Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IRAAN IYO REER GALBEEDKA OO ISKU DHEGAN.

DIYAARADAHA DRONE-KA IRAAN.

(TEHRAN-IRAN)-Dhacdooyin silsilada una dhexeeyo wadamada reer galbeedka uu hogaaminayo Maraykanka iyo dalka Iraan ayaa soo korodhay ka dib markii ciidamadda mileteriga ee dalkaas Iraan eey handadaad iyo weeraro la beegsadeen wadamadda gacan saarka la leh reer galbeedka ee dhaca bariga dhexe waqti uu soo xirmay wada hadaladii dhinaca hubka Nukliyeerka una dhexeey Maraykanka iyo Iraan kaaso soo bilawday sannadkii 2015-kii. Marka laga soo bilaabo sannadkii 2018-kii waqtigaaso Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump uu joojiyey wada hadaladii dhinaca hubka Nukliyeerka una dhexeeyey Maraykanka iyo Iraan waxa uuna Trump ku soo rogay cunaqabteyn caalami ah dalkaasi Iraan cunaqabteynta ayaa saaran waxyaabaha kala ah”Gaaska,Batroolka iyo Betrokiimikada,qaabka bangiyadda u shaqeeyaan”.

ISAHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

1,000-WEERAR AYAA KA DHACAY DALKA AUSTRIA….

NIN JEBINAAYA ALBAABKA MASJID.

(VIENNA-AUSTRIA)-Dalka Austria waxaa ka dhacay 1,061-dhacdo oo Muslimiinta ku nool dalka Austria lagu dhibaateeynaayo sida Cunsiriyeen iyo Neceeyb sannadkii la soo dhaafay 2021-kii,sida lagu qoray warbixin la soo saaray maanta oo khamiis ah. Marka loo fiiriyo warbixintii sannadkii hore-2021-ka kuna saabsan Cunsuriyeynta dadka Muslimiinta ah ee dalka Austria ayaa waxaa soo wada saaray Dawladda Austria iyo Golaha Muslimiinta ee dalka Austria,weerarada lagu qaaday dadka Muslimiinta ah ee dalka Austria ayaa ka dhacay baraha bulshada kuwaso soo jiitay dadka isticmaalo Internet-ka intii lagu guda jiray cudurka Covid-19 waqtigaaso uu xadidnaay dhaqdhaqaaqa dadka reer Austria. Warbixinta daaha laga qaaday ayaa sheegtay in 69% weerarada lagu qaaday muslimiinta(Rag/Dumar) ahaayeen Cunsuriyeen,hadalo aad xun iyo ficil loo geysto Muslimiinta,waxayna weeraradaas ku dheceen 26% raga iyo dumarka Muslimiinta Austria.

ISHA WARKA ANADOLU.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XASUUQ KA DHACAY DALKA AFRIKADA DHEXE.

GOOB LAGA QODO MACDANTA.

(DAARFUUR-SUUDAAN)-Dadka dega Tuulooyinka Daarfuur ee dalkaas Suudaan ayaa lugahooda uga soo baxsaday xasuuq ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe,dadkaan aya soo socday in ka badan todobaad ayagoo soo maray dalka Jaad oo deris la ah dalka Suudaan si eey ugu soo laabtaan dalkooda hooyo. Maryam Cubayd ma eysan helin fursad eey ku macsalaameyso wiilkeed, wiilkeeda oo 20-jir ah lana yiraahdo NIZAR MUUSE CALI ayaa ka mid ahaay 100-qofood oo macdan qodoyaal ka ah dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe kana kala yimid dalalka Suudaan,Jaad,Nijar iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe kuwaaso la xasuuqay bishii Maarso ee sannadkaan-2022-ka. Nizar oo ahaay wiil dhallinyara ah ayaa masuul ka ahaay nolosha qoyskiisa hooyadiis Maryam Cubayd oo reer Daarfuur ah ayaa sheegtay in wiilkeed lala aasay asaxaabtiisa gudaha dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ka dib markii calooshood u shaqeystayaal ka yimid dalka Ruushka lana yiraahdo WAGNER GROUP oo ah dembiilayaal eey xasuuq ka geysteen halka loo yqaano Andaha ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO RABA SOO AFJARIDA DAGAALKA YAMAN.

XUTIYIINTA YAMAN.

(YAMAN)-Kooxda sharci dejinta Maraykanka ee labada xisbi ee dalkaas Maraykanka ayaa soo bandhigay xalka awoodaha dagaalka dalka Yaman maanta oo Arbaca ah,waxa uuna soo Afjari doonaa kaalmada hartay ee la siiyo isbahaysiga uu hogaamiyo dalka Sacuudiga ee la dagaalamaayo Xuutiyiinta Yaman waxa uuna adkaynayaa balan qaadkii Madaxweyne Joe Biden ee sannadkaan 2022-ka kaaso ahaay soo Afjarka dagaalka yaman.Qaraarkaas cusub ayaa soo dhammayn doono ka mid ahaansahaha ciidamadda Maraykanka ee dhinaca difaaca cirka ee isbahaysiga waxaane ka mida iskaashiga dhinaca sirta,kaalmada isku duwidda sida dayactirka iyo ka tala bixinta qalabka dayactirka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAXOOTI REER SUURIYA AH OO LOO QAADI…

QAXOOTI KU SOCDO INGIRIISKA.

(UK)-Koox qaxooti Suuriyan ah ayaa waxaa loo diraa dalka Rwanda dhammaadka bishan Juun-2022-ka,qaxootigaan reer Suuriya ee hadda ku sugan dalka Ingiriiska ayaa loo daabuli doonaan dalka Rwanda ka dib markii eey Ingiriiska iyo Rwanda ka heshiiyeen arrinta qaxootiga aan weli Ingiriiska aqoonsan. Zoe Gardner oo ah madaxa siyaasadda iyo isku xirka golaha samafalka muhaajiriinta(JCWI) ayaa bartiisa Twitter-ka shalay oo Talaado ah ku qoray in 15-qofood oo qaxooti Suuriyan ah loo diri doono dalka Rwanda bishaan Juun afar iyo tobankeeda(14/6/22)-ka.

XIGASHO MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NABIH BERRI OO MAR KALE NOQDAY…

SAWIR BANAANBAXAYAAL.

(BEIRUT-LIBNAN)-Dalka Libnaan oo ka mida wadamadda bariga dhexe kuwooda ugu deganaasho liito eeyna wada degan yihiin dad kala diin ah isakan soo horjeedo ayaa waxa uu yeeshay Afhayeen baarlamaan. Nabih Berri waa ruud cadaa siyaasadeed muddo badane soo hayey xilka Afhayeenka ayey xildhibaanada reer Libnaan maanta oo Talaado ah u doorteen inuu noqdo Afhayeenka baarlamaanka waana 30-sano inta uu Nabih Berri soo ahaay Afhayenka baarlamaanka Libnaan.

XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAX KA DHACAY MAGAALADA CADAN.

GOOBTA QARAXA KA DHACAY.

(CADAN-YAMAN)-Shan Yamaniyiin ah ayaa ku dhintay maanta oo khamiis ah qarax ka dhacay suuq eey dadweynaha ka adeegtaan kuna yaalo magaaladda Cadan ee koonfurta dalka Yaman. Ilo amni ayaa u waramay wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in qarax la dhigay gudaha haanta lagu shubo qashinka taaso tiilay bartamaha suuqa degmada Sheekh Cismaan ee waqooyiga magaaladda Cadan.Goobaha caafimaadka iyo Isbitaaladda magaaladda Cadan ayaa wakaaladda Anadolu u sheegay in dadka ku dhaawacmay qaraxa eey dhan yihiin ilaa labaatan(20)-qofood kuwaaso hadda lagu daaweynaayo isbitaaladda magaaladda Cadan waxaane dadkaa ka mida dad eey aad u liidato xaaladooda caafimaad,xukuumadda Yaman oo fadhigeedy yahay Cadan ayaan wax war ah ka soo saarin qarax ka dhacay degmada Sheekh Cismaan,mana jirto cid sheegatay ineey ayada ka dambaysay qaraxa maanta ka dhacay Cadan.

ISHA WARKA ANADOLU.

KA AKHRISO HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO CODSI U DIRAY XUTIYIINTA.

MALEESHIYAD XUUTIYIINTA.

(SANCA -YAMAN)-Dalka Marayakanka ayaa maanta oo khamiis ah waxa uu kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yaman ka codsaday ineey sii daayaan shaqaalihii Yamaniyiinta ahaay ee ka shaqeynaayey safaaradda Maraykanka ee dalka Yaman kuwaaso Xuutiyiinta u xiran mudo dhan bilood waxaane xabsiga Xuutiyinta ku dhex dhintay mid ka mida shaqaalahaas. Kooxda Xuutiyiinta eey taageerto Iraan ayaa waxa eey xarun ka dhigteen dhismihii hore ee safaaradda Maraykanka ee magaaladda caasimadda ah ee Sanca bishii Oktoobar ee la soo dhaafay,waxaane Xuutiyiinta u xiran dada fara badan oo shaqaale ka ahaay safaaradda Maraykanka ee Sanca waxaane la sii daayey qaar iyaga ka mida laakinse waxaa gacanta Xuutiyiinta weli ku jiro dad gaaraayo ilaa kow iyo toban(11)- qofood.

ISHA WATRKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XERADA QAXOOTIGA EE LIBYA OO..

DOON SIDA MUHAAJIRIIN.

(TRIPOLI-LIBYA)-Wadamadda Yurub ayaa eed waxa eey u soo jeediyeen saraakiil sare oo caalamai ah eeda ayaa ah mid la xiriirto dhibaatooyinka loo gaystay kumanaan kun oo muhaajiriin ah kuna sugan dalka Liibiya kuwaaso lagu haayo goobo aan laga fiirsan ineey yihiin goobo munaasib ku ah xaaladoodana laga xumaado. Federico Soda oo ah madaxa hawgalka hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta Caalamiga ah(IOM) ee dalkaas Liibiya ayaa yiri”Ma aha mid ku filan wxiix ka soo yeeray jilayasha banaanka ee isku dayaayo ineey bedelaan xaaladda dal uu ka dhacay dagaal degaankiisa”.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ARRIN NAADIR AH KANA DHACDAY DALKA CIRAAQ.

GAROONKA NAJAF-CIRAAQ.

(NAJAF-CIRAAQ)-Masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee magaaladda Najaf ee waqooyiga dalka Ciraaq ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay ineey dib u eegis ku sameeyn doonaan hawlaha amni ee garoonka Najaf ka dib markii uu cunug yar oo toban jir ah soo gudbay todobo goobood oo lagu baaro dadka ka hor inta eeysan gaarin halka eey ka baxaysay diyaarad ku socotay dalka Iraan,waxaane diyaaradaan iska leh dalka Iraan(IRAN AIR). Arrintaan ayaa waxa eey dhacday maalintii Isniinta ahayd ee ina soo dhaaftay waxaane la bilaabay baaritaan la xiriiro sida cunugaan toban jirka ah ugu suuragashay inuu gaaro goobta lagu qabtay.

ISHA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QARAXYO KA DHACAY AFGAANISTAAN.

DHAAWICII QARAXYADA.

(KABUL-AFGANISTAN)-Dalka Afganistaan oo ka mida wadamadda uu halakeeyey dagaalka hadana rajada ka leh inuu dib uga soo laabto dagaaladdii aafeeyey,dalka Afganistaan ayaa waxaa hadda gacanta ku haayo kooxda Talibaan oo dagaal adag la gashay xulafadii uu hogaaminaayey Maraykanka muddo dhan labaatan sano ah,hadda ayuu dalka Afgaanistaan wajahaa dagaalo ka fool xun kuwii hore oo hadda waxa eey is haayaan kooxihii eey isku safka ahaayeen sida kooxda Daacish, hadaba maanta oo Arbaca ah(25/5/22)-ka ayaa dalkaas Afgaanistaan waxaa ka dhacay qaraxyo waxa eeyna ka kala dheceen laba degmo oo dalkaas ah,mid ka mida qaraxyada ayaa waxa uu ka dhacay gudaha Masaajid ku yaalo Kaabuul waqtigii salaada waxaane qaraxaas la dhigay halka uu istaago Imaamka,qaraxaan ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaarayo 9-qofood waxaane ku dhaawacmay 10-qofood oo kale. Qaraxa labaad ayaa ahaay mid ka dhacay magaaladda waqooyiga ku taalo ee Mazar-i-shariif,qaraxaan ayaa lagu qariyey gudaha basas yaryar oo seddex ah waxaane ku geeriyooday dad garaayo 9-qofood waxaane ku dhaawacmay 15-qofood oo kale sidaas waxaa sheegay afhayeenka booliska ee gobolka. Kooxda ISIS-K kana dagaalanta dalka Afgaanistaan ayaa sheegatay qaraxyadda Basaska lagu qariyey.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

6,750-QAXOOTI ITOOBIYAAN AH OO YAMAN KA …

MUHAAJIRIIN AFRIKAAN AH.

(YEMEN)-Hayadda Qramada Midoobe u qaabilsan muhaajiriinta(IOM) ayaa maanta oo Talaado ah sheegtay in hadafkeeda yahay sideey dalkooda ugu celin lahayd ugu yaraan 6,750-qofood oo Itoobiyaan muhaajiriin ah kuna sugan dalka uu la degay dagaalka ee Yaman,bilaha soo socdo waxa eey hayadda(IOM) dalbatay kaalmo dhaqaale oo dhan($7.5)-Milyan oo doolarka Maraykanka ah oo loo isticmaalo dib ugu celinta dalkoodii hooyo dadkaan Itoobiyaanka ah. Hayadda(IOM) ayaa sheegtay ineey dalka Yaman dib uga celisay dad reer Itoobiya ah kuwaaso gaarayo 600-qofood kuwaaso kuligood wada ahaay muhaajiriin waxaane dadkaas ka mid ahaay 60-caruur ah oo eeysan la socon waalidiintooda,celinta muhaajiriinta reer Itoobiya ee ilaa hadda dib loogu celiyey dalkooda hooyo ayaa waxaa daabulay seddex duulimaad sannadkaan gudihiisa. Waxa eyna hayadda(IOM) qorsheyneysaa ineey sameeyso duulimaadyo kale oo dad Itoobiyaan ah dib loogu celinaayo dalkooda,duulimadyadda ayaa ah kuwa ka baxaayo magaaladda Cadan ee ku taalo koonfurta dalka Yaman ilaa magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa.

ISHA WARKA AP’

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO KU HANJABAY INUU….

BANAANBAXAYAAL REER SUUDAAN AH.

(UN)-Maraykanka ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu codsaday in si dhaqsi ah horumar looga sameeyo xukun wareejinta ciidamadda Suudaan kuna wareejiyaan dawlad rayid ah,waxa uuna Maraykanka ku goodiyey inuu cunaqabateeyn saari doono qof kasta oo carqaladeeyso amaba is hortaagto u gudbidda dimuqaraadiyadda. Ricard Mills oo ah ku xigeenka safiirka Maraykanka u fadhiyo Qaramadda Midoobay ayaa sheegay in xukuumadda Washington taageereyso juhdi kasta eey bixiyaan ergada siyaasada Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan iyo Midawga Afrika,sideeda dal ee ku midoobaya ururka IGAD u sahlaan in dalka Suudaan inuu u hogaansamo dimuqaraadiyadda.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAAMLIYA OO SHAQADA..

SAWIRKA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO-SOMALIA)-Warqad ka soo baxday xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble summadeeduna tahay REF:OPM/0272/5/22,kuna taariikheysneed 24/5/22-ka ayaa waxaa shaqada looga joojiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya C/saciid Muuse ka dib markii lagu eedeyey inuu warqad u qoray dalka Cumaan taaso uu wasiirku ku dalbanaayey in la sii daayo markab siday Dhuxul kana yimid Soomaaliya,sida aan la socono dhuxusha laga keeno Soomaaliya waxaa mamnuucday Qaramada Midoobay ka dib markii la soo ogaaday in dhaqaalaha laga helo Dhuxusha eey ku dhacdo gacanta kooxda Al-shabaab, sida muuqato arrintaan ayaa noqon doonto mid culus haddii loo helo cadeeymo lagu maxkamadeyn karo wasiirka. Maalmo ka hor ayey ahayd markii uu RW-Rooble amray Wasiirka Arrimaha Dibadda inuu dib shaqooyinkoodii ugu celiyo shaqaalihi uu isaga shaqada ka saaray, amarkaas ayaa waxaa soo gelaayo safiiradii xilka looga qaaday si aan sharci ahayn sida Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas Talyaaniga.

ISHA WARKA ARABIC-21.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO..

SAWIRKA XUSEEN SHEEKH MAXAMUUD.

(MUQDISHO-SOMALIA)-Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda waxa uu sameeyey magacaabistiisi ugu horeysay uu sameeyo tan iyo markii loo dhaariyey xilka Madaxweyne. Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu magacaabay seddex xil oo kala duwan balse ka hawgeli doona halmeel oo ah madaxtooyada xilalalka ayaa kala ah: (1)-Agaasimaha Madaxtooyadda JFS waxaane xilkaan loo magacaabay Ex-Senitar Xuseen Sheekh Maxamuud. (2)-Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada waxaa loo magacaabay Ex-Senitar Maxamed-Amiin Sheekh Cismaan. (3)-La taliyaha Amniga Qaranka waxaa loo magacaabay Xuseen Macallim Maxamuud oo ahaay madaxa Machadka Daraasaadka Amniga Hiraal. Waa masuuliyiintii ugu horeysay uu magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh marka aad fiirisidne waxa aad ka dareemeysaa inuu Madaxweyne Xasan ka fiirsaday magacaabidooda kana fiiriyey dhinacyo badan loogana baahan yahay masuul kasta inuu sameeyo sidaan oo kale marka uu xil magacaabayo.

ISHA WARKA WAKALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AL-YEMENIA OO DACWAD UGA BILABATAY PARIS.

SAWIRKA BAHIA BAKARI.

(PARIS-FRANCE)-Bahia Bakari waxa eey ahayd 12-jir markii eey burburtay diyaarad eey saarneed(2009)-kii balse ayada kaligeed ayaa ka badbaaday,diyaarada ayaa ka soo baxday caasimadda dalka Faransiiska Paris, Bahia waxa eey ku socotay jasiradda KOMOROS. Diyaaradda burburtay ayaa waxaa iska leheed shirakadda diyaaradaha Al-Yemenia ee dalkaas Yaman,khadka diyaaradda ayaa ahaay ineey soo marto Sanca caasimadda Yemen dadka u socdaalayo wadamada deriska la ah Yemene eey halkaas ka sii qaado diyaarad kale oo eey leedahay Al-Yemenia sida Bahia. Rakaabka Al-Yemenia ka soo raacay Paris ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhammaayeen 153-qofood waxaane dhintay 152-qofood marka laga reebo Bahia. Bahia iyo hooyadeed ayaa diyaaradda ka soo wada raacay Paris(29/6/2009)-kii kuna socday ineey ka qeybgalaan aroos ka dhacaayey jasiiradda Komoros eey degan yihiin asal ahaan eey ka soo jeedaan,diyaaradda Al-Yemenia ee burburtay ayaa ahayd Airbus-130 waxa eeyna ku burburtay badweynta Indiya,dacwadda maanta ka furantay Paris loona haysto Al-Yemenia ayaan waxaan soo xaadirin wax ka socdo shirkadda Al-Yemenia waayo dawladdii maamulaysay shirkadda dalka waa lagala wareegay oo waxaa hadda ka taliyo kooxda Xuutiyinta, Bahia oo ahayd qofka kaliyah ee ka badbaaday dhacdadaas ayaa maanta ah gabar 25-jir ah sheegi kartana wax kasta.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUCAARADKA LIBNAAN OO HELAY 13-KURSI.

SAWIRKA HOGAAMIYAHA XISBIGA MUCAARADKA LIBNAAN.

(BEIRUT-LIBNAN)-Todobadkii hore dalka Libnaan waxaa ka dhacday doorashadda baarlamaanka waxaane ku tartamaayey xisbiyo kala duwan balse intooda badan iska soo horjeedo,waxaane jiro xisbiyo gacab saar la leh dawladdo shisheeye sida Iraan iyo boqortooyadda Sacuudiga waane xisbiyadda ugu xoog roon gudaha dalkaas Libnaan laakinse hadda waxaa soo baxay xisbi aan la fileyn inuu helo kuraas waane xisbiga Mucaaradka kaasoo helay 13-kursi,xisbigaan ayaa qeyb ka ahaay xisbiyadii sameeyn jiray banaanbaxyada waqtigii dawladdi hore ee dalkaas Libnaan. Xisbiyadda ka hawlgala dalka Libnaan waxa eey salka ku hayaan diin tusaale ahaan Xibullaahi waa xisbi ka jiro Libnaan muslim/shiica ah gacan saarna la leh dalka Iraan halka Muslim/sunni eey leeyihiin xisbi uu hogaaminaayo Al-Xariiri.

ISAH WARKA WAKALAD.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AMIIR WALEED BINTALAL OO ISKA ..

SAWIRKA AMIIR WALEED BIN TALAL.

(RIYAD-KSA)-Maalqabeenka u dhashay dalka Boqortooyadda Sacuudiga Amiir Waleed Bin Talaal ahne ninkii la bartilmaameedsaday sannadkii 2017-kii markii uu dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan qaaday weerar uu ugu magac daray waqtigaas la dagaalanka Musuq-Maasuqa ayaa hadda waxa uu iska iibinayaa saami badan oo shirkadihiisa ah saamigaas ayaa lagu sheegay inuu ku kici doono malaayiin doolarka Maraykanka ah. Hadal la soo saaray maanta oo Axad ah(22/5/22)-ka ayaa lagu xaqiijiyey in Amiir Waleed Bin Talal iska iibinaayo saami dhan 625-Milyan oo doolarka Maraykanka ah una dhiganta 16.87% shirkadihiisa ku yaalo gudaha dalka Boqortooyadda Sacuudiga, lacagta eey ku kacayaan saamiyadiisa ayaa la sheegay ineey gaari doonaan 1.5-Milyan oo doolarka Maraykanka ah sida eey sheegeen masuuliyiin Sacuudi ah.

ISHA WARKA MIDDLE EAST EYE.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXAKAMAD KU TAALO CIRAAQ OO DIB U….

SAWIRKA LABADA QOF EE REER YURUB AH.

(BAQDAAD-CIRAAQ)-Maxkamad ku taalo dalkaas Ciraaq ayaa maanta oo Axad ah(22/5/22)-ka dib u dhigtay dacwad loo haystay laba qofood oo dalxiisayaal ah una dhashay Yurub,labadaan qofood ayaa ku eedeysan ineey si aan sharci ahayn dalka Ciraaq ugala baxaayeen waxyaabo taariikhi ah, arrinta dib u dhiga dacwadda loo haysto ragaan reer yurub ah ayaa timid ka dib markii garyaqaankooda dalbaday in la keeno cadaymo ka badan inta hadda la haayo si ragaan dacwadda loogu qaado, haddii eey dhacdo in ragaan eey ku cadaato ineey si sharci dara ah dalka uga saaraayeen waxyaabaha taariikgiga ah xukunkooda waa dil toogasha ah waa sida uu qabo qanuunka u yaalo Ciraaq, dacwada ragaan labada ah ayaa dib laysugu soo laaban doonaa 6-june-22-ka.

ISAH WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO DALAB U GUDBIYEY..

(ANKARA-TURKEY)-Dalka Maraykanka ayaa siyaasiyiinta dalka Libnaan ka codsaday ineey si dhaqsi ah u sameeyaan dawlad awood u leh ineey dib u hanato kalsoonidda shacabka reer Libnaan. Maraykanka ayaa codsigiisa ku yiri”Macluumaad deg deg ah,xukuumad awood leh samayn kartana is faham,shaqo adag,una baahan ineey dib u soo ceshato kalsoonidii dadka reer Libnaan iyo Beesha Caalamka”,sidaas waxaa maanta oo Sabti ah(20/5/22)-ka sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Maraykanka.

ISAH WARKA ANADOLU.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More