WEERAR KA DHACAY BARIGA QUDUS.
BARIGA QUDUS.
(QUDUS)-Booliska Israel ayaa maanta oo Axad ah waxa uu xiray seddex qofood oo reer Falastiin ah kuwaso lagu tuhmaayo ineey qeyb ka ahayeen toogasho ka dhacday goob eey ciidamada amaanka Israel ku hubinaayeen baabuurta kuna taalo Bariga Qudus ayagoo raadinaayo nin hubaysan oo la tuhmaayo. Ninka sameeyey toogashada ayaa waxa uu rasaas ku furay goob eey ciidamad mileteriga ku baarayeen baabuurta kuna taal Bariga Qudus xalay fiidkii,weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday gabar askeriyad reer Israel ah waxaane ku dhaawacmay seddex askeri oo kale kuwaso mid ka mida eey xaaladiisu caafimaad ku sugan tahay halis.
ISHA WARKA AP.
MEYDAD LAGA HELAY XEEBAHA LIIBIYA.
LIIBIYA.
(LIIBIYA)-Afhayeenka Ururka Bisga Cas ee dalka Liibiya ayaa shalay oo Jimca ahayd sheegay in ugu yaraan150-qofood meydadkooda la helay ka dib markii dad muhaajiriin ah eey dooni kala gadoontay xeebaha galbeed dalka Liibiya. Tawfiiq Al-Shukri ayaa sheegay in masuuliyinta maxaliga ah ayaa soo wargeliyey kooxaha samafalka ineey soo heleen meydad,Tawfiiq ayaa intaas sii raaciyey in meydadka la soo helay la geeyey Isbitaalka waxaane halkaas lagula sameyn doonaa baaritaan la xiriiro waxa eey u dhuntay.
ISHA WARKA AP.
CUDURKA CHOLERA OO LAGA HELAY DALKA LIBNAAN.
(FIRAS)-WASIIRKA CAAFIMAADKA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Wasiirka caafimaadka dalka Libnaan Firas ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in Xukuumadda Libnaan ogaatay inuu jiro tuhun ah inuu dalka Libnaan ka jiro Cudurka Daacuun Caloolka ee “Cholera” wax ka yar maalin ka dib markii dalka laga helay xaaladii ugu horeeysay ee Cudurka Daacuun Caloolka ee “Cholera” tan iyo sannadkii 1993-dii,warkaan ayaa imaanayo bil ka dib markii Cudurka Daacuun Caloolka uu ka dilaacay dalka Suuriya oo deriska la ah dalka Libnaan.
ISHA WARKA AP.
DALKA IRAAN OO SOO BANDHIGAY…
MAHSA.
(TEHRAN)-Dalka Iraan ayaa maanta oo khamiis ah waxa uu soo bandhigay video ku saabsan laba nin oo u dhalatay dalka Faransiiska kuna xiran dalkaasi Iraan una muuqday ineey qiranayaan dembigii eey galeen oo ahaay Basaasnimo.Hogaamiyeyaasha dalka Iraan ayaa u arkaayey ineey sawir ahaan u muujinayaan banaanbaxyada ka socdo dalka Iraan yihiin kuwa laga soo agasimay dibadda si weyna ugu fiday dalka Iraan kana bilawday dhimashada gabar 22-jir oo reer Iraan ah una xirneed ciidamadda boolika Anshaxa ee dalkaasi Iraan.
ISHA WARKA AP.
DALKA IRAAN OO LAGU XIRAY 35-SAXAFI.
IRAAN.
(TEHRAN)-Gudiga difaac saxafiyinta ayaa sheegay in 35-saxafi oo reer Iraan xabsiga loo taxaabay sabab la xiriirto mudaaharaadyada ka dhashay dhimashadii gabar 22-jir ahayd oo ku dhex dhimatay xabsi uu leeyahay booliska Anshaxa ee dalkaasi Iraan.”Ugu yaraan 35-saxafi ayaa la xiray tan iyo markii uu bilawday mudaaharaadka waxaane jirto oo kaliyah lana ogyahay in la sii daayey hal saxafi”sidaas waxaa bartooda Twitter-ka ku daabacay gudiga difaaca saxafiyiinta(CPJ).
ISHA WARKA AA.
SHEEKH AXMED NAWAAF OO DIB LOOGU…
KUWAIT.
(KUWAIT)-Sheekh Axmed Nawaaf Al-sabaax ayaa dib loogu magacaabay maanta oo Arbaca ah Reysal Wasaaraha dalka Kuwait sida lagu sheegay wakaaladda wararka u faafiso dalka kuwait ee KUNA. Dhaxal sugaha dalka Kuwait Mashcal Alsabaax ayaa soo saaray dikireeto uu ugu waajib yeelaayo inuu soo dhiso xukuumad cusub,Axadii ayey ahayd markii dhaxal sugaha dalka kuwait uu aqbalay is casilaada xukuumadda uu hogaaminaayey sheekh Axmed laba bilood ka dib soo dhisideeda.
ISHA WARKA AA.
SOOMALIYA OO LAGU DILAY HOGAAMIYE SARE OO ALSHABAAB AH.
ALSHABAAB.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in dagaal lagu qaado kooxda Alshabaab ayey kooxdu waxa eey la kumeysay weeraro kaga imaanayo dhinacyada ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya iyo dad shacab ah oo ka caraysan dhibaatooyinka kooxda Alshabaab ugu gaysatay degaanadooda,dhinaca kalane waxaa jiray in dawladaha la saaxibka ah Soomaaliya(Maraykanka iyo Turkiga) ineey qeyb ka yihiin la dagaalanka kooxda Ashabaab waxa eeyna dagaalka kaga qeybgelaayaan diyaaradaha aanuu wedin duuliyaha ee loo yaqaano DRONES-ka,hadaba maalin uun ka dib markii kooxda Alshabaab eey qarax miino ku dileen S/G.Farxaan Maxauud Aadan(Qaroole) ayey diyaaaradaha Drones-ka Maraykanka hawlgal aad loo qorsheeyey waxa eey ka fuliyeen degaanka Xaramka ee degmada Jilib ee G/Jubada Dhexe waane gobolka kaliyah eey Alshabaab maamulaan dhammaan degmooyinkiisa,weerarka eey qaadeen diyaaradaha Drones-ka Maraykanka ayaa waxaa lagu dilay mid ka mida seddexda hogaamiye ee ugu sareeyso kooxda Ashabaab lana yiraahdo CABDULLAAHI NADIIR loona yaqaano C/laahi Yare waxaane la socday oo goobta kula dhintay wiil uu dhalay hogaamiye diimeedka mayalka adag ee Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo darawalkii weday baabuurka lala beegsaday gentaalka aan waxba reebin eey ridaan diyaaradaha Drones-ka dalka Marayakanka. Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa warbixin kooban waxa eey ka diyaarisay qofka uu yahay C/laahi Yare iyo waxa uu ka soo qabtay gudaha kooxda Alshabaab.
ISHA WARKA BBC.
MUDAAHARAAD KA DHACAY BAQDAAD.
BANAABAX KA SOCDO BAQDAAD EE DALKA CIRAAQ.
(BAQDAAD)-Boqlaal qofood oo reer Ciraaq ah ayaa isugu soo baxay caasimadda Baqdaad maanta oo Sabti ah si eey xusaan sannad guuradii seddexaad ee ka soo wareegtay mudaaharaadkii looga soo horjeeday musuq-maasuqa ka jira dalkaa Ciraaq,mudaaharadayaasha ayaa isku dayey ineey xooga ku galaan Qalcadda ku taalo halka loo yaqaano khadka cagaaran”GREEN ZONE” ee magalaadda Baqdaad.
ISHA WARKA AA.
SALDHIG BOOLIS OO LA WEERARAY DALKA IRAAN.
RABSHADAHA KA SOCDO IRAAN.
(TEHRAN)-Tan iyo markii eey Mohsa Amini ku dhimatay gacanta ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano ciidamada Anshaxa todaabd ka hor waxaa dalka Iraan ka dilaacay mudaaharaadyo lagu diidan yahay dilkaas loogana soo horjeedo xukuumadda Iraan,hadaba shalay oo Jimca ahayd waxaa la weeraray saldhig boolis oo ku yaalo koonfur-bari ee dalkaasi Iraan weerarka saldhiga ayaa waxaa gaystay koox lagu sheegay ineey yihiin gooni u goosato. Weerarka lagu qaaday saldhiga ayaa waxaa ku dhinta dad gaarayo ilaa 19-qofood eeyna ku jiraan afar sarkaal oo tirsan ciidamadda ilaaladda kacaanka ee dalkaasi Iraan,sidaas waxaa faafisay wakaaladda wararka u faafiso dalkaasi Iraan ee IRNA maanta oo Sabti ah.
ISHA WARKA AP.
DALKA KUWAIT OO YEESHAY BAARLAMAAN CUSUB.
GOLAHA SHACABKA KUWAIT.
(KUWAIT)-Kooxda Mucaaradka dalka kuwait ayaa xaqiiqsaday ineey ugu dhawaan heleen 60% kuraasta baarlamaanka dalkaasi Kuwait kaaso ka kooban 50-kursi sida lagu sheegay natiijada kama dambaysa ah ee la soo saaray maanta oo Jimca ah. Natiijada cod bixinta doorashada baarlamaanka dalka Kuwait ee la soo saaray ayaa 23-xildhibaan kaliyah ayaa dib u hantay kuraastoodii eey horay ugu fadhiyeen halka 27-kursi eey yihiin xildhibaano cusub sida eey sheegtay wakaaladda warar u faafiso dalkaasi kuwait ee KUNA. Baarlamaanka kuwait ayaa ka kooban 50-kursi waxaane u tartamay murashaxiin dhan 305-murashrax eeyna ka mid yihiin 22-dumar ah,xildhibaanadda ka soo jeedo Shiicadda dalka Kuwait ee laga tirada badan yahay oo horay u haystay 6-kursi ayaa hadda helay 9-kursi oo waxaa u korortay seddex kursi,xildhibaanadaan Shiicada ah ee ku biiray baarlamaanka Kuwait ayaa laba ka mida waxa eey ku jiraan xabsi lamana oga sida uu noqon doono go’aanka xukuumadda Kuwait ka qaaadan doonto kuraasta eey ku guulaysteen.
ISHA WARKA AA.
SARKAAL SARE OO LAGU DILAYA QARAX…
AUN-SAWIRKA S/GUUTO.FARXAAN QAROOLE.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu taladda dalka uu la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15/5/22-ka waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan kooxda Alshabaab meel kasta oo eey dalka joogaan,Madaxweyne Xasan ayaa goobo badan uu ka hadlay ka sheegay ineey ka go’an tahay inuu dalka ka xoreey Alshabaab waxa uuna Madaxweynaha xusay qaababka uu kooxda Alshabaab ula dagaalamaayo sida Dagaal toos ah oo kooxda lala galo,Dahqaalaha oo laga jaro iyo in warbaahinta oo laga cuuryamiyo kooxda Alshabaab. Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka H/shabeele mudane Cali Jeyte ayaa noday qofkii ugu horeeyey oo masuul ah ee qaaday hubka kuna dhaqaaqay inuu la dgaalamo kooxda Alshabaab,gudoomiye Cali oo kashanaayo dadka shacabka ah ee degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa ku guulaystay ineey kooxda Alshabaab ka saaraan dhulal ka tirsan gobolka Hiiraan,inta uu socday dagaalka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku geeriyooday dad magac iyo maamus ku dhex leh shacabka Hiiraan waxaane ka mida AUN-Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ku geeriyooday miino kula qaraxday agagaarka Ceel Qooxle ee goblkaasi Hiiraan.Dhinaca kale,dagaal adag oo jilibka la isugu aasay ayaa isna ka socdo maamulka Galmudug degmooyinkiisa sida C/buur,Cadaado iyo X/dheere dagaaladaan ayey kooxda Alshabaab waxa eey ku lumisay degaano eey soo maamulaysay muddo ka badan 15-sano waxa eeyn kooxda u kala qaxday goboladda Sh/dhexe iyo Bay,Bakool halkaso hadda gabaad u ah kooxda Alshabaab. Agaaismaha hayadda NISA Mahad Salaad iyo Madaxweynaha H/shabeele Cali Guudlaawe ayaa go’aamiyey in kooxda Alshabaab lagula dagaalamo inta u dhexeyso degmooyinka Balcad iyo Afgooye kana kala tirsan H/shabeel iyo KGS si kooxda Alshabaab awoodeeda G/banaadir loo wiiqo waxaane weerararo is daba joog ah lagu qaaday goobo eey fadhiyeen kooxda Alshabaab kuna yaalo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe,hawlgal eey si wadajira u qaadeen ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa NISA ayaa waxaa saakay oo Jimca ah kooxda Alshabaab looga qabsaday degaano fara badan eeyna ka mid yihiin (1)-BASRA (2)-SABYO (3)-BAQADAAD (4)-BELED AL-KARIIM (5)-BALDOOSKA (6)-ALIFOOW (7)-MURAYLEY (8)-DANIGA BALOW (9)-BUULO XAANSHOLEY. Hawlgalkaan dhacay saakay waaberigii ayaa waxaa ku geeriyooday ka dib markii eey miino ku qaraxday taliyihii booliska gobolka banaadir S/G.Farxaan Maxamuud Aadan(Farxaan Qaroole) iyo sawirqaade ka tirsan warbaahinta qaranka(SNTV) lana yiraahdo AUN- Axmed Maxamed Shukur(Socdaal) qaraxa ayaa ahaay miino dhulka lagu aasay waxaane dhaawac uu soo garay qaar ka mida ilaaladii la socotay AUN-Qaroole.Agaasimaha Hayadda NISA Mahad Salaad ayaa geeridda Qaroole ku sheegay in Qaroole yahay Shahiid u dhintay dalkiisa iyo dadkiisa inuu ka dul qaado kooxda Alshabaab waxaane geeridda Qaroole ka wada tacsiyey dhammaan masuuliyiinta Qaranka uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh,RW-Xamza,Gudoomiye Aadan Madoobe,Wasiirka Amniga Qaranka Doodishe,Taliyaha Booliska Soomaliyeed Xijaar,Gudoomiyaha G/Banaadir Madaale.
ISHA WARKA SB MEDIA(SOMALIA).
YAMAN OO HESHIIS LA GASHAY SACUUDIGA.
SHIDAALKA YAMAN.
(YAMAN)-Dawladda Yaman ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah ineey heshiis kala saxiixdeen eey ku bexeyso lacag dhan $200-milyan oo doolarka Maraykanka ah,Yaman ayaa heshiiskaan waxa eey la gashay dalkaasi Sacuudiga waxaane Yaman siin doono shidaal dalka uu la degay dagaalka ee Yaman.Heshiiska eey wada galeen Yaman iyo Sacuudiga ayaa waxaa fulin doonto hayadda horumarinta iyo dib u dhiska dalka Yaman lagana leeyahay Sacuudiga,hayadaan ayaa bixi doonto 250,000-Mitir tan oo saliid ah.
ISHA WARKA AA.
NIN KA HADLAY DOONTII LAGU HOOBTAY.
JIHAD.
(BOURJ HAMMOUD)-Jihad Miklawi waa nin 31-jir ah una halgamaayey sidii uu uga bixi lahaay xirfada cunto karinta uu kaga shaqeysto dalka Libnaan,Jihad oo ah nin u dhashay dalka Falastiin ayaan ebedkiis hawo ka gelin inuu qaato go’aan uu ka mid noqonaayo safarka qatarta badan ee lagu aadaayo Qaaradda Yurub ayadoo la sii maraayo badda Miditereeniyaanka,saaxibadda Jihad ee ku guulaystay safarka badda ee lagu tegaayo Yurub ayaan qaarkood ku qancin.Jihad ayaa waxa uu ka mid noqday tobaneeyo qofood oo ka soo badbaaday doontii siday muhaajiriinta aan sharciga ahayn taaso ka soo baxday magaaladda Tripoli ee dalkaasi Libnaan todobaadkii tegay, doonta ayaa ku socotay dalka Talyaaniga waxa eyna siday dad dhan 150-qofood oo tahriibayaal ah una kala dhashay dalalka Suuriya,Libnaan iyo Falastiin.Jihad oo la hadlay Wakaaladda Wararka ASSOCIATED PRESS(AP) maanta oo Talaada ah ayaa yiri”Dadka qaar oo gaaray halka eey u socdeen ayaa ii sheegay nolosha ka jirta xerooyinka lagu haayo dadka soo gelootiga ah ineey ka wanaagsan tahay nolosha ka jirta bartamaha magaaladda caasimadda u ah dalka Libnaan ee Beirut iyo cuntada laga cuno xerooyinkaas ineey aad uga wanaagsan tahay tan laga cuno Beirut”.Doontan lagu le’eday ayaa ka baxday dalka Libnaan,Arbacadii hore ayeyna ku gadoontay xeebta Tartus ee Suuriya maalin ka dib,94-qofood waa dhinteen oo 24 ka mida yihiin caruur,20-qofoodne waa la soo badbaadiyey,waxaane ilaa hadda la la’ayahay 36-qofood.
ISHA WARKA AP.
DAGAAL MAR KALE KA QARXAY LIBIYA.
BURBURKA DAGAALKA LIIBIYA.
(LIBIYA)-Dagaal u dhexeeyo maleeshiyaad iska soo horjeedo ayaa waxa uu ka qarxay galbeedka dalka Liibiya dhammaadkii todobaadkan,dagaalka ayaa ugu yaraan waxaa ku geeriyooday ilaa shan qofood eey ku jirto gabar toban sano jir ah waxa uuna dagaalku soo gaaray ilaa maant oo Isniin ah sida eey sheegeen masuuliyiin reer Liibiya ah. Dagaalkaan ayaa ah kii ugu dambeeyey ee ka dhaca dal eey hareeyeen rabshado dalkaaso dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika,dalkaan ayey ka jirtaa colaad gaamurtay muddo dhan toban sano ah iyo nabadgelyo baahsan.
ISHA WARKA WAKAALADO.
SHEKKH YUUSUF AL-QARADAAWI OO GEERIYOODAY.
AUN-SHEEKH YUUSUF AL-QARDAAWI.
(DOHA)-Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi oo ahaay caalim reer Masar ah loona arkaayey hogaamiyihii ruuxiga ee Ikhwaan Al-Muslimiinta caalamka ayaa geeriyooday maanta oo Isniin ah isagoo da’adiisu tahay 96-sano sida lagu faafiyey boggiisa rasmiga ah iyo bartiisa Twitter-ka,Sheekha ayaa ku geeriyooday caasimadda dalka Qadar ee Dooxa halkaaso Sheekhu ku joogay Musaafiris ka dib markii talada dalka Masar eey la wareegeen ciidamadda Militeriga ayagoo afgembiyey xukuumadii eey doorteen shacabka reer Masar ee uu hogaaminaayey PROF AUN-Maxamed Al-Morsi sannadkii 2013-kii. Ciidamadda dalka Masar qabsaday ayaa Sheekh Al-Qaradaawi waxa eey ku xukumeen dil toogasha ah isagoo dalka ka maqan kuna sugan dalka Qadar.
ISHA WARKA AP.
94-QOFOOD AYEY GAARTAY TIRADA DADKII KU DHINTAY..
MEYDKII CABDUL CAAL.
(NAHR EL BARED)- Kumanaan reer Falastiin ah ayaa salaadii Janaazata ku dukaday garoon yar oo lagu ciyaaro kubadda cagta kuna yaalo xarunta qaxootiga ee waqooyiga dalka Libnaan shalay oo Sabti ahayd,dadka isugu yimada Janaazada ayaa u baroor diiqaayey dadkii Muhaajiriinta ahaay ee ku geeriyooday doontii ku degtay xeebaha dalkaasi Suuriya todobaadkan.Cabdul Caal Cabdul Caal oo 24-jir ah ayaa dhunkaday macsalaameyeyna aabihiis maalintii Talaada ka hor inta uusan korin doon eey saaran yihiin dad aad u fara badan kana dhaqaaqaday magaalo u dhaw isagoo raba inuu gaaro qaaradda Yurub si uu halkaas uga helo nolol la wanaagsan tan uu hadda ku nool yahay,waa isku daygiisii 14-aad uu sameeyo Cabdul Caal uuna ugu ordaayo tahriibka badda Mideatreaniyaanka si uu u gaaro Yurub laakinse waqtigaan Cabdul Caal waa eey u dhammaatay oo meydkiisa ayaa loo keenay ehelkiisa.
ISHA WARKA AP.
IRAAN OO U YEERTAY SAFIIRKA INGIRIISKA EE TEHRAN.
IRAAN.
(TEHRAN)-Dalka Iraan ayaa waxa uu u yeeray safiirka Ingiriiska u fadhiyo Tehraan sabab la xiriirto banaanbaxyada ka socdo dalkaasi Iraan labadii todobaad ee la soo dhaafay,dawladda Iraan ayaa dalka Ingiriiska uga dacwooday warbaahin saldhigeedu yahay London kuna hadasha luqada looga hadlo dalka Iraan ee Persian warbaahintaas ayaa buunbuuniso mudaaharaadyada ka socdo dalkaasi Iraan.Qoraal soo baxay maanta oo Axad ah ayuu Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iraan ku sheegay sababta loogu yeeray safiirka dalka Ingiriiska ineey tahay inuu ka jawaabo”Cdaawada degaanka”lagana abuuraayo warbaahin ku baxdo luqadda Persian-ka taaso saldhigeedu yahay London,waxa eeyna warbaahintaasi ka soo horjeedaa nabada dalka Iraan sababto ah waxa eey buunbuunisaa geeridda gabar reer Iraan ah oo 22-ji ah kuna dhex geeriyootay saldhig boolis gudaha dalka Iraan,sidaa waxaa lag soo xigtay Wasiirka arrimaha dibadda Iraan.
ISHA WARKA AA.
QADAR OO LOO TABABARI DOONO CIIDAMO.
TABABARKA CIIDAMADDA DALKA TURKIGA.
(ANKARA)-Dalalka Turkiga iyo Qadar ayaa go’aansaday ineey dhaqaajiyaan isku xirka militeri ee iyaga ka dhexeeyo waxa eeyna isku raaceen in 36-diyaaradood oo nuuca dagaalka ah iyo 250-askeri inuu tababaro dalka Turkiga,sidaas waxaa sheegay Tv-ga dawladda Turkiga. Tv-ga TRT eey leedahay dawladda Turkiga ayaa laga soo xigtay caadi ka yeelidda daabulidda ciidamadda Qadar ayaa heshiiskeeda la gaaray sannadkii 2021-kii.Dalka Turkiga waxaa lagu tababari doonaa duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka ee dalka Qadar iyo ciidamadda lugta ee dalkaasi Qadar.
ISHA WARKA MEM.
26-QOFOOD OO KU DHIMATAY…
BANAANBAXYADA DALKA IRAAN.
(IRAAN)-Banaanbaxyo ayaa waxa eey ka qarxeen dalka Iraan ka dib markii eey gabar dhallinyara eey ku dhex dhimatay gudaha saldhig boolis eey maamulaan ciidamadda Anshaxa maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay, Tv-ga dalka Iraan ayaa sheegay in dad gaaraayo 26-qofoofd eey ku dhinteen rabshado ka jiro qeybo ka mida dalkaasi Iraan. “Waa nasiib darro,in 26-qofood eey ku jiraan xubno ka tirsan ciidamadda booliska eey ku dhinteen inta eey socdeen banaanbaxyada”sidaas waxa sheegay TV-ga dalka Iraan mana uusan bixin wax faafaahin ah oo intaas dhaafsiisan.
ISHA WARKA AA.
77-QOFOOD OO LA HELAY MEYDADKOODA.
GOOBTA LAGA SOO HELAY MEYDADKA.
(LIBNAAN)-Doon ku degtay xeebaha dalka Suuriya taaso waday muhaajiriin ka timid dalka Libnaan ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraayo 77-qofood sida uu sheegay wasirrka caafimaad dalka Suuriya maanta oo Jimca ah, waxaane laga cabsi qabaa in dhibaatada intaan ka sii badato.Shilkaan ayaa ah kan ugu dhimashada badan tan iyo markii eey bilaabeen ineey badda ku tahriibaan dadka ka soo jeedo dalalka Suuriya,Falastiin iyo Libnaan,dadkaan tahriibaayo ayaa raba ineey gaaraan xeebaha dalka Talyaaniga si eey halkaas uga bilaabaan nolol u dhaanta tan eey hadda ku haystaan wadamadooda.
ISHA WARKA AP.