Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DHACDOOYINKI UGU WAA WEYNAAY DALKA YAMAN.

(YAMAN):Dalka Yaman waxa uu ka mid yahay wadamadda la deriska ah dalka soomaaliya dhinaca badda,dalka Yaman ayaa waxaa aafeeyey dagaal aan u muuqan inuu leeyahay dhammaad waayo kooxaha isku haayo dagaalka Yaman ayaa ku kala duwan waxyaabo fara badan oo la xiriiro xukunka dalkaas,tusaale ahaan Xuutiyiinta waxa eey gacan saar askeri iyo mid siyaasdeed la leeyihiin dalka Iraan oo shiica ah halka xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yaman eey gacan saar la leedahay wadamo sunni ah uuna hor kacaayo dalka Boqortooyada Sacuudiga iyo dawladaha daneeyo gacanka ee u badan reer galbeed aan arki karin Iraaniyiinta,arrintaas jirto darteed ayaa dalka Yaman sannadkii la soo dhaafay ee 2021-ka waxaa ka dhacay dhacdooyin aad u xanuun badan eey ku naf waayeen dad fara badan oo aan waxba galabsan,hadaba wargayska Al-Ayyam kana soo baxa dalka Yaman gaar ahaan magaaladda Cadan ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee xukuumadda Yaman ayaa waxa uu soo koobay dhacdooyinkii ugu waaweynaay ee ka dhacay dalka Yaman sannadkii 2021-ka.ISHA AL-AYYAM.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR:GABARTI SHEEKH QARADAAWI OO LA SII DAAYEY.

(MASAR):Dawladda Masar ayaa shalay oo Jimca ahayd(31/12/2021)-ka waxa eey sii daysay Cula’a Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi oo ah gabar uu dhalay sheekha caanka ee reer Masar Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi ee hadda saldhigiisu yahay dalka Qadar,Cula’a ayaa dawladda Masar waxa eey u xirneed muddo dhan afar(4)-sano ayadoo aan la horkeenin wax maxkamada.Cula’a iyo seygeeda Xasaan Khalaf ayey xukuumadda Masar xabsiga u taxaabtay 30/6/2017-kii wax yar ka dib markii eey xukuumada Masar ku biirtay wadamaddii cunaqabataynta saaray dalka Qadar ee kala ahaay”Imaaraatka,Sacuudiga iyo Baxrayn”,waxaane qoyskaan lagu eedeyey ineey xiriir la leeyihiin kooxda Ikhwaan Al-muslimiin oo dalka Masar u aqoonsan yahay koox argagixisa ah.ISHA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA BADDA MARAYKANKA OO QABTAY MAANDOORIYE DHAN-385KGS.

(BAXRAYN):Ciidamadda badda ee dalka Maraykanka kuna sugan badda carbeed ayaa shalay oo khamiis ahayd(30/12/2021)-ka sheegay ineey qabteen dooni kallumaysi uu saaran yahay maandooroyaha ‘Heroin”,maandooriyahaan la qabtay ayaa miisankiisa lagu sheegay inuu dhan yahay seddex boqol iyo sideetan iyo shan(385)-kiilogaraam,ciidamadda qabtay doonidaan kalluumaysi ee uu saarnaay maandooriyaha HEROIN ayaa isticmaalay maraakiibta dagaalka ee kala ah USS TEMPEST(PC2) iyo USS TYPHOON(PC5),shaqaalihii la socday doonida la qabtay ayaa sheegay ineey u dhasheen dalka Iraan.ISHA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMAD DIIDAY DACWADII BIN SALMAAN.

(SACUUDI CARABIYA):Maxkamadda ku taalo dalka Maraykanka ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay dacwadii loo haystay madaxii hore ee sirdoonka dalka Boqortooyadda Sacuudiga Sacad Al-Jabri,dacwadaan ayaa waxaa Sacad ka gudbiyey dhaxal sugaha dalka Boqortooyadda Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.Shalay oo khamiis ahayd(30/12/2021)-ka ayaa garsoore Maraykan ah oo gacanta ku haayey dacwadda ku saabsaneeyd in Sacad lunsaday lacag eey leedahay hayad dawladeed lana yiraahdo Sakab,sheegay in xukumada Maraykanka sii deyn warqadda dacwada ee loo gudbiyey.ISHA MEE

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAACISH OO SHEEGATAY DILKII…..

(SUURIYA):Kooxda Daacish(ISIS) kana dagaalanta dalka Suuriya ayaa sheegatay masuuliyadda dilkii loo gaystay hogaamiyaha xoogaga Dimoqaraadiga Suuriya Adham Dabaash Al-Cabsi magaaladda Dhaban ee bariga gobolka Diira-azoor kuna taalo bariga dalkaas Suuriya.Xoogaga dimoqaraadiga Suuriya(SDF) ayaan bixin wax faahfaahin dilkaan loo gaystay hogaamiyahoodii maalintii Isniinta ahayd ee ina soo dhaaftay.ISHA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARAATKA OO DALKEEDA KA MAMNUUCDAY DALALKA..

(DUBAI):Dalka Imaaraatka Carabta ee Midoobay(UAE) ayaa joojiyey dhammaan duulimaadyadda ka imaanaayo dalal ka mida wadamadda qaaradda afrika sida”ITOOBIY,TANSAANIYA,NAYJEERIYA IYO KENYA”sabab la xiriirto cudurka Covid-19 marka laga bilaabo maalintii shalay oo ahayd Sabti(25/12/2021)-ka sida eey ku warantay wakaaladda wararka u faafiso dalkaas Imaaraatka ee WAM.Sidoo kale,go’aanka uu gaaray dalka Imaaraatka carabta ee uu ku joojinaayo musaafiriinta u dhalatay afarta dal ee aan soo sheegay ayaa u baahnaan doono in la geliyo karantiil muddo dhan afar iyo toban(14)- maalmood haddii eey ku yimaadaan diyaarado kale,warka ayaa intaas waxa uu ku deraa ineey sii socon doonaan duulimaadyada u dhexeeyo Imaaraatka iyo afartaas dal.Muwadiniinta u dhalatay dalka Imaaraatka Carabta kana imaanaayo afartaas dal ayaa looga baahan yahay ineey keenaan shahaadada cadaynayso ineeysan qabin cudurka Covid-19 afartan iyo sideed(48)-saac ka hor inteeysan u soo duulin dalka Imaaraatka Carabta.ISHA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MEYDAD LAGA HELAY XEEBAHA LIIBIYA.

(LIIBIYA):Meydad ka badan laba iyo toban qofood oo muhaajiriin ah una socday qaaradda Yurub kuna dhintay badda Midtereeniyanka ayaa shalay oo sabti ahayd laga helay xeebaha dalka Liibiya.Dalka LIIBIYA ayaa ah halka eey ka tahriibaan dad badan oo u dhashay wadamadda qaaradda Afrika ayagoo baadi goob ugu jiro sidii eey u heli lahaayeen nolol u dhaanta mida ka jirto dalalkooda.ISHA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TIRADA DADKA IS DILA OO KU BADATAY CIRAAQ.

(CIRAAQ):Dadka is dila ayaa dalka Ciraaq waxa eey ka noqdeen sida muujadaha biyaha sannadkaan-2021-ka,waxaane dalkaas Ciraaq isku dishay in ka badan todobo boqol(700)-qofood sida eey sheegtay xukuumadda Ciraaq maanta oo ah Sabti(25/12/2021)-ka.Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha dalka Ciraaq Khaalid Al-Muhanna ayaa sheegay ineey gudaha dalka Ciraaq isku dileen dad gaaraayo todobo boqol iyo todobaatan iyo labo(772)-qofood sannadkaan 2021-ka halka sannadkii 2020-kii eey gudaha dalka Ciraaq isku dileen dad garaayo lix boqol iyo lixdan iyo seddex(663)-qofood.Sannadkaan 2021-ka gudaha dalka ciraaq waxaa isku dilay dad u badan dhallinyaro da’adooduna eey ka yar tahay labaatan jiro oo tiradood waxa eey gaartay(36.6%),tirada dadka isu dilay gudaha dalka Ciraaq sannadkaan 2021-ka ayaa (55.9%) waxa eey yihiin rag halka (44.1%) eey yihiin dumar.ISAH AA.

HALKANA KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAA’IIL OO SHEEGTAY TIRADA MUHAAJIRIINTA DALKEEDA-2021-KA.

(ISRAA’IIL):Wasiirka socdaalka ee Israa’iil ayaa shalay oo khamiis ahayd(23/12/2021)-ka sheegay in tiradda muhaajiriinta cusub dhan tahay 27,050-qofood kuwaaso soo gaaray Israa’iil sannadka 2021-ka,warbixinta ayaa sheegayso in muhaajiriinta soo gaartay Israa’iil korortay boqolkiiba sodon(30%) marka la barbardhigo sannadkii hore ee 2020-kii.

Sida ku cad macluumaadka uu bixiyey wasiirka socdaalka ee Israa’iil tirada muhjiriinta ee la soo sheegay waxaa ka mida 4000-muhaajiriin oo ka timid dalka Maraykanka,waana tiradii ugu badnayd oo muhaajiriina kana timaado dalka Maraykanka tan iyo sannadkii 1973-dii,sidoo kale macluumaadka uu bixiyey wasiirka ayaa waxaa ka mida in 3500-muhaajiriin ka yimaadeen dalka Faransiiska,Ruushkana eey ka yimaadeen 7500-muhaajiriin,waxaa(10%) kordhay tirada muhaajiriinta ka imaanayso Ruushka marka loo fiiriyo sannadkii 2020-kii,3000-muhaajir waxa eey ka timid dalka Ukrayn halka 1636-muhaajir eey ka yimaadeen dalka Itoobiya. ISHA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FINLAND:BADEECADDA ISRAA’IIL OO LA….

(FINLAND):Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka dalka Finland(VERONIKA HONKASALO) ayaa soo jeedisay in la mamnuuco keenidda badeecadda lagu soo sameeyo dhulka eey Israa’iil xooga ku degan tahay ee reer Falastiin loona soo iib geeyo dalka Finland.Xildhibaanada ayaa sheegtay in dhulka lagu soo sameeyo badeecadaan yahay mid lagu haysto xoog eeyna sharci darro tahay in lagu iibiyo dalka Finland.ISHA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DOORASHADDA LIIBIYA OO DIB U DHACDAY.

(LIIBIYA):Dhawrkii sano ee la soo dhaafay waxa eey dhibaato ka taagneed dalka Liibiya cidda hogaankiisa qabanayso waxaane dalkaas taladiisa haayey sannadadii ugu dambeeyey dawlad ku meel gaar ah uu caalamku aqoonsan yahay,dawladaas ku meel gaarka ah ayaa looga fadhiyey ineey dalka Liibiya gaarsiiso doorasho loo wada tartami karo.Sida la wada ogsoon yahay dalka Liibiya waxaa ka jiro hogaamiyeyaal iska soo wada horjeedo garabna ka helaayo dawladdo shisheeye tusaale ahaan dawladda la aqoonsan yahay waxaa garab u ah dalka Turkiga,Generaalka hawlgabka ah ee Xaftar waxaa garab u ah Imaaraatka iyo Ruushka,waxaa intaas dheer in wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Liibiya Qadaafi lana yiraahdo Seyfal Islaam qadaafi inuu isagana qeyb ka yahay tartamaaysha xilka madaxweynaha Liibiya.Doorashadda dalka Liibiya ayaa loo balansanaay in la qabto 24/12/2021-ka balse dib ayey uga dhacday mana la sheegin goorta la qabanaayo doorashadda,arrinta doorashadda madaxweyne iyo tan baarlamaanka dalka Liibiya waxaa ka taagan ismariwaa kii ugu xumaay eeyna u sabab yihiin dalal shisheeye oo dano gaara ka leh dalkaas waxa uuna dal kasta jilaafo u dhigaa doorashadda dalka Liibiya haddii uu u jeedi waayo shaqsigii uu watay waa isbaaro siyaasadeed oo ka socoto dalka Liibiya.ISHA AP

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SAFIIRKII IRAAN U FADHIYEY YAMAN OO GEERIYOODAY.

(IRAAN):Safiirkii dalka Iraan u fadhiyey(SANCA) dalka Yaman Xasan Irlu ayaa waxa uu u geeriyooday caabuqa COVID-19 ka dib markii laga soo qaaday dalka Yaman asbuuci ina soo dhaafay.Sida uu bartiisa Twitter-ka ku qoray maanta oo Talaada ah(21/12/2021)-ka wasiirka arrimaha dibadda dalka Iraan waxaa shahiiday safiirkii dalka Iraan ee la shaqeeynaayey xukuumada badbaado qaran(National Salvation Goverment).Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iraan Saciid Khdhibzadeh isagoo qiimaynaayo safiir Irlu ayuu ku sifeeyey inuu yahay (SHAHIID) iyo inuu ahaay khabiir ku xeel dheer ku dagaalanka hubka kiimikada ah waxa uuna safiir Irlu ka qeybgalay dagaalkii dhexmaray dalalka Ciraaq iyo Iraan sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda ariimaha dibadda dalka Iraan Saciid.Waxaa la qorsheeynaayey in iskaashi lala sameeyo dalalka qaar si safiir Irlu loo geeyo meel lagu daaweeyo waxaane arrintaas iskkaashi lagala sameeyey dalka Scuudiga ayadoo loo maray dalka Ciraaq si loo caawino safiir Irlu loogana soo qaado dalka Yaman loona keeno dalka Ciraaq waane eey suuragashay taas oo safiir Irlu waxaa yaman looga soo qaaday diyaarad laga leeyahay dalka Ciraaq oo ah nuuca gargaarka deg deg ah.ISHA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXII BAARAYAASHA DAGAALKA YAMAN OO…

(YAMAN):Dhawr bilood ka hor waxa aan bogaan idiinku kugu soo gudbiyey in is-hortaag lagu sameeyey waqti u kordhinta gudiga baarayo dagaalka dalka Yaman kaaso looga shaki qabo inuu lugaha la galo dembiyo,hadaba maxaa hadda soo kordhay kuna saabsn arrintaan?

Telefoonka gacanta ee uu iska leeyahay madaxa baarayaasha qaramada middobay u qaabilsan dalka Yaman Kamaal Janduubi ayaa la afduubay waxaane lagala baxay macluumaad muhiim ah waxaane afduubkaas gaysatay shirkad laga leeyahay dalka Israa’iil lana yiraahdo(NSO GROUP),sababta eey shirkadda u sameeysay arrintaan ayaa la rumaysan yahay ineey tahay ineey heshiis la gashay dalalka qeybta ka ah dagaalka gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraatka waayo ayaga ayaa hormuud u ahaay is hortaagii la isku dayey ee ahaay inaan waqtiga loo kordhin baarayaashaan si eey u soo dhammaystiraan warbixintooda dagaalka Yaman.Wadamadda reer Galbeedka ee u ololeynaayey in baaritaan lagu sameeyo dagaalka dalka yaman ayaa aaminsan in la galay dembiyo dagaaal eeyna tahay in la ciqaabo kuwii galay.Kamaal Janduubi oo ah nin u dhashay dalka Tuniisiya ahne madaxa baarayaasha qaramada midoobay ee dagaalka dalka Yaman ayaa ah shaqsiga la weeraray telefoonkiisa waxa uuna weerarka dhacay sannadkii 2019-kii sida eey sheegtay hayadda xuquuqul insaanka ee Amnesty International waxaane in la weeraray telefoonka Kamaal cadeeyey sheybaar ku yaalo Jaamicadda Toronto ee dalka Kanada.ISHA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUHAAJIRIIN CIRAAQ U DHASHAY OO DIB LOO SOO CELINAAYO.

(CIRAAQ):Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ciraaq ayaa maalintii Jimcaha waxa uu sheegay in la soo qaadi doono seddex kun sideed boqol iyo todobo iyo toban(3,817)-qofood oo reer Ciraaq ah kuwaaso ku go’odoonsan xuduuda u dhexeeyso dalalka Belaruus iyo Booland,sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ciraaq dadkaas reer Ciraaq ayaa lagu soo celin doonaa dalkooda waxaane lagu soo daad gureeyn doonaa duulimaadyo deg deg ah.ISHA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BILJAM:MUSLIMIINTA OO RACFAAN KA QAATAY…

(BILJAM):Muslimiinta ku nool dalka Biljamka ayaa sheegay iney racfaan ka qaadan doonaan mamnuucidda hilibka xalaasha ah amaba qalidd xoolaha waxa eeyna dacwadooda u gudbi doonaan sida eey sheegeen maxkamadda xuquuqul insaanka ee qaaradda Yurub.”Golaha fulinta ee muslimiinta dalka Biljamka iyo golaha isku duwidda muslimiinta ayaa si wadajir ah waxa eey ugu dadaali doonaan ineey dacwadooda gaarsiiyaan maxkamada xuquuqul insaanka ee qaaradda Yurub si looga qaado xayiraadda ka saaran ineey qashaan xoolaha”.ISHA DS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BILJAM:MAXKAMAD XUKUN KU RIDAY DIBLOMAASI KUWAYTI AH.

(BILJAM):Maxkamad ku taalo caasimadda dalka Biljam ee Brussels ayaa shalay oo ahayd Arbaca waxay xukun ku riday diblomaasi kuwayti ah iyo xaskiisa ka dib markii eey si xun ula macaamileen adeegto u dhalatay dalka Itoobiya sidii ayadoo ah Adoonkooda gudaha caasimadda Biljam ee Brussels.Diblomaasiga u dhashay Kuwayt iyo xaaskiisa ayaan joogin maxkamadda markii la qaadayey dacwadooda waxa eeyna dalka Biljam ka bexeen bilo ka hor,safaaradda Kuwayt ee dalka Biljam ayaan ka jawaabin dalka maxkamadda waayo waxa eey rabtaa ineey marin habaabiso una hesho marmarsiinyo eey ku difaacdo dibloomaasiyiintooda dembiga loo haysto.Intii lagu guda jiray dacwada loo haysto dibloomaasigaan Kuwayt ah bartamihii bishii hore ee Noofembar ayey xeer beegsiga Biljam codsadeen in diblomaasiga Kuwayt iyo xaaskiisa lagu xukumo afar sano waayo dembiyadda eey galeen ayaa waxaa ka mida Tahriibin dad ineey xabsi geliyeen adeegtadooda iyo ineeysan siin wax mushaar ah.ISHA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SOOMAALIYA:DOORASHO MASE DAGAAL SOKEEYE?

(SOOMAALIYA):Dalka Soomaliya ayaa waxa uu galay marxalad cusub maanta oo ah Axad ah(12/12/2021)-ka ka dib markii midawga musharixiinta xilka madaxweyne eey soo saareen qoraal leh miisaankiisa kuna saabsan mawqifkooda ku aadan dorsahadda dalka Soomaaliya 2020/2021-ka,sababta eey qoraalkaan u soo saareen ayaa waxaa u sabab ah codsi eey u gudbiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa eeyna kaga codsadeen in la hakiyo doorashadda la isuguna yimaado shir looga arrinsanaayo doorashaddan aan ku socon habraacii lagu heshiiyey taasne lagama yeelin oo looma qaban bareeg.Midawga musharixiinta ee xilka madaxweyne oo kaashanaayo xoogag ayaga taabacsan ayaa waxa eey is hortaageen waqti korosi uu baralamaanka u sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo bishii abriil-2021-ka,arrintaan cusub ayaa noqonayso mid soo afjari karta ila meereysada ka taagan doorsahadda dalka Soomaaliya 20/21-ka halka besha caalamka u muuqato mid indhaha ka fiirsaneyso waxa socdo mana ka hadlin khaladaadka jiro iyo cidda leh masuuliyadeeda waxase la arki doonaa beesha caalamka haddii uu dhaco gacan ka hadal maalmaha soo socdo arrintuna isku dhex yaacdo waane waxa eey doonayaan si eey arrimaha doorashadda Soomaliya ugu gacan gasho,qoraalka eey soo saareen Midawga Musharixiinta oo faahfaahsan ka akhriso halka hoose.ISHA CAASIMADDA ONLINE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NIN ARKAAY DADKII KU LE’EDAY BADDA INGIRIISKA OO KA HADLAY WIXII…

(CIRAAQ):Waxa aan la soconaa dhibaatadii baaxadda weyneed ee ka dhacday badda isku xirta dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska,waxa halkaas ku dhintay inta la xaqiijiyey dad gaaraayo labaatan iyo todobo(27)-qofood waxa eeyna ahayd dhacdo soo jiidatay indhaha caalamka oo dhan,hadaba dhacdaas nin reer Ciraaq ah kana soo jeedo gobolka Sulaymaaniya oo arkaay waxa dhacay ayaa ka hadlay una hadlay warbaahinta caalamka.Doon eey saaran yihiin dad muhaajiriin soona jaray nuska masaafaddii eey ku gaari lahayeen kanaalka Ingiriiska ayaa mid ka mida dadkii saarnaay doonta kuna labisan jaakadaha dadka u diida ineey ku haftaan biyaha ayaa waxa uu dul sabaynaayey biyaha badane si aad ah ayey u xumeed.ISHA NYT.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIRAAQ: MEYDAD YAZIDI AH OO LA HELAY.

(CIRAAQ):Boqolqql qofood oo Ciraaqiyiin ah kuna sugan waqooyiga dalkaas Ciraaq ayaa shalay waxa eey ka qeyb galeen aas loo sameynaayey dad dhan afartan iyo kow(41)-qofood una dhashay dadka laga tirtada badan yahay ee Yazidi kuwaasoo haraag meeydadkooda laga helay qabriyo si wadajir ah eey kooxda Daacish ugu aastay tuuladda Kojo kuna taalo buuraha Sinjar,dadkaas la laayey hadane hal meel si wadajir ah loogu wada aasay ayaan la garanayn kuwa eey yihiin waxaane hadda la wadaa baaritaan lagu ogaanaayo kuwa eey yihiin oo waxa laga qaadaa DNA-da.ISHA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SARKAAL SARE OO XIZBULLAAHI AH OO LAGU DILAY YAMAN.

(YAMAN):Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Yaman Mucamar Aleryaani maanta oo Khamiis ah(9/12/2021)-ka sarkaal sare kana tirsan ururka Xizbullaahi ee dalka Libnaan balse dalka Yaman u joogay inuu kaalmeeyo kooxda Xuutiyiinta ayaa waxa uu ku geeriyooday dagaal ka dhacay gobolka Ma’arib,sarkaakaan sare ee Xizbullaahi kuna sugnaay Yaman si uu gacan u siiyo Xuutiyiinta ayaa magaciisa lagu sheegay Akram Alsayid,waxa uuna Akram ku dhintay madfac eey soo rideen ciidamadda dawladda ee Xuutiyiinta kula dagaalamaayo gobolka Ma’aib gaar ahaan halka loo yaqaano Umu Reesha waane goob eey isku horfadhiyaan garabyadda uu ka dhexeyo dagaalka dalka Yaman.ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More