Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUURIYA OO KA FAA’IIDAY…

BURBURKII DHULGARIIRKA U GAYSTAY DALKA SUURIYA.

(DIMISHIQ)-Lixdii bishaan Feberaayo-2023-ka waxa uu dhulgariir xoogan uu ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya,dhulgariirka ayaa waxaa ku geeriyooday 44,580-qofood oo ka soo kala jeeda labada dal ee Turkiga iyo Suuriya,hadaba dalka Suuriya oo ka go’onaay Wadamada Carabta muddo dhan 12-sano kuna beegan waqtigii uu bilawday dagaalka dalka Suuriya ayaa hadda u muuqdo mid doonayo inuu dib u soo ceshato xiriirki kala dhexeeyey Wadamada Carabta ayadoo ka faa’ideysanayso dhulgariirkii dalkasi ku dhuftay 6/2/23-ka,waxaane dalkaasi gaaray masuuliyiin sare oo ka socdo Wadamo Carbeed uuna ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Saamix Shukri iyo wafdi ka socdo Baarlamaanada Wadamada Carabta oo shir ku lahaay magaaladda Baqdaad.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAANKA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO XUKUNO DIL KU RIDAY..

SAUDI ARABIA.

(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga in mudda ahba waxaa jiray gabood fal loo gayasanaayo dadka waxbartay iskana diiday hab dhaqanka siyaasadeed uu la soo baxay dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan isla markaasne ah Reysal Wasaaraha dalkaasi Sacuudiga,dhaxal suge Maxamed ayaa gaystay dhibaatoyin fara badan ey ka mid tahay dilkii loo gaystay Saxafigii reer Sacuudi Jamaal Khashogji gudaha dalka Turkiga waxaane hadda gudaha dalka Sacuudiga ku xiran rag u badan culumaa’udiin iska diiday in diinta islaamka loo gefo,hadaba maanta oo Talaada ah ayaa waxaa soo baxay warar sheegaayo in Maxkamad ku taalo magaaladda Caasimadda ah Riyaad ey horaantii bishaan Febaraay-2023-ka riday xukuno dila ah balse ey dhiman tahay fuluntooda,xukunadaan dilka ah ayaa waxaa qaaday maxakamadaha Sare iyo Racfaanka ee dalka Sacuudiga.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA YEMAN OO LOOGU YABOOHAY…

UNHCR.

(QAHIRO)-Dalalka deeq bixiyeyaasha ayaa maanta oo Isniin ah ku yaboohay ineey bixinayaan dhaqaale dhan $1.2-Milyan oo doolarka Maraykanka ah ka dib markii ey yeesheen shir ey uga hadlayaan xaaladda dalka Yeman,dhaqaalaha lagu yaboohay ayaa loo jihaynayaa in wax looga qabto dhibaatada nololeed iyo caafimaad ee ka taagan dalka Yeman. Dalka Yeman ayaa waxaa ka socday dagaal sokeeye mudo dhan sideed sano mana muuqato inuu soo afrajmaayo balse dhaqaalahaan lagu yaboohay ayaa ah mid la filaayo inuu waxtaro shacabka yeman. Hayadaha Qaramada Midoobay ayaa horay waxa ey u codsadeen dhaqaale dhan $4.3-milyan oo doolarka Maraykanka ah si wax looga qabto dhibaatada Yeman.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LABA QARAX OO KA DHACAY SURIYA.

QARAX KA DHACAY SUURIYA.

(DIMISHIQ)-Miinooyin ey dhulka ku aaseen kooxda Daacish markii ey ka baxaayeen goobihii ey kaga sugnaayeen baramaha dalka Suuriya aya ku kala qarxay laba goobood oo kala gedisan maanta oo Isniin ah(27/2/23)-ka,miinooyinkaan qarxay ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa 10-qofood oo shaqaale ah kuwaaso qashin ka ururinaaye wadooyinka,waxaane labada qarax ku dhaawacmay 12-qofood oo kale sida laga soo xigtay warbaahinta xukuumadda Suuriya.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAMADA MIDOOBAY OO CODSATAY…

REYSAL WASAARAHA YEMAN MACIIN C/MALIK.

(QAHIRO)-Qarmada Midoobay ayaa doonayso ineey hesho dhaqaale dhan $4.3-Milyan oo doolarka Maraykanka ah waxa eyna qabatay fadhi arrintaas lacag loogu yaboohaayo maanta oo Isniin ah(27/2/23)-ka. Dhaqaalahaan ey dalbatay Qaramada Midoobay ayaa loogu talagalay in wax looga qabto amaba lagu yareeyo dhibaatada haysato malaayiin qofood oo ku nool gudaha dalka Yeman halkaaso mudo dhan sideed sano uu ka socday dagaal sokeeye,dagaaladaas Yeman ayaa abuuray dhibaato bani’adanimo midii ugu xumeed abid ee soo marta adduunka.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXAMED BADIIC OO CUNTADA KA SOOMAAYO.

SHEEKH MAXAMED BADIIC OO LA MAXKAMDEYNAYO.

(QAAHIRA)-Wararka imaanayo dalka Masar ayaa sheegaayo inuu cuntada ka soomay sheekha weyn ee Maxamed Badiic ka dib markii uu ku xirnaay xabsi isaga u gaar ah kuna yaalo magaaladda Qaahira,Sheekh Maxamed ayaa ka mid ahaay culumadii Ikhwaanul Muslimiinta uu ka tirsanaay Madaxweynihii sida sharciga ah loogu doortay dalka Masar AUN-Maxamed Al-Mursi,waxaane dalka Masar afgembi askareed ku qabasaday Madaxweynaha hadda haayo talada dalka Masar C/fataax Al-sisi.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AQALKA SARE EE LIBIYA OO KU GUUL DARAYSTAY…

AQALKA SARE EE LIBIYA.

(TRIPOLI)-Jadwalka fadhiga ee Golaha sare ee dawladda Libiya ee fadhigeedu yahay magaaladda Caasimada ah ee Tripoli(HCS) ayaa ku guul daraystay maanta oo Axad ah ineey isugu yeeraan in la fadhiisto ka dib markii uu soo buuxsami wayasay tiradii loogu baahnaay in fadhiga uu ku furmo ama Kooramka. Golaha sare ee Senitarada ayaa qorsheynaayey ineey u codeeyaan wax ka bedelka Dastuurka dalka Libiya taaso macnaheedu yahay sidii loo sii wadi lahaay in dalka Libiya ey ka dhacdo Doorasho.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUHAJIRIIN SURIYA U DHASHAY OO KU XIRAN…

CALANKA DALKA LIBIYA.

(QAAHIRO)-Ugu yaraan 22-Muhaajir una dhashay dalka Suriya kuna xiran dalka Libiya muddo dhan shan bilood ayaa bilaabay iney ka soomaan cuntada maalintii Isniinta ayagoo dalbanaayo in laga sii daayo xabsiga ey ku jiraan,sidaas waxaa sheegay hayadaha xuquuqda. Kooxda Muhaajiriinta reer Suriya ayaa waxaa ka mid ah caruur ey da’adooda ka yar tahay 18-jiro,dadkaan ayaa lagu haayaa xabsi ku yaalo magaaladda Zaawiyah ee galbeedka dalka Libiya halkaaso ey ka jirto xaalad cabsi ah,sidaas waxaa sheegtay kooxda Bilaadii.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAQDAAD OO MARTIGELINAYSO SHIRKII 34-AAD…

FADHIGA 34-AAD EE BAARLAMANADA CARABTA.

(BAQDAD)-Magaaladda Baqdaad oo ah Caasimadda dalka Ciraaq ayaa martigelinayso kalfadhigii 34-aad ee midawga baarlamaanada Carabta ka dib markii dalka Ciraaq u in muda ah ka maqnaay kalfadhiyada ayaa kalfadhigaan waxaa diiradda lagu saaraa amniga iyo madax banaanida dalka Ciraaq iyo arrinta Suuriya. Kalfadhigaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo ilaa 18-dal oo Carab ah eyna ka mid tahay Soomaliya uu KU metelaayo Gudoomiyaha Aqalka Hoose Sheekh Adan Madoobe. Shirka ayaa sida la sheegay waxa uu socon doonaa mudo dhan seddex maalmood(23/2 ilaa 26/2/23)-ka.

ISHA WARKA SBM.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIR BERRI KA FURMAYO CAQABA.

MADAXDA KA QEYBGELAYSO SHIRKA CAQAB.

(JORDAN)-Dalka Urdun ayaa martigelin doono berri oo Axad ah shir loogu magac daray “Siyaasadda Amniga”kulanka ayaa u dhexeyn doono Falastiin iyo Israel hogaamiyeyaashooda kulanka ayaa la isku dayaa sidii loo qaboojin lahaay xaalada kacsan ee ka jirto dhulka la haysto ee reer Falastin ka dib markii ey ka dheceen rabshado badan. Shirka ayaa waxa uu ka dhacaa berri magaaladda Caqab ee dhacda badda Cas,waxaane goobjoogayaal ka noqon doono dalalka Masar iyo Maraykanka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RW-MAXAMED ASHTIYEH OO CODSADAY…

RW-MAXAMED ASHTIYEH.

(RAMALLAH)-Reysal Wasaaraha Falastiin Maxamed Ashtiyeh ayaa shalay oo Jimca ahayd codsi u jeediyey dawlada Maraykanka kaaso ah in dawlada Maraykanka cadaadis saarto Israel si ey u soo wafjarto siyaasadeeda urursan ee lagu ciqaabayo dadka reer Falastiin. Inta uu socday kulanka u dhexeyey RW-Ashtiyeh iyo wafdiga Maraykan ah uu hogaaminaayo Senitarka hogaaminayo inta badan ee aqalka Chuck Schumar ayuu RW-Ashtiyeh sidoo kale ka codsaday wafdiga Maraykanka in Israel u soo gacangeliso Meydadka dadka reer Falastiin ey israel dishay maalmihii la soo dhaafay.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO DIL KU XUKUMAY…

SAWIRKA DADKII LAGU XUKUMAY DILKA YEMAN.

(SANCA)-Tan iyo markii xukunka dalka Yeman laga riday AUN-Cali Cabdalla Saalax talada dalkana ey la wareegeen kooxda Xuutiyiinta waxaa dad fara badan oo reer Yeman ah lagu xukumay xukumo dil ah,sannadkii 2021-kii lix qofood ayaa lagu xukumay dil toogasha ah waane lagu fuliyey dilkaasi gudaha magaaladda Sanca ee ah caasimadda dalka Yeman,hadaba shalay oo Khamiis ahayd ayey Maxkamad taabcsan Xuutiyiinta fadhigeeduna yahay magaaladda Sanca waxa ey dil toogasha ah ku xukuntay shan qofood oo Yamaniyiin ah,ragaan ayaa lagu wada eedeeyey ineey u basaasayeen Xulafada dagaalka kula jirto Xuutiyiinta uu hogaamiyo Sacuudiga.

ISHA WARKA IN.

HALKAAN KA SII AKLHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MALEESHIYAAD AL-QAACIDA AH OO LAGU…

DAGAALKA SUURIYA.

(BEIRUT)-Weerara ey qaadeen diyaaradaha Drones-ka ey leeyihiin Isbahaysiga uu hogaamiyo Maraykanka kana hawlgalo dalka Suuriya ayaa waxaa lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Qaacida maanta oo Jimca ah,sida ey sheegeen xoogaga mucaaradka dalka Suuriya uu taageero Maraykanka,labada Maleeshiyo ee lagu dilay weerarka ayaa saarnaay Mooto gudaha Tuulada Qah ee waqooyiga dalka Suuriya kuna dhaw xuduuda dalka Turkiga.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ABU CULA’A OO GEERIYOODAY.

AXMED QUREEC.

(RAMALLAH)-Reysal Wasaarihii hore ee reer Falastiin Axmed Abu Cula’a ayaa horay waxa uu uga soo mid noqday golaha fulinta ee Jabhada Xureynta Falastiin iyo dhaqdhaqaaqa Fatxi,Axmed Qureec ayaa waxa uu ku geeriyooday isbitaal ku yaalo magaaladda Raamalaha ka dib markii uu jiranaay muddo dheer. Abu Cula’a ayaa ku dhashay magaaladda Abu Diis ee Qudus sannadkii 1939-kii waxa uuna Jabhada Xureynta Falastiin ee Fatxi ku biiray sannadkii 1968-dii. Maanta oo Arbaca ah kuna beegan 22/2/23-ka ayuu Axmed Qureec geeriyooday isagoo da’adiisu tahay 85-jir ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BJFS OO YEESHAY KAL FADHIGI 2-AAD.

BJFS.

(MUQDISHO)-Maanta oo Isniin ah kuna beegan 20/2/23-ka ayaa waxaa fadhigiisa labaad kulankii 21-aad Muqdisho ku yeeshay BJFS waxaane shir gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa akhrinta koobaad marsiyey Hindiso sharciyeedyada Dhawrista Xogta,Maareynta Degaanka iyo La dagaalanka Argagixisada,waxaa ayagana akhrinta labaad la marsiyey Hindisa sharciyeedyada Socdaalka iyo Diiwaangelinta dadweynaha. Wasiirada ka qeybgalay kal fadhiga maanta ayaa waxaa ka mid ahaay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirada Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Kahdiija Al-Makhzumi iyo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa,waxaa maanta Golaha lagu hor dhaatshay xildhibaan cusub Xasan Hurre Ugaas oo bedelay Reysal Wasaare Xamsa Barre.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARAATKA OO LA SAFATAY…

IMARAATKA IYO ISRAEL.

(UN)-KA,dalka Imaaraatka Carabta(UAE) ayaa ku wargeliyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in la joojiyey go’aanka loogu codayn lahaay maanta oo Isniin ah (20/2/23) qaraarka lidiga ku ah isbalaarinta Israel ey ku samaysaneyso degaano cusub gudaha dhulka Falastiin,arrintaan ayaa waxaa ka shaqeeyey dalka Maraykanka. In maanta Imaaraatka u adeego Israel waxa ey salka ku haysaa dib u hagaajinta xiriirka Imaaraatka Carabta iyo Israel.

ISHA WARKA MEMO.

HALKAAN KA SII KAHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FURIINKA OO KU BATAY DALKA CIRAAQ.

DUMARKA DALKA CIRAAQ.

(IRAQ)-Golaha sare ee garsoorka dalka Ciraaq ayaa soo saaray bayaan cusub oo ku saabsan tira koob la xiriiro Guurka iyo Furiinka ee bishii la soo dhaafay,golaha ayaa cadeeyey in 6,344 xaaladood oo Furiin ah ayaa laga diiwaan geliyey guud ahaan dalka Ciraaq oo dhan marka laga reebo gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq waxaane ka dhacday laba boqol xaaladood oo Furiin ah maalin kasta sida laga soo xigtay Maxkamadaha Ciraaq taaso macnaheedu yahay in halkii saacba la Furo sideed Dumar.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AU-DA OO BAARIS U DIRAY LABA ISRAEL AH.

MUUSA FAQI(SAWIRKA).

(ADDIS ABABA)-Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika(AU) Musa Faqi ayaa sheegay in AU-da samaynayso baaritaan ku saabsan ogaanshaha sida wafdi Israel ah ku soo galeen hoolka ey ku shirayeen Madaxda AU-da,wafdiga Israel ayaa waxaa hogaaminaysay ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ee arrimaha Qaaradda Afrika sideey ku soo galeen hoolka shirarka ee Madaxweynayaasha Afrika shalay oo Sabti ahayd. Musa Faqi ayaa qabtay shir Jaraa’id ka dib markii uu soo dhammaaday fadhigii 36-aad ee Madaxda Ururka Midawga Afrika maanta oo Axad ah ayuu yiri”Ma jirto wax casuumad ah oo aan u dirnay labadii Israel ee fadhiday hoolka shirarka,waxaane ka codsanay masuulka reer Israel inuu isaga baxo Hoolka”.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SIYASIYIIN ISRAEL AH OO LAGA SAARAY SHIRKA….

SAWIRKA MADAXDA AFRIKA EE KU SHIRAYO ADDIS ABABA.

(ADDIS ABABA)-Waa wax naadir ah oo aan dhicin sida badan balse dhacay maanta,shirkii 36-aad ee hogaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururuka Midawga Afrika(AU) ayaa waxa uu ka furmay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa maanta oo Sabti ah 18/2/23-ka, goobta uu ka dhacaayey shirka maanta furmay ayaa waxaa laga saaray diblomaasiyiin reer Israel ah rabayne ineey shirka ka noqdaan dhegaystayaal hadalada ey jeedinayaan madaxda Afrika,arrintaan ayaa timid ka dib markii wadamo xubno ka ah AU-da ey cadaadis saareen shir gudoonka kuna Qasbeen in diblomaasiyiinta reer Israel laga saaro hoolka uu ka dhacaayo fadhiga madaxda Ururka Midawga Afrika(AU).

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIX MASRIYIIN AH OO LA SOO DAAYEY.

XUDUUDKA MASAR IYO LIIBIYA.

(LIBIYA)- Maalmo ka hor dalka Liibiya waxaa dhacay afduub loo gaystay dad reer Masar ah oo gaaraayo lix qofood,dadkaan ayaa u xoogsi tegay dalka Liibiya, gudaha dalka Liibiya ayaa waxaa ka jiro koox la magac baxday(55) waxa eyna afduubaan dadka ajaanibta ah ka dibne waxa eyna ula baxsadaan dhulka baadiyaha,dadkaan gaysto afduubyada ayaa dhaqaale ka dalbada xukuumadaha ey u dhasheen dadka ey afduubaan. Afhayeenka Wasaaradda Arrimha Dibadda dalka Masar Danjire Axmed Abu Zayd ayaa sheegay in la soo daayey Lixdii qofood ee lagu afduubay dalka liibiya,Danjire Axmed ayaa bartisa Twitter-ka ku sheegay in safaaradda Masar ee Liibiya u xaqiijisay sii daynta Lixdaan qofood ee Masriyiinta ah.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More