Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SOMALIA OO KAQEYGELAYSA SHIRKA COP27.

SHIRKA CIMILADDA OO KA FURMAY SHARMA SHEEKH DALKA MASAR.

(MASAR)-Wafdi heer sara ah uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay waxa eey u safreen dalkaasi Masar si eey uga qeybgalaan shir halkaasi ka dhacaayo loogana hadlaayo isbedelka cimiladda adduunka shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Qaramadda Midoobay waxaane ka qebgelaayo ilaa 196-Madaxweyne.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu hogaminayaa wafdi balaaran oo metaalyo dalka Soomaaliya waxaane ka mida Reysal wasaare ku xigeenka,Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Degaanka,Wasiirul dawlaha Madaxtooyadda.Madaxweynaha dalka Masar C/fataax Alsisi oo furay shirka ayaa ka hadlay arrimaha cimiladda iyo arrima kale lana xiriiro cimiladda iyo raadka ey ku yeelatay nolosha dad fara badan oo ku nool adduunka.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

C/FATAAX AL-BURHAN OO U DIGAY…

C/FATAAX AL-BURHAN.

(SUDAN)-Madaxa Golaha ciidamadda madax banaanida ee dalka Sudaan Gen.C/fataax Al-Burhan ayaa waxa uu u digay dadka daacadda u ah Madaxweynihii hore ee dalka Sudaan Cumar Al-Bashiir kuwaaso wada fargelin liddi ku ah arrimaha ciimadda dalka qabsaday.”Maamulka ciidamada mileteriga ee dalka Sudaan ma taageerayo koox amaba Xisbi” sidaas waxaa laga sii daayey Tv-ga ey maamusho xukuumadda Sudaan ee hadda jirta. Al-Burhan ayaa sheegay inuusan oglaaneyn iney xukumaan dalka Sudaan Xisbiga Madaxweynihii hore ee dalka Sudaan Cumar Al-Bashiir iyo kooxo Islaamiyiin ah”.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXAMED ALQAXTAANI OO LA LA’A YAHAY.

Dr.Maxamed Al-Qaxtaani.

(SACUUDIGA)-Tan iyo markii uu noqday dhaxal sugaha dalka Boqortooyada Sacuudiga ninka lagu magacaabo Maxamed Bin Salmaan waxaa dalkaasi lagu xiray dad fara badan isuguna jiro culuma’udiin iyo aqoonyahano kala gedisan dadkaan dhammaantooda ma la horkeenin wax maxkamada si ey u helaan cadaalad,hadaba masuuliyiinta Sacuudiga oo si xoog ah u qariyey nin caan ku ah u dhaqdhaqaaqidda xuquuqul insaanka Maxamed Al-Qaxtaan ayey dawladda Sacuudiga xirtay sannadkii 2013-kii sabab la’aan sida laga soo xigtay hayadaha u dooda xuquuqul insaanka. Hayadda caalamiga ah ee u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesy International ayaa sheegtay shalay oo Jimca ahayd in Maxamed Al-Qaxtaan oo u xiranaay dawladda Sacuudiga ehelkiisa loo diiday ineey la xiriiraan marka laga soo bilaabo 24/10/22-ka mana yaqaanaan waxa hadda Maxamed uu ku sugan yahay xaalkiisa,balse ehelka Maxamed ayaa u malaynaayo sababta loo la’ayahay Maxamed warkiisa ineey tahay mid la xiriirta dacwad uu Maxamed ka gudbiyey maxbuus kale oo ey isku meel ku xiran yihiin kaaso ku xadgudbay Maxamed horaantii bishaan.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIIN LAGU LAAYEY TICIS.

TICIS.

(YEMEN)-Dalka Yemen waxaa weli ka socdo dagaalkii u dhexeeyey xukuumadda caalamka aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta eey gadaal ka taagan tahay dawladda Iraan,dagaakan ayaa soo bilawday sannadkii 2014-kii waxa uuna galay sannadkiisii sideedaad mana jirto cid guulo ka gaartay labada dhinacba,waxaane dhinac socdo dagaalka Yemen fargelin xoogan oo kaga imaanayso dawladaha deriska la ah Yemen sida Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta,dawladahaan ayaa dalka Yemen ka leh dano iyaga u gaara sida Imaaraatka Carabta oo rabto ineey ka qaadato Jaziirado deris la ah ayada,hadaba wararka laga helaayo Yemen ayaa sheegaayo in seddex dagaalyahayn kana tirsan kooxda Xuutiyiinta lagu dilay weerar ey qaadeen ciidamadda dawladda,weerarka aay ka dhacay gobolka Ticis kuna yaalo Koonfur Galbeed Yemen sida ey sheegeen ciidamadda dawladda Yemen. Weerarkaan halista ah ayaa waxa uu dhacay ka dib markii ey ciidamadda dawladda Yemen weerareen fariisimo ey leeyihiin Xuutiyiinta galbeedka magaaladda Ticis shalay oo Jimca ahayd.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

100-DAGALYAHAN OO ALSHABAAB AH OO LA…

GORGOR.

(MUQDISHO)- Weli waxa socdo dagaal xoogan una dhexeeyo Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Alshabaab,dagaalkan ayaa hadda waxa uu ka socdaa maamulka Hirshabeele oo ka kooban Goboladda Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.In ka badan boqol ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay dagaal aad culus oo ay Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo dadka degaanka ey kooxda Alshabaab kala wareegeen degaanada Garas Magan iyo Ceel Hareeri oo ka wada tirsan gobolak Hiiraan. Afhayenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen.Caanood ayaa sheegay in dagaalka uu socday shalay ilaa xalay waxaane kooxda Alshabaab looga dilay ayuu yiri Gen.Caanood maleeshiyaad gaaraayo ilaa boqol waxaane boqolkaan dagaalyahayn ee Alshabaab lagu wada dilay hal meel tan iyo markii uu bilawday dagaalka labada goobood ka qarxay. Dagaalka lagu xasuuqay kooxda Alshabaab ayaa waxaa ka qeybgalay laba cutub oo ka tirsan Ciidamadda Danab iyo Diyaaradaha DRONES-ka ey leeyihiin Wadamada Soomaaliya ka caawiyo la dagaalanka Alshabaab,Gen.Caanood ayaa sheegay in goobaha lagu dagaalamay yihiin kuwa u dhaw degmada Aadan Yabaal oo ah halka goob ey Alshabaab si xoogan uga dega yihiin gobolka Shabeelada dhexe,dhinaca kale Gen.Caanood ayaa carabka ku dhuftay in Ciidamadda GORGOR ee uu tababaray Turkiga ineey ka hortageen baabuur qarax laga soo buuxiyey lana damacsanaay in lagu qarxiyo Ciidamada ku sugan Masaajid Cali Guduud oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Alshabaab.

ISHA WARKA SUUQ-BACAAD MEDIA(SOMALIA).

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

EEDEYN LOO SOO JEEDIYEY XUUTIYIINTA YAMAN.

DAGAALKA DALKA YAMAN.

(YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yaman ee gacan saarka la leh dalka Iraan ayaa lagu eedeyey ineey galeen dembiyo dagaal tan iyo markii uu dhammaaday heshiiskii xabad joojinta una dhexeeyey dhinacyada isku haayo arrimaha dalka Yaman,sidaas waxaa maanta oo Jimca ah sheegay madaxa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka. “Waa in lagu maxkamadeyaa wixii dhacay sida weeraro qarsoodi ah iyo madaafiic lagu garaacay goobo eey degan yihiin dad rayid ah”,qeybaha isku haayo talada dalka Yaman ayaa looga digay inuu fashilmo cusboonaysiinta heshiiskii xabad joojinta eyna gar wadeenka ka tahay Qaramada Midoobay una dhexeyo Xuutiyiinta iyo Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay.

ISHA WARKA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIRKII GOLAHA WASIIRADA SOMALIA OO..

SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA EE QABSOOMAY MAANTA.

(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxaa caasimadiisa Muqdisho todobaadkiiba mar ku qabsooma shir ey wada yeeshaan Golaha Wasiiradda Xukuumadda uu hogaamiyo RW-Xamsa Cabdi Barre,shirkii ugu dambeeyey eey yeeshaan Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa waxa uu dhacay maanta oo Khamiis ah kuna beegan 3/11/22-ka,shirkaan ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan eyna ka mid yihiin Qaraxii Zoobe-2 ee Muqdisho ka dhacay 29/10/22-ka eeyna ku dhinteen dad fara badan kuna dhaawacmeen dad intaas ka badan. Gudiga gurmadka dadkii ku waxyeloobay qaraxii Zoobe ayaa laga dhegaystay warbixin ku saabsan halka gudiga ey wax u marayaan,sidoo kale waxaa isna warbixin laga dhegaystay Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay halka uu maraayo dagaalka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab, waxaa isna warbixin ku saabsan halka ey marayso Deyn cafinta laga dhegaystay Wasiirka Maaliyadda.

ISHA WARKA ALLBANADIR.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA SACUUDIGA OO MARTIGELIN DOONO…

(ALJERIS)-Dalka Aljeeriya waxaa maanta oo Arbaca ah kuna beegan 2/11/22-ka si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey shirkii 31-aad ee wadamada xubnaha ka ah ururka Jaamicadda Carabta,shirkaan ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan eyna ka mid tahay arrinta dadka reer Falastiin,Yemen,Libnaan,Liibiya,Suudaan iyo Soomaaliya dhammaan wadamadaan ayaa waxaa ka jiro dhibaatooyin siyaasadeed iyo kuwa amni soona socday in muddo ah,hadaba dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta sheegay inuu martigelin doono fadhiga soo socdo ey yeelan doonaan wadamadda xubnaha ka ah ururka Jaamicadda Carabta. “Asaas ahaan dalka Boqortooyada Sacuudiga waa mid daneeyo jiritaanka ururka Jaamicadda Carabta waxaane ku dhawaaqeynaa in dalkayna uu martigelin doono shirka 32-aad ee madaxda wadamadda xubnaha ka ah ururka Jaamicadda Carabta”sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan,Amiirka ayaa hadalkiisa sii raaciyey dalka Boqortooyada Sacuudiga waa dalkiinii labaad ee ku soo dhawaada.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FADHIGII 31-AAD EE MADAXDA CARBTA OO LA SOO…

SHIRKII JAAMICADDA CARABTA EE ALJEERIYA.

(ALGERIA)-Dalka Aljeeriya caasimadiisa Aljeris ayaa waxaa shalay oo Talaado ahayd ka furmay shirkii 31-aad una dhexeeyey madaxda wadamada xubnaha ka ah Jaamicadda Carabta,shirka nuucaan ah ayaan qabsoomin seddexdii sano ee la soo dhaafay sabab la xiriirto cudurka Cvid-19,fadhigaan ayaa waxaan ka qeybgelin madax uu ka mid yahay boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan,waxaa isna Isniin la soo dhaafay ka cudur daartay ka qeybgalka shirka Aljeeriya boqoroka dalka Marooko Maxamed-ka Lixaad,hadaba shirka oo socday 1/11/22 ilaa 2/11/22-ka ayaa waxaa maanta oo Arbaca ah laga soo saaaray bayaan ka kooban shan qodob ey ugu muhiimsanayen:(1)-Arrinta dadka reer Falastiin iyo dhibaatooyinka Yuhuuda. (2)-Xaaladda dalakka Carabta ka jirto waqtigaan. (3)-Xoojinta iyo Casriyeenta wada shaqeynta ka dhexeyso dalalka Carabta. (4)-Xiriirka wadamada Carabtu la leeyihiin wadamadda deriska la ah oo la wanaajiyo. (5)-La socodka xaaladaha ka jiro wadamadda caalamka waqwtigaan la joogo. Shirkaan 31-aad ee Madaxda wadamada Carabta ayaa waxaa dalka Soomaliya uga qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaminaayo waxa eyna halkaas kula kulmeen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Gutarres waxa eyna kala hadleen sidii Soomaaliya looga qaadi lahaay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya soo saarneed muddo dheer.

ISHA WARKA ELALHBAR.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA IMAARAATKA OO BIXIN DOONO KHARASHKA….

MADAXWEYNAYAASHA MASAR IYO IMAARAATKA CARABTA.

(MUQDISHO)-Qalbiga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa si sir ah uga bilawday in dalalka Masar iyo Imaaraatka qortaan dhallinyara gaareyso seddex kun si loogu soo tababaro dalka Masar,dhaqdhaqaaq qoritaanka dhallinyaradaan la askareynaayo ayaa waxa uu soo bilawday bishii hore ee Sebtembar-2022-ka,dhallinyarada la askareynaayo ayey da’adoodu u dhexeysa 18-jir ilaa 28-jir kuwaaso loo balan qaaday in la siin doono mushaar fiican,waxaane dalka Masar loo diray qaar badan oo ka mida dhallinyardaan la askareynaayo si halkaaso loogu soo tababaro nuuca tababarka ayaa ah mid mileteri,dalka Imaaraatka Carabta ayaana bixin doono kharashka tababarka ciidamadaan cusub.Dhallinyaradaan la askareynayo ayaa 120-ka mida waxaa laga soo qoray Gobolka Bay ee maamulka KGS,waxaane hadda dhllinyarada lagu haayaa xerada Damaanyo ee magaaladda Muqdisho waxaane tirada hadda ku sugan xerada Damaanyo lagu sheegay ineey dhan tahay ilaa laba kun oo dhallinyara ah.

ISHA WARKA MME.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIBNAN OO GALAYA WEJI CUSUB OO SIYAASADEED.

MADAXWEYNAHA LIBNAAN OO SAXIIXAY.

(BEIRUT)-Dalka Libnaan oo ka mida wadamada Carbeed kuwooda ugu amniga daran marka loo fiiriyo juqaraafi ahaan halka uu ku yaalo iyo siyaasadda dalkaasi ka jirto eey isku haystaan kooxo ku kala gedisan dhinacyada Diinta iyo fikirka,dalkaan ayaa waxaa dhibaato ba’an ku haayo wadamadda Iraan,Suuriya iyo Israel oo ku dul dagaalama shacabka reer Libnaan waxaane ka dhacay dagaalo diimeedyo farah looga gubtay iyo kuwo siyaasadeedba,Libnaan ayaa ilaa hadda waxa eey la daalaa dheceysaa dhibaato dhaqaale oo baahsan eeyna sababtay shaqa la’aanta dalka ka jirta oo gaartay heerkeedii ugu xumaay.Madaxweynaha dalka Libnaan Misheel Cawn ayaa maanta oo Axad ah saxiixay dikireeto uu ku ogolaanaayo iscasilaada xukuumadiisa maalin uun ka hor waqtiga uu ku eg yahay xilkiisa Madaxweynenimo ayadoo aan la haynin qofkii bedeli lahaay. “Subaxaan ayaan warqad u diray aqalka wakiiladda ayadoo la tixgelinaayo awoodeyda dastuuriga ah iyo anigoo saxiixay iscasilaada xukuumadda”sidaas waxaa yiri Madaxweyne Misheel Cawn isagoo ku sugan qasriga Madaxweynaha ee Bacbaad ee ku yaalo mgaaaladda caasimadda ah ee Beyruut.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA IRAAN OO U YEERTAY..

IRAAN.

(TEHRAN)-Dalka Iraan ayaa u yeeray safiirka dalka Jarmalka u fadhiyo Iraan shalay oo Khamiis ahayd sabab la xiriirto in dalkiisa wado Qas iyo ineey jiraan masuuliyiin Jarmal ah oo danaynaayo deganaan la’aanta ka jirto dalka Iraan.Kulan dhexmaray safiirka dalka Jarmalka u joogo Iraan Hans -Udo Muzel iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan Cali Baakhiri ayuu Wasiir Cali u sheegay safiirka mawqifka eey qaateen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Jarmalka uuna ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Annalena Baerbock ayaa ah midaan la aqbali karin iyo ineey tahay mid masuuliyad darra ah iyo abuuritaanka mudaaharaadyo daandaansi ah kana dhaca gudaha dalka Iraan,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TADAAMUN WAA HALKII LAGU XASUUQAY…

SAWIRKA DILAAGA REER SUURIYA AMJAD YUUSUF.

(DIMISHIQ)-Sarkaal sare kana tirsan ciidamadda sirdoonka dalka Suuriya madaxne ka ah xarun aad uga nixisay dadka oo dhan kuna taalo dalka uu halaagay dagaalka sokeeye waa “Xasuuqii Tadaamun”,nink gaystay xasuuqa ka dhacay xarunta Tadaamun ayaa weli waxa uu ka hawlgalaa xarun militeri oo ku taalo meel banaanka ka ah caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq,ninkaan ayaa ku eedeysan inuu saaxibadiis ku amray ineey gaystaan dilal baahsan oo aan lahayn kala sooc. Amjad Yuusuf waa sarkaalka ugu sareeyo mid ka mida hayadaha sirdoonka dalka Suuriya waxa eyna kooxdiisa ka hawlgashaa Kafr Suus halkaso Amjad Yuusuf uu ku sugnaay lixdii bilood ee la soo dhaafay sida eey ogaatay jariidad”The Guardian”,kaalinta Amjad ku lahaay Xasuuqii dhacay Tadaamun ayaa ahayd toogashada tobaneeyo qofood oo lagu dhex dilay gudaha xerada Tadaamun kuna taalo caasimadda Suuriya ee Dimishiq sannadkii 2013-kii.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA CIRAAQ OO YEESHAY XUKUUMAD CUSUB.

DALKA CIRAAQ.

(ANKARA)-Dalka Ciraaq ayaa waxa uu yeeshay xukuumad cusub ka dib dalka Ciraaq uu ahaay dawlad la’aan muddo dhan seddex iyo toban bilood sida eey ku soo warameen warbaahinta gudaha ee dalkaasi Ciraaq. Xildhibaanada baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa go’aamiyey in dalka eey ka shaqeyso xukuumadda cusub waxaane lagu wadaa in baarlamaanka siiyo codka kalsoonida ah xukuumadan cusub,xukumadaan ayaa waxaa hogaminaayo RW-Al-Sudani.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAROOKO OO QABATAY DAACISH.

MAROOKO.

(RABAT)-Ciidamadda amaanka dalka Marooko ayaa maanta oo Arbaca ah waxa eey xireen shan qofood oo lagu tuhmaayo ineey ka tirsan yihiin kooxda Daacish kuwaaso qorsheynaayey ineey weeraro ka gaystaan gudaha dalka Marooko.Qoraal ka soo baxay hayada dhexe ee dembi baarista dalka Marooko ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ee lagu tuhmaayo ineey ka tirsan yihiin Daacish da’adoodu u dhexeyso 20-jir ilaa 45-jir eey qorsheynaayeen weeraro argagixiso ayagoo diyarinaayey waxyaabaha qarxa si eey ugu isticmaalaan weeraradooda eey la beegsanayaan ciidamada amaanka iyo masuuliyiinta dawladda Marooko.

ISHA WARKA AA.

HALKAANKA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NGO-YADA YURUB IYO LIIBIYA OO..

TAHRIIBAYAAL.

(BARCELONA)-Hayadaha aan dawliga ahayn(NGO) lagana leeyahay dalka Jarmalka kuna shaqada leh la socodka dadka ku tahriibaayo badda Miditereeniyaanka ayaa maanta oo Arbaca ah waxa eey eed u soo jeediyeen ciidamadda ilaaladda xeebaha ee dalka Liibiya,waxa eeyna ku edeeyeen in lagu handaday in la soo ridi doono diyaaradahooda dul heehaabo badda Miditereeniyanka si eey u soo badbaabdiyaan dadka tahriibayaasha ah ee doontu kula jabto gudaha badweynta Miditereeniyaanka. Marka loo fiiriyo codadka laga duubay ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa laga maqlaayey ayagoo leh “ISAGA BAXA DHULKEYNA”,hayadaan ayaa ka hawlgasho biyaha dawliga ah una dhaw dalka Malta.

ISHA WARKAAP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IOM-TA DALKA YAMAN OO KA..

QAXOOTIGA AFRIKA KA YIMID KUNA SUGAN YAMAN.

(YEMEN)-Tan iyo markii uu bilawday kacdoon ka dhacay wadamadda Carabta qaarkood eeyna ka mid tahay Yaman,dalka Yaman ma uusan heli deganaansho dhinaca amniga iyo dawladda majaraha u qabata dalka kuna soo celisa amnigii dalkaasi uu lahaay waqtigii uu dalkaasi xukumaayey AUN-Cali Cabdalla Saalax.Dalka Yaman hadda waxaa ka jiro laba xoog oo isku haayo talada dalkaasi waxa ayna kala yihiin Xuutiyiinta oo taageero ka helaayo dawladda Iraan iyo dawladda uu caalamka aqoonsan yahay oo taageero ka helayso wadamadda Khaliijka Carabta sida Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta,hadaba hayadda caalamka u qaabiksan la socodka dadka muhaajiriinta ah kana tirsan Qaramada Midoobay marka la soo soo gaabiyana loo qoro(IOM) ayaa war ka soo saartay muhaajiriinta dalkaasi soo gaartay sannadkaan-2022-ka waxa eeyna hayadda sheegaty in ka badan 40,000 Muhaajiriin Afrikaan ah ineey soo gaareen dalka uu aafeeyey dagaalka ee Yaman. Tirada eey sheegtay hayadda (IOM)-ta ayaa waxa eey ka soo degeen xeebaha dalka Yaman gaar ahan kuwooda Koonfureed,haydda ayaa xustay in gUdaha dalka Yaman eey ka jirto barakac uu sababy dagaalka. Dadka Muhaajiriinta ah ayey hayadu ku sheegtay in 30% yihiin caruur iyo dumar.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA ALJEERIYA OO MARTI GELIN DOONTO…

SHIRKA JAAMICADDA CARABTA.

(ALGERIA)-Fadhiga wadamadda xubnaha ka ah Jaamicadda Carabta ayaa ah mid eey isugu yimaadaan hogaamiyeyaasha Wadamada Carabta,shirkii ugu dambeeyey ee hogaamiyeyaasha Carabta ayey ahayd in la qabto Sebtembar-2021-kii balse lama qaban sababo la xiriiro cudurka koroono fayriska COVID-19,waxaane la go’aamiyey in shirka la qabto sannakaan 2022-ka waxa uuna ka dhici doonaa dalka Aljeeriya horaanta bisha Nofembar(1 ilaa 2)-2022-ka.Waa markii labaad oo lagu qabto dalka Aljeeriya shirka Wadamadda Jaamicadda Carabta laakinse markaan waxaa jiro dhibaatooyin aad culus sababayne in dawladaha qaarkood aaney ka qeybgeli doonin,dalka Suuriya isaga waa laga saaray Ururka Jaamicadda Carabta sannadkii-2011-kii,hadaba waxaa jiro madax aan ka qeybgeli doonin shirka 33-aad ee Aljeeriya ka dhacaay horaanta bisha soo socoto ee Noofembar waxaane ka mid ah Maxamed Bin Salmaan wiilka leh dhaxaltooyada Sacuudiga, Xamad Bin Ciisa Althani boqorka Baxrayn, Haytham Bin Dhaariq Suldaan dalka Cumaan,Misheel Cawn Madaxweynaha dalka Libnan, waxaane ka qeybgeli doono dalalka kala ah{Masar,Kuweyt,Qadar,Maroko,Tunisiya,Muritaniya,Somalia,Yaman,Jabuuti,Jaziradaha Qumur,Sudan,Libiya,Urdun,Ciraaq,Imaaraatka}. Shirkaan ajandaha looga hadli doono ayaa waxaa ka mida arrinta reer Falastiin,dhibaatada Yaman iyo arrimaha dalka Suuriya oo Jaamicadda Carabta laga saaray.

ISHA WARKA SUUQ-BACAAD MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIRKADA DIYARADAHA QADAR OO LA DACWEYEY.

SHIRKADA DIYAARADAHA QADAR.

(LONDON)-Shan dumar ah una dhasheen dalka Australia ayaa waxa eey dacweyeen Shirkada Diyaradaha ee dalka Qadar dacwada ayaa laga furay maxakamad sare ee ku taalo koonfurta Wales,dhibka ayaa dhacay sannadkii 2020-kii waqti dumarkaan reer Australia si xooga looga soo dejiyey diyaaradii eey saarnaayeen oo ahayd Qadar Airways waxaane dhacday in bastoolado loo adeegsaday dumarkaan markii laga soo dejinaayey diyaaradda Qadar Airways waxaane si qasab ah loo marsiiyey baaritaan lagu hubinaayo qofka dhalay canug yar oo nool oo laga dhex helay musqul ku dhextaalo garoonka Dooxa lana aqoon waayey cidaa soo dhigtay balse markii dambe la ogaaday ineey musqusha soo dhigtay haweeney aan Australia u dhalan.

ISHA WARKA

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QUBUURO DHEERI AH OO LAGA HELAY…

QUBUURO.

(BEIRUT)-Xukuumadda Suuriya ayaa soo heshay Qubuuro tira badan gudaha magaaladda taariikhiga ah Palmyre meydad dad la jirdilay kana muuqatay in loo gaystay dhibaatooyin aad u xun eeyna u gaysateen kooxda Daacish,kooxda ayaa waxa eey xukumi jirtay dhulkaan laga soo helay meydad la jirdilay iyo Qubuuro fara badan sannad ka hor sidaas waxaa maanta oo Jimca ah sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suuriya. Marka la eego warbixinta Wakaaladda Wararka dalka Suuriya SANA qubuurahaan tirada badan ayaa laga ogaaday meel u dhaw goob masrax u hayad Romaanka Qarnigii labaad.

ISHA WARKAAP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More