Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAXOOTIGA SUURIYA OO DIB U SOO…

QAXOOTI REER SUURIYA AH.

(DIMISHIQ)-Dagaalkii ka dhacay dalka Suuriya waxaa ku barakacay dad aad u fara badan waxa eeyna u kala qaxeen dalalka Turkiga,Urdun iyo Turkiga waxayna halkaasi ku sugnaayeen tan iyo sannadkii 2011-kii markii uu bilawday kacdoonkii carabta,hadaba golaha wasiiradda dalka Suuriya ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in qaxootiga Suuriya kuna sugan dalka Libnaan ineey bilaabeen ineey dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo Suuriya,dadkaan soo laabtay ayaa waxa eey kaalmo ka heli doonaan dawladda Suuriya. Dalka Libnaan oo ah dal aad u yar lana ila daran dhaqaale xumi aad u ba’an ayaa waxa uu martigeliyaa qaxooti suuriyaan ah oo gaaraayo hal malyan oo qofood.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAADI MADHAR WAA WIILKII SHALAY MINDIDA….

SAWIRKA HAADI MADHAR OO CIDAMADU WADAN.

(NEW YIRK)-Sida aan shalay oo Jimca ahayd idinla wadaagnay waxaa weerar loo adeegsaday Mindi lagu qaaday ninkii qoray buugii AAYADAHA SHEYDAANKA Salmaan Rushdie waxaane Salman soo gaaray dhaawac waxa uuna weli ku jiraa Isbitaalka ilaa maanta oo Sabti ah ka dib markii eey soo gaareen dhaawacyo aad u culus uuna la il daran yahay.Salman waa 75-jir dhuumasho ku jiray muddo dhan 34-sano waxaane lacag dul dhigtay dawladda Iraan waqtigii uu xukumaayey Ayatulaahi Al-khumayni,waxa uuna Salmaan hadda la liitaa dhaawacyadii shalay soo gaaray,sida eey sheegeen takhatirrta daaweyneyso Slamaan waxaa dhaawacyo culus eey ka soo gaareen Beerka,Dareen wadayaasha,Gacan iyo inuu beelay hal il oo ka mida labadiis indhood waxane hadda ku rakiban qalabka dadka siiyo Oxygen-ta. Haadi Madhar waa 24-jir waane ninka weeraray Salmaan Rushdie shalay oo Jimca ahayd, Haadi ayaa ku casuumanaay xafladda uu Salmaan hadalka ka jeedinaayey waxa uuna xafladda uga yimid gobolka New Jersy oo deris la ah gobolka falku uu ka dhacay ee New York. Haadi Madhar ayaa la sheegay inuu yahay nin ku dhashay dalka Maraykanka qoyskiisana eey kasoo jeedaan dalkaasi Libanaan oo aan ognahay ineey ku badan yihiin Muslimiinta Shiicadda.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXWEYNE SIISI OO ISKU SHAANDHEYN…

MW AL-SIISI.

(QAAHIRO)-Madaxweynaha dalka Masar C/fataax Al-Siisi ayaa ku dhawaaqay inuu sameeyey isku shaandheeyn golahiisa wasiiradda ah maanta oo Sabti ah,waxa uuna sababta ku sheegay Madaxweyne Al-Siisi ineey tahay si loo hubiyo waxqabadka xukuumadda Masar waayo dalka Masar waxaa soo food saartay xaalad dhaqaale oo aad u adag kagana timid dhinaca dagaalka Yukrayn oo saameeyey dhinaca cunada dalkassi Masar.Golaha wasiiradda ee la isku shaandheeyey ayaa waxa eey taaban doontaa Wasiiradda kala ah{ Caafimaadka,Waxbarashada,Dhaqanka,Horumarinta Gudaha iyo Waraabka}

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TORONTO: TOOGASHO KA DHACDAY QUBUURAHA….

(TORONTO)-Dalka Kanada waxa uu ka mid yahay dalalka eey ku nool yihiin Soomaali fara badan oo ka soo qaxday dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya sagaashanaadkii,waxaane dalka Kanada ka dhaca falal aad u xun lagulana kaco dhallinyarada Soomaaliyeed ee degan dalka Kanada,hadaba dhacdadii ugu dambaysay ayaa waxa eey ka dhacday gobolka Toronto ee dalkaasi Kanada waxaane Toogasho lagu dilay hal wiil oo da’adiisa lagu sheegay 26-jir lana yiraahdo Ayuub Xirsi Cali waxaane lagu dhaawcay mid kale oo isna da’adiisu la yiri waa 27-jir,toogashada dhallinyaradaan loo gaystay ayey boolisku ku sheegeen ineey tahay mid lagu bartilmaameedsaday Qubuuraha Muslimiinta ee ku yaalo Richmond Hill.Booliska gobolka York ayaa sheegay in looga yeeray Qubuuraha Muslimiinta ee Toronto kuna yaalo jidka Leslie maalintii shalay oo Khamiis ahayd waxyar ka dib seddex iyo barkii galabnimo(3:30)-PM. Dadka la toogtay ayaa waxa eey ka qeybgelaayeen Aaska wiil Soomaali ah oo isna toogasho lagu dilay maalintii Talaada ahayd lana yiraahdo Gidid Maxamed oo 27-jir ah.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUDIGA:NIN LA RAADINAAYEY OO IS QARXIYEY.

CABDULAAH BIN ZAYED AL-SHEHRI.

(RIYAD)-Nin u dhashay dalka Sacuudiga ahaayne nin eey raadinaayeen ciidamadda amaanka ee dalka Sacuudiga ayaa isku qarxiyey Suun eey ku xiran yihiin waxyaabaha qarxo gudaha magaaladda Jiddah ee dalka Sacuudiga. Ninkaan is qarxiyey ayaa dhintay waxa uuna dhaawacay afar qofood oo kale sida maanta oo Jimca ah lagu sheegay war ka soo baxay dawladda Sacuudiga. Tv-ga Al-Carabiya lagana leeyahay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in shilkan dhacay maalintii Arbacada ee la soo dhaafay waxa uuna shilku ka dhacay halka la yiraahdo Al-samiir ka dib markii eey ciidamada amaanka Sacuudiga hareereeyeen guri uu deganaay ninka la raadinaayey oo ah Cabdullah Bin Zayed Al-Shehri oo lagu tuhmaayo inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish/ISIS.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WARARKII SOOMALIYA OO KOOBAN.

SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA KGS.

(MUQDISHO)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminaayey ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu Madaxweynaha iyo wafdigiisa eey booqasho hawleed ku tageen dalka Ugaandha,Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah waxa uu la yeeshay dhigiisa dalka Ugandha Museveni waxa eeyna ka wada hadleen iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo Amniga. Dalka Ugandha ayaa ah dal eey Soomaaliya ka joogaan ciidamo nabad ilaalineed kana tirsan ciidamadda Midawga Afrika ee ATMIS.

(KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA)-Madaxweynaha maamulka KGS mudane C/casiis LaftaGareen ayaa dib ugu soo laabtay magaaladda Baydhabo ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee KGS ka dib markii uu LaftGareen booqasho ku tegay dalka Itoobiya soona maray DDS-ta,Madaxweyne LaftGareen ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiirada Amnig,Qorshaynta,Arrimaha Gudaha iyo Gargaarka. Maamulka KGS ayaa waxaa soo wajahday dhibaato kaga imaanayso Alshabaab oo horay u go’odomisay gobolka Bakool muddo shan iyo toban sano ah una diiday gobolkaasi ineey dhulka wax u soo maraan. Maamulka KGS iyo maamulka Puntland ayaa ah labada maamul ee ka jira Soomaaliya ee aan haba yaaraatee ogoleyn in warbahintu noqoto mid ka madax banaan iyaga war kasta eey diraayaane waa mid la sii mariyo faaf reeb,baraha bulshadane iskaba da’a warkooda waaba xirig qofkii wax ku qora kana hadla arrimaha labadaasi maamul,laakinse maamulka KGS isaga waxa intaas u dheer ineey ka dhacaan qaraxyo oo kuwii ugu dambeeyey lagu kala dilay Wasiirki Cadaaladda KGS AUN-Sheekh Xasan Lugbuur iyo Gudoomiyihii Gobka Shabeelada Hoose AUN-Waafaw,isla maantana waxaa Qarax lagu khaarijyey Gudoomiye ku xigeenkii Arrimaha Amniga ee Degmada Afgooye Jibriil,qaraxa lagu dilay Jibriil ayaa loo adeegsaday Mootada Feken-ka.Waa markii seddexaad oo qof lagu dilaayo Degamada Afgooye waxaane horay loogu dilay laba nabadoon uu kii ugu dambeeyey ahaay nabadoon u dhashay beesha Mudulood,Amniga KGS ma aha mid sugan waxaane ku soo fool leh doorasho dhammadka sannadkaan-2022-ka.

ISHA WARKA SUUQ-BACAAD MEDIA(SOMALIA).

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BANAANBAX DAD KU DHINTEEN OO KA DHACAY…

BANAANBIXII MAANTA KA DHACAY HARGAYSA.

(HARGAYSA)-Dalka Soomaaliya marka laga hadlaayo waa dal uu dhulkiisu aad u balaaran yahay waxaane xur ah laba gobol oo kala ah goboladda Koonfureed iyo kuwa Waqooyi waxaane weli aan qaadan xurnimadooda dhulka eey gumaysato Kenya ee NFD iyo kan eey gumaysato Itoobiya ee loo yaqaano Dawlad Degaanka Soomaliyeed(DDS)-ta,Jabuuti oo ayadana ka mid ah dhulka Soomaaliyeed amaba Soomaali Weyn waxa eey ka xuroowday dalka Faransiiska 27/6/1977-kii. Labada goboL ee Waqooyi iyo Koonfur Soomaaliya ayaa midoobaya 1/7/1960-kii waxa eeyna la bexeen Jamhuuriyadda Soomaaliya laakinse 21/10/1969-kii dalka waxaa ka dhacay afgembi eey sameeyeen ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliyeed waxa uuna xukunkii gacanta u galay ciidamadda qalabka sida waxa eeyna dalka xukumaayeen ilaa sannadkii 1991-dii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeya. Goboladii Waqooyi ee Soomaaliya ayaa waxa eey ku dhawaaqeen ineey ka go’een Soomaaliya inteedii kale tariikhdu markeey ahayd 18/5/1991-kii waxa eeyna la bexeen magaca maanta loo yaqaano oo ah SOMALILAND. Maamulkaan Soomaliland ayaa dhistay maamul ku saleeysan Dimuqaraadi waxa uuna jideystay doorasho dalkaasi ka dhacda afartii sanaba mar waxaane tii ugu dambaysay la qabtay sannadkii 2017-kii waxaane ku guulaystay waxaane doorashada ku guulaystay xisbiga hadda talada haayo ee Kulmiye waxaane Madaxweyne noqday Muuse Biixi Cabdi,doorashada uu ku soo baxay Muuse Biixi ayaa la qabtay Nofeembar-2017-kii waxaane la rabaa in Soomaliland eey ka dhacdo doorasho Noofembarta soo socoto-2022-ka balse Madaxweyne Muuse ma ogola arrinkaas oo waxa uu rabaa inuu kororsado waqtiga uu sii ahaaynaayo xilka Madaxweynaha Soomaaliland laakinse Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland eeyna kala hogaaminayaan Faysal Cali Waraabe iyo C/raxmaan Cirro ayaa abaabulay banaanbaxyo ka dhan ah Muuse Biixi waxaane Hargaysa ka dhacay maanta oo Khamiis ah Mudaaharaadyo eey dad ku dhinteen kuwa kalane eey ku dhaawacmeen.

ISHA WARKA CAASIMADDA ONLINE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIR KA BAAQDAY XILWAREEJINTA.

XILWAREEJINTII WASAARADDA BOOSTADA IYO ISGAARSIINTA.

(MUQDISHO)-Magaaladda Muqdisho waxaa weli ka socdo xil wareejinta golaha wasiiradda cusub xilka kula wareegayaan laakinse maanta magaaladda Muqdisho waxaa ka dhacday arrin ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya taaso ah in Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ka baaqsaday inuu xikii wareejiyo waxa uuna isaga dhoofay dalka Soomaaliya,Wasiirkaan ayaa ah mideey fari ku godan tahay Wasaaradiisana lagu tuhmaayo ineey jiraan wax isdabamarin fara badan sida laga soo xigtay Agaasimayaal waaxeed ka tirsan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta,hadaba xafladii xilwareejinta maanta dhacday ayaa waxaa booska Wasiirka buuxiyey Wasiirul dawlaha Boostada iyo Isgaarsiinta.

ISHA WARKA WARQAAD.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA MASAR GABAR MINDI LAGU DILAY.

SAWIRKA SALMA.

(QAAHIRA)-”Salma Bahgat waa 20-sano jir baranaysay cilmiga Saxaafadda,Salma ayaa lagu dhuftay Mindi 17-jeer waane qadiyadii ugu dambaysay ee lagu dilo qof dumara dalka Masar”. Gabadhaan Masariyadda ah ayaa la Midiyeeyey ilaa eey ka dhimato waxaane sidaas sameeyey arday eey isla dhigtaan Jaamicadda Zagazig ee ku taalo wWaqooyiBari ee caasimadda Qaahira. Salma ayaa noqonayso gabadhii labaad isla sannadkaan-2022-ka ee loo dilo isla sababtii loo dilay gabadhii ayada ka horeeysay ee yadana lagu dilay Mindida balse la toogtay wiilkii dilay. Salma ayaa ahayd ardayad ka mida ardayda Jaamicadda Alshuruuq ee dalkaasi Masar,wiilka Salma ku dilay Mindida ayaa isna arday ka ahaay isla Jaamicadda Alshuruuq waxaane magaciisa lagu sheegay Eslaam Maxamed waxa uuna falka gaystay isagoo ka soo baxaayey dhismaha Zagazig maalintii shalay oo Talaado ahayd.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHEEKHA AADAN MADOOBE OO MAGACAABAY…

GUDOOMIYE AADAN MADOOBE OO LA FADHIYO GUDIGII U MAGACAABAY.

(SOOMAALIYA)-Maalintii Axadda eey bishaan ahayd todobada(7/8/22)-ka ayaa waxaa Golaha Shacabka ee BJFS la horkeenay si eey u ansixiyaan Golaha Wasiiradda ee cusub ee uu soo dhisay RW-Xamsa Cabdi Barre,ka hor inta aan codka kalsoonida ah loo qaadin Golaha Wasiiradda ee cusub ee uu soo dhisay RW-Xamsa ayaa Golaha waxaa ka dhacay Fawdo eey sameeyeen qaar ka mida Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS, Xildhibaanadaas sameeyey Fawdada ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhameed ilaa todobo Xildhibaan kana soo kala jeeday maamuladda Koonfur Galbeed Soomaaliya(KGS) oo shan xildhibaan eey ka soo jeeday iyo laba xildhibaan oo ka soo jeeday Galmudug,hadaba dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday gudaha Golaha Shacabka ayuu Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay gudi soo baara dhacdadaas maanta oo Talaadada ah(9/8/22)-ka,Gudiga ayaa ka kooban shan Xildhibaan kana soo kala jeedo maamulo kala gedisan balse mid ka mida Gudiga kana soo jeeday maamulka Galmudug ahne Xildhibaan Odawaa ayaa ka cudur daartay xilkaas waxaane bedelikiisa galay Gudoomiye Aadan Madoobe waxa eeyna kala yihiin{ Adan Madoobe(KGS),Axmed Maxamuud Jaamac(Puntland),Axmed Cabdi Kooshin(Somaliland),Maxamuud C/qaadir Xaaji(Bnaadiri),Ismaaciil Ciid Maxamed(KGS)}, Gudigaan ayaa lagu wadaa ineey go’aan ka soo gaari doonaan Xildhibaanadii sameeyey Fawdada,anagoo og in sidaan oo kale eey horay u dhacday sannadkaan horaantiisa markii Gudoomiye Mursal uu sameeyey muddo kordhin laba sano ah,waxaane waqtigaas la ciqaabay ilaa shan iyo toban Xildhibaan oo sameeyey sida eey hadda sameeyeen todobaan Xildhibaan,balse la arki doonee go’aanka ka soo baxo.

ISHA WARKA-SUUQ BACAAD MEDIA(SOMALIA).

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAX KA DHACAY DULEEDKA KISMAYO.

SAWIRKA QARAXII KA DHACAY KISMAAYO.

(KISMAYO)-Wararka ka imaanyo magaaladda Kismaayo ee ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubaland ayaa sheegaayo in duleedka magaalada Kismaayo halka loo yaqaano Buulo Xaaji uu maanta ka dhacay qarax ah kan miinooyinka dhulka lagu aaso ah sagaal meelood oo kala gedisan,qaraxaan ayaa haleelay gaadiid eey la socdeen dad shacab ah,qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa afar qofood oo laba ka mida yihiin Dumar wxaane qaraxaas ku dhaawacmay dad dhan kow iyo toban qofood oo kale. Dhinaca kale,waxaa magaaladda JIGJIGA ee Dawladda Degaank Soomaaliyeed(DDS)-ta ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis LaftaGareen wafdigaan ayaa la kulmay Madaxweynaha DDS-ta mudane Mustafa Cagjar waxa eeyna ka wada hadleen arrimo la xiriiro dhinaca Amniga xuduuda iyo Ganacsiga Waxbarashada waxaane loo balanqaaday deeq waxbarasho oo dhan sodon arday. Wafdiga la socday Madaxweyne LaftaGareen ayaa waxaa ka mid ahaay Xildhibaan Aadan Saransoor kana soo jeedo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,booqashadaan ayaa timid ka dib markii todobaad ka hor uu dagaal ka dhacay dhulka DDS-ta dagaalkaaso u dhexeeyey Alshabaab iyo ciidamadda Liyu booliska ee DDS-ta,balse warar kale ayaa sheegaayo in LaftaGareen Itoobiya u aaday inuu halkaas heshii kula soo galo Maaamulka Abiy Axmed si loogu taageero inuu kursiga isaga sii fadhiyo muddo sannad ah oo kale.

ISHA WARKA-SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA)

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DHIBKA HAYSTO TAKHAATIIRTA REER CIRAAQ.

SAWIRKA ISBITAALKA.

(BAQDAD)-”QOYSKU WUU KU DILI DOONAA ADIGA HADDII UU DHINTO BUKAANKA”Takhaatiirta ka shaqeeyo isbitaalada dalkaasi Ciraaq ayaa waxa soo wajahay weeraro laakinse 87% takhaatiirta ka hawlgasha isbitaaladda magaaladda Baqdaad ayaa sheegay ineey khibrad u leeyihiin rabshadaha eey kala kulmaan goobaha shaqada kuwaaso qaarkood loo isticmaalo Bistoolado ku jiro gacmaha dadka ehelka la ah dadka bukaanka ah. Maryam Cali waa xirfadle caafimaad kana shaqeyso isbitaal ku yaalo magaaladda Baqdaad caasimadda dalkaas Ciraaq,Maryan ayaa looga yeeray ineey timaado qeybta qaliinka Dhimirka ee isbtiaalka,Maryam waxaa gadaal uga yimid nin ku hubaysan Mindi dhulkana dhigay waxa uuna Maryam qoorta ka saaray Mididii uu watay,ciidamada amaanka ee ka hawlgala isbitaalka ayaa arrinki ku soo baxay qabtayne ninkii isla markaasne xiray qeybtii eey ka dhacday mashaqada.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HAKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAABUURKII LOO ADEEGSADAY DILKII MUSLIMIINTA OO…

SAWIRKA MUSLIMIINTA LAGU MARAYKANKA.

(USA)-Booliska magaaladda Albuquerque ee gobolka New Mexico ee dalka Maraykanka ayaa soo xiray qofkii ugu horeeyey ee lagu tuhmaayo inuu qeyb ka yahay dilkii loo gaystay Rag Muslimiin ah. Xirida ninkaan ayaa timid ka dib markii ciidamda booliska ee Albuquerque ee gobolka New Mexico weydiisteen shacabka ineey gacan ka siiyaan sidii loo soo qaban lahaay baabuurka la rumaysan yahay in loo isticmaalay dilka loo gaystay Rag Muslimiin ah. Booliska Albuquerque ee New Mexico ayaa bartiisa Twitter-ka ku faafiyey nuuca baabuurka loo isticmaalay dilka afarta nin ee Muslimiinta ah taas ayaana suuragelisay in gacanta lagu soo dhigo wadihii baabuurka lagu galay dembiga waane bilawga ogaanshaha dadkii gaystay dilkii afar nin oo Musliniin ah gobolka New Mexico ee dalkaas Maraykanka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHEEKH XASAN NASRALAH OO KA HADLAY…

SHEEKH XASAN NASRALAHA OO LA HADLAYO SHACABKIISA.

(BEIRUT)-Ururka Xisbulaahi ee dalka Libnaan ayaa maanta oo Talaada ah sheegay inuu Israel ka sugaayo jawaab ku saabsan dalabkii Libnaan ee ahaay in dalka Libnaan lagu tixgeliyo xuduud badeeda kala dhexeeyo Israel calaamadayntiisa. “Dalka Libnaan iyo shacabkiisa marnaba ma aqbali doonaan xadida hantidooda ku jirta biyaha badda”sidaas waxaa yiri xoghayaha guud ee ururka Xisbulaahi ee dalkaasi Libnaan Sheekh Xasan Nasralaha mar uu ka hadlaayey Tv-ga.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKA GAZA OO GALAY…

WEERAKII ISRAEL EE GAZA.

(DUBAI)-Dhulka reer Falastiin ayaa dhawrkii maalmood la soo dhaafay waxaa ka socdo weeraro cirka ah,weeraradaan ayaa waxaa qaada ciidamadda cirka ee Israel gaar ahaan weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Marinka Gaza. Israel ayaa weerarkaan eey qaaday ku sheegtay mid eey ku sugayso amnigeed iyo ineey kula dagaalamayso argagixisadda balse arrinka ayaa ah kaa xoog badani.Dagaalkaan aya socday muddo dhan seddex maalmood ah waxaane ku dhintay dad dhan 45-qofood waxaane ku dhaawacmay dad dhan 360-qofood,hadaba wargayska MIDDLE EAST EYE kana soo baxa magaaladda London ee dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigay sawiradda iyo magacyada dhammaan dadkii ku dhintay oo u badan caruur eey da’dooda dhan tahay sahn sano.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QADAR OO MARTI GELISAY…

MADAXWEYNAHA KMG AH EE JAAD.

(DUBAI)-Madaxa ciidamada qabsaday dalka Chad iyo mucaaradka dalkaasi ayaa isla gaaray heshiis hor dhac waxa eeyna isku afgarteen dhinacyada isku haayo dalkaasi Chad in la sameeyo shir dib u heshiisiin gaarta dalka oo dhan waane eey wada saxiixeen intii shirkaas ka soo qeybgashay,saxiixa ayaa waxa uu ka dhacay caasimadda dalka Qadar ee Dooxa maanta oo ah Isniin,heshiiska maanta ka dhacay Dooxa ayaa waxaa ka maqan jabhadda ugu xooga badan inta ka soo horjeedo dawladda Chad ee hadda ah mid ku meel gaar ah.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAANTA WAA TOBANKA MUXARAN-1444-KA.

DABAAL DEGA MAALINA CAASHUURADDA.

(TEHRAN)-Dalalka bariga iyo kuwa badan oo ka tirsan qaaradda Aasiya ayaa maanta waxaa laga xusaa Caashuuradda,dalalka sida aad ka ah looga xuso Caashuuradda ayaa ah kuwa eey ku badan yihiin Shiicadda sida dalka Iraan,Ciraaq,Pakistan iyo Afgaanistaan,isu soo baxyada maalinta Cashuuradda ayaa waxaa ka dhasho iska hor imaadyo u dhexeeyo ciidamadda amaanka ee dalalkaasi iyo dadka dabaal degaayo. Sida lagu arkaayo sawiradda laga soo qaaday dadka u dabaaldegaayo maalinta Cashuradda waxaa korkooda ku yaalo dhaawcyo dhiig ka da’ayo waane mid eey sameeyaan sannadkiiba mar. Muslimiinta ah Shiico ee ku kala nool adduunka dacaladiisa ayaa lagu qiyaasaa ineey dhan yihiin boqolkiiba toban(10%) tirada Muslimiinta adduunka oo ah 1.8-Milyan,boqolkiba sagaashanka(90%) soo hartayne waa Sunni.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GEN.XAFTAR OO LA AFDUUBAY…

GEN.XAFTAR.

(LIBIYA)-Tan iyo markii xukunka laga tuuray Qadaafi dalkaasi Liibiya sannadkii 2011-kii dalka Liibiya waxa uu galay fawdo aan kala go’o lahayn eeyna ku lug leeyihiin dalal shisheeye uu mid walbaba dantiisa gaarka ah u ordaayo,dalalkaas shisheeye ayaa waxay sameeysteen hogaamiye kooxeedyo ayaga kala raacsan waxa eeyna rabaan in mid kasta madax uu noqdo taasne ma aha mid suuragal ah,hadaba dadka dibadda ka yimid kana mid ah Liibiyiinta la wato una dagaalamaayo sidii eey madaxweyne uga noqon lahaayeen dalka Liibiya ayaa waxaa ka mid ah Gen.Xaftar oo ah Generaal hawlgab ah isla markaasne ku noolaay dalkaasi Maraykanka,waxaane ninkaan gadaal ka taagan dalalka Imaaraatka Carabta iyo dalka Masar halka kuwa isaga ka soo horjeedo eey wataan Ruushka iyo Turkiga. Gen.Xaftar walaashiis iyo caruur eey dhashay waxaane caruurtaa ka mid ah cunug dhalan mudo dhan labaatan berri ayaa laga afduubay magaaladda Bengaazi ee dalkaasi Liibiya.Video uu soo duubay sarkaal la yiraahdo Al-Farsi ayuu ku sheegay inuu yahay madaxa kooxda 20-aad ee raacsan Cali Al-Mashaay oo ah nin ka tirsan maleeshiyadda Taariq Bib Ziyad kuna xiran Gen.Xaftar ineey iyagu masuul ka aahyeen afduubka loo gaystay geberta la dhalaty Gen.Xaftar ee Nada iyo caruurteeda.

ISHA WARKA THE OBSERVER LIBIYA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAEL OO WEERAR CIRKA AH KU QAADAY…

MARINKA GAZA.

(GAZA CITY)-Israel ayaa waxa eey maalmihii la soo dhaafay weerar cirka ah ku waday Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay 13-qofood oo Falastiiniyiin ah waxa uuna socday tan iyo maalintii shalay oo Jimca ahayd sidaas waxaa sheegay Wasiirka caafimaadka ee reer Falastiin. Afhayeenka Wasaaradda Caafimaad Falastiin Ashraf Al-Qudra ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Marinka Gaza ka sheegay in gabar shan sano jir ah eey ka mid tahay dadka dhibanayaasha u ah weerarada diyaaradda Israel ka gaysteen Marinka Gaza.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIBNAAN OO MIDAWGA YURUB KA…

QAXOOTIGA SUURIYA.

(BEIRUT)-Dalka Libnaan waxaa ku sugan Qaxooti u dhashay dalka Suuriya kuwaaso tiradooda lagu qiyaasay ineey dhan tahay 1.5-milyan oo qofood,qaxootigaan ayaa culays badan waxa eey ku haayaan dhaqaalaha baaba’asan ee dalkaasi Libaan waxa eeyna shaqa la’aan soo istaajiyeen shaqaale reer Libnaan ah oo qaban jiray shaqooyinka hoose sida Foornooyinka lagu sameeyo Rootiga,hadaba dalka Libnaan ayaa ugu baaqay midawga Yurub ineey iska kaashadaan qaabkii si tartiib ah qaxootiga reer Suuriya loogu celin lahaay dalkooda.”Dalka Libnaan waxa uu ku socdaa dhaqaale xumi aan horay loo arag iyo dhibaato haysata mujtamaca taariikhdooda casriga ah,80% dadka reer Libnaan waxa eey ku nool yihiin wax ka hooseeyo khadka Faqriga”sidaas waxaa qoraal ku sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Libnaan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More