SHIRKA QAAHIRA OO EY KA QEYBGALEEN…
MADAXWEYNAYAASHA MASAR,URDUN IYO FALASTIIN.
(QAAHIRA)-Hogaamiyeyaasha dalalka Masar,Urdun iyo Falastiin ayaa ku kulmay caasimadda Masar ee Qaahira maanta oo Talaada ah si go’aan uga gaaraan waxyaabaha ka socdo dhulka Falastiin. Afhayeenka Madaxweynaha Masar C/fataax Al-SISI, Cabaas iyo C/lah-2aad ayaa rabaan in xal laga gaaro arrimaha Falastiin.
ISHA WARKA AA.
TURKEY: XISBI XAGJIR AH OO KU BAAQAY..
SUURIYA.
(ANKARA)-Xisbiga midigta fog ee dalka lana yiraahdo”Victory Party”ayaa bilaabay olole dhaqaale ururin ah si tikidho loogu gooyo qaxootiga ka soo jeedo dalka Suuriya marka loo tarxiilaayo dalkooda,tikidhadaan ayaa ah kuwa hal jid ah(One-Way) waxaane laga jaraa shirkadda dalxiiska ee Zafer. Qaxootigaan ree Suuriya ee la rabo in laga tarxiilo Turkiga ayaa laga qaadi doonaa caasimadda turkiga ee Ankara waxaane la geyn doonaa caasimadda Suuriya ee Dimishiq,sidaas waxaa shalay oo Isniin ahayd bartiisa Twitter-ka ku soo daabacay gudoomiyaha xisbiga Victory Party Ozdag,waxa uuna Ozdag shacabka Turkiga ka codsaday ineey soo sheegaan magacyada qaxootiga Suuriyiinta ah si dib loogu celiyo dalkooda hooyo.
ISHA WARKA MEE.
XABAD JOOJINTA DALKA YEMAN.
CIIDAMADA YEMAN.
(QAAHIRA)-Dagaalka daba dheeraaday ee ka jiro dalka Yeman ayaa waxa uu hakaday muddo dhan sagaal bilood,xabad joojintaan ayaa u ah mid u dhexeeyso kooxaha isku haayo talada dalka Yeman kalana ah xukuumada caalamku aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan. Garbahaan is haayo ayaa looga fahdiyaa iney gaaraan heshiis kama dambayn ah ee lagu soo afjaraayo colaada dalka Yeman.
ISHA WARKA AP.
DALKA URDUN OO U YEERAY SAFIIRKA ISRAEL..
URDUN-ISRAEL.
(URDUN)-Dalka Boqortooyada Urdun ayaa u yeertay danjiraha Israel u fadhiya caasimadda Urdun ee Camaan maanta oo ah Talaado. Dawladda Urdun ayaa arrintaan kaga jawaabayso ishortaag lagu sameeyey safiirka Urdun u fadhiyo Israel waqti uu booqan rabay Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa kuna yaalo bariga dhulka ey haysato Israel ee Qudus.
ISHA WARKA AA.
BARE JAAMICADEED OO WAJAHAYO DIL.
PROF.AL-QARNI.
(RIYAD)-Cawad Al-Qarni waa shaqsi macruuf ka ah dalka Sacuudiga isla markaasne taageero dib u habaynta dhinaca sharciga ah ee dalka Sacuudiga,Al-Qarni ayaa ah Bare Jaamicadeed waxna ka dhiga Jaamicadaha dalka Sacuudiga waxa uuna hadda wajahayaa dil toogasha ah isagoo ku eedeysan inuu isticmaalay baraha Twitter-ka iyo Whatsapp-ka kuwaso ku qoray qoraalo uu kaga hadlaayo dalka Sacuudiga. Wargayska caanka ah ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ee The Guardian dukuminti uu helay ayaa muujinaayo in Prof.Al-Qarni uu wajihi doono dil toogasha ah.
ISHA WARKA THE GUARDIAN.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY…
MW-XASAN SHEEKH IYO LAFTAGREEN.
(BAYDHABO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu gaaray magaaladda Baydhabo oo ah caasimadda ku meel gaarka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya(KGS),ujeedka safarka Madaxweyne Xasan ayaa ah inuu halkaasi ka furo shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeeyo maamulka meesha ka arrimiyo iyo mucaaradka ku sugan Muqdisho,Gudoomiye Aadan Madoobe oo ah shaqsiga dhigay gogoshaan kuna sugan magaaladda Baydhabo ayaa isna qeyb ka ah siyaasiyiinta shirka ka qeyb geleyso.
ISHA WARKA C/ONLINE.
1,875-BARE OO AJAANIB AH OO LAGA ERYI DOONO…
DALKA KUWEYT.
(KUWAIT)-Inta badan dalalka la isku yiraahdo Khaliijka waxaa ka xoogsado Barayaal ka kala yimid caalamka Carabta haba ugu sii badnaadaane kuwa ka yimid dalka Masar,Barayaashaan oo wax ka dhigo Jaamicadaha,dugsiyada sare iyo kuwa hoose/dhexe ayaa u kala baxa laba qeyb, qeyb la heshiisay Wasaarada Waxbarashada iyo kuwa ku yimaado heshiis dhexmaray dawladaha,hadaba ugu yaraan 1,875-bare oo ajaanib ah kana shaqeeyo Wasaaradda Waxbarashada dalka Kuweyt ayaa shaqada laga ceyrin doonaa marka uu dhammaado sannad dugsiyeedka 2022/2023-ka,arrintaa ayaa qeyb ka ah sidii loo shaqaaleyn lahaay dad reer Kuweyt ah sidaas waxaa sheegtay warbaahinta dalka Kuweyt oo soo xiganaysay Wasaaradda Waxbarashada Dalka Kuweyt. Marka loo fiiriyo qorshaha Wasaaradda Waxbarashada Kuweyt, arrinka ku saabsan barayaasha ajaanibta ah ayaa lagu kala saari doonaa Takhasuska waxaane la dhimi doonaa 25% waxaane bedelkooda la qaadan doonaa barayaal reer Kuweyt ah,laakinse qorshaha shaqaaleynta Kuweytiyinta ayaa la gaarsiin doonaa 100%.
ISHA WARKA GULF NEWS.
DACWAD LOO HAYSTO GABAR CAAN AH…
SARAH MARDINI(MIDIG).
(ATHENS)-Dacwad loo haysto qaxooti Suuriyaan caan ku ah tartanka Dabaasha ayaa ka furantay dalka Giriiga,dawladda Giriiga ayaa sii wada eedeynta loo haysto gabadha Suuriyadda ah iyo kuwa kale oo samafalayaal ah,dhammaan dadkaan ayaa kuwada eedeysan ineey dad u soo tahriibiyeen dalka Giriirga. Sarah Mardin waa gabar u dhalatay dalka Suuriya caana ku ah Dabaasha isla markaasne u dhaqdhaqaaqda Xuquuqda aadnaha,waxa eyna saara sameysay Film ey dhallinyarada ku boorinayso ineey bartaan Dabaasha lagana sii daayey Netflix,Sarah iyo walaasheed Yusra ayaa isaga cararay dalka Suuriya waqtigii uu socday dagaalka xun waxa eyna u soo qaxeen dalka Giriiga.
ISHA WARKA MEMO.
MADAXDA LIIBIYA OO LA KULMAY SARKAAL SARE…
RAGA ISKU HAAYO TALADA DALKA LIBIYA.
(TRIPOLI)-Madaxa hayadda sirdoonka dibadda ee dalka Maraykanka(CIA) ayaa waxa uu la kulmay mid ka mida raga isku haayo hogaanka xukuumadda Liibiya,sidaas waxaa sheegtay xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Caasimadda ah ee Tripoli maanta oo Khamiis ah. Waa mid naadir ah in sarkaal sare oo ka tirsan masuuliyiinta Maraykanka inuu booqdo dal uu la degay dagaal eyna ka jirto kala qeybsanaan u dhexeyso laba maamul oo iska soo horjeedo.
ISHA WARKA AP.
REYSAL WASAARAH CIRAAQ OO SHQADA KA ERYEY..
REYSAL WASAARAHA CIRAAQ AL-SUDAANI.
(BAQDAAD)-Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Shica Al-Sudani ayaa soo saaray amar shaqada looga eryaayo Gudoomiyaha Gobolka Diiwaaniyah Zuhayr Cali Al-shalaan ka dib markii lagu tuhmay dembi la xiriiro Musus-Maasuq sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Ciraaq ee “INA”. “Go’aanka shaqada looga eryey Gudoomiyaha ayaa la qaatay ayadoo uu socdo baaritaan ka dhashay tuhun ah inuu sameeyey Musuq-Maasuq dhinaca maaliyadda ah,waxaane loo gudbin doonaa maxkamada awooda u leh ineey qaado dacwada”sidaas waxaa xaqiijiyey Xafiiska Warfaafinta ee Reysal Wasaaraha.
ISHA WARKA MEMO.
AABIHII NABADA DALKA LIBNAAN OO GEERIYOODAY.
HUSSEIN HUSEINI.
(BEIRUT)-Xasan Xuseyni oo ah afhayeenkii hore ee baarlamaanka dalka Libnaan isla markaasne ah Aabihii heshiiskii DHAA’IF ee dhacay sannadkii 1989-kii,heshiiskaas ayaa soo afjaray dagaalkii sokeeye ee dalka Libnaan kaaso socday muddo dhan 15-sano,Xuseyni ayaa geeriyooday maanta oo Arbaca ah ka dib markii uu jiranaay in mudda ah,Xuseyni ayey da’adiisu ahayd 85-jir. Xuseen Xuseyni ayaa loo ogolaadayin lagu daaweeyo xarunta caafimaadka ee Jaamicadda Maraykanka ee magaaladda Beirut ka dib markii uu asiibay cudur ku dhaca Habdhiska Neefshada oo loo yaqaano”FLU” sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Libnaan(NNA),Xuseyni ayaa ku jiray qolka lagu haayo dadka ey liidato xaaladooda caafimaad ilaa uu ka geeriyoodo.
ISHA WARKA AP.
CIIDAMADDA BADDA EE MARAYKANKA OO QABTAY…
HUBKII LAGU QABTAY GACANKA.
(OMAN)-Ciidamadda badda ee dalka Maraykanka kuna sugan biyaha gacanka Khaliijka ayaa sheegay ineey gacanta ku dhigeen doon nuuceedu yahay kuwa lagu kallumaysto taaso ey saarnaayeen 2,100-xabbo oo ah qoriga loo yaqaano AK-47,hubkaan ayaa laga soo qaaday dalka Iraan xeebihiisa waxa uuna ku socday xeebaha dalka Yeman. Halka uu hubka ku wajahnaay ayaa ah kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dalka Iraan hadane ka mida kooxaha isku haayo dalka Yeman,Xuutiyiinta ayaa sannadkii 2014-kii waxa ey dagaalka ka bilaabeen magaalooyinka ku yaalo waqooyiga dalka Yeman eyna ku jirto magaalada caasimadda ah ee Sanca.
ISHA WARKA MEMO.
MARAYKANKA OO KORDHIYEY 30% WEERARADA ALSHABAAB.
CIIDAMADA SOOMAALIYA.
(SOMALIA)-Weerarada cirka ah ey qaadaan diyaaradaha aan duuliyaha wedin(Drones) ee dalka Maraykanka gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ey korortay 30% sannadkii 2022-kii ka dib markii Madaxweyne Biden uu kordhiyey doorka ey ciidamadda Maraykanka ku leeyihiin la dagaalanka Argagixisada ee wadamadda Geeska Afrika gaar ahaan weerada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.Sida laga soo xigtay Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka waxa ey diyaaradaha Drones-ka ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya 15-weear oo cirka ah sannadkii-2022kii,weerarada ayaa lala beegsaday kooxda Alshabaab ee xiriirka la leh kooxda Aragagixisada Al-Qaacdidda,Ciidamada AFRICOM ayaa sheegay in weeradaas lagu dilay 107-dagaalyahan oo Alshabaab ah.
ISHA WARKA MEE.
MUHAJIR SOOMAALI AH OO DOOD KA …
MAXAMED HANAD CABDI.
(ATHENS)-Dalka Giriiga waxaa ku nool dad fara badan oo qaxooti ah kana kala yimid Qaaradaha Afrika iyo Asiya,dadkaan gaaray Giriiga ayaa waxaa ka mid ah dad Soomaaliyeed oo ka soo tahriibay dalka turkiga,hadaba Maxamed hanad Cabdi waxa uu ka mid yahay Soomaalida ku xiran dalka Giriiga tan iyo sannadkii 2020-kii,waxa uuna Maxamed ku eedeysan yahay inuu isaga soo tahriibiyey dad Soomaali ah sidaas darteedna lagu xukumay 142-sano oo xabsi ah.Sharci dejiyeyaasha Qaaradda yurub ayaa waxa ey ka hadkeen arrintaan ah xukunka Maxamed waxa eyna sheegeen in Maxamed dembi lahayn ee uu yahay badbaadiye naf go’i leheed.
ISHA WARKA CAASIMADDA.
SACUUDIGA OO KA HADLAY XAJKA-2023-KA.
XAJKA.
(RIYAD)-Tan iyo markii uu adduunka uu ka dilaacay cudurka Covid-19 waxaa la xadiday tirada muslimiinta doonaysa ineey soo xajiyaan iyo da’adooda,hadaba dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka hadashay arrimaha Xajka sheegayne ineeysan jiri doonin tiro xadidan oo xujaay ah sannadka-2023-ka,sida ey maanta oo Isniin ah ey ku dhawaaqday boqortooyada Sacuudiga ka dib markii muddo seddex sano ah la xadiday tirada xujaayda soo xajinayso sabab la xiriirto cudurka Covid-19. Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Tawfiiq Al-Rabiah ayaa warbaahinta ku yiri”Xajka waxaa loo soo celin doonaa sidii uu ahaan jiray ka hor cudurka Covid-19,mana jirto wax da’ah oo la xadidaayo”.
ISHA WARKA AA.
GABAR KU BIIRTAY KOOXDA DAACISH.
HODA MUTHANA.
(SYRIA)-Hoda Muthana waxa ey ka carartay gurigeeda oo ku yaalo gobolka Alabama ee dalka Maraykanka ayadoo jirto labaatan(20)-sano gabartaan ayaa ku biirtay kooxda ISIS(Daacish),waxa eyna cunug u dhashay mid ka mida dagaalyahanada kooxda Daacish. Hoda Muthana ayaa rajo ka qabto ineey dib ugu soo laabato dalka Maraykanka si ey halkaas xabsi uga gasho haddii ey suuragal tahay iskana difaado ineey tahay Xagjir,dalka Maraykanka iyo wadamo kale oo reer Yurub ah ayaa iska diiday ineey dib ugu soo laabtaan dhallinyaradii ku biirtay kooxda Daacish waqtigii ey kooxda Daacish dadku ku xasuuqeysay dhulka Shaam.
ISHA WARKA AP.
ISRAEL OO JOOJISAY SAFARKA WASIIR RIYAD.
WASIIR RIYAD AL-MALIKI.
(RAMALLAH)-Tan iyo markii uu talada Israel la wareegay Reysal Wasaare Netanyahu waxaa isa soo taraayey nacaybka loo qabo dadka reer Falastiin waxaane dhulka Falastiin ka bilawday iska horimaadyo u dhexeeyo shacabka Falastiin iyo ciidamadda Israel. Israel ayaa waxa ey qorseysay ineey cunaqabteyn saarto qaar ka mida masuuliyiinta reer Falastiin,hadaba Israel ayaa joojisay maanta oo Aaxad ah aqoonsiga uu ku safro Wasiirka Arrimaha Dibadda Falastiin Riyad Al-maliki,arrintaan ayaa jawaab u ah isku dayga ey masuuliyiinta reer Falastiin ku doonayaan ineey dacwad u gudbiyaan Maxkamada Cadaaladda Caalamiga.
ISHA WARKA AA.
IRAAN OO TOOGATAY LABA NIN OO ….
MAXAMED KARAMI.
(TEHRAN)-Dalka Iraan ayaa dilay laba nin maanta oo Sabti ah ka dib markii lagu helay dembi ah ineey dileen xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka dalka Iraan gaar ahaan xoogaga loo yaqaano Basij intii uu socday mudaaharaadka looga soo horjeeday xukuumadda Iraan. raga maanta la dilay ayaa kala ah Maxamed Mahdi Karami iyo Sayid Maxamed Xuseyni,dembiyadda loo haystay ragaan la dilay ayaa ahaay kuwa aad u waa weyn,dilka labadaan nin ayaa lagu fuliyey goobta shahiid Ruhullah Ajmiyan,halkaas ayaane qoorta looga jaray labadii nin ee la soo eedeyey. Dilkaan la fuliyey Subaxnimadii maanta oo Sabti ah ayaa waxaa baahiyey wargayska ey leedahay wasaaradda Cadaaladda dalka Iraan ee loo yaqaano Mizan-Online.
ISHA WARKA MEE.
SAXAFI LAGU XIRAY DALKA IRAAN.
MEHDI BEIK.
(TEHRAN)-Masuuliyiinta dalka Iraan ayaa xabiga u taxaabtay saxafi waraystay qoysaska ey ka dhasheen banaanbaxayaasha dilka lagu xukumay gudaha dalka Iraan,sidaas waxaa laga soo xigtay xaaska saxafiga la xiray iyo masuliyiinta wargayska uu u shaqeynaayey saxafiga. Saxafiga la xiray Mehdi Beik,ayaa ahaay wakiil wareedka wargayska “REFORMIST DAILY” Etemad waxaane la xiray saxafiga habeenimadii Khamiistii shalay ahayd.
ISHA WARKA MEE.
DALKA BAXRAYN OO XUKUN KU RIDAY..
BANAANBAX KA DHACAY BAXRAYN.
(BAXRAYN)-Maxkamad ku taalo dalka Baxrayn ayaa ayiday eedeyn lidi ku ah C/hadi Al-Khawaja oo macruuf ku ah difaac xuquuqul insaanka maalintii shalay oo ahayd Khamiis ka dib markii ey maxkamdu u diidday in C/hadi racfaan ka qaato xukunka lagu riday,sidaas waxaa laga soo xigtay qoyska C/hadi iyo hayadaha u ololeyo xuquuqul insaanka. C/hadi Al-Khawaja oo 64-jir ah ayaa markii ugu horeysay waxaa la xiray sannadkii 2011-kii ka dib markii C/hadi uu hogaamiyey banaanbax nabadeed boqortooyada Baxrayn looga dalbanaayey xurnimada aasaasiga ah.
ISHA WARKA MEE.