Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TALYANIGA IYO LIBIYA OO WADA HADAL…

RW-GIORGIA MELONI.

(LIBIYA)-Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa dalka Libiya waxaa uga bilawday wada hadal ey la leedahay masuuliyiinta dalka Libiya maanta oo Sabti ah,Meloni ayaa la kulmayso masuuliyiinta reer Libiya uu fadhigoodu yahay Galbeedka dalka Libiya,waxa eyna Meloni madaxda Libiya kala hadli doontaa arrimo ey ka mid yihiin Tahriibka iyo Batroolka,qodobada ugu waa weyn ey labada dal ka wada hadli doonaa ayaa waxaa ka mid ah arrinta ka dhex taagan Midawga Yurub iyo dalka Talyaaniga kuna saabsan dadka Megangalyo doonka ah kana soo gala xuduuda dhinaca badda ah ee u dhexeyo Libiya iyo Talyaaniga. Giorgia Meloni inta ey joogto dalka Libiya waxa ey dalkeeda u saxiixi doontaa heshiis u dhexeeyo Libiya iyo Talyaniga kuna saabsan shirkadaha Batroolka ee labada dal,heshiiskaan ayaa lagu qiyaasay ineey ku bixi doonto lacag dhan $8-Bilyan oo doolar,waane heshiiskii ugu weynaay ee Maalgashi ee dhinaca Tamarta ah uu dalka Libiya la galo dal kale muddo ka badan labaatan sano.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

13-JIR TOOGTAY DAD ISRAEL AH.

MAXAMED CILEYWAAT,WIILKA GAYSTAY TOOGASHADA MAANTA.

(QUDUS)-Toogasho ayaa maanta oo sabti ah waxa ey ka dhacday dhulka reer Falastiin ee la soo dejiyey Israel gudaha degmada Silwa ee deriska la ah dhulka xooga looga haysto Falastiiniyiinta ee bariga Qudus, Toogashadaan dhacda maanta ayaa waxaa lagu dhaawacay laba Israel ah kana mida dadka la soo dejiyey dhulka Falastiin sidaas waxaa laGa soo xigtay ciidamadda booliska Israel. Magaaladda Da’uud ey degan yihiin Israeliyiinta la soo dejiyey dhulka Falastiin ayaa ku taalo dhulka laga kiciyey Falastiiniyiinta degan degmada Silwa ee dhacda Koonfurta Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AWOOWIHIIS AYEY HORAY U DILEEN ISAGANA…

KHAIRY ALQAM.

(BEIRUT)-Waa 21-jir reer Falastiin ah waxa uu sameyeyne waa wax soo jiitay indhaha caalamka oo dhan,in waalidkaa lagugu hor dilo adigoo da’ayar ah waxa ey reebtaa aano aad soo gocatid marka aad weynaatid,hadaba awoowaha nin Falastiini ah oo dilay todobo qofood oo Yahuud ah gudaha Qudus shalay oo Jimca ahayd isna ey dileen ciidamadda Yahuuda ee ku sugnaay dhulka la soo dejieyey Yahuuda laga keeno dibadda ugu dambayntii ninkaan ayaa la isku khilaafay qaabka uu u galay dembiga dilka ah uu gaystay. Wiilkaan gaystay dilka Awoowihiis waxaa dilay Yahuuda la soo dejiyey dhulka reer Falastiin. Khayre Alqam waa ninkii dilay todobada qofood ee Yahuuda ah kuna dilay banaanka dhismo ey isticmaalaan dadka la soo dejiyo dhulka reer falastiin(Synagogue) ee Neve Yaakov bariga Qudus.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAWLGAL LAGU DILAY HOGAMIYE DAACISH AH.

DAGAALYAHAN DAACISH AH.

(SOMALIA)-Dalka Soomaaliya waxaa si xawli ah uga socdo dagaal adag oo looga soo horjeedo kooxaha argagixisada ah sida Alshabaab oo gacansaar la leh ururka Al-Qaacida iyo kooxda Daacis/ISIS,dagaaladaan ayaa ka socdo maamuladda Galmudug,H/shabeel iyo Puntland. Dagaalka looga soo horjeedo Argagixisada ayaa waxaa qeyb ka ah saaxibada caalamiga ah ee taageero Soomaliya sida Maraykanka iyo Turkiga oo Soomaaliya ka taageero weerarada Cirka ah ey gaystaan Drones-ka,hadaba weerar xalay oo Arbaca ahayd ka dhacay Buuraha Galgala ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa waxaa fuliyey ciidamadda uu tababaray Maraykanka ee Danab ey wehliyaan Drones-ka iyo ciidamadda lugta ee dalka Maraykanka,ujeedka weerarka xalay dhacay ayaa ahaay in lagu soo qabto amaba lagu dilo nin Daacish u qabilsanaay u fududeynta kooxda laguna magacaabay Bilaal Al-Sudani,waxa eyna ciidamada Maraykanka ee qaaday hawlgalka sheegeen in la dilay Bilal Al-sudani iyo tobaneeyo kale kana tirsanaay kooxda Daacish.

ISHA WARKA GUARDIAN

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA…

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA.

(QAAHIRA)-Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blink ayaa u safri doono Masar,Israel iyo Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin dhammaadka todobadkan,sidaas waxaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqaday Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka. Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blink ayaa booqan doono Qaahira caasimada dalka Masar inta u dhexeyso 29-30/1/23-ka waxa uuna la fariisan doonaa Madaxweyne C/fataax Al-sisi, Wasiirka arrimaha dibadda Samiix Shukri iyo masuuliyiin sare oo reer Masar ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HORJOOGE ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY…

CXDS.

(CEELDHEER)-Dalka Soomaaliya waxaa weli ka socdo hawlgalkii lagu baacsanaayey kooxda Alshabaab,hawlgaladaan socdo ayaa hadda waxa ey si xawli ah uga socdaan Maamulka Galmudug ee bartamaha dalka Soomaaliya. Degaano hoos tago Degmada Ceeldheer kana tirsan gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa ka dhacay weerar lagu qaaday goobo ey kooxda Alshabaab kaga dhuumaalaysanaysay waxane ka mid ah Baraagaha Sheekh C/laahi iyo Xasaneey,degaanka Maalin C/laahi. Hawlgalkii maanta ayaa waxaa lagu dilay Horjooge Alshabaab u qaabilsanaay degmada Ceeldheer lana yiraahdo C/fataax Xasan Gaafaw(Daawo Video)-ga.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAARIHII QARAXII DEKADA BEIRUT OO DIIDAY INUU…

GARSOORE TARIQ BITAAR.

(BEIRUT)-Qaraxii ka dhacay dekada Beirut waxa uu ahaay qaraxii ugu weynaay ee aan ahayn Nuclear taariikhda,qaraxaan ayaa ka dhacay magaaladda Beirut 4/8/20-kii waxa uuna baabi’iyey dekada magaaladda Beirut iyo dhulkii u dhawaay,qaraxa ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo 215-qofood waxaane ku dhaawacmay dad dhan 6,500-qofood. Garsoorihii hogaaminaayey baarayaasha qaraxa ka dhacau dekada Beirut Dhaariq Bataar ayaa maanta oo Arbaca ah iska diiday inuu iska casilo hawsha uu haayo.

ISHA WARKA AFP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA QADAR OO RABA INUU FASHILIYO…

YEMAN.

(CADAN)-Marka laga hadlaayo arrimaha dalalka uu aafeyey dagaalka ee Yeman iyo Somalia waxaa isla markiiba inagu soo dheceyso ineey jiraan dawlado kale oo faraha kula jiro arrimaha gudaha ee labadaan dal. Haddii aan ku hor maro dalka Somalia waxa uu ka degi la’ayahay wadamada deriska la ah iyo wadamo Carbeed oo si dadban lugta ugu walaaqaayo arrimaha amniga Somalia ayagoo ilaalashaanyo danahooda gaarka ah,tusaale ahaan dalka Qadar waxa uu Somalia ka hortaagan yahay ineey degto sugatane amnigeed,dalka Qadar ayaa dawladdii hore uu hogaaminaayey MW-Farmajo gacan saarna la leheed kooxda Alshabaab ayaa dhaqaale ka heli jirtay dalka Qadar ayadoo loo sii marsiinaayey hayadda NISA taaso uu Agaasime ka ahaay wariye hore ugu soo shaqeeyey Tv-ga Aljaziira.Hadaba dalka Qadar ayaa hadda faraha kula jiro arrimaha dalka Yeman waxa ayna wadaa olole lagu wiiqaayo waan waanta ey wado Saldanada Cumaan oo lagu dhexdhexaadinaayo kooxda Xuutiyiinta ey taageerto Iraan iyo xukuumadda caalmku aqoonsan yahay ee Yeman taasoo fadhigeedu yahay magaalda Cadan.

ISHA WARKA ALAYYAM.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN OO QABATAY QALAB DRONES OO U SOCDAY…

DRONES.

(SANA’A)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee dalka Yeman hadana ah ku xigeenka madax hayada wadatashiga ee golah xukumada Yeman Mudane C/Malik Al-Mikhlaafi ayaa weerar kulul oo dhinaca afka waxa uu ku qaaday isku day fashilmay oo la doonaayey in dalka Yeman lagu soo geliyo Matooro loo isticmaalo diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka,Matooradaan la qabtay ayaa loo weday kooxda Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Sanca caasimadda yeman. Matoorada la qabtay ayaa laga soo gelinaayey xuduuda u dhexeyso dalalka Yeman iyo Cumaan,tahriibinta Matoorada Drones-ka ayaa lala damacsanaay in laga soo geliyo xuduuda bari ee u dhexeyso Yeman iyo Cumaan ayagoo laga soo buuxiyey baabuur qaado xamuulka,gobolka Mehra ee dalka Yeman ayaa ah kan dhaca Xuduuda bari ee dalka Yeman.

ISHA WARKA ARABIC21.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DHAXAL SUGAHA KUWAIT OO AQBALAY…

BAARLAMANKA KUWAIT.

(KUWAIT)-Dalka Kuwait waxa uu ka mid yahay lixda dalka ee la isku yiraahdo Wadamadda Khaliijka kalana ah “SACUUDIGA,BAXRAYN,IMAARAATKA,CUMAAN,QADAR KUWAIT”,dalkaan ayaa qabtay wax u eg doorasho xor ah oo dhacday bishii sebtemba-2022-kii waxaane doorashadaas lagu doortay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Kuwait. Dhaxal sugaha dalka Kuwait Amiir Mashcal ayaa magacabay Reysala Wasaare soo dhisa xukuumad uu yeesho dalka Kuwait,hadaba RW-Sheekh Axmed Nawaf Al-sabah ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu iscasilaada xukuumadiisa u gudbiyey dhaxal sugaha Kuwait Amiir Mashcal Al-Jabir Al-Sabaax ka dib markii uu xumaaday xiriirkii ka dhexeeyey labada hayadood tan fulinta iyo tan sharci dejinta(baarlamaanka) ee dalka Kuwait,sababta keentay in xiriirka labada hayadood xumaado ayaa lagu sheegay ineey tahay dhinaca isla xisaabtanka.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO XIL U MAGACABAY 34-DUMAR AH.

MAKA.

(RIYAD)-Tan iyo markii loo magacaabay inuu noqdo dhaxal suge wiilka uu dhalay Boqorka Sacuudiaga Salmaan ee Maxamed Bin Salmaan waxaa dalkaasi ka dhacay waxyaabo fara badan ey ka mid tahay in Dumarka dalkaasi wadan karaan Baabuurtoda iyo in dumarka dalkaasi qeyb ka noqdaan shaqaalaha dawladda,hadaba waxaa xilal loo magacaabay 34-qofood oo wada ah Dumar u dhashay Sacuudiga,dumarkaan ayaa hogaamin doono xilal laga qabanaayo labada Masaajid(MAKA IYO MADIINA). Qoraal ka soo baxay maamulka guud ee arrimaha labada Masaajid ayaa sheegay in ujeedada magacaabida tahay “Horumarinta adeegyada dadka soo booqdo labada Masaajid ee barakaysan ee Maka iyo Madiina”

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR KAMA DHICI DOONAA KACDOON KALE?

KACDOONKA MASAR.

(QAHIRA)-Shan iyo labaatan bisha Janaayo ee sannadkaan 2023-ka waxa ey shacabka reer Masar ugu asteysan tahay sannad guuradii laba iyo tobanaad ee ka soo wareegtay kacdoonkii ka dhacay wadamada Carabta qaarkood eyna ka mid tahay Masar,waxaane dalka Masar ka dhacay kacdoon qaatay muddo dhan 18-maalmood kaaso horseeday in xukunka laga tuuro kaligii taliye Xusni Mubaarak kaaso dalka Masar soo xukumaayey muddo dhan sodon sannadood.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIBIYA OO KA HADLAY…

NAJLA’A ALMANQUSHI.

(TRIPOLI)-Wasiiradda Arrimaha dibadda ee dalka Libiya Najla’a Al-Manquushi ayaa sheegtay maanta oo Axad ah in xukuumadda Libiya la yaabtay maqnaashaha qaar ka mida dawladaha Carabta ee aan soo xaadirin shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dawladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta oo maanta ka furmay caasimadda dalka Libiya ee Tripoli. Waqti sii horeeyey maanta oo Aaxad ah ayuu bilawday shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda dawladaha Carabta shirkaan ayaa looga arrinsanyaa xaaladaha dalalka Jaamicada Carabta,shirkaan waxaa marti ku ah wakiilo kala socdo Qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Afrika.

ISHA WARKA ARABICPOST.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAX KA DHACAY MAGAALADDA CATAQ-YEMAN.

CIIDAMADDA YEMAN.

(YEMAN)-Lix askeri oo ka tirsan ciidamada dalka Yeman ayaa ku dhaawacantay ka dib markii ey ku qaraxday bam loo dhigay wadadii ey maraayeen gobolka Shabwa ee koonfurta Yeman,sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha. Qaraxa ayaa lagu bartilmaameedsaday gaari ey saarnaayeen ciidmada taageero gooni isu taaga reer koonfureedka(STC) ee Al-Mazaja kuna sugan caasimadda Cataq ee gobolka Shabwa,qof qariyey magaciisa oo aan awood u lahayn inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa ahaay mid gaystay waxyeelo ba’an.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LABA NIN OO KU DHINTAY XABSIYADA XUUTIYIINTA.

DAGAALKA YEMAN.

(YEMAN)-Laba mawaadin oo u dhashay dalka Yeman eyna afduubeen Xuutiyiinta ayaa ku geeriyooday goobtii ey ku xireen ka dib markii jirdil loogu gaystay Xabsigii lagu haayey sidaas waxaa laga soo xigtay hayadaha u dooda xuquuql insaanka kuna sugan dalka Yeman iyo warbaahinta dalkaasi. Geerida labadaan qofood ayaa waxaa ka dhashay carro aad u sareyso waxaane Xuutiyiinta laga codsaday ineey sameeyaan baaritaan si kuwii gaystay dilka loo horgeeyo cadaaladda lana dedejiyo wada hadalada iyo isdhaafsiga maxaabiista.

ISHA WARKA ARAB NEWS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMADA ICJ OO KA HADASHAYA ARRINTA…

ICJ.

(RAMALLAH)-Xukuumadda Falastiin ayaa maanta oo Sabti ah waxa ey shaaca ka qaaday in Maxkamada Cadaalada Adduunka(ICJ) ey ka heshay codsi kaga yimid Qaramada Midoobay kuna saabsan sharci ahaanta dhulka ey haysato Israel tani waxa ey raad ku reebaysaa dadka reer Falastiin. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa lagu sheegay in Wasaaradu heshay warqad ka diiwangashan Maxkamada Caalamaiga ah ee addunka(ICJ),Philip Gautier ayaan ku wargelinaayo Xukuumada Falastiin ineey tahay miduu si rasmi ah loogu tixraacaayo qaraarkii Qaramada midoobay ee tirsigiisu ahaay(247/77) kaaso Maxkamadda Cadaaladda Adduunka(ICJ) looga codsanaayo talo bixin sharci,waxa eyna warqadu ka hadlaysaa dabeecadda dhulka ey Israel ka haystao dadka reer Falastiin sannado badan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

PROFESSOR LAGU JIRDILAY DALKA QADAR.

PROF.LUQMAN THALIB.

(DOHA)-Bare Jaamicadeed oo reer Australia ah oo lagu daray liiska argagixisada dalka Australia ayaa la iska hortaagay inuu dib ugu laabto gurigiisa si uu u arko qoyskiisa ka dib markii dawladda Qadar ey eedeysay una gaysatay jirdil,sidaas waxaa sheegay koox u dooda xuquuqda Aadanaha maanta oo Jimca ah. Marka loo fiiriyo hadal ka soo yeeray koox qareena ah oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Prof.Luqmaan Dhaalib uu u baxsaday dalka Turkiga ka dib markii ey sii cuslaatay xaaladiisa caafimaad taaso ey u sabab tahay in Prof.Luqmaan uu u xirnaay dawladda Qadar muddo dhan shan bilood isaga oo aan la horkeenin Maxkamad.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NIN HOTEL KALA BAXSADAY LACAG DHAN…

HOTEL.

(DELHI)-Booliska dalka Hindiya ayaa raadinaayo nin sheegtay inuu degan yahay dalka Imaaraatka Carabta isla markaasne u shaqeeyo qoyska ka taliyo Abu Dabai,ninkaan ayaa isaga tegay Hotel-ka Shanta Xidig ee ku yaalo magaaladda Caasimadda ah ee Delhi ee dalka Hindiya isaga oo aan bixin lacagtii looga lahaay Hotel-ka,lacagta looga yeehsya Hotel-ka ayaa lagu sheegay ineey dhan tahay $ 23,330-doolarka Maraykanka ah, Shariif ayaa Hotel-ka deganaay inta u dhexeeysay 20/8/22 ilaa 20/11/22-ka.

ISHA WARKA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAARLAMAANKA LIBNAAN OO KU GUUL…

BAARLAMAANKA DALKA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Xildhibaanada dalka Libnaan ayaa markii kow iyo tobonaad waxa ey ku guul dareysteen ineey doortaan Madaxweynaha dalka Libnaan maanta oo Khamiis ah,xilkaan ayaa banaan tan iyo oktoobar sannadkii-2022-kii(31/10/22). Doorashada la rabay ineey dhacdo maanta oo Khamiis ah 19/1/23-ka ayaa waxaa soo xaadiuray 111-xildhibaan oo ka mida 128-da xildhibaan uu ka kooban yahay baarlamaanka dalka Libnaan,waxaan soo buuxsamin kooramkii looga baahnaay ineey soo dhammaystirmaan si loo doorto Madaxweynaha dalka Libnaan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKLHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA DAWLADDA SUURIYA OO WEERARAY..

BURBURKI KA DHASHAY WEERARKII MAANTA.

(SYRIA)-Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday maanta oo Arbaca ah ka dib markii weerar lagu qaaday goob ey dad degan yihiin,waxaane weerarka qaaday ciidamada dawladda uu hogaamiyo Madaxweyne Bashaar Al-asad eyna wehliyaan kooxda argagixisada ah ey taageerto dawladda Iraan,weerarkaan dhacay maanta ayaa xadgud ku ah xabad joojintii laga gaaray Idlib sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha Suuriya. Weeararka ayaa lagu bartilmaameedsaday tuulada Bara waxaane soo weeraray ciidamada dawladda Suuriya ee fadhigoodu yahay Kafra Nabi ee Waqooyi-Bari Suuriya.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More