Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAWLGAB INGIRIIS AH OO LAGA…

SAWIRKA JIM.

(BAQDAAD)-Nin hawlgab Ingiriis ah(Jim) kuna takhasusay cilmiga dhulka(Geology)laguna xukumay shan iyo toban sano oo xarig ah ka dib markii lagu qabtay waxyaabo taariikhi ah isagoo sifo aan sharci ahayn uga saaraayo dalka Ciraaq waxaane laga yaabaa nin hawlgabka ah(Jim) una dhashay Ingiriiska in si dhaqsi ah loo sii daayo waayo maxkamada ayaa waxa eey dib u eegid ku sameeysay dembiga loo haysto hawlagabka(Jim) u dhashay Ingiriiska,sidaas waxaa sheegay qoyska ninka Ingiriiska ah(Jim) iyo garyaqaankii u doodaayey.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

33-QOFOOD AYAA KU DHINTAY BUS KA DHACAY…

BAS KA DHACAY BUUNDO KENYA.

(NAIROBI)-Maalintii shalay oo ahayd Axad ayaa waxaa shil aad u foo xun waxa uu ka dhacay gudaha dalka Kenya,shilkaan ayaa la soo sheegaa inuu ka dhacay wadada eey maraan baabuurta ku socoto xawliga sare,waxaane buundo ku tiilay halka eey maraan baabuurta xawliga ku socoto ka dhacay bas,baskaan ayaa waxaa saarnaay dad aad u fara badan waxaane dawladda Kenya sheegatay in shilkaasi eey ku dhinteen dad gaaraayo 33-qofood oo ka mid ahaay dadkii saarnaay baska ka dhacay buundada.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GANACSADE SACUUDI AH OO LAGU…

SAFAARADA SACUUDIGA EE LIBNAAN.

(BEIRUT)-Waxaa la soo sheegaa in nin ganacsada ah una dhashay dalka Sacuudiga lagu afduubay gobolka Baalbek ee bariga Libnaan,sida eey soo sheegeen wakaaladaha wararka ee dalkaasi Libnaan maanta oo Isiin ah,dadka wax afduubay ayaan la aqoon haybtooda waxa eeyna ganacsadaha Sacuudiga la aadeen buuraha Baalbek,Xuseen Al-shamri oo sacuudi ah ayaa shalay oo Axad ahayd la afduubay.

ISAHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SOMALIA IYO MASAR OO ISKA KAASHAN….

BIYA XIREENKA.

(SOMALAI)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda waxa uu booqashadiisii todobaad ku joogaa dalka Masar,Madaxweynaha ayaa waxa uu shir jaraa’id kala qeybgalay dhigiisa Masar C/fataax Al-sisi waxa eeyna shirkaas ka sheegeen ineey iska kaashan doonaan arrinta amniga badda cas iyo sidii laga yeeli lahaay arrinta Biya xireenka Itoobiya oo halis ku ah wabiyada Jubba iyo Shebeele oo waqtigaan qalalan oo aan lahayn wax biya ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WAKIILKAUN-KA EE YAMAN OO…

MAGAALADDA TICIS.

(YEMEN)-Dalka Yaman waxaa weli taagan dagaal u dhexeeyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee Yaman,dagaalkan ayaa waxaa gacmaha kula jiro dawlado kala gedisan oo midba dan gaar ah ka leedahay Yaman,hadaba magaaladda Ticis ee dhacda koonfur galbeed ee dalkaas ayaa muddo go’odaan u ahayd kooxda Xuutiyiinta waxaane la soo sheegay in Xuutiyiinta la dhaceen madaafiic waxaane weerarkaas ku dhintay hal qof waxaane ku dhaawacmay toban qofood,weerarkaan ayaa waxaa cambaareeyey wakiilka Qaramada Midoobay ee dalkaas Yaman.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUDIGA OO XIRAY NINKII…

WARIYE GIL.

(RIYAD)-Booliska magaaladda Barakaysan ee Makka ayaa sheegay ineey soo xireen nin u dhashay dalka Sacuudiga kaaso lagu tuhmaayo inuu gacan siiyey nin Israel u shashay isla markaasne war dire u ah Tv-ga Channel-13 lagana leeyahay Israel,ninkaan oo la yiraahdo GIL Tamary ayaa waxa uu si qarsoodi ah u galay magaaladda Barakaysan ee Makka waqtigii Xajka isagoo soo kiraystay Taxi kana gudbay dhammaan goobihii mamnuca ka ahaay dadka aan muslimiinta ahayn sida Aargada Makka waxaane Aargada Makka ku qoran qoraal sheegaayo inaan halkaan uusan gelin karin qofaan Muslim ahayn balse isaga uu iska indha tiray waana uu galay magaaladda Barakaysan ee Makka waxa uuna gaaray ilaa Buurta Carafo waqtigii Xajka,arrintaan waxa eey keentay in dalka Sacuudiga soo food saarto ceeb aad u weyn oo dhinaca amniga ah gaar ahaan dhulka Barakaysan. Saxafiga reer Israel Gil Tamary ee galay Makka ayaa waxa uu Channel-13 ka sii daayey filim gaaban kuna saabsan safarkiisii Makka waxaane ka soo muuqday wejigiisa isagoo qoslaayo kuna faraxsan hawsha uu qabtay. Arrintaan uu sameeyey Gil ayaa waxa eey dhallin kartaa in dalka Sacuudiga inuusan wax xiriir ah la yeelan Israel.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TAHRIIBAYAAL LAGU CIQAABAY LIIBIYA.

TAHRIIBAYAAL.

(LIIBIYA)-Nin u dhashau dalka Marooko ayaa la qabtay isaga oo raba inuu u tahriibo Yurub,ninkaan reer Marooko ayaa dhawr mar oo hore waxa uu isku dayey inuu Yurub u tahriibo isaga oo u maraayo badda Meditreanian laakinse markaan waxaa is hortaagay ciidamada ilaaladda xeebaha dalka Liibiya waxaane dhacday la soo qabto 50-qofood oo tahriibayaal ah waxa eeyna u ciqaabeen si aan caadi ah,ciidamada hubaysan ee Liibiya ayaa garaacay kana qaaday sharafta dhammaan dadkii tahriibayaasha ahaay waxa eeyna u qaadeen goobo eey ku xiraan waxa eeyna ku haayeen muddo 4-bilood ah,dadkaan tahriibayaasha ayaa la jirdilay,la tumay la fara xumeeyey,waxaane si aan arxan lahayn loogu garaacay qoraga dabadiisa iyo tubada biyaha.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL KA DHACAY TRIPOLI.

TRIPOLI.

(TRIPOLI)-Dalka Liibiya waxa uu ka mid yahay dalalka uu ka dhacay kacdoonkii lagu riday xukuumadihii Carabta qaarkood sannadkii 2010-kii waxaane weli dalka Liibiya ka jiro dagaal u dhexeeyo maleeshiyaat iska soo horjeedo kalan taabacsan kuwa isku haayo siyaasadda. Dagaal maanta oo Jimca ah ka dhacay Triploi ayaa waxaa ku dhintay 13-qofood kana kala tirsan labada kooxood iska soo horjeedo,Liibiya ayaan ilaa hadda samaysan dawlad dhexe oo eey isku waafaqsan yihiin.

ISHA WARKA AP.

HALKANA KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ALSHABAAB OO WEERAR KA GAYSATAY…

ASKAR DHIMATAY.

(BAKOOL)-Kooxda Alshabaab ayaa waxa eey weerar kedis ah ku qaaday xero eey degan yihiin ciidamada Liyuu Boolis ee ka hawlgala degaanka Soomalida Itoobiya,sida eey sheegteen Alshabaab waxa eey khasaaro baaxad leh u gaysteen Liyuu Boolis waxa eeyna ka qabsadeen hub fara badan iyo maxaabiis warkaan ma eeysan xaqiijin maamulka Soomaalida Itoobiya ilaa hadda mana jirto cid madax banaan oo xaqiijisay sheegashada Alshabaab.Hadaba kooxda Alshabaab ma waxaa la dhihi karaa weerarkaan waxa eey u qaadeen ineey dhulka Soomaalida Itoobiya ka samaystaan saldhigyo eey kaga soo duulaan gudaha dalka Soomaaliya mase waa weerar eey ku muujinaayaan awooda ciidan korna ugu qaadayaan jiritaankooda ka dib markii uu jab aad u xoogan uu ka soo gaaray weerarkii Baxdo ee gobolka G/Gaduud?

ISHA WARKA SBM.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AABE IYO CARURTISA OO LAGU XIRAY…

LIBNAAN.

(LIBNAAN)-Aabe iyo seddexdiisa wiil ayaa lagu xiray dalka Libnaan kuwaso loo haysto dhimashada wiil dhallinyara ah una dhashay dalka Suuriya sida eey ku warantay warbaahinta dalka Libnaan maanta oo khamiis ah.Dhammaan afarta qofood ee la soo xiray ayaa u dhashay dalka Libnaan waxaane lagu xiray gudaha Sarafand oo ah magaaladda ku taalo koonfurta gobolka Sidon sida laga soo xigtay wakaaladda wararka u faafiso dalka Libnaan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAXOOTIGA SUURIYA EE LIBNAAN OO…

QAXOOTIGA SUURIYA.

(LIBNAAN)-Tan iyo markii dilaacay dagaalkii dalka Suuriya sannadkii 2011-kii waxaa dalka Suuriya ka qaxay dad fara badan una qaxay dalka deriska la ah ee Libnaan,qaxootigaan reer Suuriya kuna sugan dalkaasi Libnaan ayaa hadda waxaa soo food saaray walaac aad u weyn oo ah in dib loogu celinaayo dalkii eey shalay uga soo carareen dagaaladda.Qaxootiga Suuriya ee jooga Libnaan ayaa sheegay in Libnaan uu liito dhaqaalaheeda balse eey rabeen ineey uga sii gudbaan Qaaradda Yurub taasne eey suurtageli weysay.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GARYAQAAN KA HADLAY ARRIN..

AHL MASAR.

(QAAHIRA)-Garyaqaan reer Masar ah una dooda xuquuqda bani’aadanka ayaa todobaadkan waxa uu dacwad ka gudbiyey lacag la sheegay in laga qaaday dadka gelaayo Koorniishka wabiga Nile kuna yaalo caasimadda Masar ee Qaahira,waxa uuna garyaqaanku sheegay ineey xadgudub ku tahay xuquuqda qofka in laga qaado lacag. Garyaqanka ayaa sheegay in Ahl Masar oo ah goob lagu lugeeyo loona furay dadweynaha bishii Maarso-2022-ka uuna furay RW-Mustafa Mabduli,waxa uuna RW-Mustafa sheegay in dadweynaha ku geli karaan lacag la’aan taaso looga dan leeyahay sidii loo wanaajin lahaay tayada nolosha mawadink Masriga ah.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIL KA DHACAY MASAR OO EEY KU DHINTEEN..

SHILII MASAR KA DHACAY.

(QAHIRA)-Bus qaado dadka u kala socdo goobo aan sidaas u kala fogeeyn balse maraayey wadada loogu talagalay ineey maraan baabuurta ku socoto xawaaraha sareeyo(Highway) ayaa waxa uu ku dhacay Rimoor yiilay wadada dhinaceeda waxaane shilkaas ku dhintay dad dhan 23-qofood waxaane ku dhawwacmay 30-kale waa sida eey sheegtay xukuumadda Masar maanta oo Talaada ah.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAWEENEY SACUUDI AH OO BEEN U…..

DANAH ALMACYUF.

(USA)-Danah Al-Macyuuf waa Sacuudiyad ku nool dalka Maraykanka isla markaasne si aad ah uga soo horjeedo nidaamaka ka jiro dalkaasi Sacuudi.Arrinta Danah Macyuf ayaa waxa eey ka bilaabatay qoraal loogu soo diray telefoonkeeda qoraalkaso ka yimid qof magaceeda la qariyey ee xisaabka Instagram,qoraalka ayaa Danah loogu balanqaadaa in laga kaalmeynayo ineey wajihi doonto duqeyn gar maxkamadeed kharashkeedu dhan yahay 5-Milyan oo doolarka Maraykanka ah taasoo kaga imaan doonto taageerayaasha xukuumadda Sacuudiga laakinse sir aan la sheegin kuna jirtay qoraalka loo soo diray Danah ayaa dhahaayo”Waxay Danah isaga kula kulmaysaa Xabsiga".

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUURIYA OO ISKA DIIDAY…

FUUSTOOYINKII BIYAHA.

(URDUN)-Dalka Suuriya ayaa diiday dalab kaga yimid dhinaca dalka eey deriska yihiin ee Urdun,dalbkaas ayaa ahaay mid ku saabsan in dalka Suuriya siiyo dalka Urdun biyo dhan 300-milyan oo seddex jibaaran sida laga soo xigtay wasiir reer Urdun ah maanta oo Talaada ah.Codsiga reer Urdun ayaa la diiday ka dib markii xaaladda biyo ee ka jirta dalka Suuriya la ogaaday ineey tahay midaan fiicnayn sidaasne waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasiirka biyaha iyo waraabka dalka Urdun Maxamed Al-Najaar lagana baahiyey Tv-ga eey maamusho xukuumadda Urdun ee ALMAMLAKA.

ISHA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA KUWEYT OO YESHAY RW…

BAARLAMAANKA KUWAYT.

(KUWAIT)-Amiirka dalka Kuwayt Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-Jabir Al-Sabaax ayaa maanta oo Talaada ah qaraar uu soo saaray waxa uu Reysal Wasaare ugu magcaabay Sheekh Maxamed Sabaax Al-Salim Al-Sabaax. Rw-Sheekh Maxamed ayaa waxa uu soo dhisi doonaa xakumadda cusub ee dalkaasi Kuwayt, wargayska Al-Qabs ee ka soo baxa dalka Kuweyt ayaa laga soo xigtay in Sheekh Maxamed si dhaqsi ah uu ku soo dhisi doono xukuumadiisa mana jiro wax war oo ka soo baxay Diiwaanka Amiir Kuwayt kuna saabsan magacaabida RW-cusub.Dalka Kuwayt ayaa soo ahaay xukuumad la’aan muddo seddex bilood ah ka dib markii uu is casilay RW-Sheekh Sabaax Khalid kaaso dalka Kuweyt soo xukumaayey afar sano iyo bar.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HANTI DHAWRAHA QARANKA OO AMARO…

HANTI DHAWRAHA GUUD EE QARANKA.

(SOMALIA)-Dalka Soomaaliya waxa loo wada dheg taagaa magacaabidda Golaha Wasiiradda cusub ee uu yeelan doono dalka JFS afarta sano ee soo socoto,waxaane hadda hawsha Qaranka sii wada wasiiro xil gaarsiin ah lana soo shaqeeyey xukuumadii Farmajo,hadaba waqtigii lagu dhawaaqi lahaay golaha Wasiiradda cusub oo soo dhawaaday dartiis ayuu Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka Md.Maxamed Maxauud(Afgooye) uu soo saaray amaro culculus kuna saabsan xil wareejinta wasiiraddii hore,sababta ayaa lagu lagu sheegay in qaar ka mida Wasiiradda xilka wareejinaayo galeen Heshiisyo waa weyn waxna u dhimi kara dhaqaalaha dalka sidaas darteedna uu soo saaray amaradaan cusub.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKA BLUE NILE OO..

DAGAALKA BLUE NILE.

(SUDAN)-Dagaal u dhexeeyo qabiilo wada deg gobolka BLUE NILE ee dalka Sudaan ayaa waxaa la soo sheegaa in dhimashada kor u kacday,shaqaaqo ka jirta Blue Nile ayaana sababtay in dadkaan dhintaan waane mid u dhexeey qabiilo wada dega BLUE NILE. Iska horimaadka u dhexeeyo qabiilada ayaa weli halkiisa ka sii socdo,dagaalkan ayaa waxa uu ka bilawday Kassala sidaasne waxaa sheegay falqeeye reer Sudaan ah.Dagaalkan ayaa la rumaysan ineey ka dambeeyaan siyaasiyiin iyo hogaamiye dhaqameedyo,tirada dhimashada ee ilaa hadda la soo sheegay ayaa dhan 65-qofood balse waa eey ka badan kartaa intaas,dagaalka ayaa la sheegay inuu yahay mid u dhexeeyo qabiiladda Hausa iyo Al-Hamaj.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUCARAD KUWEYT U DHASHAY OO..

SALMAN AL-KHALIDI.

(LONDON)-Salman Alkhalidi ahne nin u dooda xuquuqda dadka una dhashay dalka Kuweyt ayaa waxa uu so gaaray dalka boqortoyada Ingiriiska(UK) halkaaso uu ka jiro kulayl aad u daran oo aan horay uga dhicin UK laakinse Salma ayaa noloshiisa inteeda badan waxa uu ku soo qaatay dalka Kuweyt oo si fiican ayuu u yaqaana cimiladda kulul. “Dhabcan UK kama kulula Kuweyt,si aad ah ayey nolosheyda ugu raaxaysanaysaa halkaan(UK)waayo waa meel aad u nabad ah” sidaas waxaa wargayska Middle East Eye u sheegay Salman Al-Khalidi.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GARYAQAN CASIM GAFOR OO…

CAASIM GOOFAR.

(DUBAI)-Dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) ayaa xukun ku riday nin u dhashay dalka Maraykanka ahaayne garyaqaankii hore ee u doodaayey saxafigii u dhashay dalka Sacuudiga Jamaal Khaashoggi ee lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda dalka Sacuudiga ku leeyhay dalka Turkiga sannadkii 2018-kii. Garyaqaan Caasim Goofar ayey Imaaratku ku xukumeen xabsi dhan seddex sano ka dib markii lagu soo eedeyey isdabamarin lacageed iyo inuu la baxsaday canshuurta dalka,waxaane Caasim lagu ganaaxay lacag dhan sideed boqol iyo lix iyo toban kun iyo todobo boqol iyo afartan iyo sideed($ 816,748) doolarka Maraykanka ah,warar ayaa sheegaayo garyaqaan Caasim in loo gudbin doon dalka Maraykanka.

ISHA WARKA WKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More