ITOOBIYA OO DISHAY ASKAR IYO SHACAB….
XUDUUDA SUUDAAN IYO ITOOBIYA.
(QAAHIRO)-Ciidamadda dalka Itoobiya kuna sugan xuduuda u dhexeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan ayaa waxa eey soo afduubteen todobo qofood oo reer Suudaan ah kalana ah 6-askeri iyo qof shacab ah,dhacdadaan ayaa kor u sii qaaday xiisadii dagaal ee ka taagneed xuduuda labada dal ee Suudaan iyo Itoobiya.War eey soo saareen ciidamadda dalka Suudaan ayey ku sheegeen in dilka ka dhacay xuduuda labada dal ahaay mid “Fulaynima ah”.
ISHA WARKA WAKAALADO.
RW-ALKADIMI OO BOOQAN DOONO SACUUDIGA IYO IRAAN.
RW-ALKADIMI.
(CIRAAQ)-Raysal wasaaraha dalkaasi Ciraaq Mustafa Alkadimi ahne ilaaliyaha wada hadaladda u dhexeeyo dalalka Sacuudiga iyo Iraan ayaa qorsheynaayo inuu u duulo dalka Sacuudiga marka hore ka dibne dalkaasi Iraan. RW-Alkadimi ayaa talaabadaan u qaaday sidii uu dib ugu cusboneysiin lahaay wada hadaladii u dhexeeyey dalalka Sacuudiga iyo Iraan oo ah laba cadaw iskulana nool gobolka, sida eey shegeen masuuliyiinta reer Ciraaq maanta oo Sabti ah. Masuuliyiinta Ciraaq ayaa sheegay in safarka RW-Alkadimi yahay mid u qorsheysan inuu maanta waqti dambe tago dalka Sacuudiga halkasne kula kulmo masuuliyinta Sacuudiga ka dibne uu u duulo dalka Iraan maalinta Axada ah.
ISHA WARKA AP.
WADA HADALO U BILAWDAY MASAR IYO QADAR.
SISI IYO TAMIM.
(QAAHIRA)-Madaxweynaha dalka Masar C/fataax Al-Sisi iyo Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim ayaa waxaa wada hadalo uga bilawdeen magaaladda Qaahiro ee dalkaasi Masar maanta oo Sabti ah,waane kulankii ugu horeeyey eey kulmaan labadaan masuul muddo sannada ah. Wada hadalada labada dal Masar iyo Qadar ayaa diiradda lagu saari doonaa dhawr arrimood eey ka mid yihiin sidii loo sii xoojin lahaay xiriirka labada dal oo muddo xumaay,arrimaha bariga dhexe iyo booqashada Madaxweynaha Maraykanka ee bariga dhexe ee bish juulaay-2-22-ka,hadalkaan ayaa waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyadda dalka Masar.
ISHA WARKA AP.
ABAARAHA SOOMAALIYA OO GAARAY..
ILMO NAFAQA DARI HAYSO LANA KEENAY ISBITALKA BANAADIR EE MUQDISHU.
(SOMALIA)-Qoysaska Soomaalida waxaa raad ku yeeshay abaaraha dalka ka jira gaar ahaan dhulka Miyiga ah halkaaso abaartu ka soo barakicisay dadkii deganaay,waxa eeyna dadkaasi soo galeen safar dheer si eey u helaan cunto,biyo iyo adeeg caafimaad amaba guryo eey kaga hoydaan dhibka cimiladda. Dalka Soomaaliya kama uusan di’in roob afar xili oo isku xigta waane taas tan keentay in dalka Soomaaliya ka dhacdo Abaar baahsan kuna qasabtay ineey dadkii ka barakcaan degaanadoodii.Djoen Besselink oo ah wakiilka haydaha bixiyo samafalka caafimaadka kalana ah(DOCTORS WITHOUT BORDERS) takhaatiirta aan xuduuda lahayn iyo MSF(MEDICINES SANS FRONTIERS) ayaa wakaaladda wararka Turiga Anadolu(AA) mar eey waraysanays u sheegay in qoysas soo barakacay eeysan haysan waxba.
ISHA WARKA DS.
WIIL U DHASHAY MAROOKO OO..
BRAHIMSAADOUN.
(MAROOKO)-Brahim Saadoun waa wiil reer Marooko ah waxaane lagu xukumay dil toogasha ah gudaha gobolka Donbas ee gooni u goosadka ah ee dalkaasi Yukrayn,Saaxibadda Brahim oo 21-jir ah ahne arday wax ka baranaayey dalkaasi Yukrayn ayaa sheegeen in Brahim lagu soo eedeyey inuuu yahay calooshiis u shaqeyste kuna xirnaay xoogaga dalka Yukrayn oo u dagaalamayey sideey dib ugu soo ceshan lahayeen gobolka Donbas ee raba inuu ka go’o dalka Yukrayn,dhinaca kalane dalka Marooko waa dalka kaliyah eey dalkaas Yukrayn ka joogeyn arday gaarayso 8000-arday ka hor dagaaladda Yukrayn iyo Ruushka.Brahim ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu ka soo muuqday Tv-ga dalka Ruushka isagoo leh”HOOYO IYO AABE ANIGA WAAN FIICANAHAY HALKAAN AYAAN JOOGAA HANA IGA WEL WELINA ANIGA WAX KASTA WAA EEY FIICNAAN DOONAAN”.
ISHA WARKA MEE.
AMIIRKA QADAR OO BOOQAN DOONO…
AMIIRKA DALKA QADAR.
(QADAR)-Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Tani ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu ku wajahan yahay dalkaasi Masar booqashadiisana waa mid hawleed waane markii ugu horeeysay marka laga soo bilaabo sannadkii 2015-kii. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska(Diiwaanka) Amiirka Qadar Altani,Amiirka ayaa ka soo amba bixi doono dalka Rwanda halkaaso uu ku joogay booqasho wuxuuna uga soo gudbi doonaa dalka Masar isagoo casuumad ka helay Madaxweynaha dalka C/fataax Al-siisi. Ilo ku dhaw Madaxweynaha Masar uuna soo xigtay Website-ka Cairo-24 ayaa booqashada Amiirka Qadar Tamiimi ee Masar ku sheegay ineey tahay mid la doonaayo in si buuxda loo wanaajiyo xiriirka ka dhexeeyo labada dalka Masar iyo Qadar,iyo in dalka Qadar fursad loo siiyo inuu maalgashi ku sameeysto dalkaasi Masar. Booqashada Amiirka Qadar Tamiimi ee uu ku tegaayo dalka Masar ayaa imaanayso ka dib markii ninka leh dhaxaltooyada Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu booqday dalkaasi Masar isla markaasne uu sheegay in dalkiisa Sacuudiga maalgashan doono dalka Masar taaso eey ku bixi doonto lacag lagu qiyaasay $7.7-Milyan oo doolarka maraykanka ah.
ISHA WARKA AA.
MADAXA NAADIGA PARIS SAINT-GERMAIN OO..
ALKHALIFA, MADAXA NAADIGA PARIS SAINT-GERMAIN.
(SWITZERLAND)-Madaxweynaha naadiga PARIS SAINT-GERMAIN ee dalkaasi Faransiiska Naasir Al-Khaliifa ayaa lagu waayey dembi gudaha dalka Switzerland maanta oo Jimca ah,waane markii labaad oo la qaadayo dacwadaan ku saabsan in Alkhalifa ku lug lahaay arrinta xoghayihii hore ee xiriirka kubada cagta adduunka(FIFA) Jerom Valcke. Alkhalifa ayaa mar kale dhinac isaga riixay eedeymihii loo haystay oo sii xumaynaysay dembiga isaga loo haystay taaso ahayd maamul xumi la ogaaday in Valcke uu isticmaalo guri looga ijaaray Sardinia kaaso Valcke aan laga qaadin wax ijaar(FREE RENT) loona maleeyey in Valcke lagu laaluushay ijaar la’aanta uu ku degay gurigaas. Garsoorayaasha ayaa isku dayey ineey isku xiraan guriga loo ijaaray Valcke iyo arrinta Alkhalifa balse uma eeysan suuragelin waayo guriga uu degay Valcke ayaa waxaa gadatay shirkad laga leeyahay dlkaasi Qadar snnadkii 2013-kii. Alkhalifa ayaa hogaaminaayo warbaahinta bEING MEDIA GROUP taaso hadda heshay in loo cusbooneysiyo xaqa eey u leedahay ineey soo tebiso koobka adduunka ee K/cagta ayadoo kala heshiisay FIFA.
ISHA WARKA AP.
ABAARAHA KA JIRA SOMALIA.
XOOLIHII EEY GALAAFATAY ABAARTA SOOMAALIYA.
(SOMALIA)-Kaliyah “Waa mid aad u baaxad weyn”iyo in si deg deg ah loo qiyaaso dhaqaalaha iyo samafalka deg dega ah ee lagu badbadinaayo Soomaliya si eey uga badbaado ineey ka dilaacdo Gaajo xaalufisa dad iyo duunyaba sidaas waxaa ku digay afhayenka Qarmada Midoobay iyo shaqaalaha kaalmeeyo dadka tabaaleysan ee Soomaaliya,gudaha dalka Soomaaliya caruurta ayaa hadda u dhimanayso Gaajo ka hor inta eeysan arag indhaha masuuliyiinta u shaqeeyo hayadaha samafalka waxa eyna dalbadeen in si dhaqsi ah wax loola soo gaaro dadka Soomaaliyeed.
ISHA WARKA WAKAALADAHA.
DAGAAL KA DHACAY DALKA YAMAN.
DAGAALYAHANO YAMAN AH.
(YAMAN)-Maleeshiyo loo malaynaayo ineey yihiin Alqaacidda ayaa maanta oo Arbaca ah waxa eey weerar jidgalya ah ku qaadeen goob eey ku sugnaayeen ciidamadda amaanka dalka Yaman gaar ahaan gobol ku yaalo koonfurta,waxaane goobta ka dhacay dagaal aad u qaraar eey ku dhinteen shan askeri kana tirsan ciidamadda dawladda Yaman iyo seddex maleeshiyadda weerarka soo qaaday ah. Weerarka ayaa dhacay goor hore oo saakay ah waxa uuna ka dhacay magaaladda Cataq ahne caasimadda gobolka buuralayda ah ee Shabwa, sidaas waxaa sheegay saraakiil ka tirsan dawladda Yaman.Askarta ku dhaawacanta weerarkaas ayaa lagu sheegay ineey dhan yihiin afar askeri.
ISHA WARKA AP.
NINKA LEH DHAXALKA DALKA KUWAYT OO..
GOLAHA SHACABKA KUWAYT.
(KUAWIT)-Ninka leh dhaxalka dalka Kuwayt ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu kala diray baarlamaanka dalkaasi kuwayt waxa uuna ku baaqay in la qabto doorasho waqtigeeda ka horeyso si looga gudbo dhibaatada haysata xukuumadda Kuwayt. Xukumada kuwayt ayaa leh mucaarad aad u fara badan taas ayaana waxa eey dib u dhigtay dalka yar ee kuwayt muddo bila ah. Hadalka uu ka jeediyey Tv-ga qaranka Kuwayt Sheekh Mashcal Al-Axmed Al-Jabir oo 81-jir ah ayuu ku sheegay in qoyska xukuma dalka Kuwayt uu ixtiraamaayo dastuurka dalka Kuwayt kaaso awood siinaayo baarlamaanka halka wadamadda gacanka eey ka jiraan xukuumado kali talis ah.
ISHA WARKA AP.
BAARLAMAANKA TURKIGA OO..
XISBIGA ERDOGAN.
(ANKARA)-Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu kordhiyey mudada ciidamadda dalka Turkiga lagu gayn karo dalkaasi Liibiya waxa uuna baarlamaanku ugu daray 18-bilood oo dheeri ah,waqti u kordhintaan ayaa timid ka dib markii xisbiga Madaxweyne Erdogan ee tala dalka Turkiga haayo iyo xisbiga uu isbahaysiga kala dhexeeyo u codeeyen in waqtiga loo kordhiyo halka uu isna dhinaciisa ka raacay xisbiga mucaaraddka ee dalkaasi Turkiga.
ISHA WARAKA AP.
WIIL FALASTIIN AH OO MINDI LAGU..
(RAMALAH)-Wasiirka cafimaadka reer Falastiin ayaa sheegay inuu geeriyooday wiil dhallinyara ah ka dib markii nin yahuuda la soo dejiyey dhulka reer Falastiin uu xabadka uga dhuftay mindi maanta oo Talaada ah. Booliska Israa’iil oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay inuusan weli haynin qofka gaystay dilka wiilka ree Falastiin. Wakaaladda wararka u faafiso Falastiin(WAFA) oo soo xiganayso wasiirka caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in wiilka reer Falastiin ee u dhintay Mindida lagu dhufta magaciisa la yiraahdo Cali Xasan Xarbi uuna ahaay wiil 27-jir ah.
ISHA WARKA WAKAALADO.
WEERAR KA DHACAY SUURIYA.
(SUURIYA)-Weerar lagu qaaday Bus eey saarnaayeen dad shacab ah iyo ciidan isugu jira ayaa waxa uu ka dhacay Waqooyiga dalka Suuriya maanta oo Isniin ah,weerakaas ayaa lagu dilay dad gaarayo 13-qofood eey ku jiraan 11-askeri oo ciidanka dawladda Suuriya ah waxaane lagu dhaawacay seddex kale oo isla ciidamadda ka tirsan,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta dawladda Suuriya oo soo xiganayso sarkaal ka tirsan ciidamadda balse aan la sheegin magaciisa. Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka u faafiso dalka Suuriya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano”SANA” ayaa sheegtay in weerarku ka dhacay gobolka Raqa kaaso horey eey maamuli jirtay kooxda Daacish(ISIS),wakaaladda SANA ma aysan sheegin halka Bus-ka lagu weeraray meesha eey tahay iyo in weerarku ahaay jidgelid,rasaas lagu furay Bus-ka oo socda,in Bus-ku ku dhacay gentaal,iyo in Bus-ku la kacday miino dhulka lagu aasay.
ISHA WARKA WAKAALADO.
SACUUDIGA IYO ISRAA’IIL OO GANACSI…
FADHI KA DHACAY SACUUDIGA.
(KSA)-Mutarjum reer Israa’iil ah ayaa u arka ineey tahay midaan caqli gal ahayn balse suuragal noqon karta in ganacsi dhexmaro dalalka Sacuudiga iyo Israa’iil boqashadeydii ka dib,sidaas waxaa sheegay nin u tarjumaayey ganacsato reer Israa’iil ah.Mutarjumkaan reer Israa’iil ayaa dhawaan booqday dalka Sacuudiga waxa uuna sheegay ineey caqli gal tahay suuragalne noqon karto in ganacsi dhexmaro dalalka Sacuudiga iyo Israa’iil waxaane sidaas maanta qoray wargays ka soo baxa dalka Israa’iil. Ganacsade reer Israa’iil ah Eyal Waldman ayaa sheegay in dalka Sacuudiga doonaayo ineey is garabsadaan iyaga iyo Isra’iil ka dib markii uu ganacasadaha reer Israa’iil uu ka soo laabtay booqasho afar maalin ah uu ku tegay dalka Sacuudiga taasoo uu ugu kuurgelaayey sidii uu xiriir ganacsi ula soo samaysan lahaa ganacsato Sacuudi ah todobaadkii tegay. Eyal ayaa soo baooqday intuu joogay Sacuudiga magaalooyinka kala Jidda iyo Riyaad,maal qabeenkaan reer Israa’iil Eyal Waldman ayaa ah agasimaha fulinta isla markaasne ah aasaasaha shirkada MELLANOX taaso qaabilsan dhinaca Kumbutarka waxa eeyna shirkadaan MELLANOX kasbatay ineey ku guulaysato NVIDIA-2020-KII.
ISHA WARKA MEE.
SAFIRKA BAXRAY OO TEGAY..
MADAXTOOYADA SUURIYA.
(DIMISHIQ)-Safiirka cusub ee dawladda Baxrayn u fadhiyi doona dalkaas Suuriya ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah waxa uu warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyey madaxweynaha dalkaasi Suuriya Bashaar Al-asad,wadamadda la isku yiraahdo gacanka khaliijka ee lixda ah(SACUDIGA,QADAR,IMAARAATKA,CUMAAN,BAXRAY IYO KUWEYT) ayaa ah wadamadda eey dalka Suuriya u joogaan safiiro buuxo marka loo fiiriyo wadamada kale ee carabta ah. Safiirka cusub ee dalka Baxrayn u fadhi doono Dimishiq Ambaasadar Waxeed Mubaarak Sayaar ayaa ka qeybgalay xaflad uu joogay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Suuriya Faysal Miqdaad. Amb.Waxeed ayaa loo magacaabay inuu safiir ka noqdo dalkaasi Suuriya bishii Diseembar-2021-kii.
ISHA WARKA AP.
QAADKA KENYA OO LA KEENI DOONO…
QAATKA KENYA.
(KENYA)-Dalka Kenya ayaa ku sii dhawaanayo in loo fasaxo Qaatka Miirawga ineey keenaan dalka Soomaaliya ka dib marka la saxiixo heshiis la xiriiro arrintaan horaanta bisha soo socoto ee Juulaay-2022-ka. Wasiirka Beeraha ee dalka Kenya Peter Munya ayaa daboolka ka qaaday maanta oo Sabti ah in go’aan ka gaaridda Qaatka Kenya eey ka harsan tahay wax dhan laba asbuuc marka laga bilaabo maanta,waxaane heshiiska arrintaan Qaatka kala saxiixan doono labada dal Soomaaliya iyo Kenya bisha Juulaay-5-2022-ka. Qaatka dalka Kenya ayaa dalka Soomaaliya laga mamnuucay in la keeno bishii Maarso-19-2020-kii,sababta loo joojiyey ayaa lagu sheegay ineey ahayd cudurka Covid-19 ka dibne waxaa xumaaday xiriirka labada dalka Soomaaliya iyo Kenya. Joojinta Qaatka Kenya ee dalka Soomaaliya ayaa Kenya waxaa ka soo gaaray khasaaro baaxad weyn oo dhinaca dhaqaalaha,suuqa Qaatka kenya ayaa khasaaray 50-tan oo Qaat ah maalintii waxaane qiimaha lacageed ee Kenya kaga lumay lagu qiyaasay inuu dhan yahay KSH.20-Milyan una dhiganta $170,037.94 doolarka Maraykanka ah.
ISHA WARKA KENYANEWS.
UAE OO LAGA DALBADAY..
RYAN.
(UAE)Saraakiisha Qaramadda Midoobay ayaa ugu baaqday dalka Imaaraatka Carabta(UAE)ineey sii daayaan nin u dhashay dalka Ingiriiska ahne ganacasade ninkaan ayey Imaaraatku xireen sannadkii 2008-dii. Koox u shaqeeyso Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay go’aan aan laga fiirsan xiriga loo gaystay Ryan Conelius kaaso si aan sharci ahayn ugu xiran dalka Imaaraatka Carabta(UAE) marka laga soo bilaabo sannadkii 2008-dii ilaa maanta-2022-ka ka dib markii laga soo xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dubai,waxa uuna Ryan ahaay nin dawladda Imaaraatka ka haysto heshiis ku saabsan cudurka Qaaxadda markii la xiraayey.
ISHA WARKA WAKAALADO.
QAAHIRO: GURI KU DUMAY QOYS..
GURIGII DUMAY.
(QAAHIRO)-Waqti hore maanta oo Jimca ah ayaa waxaa soo dumay dhismo ku yaalo caasimadda dalka Masar ee Qaahiro waxaane ku dhintay dad gaaraayo ilaa 6-qofood sida eey sheegtay dawladda Masar,shaqaalaha gargaarka oo gaaray goobta uu ku dumay guriga ayaa bilaabay ineey goobta ka nadiifiyaan burburkii dhismaha balse lama sheegin sababta keentay in guriga uu dumo. K/xigeenka duqa caasimadda Qaahiro Ibrahim C/hadi ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha eey soo saartay qoraal kagana hadlayso dhibka dhacay maanta waxa eyna wasaaradu sheegtay in dhismaha dumay eey ku dhinteen 6-qofood eeyna ahaayeen hal qoys sida laga soo xigtay dadkii la deriska ahaay.
ISHA WARKA AP.
WARIYE LAGU AFDUUBAY…
DAGAALYAHANO FALASTIIN AH.
(FALASTIIN)-Wariye reer Falastiin ah una shaqeeyo wakaalad tebiso wararka lagana leeyahay dalkaasi Iraan ayaa muddo kooban lagu afduubay dhulka Falastiin,wariyaha la afduubay ayaa la jir dilay lana handaday waqtigii uu afduubnaay,afduubka wariyaha ayaa waxaa sammeeyey rag Falastiiniyiin ah kuna hubaysnaay bastoolado,waxa eeyna arrintaan dhacday wariyaha oo tebinayo kala carar ka jiray banaanbax eey sameynaayeen ardayda Islaamista ah ee Daanta Galbeed dhulka reer Falastiin horaantii todobaadkii tegay. Wakaaladda wararka ee Tasnim ee laga leeyahay dalkaasi Iraan ayaa sheegtay in wariye Samiir Khuweyra eey xoog baabuur ku saarteen laba nin oo ku hubaysnaay bastoolado maalintii Talaadad ee la soo dhaafay,wariye Samiir ayaa la jir dilay lana handaday,soo tebinta dhacdada uu soo tebinaayey wariye Samiir ayaa ahayd mid khatar ku ah maamulka Falastiiniyiinta iyo calmaaniyiinta jabhada Al-Fatax ee la baabi’iyey waxaane wariye Samiir la sii daayey nus saac ka dib waqtigii la afduubay.
ISHA WARKA WAKAALADO.
MASAR: HOGAAMIYEYAASHA LIIBIYA OO KU….
BAARLAMAANKA LIIBIYA.
(LIBYA)-Madax golaha sare(Aqalka Sare) ee dalka Liibiya ee fadhigiisu yahay caasimadda Tripoli Khaalid Al-Mishri ayaa maanta oo khamiis ah sheegay in lagu casuumay inuu la kulmo afhayenka baarlamaanka(Aqalka Hoose) Liibiya Caqiil Saalax Ciise gudaha dalka Masar,war uu soo saaray Al-Mishri ayuu ku sheegay inuu casuumad ka helay la taliyaha gaarka ah e xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee dalkaasi Liibiya haweeneyda la yiraahdo Stephenie Williams taaso u sheegtay in la rabo in laga hadlo isku hor imaadyadii dalka Liibiya ka dhacay kuwaso salka ku haayey siyaasadda iyo dastuurka dalkaasi Liibiya,golaha sare ee dalka Liibiya ayaa ah aqalka sare halka golaha baarlamaanka ee fadhigiisu yahay Sirta uu yahay golahii shacabka ee dalkaasi Liibiya.
ISHA WARKA AA.