SACUUDIGA IYO BAXRAYN OO XIRIIRKII U JARAY LIBNAAN.
(BEYRUUT):War ka soo baxay dalka Boqortooyadda Sacuudiga maanta oo Jimca ah(29/10/2021)-ka ayaa lagu amray safiirka dalka Libnaan u fadhiyo dalka Sacuudiga inuu dalka uga baxo muddo dhan afartan iyo sideed(48)-saac,waxaane loo yeeray safiirka dalka Sacuudiga u fadhiyo dalka Libnaan inuu isagana ku soo laabta dalka si dhaqsi ah,waxaa kalo dheer in la joojiyey dhammaan badeecadii la geyn jiray iyo kuwii laga keni jiray dalka Libnaan.Scaado ka dib markii amarakaa uu ka soo baxay dalka Sacuudiga ayaa waxa ayadana war soo saartay boqortooyadda Baxrayn kaaso eey ku sheegtay in dalkeeda uu isga baxo safiirka Libnaan muddo dhan laba maalomood,waxaane sidaan ku go’ay xiriirkii siyaasadeed ee u dhexeeyey dalalka Sacuudiga,Baxray iyo Libnaan.Sababta keentay in dalka Sacuudiga u jaro xiriirka dalka Libnaan ayaa ah hadal uu yiri wasiirka warfaafinta dalka Libnaan wariyaha caanka ah ee George Kardaax hadalkaas ayaa ku saabsanaay dagaalka dalka Yaman wariye Gardaax ayaa yiri”Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta waa ku gardaroodeen Yaman”,Imaaraatka weli ayada waxba kama dhihi hadalka kardaax mana eeysan qaadin wax talaaboa ah balse dalka Baxrayn oo aan qeyb ka ahayn dagaaka Yaman ayaa qaaday talaabo la mida tan uu qaaday Sacuudiga.Dhinaca kale wariye Kardaax ayaa u jawaabay dad soo jeediyey inuu is casilo si lo dejiyo xiisadda taagan waxa uuna u sheegay inuusan marnaba is casileeyn siina haan doono wasiirka warfaafinta dalka Libnaan,Kardaax ayaa lagu tiriya inuu taageero buuxda uu hayo ururka eey wadamadda Khalijka u aqoonsan yihiin inuu yahay aragagixiso ee Xisbullaahi gacan sarkana la leh dalka Iraan.XIGASHO WAAAKAALADAHA.
CALI AL-NIMRI WAA WIIL DIL KA BADBAADAY.
(SACUDI CARABIYA):Dalka Sacuudiga waxaa jiray sharci eey dadka oo dhan u siman yihiin laguna wada fuliyo waane dil,dilka ayaa waxaa lagu xukumaa laguna fuliyaa dadka sameeyo Banaanbax looga soo horjeedo boqortooyadda,dhac hubaysan iyo qarax eey dad wax ku noqdaan,sharciga dilka ah waxaa hadda lagu fuliyaa dadka da’adoodu weyn tahay mana lagu fuliyo dhallinyarada aan weli qaan gaarin,sharciga cusub ayaa waxaa la soo saaray Abriil-2020-ka waxa uuna dhigaa inaan dil lagu xukumi karin dhallinyarad aan weli qaan gaarin,arrintaan ayaa timid ka dibmarkii dalka boqortooyadda eey cambaareey xoogan kala kulantay xukuno dil eey ku fulisay dhallinyaro aan weli qaan gaarin.
Cali Al-Nimri waa wiil dhallinyara ah una dhashay dalka Sacuudiga waxaana la xiray sannadkii 2012-kii ka dib markii uu ka qeyb qaatay kacdoonkii looga soo horjeeday boqortooyada waqtigii uu kacdoonka ka socday wadamada Carabta,waxaane Cali xukun dil ah lagu xukumay sannadkii 2014-kii waqtigaaso Cali uu jiray 17-sano,xukunka ku dhacay Cali ayaa waxaa ka dhashay cambaareeyn aad u xoogan oo loo soo jeediyey boqortooyada Sacuudiga.
Abriil-2020-kii Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa soo saaray sharci cusub oo khuseeyo dhaliinyaradda aan weli qaan gaarin ee ka qeyb qaata mudaaharaadyada looga soo horjeedo Boqortooyadda shacigaas ayaa dhigaayo inaan la toogan karin dhallinyarad aan weli qaan gaarin balse xabsi loogu bedelo.
Cali Al-Nimri ayaa maanta oo Arbaca ah(27/10/2021)-ka waxa uu ka soo baxay xabsiga uu ku jiray muddo dhan sagaal(9)-sano waxa uuna dib ula midoobaya ehelkiisa,waxaane sii dayntiisa ka hadlay aabaha dhalay Cali iyo adeerkiis kuwaso wax ku qoray tweeter-ka sheegayne ineey ku farxeen sii deynta wiilkooda.XIGASHO WAKALADAHA.
AFGEMBIGA SUUDAAN IYO SIDA LOOGA FALCELIYEY.
(SUUDAAN):Dalka Suudaan waxaa shalay ka dhacay afgemni eey hogaaminaayan ciidamadda dalkaas,dalka Suudaan ayaa xukunka waxaa laga riday madaxweyne Al-bashiir oo hadda u xiran dawaldda la afgembiyey lamana yaqaano in Al-bashiir loo dhiibi doono maxkamada qaada dembiyada dagaalka ee ICC mar haddii ciidamada la wareegeen taladda dalka Suudaan,hadaba afgembigaas ayaa waxaa ka falceliyey caalamka intiisa badan gaar ahaan wadamadda daneeyo dalkaas Suudaan.XIGASHO MEE.
65-QOFOOD OO LOO MAXKAMADEYNAAYO DAGALKII BEYRUUT.
(BEYRUUT):Garsoore reer Libnaan ah ayaa lixdan iyo shan(65)-qofood ku eedeeyey iska hor imaadkii bishaan ka dhacay magaladda caasimadda ah ee Beyruut,iska hor imaadkaas ayaa waxa ku dhintay lix qofood waxane ku dhaawacmay tobaneeyo kale sida maanta oo Isniin ah(25/10/2021)-ka ku warantay wakaaladda wararka u faafiso dalka Libnaan.
14-kii bishaan oktoobar-2021-ka ayey ahayd markii uu iska hor imaad ka dhacay koonfurta magaaladda Beyruut,iska hor imaadkaas ayaa ahaay kii ugu xumaay ee ka dhaca caasimadda Beyruut muddo sannada ah,iska hor imaad ayaa waxa uu ka bilawday ka dib markii uu ururka Xisbullaahi ee Shiicada ah eey sameeyeen banaabax looga soo horjeedo garsoore ka mida garsoorayaasha baaraayo qaraxii ka dhacay dekadda Beyruut 4/8/2020kii qaraxaasoo eey ku dhinteen dad gaaraayo seddex boqol oo qofood kuna dhaawcmeen tiro intaas ka badan,sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku burburtay hanti aad u fara badan oo dadkii iska lahaay aan weli la siin wax magdhaw ah,Xisbullaahi waxa eey wadao ayaa ah is-hortaag baaritaanka qaraxa Beyruut si aan loo maxkamadeey kuwii ka dambeeyey.XIGASHO WAKAALADAHA.
DHAXAL SUGAHA SACUUDIGA OO DILAY ADEERKIISA BOQOR CABDALLA.
(SACUUDI ARABIYA):Tan iyo markii uu boqorka Sacuudiga Salmaan uu la wareegay taladda dalkaas waxa ka dhacay waxyaabo aan horay uga dhicin dalkaas kuwaso uu sameeyey wiilkiisa dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan,waxa uuna xirxiray rag fara badan oo maalqabeen u badan iyo siyaasiyiin caan ka ah dalka Sacuudiga isagoo ku eedeeyey ineey dhac ku sameeyeen hantidii qaranka mana jirto cid si cad uga hortimid oo iska dhicisay Maxamed Salmaan,taariikhdii ugu xumayd waxa eey ka raacday dilkii wariyihii u dhashay Sacuudiga ee lagu dhex dilay safaaradda Sacuudiga ee dalka Turkig sanado ka hor.
Sacad Jaabir oo horay u soo noqday taliyaha sidoonka dalka Sacuudiga ayaa waxa uu wareeysi siiyey Tv-ga CBS ee dalka Maraykanka gaar ahaan barnaamijka loo yaqaano lixdanka daqiiqo ee baxa maalinta Axada ah,Sacad ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan ugu faanay inuu isaga dilay bqorkii hore ee Sacuudiga AUN-Cabdalla dilkisana uu adeegsaday SUN laga keenay dalka Ruushka. Sacad Jaabir ayaa hadalkiisa sii raaciyey sheegayne in isaga iyo wasiirkii hore arrimaha gudaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Naa’if in Maxamed Salmaan ku yiri”Aniga ayaa dilay Boqor Cabdalla sannadkii 2014-kii si aabihiisa Salmaan uu ugu fadhiisto kursiga boqortooyadda”XIGASHO WAKAALADAHA.
QAXOOTIGA JOOGO LIIBIYA OO DALBADAY TARXIIL.
(LIIBIYA):Kumanaan qofood oo isugu jiro qaxooti iyo muhaajiriin kuna sugan dalka Liibiya ayaa isugu soo baxay iridda hore ee xarunta Qaramadda Midoobe ee magaaladda Tripoli ee dalka liibiya,isu soo baxa ayaa socdo todobaadkii seddexaad,dadka isu soo baxay ayaa ku qeylinaayo in laga daad gureey dalka Liibiya halkaaso uu ka dhacay raaf ba’an oo loo gaystay dadka soo gelootiga ah waxaane dhacday in qaar iyaga ka mida eey ku dhinteen rasaas eey ku rideen ciidamadda liibiya ee ilaaliyo halka lagu xareeyo dadka soo gelootiga ah waxaane rasaastaas ku dhintay ilaa lix qofood oo ka mida dadka la rafaay mana jirto cid ilaa hadda arrintooda ka hadashay waayo hayadda qaxootiga ee qaramadda midoobay(UNHCR) ayaa isaga baxday dalka Liibiya ka dib markii eey dheceen xadgudubyada loo gaystay dadka qaxootiga ah iyo kuwa muhaajiriinta ah. Inta uu socday raafka u gaarka ah soo gelootiga dalka liibiya ayaa waxaa la soo qabtay dad gaarayo shan kun(5,000)-qofood eeyna ka mid yihiin 540-dumar ah,sodon(30) ka mida dumarkaas ayaa leh UUR mana eeysan heli xanaanayntii eey u baahnaayeen,dhibaatadda ugu weyn ee ka taagan halka lagu haayo dadka qaxootiga ah iyo kuwa muhaajiriinta ah ayaa ah”daryeel xumo caafimaad,Biyo la’aan,cunto la’aan iyo musqulaha oo ah kuwa baaba’asan”. XIGASHO ALAMARSAD LIBYA.
QAXOOTI REER SUURIYA AH OO LA KULMAY…
(SUURIYA):Qaxootiga reer Suuriya ah oo dib ugu soo laabanaayo dalkooda uu baabi’iyey dagaalka ayaa wajahay waxyaabo bani’aadanimadda ka baxsan oo kaga imaanaayo xukuumadda Bashaar Asad sida Jirdil,Xirid iyo Dil aan loo marin jid sharci ah sidaas waxaa sheegtay hayadda u dooda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch(HRW).Hayadda ayaa warbixinteed cinwaaan uga dhigtay hadal eey dheheen qaxootiga soo laabtay oo ah”NOLOSHEEYNA WAA SIDA DHIMASHO”Qaxootigaan reer Suuriya ayaa ka soo laabtay dalalka Suuriya la deriska ah sida Libnaan iyo Urdun.Dukumintiyo eey heshay hayadda xuquuqul insaanka u dooda ee (HRW) ayaa sheegaayo ineey jiraan qubuuro lagu aasay dad eey ku xadgudbeen ciidamadda Bashaar Asad dadkaas ayaa waxaa ka mida lixdan iyo shan(65)-qofood oo iyaga iyo qoysaskooda waxyeelo loogu gaystay gudaha dalka Suuriya intii u dhexeeysay sannadaddi 2017 ilaa 2021-ka,lixdan iyo shantaan(65)-qofood labaatan iyo kow(21) ka mida ayaa si dulmi ah loo xiray,seddex iyo toban(13)-qofoodne waa la jirdilay,shan xaaladoodna maxkamad la’aan ayaa la toogtay waa sida eey sheegtay warbixinta(HRW),sidoo kale waxaa jiro dad qaxooti reer Suuriya ah oo lagu la’ayahay gudaha dalkooda Suuriya,waxaa kaloo jira kuwo afduub ku maqan iyo kuwa si qasab ah loogu Galmood(KUFSI).XIGASHO WAKAALADAHA.
AFAR ILAA SHAN CARUUR AH AYAA KU DHIMATA AMABA NAAFA KU NOQOTA YAMAN.
(YAMAN):Afhayeenka UNICEF ayaa maanta oo Talaada ah(19/10/2021)-ka sheegay in ka badan toban kun(10,000) oo caruur reer Yaman ah in la dilay amaba la dhaawacay mudadii uu socday dagaalka dalka Yaman.Sida laga soo xigtay Qaramadda Midoobay waxaa dalka Yaman lagu dilay seddex kun,afar boqol iyo konton iyo shan(3,455) caruur ah waxaane lagu dhaawacay in ka badan lix kun iyo lix boqol(6,600) kale oo caruur ah dagaalka dalka Yaman inta u dhxeeysay(15/32015)-kii ilaa (30/9/2021)-ka.Afhayeenka UNICEF James Elder ayaa warbaahinta u sheegay in tirada caruurta reer Yaman ee dhimatay amaba dhaawacantay eey tahay tiraddii ugu dhaweed ee nala siiyey eeyna nasiiyeen hayadaha caalamka kana hawlgala dalka Yaman.”Tirada cusub ayaa sheegayso in dalka Yaman eey ku dhinteen amaba eey ku nafoobeen afar ila shan caruur ah maalin kasta taasina waa ceeb xusuus mudan tan iyo markii uu isbahaysiga uu hogaaminaayo Sacuudiga soo frageliyey dagaalka dalka Yaman sannadkii 2015-kii”sidaas waxaa yiri James Elder afhayeenka UNICEF.XIGASHO MEE.
WIXII SHALAY KA DHACAY MAGAALADDA BEURUUT IY SABABTA.
(BEYRUUT):Dalka Libnaan caasimadiisa Beyruut waxaa shalay ka dhacay dagaal aan waxba la isula harin dagaalkaaso u dhexeeyey kooxa iska soo horjeedo kuna wada sugan magalaadda Beyruut,dagaalkii shalay ayaa waxaa ku nafwaayey dad gaaraayo lix qofood waxaane ku dhaawacmay dhawr qofood oo kale,dagaalka ayaa salka ku haayo baaritaanka qaraxii ka dhacay dekadda Beyruut baaritaankeeda cidda wada iyo masuulka ugu sareeyo garsoorayaasha baaraayo qaraxaas galaafta naf iyo maalba ceeyrteeyeyne dadka reer Libnaan,hadaba sheekadda ka dambayso dagaalkii shalay ee magaaladda Beyruut iyo sababta lagu diidan yahay ee loogu banaanbaxaayo garsoore Dhaariq Bitaar ayaa waxaa wax ka qoray wargayska ARABI-21 kana soo baxa dalka Ingiriiska.XIGASHO Arabi21.
IS RASAASEYN KA DHACDAY BEYRUUT.
(BEYRUUT):Dalka Libnaan caasimadiisa Beyruut waxaa maanta ka dhacay rabshado eey ku dhinteen dad gaaraayo lix qofood eeyna ku dhaawacmeen in ka badan sodon qofood,argagax iyo cabsi wada socdo ayaa taabatay dadka reer Beyruut maanta ka dib markii eey bilaabatay is rasaaseyn u dhexeyso taageerayaasha uruuka Xisbullaahi iyo dhaqdhaqaaqa Amal meel u dhaw qasriga cadaaladda.Boqolaal taageerayaal u ah labada koox ee shiicadda ah ee isugu yimid ineey u banaanbaxaan sidii xilka looga qaadi lahaay Dhaariq Bitaar oo ah madax garsoorka baarayaayo qarxii ka dhacay dekadda Beyruut.XIGASHO ANADOLU.
QAS SIYAASADEED OO KA TAAGAN DALKA SUUDAAN.
(KHARTUUM):Dalka Suudaan waxaa weli ka taagan isafgaran waa u dhexeeyo siyaasiyiinta madaniga ah iyo masuuliyiinta ciidamadda,waxaane dhacday in safarka dibadda ah laga joojiyey kow iyo toban siyaasi oo ka mida siyaasiyiinta madaniga kana tirsan xukuumadda Suudaan,arrintaan ayaa ka dhalatay hadal uu yiri Raysal wasaaraha dalkaas Suudaan Xamduuk kaasoo ahaay in afgembigii dhicisoobay bishii tagtay ee Sebtembar-2021-ka eey ka dambeyeen saraakiil taabcsan kaligii taliyihii hore ee dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ee xukunka laga tuuray.XIGASHO MEMO.
BARAKAC XOOGAN OO KA SOCDO GUDAHA DALKA YAMAN.
(SANCA-YAMAN):In ka badan todobaatan iyo afar kun(74,000) oo Yamaniyiin ah ayaa ka barakacay guryahooda tan iyo markii uu bilawday sannadkaan-2021-ka sidaas waxa shalay sheegtay hayadda qaramada midoobay u qaabilsan muhaajiriinta(IOM).”Marka laga soo bilaabo kowdii Janaayo-2021-ka ilaa sagaalka bishaan Oktoobar-2021-ka hayda qaramad midoobe u qaabilsan muhaajiriinta(IOM) ee dalka Yaman ayaa tiri”Ugu dhawaan laba iyo toban kun afar boqol iyo toban iyo seddex(12,413)-qoys,todobaatan iyo afar kun(74,000)-shaqsi ayaa halmar ka baracakay halkii eey deganaayeen,sidoo kale hayadda(IOM) ayaa sheegtay ineey halmar barakaceen shan boqol iyo afar(504)-qoys iyo seddex kun iyo labaatan iyo afar(3,024)-shaqsi mudadii u dhexeeysay seddexdii ilaa sagaalkii(3-9) bishaan Oktobar-2021-ka,inta badan barakaca ayaa waxaaa sababay dagaaladda ka socdo goboladda Ma’arib,Shabwa iyo Albayda kalana dhacaan bartamaha iyo koonfur-bari ee dalka Yaman.XIGASHO WALAAKADAHA.
HOGAAMIYIHII UGU SAREEYEY KOOXDA DAACISH EE DALKA CIRAAQ OO LA QABTAY.
(BAQDAAD):Xukuumadda Ciraaq ayaa maanta oo Isniin ah(11/10/2021)-ka sheegtay ineey gacanta ku dhigeen masuulkii ugu sareeyey kooxda Daacish ee ka hawlgasha xuduudka u dhexeeyo dalalka Ciraaq iyo Suuriya.RW-raha Ciraaq Mustafa Alkaadimi ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in ninka la yiraahdo Saami Jaasim oo ahaay madaxa maaliyadda ee kooxda Daacish isla markaasne ahaay ku xigeenka hogaamiyihii kooxda Daacish ee la dilay Abubakar Albaqdaadi la soo qabtay,Rw-Alkaadimi ayaa ninkaan ku sifeeyey inuu ahaay qofkii ugu adkaay eey soo qabtaan sirdoonka Ciraaq ee ka hawlgala xuduudka u dhexeeyo Ciraaq iyo Suuriya.Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa Saami Jaasim madaxiisa dul dhigtay lacag dhan shan milyan oo doolar($5,000,000).Qof u hadlay sirdoonka Ciraaq balse qariyey magaciisa ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay in Saami Jaasim eey xireen saraakiil dalal shisheeye ka hor inta eeysan qaban ciidamadda sirdoonka Ciraaq ee ku sugan xuduudka,hadaba waa kuma Saami Jaasim muxuuse ka soo qabtay kooxda Daacish?
Magaca:Saami Jaasim Maxamed.
Dhashay:Sannadkii 1974-tii(47)-sano.
Magacyadiisa Afgaradka:Abu Aasiya,Xaaji Xaamud,Abu C/qaadir Alzubaydi.
Xaaskiisa:Shukri Saalax,waxaa kaloo uu guursaday gabdho yar-yar oo Ayazidiin ah-Muusal.
Caruur:Cumar, Sumayaha,Aasiya iyo Abubakar.
XILALKA UU KA SOO DHEX QABTAY KOOXDA DAACISH:
2004-ti:Waxa uu ka mid noqday kooxda Altawxiid Aljihaad ee bilaad Alraafideeyn waxaane madax u ahaay Abu Muscab Alzarqaawi kana tIrsanaay kooxda Alqaacidda.
15/2/2005-kii:Waa la xiray waxaane xiray ciidmadda Maraykanka ee joogay dalka Ciraaq waxaane la sii daayey sannadkii 2010-kii.Marki la sii daayey waxa uu noqday madaxa amniga iyo la dagaalanka khamriga,daroogada ee gobolka Salaaxdiin ee dalka Ciraaq.
10/6/2014-kii:waxa uu noqday madaxa amniga ee Dejla ka dibne ku xigeenka Daacish ee Dijla,markaas ka dib ayaa waxaa loo bedelay Shaam waxa uuna noqday diiwaan hayaha hogaamiyihii Daacish Abubakar Albaqdaadi ka dibne waxaa loo magacaabay ku xigeenka Abubakar Albaqdaadi,xilka uu haayey Saami Jaasim ayaa ahaay maaliyadda kooxda Daacish.Markii la dilay Abubakar Albaqdaadi waxa uu noqday kormeeraha Shaam ee kooxda Daacish iyo ninka eey gacantiisa ku jiraan dhammaan galalka maaliyadda ee kooxda Daacish waxa eeyna wada shaqeeyn kala dhexeeysay madaxa kooxda Daacish ee bedelay Abubakar Albaqdaadi (Abu Ibraahim Alqurayshi).XIGASHO WAKAALADAHA.
QARAX KA DHACAY MAGAALADDA CADAN EE DALKA YAMAN.
(CADAN):Qarax aad u xoog badan ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaala xeebeedka Cadan ee dalka Yaman halkaasoo saldhig u ah xukuumadda caalamku aqoonsan yahay,sida eey sheegeen masuuliyiin Yaman ah weerarka loo adeegsaday qaraxa ayaa waxaa loola dan lahay in lagu khaarijiyo laba wasiir kana tirsan xukuumadda Yaman balse waa eey ka badbaadeen weerarka.Weerarka loo adeegsaday qaraxa ayaa waxa ku geeriyooday lix qofood waxaane ku dhaawacmay tiro intaas ka badan oo dad ah,wasiiradda iyo masuuliyiinta la weeraray ayaa kala ahaay wasiirka kallumaysiga iyo beeraha Salim Soqadra iyo gudoomiyaha gobolka Cadan Axmed Lamlas,goobta uu ka dhacay qaraxa ayaa ahayd degmada Tawaahi ee magaaladda Cadan ee dalka yaman.
XIGASHO WAKAALADAHA.
TACADI BA’AN OO LIIBIYA LOOGU GAYSTAY MUHAAJIRIINTA.
(LIBYA): Wararka ka imaanaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in dalkaas eey ka dheceen tacadiyo loo geysanaayo dadka muhaajiriinta ah ee lagu soo qabtay raafkii eey sameeeyeen ciidamadda dalka Liibiya todobaadkii hore,warbixin eey soo saartay hayadda qaramadda midoobay u qaabilsan muhaajiriinta(IOM) ayaa lagu sheegay in muhaajiriintii la qabtay loo gaystay kufsi iyo jirdil ba’an markii la soo qabnaayey waxaane la isugu geeyey xero eey liidato xaaladeeda nololeed,dadka la soo qabtay ayaa waxaa ka mida dumar uur leh,caruur dhalatay goor dhaw iyo dad uu liito caafimaadkooda,muhaajiriinta ayaa ka soo cararay dalal eey ka taliyaan diktaytaro eeyna ka jirto nolol aad u liidato.XIGASHO THE GUARDIAN
DALALKA SACUUDIGA IYO IMAARAATKA UU XAALKAU KU XUN YAHAY.
(RIYAAD):Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya waxa uu qalqaalo aad u weyn ugu jiraa sidii uu uga hortegi lahaay qaraarka eey garwadeenka ka yihiin wadamo reer galbeed ah kuna saabsan sidii waqti loogu kordhin lahaay baaritaanka eey hayadda qaramadda midoobe ku wadaan weerarka eey xulafadda uu hogaaminaayo Sacuudiga ku qaadeen Xuutiyiinta dalka Yaman,waxaanaba dhici karta in baaritaankaan reer galbeed gadaal riixayaan inuu ku soo afjarmo in wadamadda Sacuudiga iyo imaaraatka lagu eedeeyo ineey galeen dembiyo dagaal kuna mutaystaan ciqaab adag bacdamaa dagaalkaas eey ku hoobteen dad badan oo aan waxba galabsan loona adeegsaday hub casri ah,wadamadda reer galbeedka ah ee arrintaan gadaal ka taagan ayaa laga xusay dalalka Netherland iyo Canada.XIGASHO MEMO.
MAXAMED BIN RAASHID OO FADEEXO KU SOO BAXDAY.
(DUBAI):Dalka Imaaraatka Carabta waxa uu ka mid yahay dalalka Carabta ee qaniga ku ah shidaalka waxa uu ka tirsan yahay wadamadda la isku yiraahdo Gacanka Khaliijka kuwaso ka kooban lix dal, magaaladda Dubai ninka maamulo ee la yiraahdo Maxamed Bin Raashid Al maktuum ayaa waxa uu heshiis la galay shir laga leeyahay dalka Israa’iil oo wax basaasta,shirkadaan ayaa waxa eey u sameysay ninkaan xukumo Dubai inuu la socdo dhaqdhaqaaqa qoyskiisa iyo cidii eey is qabtaan gudaha dalka Imaaraatka iyo dibadiisaba,hadaba si aan wax badan uga ogaano arrimaha basaasida ah uu sameeyey Maxamed Bin Raashid ayaan halkaan waxa aan idiinku soo gudbihaa dhacdooyinkii basaasnimo ee uu sameyey Maxamed Bin Raashid,waxaane xogtaan soo bandhigay waragayska MIDDLE EAST MONITOR ee ka hadla arrimaha Carabta iyo Caalamkaba.
WAX KA OGOW MASUULIYIINTA CARABTA AH KANA MIDA PANDORA PAPERS.
(BEIRUT):Tan iyo markii eey soo shaac baxday sheekadda la magac baxday PANDORA PAPERS waxaa hal mar isla dhaqaaqay afakana wada furtay saxaafadda caalamka waxa eeyna mid walba afkeeda kaga hadashay masuuliyiinteed fahmaayo afkooda,bariga dhexe oo ah halka ugu masuuliyiin badan kana mida liiska la helay ayaa waxa ka hadlay soona qaatay qaar ka mida masuuliyiinta ilaa hadda helay magacyadooda waragayska la yiraahdo MIDDLE EAST EYE(MEE),waragaysku ma uusan soo wada qaadan dhammaantooda masuuliyiinta la soo hadal qaaday ee waa qaar iyaga ka mida sida Bqorka dalka URDUN,AMIIRKA QADAR iyo Madaxa Imaarada DUBAI.XIGASHO MEE.
DOORASHADII DALKA QADAR OO LAGU DULMIYEY DUMARKA.
(DOOXA QADAR):Shalay oo Sabti ahayd kuna beegneed 2/10/2021-ka ayaa waxaa dalka Qadar ka dhacday doorasho lagu dooranaayo golaha la tashiga ee dalkaas Qadar,dumarka bixyey codkooda ayaa si aad ah waxa eey uga xumaadeen inaan qof dumar ah loo dooran ineey ka mid noqoto golaha la tashiga ee dalka Qadar. Caalamka oo indhaha ku haayey doorashadaas ka dheceeysay dalka qadar ayaa ku han weyn in amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim inuu isticmaalo doono awoodiisa kuna magacaabi doono shan iyo toban xubnood oo dumar ah kana mid noqon doono golaha la tashiga ee dalka Qadar. XIGASHO DAILY SABAH.
LIIBIYA OO BAACSI KU BILAWDAY TAHRIIBAYAASHA AFRIKAANKA AH.
(QAAHIRA-AP): Ciidamadda amaanka ee dalka Liibiya ayaa maanta oo Jimca ah soo xiray dad gaarayo 500-qofood oo wada ah muhaajiriin Afrikaan ah waxaane dadkaas la soo xiray ka mida dumar iyo caruur sida eey sheegeen laba sarkaal una shaqeeyo hayado samafal iyo kooxda qaxootiga maamusha.Xukuumadda Liibiya ayaa ugaarsiga dadka Afrikaanka ah ku sifeeysay inuu yahay mid qeyb ka ah hawlgalo lagu soo qabqabanaayo muhaajiriinta aan sharciga ku joogin dalka Liibiya,masuuliyiinta Liibiya ayaan sheegin ineey soo qabteen kuwa ka shaqeeysto tahriibka iyo kuwa kontorobaanka sameeyo.XIGASHO AP.