Ahmed Hussein Ahmed Hussein

7,500-DOOLAR OO LALUSH LOO ….

BOOLISKA LA DAGALANKA MUSUQA EE CIRAAQ.

(BAQDAAD)-Booliska dalka Ciraaq ayaa xiray taliye madax u ahaay hayad amni taliyaha ayaa lacag laaluush ah ka qaatay qof shacab ah gudaha xafiiskiisa oo ku yaalo gobolka Maysan ee dalkaasi Ciraaq. Sarkaal ka tirsan xafiiska la dagaalanka Muqusmaasaqa ayaa weeray xafiiska taliyaha la sheegay inuu qaatay laaluushka ka dib markii uu helay warar sheegayo inuu qaatay laalush kana qaatay dad uu ku socday baaritaan dembiyo ka dhacay gobolka uu joogay,lacagta la sheegay inuu laaluush ahaan u qaatay taliyaha amniga ayaa dhammeed 7,500-doolarka Maraykanka ah.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO XIRA HAWEENKA U DHAQDHAQAAQA..

LUJEEN.

(KSA)-Dalka Sacuudiga iyo guud ahaan wadamadda Khaliijka waxa eey ka wada siman yihiin meel uga dhaca xuquuqda dumarka gaar ahaan dumarka kuwooda waxbartay jecelna ineey ka qeyb qaataan siyaasadda dalkooda,bishii la soo dhaafay dalka Sacuudiga waxaa xabsiyo kala ah 35-sano iyo 45-sano lagu kala xukumay laba dumar ah oo wax ku qoray barahooda twitter-ka,labadaan dumar ee la xiray ayaa wax ku baranaayey dalka Ingiriiska waxane hadda soo baxday sheeko kale oo sheegayso in dalka Sacuudiga lacag siiyey dal reer Yurub ah si uu uga fududeeyo cadaadiska dhinaca siyaasadda ah.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERAR KA DHACAY DHULKA FALASTIIN.

ASKERI ISRAEL AH OO DHAWACAN.

(FALASTIIN)-Nin u dhashay Falastiin kuna hubaysnaay bastoolad ayaa waxa uu rasaas ku furay bas eey saarnaayeen ciidamo mileteri ah una dhashay Israel Daanta Galbeed ee Wabiga Urdun maanta oo Axada ah, weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay shan askeri waxaane ka mida askeri eey xaaladiisa caafimaad eey aad u kiidato,baska la rasaaseeyey ayaa ahaay mid dadweyne eeyna saarnaayeen ciidamadda Israel sida eey sheegeen mileteriga israel.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FADEEXO SOO WAJAHDAY DAWLADDA QADAR.

SHAQAALAHA DHISMAHA EE QADAR JOOGA.

(DOHA)-Dalka Qadar waxa uu ka mid yahay lixda wadan ee la isku yiraahdo Wadamadda Khaliijka kana kooban Sacuudiga,Imaaraatka,Kuwayt,Baxrayn,Cumaan iyo Qadar wadamadaan ayaa waxaa u soo shaqo doonto dad u badan kuwa ka yimid Qaaradda Aasiya haba ugu sii badnaadeene Pakistan,Hindi iyo Philipine,hadaba dalka Qadar waxa uu sannadkaan 2022-ka martigelinayaa tartanka koobka kubadda cagta adduunka waxa uuna sameeyey diyaargaraw dhinaca garoomadda iyo Huteeladda ah waxa eeyna cabasho ka soo yeertay shaqaalihii ka shaqeynaayey dhismayaashaas kuwaaso markii dambe laga tarxiilay dalka Qadar balse hadda sheekadu taas waa eey ka gedisan tahay oo waxaa qaab farsameysan cabashadooda dhinaca mushaarka ah u gudbiyey shaqaalaha ka shaqeeyo guryaha oo waxa eey cabashadooda soo dhigeen Aaladda TIKTOK taaso sahashay in caalamka oo dhan laga wada arko dhibaatadda haysata shaqaalaha u badan Filibiin kuna dhibaateysn Qadar,Wargayska Middle East Eye kana soo baxa dalka Ingiriiska ayaa wax ka qoray arrintaan.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TURKIGA IYO SUURIYA OO ISU SOO…

CIIDAMADDA TURKIGA.

(ANKARA)-War ka soo baxay dalka Turkiga todobaadyo ka hor ayey xukuumadda Ankara ku sheegtay ineey wada shaqeyn la yeelan doonto xukuumadda Suuriya uu hogaamiyo Bashaar Al-Asad.Todobaad ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevluk uu sheegay inuu la kulmay dhigiisa dalka Suuriya sannadkii hore 2021-kii,MW-Erdogan doonimaayo waxbana uguma fadhido dalka Turkiga in Bashaar Al-asad ka dego xukunka iyo inuu sii joogo.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SI AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SIRDOON KU LUG YEESHAY IN LA TAHRIBIYO…

SHAMIM BEGUM.

(LONDON)-Wadamadda Yurub iyo dalka Maraykanka waxaa isaga tegay dhallinyaro aad u fara badan kuna biiray Kooxdii Daacish kana dagaalamaysay dhulka u dhexeeyo Suuriya iyo Ciraaq,dhallinyaradaas ayaa ahaay kuwa aad u indha xiran lana socon khiyaanadda eey samaynayaan dadka ugu baaqay ineey galaan Jihaad balse Jihaadkaasi uu ahaay mid marin habaabin ku ah dhallinyaradaas,waxaane dhacday in gabdhihii yar yaraay kuna biiray kooxda Daacish ineey guursadeen dhallinyaro ayaga la mida lana soo siray loona soo sheegay been aan raad lahayn,caruurtii ku dhalatay goobihii dagalada ayaa ilaa hadda aan dib ugu soo laaban dalalkii waalidiintooda ka soo haajireen,hadaba Shamim Begum ahaydne gabar 15-jir ah waqtigii si dhuumaalyasi ah looga saaray dalka Ingiriiska lana geeyey dalka Suuriya si eey ugu biirto kooxda Daacish,Shamim ayaa gaartay Suuriya ayadoo gacan weyn ka heleysay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay sirdoonka dalkaasi Kanada kaaso indhaha booliska Ingiriiska ka qariyey in Shamim tahay gabar ku wajahan ineey ku biirto Kooxda Daacish kana dagaalanta xuduuda u dhexeeyso dalalka Suuriya iyo Ciraaq,ogaanshaha sarkaalkan Kanada u dhashay ayaa timid ka dib markii uu ku daabacay sheekada Shamim buug uu isaga qoray.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QUBUURO DAD KU AASAN YIHIIN OO LAGA….

QUBUURO LAGA HELAY DALKA LIIBIYA.

(TRIPOLI)-Dalka liibiya ayaa ka mida wadamadda uu ka dhacay kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta waxaane xukunka looga tuuray MW-Qadaafi kaaso dalka Liibiya xukumaayey muddo aad u dheer,kacdoonkaas ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan qaar kalane waaba la waayey raq iyo ruux halkeey qabteen,xukuumadda Liibiya ee hadda jirta ayaa dhistay hayad daba gasha dadka la la’ayahay halka eey ku dambeeyen waxa eeyna dawladda Liibiya shalay oo Arbaca ahayd sheegtay in la soo helay qubuuro lagu aasay dad gaaraayo 15-qofood laba goobood oo kala gedisan kuna wada yaalo magaala xeebeedka Sirta. Qoraal eey soo saartay hayadda dalka Liibiya u qaabilsan Baaritaan iyo cadaynta dadka la la’ayahay ayey ku sheegtay in la soo helay laba qabri oo ku yaalo dhul uu iska leeyahay Isbitaalka Inu Sina ee magaaladda Sirta.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SAII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO QOF DUMARA KU XUKUMAY….

NUURAH.

(DUBAI)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaa si xawli ah uga socdo xarig loo gaysanaayo dumarka waxbartay kana aragtida duwan wiilka dhaxal sugaha ah ee dalkaasi Sacuudi Maxamed Bin Salmaan(MBS),horay waxaa 35-sano oo xariga lagu xukumay Salma Al-Shehab oo ah hooyo leh laba caruura waxna ka barata dalka Ingiriiska markii la xiraayey Salma waxa eey booqasho Sacuudiga ugu timid ehelkeeda,hadaba maxkamad ku taalo isla Sacuudiga ayaa qof kale oo dumara waxa eey ku xukuntay 45-sano oo xarig ah ka dib markii lagu soo eedeeyey ineey baraha bulshada wax kaga sheegtay dalka Sacuudiga sida lagu arkay dukuminti la helay maanta oo Arbaca ah,qoftaan dumarka ee lagu xukumay 45-sano ee xariga ah ayaa noqonayso qofkii labaad oo dumar ah laguna xukumo xabsi dheer isla bishaan Agoosto-2022-ka gudaheeda. Nuuraha Bint Saciid Al-qaxtaani oo ah qofta lagu xukumay 45-sano ee xariga ah ayaa ka soo jeedo qabiil ka mida qabiiladda ugu tunka weyn dalkaasi Sacuudiga.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIRAAQ UU KA JIRO JAHWAREER.

CIRAAQ.

(CIRAAQ)-Dalka Ciraaq waxaa weli ka taagan ismari waa dhinaca siyaasadda ah una dhexeeyo kooxo iska soo horjeedo ayna kala hogaaminayaan Muqtada Al-sadri iyo Nuur Al-Maliki oo dhammantood ah Shiicadda reer Ciraaq,hadaba maxkamada sare Federaalka dalkaasi Ciraaq ayaa maanta oo Talaada ah waxa eey dib u dhigtay go’aan ka gaaridda arrinta baarlamaanka dalkaasi Ciraaq,waxaane dhacday in taageerayasha Al-sadri eey weerareen dhismayaasha Baarlamaank iyo Qasriga halkaasne eey ka dhacday toogasho eey ku dhinteen dad dhan toban qofood maalmihii la soo dhaafay.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TAHRIIBAYAAL REER MASAR AH OO KU DHINTAY…

LIIBIYA.

(LIIBIYA)-Doon siday dad Tahriibayaal ah una badnaay dad u dhashay dalka Masar ayaa ku qalibantay xeebaha dalka liibiya waxaane ku dhintay laba ruux waxaane la la’ayahay sagaal iyo toban kale kuwaaso loo malaynaayo in iyaguna geeriyoodeen,waxaa sidaas maanta oo Isniin ah sheegtay hayadda dalka Liibiya u qaabilsan la dagaalanka dadka Muhaajiriinta aan sharciga ahyn,waane dhibaatadii ugu dambaysay ee ka dhacda Badda miditereeniyaanka. Doonta ayaa siday 27-muhaajiriin waxaane laga soo helay magaaladda Tolmita kuna taalo Waqooyibari dalka Liibiya waxa eeyna magaaladda Benghazi u jirtaa 110-kiilomitir sida eey sheegtay waaxda Liibiya u qaabilsan la dagaalanka Muhjiriinta aan sharciga ahayn.

ISAH WARKA AP,

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAQDAAD OO AMNIGEEDU SII GELAAYO….

MAGAALADDA BAQDAAD.

(BAQDAAD)-Toban ruux oo ka mida dad sameeynaayey babaanbax gudaha caasimadda Baqdaad ee dalkaasi Ciraaq ayaa geeriyooday maanta oo Isniin ah,ka dib markii tageerayaasha Sheekha Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadri weerareen Qasriga Jamhuuriga oo eey fadhisato xukuumadda Ciraaq kuna yaalo magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad.Sida laga soo xigtay xarumaha caafimaadka ee Baqdaad rabshadihii maanta ka dhacay Baqdaad waxaa ku dhaawacmay 150-ruux.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMADA CIIDAMADDA LIIBIYA OO…

FATXI BASHAGHA.

(LIIBIYA)-Maxakamadda ciidamadda ee hoos tagta wasaaradda gaashaandhiga dlkaasi Liibiya ayaa amar eey soo saartay shalay oo Axad ahayd ku sheegtay in la soo xiro ninka eey Reysal Wasaare u magacaabeen qeyb ka mida baarlamaanka dalka Liibiya qeybtaaso fadhigeedu yahay Tabruk waana ninka la yiraahdi Fatxi Bashagha,ninkaan ayaa u sabab ah dagaalka ka qarxay caasimadda Tripoli ee dalkaasi Liibiya. Xafiiska garsoorka ee maxkamadda ciidada Liibiya qoraal codsi ah uu u diray booliska,Nabad Sugida iyo dhammaan haydaha amaanka ka shaqeeyo kuna sugan dalka Liibiya in la soo qabto Fatxi Bashagha.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHEEKH AXMED RAYSUUNI OO SHAQADA KA TEGAY.

SHEEKH AXMED RAYSUUNI.

(MAROOKO)-Waxaa maanta oo Axad kuna beegan 28/8/22-ka shaqa ka tegidiisa gudbiyey Madaxa Ururka Culimadda Muslimiinta Sheekh Axmed Raysuuni oo ah Sheekh u dhashay dalka Marooko. Arrinta shaqa ka tegidda ee Sheekh Axmed Raysuuni ayaa timid ka dib markii Sheekhu bixiyey waraysi ku saabsanaay in dalka Muritaaniya yahay dal ka tirsan dalka Marooko.

ISHA WARKA ARABICPOST.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOORASHADA BAARLAMAANKA KUWAIT OO…

KUWAIT.

(KUWAIT)-Dalka Kuwait ayaa qaban doono doorashada baarlamaanka dalkaasi sagaal iyo labaatan bisha soo soco ee sebtembar(29/9/22)-ka sida eey sheegtay wakaaladda wararka u faafiso dalka Kuwait ee KUNA ka dib markii ninka leh dhaxalka dalka Kuwait uu meesha ka saaray muranka doorashada baarlamaanka ee u dhexeeysay xukuumadda Kuwait iyo gudiga doorashooyinka dalka Kuwait. Dhaxal sugaha dalka Kuwait Amiir Sheekh Mashcal Al-Axmed Al-sabaax ayaa ah ninka kala wada hawsha dalka Kuwait waxa uuna soo saaray Dikireeto uu ugu baaqaayo cod bixiyeyaasha dalka Kuwait ineey doortaan 50-ka kursi xildhibaanandooda bisha Sebtembar-29-2022-ka.

ISHA WARKA DS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

159-RUUX UU DHAAWAC KA SOO GAARAY….

DAGAALKA DALKA LIIBIYA.

(TRIPOLI)-Dagaalka shalay oo Sabti ahayd ka qarxay caasimadda dalkaasi Libiya ee Tripoli una dhexeeyo laba kooxood oo iska soo horjeeda iskuna haayo taladda dalkaasi Liibiya,wararka ka imaanaayo dagaalkaasi ayaa sheegaayo ineey dhinteen dad gaarayo ilaa 32-ruux una badan dad shacab ah sidaas waxaa maanta oo Axad ah laga soo xigtay hayadaha caafimaadka ee dalkaasi Liibiya. Qoraal eey soo saartay wasaaradda caafimaadka dalkaasi Liibiya ayey ku sheegtay ineey dhaawacmeen dad gaarayo 159-ruux ka dib markii eey rasaas ugu tagtay guryahooda degmooyin kala gedisan kana tirsan caasimadda Tripoli.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIR U DHEXEYO JAPAN IYO AFRIKA OO KA FURMAY…

SHIRKA TICAD EE TUNISIYA.

(TUNISIYA)-Caasimadda dalka Tuniisiya ee Tuunis waxaa maanta oo Santi ah(27/8/22)-ka ka furmay shir u dhexeeyo wadamadda Qaaradda Afrika iyo dalka Japan loona aqoon ogyahay TICAD. Ticad ayaa la aasaasay sannadkii 1993-dii waxaane loogu talagalay in iskaashi dhexmaro wadamadda Afrika iyo dalka Japan,shirkaan ayaa loo qorsheeyey inuu qabsoomo seddexdii sanaba hal mar midkii ugu dambeeyeyne waxaa lagu qabtay dalkaasi Kenya. Dalka Japan ayaa waxa uu rabaa inuu kula tartamo dhinca maalgashiga Qaaradda Afrika dalka Shiinaha oo hadda si xawli ah ugu dhexjira Qaarada Afrika,sannadkii 2018-kii dalka Japan waxa uu Afrika ugu deeqaya lacag dhan 17-milyaar oo doolarka dalka Maraykanka ah,waxa uuna dalka JAPAN maalgashi ku sameeyey Qaarada Afrika lacag dhan 4.8-milyaar oo doolarka Maraykanka ah,shirka maanta ka socdo Tuniisiyana waxa uu dalka Japan Afrika ugu deeqay lacag gaareyso 30-milyaar oo doolarka maraykanka ah seddexda sano ee soo socoto shirkaan hadda ka socdo Tunisiya waxaa dalka Soomaaliya uga qeybgalay RW-Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaaminaayo.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL MAANTA KA QARXAY DALKA LIIBIYA.

DAGAALKA DALKA LIIBIYA.

(TRIPOLI)-Dagaal culus ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu ka qarxay caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli,dagaalka maanta ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan waxaane ku dhaawacmay dad isugu jira shacab iyo kooxihii dagaalamay,waxa uuna burbur ba’an soo gaaray dhismayaal fara badan uuna ku jiro Masaajid ka dib markii uu ku habsaday Madfac habaw ah. Ila wareedyo ku sugan caasimadda Tripoli ayaa soo sheegay sababta keentay dagaalka maanta ineey tahay kala shakin dhexmartay ciidamadda uu hogaamiyo Haytam Tajori ahne taliyaha Guutada 777-aad uuna fadhigoodu yahay caasimadda Tripoli iyo kuwa aan qeyb ka ahayn amniga caasimadda Tripoli ayaa isku xabadeeyey wadada Al-Zaawiyaha ee caasimadda Tripoli,warar hadda i soo gaaray ayaa sheegaayo in dhimashada la xaqiijiyey tahay 12-qofood dhaawacana uu gaaraayo 87-qofood una badan dad shacab ah.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RW-ALKADHIMI OO KA HADLAY….

TAAGEERAYASHA MUQTADA AL-SADRE.

(BAQDAAD)-Reysal Wasaaraha dalkaasi Ciraaq Mustafa Al-kadhimi ayaa waxa uu maanta oo Sabti ah ka digay dhibaatada siyaasaadeed ee ka jirta dalka Ciraaq waxa uuna ku tilmaamay ineey tahay mid handadaad ku hayso guul ka gaaridda nabadda soo jiitamaysay sannadihii la soo dhaafay.RW-Al-kadhimi digniin cad uu soo saaray ku tilmaamay khataraha ka imaan karo dhibaatooyinka siyaasadeed ee sii xumaanaayo tan iyo marka laga soo bilaabo sannadkii 2003-dii waqtigaaso dalka Ciraaq eey ku soo duuleen isbahaysi uu hogaaminaayey dalka Maraykanka. Dhibaatada hadda ka taagan dalkasi Ciraaq ayaa ah mid eey isku hayaan laba hogaamiye kana wada tirsan Shiicadda dalkaasi Ciraaq kalana ah Muqtada Al-sadri iyo Reysal Wasaarihii hore ee dalkaasi Ciraaq oo hadda gadaal eey ka taagan tahay dawladda Iraan lana yiraahdo Nuur Al-Maaliki.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL KA QARXI RABA CAASIMADDA DALKA LIIBIYA.

KOONFURTA CAASIMADDA TRIPOLI.

(TRIPOLI)-Hareeraha casimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa lagu arkay maalmahaan dhisidda ciidan eey sameynayaan kuwa iska soo horjeeda oo doonaayo ineey xukumaan dalkaasi Liibiya. Koox ka mida kooxaha ku sugan daafaha caasimadda Tripoli ayaa ah kuwa ka amar qaata RW-C/xamiid Dbeibah kuwa kalane waxa eey ka amar qaataan Reysal Wasaaraha la magacaabay bishii Maarso-2011-ka ee Fatxi Bashagha.Ila wareedyo ku dhaw RW-Dbeibah ayaa wakaaladda wararka Anadolu ee dalkaasi Turkiga shalay oo Kahamiis ahayd u sheegay in xoogaga la geeyey koonfurta caasimadda Tripoli yihiin kuwa sugaayo suuragalna eey tahay ineey weeraraan ciidamadda daacadda u ah Bashagha.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BIYA LA’AAN KA JIRTA SUURIYA.

IDLIB.

(IDLIB)-Dalka Suuriya dad shacab ah oo barakacayaal ah kuna sugan gobolka Waqooyi Galbeed ee idlib ee dalkaasi Suuriya ayaa wajahaayo biyo ;a’aan eey sababtay heerkulka halkaasi ka jira oo ah mid aad u sareeyo,abaaro iyo dhismayaal baaba’asan sidaas waxaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay isku duwaha kooxda ka jawaabta dhibaatooyinka ee dalkaasi Suuriya. In ka badan 800-kun oo shacab ah kuna sugan gobolka Idlib ayey haysaa dhibaatada biya la’aanta waqtigaan kulaylaha iyo ayagoo aanan haysan waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha dadka.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More