.
(CAMAAN)-Baarlamaanka dalka Urdun ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu Ansixiyey soo jeedin ku saabsan in Safiirka Israel ee jooga dalka Urdun laga eryo dalka ka dib markii ey kor u kacday xiisadda ka dhexeyso labada dal,waxaane arrintaan sababteeda iska leh Wasiirka Maaliyadda ee Israel Bezal Smotrich kaaso diiday jiritaanka shacabka ree Falastiin. Smotrich hadal uu ka jeediyey Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris ayuu ku sheegay ineysan jirin shacabka reer Falastiin waxa uuna intaas raaciyey in marka laga soo bilaabo qarnigii tegay in isaga iyo dadka la midka ah iyo awoowayashood ey yihiin Falastiiniyiinta dhabta ah.
ISHA WARKA AA.
DALKA QADAR OO EDEYN U SOO…
KHARIIDADA GACANKA.
(DUBAI)- Dawladda Qadar ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee dalka Qadar Cali Shariif Al-Cimaadi uu wajahaayo edeymo ey ka mid yihiin Laaluush iyo Lunsasho lacageed waqtigii uu ahaay Wasiirka Maaliyadda dalka Qadar. Wasiir Cali Shariif Al-Cimaadi ayaa waxaa la xiray bishii Meey-2021-kii waxaane Wasiirka loo xiray qadiyad inta laga ogyahay ey yar tahay isla markaasne aan la shaacin,qoraal kooban oo ku soo baxay Wakaaladda Wararka Qadar(QNA) ayaa lagu sheegay in Xeer ilaalinta Qadar ey Wasiir Al-Cimaadi ku edeysay dembiyo uu galay waxa eyna Xeer Ilaalinta intaas raacisay in Wasiir Al-Cimaadi hortegi doono Maxkamadda qaada dembiyadda,Wakaaladda Wararka Qadar(QNA) ayaan sheegin inta ey la eg tahay lacagta uu lunsaday Wasiir Al-Cimaadi.
ISHA WARKA AP.
BASHAAR ASAD OO TEGAY UAE.
BASHAAR IYO BIN ZAYID.
(BEIRUT)-Madaxweynaha dalka Suriya Bashaar Asad ayaa gaaray dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) maanta oo Axad ah,waa booqashadiisi ugu horeysay uu Madaxweyne Asad ku tago dalka Imaaraatka tan iyo markii uu kacdoonka ka bilawday wadamadda Carabta qaarkood sannadkii 2011-kii. Dhinaca kale, MW-Asad ayey booqashadan noqonaysaa tiisii ugu horeysay uu ku tago dalka Imaaraatka Carabta tan iyo markii uu dhacay dhulgariirkii ku dhuftay wadamadda Turkiga iyo Suuriya,dhulgariirkaas ayaa waxaa ku geeriyooday dad fara badan oo Suuriyiin ah waxaane ku gurya beelay kuwa kale. MW-Asad iyo xaaskiisa Asma eyna wehliyaan wafdi heer sare ah kana tirsan xukuumadda Suuriya ee soo gaaray Imaaraatka ayaa casuumad ka helay Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayid Al-Nehyan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Asad.
ISHA WARKA AP.
MAXKAMADA DASTUURIGA AH EE KUWAIT OO…
WADAMADDA GACAKA KHALIIJKA.
(KUWAIT)-Maxkamada Dastuuriga ah ee dalka Kuwait ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay Natiijadii ka soo baxday Doorashadii Baarlamaanka Kuwait ee dhacday sannadkii tegay 2022-ka,Waxaane hawshiisii dib ugu soo laabanaayo baarlamaankii hore ee la doortay sannadkii 2020-kii. Go’aanka Maxkamada Dastuuriga ah ee dalka Kuwait ayaa waxaa faafisay Wakaaladda Wararka dalka Kuwait ee KUNA ka dib markii ey dalka Kuwait ey ka dheceen jahwareeryo fara badan oo dhinaca siyaasadda ah kuwaaso sababay ineey is casisho xukuuaddii Kuwait dibna loo soo dhiso xukuumad kale uu hogaaminaayo isla Reysal Wasaarihii hore.
ISHA WARKA AP.
SAAMIX SHUKRI OO KA HADLAY…
BIYA XIREENKA ITOOBIYA.
(QAHIRA)-Dalalka Masar,Itoobiya Suudaan ayaan weli wax ah ka gaarin biyaha Wabiga Niil ee ka yimaado buuraha dalka Itoobiya waayo dalka Itoobiya ayaa waxa uu samaystay biyo xireen uu ka dhallinaayo Koronto uu u gudbinaayo dalalka la deriska ah dalka Itoobiya sida Jabuuti iyo Kenya,Eritereya. Ururka Midawga Afrika ayaa isku dayey inuu arrintaan ka gaaro wax xal ah welina ma uusan ku guulaysan oo waa mid weli taagan,hadaba waxa arrintaan ka hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Masar Saamix Shukri waxa uuna sheegay in dalkiisa haysto fursado fara badan uu xal ku gaari karo balse Wasiirku ma uusan sheegin fursadahaasi kuwa eyyihiin.
ISHA WARKA ARAB.
IRAAN OO KASHIFTAY SIR CUSUB..
QAASIM SULAYMAANI.
(TEHRAN)-Dalka Iraan ayaa waxa uu ka hadlay kashifayne arrin cusub oo aan horay loo ogayn taaso ku saabsan dilkii magaaladda Baqdaad loogu gaystay Taliyihii hore ee ciidamadda Ilaalada Kacaanka Iraan Qaasim Al-Sulaymaani. Qaasima Sulaymaani ayaa la dilay 3/1/2020-kii waxaane dilay diyaardaha Drones-ka ee dalka Marayknka waqti uu ku socday garoonka diyaaradaha magaaladda Baqdaad,dawladda Iraan oo ka hadashay dilka Sulaymaani ayaa sheegtay inuu Ciraaq u tegay sidii uu dawladda Ciraaq ugu gudbin lahaay ineey qeyb lixaad leh ka qaadato Hishiisiinta dalalka Iraan iyo Sacuudiga oo maalmo ka hor la saxiixay.
ISHA WARKA ARAB.