YAMAN:BARAKACAYAAL GANTAA KU HABSADAY.
(GENEVA):Marka laga soo bilaabo sannadkii 2011-kii waqtigaaso uu dhacay kacdoonkii xukunka looga tuuray dhawr madaxweyne oo carab ah,dalka Yaman waxa uu ka mid ahaay dalalka uu saameeyey kacdoonkaas balse jid kale ayuu maray kacdoonkii reer Yaman eey xukunka uga tuureen AUN-Cali Cabdalla Saalax waxaane dalka yaman uu gacanta u galay koox shiica ah gacan saarne la leh dalka Iraan iyo Ururka Xizbullaahi ee dalka Libnaan,kooxdaan qabsatay Yaman lana yiraahdo XUTIYIINTA ayaa wada ineey isku balaariyaan goboladda dhaca waqooyiga dalka Yaman waxaane isbalaarintooda ka dhashay barakac aad baahsan oo aad u saameyey dadkii danyarta ahaay.Gobolka Ma’arib kuna yaalo xuduuda u dalka Yaman la wadago dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa waxa uu ka socday dagaal u dhexeeyo dawladda uu caalamka aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadan iyo kooxda Xuutiyiinta waxaane la soo sheegaa in maanta oo khamiis ah(9/12/2021)-ka in kooxda Xuutiyiinta eey gantaal ku weerareen xarun eey maamusho hayadda qaramadda midoobay u qaabilsan muhaajiriinta ee loo yaqaano(IOM) xaruntaan ayaa waxa eey ku taalaa degmada Alwaadi ee gobolka Ma’arib,waxaane gantaalka eey soo rideen Xuutiyiinta ku dhaawacmay afar caruur ah iyo qof dumar ah,hayadda (IOM) ayaa waxa eey baaq u dirtay garabyada ku dagaalamaayo Yaman waxa eeyna u sheegtay in la ixtiraamo sharciyadda caalamiga ah ee samafalayaasha iyo kan dadka rayidka ah.ISHA AA.
DOORASHADDA SOOMAALIYA OO GABI AHAANBA JOOGSATAY.
(SOOMAALIYA):Dalka Soomaaliya waxaa si tartiib tartiib ah uga socdo doorashadda aqalka hoose ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,doorashadaan ayaa waxa ka taagan doodo aad u fara badan eeyna ugu weyn tahay ku shubashadda waayo laba maamul goboleed iyo doorashada gobolada waqooyi ee lagu qabto Muqdisho waxaa ka soo yeertay qeyladhaan aan kala joogsi lahayn waxa eeyna qeyladhaantaasi sababtay in la baabi’iyo natiijooyinka qaarkood dibna loogu noqdo u codeeynta kuraastaa mar kale tusaale ahaan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa la hakiyey markii dambane la baabi’iyey laba kursi eey dhacday doorashadooda,laakin hadda arrinta taagan ayaa ah doorashadda goboladda waqooyi ee Soomaaliya laguna qabto Muqdisho waxaane isku haayo arrinta doorashadaan labada garab eey kala hogaaminaayaan gudoomiyihii hore ee aqalka sare Cabdi Xashi iyo Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahad Guuleed waxaane hadda gabi haan joogsatay doorashada aqalka hoose ee goboladda waqooyi.ISHA CAASIMADDA ONLINE.
DALKA FINLAND OO LACAG UGU DEEQAY SOOMAALIYA.
(FINLAND):Maanta oo Talaada ah(7/12/2021)-ka dalka Finland ayaa sheegay inuu ugu deeqay lacag dhan 7.65-milyan oo EURO ah una dhiganto $8,626.254-milyan oo doolarka Maraykanka ah hayadda UNICEF si loogu horumariyo waxbarashada dalka Soomaaliya.Safiirka Finlanda ee soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaaladda Nayroobi PIRRK TAPIOLA ayaa yiri”Dalka Finland waxa uu si aad ah ugu faraxsan yahay inuu dalkiisa bilaabay kala qeybqaadashadda UNICEF sidii caruurta Soomaaliyeed loogu faa’iidaysan lahaay”.Wasiirka wasaaradda waxbarshadda ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed C/laahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in ka qeybqaadashadda waxbarashadda Soomaaliya eey suurageli doonto helitaanka dugsiyo eey caruurta aado kuwaso hadda aan haysan dugsiyo.ISHA MEMO.
MIDAWGA YURUB OO TURKIGA UGU BAAQAY INUU KA BAXO LIIBIYA
(LIIBIYA):Wakiilka sare ee midawga Yurub u qaabilsan amniga iyo arrimaha dibadda Losep Borrel ayaa dalka Turkiga waxa uu ugu baaqay inuu isaga baxo dalka Liibiya si dhibaatadda dalka Liibiya xal looga gaaro.Hadalka Borrel ayaa waxa uu la xiriiraa in Liibiya iyo beesha caalamka wakiiladeeda kuna sugan Liibiya isku dayayaan in si ficil ah sidii kumaanaanka kun dagaalyahan ee ajnabiga ah ee calooshooda u shaqeeysta looga saari lahaay dalka Liibiya.Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Sputnik lagana leeyahay dalka Ruushka, intii uu socday fadhigii looga hadlaayey arrimaha miditereniyaanka kana dhacay Roma ayuu Brrel yiri”Liibiya waxaa jirto faragelin badan iyo xoogag shisheeye sida kuwa Turkiga waane ineey dalka Liibiya isaga Baxaan”ISHA WAKALAADAHA.
DAGAALKA DALKA YAMAN OO BAARITAAN LAGU SAMEEYNAAYO.
(QARAMADA MIDOOBAY):In ka badan lixdan urur ayaa golaha qaramada midoobay waxa eey ku qalqaalinayaan in la abuuro gudi baara soona ururiyo cadeeymaha la xiriiro ku xadgudubka xuquuqda bani’aadanimada intuu socday dagaalka dalka Yaman ee todobo jirsaday,waxaane suuragal ah ineey ka mid yihiin dembiyo dagaal iyo dembiyo lid ku ah bani’aadanimada.Ururadaan u ololeynaayo in baaritaan lagu sameeyo wixii ka dhacay dalka Yaman intuu socday dagaalka dalkaas ayaa waxaa ka mid ah Amnesty International iyo Human Rights Watch,sida eey sheegeen ururadaas maanta oo khamiis ah(2/12/2021)-ka waa in la dejdejiyaa hawsha gaar ahaan ka dib markii bishii oktoobar ee sannadkaan uu golaha xquuqul insaanka ee qaramada midoobay u codeeyey in la xiro baaritaanka dadka si arxandaridda ah loogu dilay dalka Yaman.Sida eey ku warbixiyeen khubaro aqoon u leh dagaaladda dagaalka ayaa sheegay dagaalka ka dhacay dalka Yaman in lagu galay dembiyo dagaal oo aad u xoogan eeyna sameeyeen dhinacyada dagaalamay oo dhan(XUUTIYIINTA IYO XULUFADDA ),waxaane dalka Yaman gariiriyey dagaal sokeeye marka laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii.
YAA KA DAMBEYEY WEERARKI ALKAADIMI?
(CIRAAQ):Tan iyo markii dalka ciraaq eey soo weerareen xulafadii uu hogaaminaayey Maraykanka sannadkii 2003-dii ilaa maanta ma uusan heli deganaasho dhab ah,waxa loo weeraray dalka Ciraaq waqtigaas ayaa lagu sheegay in Ciraaq ka dambaysay weerarkii lagu qaaday dalka Maraykanka sannadkii 2001-dii weerarkaaso eey sheegatay kooxda alqaacidda.Dagaalkii lagu qaaday dalka Ciraaq ayaa waxaa ka dhashay burbur soo gaaray dalka Ciraaq iyo shacabkii reer Ciraaq oo u kala baxo sunni iyo shiico halkaasne eey fursad ka hesho dawladda Iraan kuna fargeliso arrimaha dalka Ciraaq waane mid weli taagan faragelinta Iraan ee arrimaha dalka Ciraaq.Dalka Ciraaq waxa dhawaan ka dhacday doorasho eey diidan yihiin natiijadeeda Ciraaqiyiinta shiicada ah waxayna dalka ka wadaan fawdo iyo dagaalo goosgoos ah kana dhaca caasimadda Baqdaad,kooxahaan shiicadda ah ayaa horaantii bishaan noofembar-2021-ka waxa eey isku dayeen ineey khaarijiyaan raysl wasaaraha dalkaas Ciraaq Mustafa Alkaadimi ayagoo adeegsanaayo diyaadaha aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano DRONES gaar ahaan kuwa loo adeegsado qaraxyada balse hayadaha amaank dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyey in Drones-ka qaraxay eey soo tuureen maleeshiyaadka Shiicadda eey taageerto Iraan waxaane halkaas ka dhashay khiyaano eey dawladda Iraan kula kacday dadka reer Ciraaq,hadaba wargayska Middle East Eye ayaa wax ka qoray weerakii lagu qaaday guriga Raysal wasaaraha Ciraaq ee ku yaalo magaaladda Baqdaad.ISHA MEE.
KUWEYT OO MASUULIYIIN LAGU XUKUMAY.
(KUWEEYT):Dalka Kuweeyt maxkamada sare ee racfaanka ayaa waxay xukun todobo sano ah ku riday xildhibaan reer Bangaaladeesh ah iyo inuu bixiyo lacag ganaax ah oo dhan(2.7)-milyan oo diinaarka Kuweyt ah,sababta xildhibaankaan reer Bangaaladeesh loogu xukumay xukunkaan adag ayaa ah inuu dad reer bangaaladeesh ah si aan sharci ahayn ku keenay dalka kuweeyt isagoo kashanaayo masuuliyiin reer Kuweeyt ah,dacwadaan ayaa soo socotay in muddo ah gudaha dalka Kuweyt.Sidoo kale maxkamadda ayaa xukun dhan todobo sano waxa eey ku riday Gashaanle Sare Maazen kana dhashay qoyska xukuma dalka Kuweyt ka dib markii uu qeyb ka qaatay keenidda dadkaan sharci darada ah reer Bangaaladeesh isagoo ka tirsanaay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kuweyt,waxaa kalo isna xukun uu ku dhacay agaasime ka tirsan wasaaradda shaqada dalka kuweyt lana yiraahdo Xasan Khadar,labadaan masuul ayaa laga qaaday masuuloiyadii eey u haayeen dalka kuweyt.xildhibaan hore oo reer Kuweyt ah Saalax lugna ku leh arrintaan ayaa isagana lagu xukumay todob sano oo xarig ah iyo ganaax dhan todob boqol iyo afartan(740,000)-kun oo diinaarka kuweyt ah.ISHA GULF NEWS.
MAXBUUS LA WAAYEY KA DIB MARKII LA SII DAAYEY.
(UAE):Labaatan sano ka dib jirdil aan xad lahayn iyo xarig aan lahayn sabab loona gaystay wiil u dhashay Yaman lana waayey markii laga sii daayey Xabsiga Guantanamo.C/qadir waxa uu ahaay maxbuus laga sii daayey xabsiga Guantanamo waxaane la geeyey dalka Imaaratka carabta ka dib markii lagu waayey waxa uu ku eedeysnaayey.C/qaadir Al-madhrafi waxa uu ahaay arday barta cilmiga caafimaadka waxa uuna dalka Bakistaan yimid sannadkii 2001-dii si uu u sii wato waxbarashadiisa,waa la afduubay C/qaadir waxaane laga iibsaday hayadda sirdoonka dibadda ee dalka Maraykanka loona yaqaano C.I.A-da sida uu qoray wargayska Middle East Monitor(MEMO) waxaane sidaas sameeysay dawladda Bakistaan oo C/qaadir la xiriirisay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee World Trade Centre ee magaaladda New York ee dalka Maraykanka sannadkii 2001-dii.ISHA MEMO.
SACUUDIGA OO WAX KA BEDELAY DA’ADA LAGU AADI KARO CUMRADDA.
(MAKKAH):Wasiirka xajka iyo Cumradda ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa baabi’iyey qaraarkii horay loo saaray ee xadidaayey da’ada dadka soo Cumraysanaayo kana imaanaayo dalka Sacuudiga dibadiisa,da’daas ayaa ahayd inta u dhexeeyso sideed iyo ilaa konton(18-50)-sano,warkaan ayaa laga helay ilo muhiim ah laguna kasoonaan karo warkooda waana wargaysyadda OKAZ iyo Sacuudi Gazzette.Waqti hore ayuu wasiirka Xajka iyo Cumradaee dalka Boqortooyadda Sacuudiga soo saaray qaraar lagu xakamaynaayo da’ada dadka soo Cumraysanaayo kana imaanaayo dibadda Sacuudiga waxa uuna ka dhigay sideed iyo toban ilaa kontan(18-50)-sano,laakinse waxaa weli halkeedii ah inaan la ogoleeyn inuu Cumra u yimaado dalka Boqortooyadda Sacuudiga qof eey da’adiisa ka yar tahay sideed iyo toban(18)-sano.ISHA WARKA SAUDI GAZETTE.
MAXKAMAD LA WEERAY DALKAAS LIIBIYA.
(LIIBIYA):Dalka Liibiya waxa uu ka mid yahay dalalka uu ka dhacay kacdoonkii carabta sannadkii 2011-kii,kacdoonkaas ayaa waxaa xukunka looga tuuray kaligii taliyihii dalkaas Liibiya Mucamar Al-qadaafi oo dalkaas soo xukumaayey muddo aad u dheer laakinse dalka ayaa galaya fawdo iyo dgaaalo qaraar oo dhexmara kuwa xukun doonka ah oo eey gadaal ka taagan yihiin danleey batroolka dalkaas rabta ineey ku hesho sicir jaban,waxa uuna dalka liibiya hadda isu diyaarinaa doorasho dabayaaqadda sannadkaan-2021-ka.Ergadda qaramadda midoobe ee ku sugan dalkaas Liibiya ayaa cambaareysay maanta oo Jimca ah(26/11/2021)-ka weerarkii eey rag hubaysan ku qaadeen maxkamadda Racfaanka taasoo dib u egaysay go’aankii loogu diiday inuu doorashadda ka qeybgalo wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalkaas Liibiya Mucamar Al-qadaafi lana yiraahdo Sayful Islaam Qadaafi.Shalay oo khamiis ahayd ayey rag hubaysan waxa eey hareereeyeen maxkamad ku taalo koonfurta dalkaas Liibiya gaar ahaan magaaladda Sabha waxayna is hortaageen garsoorihii maxkamadda kaaso rabay inuu dib u eegis ku sameeyo racfaan uu soo qortay Sayful Islaam Qadaafi,arrintaan ayaa timid ka dib markii gudiga doorashoouinka ee dalkaas Liibiya eey diideen in Sayful Islaam Qadaafi ka qeygalo doorashadda lagu wado ineey dalkaas ka dhacdo bisha soo socoto ee diseembar afar iyo labaatankeeda(24/12/2021)-ka.ISHA WAKAALADO.
WASIIRAD MARYAM SAADIQ AL-MAHDI OO EEDEYSAY..
(SUUDAAN):Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxaayey warar sheegaayo in Raysal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo hogaamiyaha ciidamadda sameeyey afgembiga Gen.Burhaan ineey gaareen hishiis si dalka loo gaarsiiyo doorasho,arrintaan la xiriirta afgembiga ka dhacay Suudaan bishii oktoobar shan iyo labaatankeedii(25/10/2021)-ka ayaa wxaaa ka hadashay wasiiraddi hore ee arrimaha dibadda ee xukuumadda la afgembiyey ee Rw Xamduuk Maryam Saadiq Al-Mahdi mar eey wareysi siineysay idaacad laga leeyahay dalka Maraykanka barnaamij ka baxo lana yiraahdo THINK TANK.Wasiiradda ayaa eed adag waxa eey u jeedisay Masar iyo Israa’iil waxa eeyna sheegtay in ayagu ka dambeeyaan afgembiga ka dhacay dalka Suudaan,waxayna wasiiradda tiri”Masar iyo Israa’iil ma awoodaan ineey Suudaan wax ka sameeyaan”.Wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar Saami Shukri oo ka jawaabaayey hadlka wasiirad Maryam ayaa yiri”Anaga ma taageerayno dhinac ka mida dhinacyada isku haayo Suudaan,mana fargelinayno arrimaha dalka Suudaan”.ISHA AA.
DHINACYADI ISKU HAAYEY SUDAAN OO GAARAY HESHIIS.
(SUUDAAN):Wararka ka imaanaayo dalka Sudaan ayaa sheegaayo ineey heshiis wada galeen Raysal wasaare Xamduuk iyo hogaamiyaha ciidamadda afgembiyey dawladdii rayidka ahayd ee uu hogaaminaayey Xamduuk bishii oktoobar shan iyo labaatankeedii(25/10/2021)-ka.Heshiiska ayaa laga sii daayey Tv-ga eey leedahay dawladda Sudaan mana cadda waxa lagu heshiiyey oo wxaa dhici karta ineey ka horyimadaan dadka dimuqaraadi doonka ah ee wada banaanbaxyadda iyo xisbiyadda mucaaradka ee dalkaas Suudaan.ISHA WAKALADAHA.
XAALADDA NOLOLEED EE YAMAN OO LAGA DEEYRINAAYO.
(YEMEN):Tan iyo markii uu dagaalka ka bilawday dalkaas yaman waxaa soo kordhaayey qeyla dhaanta ka imaanayso hayadaha samfalka kana hawlgala dalkaas Yaman,hayadda qaramada midoobay u qaabilsan cuntada(WFP) ayaa maanta oo Axad ah(21/11/2021)-ka ka digtay ineey kor u kacdo bahidda ka jirto dalka Yaman waxa eeyna haydada ku sababeysay in sicir barar ku yimid cuntada dalkaas uu halakeeyey dagaalka,WFP ayaa sheegtay in xaaladda bani’aadanimo ee ka jirto Yaman ee kaga sii dartay qiimaha lacagta dalkaas ee ah Riyaal hoos u dhacday oo halkii doolar($1) oo Maraykan ah waxa uu hadda Yaman ka joogaa kun iyo shan boqol(1500) oo riyaal yamani ah waane dhulka eey ka taliso xukuumadda uu aqoonsan yahay caalamka ee madaxweyne C/rabu Mansuur Haadi.ISHA WAKALADAHA.
TAHRIIBIN DUMAR U DAGAALAMAY DAACISH.
(SUURIYA):Xaasas ajaanib ah laguna tuhmaayo ineey yihiin dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish iyo caruurtooda ayaa si aan sharci ahayn looga wadaa xerada lagu haayo kuna taalo dalka Suuriya ee la yiraahdo Al-Hol eeyna maamulaan rag Kurdis ah,xeradaan ayaa dhacda bariga dalka Suuriya ee gobolka Idlib waxaana la geeyaa xero kale oo eey gacanta ku hayaan kooxda XAYAT AL TAXRIIR ALSHAAM(HTS),shuuradaha dumarkaan lagu geeynaayo xerada cusub ayaa ah ineey aqbalaan ineey guursadaan rag ka tirsan kooda HTS si eey ugu tahriibiyaan xuduuda dalka Turkiga.Tiro dumar ah oo dhan afartan(40) iyo caruurtooda ayaa hadda waxa eey ku nool yihiin xerada Aljumayla ee ku taalo galbeedka Idlib kuna dhaw xuduuda dalka Turkiga,inta badan dumarkaan ayaa ah ajnabi waxa eeyna badankooda ka soo jeedaan sida la sheegay muslimiinta Ruushka,Chachnya iyo dejakistaan waxaane jiro dumar reer Suuriya ah kuna nool qeybo gaar ah kana tirsan xerada.Dumarkaan qaarkood waxa eey ka soo baxsadeen xerada eey maamulaan Kurdiyiinta ee Al-hol una dhaw xuduuda u dhexeeyso dalalka Ciraaq iyo Suuriya.ISHA WAKAALADAHA.
SUUDAAN OO ,OOGA DAWAAQAY DAWLAD KU MEEL GAAR AH.
(KHARTUUM):Tan iyo markii uu afgembiga ka dhacay dalka Suudaan bishii oktoobar shan iyo labaatankeedii(25/10/2021)-ka lana xirxiray dhammaan golihii wasiiradda ee xukuumaddi rayidka ahayd ee uu hogaaminaayey Raysal wasaare Cabdalla Xamduuk kaaso hadda ku jiro xabsi guri(House Arrest).Gen.Burhaani oo ah hogaamiyihii afgembiga dalka Suudaan ayaa maanta oo Khamiis ah(11/11/2021)-ka waxa uu Khartuum uga dhawaaqay dawladda ku meel gaar ah isagana uu u yahay madax,arrintaan ayaa laga yaabaa ineey ka dhashaan iska hor imaad u dhexeeyo ciidamadda Suudaan iyo banaan baxayaasha dimuqaraadiya doonka ah kuwaaso banaanbaxoodu uu soo bilawday markii uu dhacay afgembiga.ISHA AP.
QARAX KA DHACAY CADAN.
(CADAN):Dalka Yaman waxaa weli ka socda dagaalkii u dhexeeyey kooxda Xuutiyiinta iyo dawladda uu caalamka aqoonsan yahay,magaaladda Cadane waa halka saldhiga u ah dawladda Yaman ee uu caalamku aqoonsan yahay waxaane magaaladaas hadda ku soo batay weerarada loo adeegsado qaraxyadda weerarkii ugu dambeeyeyne maanta uu ka dhacay magaaladda Cadan gaar ahaan degmada Khoormaksar kana tirsan gobolka Cadan.Qaraxa ayaa ahaay mid waxyaabaha qaraxa oo loo dhigay baabuur eey wateen qoys saxafiyiin ah una dhashay dalka Yaman,qoyskaan ayaa u wada shaqeeyo Tv-ga laga leeyahay dalkaas Imaaraatka Carabta lana yiraahdo Al-cayn,saxafiyadda la yiraahdo Rasha’a Cabdallah iyo cunug eey dhashay lana yiraahdo Jawaad waxa eey ku dhinteen isla goobta uu ka dhacay qaraxa waxane dhaawac culus uu soo gaaray ninkeeda oo isna ah saxafi kana shaqeeyo isla Tv-ga Al-Cayn lana yiraahdo Maxamuud Al-Cutmi,qoyska ayaa u socday Takhtar eey la balansaneed Rasha’a oo leheed uur si loogu sameeyo baaritaan caafimaad balse inteey gaarin goobtii caafimaad geeriyootay.ISHA AP.
HOGAAMIYEYASHA AFEGEMBIGA SUUDAAN OO..
(KHARTUUM):Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa maanta oo Arbaca ah(3/11/2021)-ka ku soo biiray wadamadda ku baaqay in si deg deg ah loo soo celiyo dawladdi rayidka ahayd eey ciidamaddu afgembiyeen ee dalka Suudaan,wadamadda horey ugu la soo celiyo dawladdii uu hogaaminaayey Raysal Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa kala haay Maraykanka iyo Ingiriiska.Waxaa jiro qoraal eey si wadajir ah u soo saareen afarta dawladood(Maraykanka,Ingiriiska,Sacuudiga iyo Imaaraatka) kaaso loogu baaqaayo hogaamiyeyaasha ciidamadda Suudaan ee Afgembiyey dawladdii Rayidka ahayd ineey sii daayan dadka u xiran eey ka mid yihiin golihii wasiiradda ee Raysal Wasaare Hamduuk isla markaasne dalka laga qaado xaaladda deg dega ah,qoraalka ayaa si toos waxa uu cadaadis u saaraa hogamiyeyasha Afgembiga ka dhacay dalka Suudaan ee kala ah Gen.C/fataax Burhan iyo Gen.Maxamed Hamdan Dagalo waxaane laga cosdsaday ineey sameeyaan tanaasul,labadaan Generaal(Burhan iyo Dagalo) ayaa ah kuwa xulafo la ah wadamadda Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.ISHA WARKA AP.
TIRADA QAXOOTIGA REER SUURIYA OO KORORTAY.
(NETHERLAND):Sida uu qoray wargayska Netherland Time maanta oo Talaada ah(2/11/2021)-ka in ka badan 2,550-qofood oo Suuriyaan ah ayaa dalka Netherland ka codsaday magangalyo intii lagu guda jiray rubicii seddexaad ee sannadka(2021)-ka marka la barbardhigo rubicii labaad ee isla sannadka(2021)-ka oo eey dhammaayeen1,015-qofood.Guud ahaan dadka soo codsaday magangalyadda rubaca seddexaad ee sannadkaan dalka Netherland ayaa dhan 8,845-qofood waxaane dadkaas ugu badan dad ka soo jeedo dalka Suuriya,sidoo kale waxay ayana korortay tiradda codsiyadda magangelyo eey gudubsadeen dadka ka soo jeedo dalka Afgaanistaan kuwaaso rubicii labaad ee sannadkaan ahaay 210-qofood ayaa rubaca seddexaad ee sannadkaan gaaray 1,565-qofood.XIGASHO MEMO.
TURKIGA OO DALKIISA KA MUSAAFURINAAYO SUURIYIIN.
(TURKEY):Dalka Turkiga ayaa weli wada baacsiga uu ku haayo qaxootiga reer Suuriya ee ku sugan dalkiisa waxaane magaaladda IZMIR ciidamadda booliska ku xireen sideed(8) qofood oo qaxooti reer Suuriya ah shalay oo Sabti ahayd(30/10/2021)-ka,sideedaan laga qabtay Izmir ayaa waxaa lagu deraa kow iyo toban(11) kale oo iayaguna ah qaxooti reer Suuriya ah kuna xiran xabsiyadda magaaladda Istambuul,sababta loo xiray dadkaan ayaa lagu sheegay ineey tahay Video-gii la soo dhigay baraha bulshada ee loo yaqaano MOOSKA,mid ka mida qaxootiga ayaan weli qaan gaarin waxaane loo gudbiyey qeybta lagu haayo caruurta aan weli qaan gaarin.
Agaasimaha waaxda socdaalka ee dalka Turkiga ayaa bilaabay hawlihii dadkaan Suuriyiinta ah looga musaafurin lahaay dalka Turkiga,Tirada dadka qaxootiga ah kana soo jeedo dalka Suuriya loona diyaarinaayo in dalkoodii hooyo dib loogu celiyo ayaa garaayo sagaal iyo toban (19)-qofood uu ka mid yahay wiil aan weli qaan gaarin.XIGASHO DS.
QARAX KA DHACAY MAGAALADDA CADAN.
(CADAN):Hayadaha amaanka ee magaaladda Cadan ee koonfurta dalka yaman ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa,waxa uuna qaraxa ka dhacay barkoontarool oo laga galo garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee magaaladda Cadan ee dalka Yaman.Garoonka ayaa waxa uu ku yaalaa degmada Khoormaksar ee magaaladda Cadan.
Qaraxa ayaa waxa uu sababay dhimasho shan(5) qofood ah iyo dhaawac dhan shan iyo labaatan(25) qofood,dadka qaraxa ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mida caruur iyo dumar waxaane goobta uu ka dhacay qaraxa isku gadaamay ciidamadda amaanka ee magaaladda Cadan ee koonfurta dalka Yaman,dadkii ku dhawacmay qaraxa ayaa loo qaadaya isbitaaladda magaaladda Cadan.Sida eey sheegeen hayadaha amaanka ee magaaladda Cadan, qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur uu nuuciisu yahay “HILUX” Soomaaliduna u taqaano Xaajiyo Khamsiin,jugta qaraxa oo aad u cusleed ayaa sababtay in bubur soo gaaro dhismayaal iyo baabuur ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.
XIGASHO WAKAALADAHA.