Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IOM-ta OO KA HADASHAY MUHAJIRIINTA.

MUHAAJRIRIIN KA YIMID AFRIKA-XEEBAHA YEMEN.

(NAIROBI-KENYA)-Warbixin cusub eey soo saartay hayadda qaramada midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta(IOM) ayey kaga digtay in tirada muhaajiriinta ka imaaneyso wadamadda Bariga iyo Geeska Afrika(EHoA) ineey tahay mid korodhay sannadkaan-2022-ka marka la barbardhigo sannadkii-2020-kii. (IOM)-ta ayaa sheegtay ineey jirto dhimasho badan iyo dad la la’ayahay kuna dhacday muhaajiriinta ka imaanayso wadamadda Bariga iyo Geeska Afrika,muhaajiriintaan ayaa u socdo wadamadda Gacanka Carabta waxa eeyna u badan yihiin dhallinyaro rag iyo wiilal yaryar ah sidoo kale waxaa iyagana ka mida muhaajiriinta dumar iyo caruur oo iyaguna korortay tiradooda waxa eeyna ka yimaadaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya waxa eeyna dadkaan soo maraan dalka Jabuuti si eey u garaan Gacanka Cadmeed ee dalkaas Yaman ka dibne eey uga sii gudbaan dalka Boqortooyad Sacuudi Carabiya. Afhayeenka (IOM)-ta ee wadamadda Bariga iyo Geeska Afrika Yvonne Ndege oo u waramaysay wakaaladda wararka ee dalka Turkiga Anadolu ayaa sheegtay”in 109-muhaajir eey ka mid ahayeen 17-caruur ah ineey dhinteen amaba lagu la’ayahay nolol iyo geeri,kuwaan ayaa ka yimid wadamadda Bariga iyo Geeska Afrika soona maray dalka Jabuuti sannadkii-2021-kii,waane eey korortay tirada caruurta ku dhimanayso tahriibka marka loo fiiriyo sannaddkii-2020-kii.

ISHA WARKA ANADOLU.

HALKAAN KA SIIA KHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMF-ta OO SOOMALIYA UGU DARTAY 3-BIL.

(NAIROBI-KENYA)-Sida uu qoray Wargayska The East Africa hayadda lacagta adduunka ee loo yaqaano(IMF) ayaa ogolaatay in dib loo dhigo muddo seddex billod ah waqtiga loo qabtay Soomaaliya si caalamku uu dalka Soomaaliya u siiyo kaalmo dhaqaale kana imaanayso dhinacyo fara badan,arrintaan ayaa imaanayso ka dib markii gudi ka socdo IMF-ta uu la kulmay Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

ISHA WARKA THE EAST AFRICA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAYADDA HRW AYAA KA HADASHAY CIIDAMADDA MARAYKANKA EE U SOCDO SOOMAALIYA.

SAWIRKA NIN KA MIDA CIIDAMADDA MARAYKANKA.

(NAIROBI-KENYA)-Isniintii la soo dhaafay(16/5/22)-ka ayey ahayd markii Madaxweynaha Maraykanka Biden uu saxiixay qaraar faraayo in dalka Soomaaliya la geeyo ciidamo Maraykan ah kuwaaso kaalmeyn doono ciidamadda Soomaaliya oo dagaal daba dheeraaday kula jiro kooxda Al-shabaab,hadaba arrinkaan la xiriiro ciidamadda Marayakanka ee loo wado Soomaaliya ayaa waxaa ka hadashay hayadda xuquuqul insaanka ee(HUMAN RIGHTS WATCH) waxa eeyna sheegatay in ciidamadda Maraykanka ee la geynaayo Soomaaliya ineey sameeyaan inta awoodooda ah eey yaren karaan in dhibaato soo gaarto dadka shacabka ah.

ISHA WARKA ANADOLU.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAMAN OO DALAB U GUDBISAY DALKA MARAYKANKA.

SAWIR LAGA SOO QAADAY TICIS.

(YAMAN)-Xukuumadda Yaman ayaa dalka Maraykanka ka codsatay inuu cadaadis saaro kooxda XUUTIYINTA si eey hareereynta uga qaadaan gobolka TICIS ee dhaca koonfur galbeed ee dalkaas Yaman,codsigaan eey gudubsatay Yaman ayaa waxaa gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaman Axmed Cawad Bin Mubaarak kaaso hadda ku sugan dalka Maraykanka halkasne kula kulmay dhigiisa ee dalkaas Maraykanka Antony Blinken gaar ahaan kulanka ayaa waxa uu ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Washington.

ISHA WARKA ANADOLU.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SAWIRQAADE LIIBIYA LAGU LA’AYAHAY.

SAWIRKA SAWIRQAADIHII LA DILAY.

(LIIBIYA)-Xaaskii uu ka geeriyooday sawirqaade fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska kaaso eey dileen ciidamo taabacsan Qadaafi sannadkii-2011-kii ayaa lagu eedeyay dalka Koonfur Afrika ineeysan dhimashada sawirqaadaha u sheegin xaaskiisa taaso ka kaalmeyn lahayd xaaksa ninka la dilay ineey ogaato halka uu ku duugan yahay amaba ka soo heli jirkiisa. Anton Hammerl ayaa lagu dilay dhacdo dhacday bishii Meey-2011-kii sida eey arkaayeen saxafiyiin kale oo ku sugnaay halka uu Hammerl ku dhintay saxafiyiintaas ayaa waxaa ka mid ahaay James Foley kaaso isagana ugu dambayntii la afduubtay loona watay xabsi eey leeyihiin kooxda Daacish kuna yaalo dalka Suuriya. Penny Sakhraj Hammerl ayaa heshay 19/5/2011-kiiwar sheegayo ninkeeda dhintay ka dib markii 44-maalin uu noolaay tan iyo markii la afduubay isaga iyo saxafiyiin kale. Arrintaan waxaa soo kiciyey markii uu dalka K/Afrika xaaskiisa sawirqaadaha u diray baasaboorkiisa sannadkii 2016-kii.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BOQORKA URUDU OO XABSI GURI GELIYEY WALAALKIIS XAMZA.

(CAMAAN-URDUN)-Boqorka dalka Urdun Cabdalla ayaa si guud u sheegay dhibaatadda ka dhex jirta qoyska boqortooyadda ka dib markii uu xabsi guri u diray walaalkiis ku aabaha ah ee Xamza kaaso boqorka Urdun uu ku tilmaamay ninuu yahay nin ku xiran amaba xiriir la leh dawlado shisheeye oo raba in boqortooyada Urdun burburto sidaas waxaa lagu qoray warqad ka soo baxday boqortooyadda maanta oo khamiis ah(19/5/22)-ka. Boqor Cabdalla 2-aad ee dalka Urdun ayaa warqad uu qoray ku sheegay in walaalkiisa Xamza lagu xiro qasrigiisa uu degan yahay lana xadido dhaqdhaqaaqiisa iyo isgaarsiinta uu isticmaalaayo waayo ayuu yiri Xamza waxa uu leeyahay dabeecad isbed bedesha.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAALKI KA DHACAY TRIPOLI SHALAY OO…

(TRIPOLI-LIBYA)-Mid ka mida raga isku haayo xilka Raysal Wasaaraha ee dalkaas Liibiya ayaa maanta oo Arbaca ah(18/5/22)-ka sheegay in xukuumadiisa fadhiisan doonto magaaladda Sirta ka dib markii uu shalay isku dayey inuu soo galo magaaladda Caasimadda ah ee Tripoli balse looga awood roonaaday dagaalki halkaas ka dhacay,RW-C/xamiid oo ah ninka hogaamiyo xukuumadda uu saldhigoodu yahay Tripoli ayaa ah midka caalamku aqoonsan yahay laakinse Fatxi Bashagha ayaa ah nimeey wataan dawladaha Masar iyo Imaaraatka Carabta.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TAHRIIBAYAASHA GAARA YAMAN OO HOOS U DHACAY.

TAHRIBAYAL KA YIMID AFRIKA.

(YAMAN-SANACA)-War eey soo saartay hayadda qaramadda midoobay u qaabilsan muhaajiriinta(IOM) ayey ku sheegtay ineey hoos u dhacday tahriibayaasha ka yimaado qaaradda Afrika una badan Itoobiyan iyo Soomali bilihii Maarso iyo Abriil ee sannadkaan-2022-ka,hayadda ayaa xustay tiradda tahriibayaasha ee soo gaartay dalka Yaman bishii Maarso(5354),Abriil(5212) dhinaca kalane hayadda ayaa xustay ineey jiraan muhaajiriin Itoobiyaan ah oo gaaraayo 150-qofood dib ugu laabteen dalkooda hooyo ayagoo ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Cadan ee koonfurta Yaman todobaadkii hore.Waxa intaas dheer oo eey hayaddu sheegtay ineey jiraan Yamaniyiin isaga soo tegay dalka Sacuudiga kuna soo laabtay dalkooda bilihii la soo dhaafay,tira koob eey sameesaya hayadda (IOM) ayey ku sheegtay marka laga soo bilaabo 1/1/2022-ka ilaa 30/4/22-ka waxaa dalka dalka Yaman tahriib ku yimid dad gaaraayo (24,686)-qofood halka Yamaniyiinta ka soo laabatay Sacuudiga isla taariikhdaas kor ku xusan eey dhan yihiin(23,950)-qofood.

DIYAARIYE/ ABKEEY.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAROONKA DIYAARADAHA SANACA OO FURMAY.

(YAMAN)-Tan iyo markii eey Xuutiyiinta qabsadeen magaaladda caasimadda ah ee Sanca waxaa si fudud u xirmay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaay kana bixi jiray garoonkaas waxa eeyna u wareegeen garoon diyaaradaha ee caasimadda labaad ee dalka Yaman Cadan. Muddo lix sano ka dib,maanta oo Isniin ah(16/5/22)-ka ayaa duulimaadkii ugu horeeyey ka duulay garoonka caalamiga ah ee caasimadda Sanca ee dalka Yaman,duulimaadka maanta ayaa waxaa sameeysay shirkada duulimaadyada dalka Yaman ee AL-YEMENIA,waxayna diyaaradda ka soo duushay garoonka Cadan waxa eeyna Sanca ka sii qaaday rakaab kale oo iyagana ku sii socday dalka Urdun caasimadiisa Camaan,inta badan rakaabka raacay Al-Yemenia maanta ayaa u badan kuwa caafimaad ugu socdo dalkaas Urdun.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXWEYNE KU XIGEENKA MARAYKANKA OO BOQANAYSA….

(ABU DHABI)-Wafdi heer sare ah oo eey hogaaminayso madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris ayaa u ambabaxay dalka Imaaraatka Carabta maanta oo Isniin ah(16/5/22)-ka si eey ugu Tacsiyeeyaan uguna hambalyeeyaan Madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan,wafdigaan ayaa dalka Imaaraatka Carabta kala hadli doono isbedelka Juqraafi ee dhinaca siyaasadda ah uu la yimid dagaalka ka socdo dalka Yukrayn.Tahnoon Bin Zayed Al-Nahyan ahne taliyaha ugu awooda badan dhinaca amniga dalkaas Imaaraatka Carabta ayaa soo dhaweeyey wafdiga Maraykanka eey hogaaminayso Kamala Harris,wafdigaan waxaa ka mida wasiirka arrimaha dibadda Antony BLinken,xoghayaha gaashaandhiga Lloyd Austen,agaasimaha CID-da William Burns iyo wakiilka Cimiladda John Kerry.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBNAAN OO BERRI DOORASHO KA DHECEYSO.

(LIBNAAN)-Dalka Libnaan oo ka mida wadamadda Carabta uu halakeeyey dagaalka u dhexeeyo ururo iska soo horjeedo ayaa lagu wadaa in berrii oo Axad ah(15/5/22)-ka ineey ka dhacdo doorasho xildhibaanadda baarlamaankadalkaas Libnaan oo hadda la daalaa dhacaayo dhaqaale xumi aad u baahsan ,doorashadda berri dheceyso ayaa ah mid looga cabsi in ururka Xisbullaahi hubka looga dhigo taaso qeyb ka ah doorashadda,waxaane maanta dhacay mudaaharaadyo lagu taageerayo ururka Xisbullahi kuwooda ugu waa weyn ayaa waxa ey ka dheceen magaaladda qadiimka ah ee Baalbek waxaane halkaas isugu soo baxay rag,dumar iyo caruur dhammaantood ku wada labisan dhar iyo koofiyo wada Jaala ah una eg calanka ururka Xisbullahi,dadkaan isu soo baxay ayaa waxaa ilaalinaayey maleshiyo aad u hubaysan kana tirsan Xisbullaahi.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHEEKH MAXAMED BIN ZAYED OO NOQDAY MADAXWEYNAHA IMAARAATKA.

(DUBAI)-Madaxda xukunta todobadda dawladood ee isu tegay eey ka kooban tahay Imaaraatka Carabta ee Isu tegay(UAE)ayaa maanta oo Sabti ah(14/5/22)-ka waxa eey madaxweynaha dalkaas u doorteen madax Imaaradda Abu Dhabai Sheekh Maxamed Bin Zayed al-Nahyan,doorashadaan ayaa calaamad u ah laba arrimooda kalana ah:(1)-Midnimadda dalka Imaaraatka carabta.(2)-Deganaashaha dalkaan hodanka ku ah shidaalka eeyna ku sugan yihiin ciidamo reer galbeed ah. Dalacaad Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan oo 60-jir ah ayaa ah mid la filaayey ka dib markii uu shaay oo Jimca ahayd uu geeriyooday walaalkiis Sheekh Khalifa Bin Zayed Al-Nahyan kaaso da’adiisu ahayd 73-jir,waa markii seddexaad eey xukunka isu dhiibayaan Sheekhyadda xukuma dalkaasi Imaaratka Carabt Midoobay(UAE).

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NIN CIRAAQI AH OO MINDI DAD KU WEERARAY.

(BERLIN)-Askeri boolis ah oo aan shaqeyneyn iyo laba qofood oo rakaab ah ayaa lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday Mindi oo ka dhex dhacay Tariin ka shaqeeyo gobolka Herzogenrath ee dalkaas Jarmalka maanta oo Jimaca ah(13/5/22)-ka,weerarka ayaa waxaa geestay sida la sheegay nin u dhashay dalka Ciraaq oo 31-jir ah,ninka geestay weerar oo qabteen ciidamadda booliska ee goblkaas ayaa waxaa hadda ku socdo baaritaan la xiriiro inuu ka tirsan yahay kooxaha xagjirka ah. Ninkaan Ciraaqiga ah ayaa ku nool xarun lagu haayo dadka Qaxootiga ah tan iyo sannadkii 2017-kii,war uu booliska saaray ayaa lagu sheegay in aan weli aqoon sababta keentay in ninkaan geesto werarkaan.

XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QADAR OO LAGU EEDEYEY INEY DHAQAALO SIISO DAACISH.

(USA)-Dalka Qadar oo ah furaha saaxibadda dalka Maraykanka ku leeyahay Gacanka Carbeed ayaa wajahayso kor u kicidd in Qadar ku lug leedahay iney dhaqaale ku taageerto aragagixisada isla markaasne xiriir fican la leedahay,arrintaan ayaa timid ka dib markii ehelka wariye Maraykan ah oo la dilay iyo baaritaano kala duwan eey sameeyeen baarayaal federaal ah ayaa sheegay in qoyska xukuma dalka Qadar qeyb ka yihiin arrintaan taakulaynta aragagixisada. Qoyska wariye Steven Sotloff ayaa dacwad lid ku ah dalka Qadar u gudbiyey maxkamad federaali ah,waxa uuna qoyska Steven ku eedeyey dalka Qadar ineey xiriir la leedahay aragagixisada siisana dhaqaale,qoyska Steven ayaa xusay kooxda DAACISH sheegayne in dalka Qadar siiyey lacag dhan sideed boqol oo kun oo doolar($800,000) lacagtaas ayaa u gacan gashay garsoorihii amray in la dilo Steven Sotloff iyo James Foley oo labaduba ah Maraykan.

XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXWEYNIHII IMAARAATKA OO GEERIYOODAY.

(DUBAI)-Sida eey ku sheegtay war kooban eey saartay wakaaladda wararka u faafiso dalka Imaaraatka(WAM) maanta oo ah Jimco-13/5/22-ka waxaa geeriyooday madaxweynihii dalka Imaaraatka Carabta MidoobaY(UAE) Sheekh Khalifa Bin Zayid Al-Nahyan oo 73-jir ah,Sheekha ayaa la xuunsanaay in muddo ah xanuun kaga dhacay maskaxda kaaso hawlgab ka dhigay qeybo ka mida jirkiisa waana xanuunka loo yaqaano(STROKE). Sheekh Khalifa ayaa ahaay u buddhigihii kororka dhaqaale uu sameeyey dalka Imaaraatka tan iyo markii uu qabtay talada dalkaas sannadkii-2004-tii,horumarkaas dhaqaale uu gaarsiiyey dalkiisa ayaa Sheekh Khalifa loogu magac daray dhismaha ugu dheer adduunka lagana dhisay dalkaas Imaaraatka waxaane dhismahaa la yiraahdaa BURJ KHALIFA.

XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NIN IRAN-SWEDISH AH OO DIL SUGA AH DALKA IRAN.

(DUBAI)-Vida Mehrannia ayaa waxa eey isku dayeysaa sidii eey u badbaadin lahayd nolosha odaygeeda(Axmed). Dalka Iran ayaa waxa uu xadiday waqtiga la dilaayo odayga Vida(Axmed) taaso ah sagaal maalin gudaheeda kuna beega 21/5/22-ka. Dalka Iran ayaa Axmed oo 50-jir ah ku eedeyey inuu basaas u ahaay dalka Israa’iil isaga iyo asaxaabtiisa,Axmed ayaa ah takhtar lagu qadariyo kuna takhasusay cilmiga daawada Musiibooyinka. Vida Mehrannia oo u hadashay wakaaladda wararka AP ayadoo ku sugan caasimadda dalka Sweden Stockholm ayaa sheegtay ineey la soo deristay Riyo cabsi leh kuna saabsan arrinta odaygeeda(Axmed),Vida ayaa dalka Sweden ku haysato laba caruur ah oo eey u dhashay Axmed kalana ah wiil 10-jir ah iyo gabar 19-jir ah kuwaaso aan arag abahood Axmed muddo dhan lix sannadood uu xirnaay.

XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHTRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NIN INGIRIIS AH OO LAGU QABTAY GAROOBKA BAQDAAD.

(BAQDAAD-CIRAAQ)-Nin u dhashay dalka Ingiriiska ayey dawladda Ciraaq ku eedeysay inuu urursaday waxyaabo yar yar oo ah weelashii eey isticmaali jireen dadkii hore sida Dheraga,ninkaan Ingiriiska ah ayaa lagu wadaa inuu ka soo muuqdo maxkamadda todobaadka soo socdo waxaane la filaa in lagu xukumi doono xukun adag oo ah dil sida uu Baqdaad ka sheegay qareenkiisa maanta oo ah Arbaco(11/5/22)-ka. Caalimkaan u dhashay dalka Ingiriiska kuna takhasusay cilmig JIYOOLAJIGA Jim Fitton oo lixdan(60)-jirka ah ayaa lagu qabtay garoonka diyaradaha caalamiga ah ee caasimadda Baqdaad bishii Maarso ee sannadkaan-2022-ka ka dib markii saraakiisha garoonka diyaaradaha ee Baqdaad eey shandadiisa ka heleen qeybo yar oo Dheri qadiim ah lagana soo qaaday halka lagu keeydiyo waxyaabaha taariikhiga ah ee dalkaas Ciraaq kuna taalo koonfurta dalkaas Ciraaq.

XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GEN.XAFTAR-KA LIIBIYA OO LAGU DHEGAN YAHAY.

(ALEXKANDARIA-VIRGINIA)-Taliye ciidan oo reer liibiya ah muddo sannada ahne ku noolaay waqooyiga gobolka Viginia ee dalkaas Maraykanka ayaan ka soo muuqan/maqnaaday maxkamadda maalintii Isniinta ahayd(9/5/22)-ka si go’aan looga gaaro kiisa loo haysto ee ah Dembiile Dagaal(War Crime).Generaalka hawlgabka ah ee reer liibiya Gen.Xaftar ayey ahayd inuu ka soo hor muuqdo cadaaladda si wax looga weydiiyo kaalinta uu ku lahaay muuqaalo laga dawaaday Video soconaay waqti dhan todobo saac lana doonaayey in la tusiyo Gen.Xaftar,Video-gaan ayaa Gen.Xaftar la xiriirinaayo inuu isaga qeyb ka haay dil iyo jirdil loo gaystay dad shacab ah una dhashay dalka Liibiya oo uu Aafeyey dagalka sokeeye ee socday muddo ka badan toban sano.

XIGASHO AP.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHAREEN ABU AKLEH OO LA TOOGTAY.

(FALASTIIN)-Shareen Abu Akleh oo ah saxafiyadda u dhalatay Falastiin balse haysata dhalashadda dalka Maraykanka ayaa maanta oo Arbaca ah(11/5/22)-ka ciidamadda Israa’iil ku toogteen Daanta Galbeed ee Gaza dhulka Falastiin,saxafiyadaan la toogtay ayaa ahayd mid in mudda ah u soo shaqeynaysay Tv-ga caalamiga ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Afka Carabiga,waxa kaloo Shareen eey u shaqeynaysay Idaacad laga leeyahay dalka Faransiiska ee la yiraahdo Monte Carlo qeybta Afka carabiga,Shareen oo ahayd saxafiyadda ruug cadaa ah in mudda ah ka soo warami jirtay dhulka reer Falastiin ee yuhuudu xooga ku degan tahay ayaa ugu dambayntii maanta ku baxda gacanta ciidamadda Israa’iil,safiirka Maraykanka ee Israa’iil ayaa codsaday in dilka Shareen lagu sameeyo baaritaan madax banaan si dhaqsi ah,falkaan ayaa waxaa cambaareeyey maamulka sare ee warbaahinta Al-Jazeera oo eey ka tirsaneed Sharee Abu Akleh.

XIGASHO ANADOLU.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WADA HADALO U FURMAAYO KOOXAHA ISKU HAAYO SUUDAAN.

(SUUDAAN)-Todobaadkaan ayaa lagu wadaa ineey dib u furmaan wada hadaladii u dhexeeyey ciidamadda xooga ku qabsaday dalka Suudaan iyo xukuumadda Rayidka ah,wada hadaladaan ayaa waxaa garwadeen ka ah Qaramada Midoobay(UN),duruufaha ka jiro dalka Suudaan oo aan ogolaaneyn in si fool ka fool ah la isu soo hor fadhiisiyo qeybaha isku haayo dalkaas Suudaan ayey wada hadaladu noqon doonaan kuwa aan toos ahayn waxaane u kala dab qaadi doonto Qaramadda Midoobay(UN).

XIGASHO ARABIC-21.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Read More