Ahmed Hussein Ahmed Hussein

UAE OO LOOGA DIGAY INEEY..

SHARIIF OSMAN IYO XAASKIISA.

(DUBAI)-In ka badan tobaneeyo urur oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dalka UAE waxa ey uga digeen inuu Masar u tarxiilo nin asalkiisu yahay Masar balse haysta dhalashada dalka Maraykanka hadana ku xiran dalka UAE sabab la xiriirto inuu rabay inuu mudaaharaadyo ka abaabulo gudaha dalka Masar waqtigii uu socday shirkii looga hadlaayey arrimaha cimiladda kana dhacay magaalo xeebeedka Sharma Sheekh ee dalka Masar. Shariif Cismaan ayaa ah nin codkiisa ku taageero banaanbaxyada ka socda dalka Masar ee looga soo horjeedo xukuumadda uu hogaamiyo C/fataax Al-Sisi. Shariif Cismaan ayaa laga xiray maqaayad ku taalo Dubai bishii Noofembar-2022-ka,waxa uuna Shariif Dubai u yimid inuu soo siyaarto gabar la dhalatay xaaskiisa oo degan UAE iyo hooyadiis oo ka timid dalka Masar si eey halkaas isugu arkaan ayada iyo wiilkeeda Shariif Cismaan.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAWLGAL KA DHACAY DALKA SUURIYA AYAA..

CIIDAMADDA MARAYKANKA EE JOOGA SUURIYA.

(BEIRUT)-Ciidamadda Maraykanka hawlgal ey sameeyeen ayey ku soo qabteen seddex dagaalyahan oo ka tirsan ururka Daacish bariga dalka Suuriya,sidaas waxaa maanta oo Talaada ah sheegay taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka. Taliska dhexe ee ciidamadda Maryaknak ayaa sheegay in la qaaday hawlgal kedis ah 48-saac ee la soo dhaafay waxane lagu xaqiijiyey in hawlgalkaasi lagu soo qabtay mid ka mida maleeshiyaadka Daacish “ALZUBAYDI”.waxaane warkaan laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka hawlgalka uu ka dhacay.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CUMAR AL-BASHIIR OO QIRTAY…

CUMAR AL-BASHIIR.

(SUDAN)-Madaweynihii xilka laga tuuray ee dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa maanta oo Talaada ah shaaca ka qaaday inuu isaga qaadaayo masuuliyadda dhacdadii afgembigii 1989-kii ka dhacay dalka Suudaan,afgembigaas ayaa waxa uu awooda dalka Suudaan siiyey Cumar Al-Bashiir iyo 27-qofood oo kale kuwaaso qeyb ka ahaay afgembiga. “Waxaan si xoogan u taagerayaa masuuliyadda dhacdadaas June-1989-kii”sidaa waxaa sheegay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Suudaan Cumar Al-Bashiir waqtigii ey socotay dacwadiisa lagana daawanaayey Tv-ga qaranka Suudaan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

12-DAL OO KU SHIRAAYO DALKA URDUN.

WUFUUDA KA QEEYBGELAYSO SHIRKA.

(URDUN)-Boqorka dalka Cabadalla ayaa maanta oo Talaada ah sheegay in shirka Baaqdaad ujeedadiisa tahay sidii loo hubin lahaay amniga iyo deganaashaha dalka Ciraaq. Ujeedka kulanka waa tartan guud una baahan talaabooyin isku xiran taaso shacabkayna u dareemi doono kuna yeelan doontana saameyn togan,sidaas waxaa sheegay Boqor Cabdallaha Urdun. Shirkaan ey isugu imaanayaan 12-dal ayaa waxa uu ka dhacaay galbeedka dalka Urdun waxaane loogu magac daray BAQDAAD-2,wadamadda ka qeybgelaayo ayaa kala ah{URDUN,CIRAAQ,FRANCE,TURKEY,IRAN,SAUDI ARABIA,QADAR,UAE,MASAR,KUWEYT,BAXRAYN IYO CUMAAN}.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGAY…

FALASTIIN.

(UN)-Ergayga Qaramada Midoobay uga wakiilka ah Bariga Dhexe Tor Wennesland ayaa shalay oo ahayd Isniin waxa uu Golaha Amaanka Qaramada Midoobay u sheegay ineey dhinteen in ka badan 150-qofood oo reer Falastiin ah iyo 20-askeri oo reer Israel ah inta uu socday iska horimaadka u dhexeyey ciidamadda Israel iyo shacabka reer Falastiin sannadkaan 2022-ka,dhacdadaan ayaa calaamad u ah in sannadkaan 2022-ka yahay sannadkii ugu dhimashada badneed abid dhulka reer Falastiin.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URDUN:ASKAR KU DHIMATAY HAWGAL LAGU..

CIIDAMADDA AMAANKA URDUN.

(JORDAN)-Todobaadkii hore dalka Urdun waxaa ka dhacay isku dhac dhexmaray ciidamadda amaanka ee dalkaasi Urdun iyo dad ka caraysnaay sicir bararka ku yimid shidaalka dalkaasi Urdun,iska horimaadkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday sarkaal sare kana tirsanaay ciidamadda booliska isla markaasne ahaay taliye ku xigeenka saldhig booliska ee degmada Macaan,si hadaba loo soo qabto kuwii ka dambeyey dilka sarkaalka ayey ciidamadda amaanka dalka Urdun sameeyeen hawgala lagu bartilmaameedsanayo goob ey isku qarinayeen dad lagu tuhmaayo ineey ka dambeeyeen dilkii taliye ku xigeenkii saldhiga booliska ee degmada Macaan todobaadkii tegay waxaane hawgalka maanta ku geeriyooday seddex askeri waxaane ku dhaawacmay shan kale,sidaas waxaa sheegay boolika dalka Urdun maanta oo Isniin ah. Hawlgalka dhacay maanta ayaa waxaa lagu dilay mid ka mida ragii la tuhunsanaay waxaane la soo qabtay lana xiray sideed kale lana hor keeni doono cadaaladda sida lagu sheegay war kooban ka soo baxay xafiiska agaasimaha amniga guud ee dalka Urdun.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA IMAARAATKA OO SI DADBAN UGA FAA’IIDAYSTAY…

DAD DAAWANAAYO CAYAAR.

(DUBAI)-Wadamadda la isku yiraahdo Khaliijka kana kooban lixda dal ee kala ah Sacuudiga,Imaaraatka Carabta,Baxrayn,Cumaan,Qadar iyo Kuweyt ayaa waxa ey leeyihiin xuduudyo isu furan si sahlane la isaga gudbi karo,dalka Qadar oo ka mid ah wadamadda lixda ah ayaa sannadkaan -2022-ka waxa uu martigeliyey tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee FIFA-2022-ka wxaane la soo gabagabeeyey shalay oo Axad ahayd kuna beegneed 18/12/22-ka waxaane koobkii qaaday Dalka Arjantiin,hadaba dalka Qadar ma aha kaligiisa dalka ka faa’iiday tartankaas uu martigeliyey waxaane jiro in dalka Imaaraatka Carabta(UAE) oo derisna la ah dalka Qadar inuu si dadban uga faa’iiday tartankaas. Dalka Imaaraatka ayaa soo jiitay dalxiisayaal fara badan waqtigii uu socday tartanka FIFA isagoo aan ku bixin wax lacag ah waxaane dhacday in dad badan oo u socday dawashada koobka adduunka ey la dheceen xeebaha dalka Imaaraatka Carabta . Diyaaradaha ka kicitimay gudaha dalka Imaaraatka Carabta kun socday caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhammeed 120-duulimaad maalintiba.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CUNAQABATEYN KU SOO SOCOTO BAARLAMAANKA…

DOORASHADA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Tan iyo sodonkii bishii Oktoobar-2022-ka dalka Libnaan ma laha Madaxweyne waxaane xilka dalkaasi sii haayo Madaxweyne uu dhammaaday waqti xileedkiisii,Baarlamaanka dalkaasi Libnaan ayaan dhawr mar waxa uu isku dayey inuu doorto Madaxweyne cusub kumana guulaysan,balse hadda arrintu waxa ey u wareegtay dawladaha daneeyo dalkaasi Libnaan. Senitaro sare kana kala tirsan Xisbiyadda Dimuqaraadiga iyo Jamhuuriga ee dalkaasi Maraykanka ayaa maamulka Madaxweyne Biden ugu baaqay in la gaaro go’aan cunaqabateyn lid ku ah Xildhibaanadda Baarlamaanka dalka Libnaan si ey u sameeyaan dawlad cusub iyo dib u habaynta dhaqaalaha si dalka Libnaan uga baxo dhibaatada dhaqaale ee haysta. “Midaas bedelkeeda intaan si sahlan u sugi lahayn dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo dib u habayn,waxaa la joogaa waqtigii uu maamulku fulin lahaay siyaasadda horusocdka”sidaas waxaa laga soo xigtay Senitaro ka kala tirsan Xisbiyadda Dimuqaraadiga Roberto Menedez iyo James Risch oo Jamhuuriga ah,hadalkaas ayey ku qoreen qoraalo ey u kala direen Xogheyeyaasha Arrimaha Dibadda Anthony Blinken iyo Maaliyadda Jenet Yellen ee dalka Maraykanka maanta oo Jimca ah.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SARKAAL LAGU DILAY DALKA URDUN.

BOOLISKA URDUN.

(AMMAN)-Sarkaal sare oo boolis ah iyo laba sarkaal kale ayaa ku dhaawacmay dalka Urdun ka dib markii uu dhexmaray iska horimaad ciidamadda amniga iyo ka dad banaanbaxaayey sicir bararka ku yimid shidaalka dalka Urdun. korneel C/risaaq C/xaafid Al-dalabah ayaa la toogtay lana dilay maalintii shalay oo Khamiis ahayd isagoo wada hadal kula jiro koox wax qaribaysay kana baxday shaciga gudaha magaaladda Maan,sidaas waxaa sheegay agaasimaha guud ee sirdoonka dalka Urdun.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CARUUR KU DHIMATAY QARAX LA DHIGAY….

MIINA BAARAYAASH YEMAN.

(YEMAN)-Qarax dhulka lagu aasay ayaa waxa uu ku qarxay magaala xeebeedka istaraatiijiga ah ee Xudayda dalka Yeman ayaa waxaa ku dhintay seddex qofood oo shacab ah eyna ku jiraan laba caruur ah waxaane ku dhaawacmay hal canug oo kale,miinada qaraxday ayaa waxaa la dhigay wadada aada degmada Xiis waxa eyna qaraxday ka dib markii ey caruurta ku istaageen sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah. Caruurta ku dhimatay qaraxa ayaa kala ah Khalil Wahiib oo 12-jir ah,Saabir Mushar oo 15-jir ah iyo Mustafa Alsheyba oo 35-jir ah waxaane ku dhaawacmay canug kale oo 12-jir ah balse aan la sheegin magaciisa.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAROOKO MARTIGELIN DOONTO…

FANTINO.

(RABAT)-Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka Giano Fantino ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu sheegay in dalka Marooko martigelin doono tartanka Naadiyadda kubadda cagta adduunka ee sannadka-2023-ka,tartankaan ayaa waxaa loo qorsheeyey inuu bilawdo kowda Feberaayo waxa uuna soo dhammaan doonaa 11-ka isla bisha Feberaayo-2023-ka. Dalka Marooko ayaa markii seddexaad martigelinaayo tartanka Naadiyadda kubadda cagta addunka,waxa uuna horay u soo martigeliyey sannadadii 2013 iyo 2014-kii,tartankii ugu dambeeyey waxaa martigeliyey dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) waxaane koobka ku guulaystay Naadiga Chelsea ee dalkaasi Ingiriiska waxa eyna cayaartii kama dambaysta ahayd ka adkaadeen Naadiga Palmeiras ee dalka Brazil waxa eyna uga adkaadeen(2-1). Fantino ayaa sheegay waqti uu caasimadda Qadar ee DOOXA uu ku qabanaayey shir jaraa’id” In golaha FIFA aqbaleen in kor loo qaado tirada Naadiyadda ka qeybgelaayo tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee naadiyadda lana gaarsiiyo ilaa 32-Naadi sannadka-2025-ta.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN AK SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IRAAN OO QABATAY MARKAB SIDAY…

MUUQAALKA MARKABKII LA QABTAY.

(ANKARA)-Dalka Iraan ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay inuu qabtay markab siday shidaal suuqa madaw ah biyaha gacanka Beershiya,markabkaan ayaa waxaa soo qabtay ciidamadda ilaaladda kacaanka ee dalkaasi Iraan(IRGC) waxa eyna ka soo qabteen meel u dhaw Jaziiradda Qeshm sida laga soo xigtay Mojtaba Ghahramani oo ah madaxa garsoorka koonfurta gobolka Hormozgan ee dalka Iraan. Ghahramani oo la hadlay wakaaladda wararka Tsnim ayaa u sheegay in markabku uu siday shidaal dhan 330,000-Liiter oo shidaal suuqa madaw ah,waxaane markabka saaranaay shaqaale dhan 12-qofood waxaane loo wada taxaabay xabsiga mana la sheegin wadamadda ey u kala dhasheen.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ASKERI IRISH AH OO LAGU DILAY…

CIIDAMADDA NABAD ILAALINTA QARAMADA MIDOOBAY EE DALKA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Askeri u dhashay dalka Irland kana tirsan ciidamadda nabad ilaalinta Qaramada Middobay u jooga dalka Libnaan ayaa la dilay shalay oo Arbaca ahayd waxaane la dhaawacay seddex kale ka dib markii rasaas lagu furay kolonyo ciidamadda nabad ilaalinta Qaramada Middobay ee jooga dalka Libnaan,ciidamadaan la weeray ayaa watay laba baabuur waxa eyna tiradooda ahayd sideed askeri waxa eyna ka soo ambabexeen koonfurta dalka Libnaan ayagoo ku soo wajahnaay caasimadda Beyruut,waxaane rasaasta huwiyey dad saarnaay baabur yar oo soo dhinac maray baabuurta waday askarta nabad ilaalinta Qaramada Midoobay,sidaas waxaa lagu daabacay barta Twitter-ka ee wasaaradda difaaca Irland.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AMNI SUGE KU GEERIYOODAY QADAR.

GAROONKA LUSAIL.

(DOHA)-Nin ka mida xoogsatada ka shaqeysata dalka Qadar ayaa waxa uu ku geeriyooday garoonkii shalay eey ka dhacday cayaartii Sem-final-ka ahayd ee Luu Sayl ka dib markii uu ka soo dhacay joog sare oo garoonka ah halkaas uu ilaalinaayey. John Njau Kibue ayaa ahaay nin amniga ilaalliyo gaar ahaan garoonka ey ka dheceysay cayaarta Semi-Finalka “Waxaan doonaynaa inaan helno jawaab la xiriirto arrimaha ku xeeran dhiamshadiisa”sidaas waxaa tiri gabar la dhalatay John Njau Kibue. John waa 24-jir u dhashay dalka Kenya una xoogsi tegay dalka Qadar waxa uuna geeriyooday isagoo gudanaayo shaqadiisa taasoo ahayd ilaalinta amniga garoomadda ey ka dhacayaan cayaaraha koobka kubadda cagta adduunka ee sannadkaan 2022-da kana socdo dalka Qadar.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYRADI KU DHACDAY LOCKERBIE OO DACWADEEDA…

PAN MAERICAN.

(QAHIRA)-Mid ka mida raga hogaanka dalka Liibiya kula tartamaayo Reysal Wasaare C/xamiid Dabeib ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu baaq u diray dawladda Maraykanka baaqaaso uu kaga codsanaayo in la sii daayo sarkaalka ka tirsan sirdoonka dalka Liibiya kaaso loo haysto inuu bambo ku qarxiyey diyaaradda laga lahaay dalka Maraykanka ee Pan America waqti ey ku jirtay duulimaadka tirsigiisu yahay 103,waxa eyna diyaaradu ku dul burburtay Lockerbie ee Scotlanda sannadkii 1988-dii. Diyaaradda burburtay ayaa waxaa ku dhintay dhammaan dadkii saarnaay oo ma jirto cid ka badbaaday,sarkaalka ka tirsan sirdoonka Liibiya ayaa hadda maxkamad uga socotaa dalka Maraykanka.

ISHA WARKAAP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

7,245-CARUURA AYAA KU NAAFOOBAY DAGAALKA YEMAN.

HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA YEMAN.

(QAAHIRA)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay maalintii Khamiist ahayd ee la soo dhaafay in ugu yaraan 3,774-caruur reer Yaman ah lagu dilay gudaha dalkaasi Yeman uu ka socdo dagaal sokeeye,tirakoobkaan ayaa la sameeyey inta u dhexeysay Maarso-2015-kii ilaa Sebtembar-1022-ka. Marka loo eego tirkoobkii ugu dambeeyey ey soo saartay Qaramada Midoobay xafiiskeeda qaabilsan caruurta(UNICEF) ayaa lagu xusay in ka badan 7,245-caruur ah ey ku naafoobeen dagaalka dalka Yeman,dagaalkan ayaa waxaa gadaal ka riixaayo dalka Iraan oo taageero kooxda Xuutiyiinta oo ka soo horjeedo xulafada uu hogaamiyo dalka Sacuudiga oo taageereyso dawladda sharciga ee dalka Yemen ee uu adduunka aqoonsan yahay.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAACISH LAGU DILAY SUURIYA.

DIYAARADA MARAYKANKA EE DISHAY DAACISH.

(ISTANBUL)-alka Suuriya waxaa weli ku dhuumaaleysanayo haraagii kooxda Daacish kuwaaso lagu jebiyey dagaalkii ey la galeen isbahaysigii uu hogaaminaayey Maraykanka,hadaba laba sarlaak oo ka tirsan kooxda Daacish ayaa lagu dilay weerar ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka waxa uuna weerarka dhacay maanta oo Axad ah. Gobolka Anas ayaa ah halka eey kooxda Daacish saldhiga ka dhigatay,waxa eyna kooxda gobolkaan ka gaysatay weeraro ey ku dhinteen dad aad u fara badan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAA’IILI KA BAXSADAY DALKA QADAR.

HOCHMAN OO KA BAXSADAY QADAR.

(DOHA)-Askeri hore oo reer Israel ah Guy Hochman ayaa maalintii Isniinta waxa uu ka baxsaday dalka Qadar ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Video ka hadlaayo waxyaabihii uu horay u soo sameeyey iyo ka qeybgalkiisii ciidamada Israel kuwaso dilay kumaan kun oo reer Falastiin ah. Askeriga reer Israel Hochman ayaa dalka Qadar u yimid inuu ka bandhigo Riwaayad iyo isagoo ujeedkiisu ahaay inuu duubo Video Qosol badan. Mid ka mida Video-yadiisa uu dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay inuu u safri doono dalka Qadar si uu halkaas ugu sameeyo Riwaayad ka hadleyso nabada laakinse gabar saxafiyad ah haysatana dhalashada dalka Maraykanka asalkeedu yahay Falastiin lana yiraahdo Samra Dahmash-Jarrah ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay Video ka hadlaayo waxyaabahii uu Hochman soo sameeyey waqtigii uu ka tirsanaay ciidamadda Israel.

ISHA WARKA MEM.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERAR ASKAR LAGU DILAY OO KA DHACAY…

BABAL YAMAN.

(YEMAN)-Wararka ka imaanaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in laba askeri kana tirsan ciidamadda dalka Yeman lagu dilay weerar jid gal ah ayagoo la socdeen kolonyo Qaramadda Midoobay ah bariga dalka Yeman, sidaas waxaa sheegtay Qaramada Midoobe maanta oo Sabti ah. Marka loo fiiriyo qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay xafiiskeeda u qaabilsan arrimaha muhaajiriinta haweeneyda afhayeenka u ah ayaa tiri”Waxaa dhintay laba askeri ayagoo gelbinaayo kolonyo Qaramada Midoobay ah oo u safraayey Galbeedka dalka Yeman,kolonyada ayaa ka soo baxday caasimadda Gobolka Xadarmuut ee Seyuun kuna socotay gobolka Ma’arib mana jirto cid kale oo wax ku noqotay weerarkaas gaadmada ahaay”.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SEDDEX SANO IYO BAR LOOGU DARAY…

KUWII DILAY GEORGE FLOYD.

(MINNEAPOLIS)-Gobolka Minnesota magaaladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa sarkaal hore oo ka tirsanaay booliska gobolkaas loo kordhiyey xabsiga ka dib markii uu qeyb ka noqday dilkii loo gaystay George Floyed, sarkaalkan ayaa qaarka dambe kaga fadhiistay George markii uu dhimanaayey halka sarkaal kale uu kaga fadhiyey Qoorta sidaasne uu ku geeriyooday George Floyd, arrintan ayaa dalka Maraykanka iyo guud adduunka waxa ey ka dhalisay kacdoon xoog leh loogana soo horjeedo booliska dalkaasi Maraykanka.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More