Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO XABSIGA DHIGTAY AYA KAMAL..

AYA.

(QAAHIRA)-Xukuumadda Masar ayaa dib waxa eey xabsiga u dhigtay Aya Kamal el-Din oo reer Alexandaria ah,Aya ayaa ah gabar u dhaqdhaqaaqda xaquuqda dadka waxaane laga xiray gurigeeda maalintii Axada ahayd waxa eeyna Aya ka soo muuqatay xabsiga Qaahiro maalin ka dib,sidaas waxaa laga soo xigtay oo sheegay garyaqaano reer Masar ah. Xukuumadda Masar ayaa gabartaan halgamaaga ah xirtay markii seddexaad waxa eeyna ugu yeertay ineey weydiiso su’aalo loogu magac daray”WADA HADALADII WADANKA”oo ah bilawga siyasadda. Aya Kamal el-Din ayaa waxaa la xiray sannadkii 2013-kii waxa eeyna ka mid ahayd koox gabdha ah loona yaqiin”TODOBADII GABDHOOD EE SUBAXA”waxaane lagu xukumay todobo sano oo xariga ah balse waa la baabi’iyey xabsigaas markii dambe,sababta gabdhaha loo xiray ayaa lagu sheegay ineey ka qeyb qaateen banaanbax lagu taageeraayo madaxweynihii ee dalkaasi Masar AUN-Maxamed Al-Morsi.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAJKA SANNADKAAN IYO XUJAAYDA KA….

XAJKA.

(SAUDI ARABIA)-Xujaaydii ka soo xajisay sannadkaan Wadamadda Reer Galbeedka ayaan helin Hotelo eey degaan oo waxa buuxsamay dhammaan qolalkii Hoteelada ka hor inta eeysan u soo safrin gudashada waajibaadka Xajka.Xujaayda sannadkaan soo xajisay ayaa Hoteelada la dejiyey waxa eey ku sifeeyeen ineey yihiin”ISBITAALADA DADKA WAALAN”,waxaane Xujaayda loo sii qabtay laba jeer halkii qolba. Xujaayda ka soo Xajisay Dalalka Reer galbeedka ayaa waxa eey isticmaaleen halka eey Xujaaydu ku dawaafaan waayo waxaa ka buuxsamay qolalkii Hoteelada ee magaaladda Makka,waxaanaba dhacday in Xujaayda qaarkood la siiyey furayaasha qolal la degan yahay maalin uun ka hor waqtiga uu bilaabanayo Xajka sannadka 1443/2022-ka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOOMO HUB TAHRIIB AH WEDAY OO LA…

XEEBTA BANDAR BAYLA EE G/BARI PUNTLAND.

(BANDAR BEYLA)-Sida eey daaha ka qaaday warbixin eey qortay warbaahinta dalkaasi Yaman maanta oo Isniin ah,ciidamadda amaanka ee degmada BANDAR BEYLA ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa gacant ku dhigay laba doon uu saaran yahay hub laga soo tahriibiyey dhulka eey maamulaan maleeshiyaadka Xutiyiinta dalkaasi Yaman,hubka lagu qabtay degmada BANDAR BEYLA ayaa la sheegay inuu ku socday kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya. Ila wareedyo ku dhaw maamulka degmada Bandar Beyla ayaa laga soo xigtay ineey sheegeen in dadka la socday doomaha hubka siday ee la qabtay u kala dhasheen dalalka Yaman iyo Soomaaliya waane koox isku xiran tahriibisana hubka laga soo iibiyo kooxda Xuutiyiinta loona gudbiyo kooxda Alshabaab ee dalka Soomaaliya. Hubkaan la qabtay ee laga keenay degaanada eey maamulaan maleeshiyaad Xuutiyiinta ayaa laga keenay dalkaasi Iraan gaar ahaan Ilaalad Kacaanka Iraan. Labada doon ee tahriibinaayey hubka sharci darada ah kuna wajahnaay kooxda Alshabaab ee lagu qabtay degmada Bandar Beyla ee gobolka Bari Puntland ayaa waxaa iska lahaay nin u dhashay dalka Soomaaliya lana yiraahdo Axmed Mataan,ninkaan ayaa la sheegay inuu horay dalka Soomaaliya ugu tahriibiyey waxyaabaha qarxa lagana keenay dalkaasi Iraan kuwaaso loo adeegsaday qaraxii ZOOBE ee dhacay 14/10/2017-kii,qaraxaas ayaa waxaa ku geriyooday kuna dhaawacmay dad ka badan shan boqol(500)-qofood.

ISHA WARKA YAMAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIBNAAN OO DIB U SOO CELINAAYO..

QAXOOTI SUURIYAAN AH.

(BEIRUT)-Dalka libnaan ayaa qorsheynaayo inuu dib dalkooda ugu celiyo 15,000-qofood oo qaxooti reer Suuriya ah bil kasta,waxaane sidaas maanta oo Isniin ah sheegay wasiirka barakacayasha dalkaasi Libnaan Cizam Sharafudiin. “Waa waxan la aqbali karin in qaxootiga Suuriya ineeysan dib ugu laaban dalkooda ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii halkaas ka jiray”,Wasiir Sharafudiin ayaa hadalkaan u jeediyey saxafiyiinta ka dib markii uu wasiirku la soo kulmay madaxweynaha dalka Libnaan Misheel Cawn.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA FALASTIIN OO ISKA DIIDAY…

SHIREEN ABU CAQLEH

(RAAMALAHA)-Maamulka reer Falastiin ayaa maanta oo Isniin ah iska diiday xukunka farsameeysan(MANIPULATION) ee lagu sameeyey baaritaanka la xiriira dilkii saxafiyadii u shaqeyneysay Tv-ga Al-Jazeera Shireen Abu Caqleh. Shireen ayaa ahayd 51-jir la toogtay bishii Meey-11-22-ka waqti eey soo tebinaysay hawlgal eey wadeen ciidamadda mileteriga Israa’iil agagaarka xerada Qaxootiga ee JANIIN ee danta galbeed ee dhulka la haysto ee reer Falstiin.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHJRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ABAARAHA KA JIRO DALKA SOOMAALIYA..

BARAKACAYAAL.

(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamadda Juqraafi ahaan dhaca Bariga Qaarada Afrika,waxa uuna ka mid yahay Ururka Midawga Afrika(AU),Ururka Jaamicadda Carabta,Urur Goboleedka IGAD iyo Ururo caalami ah oo kale,waxa uu dalka Soomaaliya waqtigaan la joogo u baahan yahay in laga kaalmeeyo ABAARAHA oo fara ba’an ku haayo qeybo ka mida dalka Soomaaliya,si arrintaas loo dardar geliyo ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ergay gaar ah una qaabilsan dawladdiisa dhinaca ABAARAHA waane Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame. Shantii sano ee la soo dhaafay uuna dalka Madaxweyne ka ahaay Farmajo waxaa jirtay Wasaarad la yiraahdo WASAARADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA waxaane Wasaaradaas Wasiir ka ah ilaa maanta Xildhibaanad Khadiija M.Diiriya,wax qabad la’aanta ka jirto Wasaaradaas ayaa sababtay in la magacaabo Ergayga ABAARAHA sida muuqatana sooma laaban doonto Wasaaradaas oo waxa eey noqon doontaa mid laga maarmo hawlaheeda. Arrintaan Abaaraha ayaa waxaa ka hadlay caalamka oo dhan waxaane hadalka masuliyiinta ka hadlay soo xigtay wargaysyo caan ah sida wargayska Anadolu ee dalkaasi Turkiga laga leeyahay,waxa uuna wargaysku ka yiri arrimaha Abaaraha Soomaaliya indha caalamka waxa eey u jeesteen dagaalka dalka Yukrayn,dhibaatooyinka Bani’aadanimo ee ka jiro dalkaasi Yaman,colaadaha ka taagan dalka Soomaaliya la deriska ah ee Itoobiya,Soomaaliya waxa eey la daalaa dheceysaa abaartii ugu xumayd ee soo marta dalka Soomaliya muddo dhan afartan(40) sano,ugu dhawaan waxaa guryahoodii ka soo barakacay dad dhan Milyan qof ayagoo raadinaayo cunto,Biyo iyo ineey helaan kaalmo bani’adanimo waxa eeyna dadkaasi soo gaareen magaalooyinka gaar ahaan caasimadaha gobolada dalka Soomaaliya.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA BADDA EE MARAYKANKA OO BIXIN…

CIIDAMADDA BADDA MARAYKANKA OO DUL TAAGAN DOON.

(DUBAI)-Ciidamadda badda ee Maraykanka kuna sugan bariga dhexe loona yaqaano”5th Fleet” ayaa sheegay ineey bixin doonaan abaal gud lacageed oo CASH ah eeyna siin doonaa qof aliyaale qofkii gacan ka siiya amaba la wadaago soo sheegida Doomaha/Shiraaca ee sida daroogada,Hubka sharci darada ah iyo waxyaabaha kale ee lagu soo raro doomahaas loona soo gudbiyo gobolka bariga dhexe,ujeedda eey ciidamada badda ee Maraykanka ka leeyihiin arrintaan ayaa ah sidii loo joojin lahaay doomahaas isaga goosha dalalka Yaman iyo Soomaaliya kuwaaso halis ba’an ku haayo amniga dalalkaas dhaca Koonfurta Jaziiradda Carabta iyo Bariga Afrika.

ISHA WARK AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BIDEN OO LAGU CADADINAYO…

MBS.

(RIYAD)-Garsoore Maraykan ah ayaa maamulka Biden weydiiyey in Maxamed Bin Salman balan qaadayo in xukuumada Sacuudiga difaacayso qadiyadaha madaniga ah sida qadiyadda dilkii Jamal Khashoggi dilkaaso uu ku lug lahaay Maxamed Bin Salmaan waxaane qadiyadaas weli u taagan gebertii reer Turki uu rabay ineey is guursadaan Jamal Khashoggi Hatice Cengiz,wariye Jamal Khashoggi ayaa la dilay sannadkii 2018-kii waxaane lagu dhex dilay Safaaradda Sacuudiga ee dalkaasi Turkiga.

ISHA WARKA MEE.

HALKAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XASUUQII XABSIGA ABU SALIM EE LIBYA.

SAWIRADII DADKII LAGU LAAYEY XABSIGA ABU SALIM.

(LIBYA)-Xasuuqii ka dhacay xabsiga Abu Salim ee dalkaasi Libya ayaa ah kii ugu xumaay kana dhaca dalkasi Libya waxa uuna xasuuqa dhacay bishii Juun-29-1996-kii,waane xasuuq eey hilmaami la’ayihiin shacab reer Libya ilaa hadda uusan xukun haynin Col.Qadaafi.Xasuuqaan ayaa yimid markii eey ciidamada Libya ee waqtigaas eey sameeyeen hawlgal balaaran laguna laayey dal maxaabiis ah,waxaane xabsiga Abu Salim lagu dilay gudihiisa dad gaaraayo ilaa 1269-maxbuus kuwaso intooda badan u xirnaay fikirkooda amaba diidanaay siyaasadda Col.Qadaafi oo markaas dalka Libya xukumaayey.

ISHA WARKA LIBYA OBSEVER.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUKUMADA FALASTIN OO KA HADASHAY…

SHAREEN ABU CAQLEH.

(MIDDLE EAST)-Maxkamadda caalamiga ah ee qaada dembiyada dagaalka(ICC)-da ayaa waxa eey hadda golaheeda fulinta gacanta ku haayaan gal dacwadeedkii dilkii Shreen Abu Caqleh,sidaas waxaa laga soo xigtay oo sheegay la taliyaha dhinaca siyaasadda Axmed Deek ee wasiirka arrimaha dibadda Falastiin Riyaad Al-Maaliki,qoraal gaar ah ayuuna ku soo baxay hadalkaan laguna daabacay bogga wasaaradda.Qoraalka la taliye Axmed Deek ayaa waxaa ka mid ahaay in maxkamad caalamiga ah ee qaada dembiyada dagaalka(ICC) in go’aankeedu uusan ku saleysneeyn siyaasad.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUUDAAN OO EEY WELI KA SOCDAAN..

CALANKA SUUDAAN.

(KHARTUUM)-Guud ahaan dalka Suudaan waxaa weli ka socdo mudaaharaadyadii looga soo horjeeday ciidamadda dalkaasi Suudaan kuwoodii ugu dambayey ayaa waxa eey labadii maalmood(Shalay iyo maanta) si is daba jooga uga socdaan caasimadda Khartuum,banaanbaxyadaan ayaa waxa eey ka dhacaayaan isgoysyada magaaladda caasimadda ah Khartuum,dadka banaan baxaayo ayaa ka caraysan ciidamadda Suudaan oo xukunka dalka xoog kula wareegay sideed bilood ka hor,waxaane la soo sheegaa in banaan baxayaasha maanta oo Jimca ah gaareen aqalka looga arrimo dalkaasi Suudaan(Madaxtooyada),Maxamed Al-Muctasim ahne nin u dhaqdhaqaaqa dimuqaraadiuyadda dalkaasi Suudaan ayaa sheegay in dadka banaan baxaayo ku kala sugan yihiin meelo kala gedisan oo caasimadda Khartuum ka tirsan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIRKII U DHEXEYEY KOOXAHA LIIBIYA OO LAGU…

STEPHANIE WILLIAMS.

(QAHIRO)-Laba maalin ka dib wada hadaladii eey garwadeenka ka ahayd Qaramada Midoobay kana dhacay Geneva ayaa labaadii sarkaal ee sare ee kala metelaysay kooxaha isku haayo talada dalkaasi Liibiya uu ku soo dhammaaday guul dari waayo labada dhinac ayaan gaarin wax is afgarad ah kuna saabsan sida laga yeelayo doorashada dalka Liibiya si dalka Liibiya uu u yeesho dawlad loo dhan yahay uuna u soo afjarmo dagaalka,sidaas waxaa maanta oo khamiis ah sheegay ergaga Qaramada Midoobay ee dalkaas Liibiya STEPHANIE WILLIAMS.

ISHA WARKA AP.

HAKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAD KU DHINTAY BANANBAX KA DHACAY…

DADKI BANAANBAXAYEY.

(QAAHIRO)- Ciidamadda amaanka dalka Suudaan ayaa maanta oo khamiis ah waxa eey toogasho ku dileen sideed qofood oo ka mid ahaay dad banaanbaxaayey,dadkaan la dilay ayaa ka qeyb qaadanaayey bananbax looga soo horjeedo ciidamadda talada dalka Suudaan xooga ku haysta,waxaane looga dalbanayey ineey ciidamadu talada dalka Suudaan ku wareejiyaan dawlad rayid ah.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAX XOOGAN OO KA DHACAY MAGALADA CADAN…

BURBURKII QARAXII MAANTA KA DHACAY CADAN.

(YEMEN)-Baabuur laga soo buuxiyey waxyabaha qarxo ayaa lala eegtay kolonyo eey la socdeen sarakiil ka tirsan ciidamadda mileteriga dalkaasi Yaman gaar ahaan magaala xeebeed Cadan oo hadda saldhig u ah xukuumadda uu caalamku aqoonsan eey leedahay Jamhuuriyada Yaman.Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooda dad gaaraayo ilaa 6-qofood waxaane ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah sida eey sheegeen saraakiisha ciidamadda dalkaasi Yaman.Madax ciidamadda amaanka ee gobolka LAXAJ ee dhaca koonfurta Yaman Saalax Al-sayid ayaa waxa uu ka badbaaday weerar la damacsanaay in lagu dilo. Tirada dhimashada ee ilaa hadda la xaqiijiyey ayaa ah 6-qofood waane shan qofood oo shacab ah iyo hal qof oo ciidan ah waxaane weerarkaas ku dhaawacmay 6-qofood oo kale kuwaaso dhaawacoodu yahay mid aad u liito laguna daaweynaayo isbitaaladda magaaladda Cadan.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

UAE OO CAFIS U FIDISAY HAWEEN ISRAA’IIL AH.

SAXIIXII ABRAHAM ACCORD.

(JERUSALEM) Dalka Imaaraat Carabta Midoobay(UAE) ayaa baabi’iyey xukun dil toogasha ah kaaso eey maxkamad ku xukuntay haweeneey Israa’iil ah horaantii sannadkan 2022-ka,haweeneydaan reer Israa’iil ee dilka lagu xukumay ayaa lagu qabtay maandooriyaha”COCAINE” sida uu shaaca ka qaaday qareenkeeda.Qadiyadaan ayaa ahayd mida lagu ogaan karo inta uu gaarsiisan yahay xiriirka u dhexeey dalalka Imaaraatka carabta Midoobay iyo Israa’iil kaaso caadi noqday markii la saxiixay heshiiskii “ABRAHAM ACCORD” una dhexeeyo Israa’iil iyo afar dal oo Carab ah waxaane heshiiskaas dalaal ka ahaay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Maraykanka Donald Trump.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBNAAN OO YEELANAYSA XUKUUMAD.

RW-MIIQAATI.

(BEYRUT)-Reysal Wasaaraha dalka Libnaan Najiib Miiqaati ayaa waxa uu soo dhisay xukuumad cusub uu yeelanaayo dalkaasi Libnaan,Rw-Miiqaati ayaa golihiisa wasiiradda ee cusub u gudbiyey Madaxweynaha dalkasi Libnaan Misheel Cawn. Maanta oo Arbaca ah ayuuna RW-Miiqaati soo afjaray la tashigii uu la sameynaayey baarlamaanka dalkaasi Libnaan,RW-Miiqaati ayaa ah madaxii xukuumadii 2021-kii uu yeeshay dalka Libnaan waxa uuna dalka Libnaan xukuumad la’aan ahaay muddo dhan 13-bilood.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMAAS OO SOO BANDHIGTAY…

HISHAM ALSAYED SAWIRKIISA.

(GAZA)-Marinka Gaza qeybta eey maamusho Xamaas ayaa waxaa laga baahiyey Video ku saabsan nin reer Israa’iil ah eey afduubeen kooxda Xamaas sannadkii 2015-kii ilaa waqtigaasne ninkaan reer Israa’iil lama uusan soo xiriirin ehelkiisa,waxaane Video-ga eey soo baahisay Xamaas laga arkaayey nink reer Israa’iil oo jiifa isbitaal eeyna ku suran tahay tubo siinaysa Oxygen,waxaane la siku raacay in muuqaalka Xamaas baahisay yahay ninkii Xamaas afduubtay 2015-kii lana yiraahdo Hishaam Al-sayed.

ISHA WARKA GURDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMAD DIL KU XUKUNTAY WIIL..

MARXUUMAD ASHRAF.

(QAAHIRO)-Maxakamad ku taalo dalka Masar ayaa maanta oo Talaada ah waxa eey dil ku xukuntay wiil ka dib markii eey ku heshay dembi ah dilkii Nayera Ashraf,gebedhaaso ahayd ardayad dhigata Jaamicadda ka dib markii eey ka diiday wiilka rabitaankiisa.Ashraf waa la garaacay waxaane lagu dhuftay dhawr mindi ayadoo maalin ah todobaadkii tegay,dhacdadaan ayaa waxaa ka wada naxay intii arkaysay waxa uu sameynayo wiilka ardayga ah kaaso guur u soo bandhigay Ashraf balse ayadu eey ka diiday,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay garsoorka riday xukunka dilka ah.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUHAAJIRIIN AFRIKAAN AH OO LA DULAYSTAY..

TAHRIIBE REER SUUDAAN AH OO WIJIGA LAGA GARAACAY.

(ADDIS ABABA)-Gudi sare kana socdo Midawga Afrika(AU) ayaa sheegay ineey si aad ah uga nexeen markeey maqleen ineey dheceen rabshado iyo dulaysi loo gaystay muhaajiriin Afrikaan ah oo doonaysay ineey isaga tahriibaan dalalka Marooko iyo Isbayn gaar ahaan halka loo yaqaano”MELILA”,ka dib markii 23-qofood oo muhaajiriin Afrikaan ah kana yimid dhulka saxaraha ka hooseeyo eey dhinteen,waxayna gudiga ka socdo midawga Afrika(AU) ku baaqeen in la sameeyo baaritaan dhab ah.

ISHA WARKA DS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAAS SUN AH OO DAD KU DILAY..

HAANTA GAASKU KA BAXAY.

(CAMAAN)-Ugu yaraan waxaa ku dhimatay 10-qofood maanta oo Isniin ka dib markii eey neefsadeen Gaas Sun ah magaaladda Caqab ee dalkaasi Urdun,Sida eey sheegeen masuuliyiinta maxaliga ah.Agaasimaha amniga dadweynaha ee dalka Urdun ayaa sheegay in dad dhan 251-qofood uu saameeyey Gaaska sunta ah ee sida lama filaanka ah hawada u soo raacay kaasoo ka yimid haan uu ku jiray oo tiilay dekadda magaaladda Caqab.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More