Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GOOBTII GANACSI EE LAGU XIRO AMAR ALSHABAAB DIB LOOMA FURI DOONO.

GUDOOMIYE MADAALE.

(MUQDISHO)-Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishaan Sebtembar/7/2022-ka waxa uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),gudoomiye Madaale magacaabistiisa ayaa waxaa ka dhashay muran badan oo salka ku haayo cidda mudan in loo magcaabo xilkaan balse muranka ayaa markii dambe waxaa loo xaliyey hab ku saleeysan awood qeysiga beelaha dega Caasimadda Muqdisho.Magacaabidda Gudoomiye ayaa waxaa soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macallin Fiqi taaso uu aqbalay Madaxweyne Xasan Sheekh. Gudoomiye Madaale oo maanta ka hadlaayey munaasabad lagu muujinaayey doorka haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin Nabadda iyo la dagaalanka Xagjirnimada kana dhacday Muqdisho,gudoomiyaha ayaa goobta ka sheegay arrimo ku wajahan dadka la macaamilo kooxda Alshabaab gaar ahaan Ganacsatada qaadata amarada kooxda Alshabaab sida ineey goobahooda ganacsi ku xiraan amar Alshabaab siisay iyo ineey cadaalad u doontaan maxakamadaha Alshabaab.

ISHA WARKA ALLBANAADIR.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERAR LOO ADEEGSADAY MINDI OO KA DHACAY…

GOOBTA UU WEERARKU KA DHACAY.

(ISRAEL)-Sideed qofood oo reer Israel ah ayaa waxa uu soo gaaray dhaawac fudud ka dib markii nin la tuhmaayo inuu yahay aragagixiso uu mindi ku weeraray meel u dhaw magaalo ku taalo bartamaha Israel lana yiraahdo Modiin fiidnimadii maanta oo khamiis ah,sidaas waxaa sheegay hayadaha caafimaadka iyo ciidamadda booliska Israel. Masuuliyiinta ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha oo watay baabuur uu joogsaday isgoyska Shilat markaasne uu bilaabay inuu furo albaabka baabuurkiisa ka dibne uu mindi ku weeraro dadka waxa uuna dadka ku buuufiyey dareere laga soo sameeyey BASBAAS.

ISHA WARKA THE TIME OF ISRAEL.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUHAAJIRIIN KU DHUNTAY BADDA GIRIIGA.

MUHAAJIRIIN KU SOCOTA GIRIIGA.

(ATHENS)-Xukuumadda Giriiga ayaa isku duba riday baadi goob cirka iyo badda ah oo lagu baadi goobaayo lix qofood oo la sheegay ineey ka dhumeen koox muhaajiriin ah oo la soo helay maanta oo Khamiis ah,muhaajiriintaan ayaa laga soo helay koonfur Bari Jaziiradda Aegean ee Leros ka dib markii eey soo gudbeen meel u dhaw xeebaha dalka Turkiga ayagoo saaran doon yar oo ah kuwa hawada lagu shubo ah,waxaane socdo hawlgalo kala gedisan kana socdo koonfur galbeed dalka Giriiga ka dib markii markab ganacsi oo maraayey goobtaas uu soo qaaday 85-qofood oo muhaajiriin ah kuwaaso saarnaay doon ka samaysan Alwaax taaso ku soo socotay xeebaha dalka Talyaaniga.

ISHA WARAKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUHAAJIRIIN DOON KULA DEGTAY…

TAHRIIBAYAAL DOON KULA DEGTAY XEEBAHA DALKA LIBNAAN.

(BEIRUT)-Masuuliyiinta xukuumadda Suuriya ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah in 15-qofood oo meyd ah laga soo helay xeebta Tartus ka dib markii doon eey saarnaayeen oo waday muhaajiriin aan sharci ahayn ayaa ku degtay xeebta dalka Libnaan.Agaasimaha guud ee dekadaha dalka libnaan Samiir Kobrali ayaa yiri”Waxaa la helay 15-qofood meydkooda waxaan la soo badbaadiyey 8-qofood”waxaane weli socdo baadi goobka dad kale, waxaa iyagana baadi goobka dadka doonta la degtay ka qeyb qaadanaayo dad kaluumaysata ah,sida laga soo xigtay wakaaladda wararka u faafiso dalka Libnaan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY…

BOOLISKA INGIRIISKA.

(LONDON)-Dalka Ingiriiska wiil 15-jir dhigtana dugsiga ayaa lagu weeraray Mindi banaanka dugsiga la yiraahdo Huddersfield,booliska ayaana bilaabay baaritaan la xiriiro weerarkaas loo adeegsaday mindiada. Sida uu sheegay booliska weerarka ayaa waxa uu dhacay waqtiga Ingiriiska markuu ahaay 2:54-PM galabnimo ee maanta oo Arbaca ah,wiilka dhallinyarada ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac aad u halis ah waxaane loola cararay isbitaalka halkaasoo uu ku geeriyooday waqti yar ka dib.

ISHA WARKA GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DP WORLD IYO SHIRKAD SHINEES AH OO….

DEKADDA JABUUTI.

(DUBAI)-Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ayaa maalintii shalay oo Talaada ahayd sheegtay ineey mar kale ku guulaysatay dacwad u dhexeysay ayaga iyo shirkad kale oo Shiines ah dacwadaan ayaa qaadatay muddo aad u dheer si go’aan looga gaaro.Shirkada DP World ee dalka Imaaraataka ayaa sheegtay in maxkamada Racfaanka ee Hong Kong ogolaatay dalabka DP World eey ku sii wadanayso shaqada dekadda Jabuuti,lama oga go’aanka shirkadda kale ee laga leeyahay dalkaasi Shiinaha oo weli kama eeysan hadlin arrinkaan u gaarka ah DP World.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DACWAD CULUS AYAA LOO HAYSTAA 47-QOFOOD OO SOMALI-MARAYKAN AH.

WAAXDA CADAALADDA MARAYKANKA.

(MINNEAPOLIS)-Waaxda Cadaaladda dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqaday dacwado ka dhan ah 47-qofood oo badankooda Somali ah kuwaso lagu eedeeyey ineey ku lug leeyihiin xatooyadii ugu weyneyd gudaha Marayaknka oo lagu sameeyey lacag loogu talagalay quudinta caruur ciyaal iskuul ah lacagta la lunsaday ayaa dhan $250-Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

ISHA WARKA CAASIMADDAONLINE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA SACUUDIGA OO KU LUG YESHAY….

MBS IYO PUTIN.

(MOSCOW)-Dalka Ruushka ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu xabsiga ka sii daayey toban ruux oo maxaabiis ah kuwaaso uu ku qabtay dagaalka u dhexeeyo Ruushka iyo Yukrayn ka dib markii uu ninka leh dhaxaltooyada Boqortooyada Sacudiga Maxamed Bin Salmaan uu ka dhex sameeyey dhexdhexaadin sida eey sheegeen masuuliyiin u dhalatay dalka Sacuudiga. Dalka Sacuudiga waxaa ka soo degtay diyaarad sida dad maxaabiis ah lagana soo qaaday dalka Ruushka,maxaabiis ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhan tahay toban una kala dhasheen 2-Maraykanka ah,5-Ingiriis ah,1-Sweden ah,1-Korowaat ah iyo 1-Marookaan ah sida eey qortay wakaaladda wararka faafiso ee Reuters. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in maxaabiista la soo daayey eey qeyb ka yihiin maxaabiis isdhaafsi ka dhexeeyo dalalka Ruushka iyi Yukrayn.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALAK QADAR OO SI KU MEEL GAAR AH…

QADAR.

(ANAKARA)-Dalka Qadar ayaa maanta oo Arbaca ah go’aansaday iney si ku meel gaar ah u joojiyaan dal ku galka booqashada ah(VISITORS VISAS) waane inta uu socdo tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee sannadkaan 2022-ka kaaso eey martigelinayso dawladda Qadar,tartanka ayaana bilaaban doono bisha Nofeembar-2022-ka.Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha dalka Qadar ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay ineeysan ogolaan doonin dad booqasho ku yimaado dalka Qadar iyagoo soo raacaayo Diyaarado,Baabuur iyo Maraakiib inta u dhexeeyso 1/11/2022 ilaa 23/12/2022-ka,waxaa dalka Qadar loo ogolyahay ineey soo galaan oo kaliyah dadka wato Kaarka Hayaa.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ALQAACIDA OO DHUL LOOGA QABSADAY…

CIIDAMADDA YAMAN.

(ABYAN)-Xoogaga Golaha ku meel gaarka ah ee gooni isu taaga konfurta yaman(STC) ayaa sheegay maanta oo Axad ah ineey qabsadeen goob eey aad ugu xoog badnayd Kooxda Al-Qacida goobtaaso ku tiilay Gobolka Abyan ee dalkaasi Yaman.Afhayeenka golaha gooni isu taaga koonfurta Yaman Maxamed Al-Naqiib ayaa sheegay in xoogagooda la wareegeen goobtii eey ku xooganayeen Al-Qaacidda ee ku tiilay degmada Muudiyah taaso ku taal bariga Caasimadda gobolka Abyan ee Zinjibaar.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMAD YURUB EE XUQUUQUL INSAANKA OO..

XABSI KU YAALO YAMAN.

(PARIS)-Maxkamadda Yurub u qaabilsan xuquuqul Insaanka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano(ECHR) ayaa dalka Faransiiska ugu baaqday inuu dib u fiiriyo go’aankiisii uu ku diiday in dalka Faransiiska dib loogu soo celiyo laba dumar ah oo ku jiro xerooyin ku yaalo waqooyibari ee dalka Suuriya.Dacwada ku saabsan labada dumarka ah ayaa waxaa gudbiyey ehelkooda kuwaaso ka walaacsan gabdhahooda,labadaan gabdhood ayaa halkaas u safray si eey ugu biiraan dagaalyahanadda kooxda Daacish ee ka dagaalamaysay dhulka u dhexeeyo dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BANK KU YAAL BEIRUT OO…

LIBNAAN.

(BEIRUT)-Caasimadda dalka Libnaan ee Beyruut naag hubaysan ayaa waxa eey jebisay bangi maanta oo Arbaca ah,naagtaan hubaysan ayaa dalbatay in awood loo siiyo ineey lacag kala bixi karto xisaabteeda keydka(Saving) ee uga furan bangiga eey jebisay si eey lacagtaas ugu daaweyso walaasheed oo xanuunsan. Naagta jebisay bangiga ayaa wadatay bastoolad markeey jebinaysay bangiga waxa eeyna ku handaday shaqaalihii bangiga ineey is dili doonto haddii aanan la siin lacagta eey doonayso ineey ku daaweyso walaasheed lacagta eey dalbatay in la siiyo ayey dad goobjoogayaal ah ku sheegeen ineey dhan tahay $20,000 doolarka Maraykanka ah. Ma aha markii ugu horeysay eey Libnaan ka dhacdo arrin la mida midaan bishii hore ee Agoosto/11-keedii waxaa bangi ku yaalo Beyruut afduubay nin la yiraahdo Basaam Sheekh Xuseen waxa uuna dalbaday in xisaabkiisa ugu furan bangiga looga soo saaro lacag dhan $210,000 doolarka Maraykanka lacagtaaso Basaam u doonaayey aabihiis oo markaas Xanuunsanaay.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA IMAARAATKA CARABTA OO…

WARGAYSKA AL-ROEYA.

(DUBAI)-Sheekada ku saabsan sicirka shidaalka waa uu sareeyaa waa bed qab,tifatirayaasha waa isku raaceen xataa ayadoo uu jiro sharci xadidaayo warbaahinta ka hawlgasha gudaha dalka Imaaraatka Carabta. Taas bedelkeed ku sii daynta muujado deb ah wargayska Al-Roeya ee magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta. Maalmo gudahood tifatirayasha kuwooda ugu sareeyo ayaa su’aalo la weydiiyey,todobaadyo gudahoodna tobaneeyo shaqaale ayaa shaqada laga eryay iyo madbacadihii daabacaayey wargaysyada ayaa la soo cadeeyey in albaabada la sugu dhuftay oo la xiray.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AL-SISI OO GAARAY DALKA QADAR.

ALSISI.

(DOXA)-Maxadweynaha dalka Masar C/fataax Al-sisi ayaa tegay caasimadda dalka Qadar ee Doxa maanta oo Talaada ah tan iyo markii uu qabtay xukunka dalka Masar sannadkii 2014-kii. Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka u faafiso dalka Masar ee MENA,Al-sisi ayaa gaaray garoonka diyaaradaha caalamaiga ah ee Sheekh Xamad ee caasimadda Doxa ee dalka Qadar waxaane halkaas ku soo dhaweyey Amiirka dalkaasi Qadar Amiir Tamiim Bin Xamad AlThani.Dalalka Masar iyo Qadar ayaa xiriirkoodii dib u soo ceshaday sannadkii 2021-kii ka dib markii uu dhacay shirkii Al-Cula’a ee dalka Sacuudiga shirkaaso dib u heshiisiin loogu sameeyey dalka Qadar iyo afar dawladood oo xiriirika u jaray dalka Qadar sannadkii 2017-kii,dawladahaas ayaa kala ahaay”Masar,Sacuudiga,Imaaraatka iyo Baxrayn”.

ISHA WARKA.AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUQDISHO OO LAGU SOO GABAGABEEYEY SHIRKII….

GOLAHA WADATASHIGA QARAN.

(MUQDISHO)-Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay ku sii qulqulaayey Madaxda maamul goboleedyadda dalka Soomaaliya gaar ahaan afarta maamul ee kala ah KGS,H/SHABEELE,G/MUDUG IYO J/LAND waxaane khadka Zoom-ka kaga qeybgalay MW- Siciid C/laahi Deni oo sheegtay duruufo gaara ah.Shirka oo socday muddo dhan laba maalood ayaa maanta waxaa soo xiray MW-Xasan Sheekh Maxamuud waxaane jiro war murtiyeed eey si wada jira u soo saareen DFS iyo dhammaan maamul goboleedyada.

ISHA WARKA ALLBANAADIR

HALKAAN KA SI AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYARADAHA RUUSH OO CARUUR KU DILAY….

IDLIB.

(SYRIA)-Ugu yaraantodobo qofood oo wada shacab ah ayaa ku dhintay waxaane lana xaqiijiyey ineey ku jiraan caruur,waxaane ku dhaawacmay dad dhan 12-ruux oo kale ka dib markii eey diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka eey weerar ku qaadeen magaaladda Idlib ee waqooyi galbeed Suuriya subanimadii maanta oo khamiis ah,sidaas waxa laga soo xigtay ila wareedyo ka soo warama gudaha dalka Suuriya.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO MAXKAMAD SOO TAAGTAY…

MADA MASR.

(QAAHIRA)-Afar saxafi oo dumar reer Masar ah ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalo dalkaasi Masar maanta oo Khamis ah ka dib markii lagu soo eedeyey ineey faafiyeen warar been ah wararkaaso eey faafiyeen xisbiyadda siyaasadda dalkaasi Masar. Saxafaiyiinta ka soo muuqday maxkamada ayaa u wada shaqeynaayey wagayska la yiraahdo MADA MASAR,saxafiyinta wada dumarka ah una wada shaqeynaayey hal wargays ayaa kala ah Lina oo ah Tifatoraha wargayska halka Beesan,Sara iyo Rana eey yihiin saxafiyiin wax ku qora wargayska.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA MASAR OO ISAGA BAXAY SHIRKII U…

SHIRKI JAAMICADDA CARABTA.

(QAAHIRA)-Dalka Masar ayaa isaga baxay fadhigi eey Qaahira ku leeyihiin Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jaamicadda Carabta maanta oo Talaada ah,dalka Masar ayaa ka soo horjeedo qabashada dalka Liibiya uu qabanaayo hogaanka shirka 158-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jaamicadda Carabta waayo xukuumadda Masar ma aqoonsana dawladda hadda ka jirta dalka Liibiya ee uu hogaamiyo RW-C/xamiid Dbeibah taaso uu caalamku aqoonsan yahay,Wasiiradda Arrimaha Dibadda Liibiya Hajla Al-Mangush ayaana la wareegtay hogaanka fadhiga 158-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jaamicadda Carabta ee hadda si rasmi ah uga socdo magalaada Qaahira ee caasimadda dalka Masar. Dalka Masar,Imaaraatka Carabta iyo dalka Turkiga waxa eey ka mid yihiin dalalka lugta kula jiro arrimaha siyaasadda dalka Liibiya oo waxa eey kala taageeraan xukuumadda hadda ka jirta dalka Liibiya ee uu hogaamiyo RW-C/xamiid Dbeibah iyo ninka ka soo horjeedo ee la yiraahdo Bashagha oo dagaal ku qaaday magaaladda caasimadda ah ee Tripoli todaabkii tegay.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERAR KA DHACAY DALKA YEMAN.

YAMAN.

(YEMEN)-Sarkaal sare kana tirsan ciidamadda amaanka ee dalkaasi Yemen ayaa lagu dilay weerar eey qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Qaacida,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay degmada Ahwar ee gobolka Abyan koonfurta dalka Yemen maatnta oo Talaada ah. Sarkaal la dilay ayey xukuumadda Yemen magaciisa ku sheegtay Yaasir Shaayic waxa uuna ka tirsanaay ciidamadda eey tababartay dawladda Imaaraatka Carabta loona yaqaano SECURITY BELT FORCES(SBF). Kooxda Al-qaacidda ayaa weerarka la beegsatay goob lagu baaro baabuurta ee degmada Ahwar ee gobolka Abyan,taliye Yaasir ayaa ahaay madaxa guutada SBF ee gobolka Abyan waxaane la dhintay 15-askeri oo kula suganeed isla barta koontarool,kooxda soo weerartayne waxaa kaga dhintay 7-dagaalyahan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GABAR DIIDAY GUUR OO LA DILAY…

MASAR.

(MASAR)-Dalka Masar waxaa ku soo laabtay dilka loo gaysanaayo gabdhaha diida ineey guursdaan wiilasha u soo bandhiga guurkooda,hadaba gabar dhallinyara ah una dhalatay dalka Masar ayaa la soo sheegay in la dilay ka dib markii eey diiday guur uu u soo bandhigay wiil ree Masar ah. Amani C/karim oo 19-jir ah dhigatana Jaamicadda Munuufiya ee Waqooyiga dalka Masar ayaa lagu dilay xaafadeeda waxaane dilay wiil eey ka diiday inuu guursado,Axmed Fatxi Cumayra oo 29-jir ah waa wiilka dilay Amani ka dib markii eey ka diiday inuu guursado.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More