Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA URDUN OO U YEERTAY SAFIIRKA HOLLAND.

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA URDUN.

(AMMAN)-Muran ayaa waxa uu ka dhashay ruqsad siin idaacad gudaha dalkaasi Urdun,xukuumadda Urdun ayaa cambaareeysay safiirka dalka Holland u fadhiyo dalka Urdun ka dib markii uu soo farageliyey arrimaha gudaha dalkaasi Urdun. Safiirka dalka Holland u fadhiyo dalka Urdun Harry Verweij ayaa codasday ogolaansho ruqasad idaacad taaso uu u rabo shaqsi ka soo jeedo dunidda seddexaad waqti lagu guda jiray kulan u dhexeeyey Wasiirul dawlaha Arrimaha Warfaafinta ee dalka Urdun Faysal Al-Shabul sida laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Urdun,dhinaca kalane Wasiirka ayaa u yeeray Safiirka Holland u fadhiyo dalka Urudun waxa uuna Wasiirku cambaareeyey faragelinta arrimaha gudaha uu sameeyey Safiirka dalka Holland.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO XABSIGA KA SII DAAYEY…

DALKA SACUUDIGA.

(KSA)-Dalka Boqortooyada Sauudiga ayaa xabsiga ka sii deeysay hogaamiye ka tirsan ururka Xamaas ee reer Falastiin lana yiraahdo Maxamed Al-Khudari sidaas waxaa xaqiijiyey urur Xamaas maanta oo Arbaca ah. Alkhudari oo ah 84-jir ayaa dalka Sacuudiga lagu xiray sannadkii 2019-kii waxa uuna Alkhudari ka mid ahaay 60-qofood oo isugu jira xubno ka tirsan Xamaas iyo taageerayaashooda. Sannadkii la soo dhaafay 2021-kii maxkamad ku taalo dalka Sacuudiga ayaa Alkhudari ku xukuntay 15-sano oo xabsi ah ka dib markii lagu eedeyey inuu kaalmo siinaayey ururka Xamaas waane ka hor inta aan xukunka Alkhudari wax laga dhimin lagana dhigin seddex sano oo xabsi ah taaso hadda uu soo dhammaystay Alkhudari.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIR DIMISHIQ KAGA FURMAY SUURIYA IYO…

ASTAANTA URURKA XAMAAS.

(DIMISHIQ)-Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-asad ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq dalka Suuriya ayaa la kulmay wakiiladda kooxaha reer Falastiin eeyna ku jirto kooxda Xamaas. “Waxa aan doonaynaa inaan dib u soo celino xiriirka aan la leenahay dalka Suuriya si hogaamiyeyaasha kooxaha reer Falastiin wax isugu raacaan”sidaas waxaa yiri Khaliil Al-hayah oo ka Tirsan hogaanka sare ee kooxda Xamaas kana qeybgelaayo shirka Dimishiq.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CARUURTA YAMAN OO EEY SOO FOOD SAARTAY…

DHIBAATADA HAYSATA CARUURTA DALKA YAMAN.

(YEMEN)-Gabar yar oo Qalfoof ah oo aan si qiiro lehayn u dul saaran sariir taalo isbitaal lana xarbineeyso sidii eey neefsan lahayd,jirka gabadha yar waxaa qariyey oo u diiday in daku arkaan Taaha afkeeda ka baxaayo oo eey maqlayaan dhegaha dadka yimaadi Isbitaalka,mana eey awoodo gabartaas yar ineey furto indheheeda tabar yari haysato darteed. Xafsa Axmed waa gabar yar oo laba sano jir ah iyo mkuwa kale oo ayada la mid ah ayaa kuwada suga gudaha isbitaalka RED-BRICK ee ku yaalo koonfurta dalka Yaman,guud ahaan dalka Yaman ayaa waxa eey ka jirtaa dhibaato bani’adanimo tan ugu xun waxa eeyna caruurta dalkaasi Yaman Gaajo ugu le’edaan dhulka baadiyaha ah oo aaney ka jirin wax adeeg caafimaad ah.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SENITAR KA HORYIMID KAALMADA LA SIIYO…

SENITAR PATRIC.

(WASHINGTON)-Senitar Patric ahne senitar khabiir ah ayaa diiday in dalka Maraykanka kaalmeeyo dalka Masar isagoo u sababeeyey in Masar ku guul daraysatay wax ka qabashada Xuquuqul Insaanka waxa eeyna Masar xabsiyadda ku haysaa 60.000-qofood aan la hor keenin maxkamadd kuwaaso dhammaantood u xiran arrimo siyaasadeed. Maamulka Madaxweyne Biden ayaa ku qasbay dalka Masar dib u habayn dhinaca Xuquuqul Insaanka ah oo calaamaysan lehne macno la xiriiro kaalmada Maraykanku siiyo dalka Masar taasoo dhan todobaatan iyo shan Milyan oo doolarka Maraykanka ah sannadkii in laga joojiyo dalkaasi Masar .

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOLAHA WSIIRADDA KUWAIT OO LA….

GOLAHA WASIIRADDA KUWAIT.

(KUWAIT)-Xukuumadda cusub ee dalka Kuwait ayaa la dhaariyey maanta oo Isniin ah ka hor dhaxal sugaha dalka Kuwait Amiir Sheek Mashcal Al-Sabaax,Sheekh Mashcal oo ka hadlay xafladda dhaarinta golaha wasiiradda cusub ayaa sheegay in goluhu daacad u noqdaan dalkooda,ineey dhawraan qawaaninta dalka,ineey tixgeliyaan dastuurka iyo sharciga dalka.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HOGAAMIYE QABIIL SACUUDI AH AYAA HANDADAAD…

DHAXAL SUGAHA SACUUDIGA MAXAMED BIN SALMAAN(MBS).

(KSA)-INA ADEERKA DHAXAL SUGAHA BOQORTOOYADA SACUUDIGA MAXAMED BIN SALMAAN AYAA HANDADAAD U SOO JEEDIEYEY WADAMADDA GALBEEDKA KUNA DARAY HADALKIISA INEEY LA JIHAADAYAAN KUNA SHAIIDAYAAN.Sacuud Al-Shaclaan oo ah hogaamiye qabiileed uune awoowe u yahay AUN-Boqor C/casiis ayaa soo saaray digniin uu la socdo kacdoon lagu diidan yahay dhimidda soo saaridda shidaalka ee OPEC taasuu dalbaday dalkaasi Maraykanka. Dhambaalka uu diray ninkaan ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu baafiyey baraha bulshada waxa uuna Video-ga leeyahay”Qof kasta oo la tartamaayo jiritaan boqortooyada Sacuudiga dhamaanteyn waan la jihaadi doonaa kuna shahiidi doonaa”digniintaan uu soo saaray ninkaan ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu tarjumay afafka Ingiriiska iyo Faransiiska,asalka hadalka la soo duubaya aya ahaay afka Carabiga.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUQTADA AL-SADRI OO KA HOR YIMID XUKUUMADA CUSUB.

MUQTADA AL-SADRI.

(CIRAAQ)-Hogaamiye diimeedka ee Shiicada reer Ciraaq Muqtada Al-sadri ayaa maanta oo Sabti ah wax uu iska diiday inuu ka qeybgalo xukuumadda cusub ee dalkaasi Ciraaq,xukuumadaan cusub ayaa waxaa soo dhisaayo RW-Maxamed Al-Sudani. Al-sudani ayaa waxaa magacaabay iskaashatada qaab dhismeedka ee kooxda isbahysiga Shiicadda Ciraaq kuna dhaw dalkaasi Iraan kuwwaso sameeynaayo xukuumada cusub ee dalkaasi Ciraaq waxaane si aan caadi ahayn uga soo horjeedo hogaamiye diimeedka reer Ciraaq Muqtada Al-Sadri mana la yaqaano sida eey noqon doonto xaaladda amni ee dalkaasi Ciraaq haddii eey hawgasho xukuumadaan cusub.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN:DAD U DHINTAY DAAWO DHACDAY EY ISTICMAALEEN.

SAWIR LAGA SOO QAADAY SAACADO KA HOR CARUURTA UU HAAYO KANSARKA KU DHACA DHIIGA(LEULEMIA) EE DALKA YAMAN.

(SANCA)-Ugu yaraan toban carrura ayaa dalka Yaman waxa eey ugu geeriyoodeen cudurka Kansarka ee ku dhaca dhiiga(LEUKEMIA),waxaane isla cudurkaan la il darran tobaneeyo kale oo caruur ah oo istcmaalay daawooyin dhacay oo lagula tacaalo cudurkaan Kansarka ku dhaco dhiiga,arrinkaan ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda Caasimadda ah ee Sanca taaso eey maamulaan kooxda Xuutiyiinta eey taageerto dawladda Iraan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA ISRAEL OO DILAY TAKHTAR FALASTIIN AH.

CIIDAMADDA ISRAEL OO WADA HAWLGAL.

(FALASTIIN)-Cabdallah Abu Teyn waa takhtar ka shaqeeeyo Isbitaalka Khaliil Sulaymaan eey leedahay dawladda dadka reer Falastiin,Dr.Cabdallah ayaa geeriyooday ka dib markii eey toogteen ciidamadda Israel oo hawlgal ka weday xeradda qaxootig ee Janiin daanta galbeed dhulka eey Israel haysato maanta oo Jimca ah. Dr.Cabdallah ayey ciidamadda Israel toogteen isaga oo ku guda jiray daaweynta dad reer Falastiin ah oo eey soo dhaawaceen ciidamadda Israel ee weday hawlgalka,sida eey sheegtay warbaahinta Carbeed Dr.Cabdallah ayaa waxaa toogtay nin ka mida ciidamadda Israel balse ahaay kuwa dadka ku dila sida gaadmadda ah(SNIPER). Mateen Dabaya oo 20-jir ah ayey isna dileen ciidamadda Israel maanta oo Jimca ah waxa eeyna hawgalka maanta ku dhaawaceen shan kale kuna sugnaay gudaha xerada qaxootiga Janiin.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIRAAQ OO YEELATAY MADAXWEYNE CUSUB.

MW-CABDILADHIIF RASHIID.

(CIRAAQ)-Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa shalay oo Khamiis ahayd waxa uu doortay Cabdiladhiif Rashiid inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq ka dib markii uu helay codad badan uu kaga guulaystay ninkii isaga la tartamaayey oo ah Barham Saalax,Madaxweyne Rashiid ayaa helay codad dhan 162-cod halka uu Saalax ka helay 99-cod kaliyah sida eey sheegtay wakaaladda wararka u faafiso dalkaasi Ciraaq maanta oo Jimca ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ASKAR LAGU DILAY CAASIMADA DALKA SUURIYA.

BAS GUBTAY.

(DIMISHIQ)-Dalka Suuriya oo ka mida wadamadda Carabta uu ka dhacay kacdoonka sannadkii 2011-kii ayaa weli waxa uu la daalaa dhacayaa dhibaatooyin eey ku hayaan kooxo argagixiso ah kalana duwan waxa eeyna kooxahaas dhibaatooyin ka gaystaan magaalooyinka dalkaasi Suuriya hadaba magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq ee dalkaasi Suuriya ayaa bam lagu qarxiyey bas eey saarnaayeen ciidamadda dawladda Suuriya maanta oo Khamiis ah waxaane qaraxaas ku geeriyooday 18-askeri kana tirsan ciidamadda dalka Suuriya sida laga soo xigtay ila wareedyo eey iska leeyihiin ciidamadda dalkaasi Suuriya.

ISHA WARKA

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA MASAR: MACALLIN DILAY ARADAYADIISA.

DUGSIGA HOOSE EE GABDHAHA.

(QAAHIRA)-Dhimashada gabar yar oo ardayad ah ayaa timid ka dib markii macallinkeeda uu UL Alwaax ah uga dhuftay Madaxa markii eey si khaldan u higaadisay jumlo Carabi ahayd ayaa waxa eey abuurtay caro baahsan iyo in macallinka dilay ardayadiisa la horkeeno cadaaladda. Basmala Osama Ali oo ahayd ardayad dhigata dugsiga hoose Taranis Al-Carabi ee gobolka Daklahiya ee dalka Masar,Basmala ayaa isbitaalka ku jirtay muddo dhan sideed maalmood ayada oo la xanuunsaneed dhiig kaga furmay maskaxda ka hor inta eeysan dhiman maalintii Axada ee la soo dhaafay.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIBNAAN OO DIB U CELINAAYO QAXOOTIGA…

QAXOOTIGA SUURIYA KUNA SUGAN LIBNAAN.

(BEIRUT)-Dalka Libnaan ayaa bilaabi doono inuu dib u celiyo Qaxootiga reer Suuriya todobaadka dambe,sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah yiri Madaxweynaha dalkassi Libnaan Misheel Cawn.”todobaadka dambe waxa aan rabnaa inaan bilawno dib u celinta Qaxootiga reer Suuriya waxaane ku celin doonaa dalkooda hooyo”ayuu yiri Madaxweyne Cawn mana uusan bixin wax faafaahin ah kuna saabsan qaabka loo fulinaayo dib u celinta.

ISHA WARKAAA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA IYO MARAYKANKA OO EEY KA TAFAN TAHAY.

SACUUDIGA.

(USA)-Madaxa gudiga xiriirka arrimaha dibadda ee aqalka sare ee baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa ku baaqay in la joojiyo iskaashiga ka dhexeeyo Maraykanka iyo dalka Sacuudiga ka dib markii dalka Sacuudiga uu si cad uga horyimid dalabka dalka Maraykanka oo ahaay kordhinta soo saarida shidaalka taas bedelkeedana la isku raacay in hoos loo dhigo wax soo saarka shidaalka ee wadamadda xubnaha ka ururka soo saaro shidaalka ee OPEC.

ISHA WARKA MEM.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO QAATAY GO’AAN TAARIIKHI AH.

XARAMKA.

(KSA)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo ah halka eey ku yaaliin Maka iyo Madiina ayaa qaadatay go’aan taariikhi ah oo loogu ogolaanaayo Dumarka Muslimiinta ah ineey aadi karaan XAJKA iyo CUMRADA ayagoo uusan la saocon MAXRAM,waa go’aan eey qaadato Boqortooyada Sacuudiga midkii ugu adkaay ugana baahnaan doono ineey difaacato marka laga keeno dood.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BARLAMAANKA CIRAAQ OO DOORAN DOONO..

BAARLAMAANKA DALKA CIRAAQ.

(CIRAAQ)-Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa qaban doono kulan maalinta Khamiista ah si loo doorto Madaxweynaha dalka Ciraaq sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay gudoomiyaha baarlamaanka dalka Ciraaq Maxamed Al-Habuusi maanta oo Talaado ah,qoraalka ayaa lagu sheegay kulanka baarlamaanka ee dhacaayo Khamiista ayaa looga hadli doonaa hal Ajande oo ah doorashada Madaxweynaha dalka Ciraaq.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAACISH LAGU DILAY SUURIYA.

SUURIYA.

(BEIRUT)-Isbahaysiga uu hogaamiyo Maraykanka ee ka hawlgala dalka Suuriya Drones eey leeyihiin ayaa weerar ku qaaday waqooyi-bari ee dalkaasi Suuriya maalinti shalay oo Isniin ahayd waxa eeyna halkaas ku dileen maleeshiyaad ka tirsan ururka Daacish sidaas waxaa sheegay ciidamada amaanka ee Kurdiyiinta ee dalka Suuriya. Sida eey u sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press(AP) masuuliyiin Kurdi ah weerarka eey qaadeen Drones-ka ayaa lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo ku socday Mooto-Laba Lugooleey gudaha xaafadda Xamaam Al-Turkumaan xaafadaan ayaa waxaa maamulo xoogaga mucaaradka Suuriya ee uu taageero dalka Turkiga una dhaw Tel Abyad mana la soo sheegin dad shacab ah oo wax ku noqday weerarka eey qaadeen Drones-ka.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

15-TAHRIBAYAAL AH OO LAGU GUBAY DALKA LIIBIYA.

SABRAATA-LIIBIYA.

(LIIBIYA)-Shan iyo toban Muhaajiriin aan sharci ahayn ayaa lagu dilay dalka Liibiya waxaane dadkaan dilay dadkii tahriibinaayey magaaladda Sabraata ee dhacda galbeedka dalkaasi Liibiya sida eey sheegeen hayadaha aan dawliga ahayn ee NGO-ga ee ka hawlgala dalka Liibiya maalintii Sabtida ee ina soo dhaaftay. Axmed Xamsa oo ah madax golaha qaran ee xuquuqul insaanka ee dalka Liibiya ayaa sheegay in Muhaajiriinta aan sharciga ahayn la dilay ka dib markii uu muran soo kala dhexgalay kuwii iyaga tahriibinaayey waxaane la gubay doontii lagu tahriibin lahaay,Muhaajiriinta la dilay ayaa waxa eey ka kala yimaadeen dalal kala duwan. Dadka Muhaajiriinta ah ayaa qaarkood waxaa lagu gubay doonta kuwa kalane waxaa meydadkooda laga soo helay xeebta Sabraata,Safiirada Maraykanka,Ingiriiska iyo Qaramada u joogo dalka Liibiya ayaa ku baaqay in baaris lagu sameeyo sababta eey u dhinteen dadkaan Muhaajiriinta ah ee meydadkooda laga soo helay xeebta Sbaraata.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA ISRAEL OO TOOGTAY WIIL 12-JIR AH.

FALASTIIN.

(RAMALAH)-Wiil 12-jir reer Falastiin ah ayaa geeriyooday maanta oo Isniin ah ka dib markii uu toogtay askeri reer Israel ah waqti uu socday hawlgal ciidan soona bilawday dhammaadkii todobaadkii tegay,wiilkaan reer Falastiin ayaa lagu dhex dilay xero qaxooti oo ku taalo Daanta Galbeed eey Israel haysato,sidaas waxaa sheegay wasiirka caafimaadka Falastiin. Maxamed Samoudi oo 12-jir ah ayey dileen ciidamadda Israel waxa eeyna Maxamed ka toogteen Caloosha maalintii Sabtida ee la soo dhaafay ayagoo hawlgal ka wada xerada qaxootiga reer Falastiin ee Jiniin.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More