MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAY….
(USA)-Dalka Maraykanka ayaa cunaqabateen waxa ku soo rogay shabakad Maaliyadeed u fududeeyso kooxda Daacish ineey hesho dhaqaale balaaran waane sababta keentay in dalka Maraykanka saaro cunaqabteynta si looga jaro kooxda Daacish dhaqaalaha soo gelaayo lana joojiyo askareynta caruurta yar yar.Warka eey soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka waaxda la dagaalanka aragagixisadda shalay oo Isniin ahayd(9/5/22)-ka ayey ku eedeysay shan qofood oo kaalmo u fidiyo kooxda Daacish kuwaaso ku kala sugan dalalka Indonisiya,Turkiga iyo Suuriya,shantaan qofood ayaa kooxda Daacish u dabiro gudbinta lacagta,askaraynta dagaalyahano u dagaalamo iyo safarka madaxda kooxda Daacish,shantaan qofood ee uu Maraykanku saaray cunqabataynta ayaa la sheegin magacyadooda iyo jinsiyadahooda.
XIGASHO MEMO.
HANTIDA UU HAYSTO QOYSKA BASHAAR ASAD OO LA OGAADAY.
(WASHINGTON)-Madaxweynaha Suuriya Bashaar Asad iyo qoyskiisa ayaa la sheegay ineey heystaan lacag dhan $ 1-2-bilyan oo doolarka Maraykanka ah waxaa sidaas sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Maraykanka.Warbixinta eey soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Maraykanka eyna la wadaagtay koongareeska dalkaasi ayaa ah mid uun ku kooban qiyaasta uu haysto qoyska Bashaar Asad.Lacagta uu haysto qoyska Asad ayaa la sheegay ineey ka soo gashay suuqa madaw,ka ganacsiga hubka iyo daeroogada iyo waxyaabo kale.
XIGASHO ANADOLU
IMAARAATKA OO LAGA SII DAAYEY TAKHTAR REER LIBNAAN AH.
(DUBAI)-Dalka Imaaraatka Carabta ayaa maanta oo ah Khamiis(28/4/22)-ka xabsiga ka sii daayey takhtar u dhashay dalka Libnaan lana yiraahdo Dr.Richard Kharrat,takhtarkaan ayaa imaaraatka u xirnaay muddo dhan seddex todobaad isagoo wax maxkamada la keenin lana shaacin xirigiisa ,Takhatarka ayaa ku eedeysnaay inuu bartiisa Twitter-ka ku qoray erayo lid ku ah xukuumadda Imaaraatka Carabta,arrintaan sii deynta takhatarka reer Libnaan ayaa timid ka dib markii dad reer Libnaan ah ka baafinyeen baraha bulshada in Takhtarka la la’ayahay in muddo ah ee dalka Imaaraatka ma uusan rabin inuu ka hadlo xiridda Takhtarka reer Libnaan.
XIGASHO AP
DAGAAL KA QARXAY DAAR FUUR.
(DAAR-FUUR)-Maleeshiyaadka Janjaweed ayaa lagu eedeeyey ineey galbeed Daar-Fuur ka geysten weeraro eey ku dhinteen dad dhan 200-qofood,dagaalka Daar-Fuur ayaa ah mid soo bilawday sannadkii 2003-dii waxa uuna dagaalka dib u bilawday bilihii la soo dhaafay,jimcihii la soo dhaafay waxaa la dilay 8-qofood halka maalintii Axada ahayd la dilay dad garaayo ilaa 200-qofood dadkaan ayaa badankooda lagu dilay magaaladda KREINIK.
XIGASHO THE GUARDIAN.
BOQORKA URDUN ADERKIIS UU XUKUN KU DHACAY.
(URDUN)-Waliid Kurdi oo ah adeerka Boqorka dalka Urdun Boqor Cabdallah ayaa maanta oo Arbaca ah(27/4/22)-ka maxkamad ku xukuntay xabsi adag oo dhan toban iyo sideed(18)-sano iyo ganaax dhan 268-milyan oo doolarka Maraykanka ah.Waliid ayaa ah 77-jir eeyna u dhaxday Boqor Cabdallah Habar Yartiis Basma Bint Talal,Waliid ayaa la xukumay isagoo dalka ka maqan,waxa uuna Waliid ahaay madaxa shirkad eey leedahay dawladda Urdun lana yirahdo(JPMC). Sannadkii 2013-kii Waliid kurdi ayaa maxkamad ku xukuntay 37-sano oo xarig adag ah iyo ganaax dhan 378.8-milyan oo doolarka Maraykanka ah isagoo musaafiris ku joogo magaaladda London ee dalka Ingiriiska waxaane la hakiyey dhammaan lacagihii u yiilay dalka Urdun.
XIGASHO MIDDLE EAST EYE.
DAGAAL KA DHACAY DALKA LIIBIYA.
(ZAWIYAH-LIBYA)-Dagaal u dhexeeyo laba maleeshiyo oo ka wada tirsan ciidamadda dalka Liibiya ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Zawiyah,dagaalkan ayaa burburiyey goobo shidaalka dalkaas Liibiya lagu keeydiyo laguna sifeeyo sidaas waxaa sheegtay shirkada dalka Liibiya u qaabilsan shidaalka.Maleeshiyadkaan ka wada tirsan ciidamadda dawladda Liibiya ayaa waxa eey hoos tagaan xukuumadda Raysal Wasaare Cadulxamid Dabiib oo ah garab ka mida garabyada isku haayo siyaasadda dalkaas.
XIGASHO AP.
WIIL SOOMAALI AH OO LAGU MAXKAMADEYNAAYO JARMALKA.
(WUERZBERG-GERMANY)-Shalay oo Jimca ahayd(22/4/22)-ka aya waxaa dalka Jarmalka ka bilaabatay dacwad lagu qaadayo wiil ka soo jeedo dalka soomaaliya,wiilkaan ayaa la yirahdaa C/raxmaan j waxa uuna ka soo muuqday maxkamadda magaladda Wuerzburg ee gobolka Vietshoechheim. C/raxmaan ayaa waxa uu mindi ku dilay seddex(3)- qofood waxa uuna ku dhaawacay kow iyo tonab(11)- kale,weeraka ayaa dhacay bishii juun ee sannadkii hore 2021-kii,baarayaasha dembiga C/raxmaan ayaa rumaysan in C/raxmaan uu ka xanuunsanaay dhimirka waqtiga uu fulinaayey werarka uu adeegsaday mindida.
XIGASHO REUTERS.
DEEQ LA GAARSIINAAYO DAKLA YAMAN.
(YAMAN)-Maraykanka iyo Ururka Bisha Cas ee caalamiga ah(ICRC)-da ayaa ka wada hadlay sidii eey u kordhin lahaayeen kaalmada bani’aadanimo ee la siiyo dalka Yaman ee uu halakeeyey dagaalka inta eey jirto xabad joojintaan laba bil jirsatay eey garwadeenka ka tahay qaramada midoobay.
War eey soo saaratay wasaaradda arrimaha dibadada Maraykanka manta oo Sabti ah(23/4/22)-ka ayey ku sheegtay in wakiilka Maraykanka u qaabilsan dalka Yaman Tim Lenderking iyo madax ururka laanqeerta cas Peter Maurer eey si wada jir ah u go’aamiyeen in laga faa’iidaysto fursada jirto lana kordhiyo mucaawinadda lagaarsiinaayo shacabka reer Yaman inta eey jirto xabad joojintaan.
GIXASHO ANADOLU.
SABABTA DHABTA AH EE $2-MILYAN UU MAXAMED BIN SALAMAAN U SIYEY KUSHNER.
(SAUDI ARABIA)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaa weli ka socdo dagaal siyaasadeed u dhexeeyo raga iska leh dhaxaltooyadda dalkaas,dagaalka ugu culus ayuu hadda u dhexeeyaa Maxamed Bin Salmaan iyo Ibn Naa’if,waxaane soo baxay siro aad u fara badan uu lug leeyahay la taliyihii madaxweynihii hore ee dalka Marayakanka Trump ahne wiilka eey u dhaxdo Ivan Trump waa Mr.Kushner.Waxaa horay dalka Sacuudiga uga baxsaday madaxii sirdoonka ee dalkaas Sacuudiga Jabir oo hadda ku nool dalka Kanada balse caruurtiisa eey weli jiraan Sacuudiga,hadaba wargays ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa wax ka qoray lugta uu Kushner ku leeyahay dagaalka u dhexeeyo raga leh dhaxaltooyaga dalka Sacuudig.
XIGASHO:VICKY WARD INVESTIGATE
MAXKAMADA SARE EE CIIDAMADA MASAR OO RIDAY…
(MASAR)-Maxkamadda sare ee ciidamadda dalka Masar ayaa ayiday(ku racday) xukunkii horay loogu riday hogaamiyaha Ikhwaan Muslimiinka dalka Masar Maxamed Badiic iyo qaar kaloo ka mida hogaanka Ikhwaanka dalka Masar xukunkaas ayaa ahaay mid xabsi daa’in ah,dadkaan la xukumay ayaa ku eedeysan qadiyadda dalka Masar looga yaqaano”Dhacdadii saldhiga Booliska taaladda Carabta”ee magaaladda Boor Siciid waane xukun kama dambays ah aan laga qaadan karin racfaan.Dadka lagu xukumay xabsi daa’inka ayaa kala ah Maxamed Badiic,Maxamed Albaltaji iyo Safwat Xijaazi waxaa kaloo jira rag kale oo iyagana lagu xukumay min 15-sano oo xabsi ah waxaane ka mida Cabdall Alxijazi,C/raxmaan Caadhif, Maxamed Sacda Aldiin,Abubakar Jabir iyo Caadil Alsayid waxaa isne sedex sano oo xabsi ah lagu xukumay Xisaam Maxamed.Dacwada dadkaan loo haysto ayaa tirsigeedu yahay 367-sannadkii 2014-kii dembiyada ayaa ka dhacay Boor Saciid waxaane dadkaan lagu tuhmaa ineey geesteen dil iyo gacan ka hadal aad u xun bishii Agoos sannadkii 2013-kii waxa eeyna maxkamadda sii daysay ka dib markii dembi lagu waayey dad dhan 59-qofood. 15/8/2015-kii ayey maxkamadda qaada dembiyadda ee Boor Saciid xukuntay in xabsi daa’in ah lagu xukumo Maxamed Badiic,Maxamed Baltaji,Safwat Xijaazi iyo 16-kale aan joogin maxkamada,waxayna maxkamadda 10-sano oo xukun adag ah ku xukuntay 28-maxbuus,68-maxbuusne waxay ka sii daysay xabsiga ka dib markii dembigii loo haystay lagu waayey.
XIGASHO ARABIC21.
QARAXYO MATAANA AH OO KA DHACAY CIRAAQ.
(DIYALA)-Dalka Ciraaq kana mida dalalka eey dhibaatada ba’an ku haayaan kooxaha Daacish/Alqaacida ayaa waxaa maanta ka dhacay laba qarax oo mataana ah,qaraxyadaan ayaa waxaa lagu dilay seddex ka tirsan dagaalyahanada Xashdi Alshacbi ee taagersan dawladda Ciraaq waxaane lagu dhaawacay sideed qofood oo kale eey ka mid yihiin shan qofood oo shacab ah. Weerarka ayaa waxaa qaaday kooxda Daacish oo waxa eey weerareen bar koontarool eey ku sugnayeen Xashdi Alshacbi kuna tiilay mandiqadda la yirahdo KasHkuul ee gobolka Diyala.
XIGASHO ANADOLU.
MADAXWEYNIHI YAMAN OO LA GELIYEY XABSI GURI.
(RIYAAD)-Dalka boqortooyadda Sacuudiga ayaa ku qasabtay inuu xilka isaga dego madaxweynaha Yaman C/rabu Mansuur Haadi sida uu qoray wargayska Wall STREET JOURNAL warkaan ayaa laga soo xigtay masuuliyiin u dhalatay dalka Sacuudiga.Madaxweyne Haadi ayaa laga saaray xafiiskii uu ku lahaay Riyaad casimadda Sacuudiga waxaane la geliyey xabsi guri,waxaane todobaadkii labaad maraayo wada hadaladii u dhexeyey siyaasiyiinta reer Yaman,waxaa jirta in Maxadweyne Haadi lagu qasbay inuu wareejiyo awooda kuna wareejiyo gole laga soo kala xulay siyaasiyiin ka soo kala jeedo goboladda dalkaas Yaman.
XIGASHO MIDDLE EAST EYE.
SAGAAL GARSOORE OO LAGU XIRAY SACUUDIGA.
(RIYAAD)-Wararka ka imaanayo dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegaayo in dalkaas lagu xiray sagaal garsoore kana tirsanaay maxkamadaha dalkaas Sacuudiga,garsoorayaashaan ayaa ku eedaysan ineey sameeyeen khiyaano qaran sidaas waxaa sheegay urur la magac baxay DEMOCRACY FOR THE ARAB WORLD NOW(DAWN).Garsoorayaasha xabsiga loo taxaabay ayaa ka kala tirsan seddexmaxkamadood seddex(3)-Maxkamada qaada dembiyadda argagixisada,seddex(3)-Maxakamadda Racfaanka iyo seddex(3)-Maxkamadda Sare,garsoorayasahaan ayaa galay dembiyo lid ku ah xuquuqda bani’aadamka waxa eeyna qariyeen ku xadgudubka xuquuqda bani’aadamka ee ka jirta Sacuudiga,tusaale ahaan garsoore khaalid Al-luheydi waa garsoorihii bixiyey amarkii lagu soo xiray hawwenidii u dhaqdhaqaaqeysay xuquuqda aadanaha Lujeeyn Al-hatluul,waxaa kaloo ka mida garsoore Cabdulcasiis Al-Jabri oo ahay garsoorihii bixiyey amarkii lagu toogtay sideetan iyo kow(81)-qofood bishii hore ee Maarso/22-ka waxaane soo xiridda garsoorayaasha fuliyey ciidamadda amaanka ee ka hawlgala maxkamadaha eey ka shaqeynaayeen garsoorayaasha xabsiga loo taxaabay.
XIGASHO:MIDDLE EAST EYE.
MIDAWGA AFRIKA OO SOOMALIYA U SOO DIRAAYO…
(KENYA)-Sida uu qoray maanta oo Sabti ah(16/4/22)-ka wargayska THE EAST AFRICA kana soo baxa dalka Kenya Ururka Midawga Afrika(AU) ayaa la filaa inuu soo magacaabo safiirkii u fadhi lahaay Soomaliya ka dib markii dalka laga eryey safiirkii hore Madeira(Mosambiig),Mr.Madeira ayaa lagu eedeyey inuu aflagaado iyo hawlo ka baxsan shaqdiisa faraha la galay waxaane cadeeyn ahaan looga helay cod sir ah oo laga soo duubay,si sharaftiisa dibloomaasiyadeeda loogu ilaaliyo Mr.Madeira shaqada kama ceyrin Ururka Midawga Afrika taas bedelkeedana ururka ayaa Mr.Madeira ka codsaday inuu soo gudbiyo shaqo ka tegidiisa maalmaha inagu soo aadan.
XIGASHO:THE EAST AFRICA.
DOON SIDAY TAHRIIBAYAAL OO KU DEGTAY LIIBIYA.
(LIIBIYA)-Dalka oo dhaca Waqooyiga qaaradda Afrika ayaa marin u ah dadka u tahriiba qaaradda Yurub ayagoo marka hora gala dalka Talyaaniga ka dibne uga sii gudba wada kale ee reer Yurub,hadaba mid ka mida doomaha qaada dadka tahriibaayo kana sameeysned alwaax ayaa ku degtay degmada Sabraat ee dhacda koonfurta dalka Liibiya maalintii shalay oo Jimca ahayd sida eey sheegtay hayada qaramada midoobay u qaabilsan muhaajiriinta,muhaajiriintaan ayaa la rumaysan yahay ineey yihiin kuwa ka soo jeedo qaaradda Afrika.Hayadda caalamiga ee muhaajiriinta(IOM) ayaa sheegtay in la helay meydadka dad dhan lix(6)-qofood la la’ayahayne sagaal iyo labaatan(29)-kale balse la rumaysan yahay ineey dhinteen welina aan la helin meydadkooda.
XIGASHO:THE GUARDIAN.
QARAX XOOGAN OO KA DHACAY DALKA LIBNAAN.
(SIDON-LIBNAN)-Wararka ka imaanaayo dalka Libnaan ayaa sheegaayo in halkaas uu ka dhacay qarax aad u weyn welina aan la sheegin waxa sababay,qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof waxaane ku dhaawacmay todobo kale,qaraxaan ayaa la soo wariyey inuu ka dhacay meel u dhaw Sidon kuna taalo Koonfurta dalka libnaan sida eey soo wariyeen warbahinada maxaliga ah.Tv-ga Alcarabiya qeybtiisa Afka Carabiga kana hadlay qaraxa ayaa sheegay in qarax ka dhacay dalka Libnan inuu ka dhacay goob u dhaw xafiiska dhaqdhaqaaqa shiicadda ee Amal.
XIGASHO:ANADOLU.
DALKA SUUDAAN OO KU HANJABAY…
(KHARTUUM)-Tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Cumara Xasan Al-Bashiir sannadkii 2019-kii dalka waxa uu galay fawdo eey ku dhinteen dad fara badan oo qeyb ka ahaay rididii Cumar Al-bashiir waxa uuna dalka Suudaan yeeshay dawlada rayid uu hogaaminaayey RW-Cabdalla Xamduuk balse dawladdas ma eeysan sii shaqeyn waayo waxaa ka hor yimid ciidamadda uu hogaaminaayey Gen.Burhani kaa soo diiday in dalka Suudaan dhawr sano ka dib eey ka dhacdo doorasho xor ah qof kastana uu ka qeyb qaato,arrintaan waxa eey keentay in Qaramada Midoobay soo farageliso arrimaha dalka Suudaan una soo dirto wakiil ka socdo xoghayaha guud ee qaramadda midoobay Gutares wakiilkaas oo la yiraahdo Volker Perthes una dhashay dalka Jarmal ayey hadda waxa eey is qabteen hogaamiyaha ciidamadda xooga ku haysta dalka Suudaan Burhani waxaane Mr.Volker loogu hanjabay in dalka Suudaan laga eryi doono haddii uusan faraha kala bixin faragelinta qayaxan uu ku haayo arrimaha dalka Suudaan.Mr.Volker ayaa waxaa dalka Suudaan loo soo magacaabay bishii Janaayo sannadkii 2021-kii waxa uuna Volker madax ka yahay hawlgalka qaramada midoobay ee dalka Suudaan ee loo yaqaano(UNITAMS).
SUUQBACAAD MEDIA.
DHISMO KU DUMAY DALKA YAMAN.
Tan iyo markii uu bilawday kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta sannadkii-2011-kii Yaman waxa eey ka mid ahayd dalalkii uu saameeyey kacdoonkaas waxa uuna isu bedelay dagaal eey ka dambeeyaan gacmo shisheeye welina ka socdo dalkaas,xaaladda nololeed ee dadka yaman ayaa mid aad u liidata waxa eey la daalaa dhacayaan cunti xumi baahsan iyo macluul gaartay heerkii ugu xumeed.Dadkii ka cararay dagaaladda ka socdo waqooyiga Yaman ee nabad u doontay goboladda koonfureed ayey shalay ku habsatay musiibo xag alle kaga timid waxaane ku soo dumay dhismo eey deganaayeen dad ka soo barakacay goboladda waqooyi ee Yaman dhismaha dumay ayaa waxa uu ku yiilay degmada Khoor-Maksar ee magaaladda Cadan ee hadda saldhiga u ah xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo madaxweyne C/rabu Manuur Haadi,dhismaha ayaa Cadan looga yaqaanaa”Roweyshaan” waane magaca ninkii iska lahaay dhismaha shalay dumay balse dhismaha oo ka koobnaay todobo dabaq ayaa waxaa bililiqeystay todobo sarkaal oo reer koofur ah,qaar ka mida dhismaha waa la iibsaday qaar kalane waa ijaarnaayeen oo waxaa lacag ka qaadan jiray ragii bililiqeystay.Dhismaha dumay ayaa la soo sheegaa ineeysan jirin cid ku dhimatay bale waxaa jiro dad dhaawac ah oo garaayo ilaa 21-qofood una badan dad da’a ah iyo caruur kuwaaso dhammaantood loola cararay isbitaaladda magaaladda Cadan.
XUUTIYIINTA OO AFDUUBAY MARKAB SITAY CALANKA IMAARAATKA.
(REUTERS):Sida eey ku soo warantay wakaaladda wararka ee Reuters maanta oo Isniin ah(3/1/2022)-ka,kooxda Xuutiyiinta dalka Yaman ee gacan saarka la leh dalka Iraan ayaa waxay afduubeen markab laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta kaaso maraayey biyaha badda cas una dhaw marinka Baab Al-Mandab,Xuutiyiinta ayaa sheegay in markabka eey gacanta ku dhigeen uu weday saanad hub ah iyo baabuurta dagaalka halka eey xulafadu la dagaalayso Xuutiyiinta dhinacooda ka sheegeen in markabku weday qalab caafimaad oo loogu talgalay isbitaal ku yaalo Jaziiradda Suqatra ee dalka Yaman,weerarka lagu afduubay Markabka wata calanka Imaaraatka ayaa waxa uu dhacay waqti dambe habeenkii Axada ee la soo dhaafay.ISHA REUTERS
XABSIGA DHEXE EE MAGAALADDA CADAN-YAMAN.
(YAMAN):Hudda Al-suruuri,waa Yamaniyad ah Qareen kana hawlgasha magaaladda Cadan ee dalka Yaman,Hudda ayaa waxa eey ururin jirtay wararka la xiriiro dadka la la’ayahay nolol iyo geeri,kuwa ku jiro xabsiyadda ee aan la soo taagin maxkamad,waxay kaloo Hudda la fariisan jirtay eheladda dhibanayaasha u ah xoogaga isku isku haayo dagaalka dalka Yaman ee kala ah Xuutiyiinta,Dawladda la aqoonsan yahay ee Yaman iyo maamulka reer Koonfureedka,waxaane Hudda u suuratagashay ineey hesho macluumaad badan kuna saabsan dawladaha lugta ku leh ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ee dalka Yaman,hadaba Hudda ayaa waxaa wareysi la yeeshay wargayska THE INTERCEPT waxa uuna wargaysku soo bandhigay waxyaabo fara badan kana qarsoonaay caalamka kuwaaso sababi kara in dawlado iyo shaqsiyaad masuuliyiin ah la hor geeyo maxakamadda qaada dembiyadda ka dhanka ah xuquuqda aadanaha(ICC)-da.ISHA INTERCEPT.