Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NAADIGA AL-NASR OO BIXINAYO..

CRISTIANO RONALDO.

(ISTANBUL)-Sannadka cusub ee 2023-ka waxa uu fursad fiican siinayaa naadiyadda kubadda cagta si ey u helaan tababro aad u xoogan oo kor u qaadi kara farsamada cayaartoyda da’ada yar kana tirsan naadiaydooda si ey ugu guulaystaan tartamada,heshiiska ey kooxda Al-Nasr ee dalka Boqortooyada Sacuudiga la gashay halyeyga reer Buqtuqiis Cristiano Ronaldo ayaa ah mid jebiyey dhammaan heshiisyadii lala galay cayaartooy heer caalami ah. Heshiiska lala galay Cristiano Ronaldo ayey kooxda Al-Nasr ku bixisay adduun dhan $214-Milyan oo doolar muddo dhan laba sano iyo bar uu u safan doono naadiga Al-Nasr(2023-June-2025). 37-jirka reer Burtaqiis Cristiano Ronaldo ayaa noqday shaqsiga ugu mushaarka badan adduunka ee dhinaca cayaartoyda kubadda cagta.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMADA CIIDAMADDA LIBNAAN OO…

CIIDAMADDA NABAD ILAALINTA EE QM.

(BEIRUT)-Maxkamada ciidamadda ee dalka Libnaan ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ey dacwad ku soo oogtay 7-qofood oo lagu tuhmaayo ineey ka dambeeyeen dilkii loo gaystay nin u dhashay dalka Irish kana tirsanaay ciidamadda nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Libnaan. Bisha Disembar-14-22-ka ayaa Private Sean Rooney la dilay waxaane la dhaawacay seddex kale ka dib markii rasaas la huwiyey gaari ciidamada ey saarnaayeen oo maraayey nawaaxiga Al-Aqbiya halkaaso ey ku badan yihiin taageerayaasha ururka Xizbullaahi.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SOOMAALIYA IYO IMAARAATKA OO HESHIIS KALA….

CIIDAMADDA XDS.

(SOMALIA)-Dalalka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca Mileteriga iyo Amniga ah,waxaane heshiiska dhinac socdo in labada dal ey iska kaasha doonaan la dagaalanka argagixisada,waxa eyna labada dal si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan wanaajinta xiriirka labada dal oo dhaawac uu soo gaaray. Heshiiska labada dal ayaa waxaa qalinka lagu duugay shalay oo Arbaca ahayd galabnimadeedi,waxaane dhinaca Soomaaliya uga wakiil ahaay Wasiirka Gaashaadhiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) dhinaca dalka Imaaraatkana waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Bin Axmed Al-Bawradi.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERAR AARGOOSI AH OO KA DHACAY…

CIIDAMADDA MARAYKANKA KUNA SUGAN SUURIYA.

(BEIRUT)-Laba gentaal ayaa lagu garaacay saldhig guryo u ah ciidamadda Maraykanka ee degan bariga dalka Suuriya maanta oo Arbaca ah,gentaalada ayaan sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah mana gaysan wax burbur hantiyeed ah oo soo gaaray dhismaha iyo qalabkii yiilay. Weerarka dhacay saakay ayaa lagu qaaday Ergada Kaalmeynta ee CONOCO waxa uuna weerarku ka yimid dhinaca dawladda Iraan iyo kooxda ey isbahaystaan kuna sugan gobolka,maanta ayaa ku asteysan sannadguuradii seddexaad markii la dilay taliyihii xoogaga Qudus ee ilaalada kacaanka dalka Iraan Gen.Qasim Suleymaani,Gen.Qasim ayaa waxaa dilay diyaaradaha Drones-ka dalka Maraykanka gudaha caasimadda dalka Ciraaq ee BAQDAAD.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CUDURADA DHIMIRKA OO KU SOO BADANAYO..

MASJID.

(MICHIGAN)-Jaaliyadda Muslimiinta ee magaaladda Dearbon ee Gobolka Michigan dalka Maraykanka ayaa waxaa soo wajahay kor u kac dhinaca dhibaatada caafimaadka dhimirka,booliska gobolka Michigan ee dalka Marayknka oo ka qeybgalay diiwaangelin ey sameynaayeen shaqaalaha ka shaqeeyo arrimaha bulshada laguna tira koobaayey dadka qaba cudurada dhimirka ee sannadkii 2022-kii, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha. Marka laga soo bilaabo horaantii sannadkii 2022-kii ilaa 21/12/22-ka saraakiisha booliska ee magaaladda Dearbon ee gobolka Michigan waxa ey ka jawaabeen in ka badan kun wicitaan lana xiriiro dadka qaba cudurka dhimirka,tirada dadka qaba cudurada dhimirka ee gobolka Michigan ayaa korortay 31% marka la barbardhigo sannadkii 2021-kii.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO DIB LOOGU SOO CELIYEY…

WAXYAABIHII MASAR LAGA XADAY.

(QAHIRA)-Sida caadiga ah marka dal ey ka dhacaan shaqaaqooyin salka ku haayo siyaasad waxaa ka dhaca boob loo gaysto waxyaabaha taariikhiga ah ee uu leeyahay dalkaasi hadaba sida ey sheegeen masuuliyiin reer Masar ah waxyaabo taariikhi ah da’ana ah oo yiilay madxaf lagu keydiyo waxyaabaha da’ada ah ee Cilmi Sayniska kuna yaalo dalka Maraykanka ayaa waxaa dib loogu soo celiyey dalka Masar,xukuumadda Masar ayaa sheegtay waxyaabaha laga soo celiyey dalka Maraykanka ineey yihiin kuwa laga xaday dalka Masar.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA DALKA YEMAN OO HAWLGAL…

YEMAN.

(SANCA)-Marka laga hadlaayo arrimaha dalka Yeman waxaan dib u xusuusaneynaa kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta Yemane ey ka mid tahay,kacdoonkaas ayaa xukunka looga tuuray madax badan oo Carbeed uuna ka mida yahay AUN-Cali Cabdalla Saalax oo dalka Yeman soo xukumaayey in mudda ah. Rididii xukuumadii Cali dalka Yeman waxa uu galay fawdo weli dalka ka taagan waxaane Yeman hadda ka jirta laba dawladood oo iska soo horjeedo kalana hogaamiyaan Xuutiyiinta ey taageerto Iraan fadhigooduna yahay Sanca iyo koox kale ey taageeraan beesha caalamka fadhigeedu yahay magalaada Cadan ee koonfurta Yeman,hadaba waxaa jirto koox seddexaad kuna dhex jirta xukuumadda fadhigeedu yahay Cadan lana magca baxay GOLAHA KU MEEL GAARKA EE KOONFURTA,golahaan ayaa waxaa taageero dalka Imaaraatka Carabta waxa uuna u dhisay ciidamo ayaga u gaar ah,ciidamadaan ayaa weerara goobaha ey degan yihiin kooxda Alqaacidda ee koonfurta dalka Yeman,weerarkii ugu dambeyey ey qaado kooxdaan ayaa waxa uu ka dhacy gobolka Abyan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAEL OO WEERARTAY GAROONKA DIMISHIQ.

WEERARKII DIYAARADAHA ISRAEL EE DIMISHIQ.

(DIMISHIQ)-Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa weerar dhinaca cirka ah waxa ey ku qaadeen garoonka caalamiga ah ee Dimishiq ee dalkaasi Suuriya maanta oo Isniin ah,weerarka ayaa waxaa ku dhintay 4-qofood ayna ka mid yihiin laba askeri oo Suuriyaan ah sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalka Suuriya. Sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suuriya ee SANA weerarka yaa dhacay labadii subaxnimo(2:00)AM ee waqtiga dalka Suuriya,waxa uuna weerarka sababay in garoonka caalamiga ah ee Dimishiq iney istaagaan hawlihiisa gebi.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KOOXDA DAACISH OO SHEEGATAY WEERARKII…

CIIDAMADDA DALKA MASAR.

(QAHIRA)-Kooxda argagixisadda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii lagu qaaday goob baabuurta lagu baaro kuna taalo dalka Masar horaantii todobaadkan. Laba nin oo hubaysan saarane Mooto laba lugooley ah ayaa weeraray goob boolisku uu ku baaro baabuurta ee degmada Kanaal Suez ee gobolka Ismaaciiliyah ee dalkaasi Masar maalintii Jimcaha ee ina soo dhaaftay. Warbaahinta gudaha dalka Masar ayaa sheegtay in la dilay dadkii soo qaaday weerarka balse warbaahintu ma eysan sheegin inta uu la ekaay dhibka ka dhacay goobta la weeray.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOON SIDAY DAD TAHRIBAYO OO KU GADOONTAY…

DEKEDA LAGA SOO DEJIYEY DADKII LA SOO BADBAADIYE.

(BEIRUT)-Laba muhaajiriin ah waa ey dhinteen waxaane la soo badbaadiyey 232-qofood oo kale ka dib markii doon ey saarnaayeen ey kula gadoontay xeebaha dalka Libnaan shalay oo Sabti ahayd,sidaas waxaa sheegay ciidamadda dalka Libnaan. Rag Dumar iyo Caruur ayey ahaayeen inta badan dadkaan qaxootiga ah kana yimid dalka Suuriya waxaane ku wehliyo 50-qofood oo reer Libnaan ah lana saarnaay doonta gadoontay sida laga soo xigtay wakiil wareedka Wakaaladda Wararka ee Caalamiga ah ee AFP.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

2022-KA OO NOQDAY SANNADKII UGU..

HOOYADA DHASHAY GAITH YAMIIN OO 16-JIR AH EY DILEEN CIIDAMADDA ISRAEL.

(BEIRUT)-Ciidamadda Israel ayaa waxa ey dileen Falastiiniyiin fara badan gudaha dhulka ey haystaan ee Daanta Galbeed sannadkaan 2022-ka ee dhammaadka ah,Falastiiniyiinta la dilay lana tiriyo sannad walba tan iyo markii ey soo bilaabatay Intifaadada 2-aad ayaa muujinayso in tirada la dilay sannadkaan-2022-ka tahay tan ugu dhimashada badan sida laga soo xigtay xogo uu keydiyey Wargayska Middle East Eye. Ugu yaraan 220-qofood oo reer Falastiin ah ayaa ku dhimatay weerarada ey ciidamadda Israel ey ka gaysteen guud ahaan dhulka reer Falastiin ey haystaan,dadka la dilay ayaa waxaa qeyb ka ah 48-caruur ah halka dhimashada guud tahay 167-qofood oo lagu dilay Daanta Galbeed,Bariga Qudus iyo Marinka Gaza oo iyagana lagu dilay 53-qofood oo reer Falastiin ah.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAAMULKA MASJIDKA PARIS OO DACWAD…

MASAAJIDKA PARIS.

(PARIS)-Maamulka Masaajidka Weyn ee magaaladda Paris ee caasimadda dalka Faransiiska ayaa dawcad ku lidi ah ka gudbiyey qoraa Faransiis ah lana yiraahdo Michel Houellebecq arrin ku asteysan Islaam Nacayb sida lagu dhawaaqay shalay oo Khamiis ahayd. Go’aanka ayaa la qaatay ka dib markii uu dhacay wada hadal dheer oo dhexmaray Houellebecq iyo qoraa Michel Onfray oo isna Faransiis ah ka dibne ey soo saareen Mjaaladda Front populaire gudaha bishii Noofembar sannadkan 2022-ka. Maqaal uu Majaladda ku qoray Houellebecq ayuu ku sheegay “Waa in shacabka Faransiiska naftiisa hubeeyaa,waane ineey weeraraan Islaamka ka dib marka uu soo galo dhulkiina uuna noqdo mideey xukumaan Muslimiinta”.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIRAAQ OO DIB U DEJINAYSO BARAKACAYAAL.

XARUMAHA BARAKACAYAASHA REER CIRAAQ.

(BAQDAAD)-Dalka Ciraaq waxa uu ka mid yahay dalalka ey ka dhacday Barakac gudaha dalka ah,barakaca ayaa waxaa sabab u ahaay dagaaladii kooxda Daacish ka gaysteen dalkaasi Ciraaq,waxane magaalooyinka dalka Ciraaq qaarkood qaxootinimo ku joogay dad reer Ciraaq ah kana soo qaxay dagaaladda Daacish. Hadaba dawladda Ciraaq ayaa damacsan ineey sameyso dib u dejin dadka soo baracakay, Wasiirka Socdaalka iyo Barakacaaysha dalka Ciraaq ayaa sheegay in dhammaan xarumihii hore ey deganaayeen dadka ku barakacay gudaha dalka Ciraaq kuwaaso qaxooti ahaan u deganaay magaalooyin Ciraaq ku yaalo waqtigii uu socday weeraradii urur argagixisada Daacish ayaa lagu wadaa in la xiri doono lix bilood gudaheed sidaas waxaa shalay oo Kahmiis ahayd sheegay masuul ka tirsan xukuumadda Ciraaq. Wasiirka Socdaalka iyo Barakacaaysha ee dalka Ciraaq Ivan Faik Jabro ayaa waxa uu cadaadis ku saara xukuumadda Ciraaq in qorshaha xukuumadda ee sannadka 2023-ka lagu daro qorshaha in la soo wada xiro dhammaan xarumaha barakacayasha muddo lix bilood ah dadka qaxootiga ahne dib loogu celiyo guryahoodii.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SANNADKA 2022- YEMAN WAXAA KA DHACAY 3411-TACADI.

BURBURKA GAARAY YEMAN.

(SANCA)-Ugu yaraan 447-qofood oo dad shacab ah ayaa lagu dilay dalka Yeman inta uu socday dagaalka Yeman ee u dhexeeyo kooxo iska soo horjeedo sida laga soo xigtay hayadaha u doodo xuquuqda aadanaha shalay oo Khamiis ahayd. 35-qofood oo dumar ah iyo 82-caruur ah ayaa ka mid ah dhibanayaasha sidaas waxaa qoraal ey soo saareen ku sheegay Gudiga caalamiga ah ee baaro dembiyada loogu xadgudbo baniaadamka. Gudiga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in 891-qofood oo dad shacab ah ey ku dhaawacmeen dagaaladda dalka Yeman,dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah 84-qofood oo dumar ah iyo 212-Caruur ah. Kooxda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay ineey soo saareen qoraal ey ku muujinayaan tacadiyadda ka dhacay dalka Yeman waxa eyna ku sheegay tacadiyada ka dhacay Yeman ineey dhan yihiin 3411-Tacadi guuda ahaan dalka Yeman sannadka 2022-ka,tacadiyada loo gaystay dadka reer Yeman ayaa kala ah Jirdil,Barakicin dad shacab ah,Xarig aan sharci ahayn,Burburin dhismayaal shacab leeyahay iyo Askareynta Caruurta.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAMADA MIDOOBAY OO KA HORTIMID…

QARAMADA MIDOOBAY.

(TRIPOLI)-Hawlgalka Qaramad Midoobay ee dalka Libiya ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay inuu iska diiday warbixin taageereyso u samaynta dawlad cusub dalka uu burburiyey dagaalka ee Libiya. Qoraal ka soo baxay hawlgalka Qaramada Midoobay ee lagu taageeraayo dalka Libiya(UNSMIL) ayaa ugu baaqay garabyada isaga soo horjeedo siyaasadda dalka Libiya ineey ka waantoobaan qaadida talaabo kasta oo hanjabaad ku ah nabada sida sahlan ku burburi karta ee ka jirta dalka Libiya.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIBNAAN OO SOO QABTAY…

UN-KA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Ciidamadda dalka Libnaan ayaa soo xiray qofkii lagu tuhmaayey inuu dilay askerigii ka tirsanaay ciidamadda Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta horaantii bishaan disembar-2022-ka,askerigaan la dilay ayaa la socday kolonyo ciidamada Qaramada Midoobay oo ku sugnaay koonfurta dalka Libnaan sida ey sheegeen masuuliyiinta dalka Libnaan maanta oo Talaada ah. Weearaka lagu dilay ayaa waxa uu dhacay 14/12/22-ka meel u dhaw magaaladda ku taalo koonfurta ee ALAQBIYA taaso ah mid ku taalo caloosha halka laga taageero ururka Xizbullah oo diiday ineey ayagu lug ku leeyahiin dilka askeriga.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: ISBITAALO U XIRMAY SHIDAAL YARI.

MAGAALADDA TICIS -YEMAN.

(SANCA)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay dalalka ey ka dheceen kacdoonkii looga soo horjeeday madaxweynayashi xukumaayey qaar ka mida wadamadda Carabta waxaane kacdoonkaas xukunka looga tuuray AUN-Madaxweyne Cali Cabdallah Saalax taladii dalkane waxaa qeybsaday xukuumadda sharciga ah iyo kooxda Xuutiyiinta oo maamusho waqooyiga Yeman,hadaba waxaa hadda dalka Yeman ka jirto dhibaato dhinaca shidaalka ah waxa eyna taasi sababtay in Isbitaalo waa weyn bixinaayeyne adeegyo kala duwan kuna yaal gobolka Ticis joojiyaan shaqadii ey u haayeen shacabka gobolkaasi sida laga soo xigtay hawlwadeenada Isbitaaladaas. Qoraal ka soo baxay masuuliyinta Isbitaalka Guud ee Al-Thawra ayaa lagu sheegay in Isbitaalka ey ka jirto shidaal yari taasne ey sababtay in albaabada la isugu dhufto qeybo ka mida Isbitaalka Al-Thawra,waxa eyna masuuliyiinta Isbitaalka Al-Thawra ka digeen ineey halis ku sugan tahay nolosha bukaanada ku sugan gudaha Isbitaalka Al-Thawra ee magaaladda Ticis ee dalkaasi Yeman.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL KA DHACAY DAARFUUF.

CIIDAMADDA DAWLADDA SUUDAAN.

(SUDAN)-Tirada guud ee dadka ku dhintay dagaal u dhexeeyo qabiilo iska soo horjeedo galbeedka dalka Suudaan ayaa kor u kacday waxa eyna gaartay ilaa 12-qofood sida ey ku soo warameen hayadaha samafalka ee ka hawlgala degaanka dagaalku ka dhacay. Rabshadaha ayaa soo bilawday maalintii Arbacda ahayd ee ina soo dhaaftay ka dib markii koox xoolo raacata ah ey weerar ku qaadeen koox kale oo beeraaleey ah Tuulada Amuuri ee bariga gobolka Daarfuur dalkaasi Suudaan. Qoraal ka soo baxay isku duwaha guud ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee gobolka Daarfuur ayaa lagu sheegay in 42-qofood ey ku jiraan caruur iyo dumar ey sidoo kale ku dhaawacmeen isk horimaadka u dhexeeyo xoola raacatada iyo beeraaleyda.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ROOB GAYSTAY KHASAARO OO KA DA’AY…

KHASAARIHII KA DHASHAY DAADADKI MAKKAH.

(SAUDI)-Maalintii khamiis ahayd ee ina soo dhaaftay ayaa dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaa ka da’ay roobab ma hiigaan ah waxa eyna sababeen daadad gaystay khasaaro,daadkaas xoogan ayaa waxa eey ku dhufteen magaaladda barakaysan ee Makka ee dalka Sacuudiga subaxnimadii shalay oo Jimca ahayd. Daadadka ayaa waxa ey burbur ba’an u gaysteen dhismayaal iyo baabuur waxaa la arkaayey baabuurta oo dul sabeynaysa biyaha xawliga ku socdo. Dalka Sacuudiga ayaan weli soo saarin baaxada khasaaraha ka dhashay daadadka ku dhuftay magaaladda Barakaysan ee Makka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO WFP UGU DEEQAY DHAQAALE…

CUNTO LOO QEYBINAAYO DAD TABAALEYSAN.

(RIYAD)-Hayadda Cuntada adduunka(WFP) ayaa soo dhaweysay lacag deeq ah oo gaarayso labaatan milyan oo doolarka Maraykanka ah,lacagtaan deeqda ah ayaa WFP loo soo marsiiyey hayadda Samafalka ee Boqor Salmaan. Lacagtaan deeqda ha ayaa loogu talagalay in wax loogu qabto shacabka reer Yeman ey dhibaatda ka soo gaartay dagaaladda dalkaasi aafeeyey.Ma aha markii ugu horeysay ey dawladda Sacuudiga deeq siiso dalka Yeman una sii marsiiso hayadaha samafalka caalamiga ah ee ka hawlgala dalka Yeman.

ISHA WARKA ARAB NEWS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More