QAAHIRO: GURI KU DUMAY QOYS..
GURIGII DUMAY.
(QAAHIRO)-Waqti hore maanta oo Jimca ah ayaa waxaa soo dumay dhismo ku yaalo caasimadda dalka Masar ee Qaahiro waxaane ku dhintay dad gaaraayo ilaa 6-qofood sida eey sheegtay dawladda Masar,shaqaalaha gargaarka oo gaaray goobta uu ku dumay guriga ayaa bilaabay ineey goobta ka nadiifiyaan burburkii dhismaha balse lama sheegin sababta keentay in guriga uu dumo. K/xigeenka duqa caasimadda Qaahiro Ibrahim C/hadi ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha eey soo saartay qoraal kagana hadlayso dhibka dhacay maanta waxa eyna wasaaradu sheegtay in dhismaha dumay eey ku dhinteen 6-qofood eeyna ahaayeen hal qoys sida laga soo xigtay dadkii la deriska ahaay.
ISHA WARKA AP.