ISRAEL OO BAHDISHAY DALXISAYAL AH UAE.
GOOBTA TOOGASHADA KA DHACDAY EE TEL AVIV.
(DUBAI)-Dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) ayaa ah dalka kaliyah ee si dhab ah u wanaajiyey xiriirka uu la leeyahay Israel marka loo fiiriyo wadamadda Khaliijka.Waxaane hadda dalka Imaaraatka ku sugan Israel aad u fara badan isuguna jirto Dalxiisayaal iyo ganacasato kuwaaso aan loo gaysan wax dhibaato ah tan iyo markii uu hagaagay xiriirkooda laakinse hadda ayaa waxaa soo baxaayo warar aad u naxdin badan kuna saabsan in gudaha dhulka Israel xooga ku degan tahay in lagu bahdilay rag u dhashay dalka Imaaratka oo halkaasi u tegay dalxiis waxaane ciidamadda Israel lagu eedeyey muuqaal eey ka muuqato cumsurinimo ka dib markii eey xireen laba nin oo dalxiis ah una dhashay Imaaraat,khaladka ugu weyn eey galeen booliska Israel ayaa ah ineey dalxiisayaasha Imaaraatka ah ku tuhneen ineey ineey gaysteen toogasho ka dhacday Tel Aviv habeenimadii Arbacada ayagoo aan hubin dhalashada dadka eey xirayaan iyo waxa eey u yimaadeen Israel balse eey ka muuqatay waa Carabe ii soo xira.Video-ga la soo dhigay baraha bulshada ayaa laga arkaayey nin Imaaraati oo leh Magacayga waa Cali laguna dhejinaay Katiinadda labadiisa gacmood,waa arrin aad u fool xun oo lagula kacay qof dalxiis ah haystana waraaqihiisa saxda ah.
ISHA WARKA MEE.
FURIINKA DUMARKA MUSLIMIINTA EE DALKA MARAYKANKA.
MUSLIMIINTA MARAYKANKA.
(USA)-Dalka Maraykanka waxaa ku nool Muslimiin aad u fara badan isagana kala yimid adduunka dacaladiisa,Muslimiinta ayaa ku kala nool kontonka gobol ee dalkaasi Maraykanka waxaane dhexmara guur ayaga dhexdooda ah ayadoo guurkaasi loo maraayo jidka saxda ah ee Diinta Islaamka qabto. Hadaba sheekadaan ayaa waxa eey ku dhacday gabar Muslimad ah lana sheegin dalka eey asal ahaan ka soo jeedo waxaane magaceeda lagu soo koobay Imaan. Imaan waa afar iyo labaatan(24)-jir markii uu soo furay ninkii qabay waxa eeyna ninka soo furay Imaan ku sifeeysay inuu ahaay nin aflagaado badan jecelna inuu maskaxda ka xukumo waxa eeyna Imaan intaas raacisay inuu jiro hal walax uu si sax ah u sameeyey ninka ayada furay taaso ah inuu ayada furay. Labada qoys eey ka soo kala jeedaan wiilka iyo gabarta kala tegay ayaa waxa eey dadaal ugu jiraan in dib loo soo celiyo nolosha qoyska dumay laakinse Imaan waxa eey taagan tahay in ku noqoshada ninkii eey kala tageen eeysan doonayn eeyna rabto ineey dib ugu laabato qoyskeedii eey ka dhalatay,waxaane si aad ah Imaan u taabtay in ninkii eey kala tageen uu u diidan yahay inuu siiyo Meherkeedii lagu heshiiyey kaasoo dhan($25,000) shan iyo labaatan kun oo doolarka Maraykanka ah,dhinaca kale Imaan ayaa ah midaan dhammaysan tacliinteedii dhinaca Jaamicadda oo waxa eey guursatay ka dib markii eey dhammaysay dugsiga sare.
ISHA WARKA MEE.
DAACISH OO ASKAR KU DISHAY DALKA..
BARTII KOONTAROOL EE LA WEERARAY.
(DIYALA)-Kooxda Daacish(ISIS) oo ah koox aad loo wiiqay awoodeedii ciidan kana dagaalami jirtay inta u dhexeyso dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa hadda waxa eey ka wadaan gudaha dalalka Ciraaq iyo Suuriya dagaal ku dhufo ka dhaqaaqa ah,waxaane dalalkaas ka dhaca weeraro lagu beesanaayo baraha koontarool ee ciidamada ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya weerarkii ugu danbeeyeyne waxa uu ka dhacay dalka Ciraaq waxaane lagu dilay shan askeri waxaane lagu dhaawacay sedex kale ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Daacish(ISIS) eey weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taalo bariga dalka Ciraaq ee gobolka Diyala,sidaas waxa maanta oo Arbaca ah sheegtay xukuumadda Ciraaq.Weerarka eey qaaday Daacid(ISIS) ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda Qara Tapa sida lagu sheegay warbaahinta hayadaha amniga dalkaasi Ciraaq.
ISHA WARKA AA.
XAALKA DALKA CIRAAQ OO MARAAYO…
MUQTADA AL-SADRI.
(BAQDAAD)-Dalka Ciraaq waxaa weli ka taagan ismari waay dhinaca siyaasadda ah,waxaane si adag arrintaan ugu lug leh hogaamiye diimeedka shiicadda dalka Ciraaq Muqtada Al-sadri waxaane horay u dhacday in taageerayaashiisa xoog ku galeen aqalka baarlamaanka dalka Ciraaq waxaane markii dambe xooga uga soo saaray ciidamadda amaanka ee dalka Ciraaq. Hadaba maanta oo ah Arbaco ayuu hogaamiye diimeedka reer Ciraaq Muqtada Al-sadri waxa uu cadaadis saaray inaan dalka Ciraaq laga qaban doorasho waqti hore.”Halkaan boos ugama banaana wejiyaddii hore gebi ahaan dhinaca nabadeynta kacaanka iyo dimoqaraadiyadda socodsiinteeda waane in hakad la geliyaa qabashada doorashada lana qabtaa ka dib marka la xaliyo dhibaatada taagan”sidaas waxaa Tv-ga gudaha Ciraaq u sheegay Muqtada Al-sadri.
ISHA WARKA AA.
IMAAM WAJAHAYO TARXIIL…
IMAAM HASSAN.
(FRANCE)-Hayado kala gedisan iyo Masaajido kuna yaalo Faransa ayaa horseeday in la dhaliilo go’aanka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee la masaafurinaayo wadaadka caanka ka ah Muslimiinta Faransa Imaam Xasan Iquioussem. Dadka faafiyo diinta iyo xubno ka tirsan Ururada Muslimiinta Faransa(UOIF),Imaam Iquioussem ayaa wajahaayo Tarxiil ka dib markii eey xukuumadda si aan sharci ahayn u diiday ineey u cusboonaysiiyaan warqadihiisii deganaashaha waxa uuna Imaamka ayaa ku xaraystay gal dacwo maxkamadda maamulka si eey u joojiso Tarxiilkiisa.
ISHA WARKA AA.
XABAD JOOJINTA YAMAN OO…
YAMAN.
(YAMAN)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in digniin ka timid qeybaha isku haayo dagaalka dalka Yaman waxa eeyna isku raaceen maanta oo Talaado ah in la cusboonaysiiyo xabad joojinta dalka Yaman laguna daro muddo dhan laba bilood ka dib markii eey beesha caalamka dalbatay. Xabad joojinta dalka Yaman ayaa soo jirtay muddo dhan afar bilood waane tii ugu dheeereedee ka hirgasho dalka Yaman tan iyo markii uu ka bilawday dagaalka sannadkii 2011-kii.
ISHA WARKA AP.
JIM FITTON OO XABSIGA LAGA…
SAWIRKA JIM FITTON.
(BAQDAAD)-Hawlgab u dhashay dalka Ingiriiska kuna takhasusay cilmiga dhulka(GEOLOGY) laguna xiray dalka Ciraaq ka dib markii lagu eedeeyey inuu si sharci dara ah dalka Ciraaq uga saaraayey waxyaabo taariikhi ah ayaa xabsiga laga daayey waana uu isaga baxay dalka Ciraaq maalintii shalay oo Axad ahayd. Jim Fitton oo ah ninka la xiray ayaa ah 66-jir waxaane bishii Juun-2022-ka lagu xukumay xabsi dhan 15-sano. Maxlamada Racfaan ee magaaladda caasimada ah ee Baqdaad ayaa waxa eey dib u eegis ku sameeysay dembiga loo haysto Jim todobaadkii tegay waxa eeyna Maxkamada Racfaan ee Baqdaad amartay in Jim Fitton la sii daayo.
ISHA WARKA DS.
BAABUUR SHIDDAL SIDAY OO KU…
QARAX BAABUURKII WEDAY NAFTADA.
(TRIPOLI)-Dalka Liibiya waxaa weli ka taagan dhibaato dhinaca siyaasadda ah dalkuna ma laha dawladda shaqeyso oo waxaa laysku haystaa cidii hogaamin lahayd,waxaane marar badan dhacday ineey iska horyimaadaan maleeshiyo kala raacsan hogaamiyeyaasha siyaasadda isku haayo waxa eeyna taasi sababtay in dalka qeybo ka mid ah uu gababsi ka noqdo shidaalka walaw dalku yahay mid soo saara shidaal aad u fara badan,hadaba waxaa la soo sheegaa ineey dhinteen 7-qofood ka dib markii uu dab qabsaday baabuur weday shidaal(NAFTO) ka dibne uu qarxay baabuurkii waqooyiga dalka Liibiya maanta oo Isniin ah.Baabuurka weday shidaalka(NAFTO)ee qarxay ayaa waxaa ku dhaawacmay dad gaaraayo 40-qofood waxaane dadkaas loola cararay isbitaal ku yaalo Bent Bayya.
ISHA WARKA AA.
SUURIYA OO DAD LAGU DILAY..
SUURIYA.
(SUURIYA)-Koox u dhalatay dalka Suuriya una dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta oo Isniin ah waxa eey sheegeen ineey haayaan cadeeymo muujinaayo in la dilay 87-qofood oo shacab ah waxa eeyna dadkaasi la laayey isugu jiraan caruur iyo dumar bishii hore ee Juulaay/2022-ka.Qoraal ka soo baxay kooxdaan u dooda Xuquuqda Aadanaha ee dalkaasi Suuriya ayaa sheegay in 21-Caruur ah iyo 8-Dumara eey ka mid yihiin dhibanayaasha, shan ka mida dhibanayaasha waxaa lagu sameeyey Jirdil sidaasne waxaa laga soo xigtay Hayadaha aan Dawliga ahayn(NGO).
ISHA WARKA AA.
CUDURKA DAACUUNKA OO KA JIRA….
HOOYO DHABTA KU HAYSO CANUG XANUUNSAN.
(SOMALIA)-Dalka Soomaaliya oo hadda ka soo kabanayo colaadii sodonka sano ahayd ayaa hadda waxaa laga soo sheegaa ineey isu biirsadeen dagaalo ka jiro dhulka xuduudyada,abaaro iyo cudurka Daacuun caloolka oo hadda asiibay dad aad u fara badan.Hayadda caafimaafka Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano( WHO) ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in inta u dhexeeysay bilaha Janaayo ilaa Juun ee sannadkan 2022-ka dalka Soomaaliya lagu arkay dad qaba Cudurka Daacuunka(Cholera) waxaane dadkaasi tiradooda lagu sheegay ineey dhan tahay (8,041)-qofood waxaane u dhintay dad dhan 37-qofood kuwaaso sababsaday biyo eey cabeen,dhammaan xaaladaha la ogaaday ee cudurka Daacuunka ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa lagu xaqijiyey Sheybaarka waqti eey Soomaaliya ka jirto Abaar aad u ba’an muddo afartan(40)-sano ahne uu dalka ka di’in wax roob ah oo lagu diirsado. Hayadda caafimaadka adduunka(WHO) ayaa sheegtay in 54% dadka Soomaaliyeed sannadkaan 2022-ka eey asiibeen cuduro gaar ahaan cudurada ayaa ku dhacay caruurta eey da’adoodu ka yar tahay laba(2)- sano halka 49% eey yihiin Dumar iyo 28% ineey u dhinteen Haraad,cudurka Daacuunka ayaa dilaacay ka dib markii eey dadka Soomaaliyeed waayeen ineey helaan biyo nadiif ah iyo adeeg caafimaad eey baahnaayeen.
ISHA WARKA AA.
QAXOOTIGA SUURIYA EE LIBNAAN OO…
QAXOOTIGA SUURIYA IYO BOOLISKA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Midab kala sooc iyo rabshado lid ku ah qaxootiga reer Suuriya ee dalkaasi Libnaanayaa kor u kacay todobaadyadii inaga tegay taasoo dalka Libnaan uu la rafanaayo sicir barar xaga cuntada ah iyo cunto yari baahsan,sidaas waxaa wakaaladaha wararka u sheegayxafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR shalay oo Jimca ahayd. “Waan aragnaa ineey kor u kacday xiisadda u dhexeeyso dalalka Libnaan iyo Suuriyakuna saabsan foornooyinka dalka oo dhan”sidaas waxaa yiri afhayeenka xafiisk Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR Paul.
ISHA WARKA AP.
DHISMAHA BAARLAMAANKA CIRAAQ OO…
SAWIRKA MUQTADA AL-SADRI.
(BAQDAAD)-Kumaan kun oo taageero shiikha leh saameynta ee ah shiicada reer Ciraaq Muqtada Al-sadri ayaa waxa eey xoog ku galeen dhismaha baarlamaanka dalka Ciraaq maanta oo ah Sabti waane markii labaad eey sidaan sameeyaan todobaad gudihiis,banaanbaxayasha ayaa diidan dhisida xukuumada cusub ee dalka Ciraaq taaso uu hogaaminaayo nink eey si weyn isaga soo horjeedaan isuna haayaan Al-Sadri ee isna gacan saarka la leh dalka Iraan,waxaane jiro isbahaysi loo yaqaan”Dhiga banaanbaxayaasha”waxa eeyna banaabaxayaasha ruxayeen korna u haayeen sawirka Al-sadri oo eey ku sheegeen inuu yahay ninka wado khilaafka Bulshada.
ISHA WARKA AP.
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN..
ICC.
(ANKARA)-Dalka Maraykanka ayaa waxa uu cunaqabateyn saaray laba qofood iyo afar qofood oo kale kuwaaso Ruushka ka caawinay inuu saameyn ku yeesho adduunka hawlgaladiisa iyo in Ruushka farageliyo doorashooyinka.Labadaan qofood iyo afartaan Ruushka kaalmaysay ayaa ku takagalay ineey kaalimo kala gedisan aadna u fiican ka cayaaraan in Ruushka isku dayo inuu xukumo una diido deganaanshaha dalka Maraykanka iyo inuu weli xulafo la yahay kuwa wax inala wadaago uuna ka mid yahay dalka Yukrayn sidaas waxa lagu soo qoray qoraal ka soo baxay wasaaradda lacagta ee dalkaasi Marayknka maanta oo Jimca ah.
ISHA WARKA AA.
QAMADI YUKRAYN LAGA SOO XADAY.
MARKABKA SUURIYA.
(SYRIA)-Markab laga leeyahay dalka Suuriya ayaa lagu soo raray Qamadi laga soo xaday dalka Yukrayn ayaa baroosinka ku soo xirtay dekada Trilpoil ee dalka Libnaan,sidaas waxaa sheegay wasiir ka tirsan xukuumadda Libnaan.Wasiirka beeraha iyo masuul ka socday xafiiska canshuuraha ayaa aaday markabka laga leeyahay Suuriya kaaso laga soo buuxiyey Qamadi laga soo xaday Yukrayn soona gaaray dekada Tripoli ee dalka Libnaan,sidaas waxaa warbaahinta u sheegay wasiirka ganacsiga ee dalka Libnaan Amin Salam oo ku sugnaay halka markabku dhigtay baroosinka shalay oo khamiis ahayd,waxaane markabka cunaqabateyn saaray dalka Maraykanka.
ISHA WARKA AA.
MUSHAAR KORDHIN LOO SAMEYEY HAYADDA NISA.
AGAASIME MAHAD MAXAMED SALAAD.
(SOMALIA)-Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka ka soo kabanaayo dagaaladii sokeeye ee ka dhacay waxa uuna la daalaa dhacayaa amni dari aad u baahsan oo gaartay heerkeedi ugu xumaay waqtiyadaan dambe,ayadoo aan weli dalka loo dhisin dawlad bedesha tii hore ee uu dhammaaday waqtigeeda ahne xil gaarsiin. Bishii Meey-15-22-ka waxaa Soomaaliya madaxweyne loo doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka dib markii uu ka adkaaday madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmajo,Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si aad ula socday heerka amni ee dalka gaar ahaan kan caasimadda Muqdisho ayaa 26/5/22-ka waxa uu magacaabay Agaasimaha Hayadda NISA waxa uuna xilkaas u magacaabay Ex-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad laguna tiro inuu yahay gacanta midig ee Madaxweynaha. Agaasime Mahad Salaad oo bilaabay inuu dib u habeeyo Hayadda NISA ayaa qaaday talaabadiisi ugu horeysay waxa uuna dhammaan dalbaday Gaadiidka Hayadda NISA leedahay eeyna isticmaalaan hayado kale amaba shaqsiyaad siyaasiyiin kana tirsan xukuumadda federaalka,waxaane Agaasime Mahad Salaad u suurtagashay inuu hayada dib ugu soo celiyo gaadiidkii eey leheed kuna jiray gacan dad kale.Talaabadii xigtay uu qaaday Agaasime Mahad Salaad inta uu ku guda jiray dib u habaynta hayada NISA ayaa ahayd inuu tira koob ku sameeyo saraakiish,saraakiil xigeenada,dableyda iyo shaqaalaha rayidka ah kana hawlgalo hayada NISA,waxaane halkaan uga soo baxday Agaasime Mahad Salaad ineey jiraan dad fara badan oo mushaar ka qaata hayada NISA balse aan ka tirsaneyn una liis gareysan hayado kale oo federaal ah,dadkaas qaarkoodna waxa eey degaaneeyn Hotelo waxa eeyna borobogando u sameeyn jireen xukuumadii Farmajo kana amaani jireen baraha bushada sida Facebook,Twitter,Youtube iyo Instagram-ka,dhammaan lacagihii dadkaan lagu bixin jiray markii meel la isugu keenay ayaa Agaasime Mahad Salaad waxaa u soo baxday inuu sameyn karo MUSHAAR KORDHIN guud oo hayada NISA ah,waxa uuna mushaar kordhinta u sameeyey sidan:
(1)-Darajadda Gaashaanle waxa uu mushaarkiisa ahaay $400 bishiiba,haddana waxaa looga dhigay $500 bishiiba.
(2)-Jaamici waxa uu mushaakiisa ahaay $300 bishiiba,haddana waxaa looga dhigay $350 bishiiba.
(3)-Shaqaalaha wata Shahaadada Dugsiga Sare waxa uu muhsaarkiisu ahaay $200 bishiiba haddana waxaa looga dhigay $300 bishiiba.
(4)-Mudane ama shaqaalaha kale ee aan haysan wax shahaado ah mushaarkooda waxa uu ahaay $150 bishiiba haddana waxaa looga dhigay $200 bishiiba.
(5)-Darajadda Dable waxa uu mushaarkiisa ahaay $150 bishiiba hadda waxaa looga dhigay $200 bishiiba. Sidoo kale Agaasime Mahad Salaad ayaa go’aamiyey in askarta iyo saraakisha geeriyoota in qoysaskooda eey xuquuq ka heli doonaan dawladda federaalka Soomaaliyeed,waxaa kaloo ayana xusid mudan in Agaasime Mahad Salaad dib u bilaabay bixinta Saadka la siiyo hayadda NISA kaaso horay eeysan u heli jiran dhammaan inta ka hawlgasha hayadda NISA.
ISHA WARKA SBMEDIA-SOMALIA.
DHISMAHA BAARLAMAANKA CIRAAQ OO….
AARLAMAANKA CIRAAQ IYO SHALAY SIDUU AHAAY.
(BAQDAAD)-Boqolaal banaanbaxayaal reer Ciraaq ah ayaa jabsaday xoogna ku galay dhismaha baarlamaanka dalkaasi Ciraaq maalintii shalay oo Arbaca ahayd,dadka galay dhismaha baarlamaanka ayaa ku heesaayey heeso lid ku ah dalka Iraan laguna nacaladaayey banaabaxayaasha ka soo horjeedo magacaabidda Reysal Wasaaraha cusub ee ka socdo xisbiga eey gadaal ka taagan tahay dawladda Iraan ee uu hogaamiyo hogaamiye diimeedka Muqtada Al-sadri. Intooda badan banaanbaxayaasha ayaa ah taageerayaasha hogaamiye diimeedka leh saameen aad u balaaran Muqtada Al-Sadri,banaanbaxayaasha ayaa wada ahaay Rag lana arkaayey ayagoo ku kor soconaayo miisadaha golaha baarlamaanka,tuur tuuraayo galalkii,kuna fariisanaayo kuraastii xildhibaanada,isla markaasne lulaayey calanka dalka Ciraaq.Arrintaan dhacday shalay waxa eey kor u qaadeysaa dagaalka u dhexeeyo saamileeyda siyaasadeed ee dalka Ciraaq kuwaaso dhibaatadooda eey soo jiitamaysay muddo dhan toban bilood ka dib markii eey dhacday doorashadii heer Federaal,garbahaan is haayo ayaa wada ah Shiicadda dalka Ciraaq waxaane kala hogaaminaayo Reysal Wasaarihii hore ee dalkaasi Ciraaq Nuur Al-Maaliki iyo wadaadka Muqtada Al-sadri oo xisbigiisu isaga baxay baarlamaanka dalka Ciraaq bil ka hor.
ISHA WARKA AP.
BAASABOORKA SOOMAALIYA OO HOOS…
BAASABOORKA SOOMAALIYA.
(LONDON)-Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka uu aafeeyey dagaalka welina aan ka soo kabsan waxyeeladiisii,waxa uuna dalka Soomaaliya soo maray marxalado kala gedisan tusaale ahaan waqti eey xukumaayeen hogaamiyo kooxeedyo,waqti uu ka jiray maaul ku meel gaar ah iyo hadda uu dalka Soomaaliya leeyahay dawlad Federaal ah eeyna hoos yimaadiin lix maamul goboleed,hadaba isbedbedelaadsi ayaa waxa eey saameeyeen Baasaboorka uu leeyahay dalka Soomaaliya,waxaane jirta heyad qiimayn ku samaysa baasaboorada caalamka ayadoo saldhig uga dhigayso wadamadda baasboorkaas lagu geli karo ayadoo aan loo qaadan dal ku gal(Free Visa),hayadda Henley and Partners qiimeyn eey soo saartay ayey ku sheegtay wadamada baasabooradooda lagu geli karo dal ku gal la’aan waxaane hogaaminaayo dalka Japan,Baasaboorka dalka Japan oo qofka wata Visa loogama baahna dalal dhan 193-dal waxaane ku xigo oo kaalinta labaad wada galay dalalka Singapore iyo Kuuriyadda Koonfureed oo waxaa Visa la’aan lagu geli karaa 192-dal. Haddii aan u soo laabano wadamada Carabta waxaa hogaaminaayo Baasaboorka dalka Imaaraatka Carab oo waxaa lagu geli karaa Visa la’aan (176)-dal-2022-ka, halka sannadkii 2011-kii baasaboorka dalka Imaaraatka lagu geli karay( 67)-dal kaliyah.
Haddii aan u soo laabto baasaboorka dalka Soomaaliya qiimeyntii la sameeyey sannadkii 2011-kii waxa uu galay mid ka labada dal ee ugu hooseyo(100), laakinse qiimayntii la sameeyey sannadkaan 2022-ka baasaboorka Soomaaliya waxa uu galay kaalinta( 107)-aad waxaane lagu geli karaa oo kaliyah 35-dal Visa la’aan waxaane ka hooseeyo dalalka Yemen-34-dal, Pakistan-32-dal, Syria-30-dal, Ciraaq-29-dal iyo dalka Afgaanistaan-27-dal.
ISHA WARKA SBMEDIA.
MORAD TAHBAZ OO XABSIGA LAGA…
XABSIGA EVIN TEHRAN.
(LONDON)-Nin u dhashay dalka Iraan haystana dhalashada dalka Ingiriiska kuna xirnaay dalkaasi Iraan ayaa loo fidiyey naxariis maanta oo Arbaca ah,waxa uuna ninkaan soo booqan doonaa hooyadiis muddo dhan laba maalmood sida eey sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Ingiriiska. Morad Tahbaz oo sidoo kala wata baasaboorka dalka Maraykanka ayaa waxaa la xiray sannadkii 2019-kii ka dib markii lagu soo edeeyey inuu u basaasaayey dalka Maraykanka. Qoyska Tabhaz ayaa xaqiijiyey in Morad Tabhaz laga soo daayey xabsiga Evin si khasab ah lana geeyey gurigooda oo ku yaalo magaaladda Tehraan caasimadda dalka Iraan,waxaane sidaas sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Ingiriiska.
ISHA WARKA AA.
BANAANBAX KA DHACAY CIRAAQ.
BANAANBAX KA DHACAY BAQDAAD.
(BAQDAAD)-Banaanbaxayaal reer Ciraaq ah ayaa waxa eey weerareen halka la yitraahdo Green Zone-ka ee magaaladda Baqdaad waxaane halkaas ku yaalo dhismaha baarlamaanka dalka Ciraaq maanta oo Arbaca ah. Sida la sheegay banaanbaxayaasha ayaa waxa eey ka so horjeedaan magacaabidda Reysal wasaaraha cusub ee dalka Ciraaq kaaso laga soo dhex xulay xisbiga shiicadda ee uu hogaamiyo Muqtada Alsadr waxane xisbigan taageero dalka Iraan,banaanbaxayaasha ayaa xoog ku maray iskana leexiyey dhammaan dhagxaantii jid gooyada u ahayd dhismaha baarlamaanka dalka Ciraaq,sidaas waxaa lag soo xigtay wakaaladda wararka ee INA.
ISHA WARKA AA.
DHAXAL SUGAHA SACUUDIGA OO..
MAXAMED BIN SALMAAN(MBS).
(RIYAD)-Ninka leh dhaxaltoyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman(MBS)ayaa waxa uu booqasho ku tego doonaa dalalka Giriiga iyo Faransiiska maanta oo Talaada ah waane safarkiisii ugu horeeyey uu Maxamed Bin Salman ku tago Qaaradda Yurub tan iyo markii la dilay saxafigii u dhashay dalka Sacuudiga Jamaal Khashoggi sannadkii 2018-kii,Jamaal oo ahaay saxafi wax ku qora wargayska Washington post ayaa aad waxa uu dhalilli jiray nidaamka MBS uu ku wado dalka Sacuudiga,waxaane Jamaal lagu dhex dilay qumsuliyadda Sacuudiga ee magaaladda Istambuul ee dalkaasi Turkiga Oktoobar-2018-kii,waxa uuna caalamka oo dhan dilka Jamaal dusha ka saaray MBS waayo isaga ayaa ahaay ninkii handadi jiray Jamaal.
ISHA WARKA DS.