MAROOKO MARTIGELIN DOONTO…

FANTINO.

(RABAT)-Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka Giano Fantino ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu sheegay in dalka Marooko martigelin doono tartanka Naadiyadda kubadda cagta adduunka ee sannadka-2023-ka,tartankaan ayaa waxaa loo qorsheeyey inuu bilawdo kowda Feberaayo waxa uuna soo dhammaan doonaa 11-ka isla bisha Feberaayo-2023-ka. Dalka Marooko ayaa markii seddexaad martigelinaayo tartanka Naadiyadda kubadda cagta addunka,waxa uuna horay u soo martigeliyey sannadadii 2013 iyo 2014-kii,tartankii ugu dambeeyey waxaa martigeliyey dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) waxaane koobka ku guulaystay Naadiga Chelsea ee dalkaasi Ingiriiska waxa eyna cayaartii kama dambaysta ahayd ka adkaadeen Naadiga Palmeiras ee dalka Brazil waxa eyna uga adkaadeen(2-1). Fantino ayaa sheegay waqti uu caasimadda Qadar ee DOOXA uu ku qabanaayey shir jaraa’id” In golaha FIFA aqbaleen in kor loo qaado tirada Naadiyadda ka qeybgelaayo tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee naadiyadda lana gaarsiiyo ilaa 32-Naadi sannadka-2025-ta.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN AK SII AKHRI.

Previous
Previous

CARUUR KU DHIMATAY QARAX LA DHIGAY….

Next
Next

IRAAN OO QABATAY MARKAB SIDAY…