SHIR KA DHACAY MASAR OO LOOGA BHADLAY…
GUDIGA 5+5 EE DALKA LIBIYA.
(QAHIRA)-Gudiga ciidamadda isku dhafka ah ee (5+5) ee dalka Libiya fadhi ey ka yeesheen arrinta dalka Libiya ayaa isdhaafsaday arrinta ku saabsan calooshood u shaqeystayaasha iyo dagaalyahanada Ajnabiga ah ee kale kana dagalaamo gudaha dalka Libiya,waxa uuna gudiga waqti badan geliyey sidii dagaalyahanadaan looga wada saari lahaay dalka Libiya. Arrintaan ayaa timid ka dib markii koox ka socoto Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Libiya ey soo gabagabaysay shir socday ilaa shalay oo Talaada ahayd kana dhacay magaaladda Qaahira ee dalka Masar,shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Libiya Cabdallah Batili iyo dalalka deriska la ah dalka Libiya sida “SUUDAAN,JAAD,NAYJAR IYO MASAR”.
ISHA WARKA ARABIC.
AGAASIMAHA CIA-da OO KA DIGAY KACDOONKA…
WILLIAM J BURNS.
(QUDUS)-Dhulka reer Falastiin ey haysato Israel waxaa weli si aan kala go’o lahayn uga socdo iska caabinta ciidamadda Israel ee weerarka ku ah shacabka reer Falastiin,dhammaadkii todobaadkii tegay waxaa bariga dhexe booqasho arrintaas la xiriirto ku tegay Xogahyaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Anthony Blink. Mr.Blink ayaa booqday wadamada Masar, Urdun,Falastiin iyo Israel si uu ogaado xaaladda guud ee Bariga Dhexe,dhinaca kale Agaasimaha hayadda Sirdoonka Dibadda ee dalka Marayakanka CIA-da Mr.Willaiam Burns ayaa waxa uu cabsi ka qabaa arrinta ka taagan dhulka reer Falastiin,William Burns ayaa tilmaamay in xaaladda hadda ka taagan dhulka Falastiin ey ka dhalan karto Kacdoon”Intifaada” seddeaaxd. Agaasime Burns ayaa dhawaan ka soo laabtay dhulka Falastiin waxa uuna la socday Xogahayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mr.Blink oo dhulkaasi booqday todobaadkii tegay,waxa uuna Mr.Burns la soo kulmay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo RW-Netenyaho waxa uuna Mr.Burns shaki weyn ka muujiyey ineey dhici karto Intifaada.
ISHA WARKA ARABIC.
DALKA MAROOKO OO SACUUDIGA U DHIIBAY…
XASAN AL-RABIICI.
(RABAAT)-Xasan Al-Rabiici waa nin u dhshay dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaane lagu xiray dalka Marooko 14/1/23-ka,Xasan ayaa ka mid ah dad u dhashay Sacuudiga kana soo horjeedo gabood falka ka socdo dalkaasi oo loo gaysanayo Mawaadiniinta ka Ra’ayi duwan nidaamka hadda ka jiro Sacuudiga,hadaba Xasan Al-Rabiici kuna xirnaay Marooko ayaa la sheegayaa in loo gacangeliyey Sacuudiga sida ey ku doodayaan Hayadaha u dooda Xuquuqul Insaanka. Xasan Al-Rabiici walaalkiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in walaalkiisa loo gacageliyey dawladda Sacuudiga.
ISHA WARKA MEE.
MUSLIM NACAYBKA KA JIRO DENMARK.
DENMARK.
(ANKARA)-Sida ey kashiftay warbixin laga qoray Islaam Nacaybka ka jiro Qaaradda Yurub sannadkii 2021-kii,dadka soo gelootiga ah oo soo gaara dalka Denmark ayaa la kulmo Midab kala sooc dhinac walba ah oo saameyey noloshooda gudaha dalka Denmark. Laba Barfasoor(Anas Beyraqi iyo Farid Xafid) oo wax ka kala dhiga Jaamicadaha Turkey-Jarmal iyo George Town ee dalka Maraykanka ayaa si wada jir ah u cadeeyey in Muslimiinta u haajiray dalka Denmark ee raba ineey qaataan dhalashada dalka Denmark ineey wajahayaan Midab kala sooc dhinacyada kala ah Waxbaraahada,Warfaafinta, shaqaaleynta iyo ku adkaynta macaamilada marka ey qaadanayaan dhalashada.
ISHA WARKA ALQUDUS.
SACUUDIGA OO DALKIISA TARXILAYO DAD DHAN…
(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay ineey dalkeeda ka tarxiileyso 11,000-qofood kuwaaso jebiyey sharciga dalka Boqortooyada Sacuudiga,tirada guud ee dadkaan jebiyey sharciga ayaa gaareyso 24,246-qofood, 22,131-qofood oo ka mida dadkaan ayaa ah rag halka 2,115-qofood ee kale ey yihiin Dumar. Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Sacuudiga ayaa sheegtay ineey qabatay 16,288-hayado sharci sameyeyaal ah iyo shaqaaleyn dad ajnabi ah muddo todobaad ah inta uu socday ololaha lagula dagaalamaayo kuwa jebiyey sharciga Sacuudiga.
ISHA WARKA ARABIC21.
SAN FARANSISCO OO AQOONSATAY CIIDAHA MUSLIMINTA.
DUGSI KA MIDA DUGSIYADDA SAN FARANSISCO.
(USA)-Dalka Maraykanka waxaa ku nool Muslimiin aad u fara badan isagana kala yimid dunida dacaladeeda balse ey kulmisay ineey yihiin Muslimiin,hadaba dugsiyada ku yaalo degmada San Faransisco ee gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa dib u eegis ku sameeyey go’aanka fasaxyada maalmaha Ciidaha Muslimiinta ey ka mid noqdaan fasaxyada degmada San Faransisco oo ey ku nool yihiin Jaaliyado Muslimiin iyo Carab ah. Dhammaadkii bishii hore midawga dugsiyadda degmada San Faransisco ayaa soo saaray talo soo jeedino badan oo ku saabsan in fasaxyada dugsiyada lagu daro maalmo kale oo cusub fasax sannadeedka dugsiyad degmada San Faransisco eyna ka mid yihiin aqoonsiga fasaxyo diimeed ayadoo aan si rasmi ah loogu darin fasaxyada lana xirin dugsiyada maalmahas.
ISHA WARKA MEE.
MASAR OO BEENISAY IN KANAALKA SUWEYS…
KANAALKA SUWEYS.
(QAHIRA)-Hayadda maamusho Kanaal Suweys(CSA) ee dalka Masar ayaa iska diiday ineey shirkad laga leeyahay Israel qandaraas ku siisay ineey maamusho shaqada Kanaal Suweys,sidaas waxaa lagu sheegay warbixin kasoo baxday dawaladda Masar. Diidmadaan ayaa timid ka dib markii baraha bulshada la soo geliyey madal lagu sheeganaayo in dalka Masar Qandaraas ku bixiyey Maamulka Kanaal suweys,Qandaraaska ayaa la sheegay in la siiyey shirkad Israel ah waxa uun u ogolaanaayaa shirkadda ineey maamusho Kanaal Suweys muddo dhan 99-sano.
ISHA WARKA AA.
MASRI MEYDKIISA LAGU GUBAY TALYAANIGA.
SAAMAX SHUKRI.
(TALYAANIGA)-Gudaha dalka Talyaaniga ayaa waxaa lagu dilay nin dhallinyara ah oo u dhashay dalka Masar,ninkaan la dilay ayaa waxaa lagu magacabaa Maxamed Mansuur mana la sheegin da’adiisa iyo shaqadiisa waxa ey ahayd,meydka Maxamed ayaa laga soo dhex helay baabuur isaga oo gubtay mana la yaqaano sbabta loo dilay loona gubay meydka Maxamed. Dilkaan loo gaystay nin reer Masar ah ayaa waxa uu ka dhacay dhul baadiya ah kana tirsan degmada Fidijiino ee mandhiqada Baafiya ee dalka Talyaaniga.
ISHA WARKA ARABICPOST.
MARAYKANKA OO RABA INUU WAGNER KA ERYO…
GAARI LAGA GUBAY WAGNER.
(USA)-Dalka Maraykanka ayaa waxa uu laba laabay cadaadiska uu saaraayo xulafadiisa bariga dhexe si loo eryo kooxda caloosh u shaqeystayaasha ah ee Wagner ee laga leeyahay dalka Ruushka,kooxdaan ayaa waxa ey ka hawlgashaa dalal fara badan kuna yaalo Qaaradda Afrika,dalalka uu Maraykanka rabo in laga eryo kooxdaan Wagner ayaa kala ah Liibiya iyo Suudaan. Kooxda Wagner waxaa iska leh nin ganacsada ah si aad ahne ugu dhaw Madaxweynaha dalka Ruushka Putin,kooxdaan Wagner ayaa waxaa dhawaan cunaqabateyn saaray dalka Maraykanka ka dib markii ey kooxdaan Wagner qeyb ka noqotay dagaalyahanada ka dagaalamaayo dalka Yukrayn.
ISHA WARKA ARABICPOST.
YEMAN: DAD KU DHINTAY MIINO.
MIINO BAARE REER YEMAN AH.
(YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay dalalka uu ka dhacay dagaalka sokeeyey waxaane qeybo ka mida dalka Yeman weli ka socdo dagaalo ey isaga soo horjedaan Xuutiyiinta iyo xukuumadda sharciga ah ee caalamku aqoonsan yahay. Dagaalada ayaa waxaa ka dhashay in dhulka baadiyaha ee dalka Yeman lagu aasay Miinooyin aan qarxin kuwaaso sababay ineey ku le’edaan dad muhaajiriin ah oo safar dhulka ah ug socday dalka Sacuudiga.
ISHA WARKA ARABIC-21
CIIDAMADDA BADDA EE FARANSIISKA OO QABTAY…
SAWIRKA HUBKII LA QABTAY.
(PARIS)-In mudda ahba waxaa badda carbeed ka hawlgelaayey ciidamo isku dhaf ah kana kala socdo Midawga Yurub iyo Maraykanka,ciidamadaan ayaa ujeedkii loo keenay ahayd ineey la dgalaamaan Burcad badeeda ka dilaacday xeebaha dalka Soomaaliya kuwaaso gaystay dhibaatooyin fara badan oo taabtay dhinacyo kala gedisan,hadaba markab uu leeyahay dalka Faransiiska qeybna ka ah ciidamadda Midawga Yurub ee ilaalada ka ah Gacanka Cumaan ayaa bishii Janaay-2023-ka waxa ey gacanta ku dhigeen kumanaan hub ah una badan Ak47 iyo gantaalada lagu gubo Taangiyadda . Hubkaan la qabtay ayaa la sheegay inuu ka yimid dalka Iraan kuna socday xoogaga Xuutiyiinta ee dalka Yeman kuwaaso gacan saar buuxa la leh dalka Iraan,sidaas waxaa maanta oo Khamiis ah sheegay masuuliyiinta ciidamadda Badda ee dalka Faransiiska.
ISHA WARKA AP.
DHULKA FALASTIIN OO LAGU DILAY 35-QOFOOD HAL BIL.
EHELKII ISRAEL EY LAAYSAY DADKOODA.
(FALASTIIN)-Tirada guud ey ciidamadda Israel ka dileen dadka reer Falastiin bishii inaga tagtay ee Janaayo-2023-ka ayaa gaarayso ilaa 35-qofood,bisha Janaayo ayaa ah bishii ugu dhimashda badneed Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus tan iyo sannadkii 2015-kii. Lix ka mida dadka sida arxanka daran loo dilay ayaa waxaa ka mida caruur ey da’adoodu ka yar tahay 18-jir,waxaane dadkaas ka mida Cumar Ludfi Khamouri oo 14-jir ah,dhibanayaasha waxaa kaloo ka mida hooyo 60-jir ah lana yiraahdo Majda C/fataax Cubayd,hooyadaan ayey ciidamadda Israel dileen ayadoo gurigeeda ku akhrisanayso Kitaabka Quraanka Kariimka ah.
ISHA WARKA MEE.
ISRAEL OO KALA NOQONAYSA DADKA REER…
FALASTIIN.
(QUDUS)-Tan iyo markii uu xukunka qabtay Raysal Wasaaraha cusub ee Israel Binjamiin Netenyaho waxaa dhulka Falastiin ka bilawday iska hor imaadyo u dhexeeyo ciidamadda Israel iyo xoogaga Falastiin ee diidan midab takoorka xukuumadda cusub,iska hor imaadyadaan ayaa waxaa ka dhashay dhimasho labada dhinac ah,waxaane hadda bariga dhexe booqasho ku maraayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Anthony Blink. Blink ayaa soo maray dalka Masar ka dibne waxa uu uga soo gudbay Israel iyo Falastiin,waxa uuna halkaas kula kulmay RW-Netenyaho iyo Madaxweyne Cabaas.
ISHA WARKA NUN.
KANADA OO BILAWDAY INEY LA DAGAASHO…
MAANDOORIYAHA GOOBTA LAGU ISTICMAALO.
(CANADA)-Maamulka British-Colombia ee dalka Kanada ayaa ka hadlay hawlgal lagu baabi’inaayo dembiyadda ey galaan kuwa isticmaalo Maandooriyaha,arrintaan ayaa heshay taageerayaal fara badan oo sheegay in arrinkaan uu aad u wanaagsan yahay isla markaasne uu aad u horumarinaayo siyaasadda lagula dagaalamaayo Maandooriyaha,laakinse waxaa laga baqaa in arrintaan kordhin doonto fawdada sida uu qoray wargays ka soo baxo dalka Ingiriiska oo la yiraahdo”THE TIME” shalay oo Talaado ahayd kuna beegneyd 31/1/23-ka. Tijaabadaan ayaa ogolaanayso in qof kasta oo isticmaasho Maandooriyaha da’adiisu tahay 18-jir waa inuu qaataa qiyaas dhan 2.5-garaam oo Maandooriya ah.
ISHA WARKA THE TIME.
MASAR: DAB KA KACAY ISBITAAL OO DAD KU DHINTTEEN.
CALANKA MASAR.
(QAHIRA)- Dab ayaa waxa uu ka kacay Isbitaalka Al-Nuur Al-Muxamadi kuna yaalo Caasimadda Qaahira ee dalka Masar,dabkaan ka kacay isbitaalka Al-Nuur ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa seddex qofoof waxaane ku dhaawacmay 32-qofood oo kale kuwaaso loola cararay goobaha caafimaadka,dhibkaan ayaa waxa uu dhacay maanta oo Arbaca ah kuna beegan 1/2/23-ka,sidaas waxaa lagu xusay warbixintii ugu horeysay oo looga hadlay dabka qabsaday Isbitaalka Al-Nuur.
ISHA WARKAARABICPOST.
SACUUDIGA OO KORDHIYEY XUKUMADA DILKA AH.
(RIYAD)-Warbixin uu soo saaray urur u dooda xuquuqda ayaa lagu sheegay ineey kordhay tirada dadka lagu fuliyey xukun dil ah gudaha dalka Sacuudiga,waxbixinta ayaa tilmaamtay ineey laba laabantay tirada dadka dilka lagu fuliyey ee dalka Sacuudiga tan iyo markii uu xukunka qabtay boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed Bin salmaan. Arrintaan dilka ah waxaa dhinac socdo jirdil iyo xadgudubyo kale oo loo gaysanaayey dadka ka aragtida duwan hogaanka boqor Salmaan.
ISHA WARKA ARABIC-21.
DALKA MAROOKO OO XABSIGA U TAXAABAY…
XASAN RABIICI.
(RABAAT)-Dalka Sacuudiga ayaa weli wada ugaarsiga dadka u dhashay Sacuudiga balse ka fikrada duwan maamulka hadda jira uu hor boodaayo dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan,waxaane jiro dad badan oo Sacuudiyiin ah oo ku jira xabsiyadda dalkasi,hadaba walaalka nin u dhashay dalka Sacuudiga oo lagu xiray dalka Marooko ayaa xukumada Marooko ugu baaqay ineey badbaadiso ninka ey qabatay ee u dhashay Sacuudiga,waxaane xukuumada Marooko loogu baaqay ineysan u gacan gelin xukuumadda Sacuudiga. Hayadaha xuquuqda ayaa dalka Marooko uga digay in Xasan Al-Rabiici oo u dhashay Sacuudiga laguna xiray dalka Marooko 14/1/23-ka uu wajahaayo khatar aad u xun oo la xiriirta go’aan ka gaarista xarigiisa waayo haddii Xasan Al-rabiic loo gacangeliyo Sacuudiga waxa uu wajihi doonaa Jirdil iyo cadaalad xumi kaga imaan karta hayadaha cadaaladda.
ISHA WARKA MEE.
DALKA MASAR OO XABSIGA U TAXAABAY…
BASMA XIGAZI.
(QAAHIRO)-Seddex qofood oo reer Masar ah caana ka ah Aaladda TIKTOK-ga ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ey baraha bulshada ku faafiyeen warar been abuur ah,sidaas waxaa laga soo xigtay koox u dooda xuquuqda Aadanaha kana dhisan dalka Masar lana yiraahdo”EGYBTIAN FRONT FOR HUMAN RIGHTS”. Dadka caanka ka ah Tiktok-ga ee la xiray ayaa kala ah BASMA XIGAAZI,MAXAMED XUSAAM ELDIIN IYO AXMED CALI ELKHOLI,dadkaan seddexda ah ayaa la xiray 25/1/23-ka ka dib markii ey duubeen Video si aad ah raad ugu yeeshay dadkii daawaday,Video-ga ayaa ku saabsanaay Maxaabiista ku xiran xabsiyada dalka Masar,waxaane Video-ga cinwaan looga dhigay “Booqasho’.
ISHA WARKA MEE.
DALKA INGIRIISKA OO LAGU DHEGAN YAHAY…
BURBURKA EY GAYSTEEN DIYADAHA SACUUDIGA.
(YEMAN)-Dawladda Ingiriiska ayaa wajahayso talaabo sharci ah berri oo Talaada ah,dacwadaan loo haysto dalka Ingiriiska ayaa ku saabsan hub uu Ingiriiska ka iibiyey dalka Sacuudiga waqtigii uu socday dagaalka dalka Yeman. Ololaha looga soo horjeedo ka ganacsiga hubka(CAAT) ayaa xukuumadda Ingiriiska lagu horkeeni doonaa maxkamada Sare,doodaan ayaa ah mid ku saabsan hubka uu dalka Ingiriiska ugu deeqay dalka Sacuudiga kaaso keenay in hayadaha caalamiga ah ee dhinaca sharciga ah ey edeyn adag ujediyeen dalka Ingiriiska doorka uu ku lahaay dagaalka dalka Yeman,waane dalka kaliyah ey ka dhacday mid ka mida musiiboyinka bani’adanimo tan ugu xun ee la diiwaan geliyey kana dhaca adduunka. Marka loo fiiriyo warbixinta OXFAM,dalka Ingiriiska ayaa bixiyey shatiyo ugu yaraan ey ku bexeyso lacag dhan $9.6-Bilyan oo doolar oo hub loogu diraayo dalka Sacuudiga,tirada shatiyada la bixiyey ayaa gaaraayo 547-shati marka laga soo bilaabo sannadkii-2015-kii,waxaane hubkaas laga iibiyey Sacuudiga ka mid ahaay diyaaradaha Tornado, Typhoon iyo Bambooyinkooda ey isticmaalayaan.
ISHA WARKA MEE.
KUWAIT: SHAQAALE FILIBIINE AH OO LA DILAY…
SAWIRKA XOGHAYAHA SUSAN.
(MANILA)-Xukuumadda Philippine ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay ineey qaadi doonto talaabooyin ey ku qiimaynayso ugana hortegeyso xadgudubyada ey ka mid yihiin Kufsiga iyo si xun ula maacaamilka shaqaalaha reer Philippine ee ka xoogsado dalka Kuwait ka dib markii qof adeegta ahayd la dilay meydkeedana lagu tuuray dhulka saxaraha ah ee dalka Kuwait. Jublebee Ranara waa 35-jir waxa eyna safar u ahayd dalkeeda Philippine habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay,waxa eyna Ranara ka soo safraysay dalka Kuwait halkaaso ka ahayd adeegto ka shaqeyso guri uu iska leeyahay nin reer Kuwait ah nasiib darase Ranara ayaa lagu soo waramay inuu dilay wiil uu dhalay ninkii ey u shaqeynaysay ka dibne uu gubay meydkeeda waxaane meydkeeda lagu tuuray dhulka Saxaraha ah,sidaas waxaa sheegtay Xoghayaha Shaqaalaha u xoogsi tago dibadda dalka Philippine Susan Ople.
ISHA WARKA AP.