Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOON KU GADOONTAY…

DOON SIDA TAHRIIBAYAAL.

(ROME)-Hayadaha gargaarka ee dalka Talyaaniga ayaa soo badbadiyey dad gaaraayo 17-qofood oo Muhaajiriin ah waxaane weli la la’ayahay 30-qofood oo kale ka dib markii ey la gadoontay dooni ey saarnaayeen xeebaha dalka Libiya ee badda Miditereniyanka. Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha ee dlka Talyaaniga ayaa sheegay shalay oo Axad ahayd in hayadaha gargaarku wadaan hawlgal lagu bartimaameedsanayo doon waday dad dhan 47-qofood kuna sugneed meel u jirto 177-kiilomitir xeebaha dalka Libiya waxaane la helay war sheegaayo in doontu gadoonta dadkii saarnayne soo qeyliyeen si loogu soo gargaaro.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAEL OO WEERARTAY…

DIYAARADAHA ISRAEL OOWEERARAY SUURIYA.

(SURIYA)-Ciidamadda cirka ee Israel ayaa weerar ey u adeegsadeen gentaalo waxa ey ku qadeen waqooyi-galbeed ee dalkaasi Suriya maanta oo Axad ah sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka u fafiso dalka Suriya ee SANA. Sida ey sheegtay SANA ayada oo soo xiganayso ilo Militeri in diyaaradaha dagaalka Israel gentaal ku dhufteen waqooyiga dalka libnaan halkaaso uu bartilmaameedku ahaay goobta la weeraray ayaa ku taalo gobolka Xeebta ee Tartur iyo Xaama.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHEEKH CAA’ID ALQARNI OO KA HADLAY…

QARNI.

(RIYAD)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta Carabta qabsaday arrimaha la xiriiro Culumada Boqortooyada Sacuudiga,waxaa dalka Sacuudiga isaga baxsaday Sheekh Cimaad Al-Mubeyed waxa uuna hadda gaaray dalka Ingiriiska,hadaba hadalkii Sheekh Cimaad ayaa waxaa Jawaab kulul ka bixiyey kuna sheegay inuu yahay Khaa’in Alwadan Sheekh Caa’id Alqarni,in culumada sidaan baraha bulshada isku rafaadiso waxaa u sabab ah maamulka hadda ka jiro Sacuudiga.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA QADAR OO YEESHAY XUKUMAD CUSUB.

AMIIRKA DAWLADDA QADAR AMIIR TAMIIM.

(DOHA)-Amiirka dawladda Qadar Amiir Tamiim ayaa maanta oo Talaada ah 7/3/23-ka magacaabay Reysal Wasaaraha dalkaasi Qadar waxane xilkaasi loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Thani waxa uuna bedelay Reysal Wasarihii hore Sheekh Khaliifa Bin C/casiis Al-Thani. Magacaabidaan ayaa qeyb ah qaraaro badan oo ka soo baxay Amiirka dawladda Qadar Amiir Tamiim. Diiwaanka Amiirka Qadar ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu yahay(1) ee sannadka 2023-ka kuna saabsan aqbalaada is casilaada Reysal Wasaarihii hore ee dawladda Qadar Sheekh Khliifa Bin C/caisis Al-Thani,iyo qaraar kale oo tirsigiisu yahay(2) ee sannadka-2023-ka kaaso lagu magacabay Reysal Wasaare Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-thani,waxaane isla goobtaas lagu dhaariyey dhammaan masuuliyiinta cusub ee xilalka loo magacabay.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SH.CIMAAD AL-MUBEYED OO KA BAXSADAY…

SHEEKH CIMAAD AL-MUBEYED.

(RIYAD)-Caalim reer Sacuudi lana yiraahdo Sheekh Cimaad Al-Mubeyed oo cambaareyey xukuumadda Sacuudiga ayaa lagu soo waramayaa inuu isaga baxsaday dalka Sacuudiga kuna sugan yahay dhul amaan ah oo aan la sheegin. Sheekh Cimaad ayaa bartiisa Twitter-ka waxa uu horaantii bishaan Maarso-2023-ka soo dhigay video uu kaga hadlaayo dhaqan xumida ka jirto dalka Sacuudiga,Sheekha ayaana maanta oo Talaada ah sheegay inuusan ku sugneyn Sacuudiga. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuda aadanaha kana jiro dalka Sacuudiga ayaa ariinta Sheekh Cimaad siiyey muhimad gaar ah waayo waxaa dalka Sacuudiga caadi ka noqotay qofkii ka hadlo arrimaha bulshada Sacuudiga in loo macneeyo mid ka soo horjeedo dawladda.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAFIISKA REYSAL WASAARAHA CIRAAQ OO KU…

REYSAL WASAARIHII HORE EE CIRAAQ MUSTAFA AL-KADHIMI.

(BAQDAAD)-Dalka Ciraaq waxaa ka jirto qadiyad loo yaqaano”XADIDII QARNIGA”arrintaan ayaa waxa ey ka dhacday magaaladda Caasimadda ah ee BAQDAAD,gudiga baaraayo qaabkii loo xaday lacag dhan $2.5-Bilyan oo doolarka Maraykanak ah ayaa hadda arrintu la gashay xafiis sare lacagtaas ayaa laga dhacay Bangiga dawladda ciraaq akoon ka furan,arrintaan ayaa ku soo dhammaatay xafiiska Reysal Wasaarihii hore ee Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi,xafiiska Reysal Wasaaraha ayaa ahaay halka wax laga shirqoolay,sidaas waxaa qortay warbixin dhawaan la soo saaray. Xildhibaanada dalka Ciraaq ayaa sameeyey gudi bishii Oktoobar-2023-kii ka dib markii warbaahinta gudaha dalka Ciraaq ey si ba’an u soo bandhigtay xadiida lacagtaas faraha badan ee dembigana ka ah gudaha dalka Ciraaq.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII KAHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FADEEXAD SOO WAJAHDAY MASULIYIIN…

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA SACUUDIGA.

(RIYAD)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxa ey soo saartay liis ey qoran yihiin Masuuliyiin,Saraakiil ciidan,Ganacsato iyo dad Ajaanib ah oo degan dalkaasi Sacuudiga,dadkaan ayaa waxaa loo wada haystaa arrin la xiriirto LAALUUSH iyo DHAQIDDA LACAGTA,dadka Ajaanibta ah ayaa u wada dhashay dalka Bangaaldeesh halka inta kale ey wada yihiin Sacuudiyiin. Wasaaradda ayaa soo ogaatay ineey dadkaan kuwa mashquulsan yihiin samaynta Sharciga dalka Sacuudiga si toos ah iyo si dadban kuna qaateen lacag lagu sheegay ineey dhan tahay 23-Milyan oo Riyaalka Sacuudiga ah una dhiganta $6.1-Milyan oo doolarka Maraykanka ah,fadeexadaan mid la mid ah ayaa horay waxa ey uga dhacda dalka Kuwait.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KUWAIT OO YEELATAY REYSAL WASAARE IYO…

XUKUUMADA KUWAIT.

(KUWAIT)-Dhaxal sugaha dalka kuwait Amiir Sheekh Mashcal Al-Axmed Al-Sabaax ayaa maanta oo Axad ah waxa uu soo saaray dikireeto uu dib ugu magacaabaayo Sheekh Axmed Nawaaf Al-Sabaax inuu noqdo Reysal Wasaaraha cusub ee dalka Kuwait. Dikireeta uu ku xusan yahay Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay xubnaha Golaha Wasiiradda Cusub uu yeelanaayo dalka Kuwait sidaas waxaa daabacday Wakaaladda Wararka u Faafiso dalka Kuwait ee KUNA. Xukkumadda uu hogaaminaayey RW-Sheekh Axmed ayaa is casishay bishii Janaayo-2023-ka ka dib markii ey isqabteen xukuumadda iyo Baarlamaanka dalka Kuwait,iscasilada Sheekh Axmed ayaa ah midii 5-aad mudoo laba sano ah.

ISHA SBM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA MARAYKANKA OO SHEEGAY…

CIIDAMADDA MARAYKANKA EE SUURIYA JOOGA.

(DUBAI)-War ey soo saareen ciidamadda Maraykanka ee ka hawlgala Bariga Dhexe ayey ku sheegeen ineey qaadeen hawlgalo badan oo lagu baacsanayo kooxda Daacish kuna sugan dalalka Ciraaq iyo Suuriya,tirada hawlgalada ey qaadeen ciidamadda Maraykanka bishii Feberaayo-23-ka kaliyah ayaa dhan 48-hawlgal,waxaane lagu dilay 22- dagaalyahan oo Daacish ah waxaane lagu soo qabtay 25-dagaalyahan,33-hawlgal oo ka mida hawlgaladaas ayaa laga fuliyey dalka Ciraaq waxane lagu dilay 17-dagaalyahan waxaane lagu soo qabtay 14-dagaalyahan,dalka Suuriya waxaa laga fuliyey 15-hawlgal waxaane lagu dilay 5-dagaalyahan waxaane lagu soo qabtay 11-dagaalyahan.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DUBEEY IYO RIYAAD OO SI AAD AH U KALA BOODAY.

BIN SALMAN IYO BINZAYD.

(ISTANBUL)-Waxaa cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeyo hogaamiyeyaasha labad dal ee Sacuudiga(Maxamed Bin salmaan) iyo Imaaraatka(Maxamed BinZayid),labadaan dal ayaa ah kuwa weeraray dalka Yeman si ey u dhacaan kheyraadkiisa,waxaa kaloo dalalkaan isku haystaan arrimha dalka liibiya laakinse Soomaaliya waxaa loo daayey ineey shaqshaqato Imaaraatka kaligiis,hadaba khilaafkan soo cusboonaaday ayaa salka ku haayo laba arrimood Arrinta shidaalka Caalamka iyo Arrinta Khayraatka dalka Yeman cidda maamulayso.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN OO BAAQ U DIRTAY QM IYO BEESHA CAALAMKA.

CIIDAMADA YEMAN.

(ISTANBUL)-Ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan Gacanka Cumaan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ey gacanta ku dhigeen hub fara badan una socday kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yeman. Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhigedu yahay magaaladda Cadan ee koonfurta Yeman ayaa shalay oo Khamiis ahayd waxa ey baaq u dirtay Beesha caalamka iyo Golaha Amaanka ee Qramada Midoobay waxa eyna ka codsatay ineey talaabo ka qaadaan dawladda Iraan oo halis ku ah deganaanshaha gobolka iyo tan caalamka,waxa eyna xukuumadda Yeman sheegtay in Iraan tahay dal halis ku ah shacabka Yeman jiritaankiisa iyo deganaanshihiisa.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBIYA OO U JIHAYSATAY DOORASHO.

MADAX GOLAHA SARE EE DALKA LIBIYA.

(TRIPLOI)-Dalka Libiya waxaa in muda ahba ka taagneed dhibaato salka ku hayso wax ka bedelka Dastuurka dalkaasi leeyahay,arrintaan ayaa in muddo ah soo socotay balse maanta oo Khamiis ah ayuu baarlamaanka dalka Libiya u codeeyey in wax laga bedelo Dastuurka dalkaasi waxaane rajo laga qabaa in dalka Libiya dabayaaqada sannadkaan-2023-ka ineey ka dhacdo Doorasho loo wada dhan yahay kana wada qeybgalaan dhammaan qeybaha siyaasadda dalkaasi oo la kala safan dawlado shisheeye. Dalka Libiya ayey aad u liidataa nabadiisa waxaane marar badan ka dhacay rabshado uu dhiig ku daatay,rabshadihii ugu dambeeyey ayaa ka dhacay magaaladda Caasimadda ah ee Tripoli waxaane isku fara saaray xoogag taageersan Mucaaradka fadhigiisu yahay Bariga dalka Libiya iyo dawladda Caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay Caasimadda Tripoli waxaane dagaalkaas ku naf waayey dad fara badan oo shacab ah waxaane ku dhaawacmay kuwa kale.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XOGHAYAHA QM GUTERRES OO SAWIR LA…

WAA KAN SAWIRKA MURANKA DHALIYEY EE GUTERRES LA GALAY DILAYAASHA CIRAAQ.

(BAQDAD)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho ku joogo dalka Ciraaq Caasimadiisa Baqdaad,Guterres ayaa halkaas kulamo kula leh hogaamiyeyaasha siyaasadda dalkaasi Ciraaq,balse waxaa soo baxay sawir uu Guterres la galay rag laayey ciidamdii reer galbeedka uu hogaaminaayey Maraykanka waxaane ragaasi ka mid ah Qeys Alkhazcali ahne hogaamiyihii kooxdii la magac baxday Ahlul Xaq oo Maraykanku u aqoonsan yahay Argagixiso iyo Rayaan Al-Kaldaani oo isna gaystay dilal fara badan gaar ahaan ciidamadii reer Galbeedka ee ku sugnaay dalkaasi Ciraaq.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMSA BIN DALAAJ WAA KUMA?

XAMSA DALAAJI.

(ALGERIA)-Xamsa Bin Dalaaj waa wiil dhallinyara ah una dhashay dalka Aljeeriya,Xamsa waxa uu si fiican oo xirfadi ku dheehan tahay u bartay qaabka wax looga dhaco Bangiyada Caalamka ayadoo lagu afduubaayo qaab koronta ah,Xamsa waxaa baadi goob ugu jiray sirdoono caalami ah si ey u qabtaan ka dib markii uu dhac ba’an u gaystay Bangiyo fara badan. Xamsa ayaa lacagaha uu ka dhacay Bangiyada ugu tabarucay dadka Reer falastiin iyo dadka baahan ee Qaarada Afrika,Xamsa ayey soo xireen ciidamada amaanka dalka Taiwan.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SIRDOONKA ISRAEL( MOSSAD) OO KU FASHILMAY…

SADAAM XUSEEN.

(RIYAD)-Waxaa soo shaac baxday warbixin si aad ah uga hadlayso dhagaraha ey soo maleegtay Hayada Sirdoonka Israel ee MOSSAD,hayadaan ayaa soo diyaarisay qorshayaal lagu khaarijinaayo masuuliyiin Carab ah uuna ugu horeeyo Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq AUN-Sadaam Xuseen. Sirdoonka Israel(MOSSAD) ayaa isku dayey inuu khaarijiyo Sadaam Xuseen sannadkii 1992-dii mana eysan u suurtagelin oo waa uu ka badbaaday Madaxeyne Sadaam. Raga kale ey Mossad rabtay ineey khaarijiso welina nool waxaa ka mid ah Khaalid Mashcal oo ah madaxa siyaasadda ee ururka Xamaas ee reer Falastiin. Waxaa kalo isagana ka mida Maxamed Dayf oo ah hogaamiye ka mida garabyada la dagaalamo ciidamada Israel ee marinka Gaza.Maxamed ayaa ilaa hadda ku nool Gaza Mossad-ne ma aysan ku guulaysan dilkiisa ey isku dayday laba jeer.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KHILAAFKA KA TAAGAN DOORASHADA LIBIYA…

CABADALLA BATIILI.

(TRIPOLI)-Weli waxa uu khilaaf xoogan ka taagan qabashada Doorashada dalka Liibiya taas ahayd ineey dhacdo sannadkii 2021-kii,siyaasadda dalka Liibiya waxaa gacmaha kula jiro dawlado Ajnabi ah kana leh dano gaar ah,dawladahaas ayaa u dhisan qaab kooxeysi ah waxa eyna koox kasta ilaashanaysaa danaheeda gaarka ah. Dalalka Turkiga iyo Ruushka ayaa ugu tun weyn dawladaha lugta ku leh arrimaha Liibiya waxaane ka soo horjeedo koox kale ey ka mid yihiin Masar iyo Imaaraatka Carabta,koox walba waxa ey wadataa hogaamiyeheeda oo Libiyaan ah waxa socon la’a doorashada dalkaasi uu ku yeelanaayo Madaxweyne iyo Baarlamaan shaqeeyo afar sano. Hadaba Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaasi Cabdallah Baatiili ayaa soo jeediyey qorshe cusub uu dalka Libiya ku gaari karo doorasho xor iyo xalaal ah arrintaa ayaa hadda muran ka taagan yahay waxaaane ka jiro is qabqabsi ba’an oo ku dhamman karo Fashal.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WAA TUMA SANCADII HORE?

WAA YAMANI JOOGO GOOBTIISA GANACSIGA CUNAAYANA QAADKIISA.

(YEMAN)-Marka laga hadlaayo dalka Yeman waa inaan xusuusanaa in dalkaasi yahay dal Qadiim ah lehne taariikh fac weyn,Yeman ayaa hadda loo yaqaanaa Jamhuuriyada Yeman balse waxa ey ahaan jirtay laba dal kalana madax banaan lana kala oran jiray Jamhuriyada Shacabka Dimuqaraadiga ee Yeman(Koonfurta) iyo Jamhuuriya Carabiyaha Yaman(Waqooyiga),labadaan ayaa is raacay 22/5/1990-kii waxa eyna la bexeen JAMHUURIYADA YEMAN caasimadne u tahay SANCA. Hadaba magaaladda Sanca ayaa leh qeyb loo yaqaano Sancadii Duqda ahayd(SANCA AL-QADIIMAH),si aad dhulkaas wax uga ogaatid akhri oo daawo maqaalka laga qoray.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TAHRIIBINTA QAADKA EE SACUDIGA.

QAAD TAHRIIB AH OO LAGU QABTAY XUDUUDA SACUUDIGA IYO YEMAN.

(RIYAD)-In kastoo uu weli socdo iska horimaadkii u dhexeeyey ilaalada xuduudka Sacuudiga iyo maleeshiyaadka kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman hadane waxaa taas barbar socdo tahriibinta Qaadka ka baxo dalka Yeman loona tahriibinaayo gudaha dalka Sacuudiga. Dadka Tahriibinaayo Qaadka ayaa waxa ey lugeeyaan masaafo dhan tobaneeyo kiilomitir si ey u galaan gudaha dalka Sacuudiga,haddiise ey dhacdo in la qabto dadka Tahriibinaayo Qaadka waxa uu xukunkooda noqonayaa dil toogasha ah waayo dalka Sacuudiga ayaa Qaadka looga aqoonsan yahay inuu yahay Daroogo.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MURAN KA TAAGAN BAASBOORKII ANWAR ALSAADAAT.

MADAXWEYNE SAADAAT.

(QAAHIRA)-Sida lagu daabacay Bogga Xarun iibisa waxyaabaha Taariikhiga ah ee adduunka(Auction Heritage) ee ku taalo dalkaasi Maraykanka waxaa la iibiyey Baasaboorkii Madaxweynihii hore ee dalka Masar AUN-Maxamed Anwar Al-Saadaat qiimaha lagu iibiyey baasboorka ayaa lagu sheegay ineey dhammeed $45,500 oo doolarka Maraykanka ah laakinse hadda waxa soo baxday arrintaas ka duwan oo ah in Qoyskii Saadaat dacwad ka yihiin beecsiga baasboorka aabahood ayagoo aan waxba ka ogayn sidaas darteed waxaa arrinkaan wax ka qoray wargaysyo fara badan oo caalamka ah.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

42-KUN SUURIYIIN AH OO DIB UGU SOO…

QAXOOTI REER SURIYA AH.

(ANKARA)-Dalka Turkiga waxaa ku sugan dad Qaxooti ah kana kala yimid Qaarado kala gedisan dadkaasi Qaxootiga ah waxaa ka mida dad ka soo cararay dagaalada dalka Suuriya ka socdo soona gaaray gudaha dalka Turkiga gaar ahaan dhulka uu lixdii bishaan uu ku dhuftay dhulgariirka,hadaba Wasiirka Gashaandhiga dalka Turkiga Khusi Akaar ayaa maanta oo Talaada ah sheegay in Qaxooti dhan 42-kun oo reer Suuriya ah ey si mutadawacnimo ah ugu laabteen dalkoodi hooyo ee Suuriya,Wasiirka ayaa intaas raaciyey in dadkaan laabtay ey qaar ka mida ehelkoodii ey ku geeriyoodeen dhulgariirkii ka dhacay dalka Suuriya.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More