HOGAAMIYIHII UGU SAREEYEY KOOXDA DAACISH EE DALKA CIRAAQ OO LA QABTAY.
(BAQDAAD):Xukuumadda Ciraaq ayaa maanta oo Isniin ah(11/10/2021)-ka sheegtay ineey gacanta ku dhigeen masuulkii ugu sareeyey kooxda Daacish ee ka hawlgasha xuduudka u dhexeeyo dalalka Ciraaq iyo Suuriya.RW-raha Ciraaq Mustafa Alkaadimi ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in ninka la yiraahdo Saami Jaasim oo ahaay madaxa maaliyadda ee kooxda Daacish isla markaasne ahaay ku xigeenka hogaamiyihii kooxda Daacish ee la dilay Abubakar Albaqdaadi la soo qabtay,Rw-Alkaadimi ayaa ninkaan ku sifeeyey inuu ahaay qofkii ugu adkaay eey soo qabtaan sirdoonka Ciraaq ee ka hawlgala xuduudka u dhexeeyo Ciraaq iyo Suuriya.Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa Saami Jaasim madaxiisa dul dhigtay lacag dhan shan milyan oo doolar($5,000,000).Qof u hadlay sirdoonka Ciraaq balse qariyey magaciisa ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay in Saami Jaasim eey xireen saraakiil dalal shisheeye ka hor inta eeysan qaban ciidamadda sirdoonka Ciraaq ee ku sugan xuduudka,hadaba waa kuma Saami Jaasim muxuuse ka soo qabtay kooxda Daacish?
Magaca:Saami Jaasim Maxamed.
Dhashay:Sannadkii 1974-tii(47)-sano.
Magacyadiisa Afgaradka:Abu Aasiya,Xaaji Xaamud,Abu C/qaadir Alzubaydi.
Xaaskiisa:Shukri Saalax,waxaa kaloo uu guursaday gabdho yar-yar oo Ayazidiin ah-Muusal.
Caruur:Cumar, Sumayaha,Aasiya iyo Abubakar.
XILALKA UU KA SOO DHEX QABTAY KOOXDA DAACISH:
2004-ti:Waxa uu ka mid noqday kooxda Altawxiid Aljihaad ee bilaad Alraafideeyn waxaane madax u ahaay Abu Muscab Alzarqaawi kana tIrsanaay kooxda Alqaacidda.
15/2/2005-kii:Waa la xiray waxaane xiray ciidmadda Maraykanka ee joogay dalka Ciraaq waxaane la sii daayey sannadkii 2010-kii.Marki la sii daayey waxa uu noqday madaxa amniga iyo la dagaalanka khamriga,daroogada ee gobolka Salaaxdiin ee dalka Ciraaq.
10/6/2014-kii:waxa uu noqday madaxa amniga ee Dejla ka dibne ku xigeenka Daacish ee Dijla,markaas ka dib ayaa waxaa loo bedelay Shaam waxa uuna noqday diiwaan hayaha hogaamiyihii Daacish Abubakar Albaqdaadi ka dibne waxaa loo magacaabay ku xigeenka Abubakar Albaqdaadi,xilka uu haayey Saami Jaasim ayaa ahaay maaliyadda kooxda Daacish.Markii la dilay Abubakar Albaqdaadi waxa uu noqday kormeeraha Shaam ee kooxda Daacish iyo ninka eey gacantiisa ku jiraan dhammaan galalka maaliyadda ee kooxda Daacish waxa eeyna wada shaqeeyn kala dhexeeysay madaxa kooxda Daacish ee bedelay Abubakar Albaqdaadi (Abu Ibraahim Alqurayshi).XIGASHO WAKAALADAHA.