QARAX KA DHACAY DULEEDKA KISMAYO.
SAWIRKA QARAXII KA DHACAY KISMAAYO.
(KISMAYO)-Wararka ka imaanyo magaaladda Kismaayo ee ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubaland ayaa sheegaayo in duleedka magaalada Kismaayo halka loo yaqaano Buulo Xaaji uu maanta ka dhacay qarax ah kan miinooyinka dhulka lagu aaso ah sagaal meelood oo kala gedisan,qaraxaan ayaa haleelay gaadiid eey la socdeen dad shacab ah,qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa afar qofood oo laba ka mida yihiin Dumar wxaane qaraxaas ku dhaawacmay dad dhan kow iyo toban qofood oo kale. Dhinaca kale,waxaa magaaladda JIGJIGA ee Dawladda Degaank Soomaaliyeed(DDS)-ta ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis LaftaGareen wafdigaan ayaa la kulmay Madaxweynaha DDS-ta mudane Mustafa Cagjar waxa eeyna ka wada hadleen arrimo la xiriiro dhinaca Amniga xuduuda iyo Ganacsiga Waxbarashada waxaane loo balanqaaday deeq waxbarasho oo dhan sodon arday. Wafdiga la socday Madaxweyne LaftaGareen ayaa waxaa ka mid ahaay Xildhibaan Aadan Saransoor kana soo jeedo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,booqashadaan ayaa timid ka dib markii todobaad ka hor uu dagaal ka dhacay dhulka DDS-ta dagaalkaaso u dhexeeyey Alshabaab iyo ciidamadda Liyu booliska ee DDS-ta,balse warar kale ayaa sheegaayo in LaftaGareen Itoobiya u aaday inuu halkaas heshii kula soo galo Maaamulka Abiy Axmed si loogu taageero inuu kursiga isaga sii fadhiyo muddo sannad ah oo kale.
ISHA WARKA-SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA)