HOLLAND: DILKII XARIIRI OO DAD LOO XUKUMAY.
QARAXII LAGU DILAY RW-XARIIRI.
(HOLLAND)-Garsoore ka hawlgala maxkamada racfanka ee caalamiga ah una gaar ah qaadida dacwooyinka la xiriiro dilalka qorsheysan ayaa maanta oo khamiis ah waxa eey xabsi daa’in ah ku xukuntay laba xubnood kana tirsan ururka Xizbullaahi ee dalkaasi Libnaan,sababta labadaan nin kana wada tirsan ururka Xizbullaahi loogu xukumay xabsi daa’in ayaa lagu sheegay ineey tahay ineey qeyb ka ahaayeen dilkii qorsheysnaay ee lagu khaarijiyey Reysal wasaarihii hore ee dalkaasi Libnaan Rafiiq Al-Xariiri iyo 21-qofood oo kale oo iyagana goobta ku geeriyooday sannadkii 2005-tii. Demniilayaasha la xukumay ayaa kala ah Xasan Xabiib Mehri iyo Xuseen Xasan Oneysi,labadaan nin ayaa laga soo qabtay dalkaasi libnaan waxaane loo gudbiyey maxkamadda maanta xukunta kuna taalo dalkaasi Holland.
ISHA WARKA AP.
YEMEN: QARAX LAGU DILAY WARIYE.
BAABUURKII WARIYE XAYDARI.
(YEMEN)-Tan iyo markii eey kooxda Xuutiyiinta xooga ku qabsadeen caasimadda Sanca ee dalkaasi Yemen waxaa jiray dad fara badan oo isaga tegay magaaladda una guuray magaaladda Cadan ee ku taalo koonfurta dalkaasi Yemen,dadka halkaas u wareegay ayaa isugu jiro masuuliyin horay u soo qabtay xilal iyo saxafiyiin naftooda la cararay,waxaane magaaladaasi Cadan dhawr jeer Xuutiyiintu ku soo weerareen gentaalo kuwaaso geystay dhibaatoyin naf iyo maalba leh. Sida laga soo xigtay masuuliyiin reer Yemen ah wariye u dhashay dalka Yemen ayaa waxaa lagu dilay qarax loogu xiray baabuurkisa gudaha magaaladda Cadan ee koonfurta dalkaasi Yemen warkaan ayey xaqiijisay xukuumada Yemen maanta oo Khamiis ah. wasiirka warfaafinta xukuumadda Yemen Mucamar Al-iryaani ayaa si cad uga hadlay sida loo dilay wariye Saabir Al-xaydari waxa uuna wasiirku sheegay in qaraxa ahaay mid wariyaha loogu dhejiyey baabuurkiisa,wariye Xaydari ayaa u shaqeynaayey telefishan laga leeyahay dalkaasi Japan lana yiraahdo NHK-Tv,qaraxa lagu dilay wariye Xaydari ayaa waxa uu dhacay habeenimadii Arbacadii shalay ahayd,wariyahaan ayaa ka mid ahaay wariyeyaal isaga soo cararay caasimadda Sanca waxa uuna soo gaaray magaaladda Cadan sannadki 2017-kii,ma jirto cid sheegatay ilaa hadda dilka wariye Xaydari.
ISHA WARKA WAKAALADO.
KHASHOGGI OO JID LOOGU…
WASHINGTON.
(WASHINGTON)-Sida inteyna badan la wada socdaan sannadkii 2018-kii safaaradda Sacuudiga ee dalkaasi Turkiga waxaa lagu dhex khaarijiyey Saxafi si aad ah uga soo horjeeday siyaasadda ninka leh dhaxaltooyada dalkaas Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan,saxafiga la dilay lana waayey meydkiisa ayaa la oran jiray Jamaal Khashoggi waxa uuna ahaay nin wax ku qora wargayska caanka ah ee ka soo baxa dalkaasi Maraykanka ee WASHINGTON POST. Bil ayaa ka harsan waqtigii uu madaxweynaha Maraykanka uu booqashada ku tegi lahaay dalka Boqortooyada Sacuudiga,degmada Columbus ee gobolka Washington ayaa dib magac ugu bixisay wado hor marta Safaaradda Sacuudiga ee magaaladda Washington ee dalkaasi Maraykanka wadadaan ayaa loogu magac daray JAMAAL KHASHOGGI WAY,waxa eeyna u muuqataa magac bedelidaan mid looga dan leeyahay in culays lagu saaraayo dalkaasi Sacuudiga.
ISHA WARKA AP.
MAXKAMADDA ICC OO…
GEN.MAXAMUUD.
(THE HAGUE)-Maxkamada caalamiga ah ee qaada dembiyadda dagaalka(ICC)
ayaa maanta oo Arbaca ah baabi’isay dacwad dagaal oo loo haystay General reer Libya ah ka dib markii garsoorayaasha maxkamadda eey xaqiijiyeen inuu dhintay. Go’aanka maxkamadda ayaa yimid muddo ka badan sannad ka dib markii sarkaalka reer libya ah la sheegay in lagu dilay shirqool,Maxamud Alwaffle ayaa ahaay taliyaha ciidan uu isaga sameystay uguna magac daray Xoogaga Ciidamadda Carbeed,waxa uuna Maxa’ud dhintay markii xabad lagu furay gaari uu la socday gudaha magaaldda ku taalo bariga dalkaasi Libya ee Benghazi.
ISHA WARA WAKAALADO.
DAARFUUR UU DAGAAL KA DHACAY.
DAARFUUR
(QAAHIRO)-Waxaa dib u soo cusboonaaday dagaalka gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan waxaane la sheegay in dagaalku u dhexeeyo Qowmiyadaha Afrikaanka ah iyo kuwa Carabta ah,dhimashada dagaalkaan ugu dambeeyey ee dhacay todobaadyadii la soo dhaafay ayey Qaramada Midoobay ku sheegtay ineey ku dhinteen dad dhan 125-qofood isugana jiro labada dhinac ee dagaalamay. Dagaalkan ugu dambeeyey ayaa la soo sheegayaa ineey bilaabeen Qowmiyadda Carabta eeyna gubeen tuulooyin eey leeyoihiin Qowmiyada Afrikaanka ah,dhimashada ugu badan ee dagaalkii dhacay todobaadyadii tegay ayaa ah mid soo gaartay Qowmiyadda Afrikaan ah waxaane laga dilay dad dhan 100-qofood halka Qowmiyadda Carabta ah lagaga dilaya dagaalka 25-qofood .
ISHA WARKA AP.
SARAAKIIL REER IRAAN AH OO LA DILAY.
SARKAAL IRANI AH OO LA DILAY.
(TEHRAN)-Ma aha markii ugu horeeysay oo aan maqalno in la dilay saraakiil reer Iraan oo la toogtay waayo waxaa horay loo soo dilay khubaro u dhalatay Iraan gudaha dalkooda Iraan mana jirto cid sheegatay dilkooda balse dalka Iraan ayaa waxa uu ku tuhmaa dilalka qorsheysan ee loo gaysanayo dadkooda muhiimka ah ineey ka dambeeyaan Maraykanka iyo Israa’iil sirdoonadooda oo is kaashanaayo in kastoo aan la cadayn karin hadalka Iraan,hadaba laba sarkaal oo ka tirsan ilaaladda kacaanka ee dalkaasi Iraan gaar ahaan kuwooda qaabilsan difaaca hawada ayaa geriyooday dhacdooyin kala gedisan kana dhacay gudaha dalkaasi Iraan dhammaadkii todobaadkii tegay sida lagu sheegay warbaahinta dalkaasi Iraan maanta oo Isniin ah. Dhacdooyinkaan lagu dilaayo sarakiisha ilaaladda kacaanka Iraan ayaa ah mid sii kordhaysa ayadoo aan weli go’aan cad laga gaarin wada hadaladda xakamaynta hubka wax gumaado ee nukliyeerka ee dalkaasi Iraan.
ISHA WARKA DS.
STEPHANIE:WAA IN KALA DUWANAASHADA LAGU….
ERGAYGA QARAMADA MIDOOBAY.
(TRIPOLI)Ergaga Qaramada Midoobay ee Liibiya ahne la taliye haweeneyda lagu magacaabo Stephanie Williams ayaa ugu baaqday kooxaha isku haayo talada dalkaas Liibiya ee kala ah Golaha sare ee liibiya iyo Golaha shacabka ee liibiya ineey si dhaqsi ah u soo afjaraan kala duwanaanshahooda. Stephanie ayaa sheegtay in maanta oo Axad ah la bilaabo hawsha dastuurka muddo todobaad ah gudaheeda si loo qabto doorasho loogana gudbo iska hor imaadyadaan soo laalaabtay.
ISHA WARKA AA.
TRIPOLI OO DAGAAL KA DHACAY.
CAASIMADA LIIBIYA TRIPOLI.
(LIIBIYA)-Dalka Liibiya waxaa ka jiro dagaal u dhexeeyo laba masuul kuwaaso mid walba sheeganayo inuu isaga yahay Reysal Wasaaraha dalkaasi Liibiya,labadaan masuul ayaa waxaa kala wato dalal shisheeye oo ka leh dano gaar ah dalkaasi Liibiya,waxaane horay u dhacday in labadaan masuul xoogag kala raacsan ineey ku dagaalameen caasimadda Tripoli balse waxaa ku xoog roonaaday xoogagii uu watay RW-Dabiib oo masuulkii kale waxa uu dib ugu laabtay halkii uu ka soo qaaday weerarka ee ahayd magaaladda Sirta.
ISHA WARKA AA.
YAMAN: WAXAA KA BILAABATAY ISBAARO.
BAABUURTA XAMUULKA DALKA YEMEN.
(YEMEN)-Dalka Yemen waxaa ku sii badanayo afduub aad u xun kaaso lagula kacaayo darawaladda wada baabuurta xamuulka,darawaladda wada baabuurta xamuulka ayaa socodaalkooda ku sheegay inuu yahay “KII DHIMASHADDA". Inta badan Tuugta ayaa dhacda baabuurta sida xamuulka una kala socoto goboladda Ticis iyo Cadan ee dalkaasi Yemen,laakinse tuugta ayaa waxa eey darawaladda kala kulmaan iska caabin aad u xoogan waxaane mararka qaar dhacday in la dilo tuugta dhigata jidgooyadda wadooyinka isku xira Cadan iyo Ticis,sababta arrintaan u soo ifbaxday ayaa lagu sheegay ineey tahay in ciidamadda amaanka ee dalkaasi Yemen kana hawlgala goboladda Ticis iyo Cadan awoodi kari waayeen ineey wax ka qabtaan tuugta jidgooyada dhigatay inta u dhexeyso Cadan iyo Ticis.
ISHA WARKA MEE.
CAAFIMAADKA GEN.PERVES OO LIITA.
GEN.PERVES MUSHARRAF.
(ISLAMABAD)-Generaalkii reer Pakistan ee soo xukamaayey dalkaas Gen.Perves Musharraf ayaa si ba’an waxaa u haayo xanuun waxaane loola cararay isbitaal ku yaalo Dubai ee dalkaasi Imaaraatka Carabta(UAE),marka laga soo bilaabo bishii hore ee Meey-2022-ka sidaas waxaa sheegay qoyska Gen.Perves,waxayna qoysku weydiisteen dadkooda Pakistan in loo duceeyo Generaalka si alle caafimaad u siiyo,warbaahinta gudaha ee dalkaasi Pakistan ayaa diiday in Gen,Perves dib loogu soo celiyo Pakistan waxayna ku sababeeyeen in Gen.Perves u baahan yahay Oxygen.
ISHA WARKA AP.
(KSA)-XAJKA IYO NIDAAMKA CUSUB.
CALANKA SACUUDIGA.
(KSA)-dadka ka soo Xajinaayo wadamadda Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka sannadkaan 1443-H/2022-ka ayaa waxaa soo wajahday arrin eeysan fileyn waxaane arrintaan su’aalo ka keenay hayadaha safarka ee wadamadaas,arrinta la yaabka keentay ayaa ah in Xujaayda ka imaanayso dalalka Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka eey fiisaha ku dalbanaayan Online-ka halkaasne laga aqbali karo amaba lagu diidi karo,arrintaan ayaa waxa eey ku dhacday qof ka xajinaysay Maraykanka sida la soo sheegay,nidaamkan Online-ka ah ayaa u eg Lottery-ga oo mashiin ayaa soo xulaayo dadka xajka imaanaayo sannadkaan.
ISHA WARKA MEE.
IMAARADDA DUBAI OO ISKA…
DUBAI TACOM.
(DUBAI)-Hayadda ugu weyn ee maamusha suuqa xurta ee Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) eeyna iska leedahay kooxda TACOM ayaa maanta oo khamiis ah sheegtay ineey samayn doonto bixin guud badeecadda suuqyada maxaliga ah waane tan ugu dambaysay ee uu maamulo gobolka loona wareejiyey maalqabeenada maamulka magaaladda Dubai. Kooxda Tacom ayaa toban shirkado maxali ah eeyna ka mid yihiin Internet-ka iyo warbaahinta u qorsheysan ineey bixiso 625-milyan oo wadaag dhinaca maamulka ah lacagta Dubai ah. kooxda Tacom ayaa sheegtay ineey bixinayaan maalgashi eey ku bexeyso lacag dhan $218-milyan doolarka Maraykanka ah sannadkii seddexda sano ee soo socoto.
ISHA WARKA AP.
DALKA CIRAAQ OO 8-BILOOD DAWLAD LA’AAN AH.
TAGEERAYAASHA MUQTADA ALSADRE.
(CIRAAQ)-Sideed bilood ka dib doorashadii ka dhacday dalkaas Ciraaq, weli dalka Ciraaq ma uusan yeelan xukuumad waxa eeyna u eg tahay midaan kala cadayn in dalka Ciraaq u jihaysan doono khatar iyo in Ciraaq noqoto dal eeysan kala cadeyn waxa ka dhici doono mustaqbalka, kuwa isku haayo siyaasadda dalkaas Ciraaq waxa eey faraha la geli doonaan dhibaato taaso gawric doonta tartanka awooda ee dalkaas Ciraaq oo ka soo kabsanaayo dagaalo eey isku hayaan kooxo diimeed,haddii dalka Ciraaq wajaho tartan u dhexeeyo kooxaha siyaaasadda waxaa ka dhalan doonto inuu ku yimaado dalkaas Ciraaq sicir barar dhinaca cuntada kaaso hadaba ka jiro meelo badan oo dunida ka mida eeyna sababeen abaaro iyo dagaalka dalka Yukrayn uu Ruushku ku qaadat bishii Febtaayo ee sannadkaan-2022-ka.
ISHA WARKA AP.
ABAARTA KA JIRTA SOOMAALIYA OO GAARTAY…
HOOYO AWLIYO IYO CARUURTEEDA.
(SOMALIA)-Ma jirto hooyo aan waayin caruurteeda laakinse hooyo Awliyo Xasan Salaad waxaa horteeda ku dhimatay afar caruur ah eey ayadu dhashay sannadkaan 2022-ka. Abaarta ku dhufatay gobolka Geeska Afrika ayaa caruurta u dishay Hal-Hal. Hooyo Awliyo waxa eey gacmaheeda ku haysaa cunugeed oo aad u tabar daran waxa eeyna hooyadu ku sugan tahay meel eey ka dheceyso dabayl xun cunuga eey haysataana waa seddex sano jir lana yiraahdo Cismaan kaasoo Hooyo Awliyo eey dusheeda ku soo siday masaafo dhan sagaashan(90)-kiiloomitir una dhiganta(55)-Mile ayadoo lugaynaysa, Hooyo Awliyo ayaa socdkeeda waxa eey ka soo bilawday tuuladii eey deganeed waxa eeyna lug ku soo aaday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,Hooyo Awliyo ayaa si aad ah uga niyad jabtay ineey weysay wiilkeeda.
ISHA WARKA DAILY SABAH.
IIRAAN IYO IAEA-DA OO ISKU DHEGAN.
HUBKA NUKLIYEERKA IIRAAN XARUNTIISA.
(TEHRAN-IRAN)-Iraan waxa eey ka bixin doontaa jawaabta ku haboon go’aan kasta oo kasoo baxa hayadda caalamiga ah ee nukliyeera ee marka la soo gaabsho loo qoro(IAEA) sidaas waxaa shalay oo Isniin ahayd yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iraan. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Iraan Saciid Xatibzade ayaa sheegay qoraalka aan rasmiga ahayn ee ku saabsan qaraarka eey soo gudbiyeen golaha hayadda caalamiga ah ee nukliyeerka yahay midaan sax ahayn iyo go’aan kasta oo lid ku ah dalka Iraan waxa uu khatar ku noqon doonaa wada hadaladda u dhexeeyo dalka Iraan iyo quwadaha caalamka waxa uuna dib u soo nooleynayaa wada hadaladii hubka nukliyeerka sannadkii 2015-kii waana ogtihiin sida eey isugu xiran yihiin qorshaha talaabada.
ISHA WARKA AA.
SHIRKADA DP WORLD OO ISKA IIBISAY…
DEKADDA JABAL CALI(UAE).
(DUBAI)-Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay ineey iska iibisay qeyb ka mida saamiga dekadda eey ayada maamusho kuna taalo dalka Imaaraatka Carabta Midoobay lana yiraahdo Jabal Cali waxaane halkaas laga taagay calanka shirkadda Kanada laga leeyahay magaceedana loo soo gaabiyo(CDPQ) lacagta eey ugu kacday shirkada Kanada ineey hesho saamigaan ayaa lagu sheegay ineey dhan tahay shan bilyan oo dooalar($5)Bilyan, is balaarinta shirkadaan laga leeyahay dalka Kanada ayaa ah mid ku dhaw kan shirkada DP World ee Imaaraatka.
ISHA WARKA AP.
BAQDAAD: NIN INGIRIIS AH OO LA XUKUMAY.
SAWIRKII JIM FITTON.
(BAQDAAD-CIRAAQ)-Nin u dhashay dalka Ingiriiska ayaa maanta oo Isniin ah Maxkamad ku taalo magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq ku xukuntay xabsi dhan 15-sano oo xarig ah ka dib markii lagu soo eedeyey inuu dalka Ciraaq kala dhoofaayey waxyaabo taariikhi ah sifo aan sharci ahyn. Ninkaan Ingiriiska ah ayaa la yiraahdaa Jim Fitton waxa uuna Jim jiraa 66-sano waane nin ku takhasusay cilmiga barashada dhulka(Geology),Jim ayaa la sheegaa inuu dhul badan dalxiis ku tegi jiray waxa uuna deganaay dalka Mayasiya. Qareenka iyo qoyska jim Fitton ayaa sheegay in waxa jim loo haysta eeysan dembi ahayn waxaane isna xabsiga laga sii daayey nin u dhashay dalka Jarmal,dacwada Jim iyo ninkaan Jarmalka ah ayaa soo bilaabatay 15/5/22-ka.
ISHA WARKA WAKALADO.
WIIL EEY DHASHAY WASIRAD REER MASAR AH OO…
FAHIM.
(USA)-Safaaradda Masar ee dalka Maraykanka ayaa qeyb ka ah qadiyadda loo haysto Ramy Hany Mounir Fahim oo 26-jir ah,dacwadaan ayaa lagu wadaa ineey qaado maxkamada sare ee gobolka Kalifoorniya bishaan juun-14-2022-ka. Fahim ayaa ah wiil eey dhashay wasiiradda Hijradda ee dalka Masar Nabiilah Mukaram, Fahim ayaa loo haystaa inuu dilay saaxibkiis oo eey isla shaqeynaayeen kulana noolaay hal guri oo ku yaalo gobolka Kalifoorniya 19/4/2022-ka. Sida eey qortay majaladda Newsweek wiilka eey dhashay wasiiradda reer Masar Fahim ayaa laga yaabaa in lagu xukumo dil toogasho ah ka dib markii lagu tuhmay inuu gaystay dil ula kac ah.
ISHA WARKA WAKALADAHA.
DALKA CUMAAN OO UGA DIGAY MAWADHINIINTISA..
SULDAANKA CUMAAN.
(CUMAAN)-Sida eey sheegtay warbaahinta dalka Cumaan maanta oo Axad ah,118-qofood una dhashay dalkaas Cumaan ayaa dib loogu soo celiyey dhalashadoodii lagala noqday sida uu amray Suldaanka dalkaas Cumaan Haytam Bin Dhaariq,amarkaan ayaa soo baxa 30/5/22-ka waxaane lagu daabacay wargayska rasmiga ah kuna hadlo afka xukuumadda Cumaan. Wargayska ayaa lagu sheegay oo kaliyah in Jinsiyadda dalka Cumaan dib loogu celiyey kuwa uu magacyadooda ku soo baxay wargayska,waxaane mawaadhiniinta u dhalatay dalka Cumaan looga digay ineey qaataan Jinsiyad dal Ajnabi ah ayagoo aan ogolaansho ka haysan Suldaanka dalka Cumaan Haytam Dhaariq. Dalka Cumaan waxaa ka jiro qaanuun eey tiradiisu tahay(9) kaaso dhahaayo”MAWAADHINIINTA REER CUMAAN WAXA EEY DHUMINAYAAN DHALASHADOODA SIDA UU QABO SHARCIGA HADDII UU QAATO JINSIYAD DAL KALE,WAXAA KALOO MAWAADHINKA REER CUMAAN DHUMINAA WAALIDNIMADIISA CARUURTA UU DHALAY EE DA’ADOODA KA YAR TAHAY 18-SANO”.
ISHA WARKA WAKAALADO.
KUWEYT OO MAXKAMAD UGA YEERTAY…
KUWEYT.
(KUWEYT)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kuweyt ayaa waxa eey maxkamad uga yeertay shalay oo khamiis ahayd siyaasi u dhashay dalka Maraykanka,sababta siyaasigaan loogaga yeeray maxkamadda ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuweyt ku sheegtay ineey tahay in barta Twitter-ka ee Safaaradda Maraykanka Kuweyt uu ku qoray qoraal uu ku taageraayo xuquuqda laga roonayaasha(LGTQ).
ISHA WARKA WAKAALADO.