MARAYKANKA OO BALANQAAD U SAMEYEY URDUN
SHIRKII JIDDAH.
(JEDDAH)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa maalintii shalay oo Sabti ahayd waxa uu dalka Urdun u balan qaaday macaawino sannadle ah oo dhan 1.45-Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.Balanqaadka uu sameeyey Biden ayaa lagu dhawaaqay mar la soo saarayey war ku saabsan fadhigii eey wada yeesheen Biden iyo Boqorka Urdun Cabdallah-2aad ayagoo eey dhina joogeen wakiilada dawladihii ka qeybgalay shirkii u dhexeeyey Carabta iyo Maraykanka kana dhacay magaaladda Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.
ISHA WARKA AA.
HAWLGAL LAGU SOO DAAXCISH.
CIRAAQ.
(BAQDAAD)-Ciidamadda amaanka ee dalka Ciraaq ayaa gacanta ku soo dhigay 26-qofood oo lagu tuhmaayo ineey ka tirsan yihiin ururka Daacish(ISIS) ka dib markii ciidamada dalka Ciraaq eey hawlgal kedis ka sameeyeen dhammaan gobolada dalka Ciraaq sidaas waxaa lagu sheegay war ka soo baxay xukuumadda Ciraaq maanta oo Axad ah.
ISHA WARKA AA.
AMNI XUMADDA MUQDISHO OO SII KORDHAYSA.
SAWIRKA MACALLIN NUUR CALI JIMCAALE.
(MUQDISHO)Magaaladda Muqdisho waa caasimadda JFS waxa eeyna ka kooban tahay 17-degmo oo eey ku nool yihiin dad lagu qiyaasay ineey dhan yihiin seddex ilaa afar milyan qofood,dadkaan ayaa isaga kala yimid goboladda dalka kuwooda eey aadka u saameysay dhibaatada abaaraha iyo kuwa kale oo shaqa u soo raadsaday Caasimadda balse degaanadooda eeysan ka jirin wax dhibaata ah oo dhinaca amniga,dadka reer Muqdisho ee aan haysan degaan kale oo eey u cararaan marka eey timaado dhibaato dhinaca amni darada ah ayaa hadda waxa eey wajahayaan dilal isdaba joog ah oo si aad ah loo soo qorsheeyey waxaane xalay oo ahayd Jimca(14/7/22)-ka Muqdisho lagu dilay laba qofood oo bulshada magaaladda Muqdisho eey aad u dareemeen waxa eeyna kala ahaayeen Macallin Dugsi Quraan ku haayey degmada Kaaraan isla markaasne ardayda eey dhaleen danyarta lacag la’aan wax ku baraayey waxaa macallinka la sheegay inuu kutubo Quraan ka akhri jiray masaajid ku yaalo xaafadda Negeeyle ee degmada Kaaraan ee G/bnaadir,Macallinka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Macallin Nuur Jimcaale Cali oo ahaay wiil aad u da’a yar una shaqeeyn jiray qoyskiiska oo ka kooban hooyo iyo shan caruur ah iyo waalidkiis. Ragii gaystay dilka Macaliinka qaar ka mida ayaa waxaa maanta soo qabtay ciidamadda booliska degmada Kaaraan ee G/banaadir waxaane baxsad ku maqan ninkii haayey Bistooadii lagu dilay macallinka,sida eey sheegeen warbaahinta Muqdisho hubka loo adeegsaday dilka Macallinka ayaa waxaa iska lahaay nin ka tirsan ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed hadana gacanta lagu haayo.Dilka Macallin Nuur ayaa yimid ka dib markii eey Tuugta isku dayday ineey Macallinka ka dhacaan telefoon lagu qiimeeyey inuu dhan yahay $20 kaliyah.Waxaa isna xalay degmada Y/shiid ee G/banaadir gaar ahaan waaxda Juungal lagu dilay Ganacsade caan ka ahaay Magaaladda Muqdisho lana yiraahdo Sheekh Salaad Cali Ciise mana jirto cid sheegatay ilaa hadda dilka Sheekha Salaad. War hadda inaga soo gaaray Muqdisho ayaa sheegaayo in hadda lagu dilay Magaaladda Muqdisho Nabadoon Sheekh Cabdi Faniinte waxaane Nabadoonka dilay rag ku hubaysan bastoolado waane eey ka baxsadeen goobtii eey dilka ka gaysteen oo lama qaban.Ganacsade Sheekh Salaad Cali Ciise iyo Nabadoon Sheekh Cabdi Faniinte oo la kala dilay caawa iyo xalay ayaa ah laba nin oo isku reer ah kana soo wada jeedo Beesha H/Gidir gaar ahaan Saleebaan,waxayna dadka qaar leeyihiin waxaa dhici karta in dilkooda Alshabaab ugu aar gudayaan jabkii Alshabaab ka raacay degaanka Baxdooy ee G/Galgaduud ee maamulka G/Mudug balse waa mid la arki doono wixii war ah ee ka soo baxa ehelka labada nin eey ka dhinteen.
ISHA CAASIMADDA.
SOMALIA IYO KENYA OO KALA SIXIIXDAY…
MADAXWEYNAYASHA XASAN SHEEKH IYO UHURRA KENYATTA.
(NAIROBI)-Dalka Soomaaliya ayaa maanta oo Jimca ah kuna beegan 15/7/22-ka ogolaaday in dib loo bilaabo keenida Qaatka Miirawga ah ee laga keeno dalka Kenya iyo in shirkada diyaardaha Kenya(KENYAN AIRWAYS) bilawdo jadwlkeeda duulimaad eey ku tegayso Muqdisho,intaas waxa eey ka mid ahaayeen waxyaabihii eey saxiixeen Madaxweynayaasha Somalia(Xasan Sheekh ) iyo kan Kenya (Uhurra). Go’aanka ayaa soo baxay ka dib markii uu kulan ku dhexmaray labada Madaxweyne magaaladda Nairobi. Labada Madaxweyne ayaa horay ugu kulmay magaaladda Muqdisho markii eey dheceysay caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh bil ka hor.
ISHA WARKA DN.
MUCAARADKA SACUUDIGA EE IN LA DILO…
SOO DHAWEYNTA BIDEN.
(DUBAI)-Wakaaladaa wararka faafiso ee laga leeyahay dalka Maraykanka ee ASOCIATED PRESS ayaa wax ka qortay dadka Sacuudiyinta ah ee Mucaaradka ku ah dalka Scuudiga oo hadda u muuqdo inuu ka socdo maamul kali talis ah uu hor boodaayo wiilka yar ee aan waxba ka aqoon siyaadda caalamka balse raba inuu dhaxalka Boqortooyada ku boobo xoog. Jamal Khashoggi waxa uu ahaay saxafi aad u dhaliila siyaasadda Maxamed Bin Salmaan waxaane lagu dhex dilay laguna qariyey Meydkiisa Safaaradda Sacuudiga ee dalkaasi Turkiga,waxane jiro rag kale oo Mucaarad ku ah siyaasadda Maxamed Bin Salmaan uuna ka mid yahay Madaxii hore ee Sirdoonka Sacuudiga Sacad Al-Jabri hadana ku sugan dalka Kanada balse caruurtiisii iyo xaaskiisii u afduuban Maxamed Bin Salmaan.
ISHA WARKA AP’
MADAXWEYNAHA MARAYKANKA BIDEN OO…
BOQOR SALMAAN IYO WIILKIISA MAXAMED.
(JERUSALEM)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa waxaa booqasho uga bilaabatay gobolka Bariga Dhexe waxa uuna booqashadiisa ka bilaabay Israa’iil waxa uuna halkaasi kula kulmay masuuliyiinta reer Israa’iil ka dibne waxa uu marinka Gaza kulan kula yeeshay Madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabaas waxa eeyna ka wada hadleen arrimaha ka taagan dhulka reer Falastiin taaso la ogyahay mawqifka dalka Maraykanka kuna aadan arrinta Falastiin,hadaba haddii safarka Madaxweyne Biden oo ah kii ugu horeeyey uu ku tegay gobolka bariga dhexe isagoo ah Madaxweyne inuu ku soo dhammaado guul ama guul darro waxa laga yaab ineey sheegi doonto in hOgaamiyeyaasha Maraykanka indhaha ka qabsadaan ninka leh dhaxaltooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.Safarka Madaxweyne Biden ayaa ah mid adduunka oo dhan uu wada eegaayo waxaane rajo aad u sareeyso laga qabaa kulanka dhacaayo maanta oo Jimca ah.
ISHA WARKA AP.
BOQOR SALMAN IYO MADAXWEYNE EL-SISI OO…
SALMAAN IYO SISI.
(ISTAMBUL)-Madaxweynaha dalka Masar C/fataax El-sisi iyo Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa waxa eey ku wada hadleen khadka telefoonka maanta oo Arbaca ah waqti uu Israel booqanaayo Madaxweynaha Maraykanka Biden,labada masuul ayaa ka tashanaayo kana qaadanaayo go’aan wada jira ah arrimaha gobolka bariga dhexe iyo horumarinta arrimaha caalamka intiisa kale. Madaxtooyada dalka Masar qoraal eey soo saartay ayey ku sheegtay go’aanka labada masuul ka dhexeeyo iyo sidoo kale dejinta qorshaha danta guud ee labada dal in go’aan laga gaaray,bishii hore ayey ahayd markii dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu soo booqday qeybo ka mida gobolka bariga dhexe sida Urdun,Masar iyo dalka turkiga.
ISHA WARKA AA.
SAXAFIYAD DIB U HESHAY SAHQADEEDII.
SAWIRKA MARAM SALIM.
(COLOGNE-GERMANY)-Maxkamada shaqaalaha ee magaaladda Bonn ee dalka Jarmalka ayaa riday xukun lidi ku ah Idaacadda dalka Jarmalka ee Deutsch Well(DW) waxa eeyna waxba kama jiraan ka soo qaaday maxakamada eryidii eey idaacadda shaqada ka eriday saxafiyad u dhalatay Falastiin lana yiraahdo Maram Salim.Maxkamada shaqaalaha Bonn ayaa waxa eey riday xukun 6/7/22-ka waxa uuna ku saabsanaay shaqo ka eryid eey sameeysay idaacadda DW ee dalka Jarmalka,waxayna maxkamadu sheegtay in go’aankii idaacada DW shaqada kaga eriday Maram Salim yahay midaan jirin isla markaasne uu waafaqsaneyn sharciga ,sidaas waxaa barteeda FCB-ga soo dhigtay saxafiyadda shaqada laga saaray Maram Salim
ISHA WARKA AA.
JOE BIDEN OO BOOQASHO UGA BILABATAY….
BIDEN OO GAARAY ISRAEL.
(ANKARA)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Diden ayaa waxaa booqasho uga bilaabatay bariga dhexe maanta oo Arbaca ah waxa uuna maanta gaaray Israa’iil,Madaxweynaha ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee Israa’iil,soo dhaweynta Madaxweyne Biden ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Israa’iil Herzog,Raysal Wasaare Yair Lapid iyo Reysal wasaare ku xigeeka Naftali Bennett,sidaas waxaa laga soo xigtay wargayska TIMES OF ISRAEL.Madaxweyne Biden ayaa yiri”Waxaad u baahan tahay inaad noqonin Isra’ili waa inaad noqotid sahyuuni”.Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa inuu booqdo dhulka reer Falastiin ka dibne uu uga gudbo dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya maalinta Jimcaha.
iISHA WARKA AA.
HOGAAMIYIHII DAACISH OO LA DILAY.
DAGAALYAHANADA DAACISH.
(WASHINGTON)-Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka(Pentagon) ayaa maanta oo Talaada ah sheegtay in la dilay hogaamiyihii kooxda Daacish-ta Suuriya waxaane dishay diyaaradaha aanu wedin duuliyaha ee Drones-ka ee dalkaasi Maraykanka.Taliyaha qeybta dhexe ee cidamadda dalka Maraykanka ayaa war uu sii daayey ku sheegay in la dilay Maher Caqaal maanta oo Talaada ah(12/7/22)-ka waxaane isla weerarkaas lagu dhaawacay sarkaal sare oo Daacish ah lana socday Maher Caqaal balse aan la sheegin magaciisa,Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka(Pentagon) ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay Maher laguna dhaawacay mid kale eeysan waxba ka soo gaarin dad shacab ah.
ISHA WARKA AP.
MO FARAH OO SIR KASHIFAY..
(LONDON)-Mo Farah oo ah orodyahan horayna ugu guulaystay afar tartan oo Olympic ah ayaa laga soo xigtay inuu dalka Ingiriiska ku keenay sifo aan sharci ahayn wiil yar laguna qasbay inuu daryeelo caruurta kale ka hor inta uusan ka baxsan nolosha adoonsinimada ee uu hadda ka cararay. Filim cusub,ayuu Mo Farah ku sheegay in magaciisa dhanta ah uu yahay XUSEEN CABDI KAAHIN sida laga daawaday filimka cusub iyo in isaga uu ka soo jeedo dalka JAMHHURIYADDA JABUUTI ee dhacda Gobolka Geeska Afrika,Filimka cusub sheekadiisa ayaa lagu dhex sheegay in Mo Farah si sharci daraha lagu keenay dalka Ingiriiska,Filimkaan cusub ayaa waxaa si wadajir ah sameeyntiisa isaga kaashada Idaacadda BBC-da iyo Istuudiyawga Dibiga(BULL STUDIOS).
ISHA WARKA AP.
IMAAM SOOMALI AH OO LA DHAAWACAY.
JEYLAANI HUSSEIN.
(MINNEAPOLIS)-Magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis ee dalkaasi Maraykanka ayey hogaamiyeyaasha Muslimiinta ka sheegeen in nin taariikh ahaan dhimirka la’a mindi ku dhuftay Imaam Masjid ku yaalo Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaasi Maraykank todobaadkan.Jeylaani Xuseen ahne agaasimaha fulinta ee golaha xiriirka Muslimiinta ee gobolka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegay in Imaam Cawil Aadan uu la xanuunsan yahay dhaawcyo ka soo gaaray madax iyo gacanta, shaqsiga dhaawacay Imaam-ka ayaa awoodi karay inuu dilo dad kale oo ku suganaay gudaha Masjid Khaalid Binu Waliid. Xuseen ayaa ku eedeeyey qofka soo qaaday weerarka inuu khatar ku yahay naftiisa iyo tan bulshada kale ee Somali-American ah.
ISHA WARKA WAKAALADO.
IRAAN OO XABSIGA U TAXAABTAY…
MOSTAFA TAJSADEH.
(TEHRAN)-Dawladda Iraan ayaa xabsiga u taxaabtay ninka sida dhiiran u hadla una dhaqdhaqaaqa dib u habaynta dalkaasi Iraan Mostafa Tajzadeh,waxa eeyna Mostafa ku eedeyeen inuu weday mu’aamaro lidi ku ah amniga dalka Iraan,sidaas waxaa shalay laga sii adaaye warbaahin aad ugu dhaw xukuumadda Iraan. Xiritaan la xiray Mostafa ee u dhaqdhaqaaq dib habaynta dalkaasi Iraan ayaa ah tii ugu dambaysay xiritaano uga socday sidii mawjadaha badda gudaha dalkaasi Iraan xirtaanadaas ayaa looga gol leeyahay sidii loo caburin lahaay dadka la socdo siyaasadda caalamka una dhashay Iraan iyo ka hortaga dareenka siyaasadeed ee sii kordhaayo ee dadka reer Iraan ka qabaan xaaladda taagan ee u dhexeeyso dalalka reer galbeedka iyo dalka Iraan kuna saabsan hubka wax gumaada ee Nuclear.
ISHA WARKA AP.
CIIDAMO MASARI AH OO NOLOSHA LAGU DUUGAY.
ASKAR REER ISRAA’IIL AH.
(QAAHIRO)-Saxafi reer Israa’iil oo caan ah kuna takhasusay arrimaha amniga aya daaha ka qaaday maalintii Jimcaha ee shalay ahayd in 20 askeri oo u dhashay dalka Masar in aasay ayagoo nool eeyna aaseen ciidamadda Israa’iil waqtigii uu socday dagaalkii 1967-dii. Qoraalo taxana ah uu TWITTER-KA ku qoray saxafiga reer Israa’iil ee la yiraahdo Yossi Helmanayuu ku yiri”55-sano ka dib eeyna jirtay faaf reeb aad u culus,waxa aan daah ka rogayaa in ugu yaraam 20-askeri oo u dhashay dalka Masar in la aasay ayagoo nool eeyna aaseen ciidamada Israa’iil(IDF) waane qubuuro aad u balaaran kuwaaso aan la ogayn halka eey ku yaaliin iyo ayagoo aan la aqoosan askerta la aasay taaso lid ku ah sharciyada dagaalka,waxa eeyna ka dhacday Laturn.Waxa eeyna arrintaan dhacday waqtigii uu socday dagaalkii lixda maalmood.”
ISHA WARKA DS.
FINLAND OO WIIL SOOMALI AH U SOO MAGACAWDAY..
XILDHIBAN SULDAN SICID AXMED.
(MUQDISHO)-Xildhibaankii ugu horeeyey ee ka mid noqday baarlamaanka dalka Finland kana soo jeedo dalka Soomaaliya ayuu dalka Finland u magacabay wakiilka gaarka ah ee dalka Finland u qaabilsan nabadeeynta iyo dhexdhexaadinta wadamadda Geeska afrika,xildhibaankan asalkiisu yahay Soomaali ayaa laga soo doortay gobolka waqooyibari ee dalkaasi Finland halkaasoo saldhig u ah Soomaalida ku nool dalkaasi Finland. Xildhiban Suldaan Siciid Axmed ayaa diiradda saari doono nabadaynta gobolka ugu xasaradda badan Qaardda Afrika sidaas waxaa sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland.
ISHA WARKA ANADOLU.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO..
SOO DHAWEYNTII MADAXWEYNE XASAN SHEEKH EE ASMARA.
(ASMARA)-Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Meey-15-2022-ka waxa uu bilaabay inuu booqasho ku kala bixiyo dalal fara badan oo dalka Soomaaliya la lehxiriir siyaasadeed,mid dhaqaale iyo mid ciidamaba,Madaxweynaha ayaa booqashadiisii ugu horeeysay waxa uu ku tegay dalka Imaaraatka Carabta waxa uuna halkaas kula soo kulmay Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Sayid waxa eeyna ka wada hadleen xiriirka labada dal ka dhexeey iyo sidii loo sii xoojin lahaay,dalka Imaaraatka Carabta ayaa ah dalka laga keeno badeecadda ugu badan soona gasha gudaha dalka Soomaaliya. Booqsashadii labaad ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku tegay dalka Turkiga waxaane Madaxweynaha halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dalkaasi Turkiga Erdogan,inta uu joogay dalkaasi Turkiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu soo booqday xerada lagu tababaro ciidamadda Soomaaliya kuna taalo dalkaasi Turkiga,waxa uuna Madaxweynuhu ka qeybgal xaflad looga hadlayey arrimaha Soomaaliya su’alano lagu weydiiyey. Maanta oo Sabti kuna beegan maalintii koobaad ee Ciida Carafo Salaadii ciida ka dib ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu booqasho gaaban ku aaday dalkaasi Eritereeya ujeedada booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah inuu ugu kuurgalo xaaladda ciidamo la sheegay in halkaas tababar loo geeyey laba sano ka hor kuwaaso warar kala duwan eey ka soo bexeen xaaladooda,waxaane Madaxweynaha garoonka Asmara ku so dhaweeyey Madaxweynaha dalkaasi Eritereeya Afawerqe,mana la sheegin inta eey qaadan doonto booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh.
ISHA WARKA CAASIMADDA.
BASHAR AL-ASAD OO KA QEYBGALAY…
BASHAAR ALASAD.
(SUURIYA)-Madaxweynaha dalka Suuriya Bashar Al-asad ayaa markii ugu horeeysay waxa uu booqasho ku tegay magaaladda Aleebo waxa uuna Madaxweynuhu halkaas kaga qeybgalay dukashada Salaada ciida Carafo oo maanta loo dabaal degaayey,waane markii ugu horeeysay ee uu Madaxweyne Bashaar booqdo magalo ka tirsan dalkaaski Suuriya tan iyo markii uu bilawday dagaalka dalkaasi Suuriya sannadkii 2011-kii.Wakaaladda wararka u faafiso dalkaasi Suuriya ee SANA ayaa ku soo warantay in madaxweyne Bashaar uu ka qeybgalay dukashada Salaadii ciida waxa uuna ku dukaday masaajidka saxabiga Cabdalla Bin Cabaas kuna yaalo magaaladda Aleebo,waxa uuna madaxweyne Bashaar dhambaal u diray dhammaan shacabka iyo ciidamadda dalka Suuriya.
ISHA WARKA MEE.
TURKIGA OO WAJAHAYO DACWAD.
DADKA YAZID.
(DUBAI)-Dalka Turkiga ayaa wajahayo dacwad la xiriirto inuu xasuuq u gaystay dadka laga tirada badan Yazidi ee dalkaasi Ciraaq,dacwada ayaa waxaa loo gudbiyey maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada(ICJ),waxaa kaloo jirta in dalalka Ciraaq iyo Suuriya in ayagana gudbiyeen waajibaadkii ka saarnaay dadkaasi la dilay badbaadintoodii,waxaa kaloo ayana jirta in maxkamad loo gudbiyey baris eey sameeyeen garyaqaano Ingiriis ah kuna takhasusay xuquuqda aadanaha.
ISHA WARKA GUARDIAN.
DALKA IRAAN OO XABSIGA DHIGAY..
CALANKA DALKA IRAAN GUDAHA TEHRAN.
(TEHRAN)-Dalka Iraan ayaa xabsiga u taxaabay caalim ku takhasusay cilmi Sayniska una dhashay dalka Poland sida laga soo xigtay xukuumadda Poland maanta oo ah Khamiis. Sida la xaqiijiyey xiridda caalimka reer Poland ayaa yimid ka dib markii eey ilaalada kacaanka ee dalkaasi Iraan ku edeeyeen caalimka reer Poland inuu ka mid yahay basaasiinta reer galbeedka ah ee Tehran u yimid ineey basaasaan ciidmadda dalkaasi Iraan.
ISHA WARKA AP.
XUJAAYDA SANNADKAN OO GAARTAY…
XUJAAYDA SANNADKAN-1443/2022-KA.
(MECCA)-Sida eey magaaladda barakaysan ee Mecca uga soo warantay wakaalada wararka ee Associated Press(AP) hal milyan Xujaay dhan ayaa soo gaartay sannadkaan(1443/2022)-ka dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya maanta oo Arbaca ah,waane Xujaaydii ugu badnayd marka laga soo bilaabo tan iyo markii uu adduunka ka dilaacay cudurka Covid-19 ee uu sababo CoronoVirus-ka.Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ogolaatay ineey Xajka ka soo aadaan banaanka Sacuudiga Xujaay dhan 850,000-Xaaji si eey u gutaan waajibaadkooda xajka kaaso bilaaban doono maalinta Khamiista ee berri ah. Sacuudiga ayaa horay u qaaday talaabo caadi ka dhigaysa in xujaay fara badan yimaadiin dalkooda taaso xadidneed,waxaane si buuxda hoos loo dhigay tirada Xujaayda ka soo Xajinayso gudaha dalka Boqortooyada Sacuudiga.
ISHA WARKA AP.