Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WAA MAXAY SABABTA UU U SAMEEYEY?

DUKAANKA CARABTA.

(RIYAD)-FADLAN I CAAWI”HOOYO U DHALATAY DALKA MARAYKANKA IYO GEBER EEY DHASHAY AYAA DABIN LOOGU DHIGAY DALKA SACUUDI CARABIYA KA DIB MARKII NINKEEDII UU U DIIDAY INEEY KA DOOFAAN DALKA SACUUDI CARABIYA”,Waa maxay sababta? Carley Morris iyo odaygeeda waxa eey isla soo qaateen waqti wanaagsan,waxa eey kulmeen sannadkii 2012-kii waxa eeyna ku kulmeen(barteen) bogga isguursiga Muslimiinta waxa eeyna ahaayeen kuwa isla qosla.Carley Morris ninkeeda waxa uu ahaay nin u kariya cuntada isagoo uga soo adeegaayo dukaamadda eey yaaliin cuntooyinka carabta,laakinse sannadkii 2018-kii Morris iyo odaygeedii waa eey kala tageen ka dib markii eey isla joogeen muddo dhan shan sano.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIIBIYA OO WAJIHI DOONO DAGAAL…

FATXI BASHAGHA.

(TRIPOLI)-Marka laga hadlaayo dalka Liibiya waxaa isla markiiba inagu soo dhacaayo Macamar Alqadaafi kaaso dalka Liibiya soo xukumaayey muddo dheer balse xukunka looga qaaday si fool xun sannadkii 2011-kii waqtigaaso uu socday kacdoonkii ka dhacay wadamo fara badan oo Carbeed sida Masar,Yaman Tunisiya iyo Suudaan. Dalka Liibiya oo qani ku ah shidaalka ayaa waxa uu galay dagaal daba dheeraaday eeyna gadaal ka taagan yihiin dawlado shisheeye oo dano gaara ka leh khayraadka dalkaasi Liibiya,dawladahaasi waxaa kala hogaaminaayo Turkiga,Masar iyo Imaaraatka Carabta,danta dawladahaan ma aha in shacabka Liibiya helaan nabad waarta oo la mida tii eey horay u heesteen laakinse danadhilifyo eey wataan wadamo shisheeye ayaa dalka Liibiya geliyey xaaladaan adag uu hadda ku jiro. Hadaba bisha Febraayo ee soo socoto-2023-ka ayaa loo balansan yahay in Fatxi Bashagha inuu noqdo Reysal Wasaaraha cusub uu yeelaanayo dalkaasi Liibiya, RW-Fatxi ayaa waxaa doortay baarlamaanka Liibiya qeybtiisa fadhida Tabruk,waxaane jirto qeyb kale kana tirsan baarlamaanka Liibiya oo fadhida magalaadda caasimadda ah ee Tripoli,arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii uu dhammaday waqtigii xukuumadda uu hogaamiyo C/xamid Dbeibah taaso fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli.

ISHA WARA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERA LAGU QAADAY XARUN CIIDAN.

DALKA SUURIYA.

(SUURIYA)-Ciidamadda Maraykanka kana hawlgala dalkaasi Suuriya ayaa sheegay waqti hore maanta oo Arbaca ah ineey qaadeen weerar cirka ah kuna qaadeen bariga dalka Suuriya,weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob eey isticmaalayeen ciidamo eey soo tababareen ciidamadda ilaaladda kacaanka ee dalkaasi Iraan(IRG). Koox reer Suuriya ah una dooda xuquuqda aadanaha lana yiraahdo DEIR EZZOR-24 ayaa sheegtay weerarka cirka uu qaaday Maraykanka lala beegsaday xerada Caa’isha eeyna maamulaan kooxda Faatimiyiinta oo ah dagaalyahano Shiica ah kana yimid dalkaasi Afgaanistaan,weerarka ayaa waxaa ku dhintay toban qofood kalana ah lix qofood oo Suuriyaan ah iyo afar qofood oo ajnabi ah waa sida eey sheegtay DEIR EZZOR-24.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DHISMO SOO DUMAY DUMAY DALKA CIRAAQ.

KARBALA.

(BAQDAAD)-Dhul taag ah kana samysan safiito ayaa soo dumay maalintii Sabtida ahayd goobta soo duntay ayaa ahayd goob eey dadka Shiicada ah ee reer Ciraaq meel u siyaaro tagaan,dhismaha soo dumay ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraayo todobo qofood eeyna ku jiraan caruur sida eey sheegeen masuuliyiinta reer Ciraaq maanta oo Isniin ah. Dhismaha soo dumay ayaa ahayd goob Imaam Cali lagu soo siyaarto kuna taalo magaaladda Karbala oo sideetan kiilomitir u jirto kuna beegan koonfurta caasimadda Baqdaad.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA QADAR OO XABSIGA U TAXAABAY….

QADAR-2022-KA.

(DUBAI)-Dalka Qadar ayaa xabsiga u taxaabay ugu yaraan dad gaaraayo lixdan(60)-qofood oo shaqaale ajnabi ah,shaqaalahaan ayaa ka banaanbaxayey dhawr bilood aan la siin wax mushaar ah ayadoo seddex bilood uun inaga xigto qabashada tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee sannadkaan 2022-ka eeyna martigelinayso dawladda Qadar. Ma aha markii ugu horeeysay eey dawladda Qadar xirto amaba eey handado dadka ah shaqaalaha ajnabiga ah oo hadda ka hor waxa eey xireen nin u dhashay dalka Kenya oo wax ku qoray Twitter-kiisa kagana hadlay dhibaatada lagu haayo shaqaalaha ajnabiga ah kuna sugan dalkaasi Qadar.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA HADASHAY…

HOTEL AHAYT-MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Dawladda Soomaaliyeed ayaa maanta oo Axad ah soo afjartay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotel-ka Hayat ee magaaladda Muqdisho,weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo 21-qofood waxaane ku dhaawacmay dad dhan 110-qofood sida eey sheegtay DFS. Soo afjaridda weerarka Alshabaab ayaa waxa uu ciidamadda ka qaatay muddo dhan 30-saacadood waxaane Hotel-ka ka dhex dagaalamaayey dagaalyahano Alshabaab ah kuwaaso Hotel-ka soo galay habeenkii Jimcaha,weerarkaan ayaa ah kii ugu horeeyey eey qaadeen kooxda Alshabaab tan iyo markii uu xukunka dalka Soomaaliya qabtay MW-Xasan Sheekh bishii Meey-2022-ka.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DHOOLATUS CIIDAN KANA DHACAY….

DHOOLATUS CIIDAN.

(ISTAMBUUL)-Ciidamadda gaarka ah ee dalalka Masar,Sacuudiga Imaaraatka Carabta,Giriiga iyo maamulka Jaziiradaha Qubrus ayaa maanta oo Axad ah waxa eey ka wada qeybgaleen dhoolatus ciidan sida laga soo xigtay ciidamadda dalkaasi Masar. Dalalka Maraykanka,Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo iyo Boqortooyada Baxrayn ayaa iyagan dhoolatuska uga qeybgalay goobjoogayaal ahaan. Dhoolatuskaan ayaa u muuqdo mid loogu cagjuglaynaayo dalkaasi Turkiga oo eey is hayaan dalalka Masar iyo Giriiga qeybna ka ah dhoolatuska ciidan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHAN DAL OO CARBEED OO BERRI KU SHIRI DOONO..

SHIRKA MASAR.

(URDUN)-Boqorka dalka Urdun C/laha 2-aad ayaa isu diyaarinayo inuu safar ugu baxo dalkaasi Masar halkaasoo uu kaga qeybgeli doono shir shangeesood ah maalinta Isniinta ee berri ah sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalkaasi Urdun maanta oo Axad ah. Tv-ga Almamlaka ee boqortooyada Urdun ayaa sheegay in kulan uu ka dhacaayo dalka Masar eeyna ka qeybgeli doonaan hogaamiyeyaasha dalalka Masar(Alsiisi),Imaaraatka(Bin Zayed),Baxrayn(Xamad Bin Ciisa),Urdun(C/laha 2-aad) iyo RW-Ciraaq Mustafa.Fadhigaan ayaa go’aan looga gaari doonaa arrimo eey ka mid yihiin waxyaabah ku soo kordhay dhulka reer Falastiin iyo arrimaha bariga dhexe sida laga baahiyey idaacadaha dalalka ka qeybgelaayo shirka,xukuumadda Masar oo shirka martigelin doonto ayaan ilaa hadda cadeeyn maqifkeeda ku aadan shirkaan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHILALKA KA DHACO MARAYKANKA OO KORDHAY.

SHIL HALIS AH.

(USA)-Shilalka halista ah ee ka dhaca gudaha dalkaasi Maraykanka ayaa bilaabay ineey kor u kacaan labadii sano ee ugu dambeeysay weline kor ayey u sii socdaan shilalkaas halista ah ee ka dhaca Maraykanka ilaa sannadkaan 2022-ka. Shialalka ka dhaco wadooyinka dalkaasi Maraykanka ayaa kordhay boqolkiiba todobo(7%) seddexdii bilood ee ugu horeeyey sannadkaan 2022-ka,waxaane shilalka ka dhacay wadooyinka Maraykanka lagu sheegay ineey dhan yihiin 9,560-shil waane eey ka sareysaa tira ahaan rubaca labaatankii sano ee la soo dhaafay.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARAATKA OO XUKUN KU RIDAY..

DEKADDA JABAL CALI.

(DUBAI)-Maxkamad ku taalo magaaladda Dubai ee dalkaasi Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE)ayaa dembi ku heshay maraakiib qaada xamuulka kuwaaso sababay in qarax weyn uu ka dhaco dekadda ugu dhaqdhaqaaqa badan dalkaasi Imaaraatka ee Jabal Cali sannadkii hore 2021-kii,qaraxa ka dhacay dekadda Jabal Cali ayaa waxaa laga wada maqlay dalka Imaaraatka oo dhan waxaane cirka laga arkaayey qaac madaw oo dul heehaabaayo dekadda Jabal Cali sida uu sheegay Wargays laga leeyahay Imaaraatka. Maxkamada Dubai waxa eey xukun ku riday shaqaalihii markabka qaraxay waxa eeyna ku xukuntay min hal bil oo xarig ah balse xukunka laguma fulin shaqaalaha oo waxaa loogu bedelay lacag waxaane mid walba lagu xukumay inuu bixiyo toban kun oo dirham(10,000) una dhiganta doolar ahaan ($27,225) labaatan iyo todobo kun laba boqol labaatan iyo shan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SOOMAALIYA OO QEYB KA NOQON DOONTA CDC-AFRICA.

FURUQA.

(KAMPALA)-Dalka Soomaaliya ayaa la soo sheegay inuu ka guulaystay wadamo Afrika ah oo kula tartamay qabshada hogaanka xafiiska CENTRAL DISEASE CONTROL ee Qaaradda Afrika,xafiiskaan ayaa waxaa xubno ka ah dawladdo fara badan oo Afrika ah waxa uuna leeyahay xafiis goboleedyo loo yaqaano REGIONAL COOLBORATION CENTER sida kan eey leeyihiin Wadamada Bariga Afrika ee la yiraahdo Eastern Africa RCC kana kooban14-dal Soomaaliyana eey ka mid tahay,Wasaaradda Caafimaadka JFS ayaa isku hawshay ineey ka qeybgasho tartank loo gelaayo booskaan hogaanka CDC Afrika,tartanka ayaa waxa uu ka dhacay dalka Tanzania dalka Soomaaliyana waxaa ku metelaayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xasan Maxamed(Buraale) waxa uuna hogaanka CDC-da qaban goor dhaw. Isla CDC-da Afrika madaxeeda waqtigaan ayaa sheegay inuu si aad ah uga maqsuuday magaca eey hayadda caafimaadka adduunka(WHO) eey dib ugu bixisay magaca cudurka MONKEYPOX(FURUQA) kana fogeysay in magaca la siiyo Qaaradda Afrika.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

21-QOFOOD OO KU DHIMATAY…

QARAXII SHALAY KA DHACAY MASAAJIDKA.

(KAABUUL)-Qarax ka dhacay gudaha Masjid ku yaalo magaaladda Kaabuul ee dalkaasi Afgaanistaan waqtigii salaada xalay fiidkii oo Arbaca ahayd ayaa waxaa ku dhintay 21-qofood ugu yaraan waxaane dadka dhintay ka mid ah Sheekh caan ka ah dalkaasi Afgaanistaan,waxane qaraxaasi ku dhaawacmay 33-qofood oo kale sida eey wada sheegeen goobjoogayaal iyo booliska maanta oo Khamiis ah.Qaraxaas shalay ka dhacay Kaabuul ma jirto cid sheegatay ilaa hadda waxaane jiro xoogag fara badan kuna sugan dalka Afgaanistaan sida Daacish oo si aada uga soo horjeedo maamulka sannad jirsaday ee Talibaan,waxaane la soo sheegaa in dadka ku dhaawacmay qaraxii shalay eey ka mid yihiin caruur.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SALMA AL-SHEHAB MUXU SACUDIGA U XIRAY?

SALMA AL-SHEHAB.

(RIYAD)-Maxkamad ku taalo dalka Sacuudiga ayaa 34-sano oo xarig ah waxa eey ku xukuntay ardayad diyaarinaysay shaahadada Phd-da,xiriga ardayada Sacuudiga ah ayaa sabab looga dhigay ineey faafisay warar been abuur ah kana faafisay dawladda Sacuudiga iyo ineey dib u qortay qoraalo eey barahooda Twitter-ka soo dhigeen dad mucaarad ku ah dawladda Sacuudiga sida lagu arkay dukumintiyo la helay maanta oo khamiis ah, Go’aanka eey gaartay maxkamada Sacuudiga ayaa laga cambaareeyey adduunka oo dhan. Kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo garyaqaanada ayaa aad uga dhiidhiyey xukunka lagu riday Salma Al-sheha oo ah hooyada laba caruur ah isla markaasne ah cilmi baare ka tirsan Jaamicadda Leeds ee dalkaasi Ingiriiska. Xukunka Salma Al-shehab waxa uu ka nixiyey dad badan oo horay u saluugsanaay qaabka eey u shaqeyso cadaaladda Sacuudiga. Salma Al-shehab ayaa la xiray 15/1/2021-kii(SANAD IYO TODOBO BIL) ka dib markii eey booqasho ugu timid ehelkeeda oo joogo Sacuudiga ka hor inta eeysan u laaban dalka Ingiriiska,sidaasne waxaa sheegay urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha fadhigiisuna yahay magaaladda Washington ee dalkaasi Maraykanka.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAX KA DHACAY AFGAANISTAAN.

AMBULANCE.

(KABUL)-Waxaa laga cabsi qabaa ineey dhinteen amaba eey dhaawacmeen dad fara badan ka dib markii Qarax aad u xoog badan uu ka dhacay gudaha Masaajid waqti la dukanaayey Salaada caasimadda Kabul ee dalka Afgaanistaan maanta oo Arbaca ah.Booliska Afgaanistaan ayaa sheegay ineey jirto khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah balse boolisku ma uusan sheegin tirada dhimatay ama inta dhaawacantay. Sarkaal sare kana tirsan hayadaha amniga ee Talibaan lana hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay ineey suuragal tahay ineey dhinteen ama eey dhaawacmeen dad gaarayo 35-qofood,waane eey dhici kartaa ayuu yiri sarkaalkaasi in tirada intaas ka badan tahay,war aan la xaqiijin lagana soo xigtay Tv-ga Al-Jazeera ayaa sheegaayo in dhimashadu dhan tahay 20-qofood ilaa hadda.

ISHA WARKA DS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GABDHO LA AFDUBAY OO DIB UGU SOO…

CAALIYA, SUCAAD IYO AYEEYADOOD.

(CIRAAQ)-Dalka Ciraaq waa halka looga dhawaaqay kooxda la baxday Daacish/ISIS ka dibne u gudubtay dalka Suuriya,kooxdaan ayaa si sahlan isugu fidsay xuduudka dalalka Ciraaq iyo Suuriya mudo gaaban waxa eeyna soo jiiteen dhallinyaro aan waxba ka garanayn Diinta kuna kala sugan adduunka dacaladiisa. Laba Gabdhood oo reer Ciraaq ah kana soo jeedo dadka laga tirada badan yahay ee EZIDI ayey kooxda Daacish/ISIS waxa eey ka afduubeen magaaladda Musol ee dalka Ciraaq sannadkii 2014-kii gebdhaha ayaa sheegay in noloshooda ahayd mid ku sugneed jahwareer maalin kasta. Gabdhaha la afduubtay ayaa la kala yiraahdaa Caaliya Bersest Naa’if iyo Sucaad Berekat Na’if waxaane gabdhahaan laga afduubtay degmada Sinjar waxaane afduubtay Daacish/ISIS kuwaaso dilay labada aabe ee gebdhahaan, aabayaasha labada gebdhood ayaa wada dhashay oo gebdhuhu waa ilma adeer oo hadda waxa eey la nool yihiin ayeeyadood oo 70-jir ah kuna sugan xero qaxooti oo ku taalo gobolka Duhok ee dalka Ciraaq.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA OO 34-SANO KU XUKUMAY…

SALMA ALSHIHAAB.

(SACUDIGA)-Ardayad u dhalatay dalka Sacuudiga waxna ka barata Jaamicadda Leeds ee dalkaasi Ingiriiska kuna laabatay dalkeedii hooyo ee Sacuudiga waqtigeedii fasaxa ayaa lagu xukumay xabsi dhan 34-sano,xariga ardayadaan ayaa loo sababeeyey ineey barteed Twitter-ka ku qori jirtay qoraalo eey ku dhaliileyso wiilka dhaxal sugaha ah ee dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Salma Al-shihaab waa hooyo 34-jir ah haysatana laba caruur ah oo yaryar,Salma ayaa markii hore lagu xukumay xarig dhan 3-sano kaliyah ka dib markii lagu eedeeyey ineey dadka kicineeysay ayadoo isticmalaysa Internet-ka iyo bogag kale eey wax ku daabacdo.

ISHA WARKA GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIR REER CIRAAQ AH OO ISCASILAY.

WASIIR CALI AL-CALAWI.

(BAQDAAD)-Dalka Ciraaq waxaa weli ka taagan ismari waa dhinaca siyaasadda ah una dhexeeyo laba nin oo Shiica ah,ismari waagan ayaa soo jiitamaayey muddo dheer waane kan eey ka dhismi la’adahay dawladda Ciraaq. Hadaba Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ciraaq Cali Calawi ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu iska casilay xilkii Wasirnimo uu haayey sida laga soo xigtay laba masuul oo ka tirsan xukuumadda Ciraaq. Sababta keentay in Wasiir Cali is casilo ayaa lagu sheegay ineey tahay dhibaatada siyaasadeed ee ka jirto dalkaasi Ciraaq muddo sannad ah,dhibaatadaan ayaa waxaa u sabab ah sheekha Shiicada ah ee Muqtada Al-sadri iyo ninka ka soo horjeedo ee isna Shiica ah horayne u soo qabtay xilka Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Nuur Al-Maaliki gacan saarne la leh dawladda Iraan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WEERAR CIRKA AH OO KA DHACAY AWDHEEGLE.

DRONES-KA.

(SOMALIA)-Tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15/5/22-ka dibne Soomaaliya loogu soo celiyey ciidamadii Maraykanka ee horay uu uga saaray Trump 16/5/22-ka waxaa si aan kala go’o lahayn u socdo beegsiga dhinaca cirka ah ee lagu haayo Alshabaab waxayne weeraro dhinaca cirka ah eey ka dheceen Goblka Hiiraan oo Alshabaab looga dilay 13-dagaalyahan iyo Gobolka Shabeelada hoose. Weerarkii maanta oo Talaada ah 16/8/22-ka lagu qaaday Alshabaabka Degmada Awdheegle ee G/Shabeelada Hoose gaar ahaan Tuuladda Nuungare ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac fara badan soona gaaray kooxda Alshabaab sida lagu sheegay war eey faafiyeen wakaaladaha wararka ee caalaamka. Duqeyntii maanta ka dhacday Tuulada Nuungare ayaa lala beegsaday si gaar ah Mootoyinka FEKEN-KA oo eey Alshabaab u isticmaalaan ismiidaaminta waxaane kii ugu dambeyey lagu dilay masuul ka tirsanaay degmada Afgooye ee G/shabeeladda Hoose.

ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA).

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXAY ISLA OGAYEEN TALIYE XIJAAR IYO FARMAJO?

TALIYE XIJAAR.

(SOMALIA)-Waxaa isa taraayo hadalada sheegaayo in Villa Somalia isbedel ku samayn doonto taliyeyaasha Ciidamadda qeybahooda kala gedisan gaar ahaan Taliyaha Booliska Xijaar,kana CXDS Odawaa iyo taliyaha booloska G/Banaadie Qaroole,dhammaan taliyeyaashaan ayaa ahaay kuwa si daacad ah ugu adeegay xukunkii uu hogaaminaayey Farmaajo waxayna sameeyeen waxyaabo ka baxsan anshaxa Soomalida iyo sharci dalka u yaalo, waxay is hortaageen mawadiniin Soomaaliyeed oo u safri laheed gobolada dalka ayagoo isu taagi lahaay ineey xil ka qabtaan dalkooda taasne uu u ogol yahay dastuurka JFS,hadaba waxaa hadlay Taliye Xijaar kashifayne arrimo eey isku ogaayeen isaga iyo Farmajo waqtigii eey socotay doorashada dalka Soomaaliya,Xijaar ayaa codsaday in la iska cafiyo lagana cafiyom dembiyadii uu galay waqtigii uu ahaay taliyaha booliska Soomaaliyeed. Dhinaca kale,waxaa arrintaan isbedelka ah eey saameyn doontaa hogaanka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir sida Gudoomiyah, ku Xigeenadiisa iyo dhammaan Agaasiyeyaasha Waaxyahay Maamulka Gobolka Banaadir.

ISHA WARKA WARQAAD.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NIN FARANSIIS AH OO DIB LOOGA HELAY MASAR.

YANN BOURDAN.

(QAAHIRO)-Dalka Masar waxa uu ka mid yahay dalalka ku yaalo Bariga dhexe ee loo dalxiis tago waqtiga kulaylaha uu ka jiro wadamadda Reer Galbeedka ah”YANN BOURDAN AYAA NAFTIISA WAXA UU KEENAY QUNSULIYADDA FARANSIISKA KU LEEYAHAY MAGAALADDA CAASIMADDA AH EE QAAHIRA TODOBAADKII TEGAY HADDA WAXA UU DIB UGU LAABTAY FARANSIISKA,LAAKINSE WAXA UU DIIDAY INUU KA HADLO MIXNADDA QABSATAY”. Yann Bourdan waa 27-jir u dhashay dalka Faransiiska ayaa ka soo laabtay dalka Masar sannad ka dib markii la waayey waqtigii lagu guda jiray fasaxii kulaylaha,sidaas waxaa wargayska Middle East Eye u sheegay maanta oo Isniin ah Urur u doodo xuquuqul insaanka wadamadda Bariga dhexe.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More