URURKA DAACISH OO DAD KU DILAY DALKA…
DAGAALYAHANADA DAACISH.
(SYRIA)-Sida ey sheegeen hayadaha u dooda xuquuqda ee dalka Suriya tobaneeyo dad shacab ah ayaa la dilay ka dib markii lagu qaaday weerar hubaysan maanta oo Jimca ah 17/2/23-ka,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay baadiyaha Xumsi ee Bariga dalka Suriya,Tv-ga qaranka ee Suriya ayaa weerarka ku tuhmaayo ineey fuliyeen xoogaga Daacish. Kooxda u dooda xuquuqda dadka lana socoto waxyaabaha ka dhacaayo dalka Suriya ayaa ka hadashay weerarka lagu qaaday dadka shacabka ah waxa eyna sheegeen in weerarkaasi loo malaynaayo ineey ku dhinteen dad gaaraayo ilaa 36-qofood oo shacab ah oo deganaay degaanka Dabyaat oo ah baadiyaha Xumsi ee Bariga dalka Suriya,waqtiga uu dhacaayey weerarka ayaa soo sheegay in dadka la laayey ey ku hawlanaayeen ururinta qashin yaalay degaanka,laakinse Tv-ga qaranka ee Suuriya ayaa tirada dhimashada gaarsiiyey ilaa 53-qofood.
ISHA WARKA ARAB.
BAXRAYN OO XABSIGA U TAXAABTAY…
BOOLISKA BAXRAYN.
(MANAMA)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Baxrayn ayaa sheegtay ineey qabatay 16-qofood kuwaaso lagu tuhmaayo ineey ka mid yihiin dad diyaarinayo fawdo iyo kharibaad loo gaysanaayo hantida guud iyo mida gaarka ahba. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in maalmihii la soo dhaafay la soo qabqabtay dad dhan 16-qofood kuwaso ku hawlanayaa diyaarinta fawdo iyo iney gaystaan hanti burburin gudaha dalka Baxrayn. Inta badan dad ey xirto dawladda Baxrayn ayaa ah dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada Baxrayn,mana aha markii ugu horeysay ey ka dhacdo dalka Baxray in dad aan waxba gaysan xabsiga loo taxaabo ayagoo marmarsiinyo looga dhiganaayo waxa ey ku hawlanayeen Fawdo iyo ineey wax kharibaan.
ISHA WARKA ARAB.
TAWAKOL KARMAAN OO KA HADASHAY….
TAWAKOL KAMARAN.
(ISTANBUL)-Haweneyda reer Yeman ee u dooda xuquuqda dadka kuna guulaysatay abaalmarinta NOBEL-ka lana rumaysan yahay ineey tahay mid fidinayso midnimada Carabta isla markaasne Jacayl u hayso dalka Turkiga waqti uu ku dhuftay dhulgariir aad u xun oo noqday musiibo aad u weyn oo soo gaartay dalka Turkiga,Twakol Karaman ayaa tiri”La yaab ma aha”. Tawkol Karaman oo waraysi siisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayey tiri”Sida caadiga ah,waxa jiro jacayl aad u weyn iyo madax banani taaso ey tuseen wadamadda Carabta,tani ma aha mid lala yaabo waayo waa maxay midnimada carabta iyo kala saaridooda”.
ISHA WARKA AA.
SACUUDIGA OO XABSIGA KA SII DAAYEY…
FALASTIIN BANAANBAXAYO.
(RIYAD)-Masuuliyiinta dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa xabsiga ka sii daayey laba Falastiiniyiin ah oo ku xirnaay dalkooda Sacuudiga,labadaan qofood ee xabsiga laga sii daayey ayaa ka tirsan ururka Xamaas ee dagaalka kula jiro Israa’iliyiinta, Sacuudiga ayaa ragaan uu ka sii daayey xabsiyadiisa u tarxiila dalka Turkiga halkaaso ey hadda ku sugan yihiin. Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu wadaa ineey sii dayn doonaan Falastiiniyiin kale oo dheeraad ah kuna xiran xabsiyadooda waane rag si aad ah u taagerro ururka Xamaas ee reer Falastiin.
ISHA WARKA ARAB.
WADAMADDA KHALIIJKA OO TURKIGA UGU….
DHULGARIIRKA TURKIGA.
(ANKARA)-Todobaad ka dib markii uu dhulgariirkii ugu dhimashada badnaay uu ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya 6/2/23-ka ayey wadamadda KHALIIJKA ugu deeqeen dhaqaale dhan $385-Milyan oo doolar si wax loogu qabto dadkii ey waxyeeladu ka soo gaareen dhulgariirka ee degan labada dal ee Suuriya iyo Turkiga. Dhulgariirkaan xooga badan ayaa waxa uu dilay dad dhan 31,974-qofood oo Turki ah waxaane ku dhaawacmay dad dhan 81,000-qofood oo Turki ah sida ey sheegtay hayada dalka Turkiga u qaabilsan Musiibooyinka ee AFAD.
ISHA WARKA AA.
WAFDI KA SOCDO QM OO GARAY…
WAFDIGA QM EE GAARAY DALKA SUURIYA.
(IDLIB)-Wafdi ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Talaada ah waxa ey booqashadoodii ugu horeysay ku tageen dhulka ey maamulaan xoogaga mucaaradka dalka Suuriya,dhulkaan ayaa waxa aad u saameeyey dhulgariirkii ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya todobaadkii tegay. Sida ey soo sheegeen wakiil wareedyada Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Turkiga ee Anadolu wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ayaa dalka Suuriya ka soo galay xuduuda uu la leeyahay dalka Turkiga halka loo yaqaano Bab Al-Hawa waxa eyna u gudbeen magaaladda IDLIB ee dhacda Waqooyi-Galbeed dalka Suuriya.
ISHA WARKA AA.
CULUMADA SOMALILAND OO KA HADLAY…
SOMALILAND.
(SOMALIA)-Culumada Soomaaliland ayaa maanta oo Isniin ah ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socdo magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool kana tirsan maamulka Soomaaliland. Culumada ayaa baaq gaar ah waxa ey u direen Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo culumadda ku sugan Laascaanood ee Gobolka Sool si ey qeyb uga qaataan sidii loo joojin lahaay dagaaalka Laascaanood.
ISHA WARKA AJ.
SICIRKA DOOLARKA OO KOR U KACAY DALKA YEMAN.
SANCA CAASIMADDA YEMAN.
(SANA’A)-Tan iyo sannadkii 2014-kii dalka Yeman waxaa ka jiray dagaal u dhexeeyo dawladda caalamka aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta oo taageero ka helo dalka Iraan,dagaalkan ayaa sababay in wax walba oo dibadda dalka Yeman laga keeno kor u kacaan waxaane arrintaan u sabab ah sicirka doolarka Maraykanka oo isna kor u kacay, arrintaan ayaa saameyn xoog waxa ey ku yeelatay dhaqaalaha dalka Yeman. Xukuumadda Caalamka aqoonsan yahay ee dalka Yeman taaso fadhigeedu yahay magaaladda Cadan ayaa kor u qaaday sicirka Doolarka oo ahaay 500-Riyaal Yemani ayaa hadda laga dhigay 750-Riyaal Yemani,arrintaan ayaa waxaa ka qeyliyey ganacsatada dalka Yeman ee dibadda ka keena badeecadaha looga baahan yahay dalka Yeman.
ISHA WARLA AJ.
MASAR OO DHEXDHEXAADIN KA DHEX WADA…
DAGAALYAHANADA XAMAAS.
(QAHIRA)-Dalka Masar ayaa heshiisiin ka dhex wada ururka Xamaas iyo ururada kale ee reer Falastiin iyo xukuumadda Israel,arrintaan darteed waxaa dalka Masar hadda ku sugan wafdi ka socdo ururka Xamaas ee dagaalka adag kula jiro Isarel. Sababta keentay in dalka Masar soo fargeliyo arrimahaan ayaa ah kor u kaca ku yimid horimaadyada u dhexeeyo ciidamadda Israel iyo xoogaga reer Falastiin,gaar ahaan iska horimaadyada ayaa ka dhaca bariga Qudus halkaaso ey degan yihiin dad Israel ah oo la soo dejiyey.
ISHA WARKA AJ.
HAWEYNEY SACUUDI AH OO KA MID….
DAYAX GACMEED.
(RIYAD)-Dalka Sacuudiga ayaa shalay oo Axad ahayd ku dhawaaqay ineey haweeneydi ugu horeysay oo cirbexeen ah ayaa u ambabaxaayo dayaxa saldhig ku yaalo inta lagu guda jiro rubaca hore ee sannadkan-2023-kii. Qoraal ka soo baxay golaha cirbaxeenada Sacuudiga ayaa sheegay in Rayaanah Barnaawi iyo Cali Al-Qarni ineey ku biiri doonaan shaqaalaha saaran AX-2 ee dayax gacmeedka si ey u soo arkaan awooda ka jirta dayaxa guudkiisa.
ISHA WARKA AA.
JAAMICADA CARAB OO MARTIGELISAY…
SHIRKII QAAHIRA.
(QAHIRA)-Tobanaan hogaamiye iyo saraakiil sar-sare kana kala socday Wadamada Carabta iyo kuwa Islaamka ayaa maanta oo Axad ah ka digay talaabooyinka Israel ka wado Qudus iyo Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin,waxa eyna sheegeen ineey sii xumaan doonto Jahwreerna sii geli doonto xaaladda gobolka iyo ineey sii burqadaan rabshadaha u dhexeeyo dadka reer Falastiin iyo ciidamadda Israel. Fadhiga ka dhacay Qaahira ayaa waxaa martigelisay Jaamicadda Carabta waxaane ka qeybgalay Madaxweynayaasha Masar C/fataax Al-sisi, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo Boqorka dalka Urdun Boqor Cabadallaha labaad,waxaane shirka qeyb ka ahaay Wasiiro Arrimo Dibadeedyo iyo saraakiil sar-sare.
ISHA WARKA VOA.
WASIIR SAAMIX SHUKRI OO KA HADLAY…
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MASAR SAAMIX SHUKRI.
(QAHIRA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Saamix Shukri ayaa maanta oo Sabti ah ka digay”Handadaada amni ee dhinaca biyaha ah”taaso ey wajahayaan dalalka Bariga Dhexe iyo kuwa Qaaradda Afrika,hadalka Wasiirka ayaa yimid ka dib markii dawladaha qaarkood ey biyaha wabiyada u arkeen ineey yihiin kuwa sideey ayaga doonaan ka yeelan karaan,Wasiir shukri ayaa dawladda Itoobiya ku tilmaamay mid aan daacad ka ahayn xal ka gaaridda sida laga yeelaayo biyaha wabiga Niil,iyo dalka Itoobiya oo sii wada buuxinta biya xireenka si ey halkaas uga dhaliyaan koronto. Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Saamix Shukri ayaa yimid waqti la furaayey shir sannadle ah ey isugu yimaadiin Golaha Arrimaha Dibadda Masar waxaane looga hadlaayey raadka ey ku yeelan karaan nolosha dadka reer Masar dagaalka Ruushka iyo Yukrayn iyo Biya xireenka ey dhisaneyso Itoobiya haddii la hawlgeliyo.
ISHA WARKA A/JADEED.
‘KAADIDEYDA AYAAN CABAY’WAXA YIRI…
CADNAAN MAXAMED.
(ISTANBUL)-Dalka Turiga iyo qeybo ka mida dalka Suriya waxaa Isniinti inaga tagtay ku dhuftay Dhulgariir aad u xoog badan laguna qiyaasay(7.8-Magnitude),dhulgariirkaan oo saameyey intiisa badan dhulka Turkiga ayaa waxaa la soo badbaadiyey dad fara badan oo ku hoos jiray dhismayaal ku soo dumay,magaaladda Gazi Cantaab waxa ey ka mid tahay magaloyinka uu sameyey dhulgariirka waxaane laga soo badbaadiyey dad isugu jiro waayeel,caruur iyo dhallinyaraba. Cadnaan Maxamed Koorkut waxa uu ka mid yahay dadkii laga soo badbaadiyey dhulgarirki ku dhuftay Gazi Cantaab waxa uuna burburka dhismaha ku hoos jiray 94-saacadood waxa uuna Maxamed sheegay inuu cabaayey KAADIDIISA mudadii uu halkaas ku hoos jiray…yaab.
ISHA WARKA ARABIC.
BASHAAR ASAD OO BOOQDAY XALAB.
BASHAAR ASAD OO BOOQDAY GOOBIHI DHULGAIIRKU KU DHUFTAY.
(SURIYA)-Madaxweynaha dalka Suriya Bashaar Asad ayaa shalay oo Jimca ahayd wax uu booqasho ku tegay dhulka uu ku dhuftay dhulgariirka maalintii Isniinta ahayd ee ina soo dhaafta(6/2/23)-ka,Madaxweyne Bashaar ayaa sheegay in wadamada reer Galbeed ee isaga ka soo horjeeda iska indha tirayaan dhulgariirka ku dhuftay dalkiisa. Dalka Suriya ayuu dhulgariirka ka saameeyey magaaladda Xalab kuna taalo Waqooyi-Galbeed ee dalka Suriya,waane magaalo ey horay uga dheceen dagaalo lagu hoobtay watigii uu socday dagaalka sokeeyo ee dalka Suriya.
ISHA WARKA ARABIC.
DHULGAIRIKA KU DHUFTAY TURKIGA IYO SURIYA OO EY…
MADAXWEYNE ERDOGAN.
(ANKARA)-Maalintii Isniinta ee ina soo dhaaftay kuna beegneed 6/2/23-ka ayaa dalalka Turkiga iyo Suuriya waxaa ka dhacay dhulgariir aad u xoogan laguna qiyaasya inuu dhan yahay(7.8-Magntidue) oo ah qiyaasta lagu cabiro dhulagiirka.Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa maanta oo Sabti ah kuna beegan 11/2/23-ka sheegay in tirada dadka ku geeriyooday dhulgariirka ey dhan yihiin 21,043-qofood eyna ku dhaawacmeen 80,097-qofood waa inta ilaa hadda la xaqiijiyey. Madaxweyne Erdogan ayaa booqasho ku tegay goobihii uu dhulgariirka ku dhuftay,waxa uuna Madaxweynaha u mahad celiyey dhammaan saaxibadda Turkiga ee kaalmada bani’adanimo u fidyey dadka ey waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirka.
ISHA WARKA ARABIC.
XUUTIYIINTA YEMAN OO XABSIGA KU HILMAAMAY….
XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A)-Bishii Oktoobar-2021-kii,Xuutiyiinta Yeman ayaa bilaabay ineey xabsiga u taxaabaan shaqaalihii maxaliga ahaay ee Safaaradda Maraykanka ku lahaay dalka Yeman. Kow iyo toban ka mida shaqaalaha ka shaqeynaayey Safaaradda Maraykanka ee dalka Yeman ayaa ilaa maanta waxa ey ku jiraan xabsiyadda ey maamulaan Xuutiyiinta. Hogaamiyeyaasha Xuutiyiinta oo ku dhega hadlaayo shaqaalaha u xiran ayaa ku sheekeyo in shaqaalahaan yihiin Basaasiin u adeegaayo dalka Maraykanka,Maraykankana waxa uu dagaal gardara ah ku soo qaaday dadka Yeman,shaqaale hore oo ka tirsanaay shaqaalaha Safaaradda Maraykanka ee dalka Yeman ayaa ka sheekeyey waxa ku dhacay asaxaabtooda kale shaqeyn jiray Safaaradda Maraykanka ee Sanca Yeman.
ISHA WARKA FP.
WAA MAXAY BAAHIDA AAN MUUQAN EE KA JIRTA….
SAWIRKA LAGULA TUUKSADO CAALAMKA EE SOOMAALIYA.
(SOMALIA)-Bishii Meey-2022-kii waxaa dalka Soomaaliya Madaxweyne loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna Mudane Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame u magacaabay inuu noqdo Ergay gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha baahay ee dalka Somaaliya,Xildhibaan C/raxmaan ayaa soo booqday goobo badan ey ku nool yihiin dad ka soo barkacay dhulkii ey ku noolayeen,waxa uuna Mudane C/raxmaan deeq dadkaan dhibaateysan uga raadiyey dawladaha caalamka iyo kuwa Soomaaliya la saaxibka ahba si shacabkaan dhibateysan wax loogu qabto,laakinse Madaxa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Samafalka iyo Bani’adanimada isla markaasne ah isku duwaha gargaarka degdega ah ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa dawladda Soomaaliyeed waxa uu u soo jeediyey ineey ku dhawaqdo in dalka Soomaaliya ka jirto MACLUUL loona baahan yahay gargaar deg deg ah,Madaxweyne Xasan Sheekh oo la tashaday ergaygiisa gaarka ah Mudane Xildhibaan C/raxmaan ayaa arrinkaas iska diiday ineey ku dhawaaqaan in dalka Soomaaliya ka jirto”MACLUUL”,hadaba si dalka Soomaaliya looga fushado dantii laga lahaay ayaa hadda arrinka loo wareejiey dhinaca wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay isla markaasne ah isku xiraha hawlaha bani’adanimada ee Somalia Adan Cabdul-Mawla waxa uuna waraysi siiyey Wargays Carbeed waxa uuna ku sheegay in dad gaaraayo 7.6-Milyan qofood oo Soomaali ah u baahan yihiin in lala gaaro kaalmo cunto oo deg deg ah.
ISHA WARKA CARAB JADEED.
XASAANADI DIBLOMASINIMO OO LAGALA NOQDAY…
BAXRAYN.
(LONDON)-Saxaafadda dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in maxkamad ku taalo dalka Ingiriiska ey Xasaanadii ka qaaday diblomasiyiin reer Baxrayn ah ka dib markii lagu tuhmay ineey sameeyaan Basaasnimo lidi ku ah mucaaradka dalka Baxrayn ee Qaxootiga ku ah dalka Ingiriiska. Maxkamada sare ee London ayaa shalay oo Arbaca ahayd go’amisay in dalka Baxrayn aysan suuragal ahayn inuu sii lahaado Xasaanad Diblomaasiyadeed sabab la xiriirta dacwad ey ka soo gudbiyeen mucaaradka Baxrayn ee ku sugan dalka Ingiriirska waayo xukuumadda Baxrayn waxa ey ku xadgudubtay xuquuqda dadka reer Baxrayn ee joogo dalka Ingiriiska ayadoo adeegsanayso kumbuyutaro wax lagu basaaso.
ISHA WARK ARABIC.
SACUDIGA: MAXAMED AL-QAXTANI OO LA…
DR.QAXTANI.
(RIYAD)-Qoys nin u xirnaay xukuumadda Sacuudiga ayaa sheegay in la la’ayahay ilaa hadda,hayadaha u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda dadka ayaa dawladda Sacuudiga ka raba ineey ka bixiso jawaab waafi ah maqnaashaha Dr. Maxamed Al-Qaxtaani. Siyaasiga reer Sacuudi Dr.Maxamed Al-Qaxtani isuna diyaarinaayey inuu ka soo baxo xabsiga ka dib markii uu soo dhammaysatay toban sano oo xabsi ah oo lagu xukumay, Dr.Maxamed Al-Qaxtani ayaa xaaskiiska Maha Al-Qaxtani weydiiyey ineey uga keento telefoon Iphone ah iyo funaanad Jaamicadda Indiana ee dalka Maraykanka halkaaso Dr.Maxamed Al-Qaxtaani uu ka qaatay shahaadada PH.D. Maha Al-Qaxtani ayaa odaygeeda kala soo hadashay dalka Maraykanka halkaaso Maha iyo laba caruur ah ey dhashay u baxsadeen bil ka hor waqtigii la xiray odaygeeda Dr.Maxamed Al-Qaxtani 9/3/13-kii. Dr.Maxamed Al-Qaxtani ayaa isu diyaarinaayey go’aanka sii dayntiisa taaso ku beegneed bishii Noofembar-2022-kii.
ISHA WARKA MEE.
LIBIYA: 20-KUN DAGAALYAHAN OO AJNABI AH AYAA…
(LIBIYA)-Sannadkii 2011-kii wadamadda Carabta badankooda waxaa ka dhacy kacdoon looga soo horjeedo madaxdii waqtigaas,dalka Libiya oo ka mida wadamadda uu ka dhacay kacdoonka ayaa xukunka waxaa looga tuuray kaligii taliyihii Macamar Al-Qadaafi,kacdoonkaan waxaa gadaal ka taagnaay dawladdo reer Galbeed ah danne ka lahaay dalka Liibiya waxaane ka mida dalka Faransiiska,ujeedka loo soo weeraray dalka Liibiya ayaa waxaa ka dambeeyo dalalka Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga,Masar balse waxaa dhinaca kale isna ka soo galay dalka Turkiga oo gacan saar fiican la leh xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo C/xamiid Dabeybah. Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga dalka Libiya ayaa waxa uu ka hadlay dagaalyahanada Ajnabiga ah waxa uuna sheegay in dalka Liibiya ey gudihiisa ku sugan yihiin 20-kun oo dagaalyahan kana kala yimid dalalka Ruushka iyo Suuriya,dagaalyahanada laga keenay Suuriya ayaa ku sugan caasimadda Liibiya ee Tripoli halka kooxda ka timid Ruushka ey ku sugan yihiin koonfurta magalaada Sirta iyo bartamaha dalka Libiya.
ISHA WARKA ARABIC.