Ahmed Hussein Ahmed Hussein

EADAMADDA KHALIIJKA IYO SHIINAHA.

SHIINAHA IYO KHALIIJKA.

(RIYAD)-Dhaxal sugaha dalka Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in wadamadda Gacanka ey qorsheynayaan ineey wada shaqeyn buuxda kala yeeshaan dalka Shiinaha arrimaha la xiriiro tartanka caalamiga ah ee ka dhexeeyo quwadaha adduunka eyna ka mid tahay Tamarta. Maxamed Bin Salmaan oo ka hadlaayey furitaanka shirka u dhexeey wadamadda Khaliijka iyo dalka Shiinaha ee ka furmay magaladda Caasimadda ah ee Riyaad ayaa sheegay in iskaashi dhexmaro wadamadda Gacanka iyo Shiinha uu yahay mid horumar lagu gaari karo.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARAATKA CARABTA OO DOOR KA QAATAY…

BRITTY.

(DUBAI)-Dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE)ayaa sahlay in la sii adaayo cayaaryahanada ciyaarta kubadda kolayga ee u dhalatay dalkaasi Maraykanka Britty Griner taaso ku xirneed gudaha dalka Ruushka,sidaas waxaa maanta oo Khamiis ah sheegay Madaxweyne Joe Biden. Cayaaryahanadaan ayaa la sii dayey ka dib markii eey dhacday is dhaafsi dhinaca maxaabista ah oo dhexemaray dalalka Maraykanka iyo Ruushka eyna garwadeen ka ahayd dawladda Imaaratka Carabta Midoobay. Dalka Maraykanka ayaa waxaa ku xirnaay nin dalaal ka ahaay hubka lana yiraahdo Viktor Bout, ninkaan ayey dawladda Maraykanka ku xukuntay xabsi dhan 25-sano.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIIBIYA OO YEELAN DOONO..

AQALKA WAKIILADA LIIBIYA.

(TRIPOLI)-Baarlamaanka dalka Liibiya ayaa ansixiyey in la dhiso Maxkamada Dastuuriga ah ee dalka Liibiya si loo dejiyo siyaasadda dalkaasi Liibiya oo in muddo ah kacsaneed siyaasadiisa iyo joojinta dagaalka halakeeyey dalkaasi Liibiya. Maanta oo Talaada ah aqalka wakiiladda dalka Liibiya uu fadhigiisu yahay Bariga dalkaasi ayaa ansixiyey in la dhiso Maxkamad Dastuuri ah ka dib markii loo qaaday cod si kastaba arrintaan cusub ayaa keeni karta inuu dhaco iska hor imaada dhex mara labada kooxood ee isku haayo talada dalkaasi,kooxda fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli ayaan marnaba ogleyn arrintaan ey wadaan kooxda iyaga ka soo horjeedo.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA SACUUDIGA OO XUKUN KU RIDAY…

(RIYAD)-Tan iyo markii Maxamed Bin Salmaan loo magacaabay inuu noqdo dhaxal sugaha dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa shacabka Sacuudiga iyo siyaasiyiintisa,maalqabeenadiisa waxaa soo food saaray cadaadis aan kala go’o lahayn kagana imaanaay dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan,waxaane dhacday in dibadda iyo gudaha Sacuudiga lagu ugaarsado cid walba oo ka fikir duwan dhaxal suge Maxamed,hadaba nin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dumarka Sacuudiga ayaa waxaa lagu xukumay 17-sano oo rarig ah inkaatoo uu dhammaystay xukunkiisa horaanta sannadkaan-2022-ka lana baabi’iyey laba sano oo xarig ahayd lana xiriirtay edeymaha ah inuu u dhaqdhaqaaqo isla markaasne difaaco xuquuqda dumarka dalka Boqortooyada Sacuudiga.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XATOOYADII QARNIGA EE DALKA CIRAAQ.

TAIF SAMI WASIIRADDA MAALIYADDA CIRAAQ.

(BAQDAD)-Dalka Ciraaq waxaa ka dhacay xatooyo aan horay loogu arkin dalkaasi Ciraaq waxaane xatooyadaas gaystay masuuliyiin reer Ciraaq ah oo si farsameysasn isu daba mariyey lacag aad u fara badan,hadaba shabakad saraakiil reer Ciraaq ah kana dhex shaqeeyo hayadaha dawladda Ciraaq ayna ka mid yihiin Haydda Canshuuraha iyo Hayadda la dagaalanka Musus-Maasuqa ayaa baaritaan lagu sameyey ayagoo lagu edeynaayo ineey xadeen lacag gaareyso ilaa Balaayiin Diinaarka reer Ciraaq ah waxa eyna lacagtaasi ka xadeen xisaabaadka canshuurta ey leeyihiin Shirkadaha Caalamiga ah ee Shidaalka,sidaas waxaa ogaaday soona bandgigay Wargayska ‘MIDDLE EAST EYE’ ee fadhigiisu yahay London.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXWEYNAH ISRAEL OO GAARAY…

MW-ISRAA’IIL.

(QUDUS)-Madaxweynaha Israel Isaaq Herzog ayaa booqasho rasmi ah waxa uu ku gaaray caasimadda dalka Imaaraatka Carabta ee Dubai maanta oo Isniin ah.Madaxweyn Hergoz ayaa waxaa garoobka diyaaradaha ee Dubai ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Imaaraatka Carabta Sheekh Cabdallah Bin Zayed Alnahyan. War ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Hergoz uu hadal ka jeedin doono”Abu Dabai Space Debate”kaaso ka furmay caasimadda dalka Imaaraatka Carabta ee Dubai maanta oo Isniin ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

UN-KA OO TABABARAYO GARSORAYAASHA REER…

(UN)-Marka laga hadlaayo dalka Ciraaq waxa aan xusuusaneynaa in dalkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey dawladdii Ciraaq ee uu hogaminaayey Sadaam Xuseen iyo xulufadii uu hogaaminaayey Maraykanka,dhammadkii dagaalkaas waxa ka dhashay kooxo xagjira ah sida kooxda Daacish kuna faaftay dalalka Ciraaq iyo Suuriya kooxdaan ayaa la baxday DAACISH,kooxdaan ayaa labadaas dal waxa ey ka gaysteen dembiyo aad u fool xun lidna ku ah bani’aadanimada,hadaba Qaramada Midoobay ayaa hadda waxa ey tababar soconaayo todobaad siinaysaa garsoorayaasha iyo dacwad oogayaasha reer Ciraaq. Tababarkaan ey bixinayso Qaramada Midoobay ayaa ku saabsan sharciyada la xiriiro dembiyadda caalamiga ah sida dembiyada ey galaan kooxaha argagixisada(DAACISH/ALQAACIDDA), dembiyadda dagaalka iyo dembiyadda lidka ku ah bani’aadamka.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GEN.C/FATAAX AL-BURHAN OO BALAN QAADAY..

GEN.C/FATAAX AL-BURHAN.

KHARTUUM)-Tan iyo markii xukunka dalka Suudaan laga tuuray Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir dalkaasi ma uusan yeelan xukuumad la isku raacsan yahay waxaane dalka Suudaan taladiisa haayey ciidamo uu hogaaminaayo Gen.C/fataax Al-burhan,waxaane dhawr mar la isku dayey in dalka Suudaan uu yeesho dawlad Rayid ah shacabkana soo doortaan balse ma eysan suurtagelin. Taliyaha ciidamadda dalka Suudaan Gen.C/fataax Al-burhan ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu balan qaaday inuu qabanaayo doorashada dalka Suudaan dhammaadka waqtiga ku meel gaarka ah. Gen.C/fataax ayaa sameeyey balanqaadka waqti lagu gudajiray xafladda saxiixa qaab dhismeedka afgarashada u dhexeyso golaha madax banaanida ee hadda xukunta dalkaasi Suudaan iyo kooxaha siyaasiyiinta reer Suudaan kana soo horjeedo ciidamadda talada dalka Suudaan iska haysta.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA MARAYKANKA OO QABTAY…

DOONTII WADAY HUBKA SAWIRKEEDA.

(ISTANBUL)-Ciidamadda dalka Maraykanka ayaa sheegay ineey qabteen doon kalluumaysi taaso shaqbaqyadii kalluunka laga soo buuxiyey saanad hub ah,doonta ayaa ka soo baxda dalka Iraan waxa eyna ku socotay dalkaasi Yaman. Qoraal ka soo baxay ciidamadda badda Maraykanka ee saldhigoodu yahay dalkam Baxrayn ayaa sheegay in doonta lagu qabtay gacanka Cadmed bishaan Diseembar-2022-ka,doonta ayaa waday 50-tan oo rasaas ah,7-kun fiyuusyada loo isticmaalo gantaaladda iyo in ka badan 2100-kiilogaraam oo ah hawa mareen loo adeegsado in laga tuuro Baazuukaha,waa markii labaad ey ciidamadda badda Maraykanka qabtaan hub u socday dalka Yaman.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIRAAQ OO DIB LOOGU SOO…

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA CIRAAQ FU’AAD XUSEEN.

(BAQDAD)-Dalka Ciraaq ayaa dib u helay in ka badan 18-kun oo ah waxyaabaha farshaxanka ah oo laga xaday dalkaasi Ciraaq,sidaas waxaa sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Ciraaq maanta oo Axad ah.”Xukuumada Ciraaq ayaa sameysay dadaal badan ey ku joojinayso hawlgaladda looga soo horjeedo curyaaminta xatooyada waxyaabaha taariikhiga ah ee dalka Ciraaq looga qaaday si aan sharci ahayn ayaa dib loogu soo celiyey dalka Ciraaq”sidaas waxaa sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ciraaq Fu’aad Xuseen.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

UN-KA OO UGU BAAQAY SACUUDIGA…

SACUUDIGA.

(UN)-Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dalka Boqortooyada Sacuudiga ineey si deg deg ah u joojiso xukunadda dilka ah ee lagu fuliyo dadka lagu soo qabto Daroogada waxaane kor u kacday tirada dadka loo dilay arrinta Daroogada. Gudaha dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa la rumaysan yahay in si dhaqsi ah loo toogan doono nin u dhashay dalka Urdun kaaso maxakamadi ey ku xukuntay dil toogasha ah ka dib markii lagu soo qabtay Daroogo.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIBNAAN OO AAN LAHAYN…

BAARLAMAANKA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Xildhibaanada baarlamaanka dalka Libnaan ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ey markii 8-aad ku guuldareysteen ineey doortaan Madaxweyne cusub uu yeesho dalka Libnaan,waxa uuna dalka Libnaan hadda ku jiraa xaalad siyaasaded oo aad u adag waayo waqtig xileedka Madaxweynaha xilka haayo hadda Misheel Cawn kaaso ku ekaay 30/10/22-ka welina lama dooran Madaxweyne cusub,doorashadii dhacday maanta ayaa waxaa soo xaadiray 111-xildhibaan waxaane baaqday 17-xildhibaan. Misheel Moawad oo ah musharax Madaxweyne ayaa waxaa wato xisbiga ciimadda Libnaan waxa uuna helay 37-cod waxaane looga baahnaay inuu helo 52-cod si uu ugu guulaysto wareega 1-aad ee u codaynta xilka Madaxweynaha.

ISHA WARKAAA.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAREEN MARAYKAN AH OO KU DHEGAN….

MAXAMED BIN SALMAAN.

(USA)-Qareen Maraykan ah lana yiraahdo Cengiz ayaa dhaxal sugaha dalka Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku eedeeyey inuu isku dayaayo inuu siduu doono ka yeelo nidaamka cadalaadda dalka Maraykanka ka dib markii maamulka Madaxweyne Biden uu ku cadeeyey dukumEnti uu soo saaray in Maxamed Bin Salmaan uu siin doono difaac dhinaca sharciga ah waayo Maxamed Bin Salmaan ayaa ku eedeysan dilka saxafi u dhashay Sacuudiga(JAMAAL KHASHOGGI) mucaaradne ku ahaay Maxamed Bin Salmaan lagu dhex dilay safaaradda Sacuudiga ee dalkaasi Turkiga.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARAATKA OO XABSIGA U TAXAABAY….

SHARIIF.

(DUBAI)-Shariif Cismaan waa sarkaal hore oo ka tirsanaay ciidamadda dalka Masar haystana dhalashada dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu xiray dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) bishaan Noofembar-2022-ka sida ey sheegeen masuuliyiinta Imaaraatka Carabta,waxaane laga yaabaa in Shariif Cismaan uu wajahi doono in loo tarxiilo dalka Masar uu asal ahaan ka soo jeedo. Xiriga Shariif Cismaan ayaa lala xiriirinaa inuu ka yimid isku duwaha urur carbeed ayna ka mid yihiin dalal carbeed hayadahooda amniga sidaas waxaa laga soo xigtay Waragayska”WALL STREET JOURNAL”,Shariif Cismaan ayaa ah nin si aad ah uga soo horjeedo Madaxweynaha dalka Masar Al-sisi iyo kaalmada dalka Maraykanka uu siiyo dalkaasi Masar,waxa uuna Shariif ka mid ahaay dadkii ku banaanbaxay shirkii looga hadlaay isbedelka cimilada ee ka dhacay magaaladda Sharma shiikh ee dalkaasi Masar(COP27).

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WAXYAABO TAARIIKHI AH OO LAGA….

WAXYAABIHII YAMAN LAGA SOO XADAY.

(UK)-Suuq wax lagu kala gato kuna yaalo dalka Ingiriiska ayaa lagu arkay waxyaabo aad u dhaldhalaalayo oo aad u da’aweyn laguna beecinaayo suuqaas, baarayaashu ayaa waxyaabahaas ku sheegay ineey tahay mid u eg nuuca alaabo laga soo xaday dalka Yaman ka dib markii qolada wax ku beecinayso suuqa aysan siin wax calaamad oo muujinaayo amaba lagu aqoonsan karo asalka halka ey alaabadasi ka timid. Arrintaan ayaa tooshka ku shiday isuuqaan yahay mid iibiyo waxyaabaha taariikhiga ah ee la soo xaday kuwaaso si joogta ah u kobcaayo inkasto juhdiga caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu xakameeyo beecinta waxyaabaha taariikhiga ah ee la soo xado in lagu iibiyo Suuqyada caalamka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY…

CIIDAMADDA BOOLISKA SOOMALIYA.

(MUQDISHO)-Kooxda Argagixisada Alshabaab ee gacan saarka la leh kooxda Al-Qaacida ayaa weerartay Hotel caan ah kuna yaalo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya,weerarka ayaa waxaa ku dhintay sideed qofood oo shacab ah kuna sugnaay Hotel-ka waqtiga uu dhacaayey weerarka,dadka ku dhintay weerarka ayaa waxaa ka mid ahaay dad asalkoodu yahay Soomaali balse haystay dhalashada dalkaasi Ingiriiska,sidaas waxaa sheegay afhayeenka booliska Soomaaliyeed G/le.Doodishe iyo qaar ka mida ehelka dadkoodu ey geeriyoodeen weerarka. Kooxaha soo qaaday weerarka ayaa ka koobnaay lix qofood waxaane ismiidaamiyey hal ka mida shantii soo hartayne waxaa toogasho ku dilay ciidamada amaanka Dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMEN OO LAGU DILAY SARKAAL SARE.

CIIDAMADDA YAMAN.

(SANA’A)-Dalka Yaman waxaa weli ka socdo dagaal u dhexeeyo kooxda Xuutiyiinta iyo xukuumadda sharciga ah ee caalamka aqoonsan yahay,Xuutiyiinta waxaa saldhig u ah caasimadda Sanca halka xukuumadda sharciga fadhigeedu yahay caasimadda ganacsiga ee Cadan,hadaba koonfurta Yaman ayaa waxaa ka jiro gole loogu magac daray Golaha ku meel gaarka ah ee gooni isu taaga koonfurta Yaman(STC),golahaan ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay in la dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Yaman ka dib markii uu bam kula qarxay koonfurta gobolka Sahbwa. Qoraal ka soo baxay golaha uu ka mid yahay Wasiiska Difaaca ayaa sheegay in G/Le.Saalim Jabwani ku waayey naftisa qarax ka dhacay degmada Al-Saciid ee Galbeed gobolka Shabwa.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAWLGAL KA DHACAY WAQOOYIGA CIRAAQ.

HAWLGAL TURKIGU KA FULIYEY WAQOOYIGA CIRAAQ.

(HAKKARI)-Ciidamadda amaanka dalka Turkiga ayaa ah kuwa ka sameeyo hawlgalo isbada joog ah xuduudyada ey la leedahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya,hawlgaladaan ayuu Turkiga ku baacsadaa kooxo uu aqoonsan yahay ineey yihiin aragagixiso sida kooxda PKK,hadaba ciidamada Turkiga ayaa ku guulaystay ineey 13-qofoof ka soo saaraan kooxda PKK ka dib markii uu dhexmaray wada hadal labadii maalmood ee la soo dhaafay ayadoo uu hawlgal ka socdo xuduuda Turkigu la leeyahay dalka Ciraaq ,sidaas waxaa sheegay wasiirka difaac qaranka Turkiga maanta oo Axad ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA “PRICE TAG”OO GUBAY BAABUUR.

SAWIRKA BAABUURTII LA GUBAY.

(QUDUS)-Dhulka reer Falastiin waxaa mar kasta la soo dejiyaa Yahuud laga kala keenay caalamka daafihiisa kuwaaso lagu beero dhulkaas,hadaba Yuhuudaas la soo dejiyey dhulka reer Falastiin ayaa waxa ey gubeen baabuur ey leeyihiin dad Falastiiniyiin ah waxa eyna ku buufiyeen kulana feegaareen qoraalo muujinaayo Nacayb maanta oo Jimca ah,arrintaan ayaa waxa ey ka dhacday magaalooyinka Abu Goosha iyo Ceyn Naqab ee galbeedka Qudus. Waxaa dab la qabadsiiyey baabbur ey leeyihiin dad Falastiiniyiin ah waxaane la dilaaciyey lugaha baabuurta,waxaane sameeysmay koox Yahuud ah lana magac baxday”PRICE TAG” oo si aad ah u xagjirta.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAXYO KA DHACAY…

QARAXII KA DHACAY QUDUS.

(QUDUS)-Laba qarax ayaa ka dhacay meel uu istaago baska magaaladda Qudus waqti ey dadka u kala ordaayeen shaqada shalay oo Arbaca ahayd, qaraxyadaas ayaa waxaa ku geeriyooday qof dhallinyara ah ahne Yuhuud reer Kanada ah,waxaane la soo sheegay ineey ku dhaawacmeen ugu yaraan dada gaaraayo 18-qofood oo kale, sida uu sheegay booliska weerarka loo adeegsaday qaraxa ayaa waxaa gaystay dad Falastiiniyiin ah.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More