Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO SHEEGTAY INEY SII DEYN DOONTO..

CALAA CABDULFATAAX.

(QAHIRO)-Dawladda Masar ayaa ku dhawaaqday waqti damnbe maanta oo khamiis ah ineey sii deyn doonto 30-qofood oo u xirnaay siyaasad,dadkaan ayaa la wada xiray ka dib markii ey dawladda Masar qaaday olole aad culus oo lagu soo xirxiraayo siyaasiyiinta ka aragtida duwan Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi,dadka xiray qaarkood ayaa ahaay kuwa u dooda xuququl insaanka. Xiritaanka lagula kacay dadka kala gedisan ey sameeysay xukuumadda Masar ayaa sababay in dawladaha caalamka kuwooda ugu awooda roon ineey soo farageliyaan arrintaan ka socoto dalka Masar waxa eyna taasi sababtay in xukuumadda Masar qaado talaabadaan ey ku sii deyneyso dadkaan u xirnaay siyaasada mana jirto cid xabsiga ka soo baxday oo lagu arkay banaanka ilaa waqtigaan aan qoraayo warbixintaan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

INGIRIISKA OO KA HADLAY…

WASIIR TARIQ AXMED.

(LONDON)-Wasiirka dalka Ingiriiska(UK) u qaabilsan arrimaha bariga dhexe ayaa ugu baaqay dalka Boqortooyada Sacuudiga uguna cel-celiyey in Ingiriiska “SI ADAG U DIFAACAAYO”kana soo horjeedo xukunada dilka ah,waxa uuna Wasiirku sidaas ka sheegay aqalka Boqortooyada Ingiriiska maanta oo Khamiis ah. Faalada uu bixiyey Wasiirul Dawalaha Ingiriiska u qaabilsan bariga dhexe Taariq Axmed oo daba socotay dil ey fulisay Boqortooyada Sacuudiga kuna fulisay 17-qofood labadii todobaad ee la soo dhaafay,dilalkaas la fuliyey ayaa lagu fuliyey dad ku edeysanaay ineey galeen dembiyo la xiriiro Daroogada,Wasiirka ayaa sheegay inuu jiray balanqaadyo horay loo siiyey Ingiriiska mana ahayn ayuu yiri Wasiirku in la dulsaaro xukuno dil ah sida dembiyadaan.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XATOOYADII QARNIGA..

SAWIRKA JEEGAGII LAGU DHACAY LACAGTA.

(CIRAAQ)-Waxa aan in badan aragnaa amaba maqalnaa ayadoo la leeyahay Hanti Dhawraha Qaranka ayaa ku dhegan Wasaaradda Maaliyadda sabab la xiriirto ineey jiraan wax isdabamarin dhinaca Maaliyadda ah,warkii ugu dambeeyey ee laga helay Hanti Dhawraha Qaranka(Afgoye) ayuu kaga hadlay xisaab xirka dawladda sannadkii 2021-kii iyo lacaga kale oo deeq ah oo aan la aqoon halka eey mareen,hadaba dalka Ciraaq kana mida wadamada uu la haray dagaalka ayaa laga helay warbixin sir ah taaso soo gaartay Wargayska wax ka qoro arrimaha Bariga dhexe lana yiraahdo MIDDLE EAST EYE ayaa shaaca ka qaaday kana bixisay tafaasiil adag kuna saabsan lacag lagu xaday qaab Jeegag ah,lacagta loo xaday qaabkaan ayaa gaareyso Triliyaan Diinaar,dhacaan lacageed ayaa waxa uu ka dhacay Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Ciraaq,dhacaan lacageed kana dhacay dalka Ciraaq ayaa gudaha Ciraaq looga yaqaanaa”XATOOYADII QARNIGA”.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KOOXAHA PKK/YPG OO WEERARAY…

GOOBIHII UU KU SOO DHACAY GENTAALKA.

(AZAZ)-Ugu yaraan seddex qofood oo shacab ah ayaa ku geeriyootay Waqooyi-Galbeed dalka Suuriya maanta oo Talaada ah ka dib markii uu ku soo dhacay gentaal ey soo rideen kooxaha PKK/YPG kuwaaso dalka Turkiga u aqoonsan yahay ineey yihiin argagixiso,weerarkaan ayaa waxaa ku dhawwacmay dad gaaraayo sideed qofood oo kale waxa uuna weerarka ka dhacay degmada AZAZ.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TIRADA CARUURTA KU DHIMATAY YEMEN.

CARUURTA DALKA YEMEN.

(YEMEN)-Dalka yemen waxa uu ka mid yahay dalalka uu ka dhacay kacdoonka ka dhacay wadamadda Carabta sannadkii 2010-kii,waxa uuna xukunkii dalkaasi gacanta u galay koox la yiraahdo Xuutiyiinta kuwaaso gacan saar la leh dalka Iraan,kooxdaan ayaa gacanta ku hayso waqooyiga dalka Yemen,dagaalkaan ka socdo Yemen ayaa waxa uu galaaftay kumaan dad ah eyna ka mid yihiin caruur,warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in 92- caruur ah ey ku geeriyoodeen dalkaasi Yemen inta u dhexeyso 1/1/22 ilaa 15/11/22-ka waxaane ku dhaaawacmay caruur dhan 241-caruur ah,waxaa sidaas shalay oo Aaxad ahayd sheegtay hayadda caalamiga ah ee SAVE THE CHILDREN.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KURDIYIINTA SUURIYA OO GANTAALO..

MEYDADKII DADKII EY DILEEN DIYAARADAHA TURKIGA.

(ANKARA)-Maleeshiyaad lagu tuhmaayo ineey yihiin Kurdiyiinta reer Suriya ayaa gentaalo ku tuuray xuduuda u dhexeeyso labada dal ee Turkiga iyo Suuriya maanta oo Isniin ah,gentaaladaas lagu tuuray dhulka Turkiga ayaa waxa uu ugu yaraan ku dhintay laba qofood waxaane ku dhaawacmay toban kale,sida ey sheegeen masuuliyiinta Turkiga. Weerarkaan gentaalka loo adeegsaday ayaa waxa uu jawaab u yahay weerar ey qaadeen ciidamadda cirka ee dalka Turkiga weerarkaas ayaa lagu bartimaameedsaday maleeshiyaad Kurdiyiin ah kuna kala sugan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YAMAN IYO QARAMADA MIDOBAY OO GAARAY…

MARKABKA SAAFIR.

(YEMEN)-Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa sheegay ineey ogolaadeen in Qaramada Midoobay u raadiso xal kamadambaysa ah markab qaada shidaalka oo in mudda ah ku sugnaay dekadda Xudayda ee galbeedka dalkaasi Yemen.”Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday in markabka Safer oo in mudda ah yiilay dekadda Xudayda qaadi doonaan”sidaas waxaa laga soo xigtay sarkaal sare oo tirsan hogaanka Xuutiyinta Yemen waane Zayd Al-washli mar uu la hadlaayey Tv-ga ey maamulaan Xuutiyiinta ee Al-Masiirah. Markabkaan SFO Safer ayaa siday shidaal dhan 11-milyan barmiil mana uusan helin dayactir tan iyo sannadkii 2015-kii.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAEL OO WEERARTAY DALKA SUURIYA.

DIYAARADAHA DAGAALKA ISRAEL.

(BEIRUT)-Ciidamadda cirka ee Israel ayaa weerar ku qaaday bartamha iyo goboladda xeebaha ee dalkaasi Suuriya maanta oo Sabti ah,weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday afar askeri waxane ku dhaawacmay mid kale,sidaas waxaa sheegay ciidamadda militeriga dalka Suuriya. Warbaahinta ey maamusho xukuumadda Suuriya ayaa war ey ka soo xigatay sarakiil aan la sheegin magacyadooda kana tirsan ciidamadda militeriga Suuriya ineey sheegeen in diyaaradaha dagaalka ee Israel ku dul duulaayeen badda Miditereniyanka ey soo rideen gentaalada ku soo dhacay fadiyada militeriga Suuriya ey ku leeyihiin bartamaha iyo gobolada xeebta ee dalkaasi Suuriya.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXABIIS KU DHIMATAY XABSIYADA MASAR.

XABSIGA BADR.

(QAHIRA)-Dalka Masar maxbuus u xirnaay xukuumadda Masar ayaa ku dhex geeriyooday xabsiga sabab la xiriirta daryeel la’aan caafimaad,in ka yar 24-saac ayaa waxaa xabsiga ku dhintay maxbuus kale oo isna u xirnaay dawladda Masar si la mida sababtii uu u dhintay maxbuuskii hore oo ahayd daryeel la’aan caafimaad oo ka jirta gudaha xabsiga,sidaas waxaa laga soo xigtay koox u dooda xuquuqda bani’aadanka. Qoyska Majdi Cabdul Al-Shabraawi 58-jir ah ayaa ku xirnaay xabsiga Badr kaaso 70km u jira magaaladda caasimadda ah ee Qaahira,qoyska Majdi ayaa lagu wargeliyey dhimashada Majdi maalintii Isniinta ahayad ee ina soo dhaaftay sidaasne waxaa sheegtay shabakada u dooda xuquuqul insaanka ee ka dhisan dalka Masar(ENHR).

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MEYDAD LAGA HELAY XERADA..

XERADA LAGA HELAY MEYDADKA.

(SYRIA)-Meydadka laba gabdhood oo u dhashay dalka Masar ayaa la helay maanta oo Talaada ah,meydadka ayaa bilqanaay gudaha xero ku taalo waqooyi-bari dalka Suuriya,xerada ayaa waxaa ku dhex yaalo guryo ka samaysan teendhooyin ayna ku nool yihiin kumanaan dumar iyo caruur kuwaaso lala xiriirinaayo kooxaha Daacish iyo mucaaradka Suuriya sidaas waxaa laga soo xigtay masuuliyiinta degaanka. Labadaan gabdhood ayaa la la’aay in muddo ah oo waxaa xerada ka socday baadigoobkooda waxaane la sheegaa in laga helay meydkooda halka ey maraan biyaha ka yimaado musqulaha xerada ka dibne la keenay banaanka xerada si dadku u arkaan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WADAMADA BARIGA DHEXE EE U TACSIYEYEY TURKIGA.

TACSIDII LOO DIRAY DADKII KU DHINTAY WEERARKII ISTANBUL.

(ANKARA)-Wadamadda dhaca mandiqadda Bariga Dhexe ayaa si aad ah waxa eey u cambaareeyeen weerarkii aragagixiso ee shalay oo Axad ahayd ka dhacay magaaladda Istanbul ee dalkaasi Turkiga,weerarkaas dhacay shalay ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa lix qofood waxaane ku dhaawacmay 81-qofood oo kale sida ey sheegtay dawladda Turkiga. Wadamadda ku yaalo bariga dhexe ee sida aadka ah u cambaareeyey weerarki aragagixisada ku qaaday Istanbul ayaa waxaa ka mid ah{URDUN,SACUUDIGA,IMAARAATKA,BAXRAYN,QADAR,KUWEYT, MASAR,LIBNAN,FALASTIN IYO YEMEN},dalalka kale ee ayagana u soo tacsiyeyey dalka Turkiga ayaa waxaa ka mida Soomaaliya,Suudaan iyo Aljeeriya.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXA CIIDAMADDA SUUDAAN OO…

(SUDAN)-Madaxa golaha ciidamada madax banaanida ee xukuma dalka Suudaan Gen.C/fataax Al-Burhan ayaa u digay dadka daacadda u ah Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir kuwaaso wada faragelin lid ku ah arrimaha ciidamadda Mileteriga dalka Suudaan.”Maamulka ciidamada Mileterig ee dalka Sudaan ma taageeraayo koox amaba xisbi”hadalkaan ayaa waxaa laga sii daayey TV-ga eey maamusho xukuumadda. Al-Burhan ayaa sheegay inuusan ogolaaneyn ineey xukunka dalka Suudaan qabtaan Xisbiga Madaxweynihii hore ee Suudaan Al-Bashiir iyo kooxo Islaamiyiin ah sida uu hadalka u dhigay.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WARARKA SOOMAALIYA KUWII UGU DAMBEYEY.

CIIDAMADA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxaa weli si xawli ah uga socdo dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta,dagaaladaan ayaa ka kala socdo maamulada Hirshabeele iyo Galmudug,Gobolka Hiiraan oo ah gobolkii ey ka bilaabatay dagaalka Khawaarijta waxa eyna dadka dego gobolka Hiiraan waxa eyna awood u yeesheen ineey iska xureeyaan gacanta Khawaarijta. Maanta oo Axad ah ayaa waxaa dagaal adag uu ka dhacay degaanka Cabdi-Cagaweyne waxane dagaalkaan uu khasaare badan uu ka soo gaaray kooxda Khawaarijta ka dib markii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo dadka degaanka oo iskaashanaayo ayaa weerar kedis ah ku qaadeen kooxda khawaarijta oo ka soo talaabeen galbeedka wabiga waxa eyna u soo gudbeen dhinaca bari ee wabiga. dhinaca kale,magaaladda Muqdisho waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo lagula kacay dad kala gedisan ey ka mid yihiin Imaam Masjid iyo nabadoon,dadkaan la dilay ayaa waxaa wada dilay kooxda Khawaarijta tusaale ahaan Imaamka Masjidka ayey ku sheegeen inuu adeegaayey DFS halka ey ku sheegeen Nabadoonka inuu socday hurinta dagaalka beelaha ee ka socdo gobolka Shabeelada Dhexe,laakinse waxaa wax lala yaabo ah in nabadoonka ahaay nin beeshiisa u dirsatay inuu ku baxo dagaalka ka soo dhex cusboonaaday beesha dhexdeeda kooxduna ku sheegtay inuu u socday inuu huriyo dagaalka.

ISHA WARKA SB-MEDIA(SOMALIA).

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAMAN: XERO QAXOOTI OO DAD KA KACAY.

SAWIRKA XERADA QAXOOTIGA EE UU DABKA KA KACAY.

(SANA’A)-Dab ayaa waxa uu kacay xero qaxooti oo ku taalo Gobolka Xudayda ee galbeedka dalka Yaman maanta oo Sabti ah sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha dalka Yaman.Qoraal ey soo saareen maamulka gobolka Xudayda ayey ku sheegeen in dab qabsaday xero qaxooti oo ku taalo magaaladda Al-Khuukha ee dhacda koonfurta gobolka Xudayda mana la soo sheegin wax dhibaato ah uu gaystay dabka ka kacay xerada qaxootiga ey ku sugnaayeen boqolaal qaxooti ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SI AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHEEKH XASAN NASRALAH OO KA HADLAY…

TAAGEERAYAASHA XISBULLAAHI.

(BEIRUT)-Hogaamiyaha maleeshiyaadka ururka Xisbullahi Sheekh Xasan Nasralah ayaa sheegay maanta oo Jimca ah inuu doonaayo in Madaxweynaha dalka Libnaan ee imaan doono uu noqdo mid siyaasi ah daacadna u ah dalkiisa ee uusan noqon mid Khaa’in ah oo aan Daacad u ahayn dalkiisa. Kooxda Xisbullaahi ee dalkaasi Libnaan ah koox gacan saar dhinac kasta la leh dalka Iraan waxa eyna kooxdaan si aan caadi ahayn u cambaareysaa dalka Maraykanka.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

250-MEYD OO LAGA SOO FAAGAY DALKA LIBIYA.

GOOBIHII LAGA HELAY MEYDADKA DHAN 250-KA MEYD.

(TRIPOLI)-Marka laga hadlaayo dalka Liibiya waxaa isla markiiba soo xusuusanayna Tahriibka,Liibiya waxa ey marin u tahay dadka u tahriiba dalalka Yurub ayagoo sii mara dalka Talyaaniga,dadkaan ayaa soo mara dhulk aan geed lahayn halkaso qaarkood ey ugu dhintaan haraad iyo gaajo mararka qaarne waxaaba dhacda in la afduubto ehelkoodana la weydiisto madaxfurasho,hadaba xukuumadda dalka Liibiya ayaa waxa ey soo faagtay godad ey ku aasan yihiin meydad gaaraayo ilaa 250-meyd kuwaaso intooda badan aan la aqoonsan,meydadkaan ayaa laga soo helay Tarhuna oo ku taalo koonfurta caasimadda Tripoli,warkaan ayaa shalay oo Arbaca ahayd laga soo xigtay garyaqaano ka socday maxakamada caalamiga ah ee qaada dembiyada dagaalka(ICC).

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAALADA DALKA LIBNAAN OO SII XUMANAYSO.

BAARLAMAANKA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Golaha sharci dejinta dalka Libnaan ayaa maanta oo khamiis ah ku guul daraystay markii shanaad iney doortaan madaxweyne,sidaas darteed waxa uu dalka Libnaan halis muuqata ugu jirtaa dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda.Madaxweynihii hore ee dalkaasi Libnaan Misheel Cawn ayaa waqti xileedkiisa ku ekaay 31/10/22-ka,Misheel Cawn ayaa Madaxweyne ka ahaay dalka Libnaan muddo dhan lix sano isagoo aan helin codka baarlamaanka Libnaan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FADHIGII 19-AAD EE WASIIRADA DIFAACA EE..

FADHIGII 19-AAD EE WASIIRADDA DIFAACA EE WADAMADDA KHALIIJKA.

(RIYAD)-Wasiiradda Gaashaandhiga ee wadamadda iskaashiga gacanaka(GCC) ayaa shalay oo Talaada ahayd go’aansaday ineey kor u qaadaan heerka dagaal gelinta ee ciidamadooda ka dib markii eey soo baxday amni darro ka jirto Gobolka Bariga Dhexe iyo Adduunka oo dhan. Fadhiga 19-aad ey isugu yimaadeen Wasiiradda Difaaca ee lixda dal ee khaliijka kana dhacay caasimadda Riyad ee dalkaasi Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa shir gudoominaayey Wasiirka Difaac dalka Sacuudiga Amiir Khaalid Bin Salmaan waxaane goob jooga ka ahaay Wasiiradda Difaac dalalka Kuweyt,Baxrayn,Imaaraatka,Cumaan iyo Qadar.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAQDAD OO LAGU DILAY NIN U SHAQRYNAYEY…

GOOBTA EY KA DHACDAY TOOGASHADA.

(BAQDAD)-Toogasho aad u halis ah ayaa lagula kacay qof la soo shirqoolay kaaso u shqeynayey hayad gargaar oo laga leeyahay dalka Maraykanka maalintii shalay oo Isniin ahayd,dilkaan loo gaystay qofka ajnabiga ah ayaan inta badan ka dhicin dalka Ciraaq sidaas waxaa laga soo xigtay laba sarkaal kana tirsan ciidamadda booliska dalka Ciraaq. Nin ayaa toogtay qofka u shaqeynaayey hayada gargaarka isagoo sii gelaayo wada gasha halka uu kaga nool yahay magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad gaar ahaan degmada Karraada kuna taalo bartamaha magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad.Ma cadda sababta loo dilay qofkaan la toogtay balse waxaa la socday markeey dheceysay toogashada xaaskiisa iyo caruurtiisa kuwasoo aysan waxba soo gaarin.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA MASAR OO FADEEXAD KALA KULMAY…..

SHIRKA SHARMA SHEEKH.

(MASAR)-Shirka looga hadlaayo arrimaha isbedelka cimiladda adduunka(COP27) ee hadda ka socdo magaala xeebeedka Sharma Sheekh ee dalkaasi Masar ayaa waxaa ka soo baxay warar aan la filayn kuwaaso sheegaayo in hoolka lagu qabanaayo shirka COP27 dadka ku sugan ineysan awood u leheyn ineey isticmaalaan WIFI-ga hooka shirka iyo ineey furtaan Websit-yada qaar oo muhiim u ah. Qaar ka mida ka qeybgalayaash shirka looga hadlaayo isbedelka cimilada adduunka(COP27) ayaa sheegay ineeysan booqan karin bogga hayada xuquuqul insaanka ee HUMAN RIGHTS WATCH(HRW),dhinaca kale shirkaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo 25-kun siyaasi kana kala yimid dunida dacaladeeda,dawladda Masar oo shirka martigelinayso ayaa aad uga soo horjeedo hayada xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch,hayadaan ayaa si aad ah waxa ey u dhaliishaa dawladda Masar iyo sida eey ula dhaqanto dadka ka ra’ayiga duwan.

ISHA WARKA GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More